25.8 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

ATMIS iyo Ahlu-Sunna oo qarka u saaran dagaal kadib go’aan kasoo baxay ATMIS

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Taliyaha Sectorka 4-aad ee Ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS Col. Xasan Jaamac ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug xilli ay halkaas ka jirto hadal heyn ku aadan weerar ay kooxda Ahlu Sunna qorsheeneyso inay kusoo qaado magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb.

Col. Xasan Jaamac ayaa kulan deg deg ahaa la qaatay saraakiisha kala duwan ee ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Galmudug ee ku sugan Dhuusamareeb.

Sida laga soo xigtay kulanka, taliyaha ayaa saraakiisha iyo taliyayaasha uu la kulmay u ballan qaaday in ciidamada ATMIS ee ku sugan Dhuusamareeb aysan gacmaha ka laaban doonin haddii ay kooxda Ahlu Sunna isku daydo inay weerar kusoo qaado Magaalada Dhuusamareeb.

Taliyaha ayaa la sheegay ciidamada howlgalka AMISOM ee ATMIS iyo saraakiishaba uu amar buuxa ku siiyey inay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Galmudug ee ku howlan sidii Dhuusamareeb looga difaaci lahaa weerarka kusoo socda.

Saraakiisha uu taliyaha la kulmay ayaa waxaa kamid ahaa Taliyaha Qaybta 21-aad General Cabdi Jaamac Cigaal, Taliyaha Howlgalinta GorGor Maxamed Dhagawayne iyo Saraakiisha kale ee Ciidanka GorGor, waxaana ka wada hadleen Amniga Guud ee Dhuusamareeb.

Kulankaan deg dega oo ay saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ay ku yeesheen Magaalada Dhuusareeb ayaa kusoo aadaya xilli maalmihii la sheegay inay kooxda Ahlu Sunna ka wado deegaanka Bohol dhaq-dhaqaaq ciidan loo fahmay inay weerar kusoo tahay Dhuusamareeb iyo Guriceel.

Ciidamada Ahlu Sunna ayaa dhawaan dagaal dhiig ku daatay oo socday muddo ku dhow 10 Maalin looga saaray Magaalada Guriceel,  waxayna wixii markaas ka dambeeyey saldhig ka dhigteen deegaanka Bohol oo ay isugu geeyeen dhammaan ciidankii daacadda u ahaa.

Xiisadaan ayaa kusoo aadeyso iyadoo deegaanada Galmudug ay ka maqan yihiin madaxweynaha Galmudug, ku xigeenadiisa, Guddoomiyaha Baarlamaanka, kuxigeenadiisa, xildhibaanada iyo wasiirada maamulkaas kuwaas oo ku wada sugan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho oo la filayo in 15-ka bishaan ay ka dhacdo doorashada madaxweynimo ee Soomaaliya.

Taliska BOOLISKA oo war kasoo saaray khasaaraha qarixii ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan Xasan oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa ka warbixiyey khasaaraha ka dhashay qarixii maanta ka dhacay isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in qaraxa oo ahaa is-miidaamin uu qofka fuliyey bartilmaameedsaday gawaari ku sugneyd Checkpointiga laga galo garoonka Aadan Cadde.

Afhayeenka ayaa intaasi ku daray in bartilmaameedka qaraxa uu ahaa General Garabey oo ka mid ah saraakiisha ciidamada Xoogga dalka, kaas oo uu gaarigaasuu taagnaa goobta, balse waxa uu sheegay inuu ka bad-baaday qaraxaasi, uuna haatan caafimaad qabo.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ruuxa is qarxiyey uu rabay inuu qabsado daaqadda gaariga oo ahaa nooca aan xabadda karin, sida uu hadalka u dhigay.

“Shaqsi isku xiray walxaha qarxa oo naftii halige ah ayaa wuxuu si toos ah u beegsaday gawaaridii taagneyd Checkpointiga, gawaaridaas oo uu ka mid ahaa gaariga General Garabey oo sida idin muuqata rabay inuu daaqadda ka qabsado, balse gaariga oo ahaa baabuurta aan xabadda karin aawgeed Ilaaheyn nooga bad-baadiyey Jananka, wuuna caafimad qabaa, waxa dhib ahna ma jiraan,” ayuu yiri Afhayeenka ciidamada Booliska.

Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sidoo kale xaqiijiyey in qaraxaan ay ku dhaawacmeen illaa 7 qof oo la geeyey isbitaallada Madiina iyo Digfer ee magaalada Muqdisho.

Dhanka kale kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, waxayna shaacisay inay la eegtay kolonyo ay wateen madax ka tirsan dowladda federaalka oo ku sii jeeday dhanka Xerada Afisyoone, sida ay ku sheegtay qoraal ay ku baahisay Internet ka.

Weerarkan qaraxa ah ayaa qayb ka noqonaya falal ammaanka darri oo maalmihii u dambeeyey ka dhacayey gudaha magaalada Muqdisho, waxaana ka mid ah weerarkii tooska ahaa ee ay bishii hore kooxdu ku qaaday xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

DAAWO: Hadal-jeedinta musharixiinta oo ka socota Teendhada Afisyoone

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomalaiya, gaar ahaan Teendhada Afisyoone waxaa toos uga bilaabatay hadal-jeedinta musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Khudbadaha musharxiinta ayaa waxaa si wadajir ah u dhageysanayaa xildhibaanada labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo ku sugan Teendhada Afisyoone.

Musharixiinta maanta hadal-jeedinta sameynaya ayaa gaaraya illaa 20 musharrax, waxaana la siiyey min 15 daqiiqo, si ay uga hadlaan taariikhdooda, barnaamijkooda siyaasadeed iyo ballan-qaadkooda ku aadan, haddii xilka loo doorto.

Ammaanka xerada ayaa si weyn loo adkeeyey, iyada oo lagu wareejiyey ciidamada howlgalka ATMIS, ex AMISOM si ay u sugaan amniga inta ay socota doorashada.

Sidoo kale qaybta labaad ee hadaljeedinta ayaa dhaceyso beri oo Khamiis ah, kuna beegan 12-ka May, waxaana khubadahooda jeedinayo madaxdii hore oo uu ku jiro Farmaajo.

Doorashada madaxweynaha oo loolan adag loo gali doono ayaa lagu wadaa inay qabsoonto maalinta Axada ah ee soo socota, kuna beegan 15-ka bishaan May ee 2022-ka.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa ku daahday doorashooyinka, kadib khilaafaad sababay dib u dhacyo ku yimid sanad iyo ka badan.

Farqiga u dhaxeeya lacagta laga qaado musharaxiinta madaxweynaha ee dalalka Afrika iyo Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalmihii dambe si weyn dalka looga hadal hayaa doorashada madaxweynaha, taasi oo lagu wado in 15-ka bishaan ka dhacdo magaalada Muqdisho.

Doorashada ayaa waxaa isku soo taagay 39 musharax oo is diiwaan-geliyay, halka kuwa kale ay iskaga hareen kadib markii ay soo buuxin waayen shuruudihii looga baahna ee ay soo saareen guddiga doorashada madaxweynaha.

Habraaca iyo shuruudaha musharixiinta madaxweynaha Soomaaliya ee sanadkaan waxaa qayb ka ahaa bixinta lacag gaareysa 40,000 dollar oo la isku diiwaan-gelinayo, waana qarashkii ugu badnaa abid ee ku baxa diiwaan-gelinta musharixiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Waxaa warbixintaan ku eegeyna qaar kamid ah dalalka qaarada Afrika iyo lacagaha musharaxiinta laga qaado, taasi oo marka loo eego midda Soomaaliya ee sanadkaan ay noqoneyso mida ugu badan ee laga qaado musharaxiin u baratameysa xilka madaxweynaha.

  • Tansania: dalka Tansaaiya oo ah dal dhaca bariga qaaradda afrika, tirada dadkiisuna ay gaarayaan 59.73 milyaan oo qof ayaa waxaa dhowrkii sanaba mar ka dhaca doorasho madaxweyne.Musharixiinta isku soo taagta xilka madaxweynaha dalka Tansania ayaa waxaa laga qaada lacag gaaraysa $1,000 dollar, taasi oo lagu diiwaan-gelinayo musharaxa madaxweynaha dalka Tansaaniya.Dalkaan ayaa kamid ah dalalka ugu yar ee laga qaado lacagaha musharixiinta u tartamaysa xilka madaxweynaha, waxaa dalkaan hadda madaxweyne ka ah Haweeney lagu magacaabo Samia Suluhu Hassan, taas oo baddashay madaxweynihii ka horeyay kadib markii uu geeriyooday.
  • Kenya: dalkaan oo deris la ah Soomaaliya ayaa isna kamid ah dalalka qaaradda ku yaallo oo 5-tiii sanaba mar ay ka qabsoonto doorashada madaxweynaha.Musharixiinta xilka madaxwynaha dalka Kenya isku soo taagta ayaa laga qaada lacag gaareysa $10,000 dolar, taas oo ah lacagta diiwaan-gelinta musharixiinta madaxweynaha dalka Kenya.
  • Burundi: Dalkaan oo kamid ah dalalka ku yaalla qaaradda Afrika, tirada dadkiisuna ay gaarayaan 11.89 milyan oo qof , ayaa dhowrkii sanaba ay mar ka dhacda doorashada madaxweynaha dalkaa.Burundi oo hadda madaxweyne uu ka yahay Évariste Ndayishimiye ayaa marka lagaaro doorashada madaxweynaha, musharixiinta xilkaas isku soo taagta laga qaadaa lacag gaareysa $7,500 dolar, taas oo ah lacagta isdiiwaangelinta musharixiinta.
  • Ghana: Dalkaan oo dhaca galbeedka qaaradda Afrika, tirada dadkiisuna ay yihiin 31.07 milyaan oo qof ayaa kamid ah dalalka afrika ee lacagaha ugu badan laga qaado musharixiinta u tartamaysa xilka madaxweynanimada ee dalkaas.Ghana waxaa musharax u tartamaya xilka madaxweynaha laga qaadaya lacag gaareysa $17,00 dolar oo ah lacagta isdiiwaangelinta musharixiinta xilka madaxweynaha daneyneysa.

Marka loo eego dalalka aan kor kusoo xusnay lacagta laga qaaday musharaxiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa illaa xad uga badan, waxayna midaan noqoneysa middii ugu badneyd ee abid laga qaado musharixiinta u tartamaysa xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Ciidanka Israel oo toogasho ku dilay wariye ka tirsan Aljazeera, Shireen Abu Akleh

DOHA (Caasimada Online) – Wariye ka tirsan Aljazeera ayaa lagu dilay rasaas ay ciidamada Israa’iil ku fureen maanta oo Arbaca ah dhulka la haysto ee Daanta Galbeed, sida uu sheegay Telefishinka Carbeed ee laga leeyahay dalka Qatar.

Israa’iil ayaa dhankeeda sheegtay in laga yaabo in ay toogteen dad Falastiiniyiin ah oo ay isku dhaceen ciidankeeda.

Mid ka mid ah saraakiisha Falastiiniyiinta ayaa sheegay in Shireen Abu Akleh ay “dileen” ciidamada Israa’iil xilli ay ka warbixineysay weerar ka dhacay magaalada Jenin, oo todobaadyadii lasoo dhaafay ay kordheen weerarada ay ciidamadu geysanayaan.

Wasaaradda caafimaadka Falastiin ayaa xaqiijisay geerida Shireen Abu Akleh, waxayna sidoo kale sheegtay in weriye labaad oo lagu magacaabo Ali Samodi isna la dhaawacay.

War qoraal ah oo uu soo saaray militariga Israa’iil ayaa lagu sheegay in ciidamadooda ay rasaas ku fureen kadib markii ay “rasaas xoog leh” kala kulmeen Jenin.

Sidoo kale waxay intaas ku dareen ‘inay ay suurta gal tahay, in suxufiyaddan ay ku dhimatay rasaas ay soo fureen Falastiiniyiintu’, laakiin hadda uu socdo baaritaanka.

Shireen waxa ay aheyd wariye aad looga yaqaanay Bariga Dhexe, iyada oo ka mid ah weriyeyaasha ugu saamaynta badan laanta Carabiga ee Aljazeera.

VOA + Reuters

Lama filaanka ka dhici kara doorashada madaxweynaha

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyada oo ay dhowdahay doorashada madaxweynaha oo loo madlan yahay maalinta Axadda ah ee 15-ka bisha May, ayaa waxaa laga dhex dareemayaa guux aad u xoogan xildhibaanada labada gole ee baarlamanka Federaalka Soomaaliya. 

Doorashada ayaa waxaa isu-diiwaangeliyey 39 musharax balse way adag tahay in saadaal laga bixiyo kan kasoo dhexbixi doono, oo kursiga calfan doona. 

Xildhibaanada qaarkood ayaa sheegaya in doorashada ay tahay mid ka duwan doorashooyinkii hore iyadoo ay suurta-gal inay hoolka ka dhacdo natiijo lama filaan ku noqon doonta murashaxiin badan oo isku arka inay yihiin kuwa ugu xooga badan horeyna dalka uga soo qabtay xilalka madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha, xukuumadda iyo dowlad goboleedyada. 

Xildhibaanada qaar ayaa laga soo xigtey inay macquul tahay in doorashadan ay aadi doono shaqsi cusub oo aan wax xil ah horey uga soo qaban dalka islamarkaana aan koox gaar ah oo siyaasadeed u afduubneyn, isku hayn kara siyaasiyiinta is diidan ee dalka.

Wax cusub maaha in mar kasta la doorbido siyaasiyiinta ama dadka aan horey dalka wax uga soo noqon, sida dhacday doorashadii Xasan Sheekh uu kusoo baxay, waana suurta-gal in taas mar kale ay dhacdo, ayey leeyihiin xildhibaanada 

“Suuragal nooma ahan inaan kala xulanno madaxweynayaashii hore, ra’iisul wasaareyaal ama wasiiradoodii sidoo kale madax dowlad goboleedyo aan naqaano,” ayaa laga soo xigtay ilaa afar kutlad oo ka tirsan labada gole taasoo ka dhigan in goluhu uu ka dhabeyn doono isbedel dhab ah . 

Xuuraan Siyaasadeed oo aan sameyney ayaa 8-da murashax ee safka ugu horeeya kaga jira doorashada waxay kala yihiin; Maxamed Farmaajo oo kursiga ku fadhiya, Xasan Sheekh Maxamuud, Sheekh Shariif, Xasan Khayre, Siciid Deni, Cabdikariin Guuleed, Daahir Maxamuud Geelle iyo Jabriil Ibraahim Cabdulle. 

Haddii sida ay xildhibaanada wax u sheegayaan ay u dhacaan, waxa tani fursad siin kartaa Jabriil Ibraahim Cabdulle, oo ah kan kaliya ee aan xil kasoo qaban Soomaaliya, haddiiba la go’aansado in weji cusub la aado.

Rajada Jabriil ayaa aad sare ugu kici doonto, haddii uu kasoo gudbo wareegga koowaad, maadaama inta badan xildhibaanada ay wareegaas kadib doorbidaan qofka cusub ee aan dhinacna raacsaneyn. 

Sheekh Aadan Madoobe oo magacaabay la-taliyihiisa siyaasadda iyo amniga

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa La-taliye sare oo arrimaha siyaasada iyo amniga ah u magacowday Maxamed Xasan Idiris.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa warqadda uu ku soo saaray magacaabidaan, wuxuu xoghayaha guud ee golaha shacabka ku faray inuu u dhameystiro la-taliyaha cusub habraaca iyo meelmarinta go’aanka sida ugu haboon ee sharciga waafaqsan.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa warqadaan ku sheegay in xafiiskiisu uu baahi badan u qabo la-taliyahaan, isla markaana uu Maxamed Xasan Idiris leeyahay aqoon iyo waayo aragnimo siyaasadeed.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa hadda ah masuulka ugu sareeya dalka, waxaana hor taalla mareynta marxaladaan kala guurka ah ee Soomaaliya ay ku jirto.

Maxamed Xasan Idiris La-taliyaha cusub ee guddoomiyaha golaha shacabka ayaa horay u soo noqday xildhibaan ka tirsan golaha shacabka, wuxuuna ka mid ahaa baarlamaankii 10-aad oo uu kasoo galay deegaanada Koonfur Galbeed.

Guddiga doorashada BF oo soo saaray 14 qodob oo la xiriira maalinka doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashada madaxweynaha ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay ku faahfaahinayaan cidda loo xil-saaray mas’uuliyadda ammaanka goobta doorashada iyo doorka ay ku yeela karaan ciidamada qaranka

Qodobka koowaad ee warqadda guddiga ayaa lagu cadeeyey in taliska booliska Soomaaliya uu yahay hoggaamiyaha guud ee amniga doorashada, halka amniga irdaha laga galo teendhada Afisyooni iyo gudaha xarunta ay masuul ka yihiin ciidanka ATMIS.

Nabad Sugidda iyo Militeriga ayaa loo sheegay inay adkeeyaan oo masuul ay ka yihiin amniga gudaha iyo daafaha magaalada Muqdisho oo doorashadu ay ka dhaceyso, waxaana si gaar ah Nabad sugidda loo faray inay fashiliyaan hadii ay jiraan dhagaro loo maleegay doorashada.

24 askar oo ka tirsan booliska Soomaaliya, kuwaas oo aan hubeysneyn ayaa gudaha hoolka doorashada kala shaqeyn doona ciidanka ATMIS, sida lagu cadeeyey bayaanka guddiga.

Sidoo kale ciidanka militeri ah oo qayb ka degan Teendhada Afasiyooni ayaa si ku meelgaar ah looga rarayaa xarunta teendhada, inta doorashada lagu guda jiro.

Hoos ka akhriso bayaanka oo dhameystiran:

Tariikh 10/05/2022 Guddoonka Baarlamaanku waxuu soo saarey bayaankan Amni ee Tafaasiishu hoos ku qoran:

A) Taliyaha Ciidanka Boolisku waa hogaaminaya Amniga guud ee Doorashadda.

B) Amniga iyo galitaanka fadhiga Xarunta waxaa gaar u leh Ciidanka ATMIS Sector 1.

C) Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidanka Nabadsugida & Sirdoonka Qaranka waxay u xilsaaran yihiin amaanka guud ee Magaalada gudaheeda iyo banaankeedaba in ay ka hortagaan wax kasta oo amaanka khalkhal galinkara sida shabaab iyo wixii la mid ah.

D) Ciidanka Nabadsugidda waa in ay si gaara ula socdaan xubnaha ka tirsan Alshabaab ee gudaha magaalada ku dhuumaalaysanaya oo ay fashiliyaan intaanay wax sameyn.

E) Ciidanka Booliska iyo kan Nabadsugida waxay ka masu’ul yihiin fududeynta socodka Murshaxiinta, Xildhibaanada iyo martida madaxda ah ee la martiqaaday ay ku soo gaarayaan Teendhada ilaa inta lagu guddo juro Doorashada.

F) Afar iyo labaatan (24) Booliis ah oo aan hubaysnayn waxay kala shaqeynayaan ATMIS warunta doorashadda ee Teendhada Afasiyooni.

G) ATMIS oo raaceysa awaamiirta Gudoonka ma ogolaanayso in wax hub ah lala soo galo Xalane maalinta Doorashada.

H) Ciidanka Xoogga Dalka qaybta degan Teendhada Afasiyooni waxay si ku meelgaar ah u banaynayaan Xaruunta teendhada inta Doorashada lagu guda jiro, waxayna xoojinayaaan Amaanka banaanka.

I) Ayadoo la raacayo sida ku cad habraacyada Guddiga qaban qaabada Doorashada Madaxwaynaha ay soo saareen, Murashaxiinta u tartamaya Xafiska Madaxweynaha waxay ka soo galayaan albaabada tilmaaman, halkaas oo ay ATMIS ka qaadi doonto ayna sii galbinayaan ilaa Teendhada.

J) Dhamaan Xildhibaanada Sharafta leh waxaa laga rajeynayaa in ay gacan siiyaan ciidanka amniga sugaya ee baraha baaritaanka joogo si loo hubiyo amniga ka soo qaybgalayaasha oo dhan.

K) Maalinta Doorashada Madaxweynaha lama ogola in lala soo galo Teendhada Telephone ama Tablet. Ka soo qaybgalayaasha waxaan kula talinaynaa in ay Telephoonadooda uga soo tagaan banaanka oo ay darwaladoodu u dhiibtaan.

L) Murashaxiinta u taagan Xafiiska Madaxweynaha maalinta Doorashada waxaa loo ogolyahay min hal caawiye. Madaxwynaha hada jooga waxaa loo ogol yahay Saddex caawiye. Madaxweynayaashii hore waxaa loo ogolyahay laba caawiye kiiba.

M) Dhamaan Murashaxiinta, Xildhibaanada iyo martida la martiqaaday baaburtooda waxay uga soo tagayaan Dugsiga Tababarka Ganaraal kaahiye ama Barxada Airportka. Intaa ka dib waxaa la marayaa baaritaanka amniga ee albaabka Airportka, dabadeedna waxaa la raacayaa Basaska Booliiska iyo UN oo geynaya Teendhada.

N) Murashaxa ku guuleysta/guulaysata Xafiiska Madaxweynaha waxaa isla markiiba amnigiisa/ amnigeeda la wareegaya ATMIS, waxaana loo qaadayaa meel amnigeedu suganyahay.

Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax goordhow ka dhacay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo jugtiisa si weyn looga maqlay meelo badan oo caasimada ka mid ah ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay isgoyska KM4, gaar ahaan wadada aada Garoonka.

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in qaraxa uu fuliyey qof isku xiray walxaha qarxa oo beegsaday gawaari lagu baarayey koontarool ku yaalla halkaasi.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku dhintay ugu yaraan 3 qof oo labo ka mid ah ay askar yihiin, halka qofka kalena uu yahay ruux shacab ah.

Is-miidaamiyaha ayaa bartilmaameedsaday gaari nooca aan xabadda karin oo uu saarnaa General Garabey oo ah taliyaha Saadka ee ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana la sheegay inuu qabsaday daaqadda gaariga, Balsem Jananka uu ka bad-baaday.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in xilligaas ay goobta ku sugneyd Zeynab Xaabsey oo ah guddoomiyaha degmada Warta Nabadda, taas oo ka bad-baaday qaraxa.

Qoraal kooban oo ay soo saartay ayey ku sheegtay in qaar ka mid ah askarta ilaalada u aheyd ay dhinteen, kuwa kalena ay dhaawacmeen.

“Alhamdulilah ilaahey ha unaxariisto askarteeni inta dhawacana allaha noo caafiyo waa nabad qabnaa Alhamdulilah,” ayey tiri guddoomiyamaha degmada Warta Nabadda.

Xaaladda goobta ayaa sidoo kale aad u kacsan, waxaana gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Zeynab Xaabsey ayaa horay waxaa waxyeelo xoogan uga soo gaartay weerarkii is-miidaaminta ee ka dhacay xarunta gobolka Banaadir ee lagu dilay ENG. Yariisow.

Weerarkan loo adeegsaday qaraxa ayaa kusoo aadaya, xilli Muqdisho laga dareemayo diyaar garow ku aadan doorashada madaxweynaha oo 15 bishan ka dhaceysa Afisyoone.

Ciidanka Danab oo howlgal ku dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab, kadibna qabtay

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada sida gaarka ah u tababaran Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed ay howlgallo qorsheysan ka sameeyeen duleedka magaalada Kismaayo ee gobolkaasi.

Howl-galladan oo lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa lagu khaarijiyey illaa 11 xubnood, halka nolosha laba xubnood oo kale.

Sidoo kale ciidamada Danab ayaa kusoo furtay howlgalladaais 6 qoray oo AK47 ah, hal qoray BKM ah, sida uu shaaciyey Taliye Carab Dheeg Axmed oo ah Taliyaha Ururka 5-aad, guutada 16-aad ee Kumaandooska Xoogga dalka Somaliyeed ee Danab.

Taliyaha ayaa xusay inay sii wadi doonaan howlgalladooda, isla-markaana ujeedkooda uu yahay, sidii Al-Shabaab looga saari lahaa halkaasi.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa deegaanada hoostaga magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Inta badan waxaa gobollada Jubbooyinka ka dhaca dagaallo u dhexeeya ciidamada huwanta iyo dagaalyahanada Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobolladaasi.

Wararkii ugu dambeeyey ee hadal-jeedinta xubnaha musharixiinta madaxweynaha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho waxaa si rasmi ah uga bilaabaneynsa hadal-jeedinta musharixiinta madaxweynaha, iyada oo maanta khudbadadooda la dhageysan doono illaa 20 musharrax oo ka mid ah 39 is-diiwaangeliyey.

Musharixiinta hadlaya ayaa la siiyey min 15 daqiiqo, si ay uga warramaan taariikhdooda, barnaamijkooda siyaasadeed iyo ballan-qaadkooda ku aadan, haddii xilka loo doorto.

Ammaanka xerada ayaa si weyn loo adkeeyey, iyada oo lagu wareejiyey ciidamada howlgalka ATMIS, ex AMISOM si ay u sugaan amniga inta ay socota doorashada.

Afhayeenka guddiga isku dhafka ah ee doorashada madaxweynaha, Mudane Maxamed Ibraahim Macallimu oo la hadlay Wariyeyaasha ayaa ka dalbaday xubnaha musharixiinta ah inay waqtiga ilaaliyaan, isla-markaana ay goor hore gaaraan gudaha xerada Afisyooni.

“Waxaa billaabaneysa hadal jeedinta musharixiinta oo ka dhaceysa teendhada Afisiyooni, musharax weliba waxaa loo qorsheeyay 15 daqiiqo, qof weliba waa in uu ilaaliyaa waqtiga uu ku qoran yahay, waxaana aad u muhiim ah oo qof weliba lagula xisaabtamayaa waqtigaas” ayuu yiri xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimu oo ka tirsan guddiga.

Sidoo kale qaybta labaad ee hadaljeedinta ayaa dhaceyso beri oo Khamiis ah, kuna beegan 12-ka May, waxaana khubadahooda jeedinayo madaxdii hore oo uu ku jiro Farmaajo.

Si kastaba, doorashada madaxweynaha oo loolan adag loo gali doono ayaa lagu wadaa inay qabsoonto maalinta Axada ah ee soo socota, kuna beegan 15-ka bishaan May ee 2022-ka.

Muxuu ahaa qaraxii galabta laga maqlay guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeri ah ayaa laga helayaa qarax galabtai ka dhacay guriga murashax madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo ku yaalla aagga hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho.

Sida ay ilo-wareedyo u xaqiijiyeen Caasimada Online, qaraxa ayaa ka dhashay qori baasuuke ah oo ka fakaday askarigii hyay, qaraxaasi oo dhaliyay khasaare isugu jira dhaawaca labo qof iyo burbur soo gaaray darbiga guriga.

Markii qaraxu dhacay ayaa dadkii gudaha guriga iyo agagaarahiisa ku sugnaa ay kala carareen, waxayna ciidamada aagga ka dhawaa ay fureen rasaas aad u tiro badan, taasoo cabsi gelisay dadkii aaga ku sugnaa.

Dadka guriga ku sugnaa iyo deegaankaba ayaa maleeyay in lasoo weeraray murashaxa maadaama uu ka mid yahay kuwa ugu afka dheer mucaaradka oo shantii sano lasoo dhaafay dagaalka kula jiray madaxweyne Farmaajo.

Waxay kaloo dadku ogaayeen weerarkii horay loogu qaaday guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ee ay fulisay xukuumaddii Xasan Kheyre, kaasi oo dhaliyay dhimasho iyo dhaawac. 

Kheyre ayaa markii uu dowladda ka baxay kadib raali-gelin ka bixiyey weerarkaas, balse Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaan weli aqbalin, inkasta oo uu qiray in raali-gelin la siiyey.

Kheyre ooh adda musharax ah ayaa aqoonyahano badan ay ka digayaan halista xooggan ee uu dalka u horseedi karo haddii uu guuleysto, maadaama horey loo soo arkay xukunkiisa ku saleysnaa awood sheegashada markii uu ra’iisul wasaaraha ahaa. 

Xogta kulankii Xasan Sheekh iyo Lafta-gareen ee caawa

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ku booqday hoyga uu magaalada Muqdisho ka degan yahay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Somalia C/casiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Labada mas’uul ayaa kulankooda ahaa mid is-xog wareysi oo la xiriira iyo arrimaha doorashada madaxweynaha, iyadoo kulanka goobjoog ka ahaayeen xildhibaano baarlamaanka cusub ka tirsan oo laga soo doorto Koonfur Galbeed.

Maadaama Koonfur Galbeed ay ka mid tahay maamulada xildhibaanada ugu badan laga soo doorto ayaa Xasan Sheekh wuxuu ka codsaday Cabdicasiis Lafta-gareen sidii uu qeyb ugu noqon lahaa isbadalka socda iyo in uu taageero ololahiisa dib u doorasho.

Waxaa la ogyahay in Lafta-gareen iyo Farmaajo ay isku xiran yihiin siyaasad ahaan, islamarkaana Lafta-gareen uu ka shaqeynayay mudooyinkii lasoo dhaafa in dib loo doorto Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Si kastaba, waxaa jirta rajo ah in Lafta-gareen ka fakari karo qorshe labaad, haddii uu Farmaajo soo dhaafi waayo wareegga koowaad, waxaana uu fursadda ugu weyn u noqon karaa Xasan Sheekh.

Lafta-gareen ayaa la rumeysan yahay inuu ka walaacsan yahay in Sheekh Shariif uu ku guuleysto doorashada, sababtoo ah wuxuu xulufo la yahay guddoomiye Aadan Madoobe iyo siyaasiyiin badan oo kasoo jeeda Koonfur Galbeed.

Maalinta beri oo ku beegan 11-ka May ayaa kulanka baarlamaanka loo balansan yahay, waxaana furmi doona dhageysiga khudbadaha murashaxiinta u tartameysa xilka madaxweynaha, halka maalinta Axada 15-ka May ay tahay maalinta ay dhaceyso doorashada.

Daawo: Waare oo ka digay halista xoogan ee musharax XASAN CALI KHEYRE

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ka hadlay arrimaha doorashooyinka dalka ayaa ugu horeyn fariin dardaaran ah oo doorashada la xariirta u diray xildhibaanada Soomaaliya, isagoo weeraray siyaasadaha Farmaajo iyo ra’iisul wasaarihiisii hore Xasan Cali Kheyre.

Waare oo wareysi siiyey TV-ga Goobjoog ayaa xildhibaanada Soomaaliyeed ugu baaqay inay dalka codkooda ku badbaadiyaan maanta, “War xildhibaanow yaan laguugu mashquulin sandareertada iyo waxyaabaha beenta ah ee maalmaha doorashada, ee dalkaan si mustaqbalkiisa loo badbaadiyo wado fiican noo saara,” ayuu yiri Waare.

Sidoo kale Madaxweyne Waare ayaa aad u naqdiyey siyaasadii ay dalka ku soo maamuleen Farmaajo iyo Xasan Cali Kheyre, isagoo tusaale u soo qaatay, dhibistii Qalbi-dhagax, tacadiyadii kale ee dowladnimada Soomaaliya ay ugu geysteen ONLF iyo weerarkii siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur dadka looga dilay.

“Waayahaan waxaan arkaa Farmaajo iyo Kheyre oo la kala wado, war Farmaajo waa Kheyre, Kheyrana waa Farmaajo, cid kala saari karta ma jirto ragaas, Ilaahey hana dhaafiyo labadaas,” ayuu yiri hadalkiisa ku sii daray madaxweynihii hore ee HirShabeelle.

Wuxuu intaas ku sii daray in gabood-fallada iyo talo xumadii uu ku sifoobay xukunkii Farmaajo uu Kheyre leeyahay eeda ugu badan, maadaama uu ahaa madaxii xukuumadda, sidoo kale markii uu Kheyre ku soo biiray golihii midowga musharaxiinta ayuu Waare sheegay inuu aad iga xumaaday.

“Midowga Musharaxiinta markii ay aqbaleen in Kheyre uu ku soo biro, waxay direen fariin ah Farmaajo waxaan ula dirireynaa arrimo qabiil iyo kursiga, waxyaabaha qaar ee hadda Farmaajo loo heysto, waxaa geystay Xasan Cali Kheyre,” ayuu yiri Waare.

Maxamed Cabdi Waare ayaa ilaahey ka baryey in shan sano oo Farmaajo soo xukumayey Soomaaliya, uusan noogu darin afar sano oo Xasan Cali Kheyre ah. Isagoo yiri, “Naxariista Alle kama aanaa rijo dhigin, si kasta oo aan isku dulminay, Soomaaliya maanta ma qaadi karto talo xumada Kheyre ee Allow na dhaafi.”

Hoos ka daawo

Guddiga doorashada oo shaaciyey liiska khudbad jeedinta musharaxiinta

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaaciyey jadwalka khudbadaha musharixiinta oo billaabaneysa maalinta berri oo ku beegan 11-ka May kuna eg 12-ka May.

Jadwalka khudbadaha ayaa waxaa musharixiinta loo kala hormariyey sida ay u kala horreeyaan xuruufta A Illaa Z, ee English-ka, waxaana musharax walba la siiyey 15 daqiiqo oo laga rabo inuu kusoo koobo khudbadiisa.

Waxaa maalinta ugu horeyso hadal jeedin doono 20 kamid ah musharixiinta u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya halka maalinta labaadna ay jeedin doonaan 19 kale.

Kulanka baarlamaanka oo Berri furmi doono saacadda 10:00AM ayaa waxaa khudbadda koowaad leh Cabdi Aadan Hoosow halka khudbadda ugu dambeyso la siiyey Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Sidoo kale, xubnaha miisaanka leh ee maalinta Koowaad khudbeyn doono ayaa kamid ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo si weyn loo sugayo khudbadiisa kaasoo shantii sano ee lasoo dhaafay ahaa mucaaradkii ugu weynaa ee Farmaajo.

Musharixiinta ugu miisaanka culus sida madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Sheekh Shariif iyo guddoomiyihii hore ee Gobolka BanaadirThaabit Cabdi Maxamed ayaa waxay khudbadda leeyihiin maalinta Labaad ee 12-ka May.

Guddiga ayaa ka dalbaday Musharraxiinta in ay ilaaliyaan Jadwalka doorashada, islamarkaana ay soo xaadiraan xilligii loogu tala galay.

Halkaan hoose ka akhriso jadwalka oo dhameystiran

Diiwaangelinta musharaxiinta madaxweyne oo lasoo gaba-gabeeyay iyo tirada guud

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Diiwaan-gelinta musharaxiinta ayaa maanta lasoo gaba-gabeeyay, kadib saddex maalin oo xiriir ah oo ay socotay, waxaana shahaadada musharaxnimada qaatay 39 musharax.

Xubnaha maanta shahaadada qaatay waxaa ka mid ah madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Maxamed (Deni), musharrax Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi, musharrax Maxamed Amiin Faarax iyo musharixiin kale.

Diiwaangelinta musharaxiinta oo 8-dii bishaan ka billaabatay magaalada Muqdisho, waxaana musharaxii ugu horreeyey ee is-diiwaan-geliyey uu noqday madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Guddiga qaban qaabada doorashada ayaa sidoo kale maanta musharaxiinta ka dalbaday inay u soo gudbiyaan illaa 400 oo nuqul oo daabacan oo ka mid ah barnaamijkooda doorashada iyo weliba nuqul Electronic ah.

Sidoo kale waxaa maalinta berri ah lagu wadaa inay si rasmi ah u billaabato hadal jeedinta musharrixiinta, waxaana ugu dambayn 15-ka May la qaban doonaa doorashada, sida uu qorshuhu yahay haddii uusan ku imaan isbedel lama filaan ah.

Guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kormeer deg-deg ah oo indha-indheyn ah ku tagay teendhada Afisyoone.

Teendhada Afisyoone ayaa waxa ka socota qaban-qaabada doorashada madaxweynaha, taasi oo qorshuhu yahay inay ka dhacdo halkaas 15-ka bishaan May.

Sidoo kale waxaa halkaas ka bilaaban doonta maalinta berri ah hadal jeedinta musharaxiinta madaxweyne, kuwaasi oo kor u dhaafaya soddomeeyo.

Guddoomiyaha ayaa gudaha teendhada Afisyoone kulan kula qaatay saraakiisha ciidanka nabad ilaalinta ATMIS iyo kuwa amniga ee Soomaaliya.

Waxa uu faray Saraakiisha in ay muujiyaan feejignaan dheeri ah si ay u qabsoonto doorashada madaxweynaha, oo ay ugu dhacdo si nabdoon.

ATMIS oo soo saartay go’aan culus oo la xiriira teendhada doorashada ee Afisyoone

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa bandow lagu soo rogay xerada ciidamada cirka ee Afisyooni iyo Goobaha ku dhow dhow kadib qoraal kasoo baxay Howgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee (ATMIS).

ATMIS ayaa qoraalka kasoo baxay ku sheegtay in kadib wada-tashi ay la yeelatay gudodomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe go’aan lagu gaaray in bandow lagu soo rogo xerada iyo meelaha ku dhow dhow maadaama ay halkaas ka dhaceyso 15-ka Bishaan doorashada madaxweynaha ee Soomaaliya.

War-saxaafadeed kasoo baxay howlgalka ATMIS ayaa lagu shaaciyay in bandow lau soo rogayo xerada Ciidamada cirka ee Afisyooni iyo Goobaha ku dhow dhow laga bilaabo Maanta oo taariikhdu tahay 10-ka May  illaa 17- ka Bisha.

Go’aanka kasoo baxay ATMIS ayaa imaanayo Maalin kadib markii guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya iyo howlgalka ATMIS ay kawada hadleen sugida ammaanka doorashada.

Guddoonka Baarlamaanka iyo guddiga doorashada ayaa ku heshiiyey in guud ahaan amniga goobta doorashada ka dhaceyso lagu wareejiyo ciidamada ATMIS.

Guddiga doorashada oo soo saaray qoraal 3 bog ka kooban oo lagu faahfaahiyey qaabka loo sugayo amniga doorashada oo gebi ahaanba lagu wareejiyey ciidamada ATMIS ee midowga Africa ayaa doorka ciidamada Soomaaliya lagu soo koobay 25 Askari oo ka tirsan ciidamada Booliska oo sugi doono gudaha Tendhada ay doorashada ka dhaceyso.

Musharixiinta madaxweynaha ayaa kaliya loo ogolaaday hal qof oo codka u tiriyo, halka musharixiinta madaxweynayaasha horey usoo noqday loo ogolaaday 2 Qof, madaxweynaha muddo xileedkiisa sharciga ah uu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isna loo ogolaaday inuu xerada la galo.

Maanta ayaa lasoo gabagabeeyey qabashada codsiyada musharixiinta u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya iyo shahaado siinta, waxaana Berri bilaabanayo khudbadaha ay jeenayaan musharixiinta is diiwaan geliyey oo gaaraya 40 Musharax.

Beesha caalamka oo war kasoo saartay doorashada madaxweynaha Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Saaxiibada beesha caalamka ee ku sugan Muqdisho ayaa maanta soo saaray war-saxafaadeed ku saabsan doorashada madaxweynaha Soomaaliya ee la qorsheeyey inay Muqdisho ka dhacdo 15-ka May 2022, ayaga oo ka digay dib u dhac ku yimaada.

Saaxiibada beesha caalamka ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan ku dhawaaqista guddiga qabanqaabada baarlamaanka ee ah in doorashada Madaxweynaha ay dhici doonto maalinta Axadda, ayaga oo bogaadiyey sida ay ku socoto diiwaan gelinta musharixiinta iyo u diyaargarowga kale ee loogu jiro inaan laga dib dhicin waqtiga kama dambeysta ah ee doorashada. 

“Waxaa na dhiirigelinaya horumarka wanaagsan ee laga gaaray diiwaangelinta musharrixiinta u taagan xilka madaxweynaha iyo u diyaargarowga kale ee loogu jiro inaan laga dib dhicin waqtiga kama dambeysta ah ee doorashada,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka beesha caalamka.

“Ma jirto wax marmarsiinyo ah oo sabab u noqon karta dib u dhac kale oo dheeraad ah. Iyadoo labada Aqal ee Baarlamaankaba la dhaariyay oo si buuxda u shaqeynayaan, arrin kasta oo doorasho oo taagan waa in ay xalliyaan madaxda baarlamaanka ee sida saxda ah loo doortay.”

Qoraalka kasoo baxay beesha caalamka ayaa ugu dambeyn lagu yiri “Waxaan ku boorinaynaa madaxda Soomaaliya inay si degdeg ah, nabdoon oo kalsooni ku dheehan tahay ku soo gabagabeeyaan marxaladdan kama dambeysta ah ee geeddi-socodka doorashada si loogu soo jeesto arrimaha dalka iyo dowlad-dhisidda ee mudnaanta leh”.

Wuxuu qoraalka beesha caalamka kusoo aadayaa xilli ay maanta ku egtahay is diiwaangelinta musharixiinta, waxaana illaa hadda la diwaan geliyey musharixiin ku dhow 40 iyadoo saacadaha soo socdana la filayo inay kuwa kale qaataan shahaadada.

Musharaxiinta ayaa waxaa ka mid ah madaxweynaha hadda xilka haya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweyneyaal hore Shariif Shekeh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud, ra’iisul wasaare hore, madaxweyne goboleedyo, xildhibaano iyo siyaasiyiin kale.

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa laga dareemayaa ololaha doorashada, waxaana la filayaa inay doorashadaan noqoto doorashadii ugu badneyd oo ay ka qeyb galaan musharixiin u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya.

Qoraalkan ayaa waxaa si wada jir ah usoo saaray: Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Belgium, Canada, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Isutagga Imaaraadka Carabta, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka and Qaramada Midoobay.

Deni oo xarunta is diiwaan-gelinta doorashada la tegay tirada xildhibaanada uu haysto

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid Cabdullahi Maxamed (Deni) oo maanta is-diiwaangeliyey ayaa qaatay shahaadada musharaxnimada ee madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Saciid Deni ayaa xarunta guddiga doorashada ee Aqalka Sare la tegay xildhibaano uu sheegay inay taageersan yihiin, ayada oo shuruudda musharaxiinta ay ka mid aheyd inay helaan saxiixa 20 xildhibaan.

Sawir laga soo qaaday ayaa muujinaya Saciid Deni oo dhexda uga jira illaa qiyaastii 30 xildhibaan oo u badan xubnihii kasoo kala baxay maamul goboleedyada Jubbaland iyo Puntland.

Tirada xildhibaanada ee Saciid Deni u raacay xarunta diiwaan-gelinta ayaa ah tiradii ay horey u qiyaastay Caasimada Online inuu haysto taasi oo dhan 30 xildhibaan oo macnaheedu yahay inaanu dhaafi karin wareegga koowaad.

Deni oo horey loo rumeysnaa inuu haysto taageerada inta badan xildhibaanada Puntland iyo Jubaland, ayaa niyad jab weyn kala kulmay Sabtidii.

Sida ay ogaatay Caaismada Online, Saciid Deni ayaa isugu yeeray xildhibaanada labadaas maamul goboleed si uu ugu sameeyo qado sharaf iyo inuu kala hadlo doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo la filayo inay dhacdo 15-ka bishan.

Kulanka oo lagu casuumay 80 xildhibaan oo isugu jiro xildhibaanada laba aqal ee baarlamanka Soomaaliya ee laga soo doortay Jubbaland iyo Puntland ayaa waxaa Sabtidii kasooo qeyb galay kaliya 33 xildhibaan, taasoo muujineyso in sidii loo maleeyey aanu Saciid Deni taagero uga heysan xildhibaanada labadii maamul goboleed ee uu isku haleenayey.

Xildhibaanada qaar oo la hadlay Caasimada Online ayaa Saciid Deni ku eedeeyey inuu soo burburiyey maamul goboleedkii Puntland ee loo dhiibay, islamarkaana uu iska hor keenay qeybaha kala duwan ee bulshada Puntland.

15-ka May oo ay dhaceyso doorashada ayaa lagu kala bixi doonaa xerada Afisyoone oo lagu qabanayo doorashada madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sawirro: Aadan Madoobe oo kormeer deg deg ah ku tegay teendhada Afisyoone

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kormeer deg-deg ah oo indha-indheyn ah ku tagay teendhada Afisyoone.

Teendhada Afisyoone ayaa waxa ka socota qaban-qaabada doorashada madaxweynaha, taasi oo qorshuhu yahay inay ka dhacdo halkaas 15-ka bishaan May.

Sidoo kale waxaa halkaas ka bilaaban doonta maalinta berri ah hadal jeedinta musharaxiinta madaxweyne, kuwaasi oo kor u dhaafaya soddomeeyo.

Guddoomiyaha ayaa gudaha teendhada Afisyoone kulan kula qaatay saraakiisha ciidanka nabad ilaalinta ATMIS iyo kuwa amniga ee Soomaaliya.

Waxa uu faray Saraakiisha in ay muujiyaan feejignaan dheeri ah si ay u qabsoonto doorashada madaxweynaha, oo ay ugu dhacdo si nabdoon.

Guddoomiyaha ayaa mid mid u dul istaagay goobaha loogu tala-galay in ciidamada ammaanka ay ku shaqeeyaan. Guddoomiyaha wuxuu amray in dadka aan lagu xadgudbin lana faray in waajibaadkooda ay u gutaan si hagar la’aan ah.

Kormeerka uu maanta teendhada ku tagay Guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa imanaya kadib markii uu xalay kulan deg-deg ah isugu yeeray saraakiisha sare ee ciidamada howlgalka nabad ilaalinta ATMIS.

Shirkaas ayaa looga hadlay xaqiijinta amniga doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo la filaayo inay dhacdo maalinta Axada oo ku beegan 15-ka May.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa faray saraakiisha iyo taliyeyaasha ugu sareysa ATMIS inay gutaan waajibaadkooda shaqo ee ah mas’uuliyada ka saaran ilaalinta amniga doorashada madaxweynaha Somalia.

Si kastaba, doorashada madaxweynaha ayaa loo ballansan yahay 15-ka bishaan, ayada oo guddiga doorashooyinka ay soo saareen habraaca amniga doorashada madaxweynaha, oo la filaayo inay murashaxiinta madaxweyne ku dhaqmaan.