28.1 C
Mogadishu
Friday, May 8, 2026

Mareykanka iyo Ruushka oo markale ka dhex tafatay kadib diyaarad laga burburiyey

Washington (Caasimada Online) – Milateriga Maraykanka ayaa sheegay in diyaarad dagaal oo Ruushku leeyahay ay shalay Badda Madow ku buburisay mid ka mid ah diyaaradahooda wax basaasa ee nooca drones-ka.

Waa markii ugu horreysay oo ay si toos ah ay iskaga horyimaadaan labada quwadood tan iyo duullaanka Ruushkaha ee Ukraine sannad kahor.

Wasaaradda difaaca Ruushka ayaase beenisay hadalka Mareykanka, iyada oo safiirka Moscow ee Washington uu sheegay in dalkiisu uu u arkayay hadalka Mareykanka mid daandaansi ah.

Laba diyaaradood oo noocoodu yahay Su-27 oo Ruushku leeyahay ayaa fuliyay waxa ay milatariga Maraykanku ku tilmaameen fal-dambiyeed aan ka fiirsasho lahayn oo ay u geysteen diyaarad aan duuliye lahayn oo Maraykanku leeyahay, xilli ay ku duuleysay hawada caalamiga ah.

Mareykanku waxa uu sheegtay in diyaaradaha dagaalka Ruushku ay shidaalka ku daadiyeen diyaaradda MQ-9 – lagana yaabo in ay isku dayeen inay ka dhigaan mid aan waxb arki karin ama ay waxyeeleeyaan.

Mareykanka ayaa si joogto ah gobolka uga sameeya duullimaadyo ilaalo ah, waxaana uu Ukraine ku taageeray balaayiin doolar oo gargaar milatari ah, inkasta oo Mareykanku aanu si toos ah uga qeyb qaadan dagaalka.

Militariga Mareykanka ayaa sheegay in 30 ilaa 40 daqiiqo ay ku qaadatay diyaaradaha Ruushka inay burburiyaan diyaaradooda, iyaga oo sheegay inay dhici karto in mid ka mid ah diyaarahada Ruushkana ay waxyeello soo gaartay.

Safiirka Ruushka u fadhiya Washington Anatoly Antonov ayaa wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka u yeertay, si ay su’aalo uga weyddiiso wixii ka dhacay Badda Madow, sida uu sheegay afhayeenka arrimaha dibadda Ned Price.

Shirka Golaha Wadatashiga oo maanta ka furmaya Baydhaba xilli ay Puntland..

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay waxaa maanta si rasmi ah uga furmi doono shirka Golaha Wadatashiga Qaranka, kaas oo u dhexeeyo dowladda federaalka Soomaaliya iyo qaar kamid ah dowlad goboleedyada dalka.

Waxaa haatan Baydhaba ku sugan Madaxweyne Xasan Shkeeh, ra’iisul wasaare Xamza, ku xigeenkiisa, madaxweynayaasha maamullada Galmudug, HirShabelle iyo Duqa Muqdisho

Wararka ayaa sheegaya in madaxdaas uu ku biiri doono Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo la filayo in saacadaha soo socda ee maanta uu gaaro Koonfur Galbeed.

Shirka Baydhaba ka furmayo ayaa looga hadlayaa arrimo ay ka mid yihiin doorashooyinka, amniga, siyaasadda, dastuurka, dagaalka Al-Shabaab iyo arrimaha dhaqaalaha.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyay, ayada oo ciidamo dheeraad ah la dhigay waddooyinka magaalada, si ay amniga u xoojiyaan inta uu socdo shirka.

Dhinaca kale xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in madaxweynaha Puntland Saciid Deni uu ku gacan seyray waan-waan iyo fariimo dhex-dhexaadin ah oo uga yimid dhanka wakiiladda beesha caalamka.

Wakiiladda Caalaamiga ah ayaa Saciid Deni ka dalbaday in shirweynahaasi uu xaadiro, isla-markaana uu halkaasi kusoo bandhigo tabashadiisa, si xal wada-jir ah looga gaaro.

Madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni ayaa diidmadiisa shirka furmaya uga dhigay khilaafka kala dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland oo iyagu soo xaadiraya shirka Baydhabo, sida ay sheegeen illo ku dhow madaxweynaha Puntland.

Si kastaba, shirka Madasha Wadatashiga Qaranka ayaa markii hore qorshuhu ahaa in la qabto 24-kii bishii hore, balse wuxuu dib ugu dhacay si madaxweynaha maamulka Puntland loogu qanciyo ka qeyb-galka shirka, taasi oo illaa hadda aan lagu guuleysan.

Daawo: DF oo shaacisay 3 qodob oo ugu muhiimsan ajendaha shirka Baydhaba

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac ayaa faahfaahin ka bixiyay ajendaha shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee berri ka furmaya magaalada Baydhaba ee gobolka Bay.

Wasiir Daa’uud ayaa dul istaagay qodobada ugu muhiimsan ee looga hadlayo shirka Baydhaba, kuwaas oo kala ah:

1 – Arrimaha amniga, gaar ahaan dagaalka ay dowladdu kula jirto kooxda Al-Shabaab, iyadoo la cadeynayo doorka ay dowlad goboleedyadu ku leeyihiin.

2 – Arrimaha maaliyadda dalka, gaar ahaan sidii loo mideyn lahaa nidaamka dhaqaale ee dalka, iyadoo la gorfeyn doono qaabka ay dhinaca dhaqaalaha uga wadashaqeynayaan DF iyo dowlad goboleedyada dalka.

3 – Iyo Arrimaha doorashooyinka dalka, iyadoo laga tashanayo nooca doorasho ee Soomaaliya loo jiheynayo, markii la gaaro sanadka 2026-ka, xiligaas oo muddo xileedka Xasan Sheekh uu ku egyahay.

“Soomaaliya waxay ka soo kabaneysaa burbur iyo dowlad la’aan ay muddo ku soo jirtay, tan iyo markii la doortay Madaxweyne Xasan Sheekh shirkaan waa kii 5-aad oo wadatashi ay isugu yimaadeen madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka,” ayuu yiri wasiir Daa’uud Aweys.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in ajendayaasha shirarka madaxda dalka ay tixane yihiin, taas oo muhiim ka dhigeysa inay isku yimaadaan mar kasta oo xaalado ay soo kordhaan, si wadajir loogu xaliyo, iyadoo la daweynayo kala shakiga iyo kala qoqobka ay Soomaalidu ku soo jirtay mudada dheer.

Wasiirka Daa’uud oo la weydiiyey in la xaliyey tabashadii ay Puntland uga baxday shirkii hore ayaa sheegay in weli ay wadatashiyadu socdaan oo madaxdu ay xaq u leeyihiin inay la-tashiyo ka soo yeeshaan waxyaabaha ay go’aanada ka gaari waayaan.

Khamiista berri ayaa lagu wadaa in magaalada Baydhaba uu ka furmo shirka golaha wadatashiga qaranka, halkaas oo maanta ay gaareen Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha dalka, ku xigeenkiisa, duqa Muqdisho iyo Madaxweynaha Galmudug, horayna waxaa Baydhaba u joogay madaxweyne Qoor Qoor.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo galabta Baydhaba gaaray ayaa lagu wadaa in berri gelinka hore uu furo shirka, waxaa halkaas horay ugu sugnaa guddiyo farsamo oo fududeynaya ajendayaasha shirka madaxda.

Hoos ka daawo Wasiir Daa’uud Aweys 

Wareysi: Dad loo soo qabtay qaraxii is-miidaaminta ahaa ee ka dhacay Baardheere

0

Baardheere (Caasimada Online) –Maamulka degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegay inay dagmadaasi ka billaabeen howlgallo lagu xaqiijinayo ammaanka dagmada, kadib qaraxii is-miidaaminta ahaa ee shalay ay kooxda Al-Shabaab ka fulisay Baardheere.

Maamulka ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen dad ku eedeysan in ay ka dambeeyeen weerarkaas, wuxuuna qaraxii shalay dhaliyey khasaare aad u baaxad weyn, sida uu sheegay guddoomiyaha degmada Baardheere.

Masuuliyiin iyo saraakiil ciidan ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday qaraxaas oo lagu dhuftay guriga Martida ee degmada Baardheere, waxaana burburay isbitaalkii degmada iyo guryo badan.

Sidoo kale weerar kale oo Al-shabaab ay u adeegsadeen qoriga Hoobiyaha ayaa lagu garaacay degmada qaraxaas kadib, waxaana ka dhashay khasaare ka badan kii uu qaraxu geystay.

Guddoomiyaha degmada Baardheere Maxamed-Weli Yuusuf Qorrax oo la hadlay Idaacadda VOA ayaa ka warbixiyey saameynta uu qaraxaasi ku yeeshay dadka reer Baardheere.

“Qaraxa kadib waxaan sameynay howlgallo culus, dad badan ayaa la soo qabtay, waxaana ku socda baaritaan, dadkaan eedeysanayaasha ah waa badan yihiin, qofkii aan dembi laheyna waan siidey doonaa,” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Baardheere.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dadkii ku dhaawacmay weerarkii shalay ka dhacay Baardheere ay badankood Muqdisho u soo qaadeen, maadaama uu burburay isbitaalkii degmada.

Sidoo kale Guddoomiye Qorrax wuxuu sheegay in ninka is qarxiyey uu ka yimid banaanka magaalada, isla markaana la arkay oo goobta uu ku qarxay uu gaaray iyadoo la rasaaseynayo.

“Ninkaas wuxuu magaalada ka soo galay wadooyin xaafado badan soo dhexmaray oo dad shacab ah ay degan yihiin, meel fog ayuu ciidanku ka arkay, waa la isku deyey in laga hor-tago oo ciidanku waa dadaalay, balse waxaa u suurta gashay inuu gaaro bartilmaameedkii uu ku qarxi lahaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray guddoomiyaha degmada Baardheere.

Hoos ka dhageyso wareysiga

War-murtiyeed laga soo saaray shir ay yeesheen DF iyo dowlad-goboleedyada oo

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Dhuusamarreeb ee caasimada dowlad-goboleedka Galmudug lagu soo gaba-gabeeyay shir u dhaxeeyay wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad-goboleedyada.

Shirka oo socday muddo afar maalmood ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimaha ay ka mid yihiin; xoojinta, dardar-gelinta iyo wada-shaqeynta wasaaradda Ganacsiga iyo warshadaha DFS iyo kuwa dowlad-goboleedyada.

Shirkan ayaa waxaa soo xaadiray wasiirka wasaaradda ganacsiga XFS Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, Cabdulqaadi Cabdullaahi Warsame (Galmudug), Cabdiwahaab Axmed Cusmaan (Jubbaland), Cabdullaahi Cabdi Maxamed (Koonfur Galbeed), Faysal Axmed-weli Xasan (HirShabelle) iyo Agaasimaha Siyaasadda iyo Dimuqraadiyeynta maamulka gobolka Banaadir Yuusuf Cabdi Calasow. Puntland ayaa ka maqneyd shirkaan.

War-murtiyeed laga soo saaray shirkaan ayaa waxaa lagu sheegay in wasaaradda Ganacsiga ee heer federaal iyo kuwa dowlad-goboleedyada ay isku raaceen in 30 maalmood gudahood lagu dhiso guddi ka kooban sagaal xubnood oo ka kala imanaya dhinacyada ka qeyb-galay shirkaan.

“Guddigaas oo ay shaqadiisu noqon doonto diyaarinta xeer lagu maamulo xallinta khilaafaadka ku saleysan shirkadaha isku magaca ah ee ka diiwaan-gashan maamuladda kala duwan ee dalka, guddigaas oo qorsha howleedkiisa soo dhameystiraya kahor daadejinta hanaanka diiwaan-gelinta Ganacsiyada Soomaaliya.

Qoddobada kasoo baxay shirkaan ayaa sidoo kale waxaa kamid ah in wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha ee heer federaal iyo kuwa dowlad-goboleedyada ay diyaariyaan xeer-nidaamiyaasha sharciga shirkadaha iyo hanaanka loo maraayo diiwaan-gelinta ganacsiyada dalka.

“Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Wasaaradaha Ganacsiga iyo Warshadaha dowlad-goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir ay dib-u-eegis ku sameeyaan sharciga shirkadaha oo horay loo ansixiyay 2019-kii si loogu daro qeybaha muhiimka u ah hanaanka diiwaan-gelinta ganacsiyada dalka.”

Sidoo kale waxay isku raaceen in la bilaabo daadejinta hanaanka diiwaan-gelinta ganacsiyada Soomaaliya saddex bilood gudahood, laguna bilaabo dowlad-goboleedka Jubbaland.

“In ay ka qeyb qaataan dib-u-eegista iyo horumarinta sharciga shatiyada Qaranka oo ay dhawaan Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha dowladda federaalka kasoo celisay golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya.”

Hoos ka aqriso war-murtiyeedka oo dhameystiran:

Xog: Maxaa kasoo baxay dadaaladdii Ethiopia ee dagaalka Laascaanood?

Hargeysa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa dhawaan soo fara-gelisay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, kaasi oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC.

Dadaallada Itoobiya oo socday toban cisho ka badan ayaa waxay horumar ka sameyn waayay labada dhinac ee isku haya magaalada Laascaanood, waxaana halkaasi ku guul-dareystay isku-deygii Itoobiya ee xal loogu raadinayay colaadda ka taagan xarunta gobolka Sool.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in dadaallada Itoobiya ay u guul-dareysteen kadib markii labada dhinac ay shuruudo dhowr ah hordhigeen wafdigii ka socday Itoobiya, kuwaasi oo xilligaan ay adag tahay in labada dhinac ay aqbalaan.

Isimida SSC oo la kulmay xubnaha ka socday Itoobiya ayaa waxay u sheegeen in miiska wada-hadalka la fariisin karin Somaliland illaa ciidamadeedu ka baxaan gobolka Sool, sida ay ogaatay Caasiamda Online.

Madaxda sare ee Somaliland ayaa iyaguna dhankooda ku xiray wada-hadal xal looga gaaro xiisadda dagaal ee taagan ay tahay in marka hore la aqbalo in Laascaanood ay ka tirsan tahay Somaliland, oo iyadu ku dooda inay tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya.

Shuruudaha ay labada dhinac hordhigeen xubnihii ka socday Itoobiya ayaa xilligaan god kusii riday in waqti dhow xal laga gaaro dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

SSC ayaa la sheegay inay ku gacan seyreen inay ka tanaasulaan qadiyada midnimada oo uu dhiig badan ugu daatay gudaha gobolka, halka Somaliland ay dib u qaadista ciidamadeeda ku xirtay in deegaankaas uu yahay mid Somaliland leedahay oo xalinta qadiyada laga soo qaado mid gudaha Somaliland ah.

Si kastaba, Dagaalka Laascaanood ayaa qaatay muddo ka badan hal bil, ayada oo khasaaraha ugu badan uu kasoo gaaray dad rayid ah oo an waxba galabsan, waxaana weli duleedka magaalada isku horfadhiya ciidamada labada dhinac.

Unmasking Al-Shabab: Somali court delivers justice to impostor militants

MOGADISHU, Somalia (Caasimada Online) – A military appeals court in Mogadishu, Somalia, has mandated the execution of three al-Shabab militants found guilty of impersonating a doctor and soldiers to perpetrate bombings and shootings.

The executions were carried out on Wednesday, following the court’s decision.

According to the court, 38-year-old Mohamed Abdi Nur Jirow, known by the alias “Dr. Fanah,” falsely identified himself as a neurologist.

In 2021, Jirow orchestrated bombings at two restaurants in Mogadishu, resulting in the tragic loss of 20 lives.

Additionally, the court stated that Jirow was responsible for the deaths of two individuals during an assault on a football stadium on the outskirts of Mogadishu.

The court did not provide specific details on when this attack occurred. Jirow also played a role in a suicide bombing in February, which led to the death of one soldier.

Impersonations allowed attacks  

Mumin Hussein Abdullahi, the deputy prosecutor at the military court, confirmed the execution of the three convicts: Mohamed Abdi Nur Jirow (Dr. Fanah), Mohamed Abdulle Abkow (Bimalow), and Sharif Mohamed Barqadle Ayanle (Jeego).

The court reported that 36-year-old Bimalow, impersonating a military lieutenant, bombed a Mogadishu restaurant in 2019, killing 11 people.

Bimalow was also involved in an attack on Mogadishu’s international airport the following year, which resulted in the death of one soldier.

Ayanle, aged 53, had previously served in the Somali army. However, he falsely claimed to hold the rank of captain, a claim the military has vehemently denied.

Ayanle executed a bombing at a Mogadishu mall in February, causing the death of 16 people and injuring 38 others.

Appeals Court upholds death sentences 

The appeals court upheld the lower court’s January death sentence for the three men after they reportedly confessed to their crimes.

This execution comes on the heels of a similar decision by a military court in Somalia’s Puntland region, which dictated the execution of 13 al-Shabab and Islamic State militants just one week earlier.

The same court also mandated the execution of five Somali soldiers for the murder of civilians.

The government’s security agencies successfully apprehended the militants after obtaining information about their false representation as army personnel to facilitate al-Shabab attacks.

The military court seems to have expedited the executions in light of the government’s recent military offensive against al-Shabab, during which dozens of militants were executed.

These executions transpired a mere 24 hours after a suicide attack in southern Somalia claimed the lives of at least five people and injured 11 others, including the Gedo governor, according to police reports.

Sawirro: Imaaraadka Carabta oo maanta Muqdisho kasoo dejiyay 800 tan oo ah…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya kasoo dajisay gargaar mucaawino ah oo gaaraya 800 tan.

Gudoomiyaha hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa dekada magaalada Muqdisho kala wareegay safiirka dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta Danjire Axmed Jumca Al-rumeysi deeqdan gargaarka ah.

Deeqda Imaaraadka ayaa iskugu jirta qeybaha kala duwan ee raashinka, waxaana loogu tala-galay in la gaarsiiyo dadka abaraha iyo coladaha ay sameeynta ku reebeen, sida ay shaacisay hay’adda SODMA.

Sidoo kale waxaa la gaarsiin doona mucaawinadaan oo loogu tala-galay shacabka ku nool deeganadii dhawaan laga xoreeyey kooxda Al-Shabaab ee maamulada Galmudug, Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo Jubbaland.

Guddoomiyaha hay’adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka (SODMA)ayaa dowlada iyo Shacabka Imaaraadka kaga mahad-celiyay garab istaag shacabka Soomaaliyeed, isaga oo ballan-qaaday in ay gaarsiin doonaan dadkii u baahnaa ee guud ahaan ku sugan dalka.

Safiirka Imaaraadka Carabta ee Muqdisho ayaa dhankiisa sheegay in ka dowlad ahaan ay ka go’an tahay caawinta walalahooda Soomaaliyeed, islamarkaana ay sii wadi doonaan gargaarka bini’aadannimo.

Imaaraadka ayaa sidan oo kale bishii August ee sanadkii hore Soomaaliya keenay deeq ka koobnayd 40 konteenar oo ay ku jiraan raashin kala duwan oo loogu tala-galay dadka ay abaaruhu sida ba’an u saameeyeen.

Deeqdaas ayaa waxaa xilligaasi la wareegay xafiiska ra’iisul wasaaraha kadib markii ay muddo toddoba berri ah ku xayirneyd dekadda Muqdisho, kadib markii la isku qabsaday ciddii maamuli laheyd.

Soomaaliya ayaa waxa ka jira abaar daran, iyada oo dad gaaraya hal milyan oo qof ay ku barakaceen, sidoo kale waxay halakeeyeen dalagyadii iyo xoolihii ay ku tiirsanaayeen xoola dhaqatada iyo beeralayda.

Biixi oo qaaday tallaabo uga sii dareysa xiisadda Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa si rasmi ah u iclaamisay in doorashada Madaxtooyada ay ka horeyso tan ururada, taasi oo uga sii dareysa xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi oo ka hadlay arrintaasi ayaa sheegay in waqtigii sharciga ahaa ee saddexda xisbi qaran ee Somaliland uu dhammaaday, sidaas darteed ay tahay inay dib u galaan tartankii ay xisbiyo ku noqon lahaayeen.

“Waxaynu ku jirnaa saddexdii xisbi qaran oo waqtigoodii dhacay oo aan doorasho geli karin illaa iyaga dib loo doorto, waxa halkan taagan toban urur oo shahaado loo siiyey inay u tartamaan inay xisbiyo qaran noqdaan, waxaynu u baahanahay inaynu deg deg guddida doorashada uga codsanno inay inoo sameeyaan qorshe iyo waqti oo xisbiyadii iyo ururradu doorashada galaan oo ay soo baxaan saddex xisbi qaran,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi.

Waxa uu intaas kusii daray “Ma jiro xisbi odhan kara anigu xisbi baan ahay oo la tartami maayo ururrrada, waa in saddexda xisbi iyo ururradu ay galaan doorashada, si ay u soo baxaan saddex xisbi qaran oo sharci ah.”

Saddexda xisbi ee hadda jira ayaa kusoo baxay doorashadii ururada ee dhacday 28/12/2012, waxaana u dhamaaday 10 kii sanno ee uu sharcigu siinayay in ay kaligood ahaadaan xisbiyada siyaasada ee sharciga ah.

Madaxweyne Muuse Biixi oo kal hore u meel-martay muddo kordhin uu usameeyay Golaha Wakiiladda, ayaa xilligaan u muuqda in uu rabo inuu ka taqaluso labada xisbi mucaarid, oo iyagu xiisadda dagaal ee Laascaanood ku eedeeyay Muuse Biixi.

Tallaabadan ayaa waxay Somaliland dib uga istaadhi doonta khilaafkii doorashooyinka, kaasi oo mar gaaray meel xasaasi ah oo rabshado dhiig ku daatay ay ka dhaceen gudaha Somaliland.

Taageerayaasha Imran Khan oo si cajiib ah booliska uga hor-istaagay inay soo xiraan

Lahore (Caasimada Online) – Booliska Pakistan ayaa u muuqday maanta inay ka tanaasuleen isku day ay kusoo xiri lahaayeen ra’iisul wasaare hore Imran Khan, kadib markii ay hor-istaageen taageerayaashiisa.

Booliska ayaa soo afjaray go’doomin ay ku hayeen guriga Khan kadib markii ay isku dhaceen boqolaal taageerayaashiisa ah oo difacaaya.

Weriye ka tirsan AFP iyo goobjoogeyaal ku dhow guriga Khan ee xaafadda Zaman Park ee duleedka Lahore ayaa sheegay in booliska iyo ciidamada u tababaran sida militariga ay dib uga gurteen aagga, ayaga oo cidleeyeey jid gooyooyin dhowr ah iyo baro kontorool.

“Booliska iyo ciidamada ranjariska ee loo soo diray inay waxyeeleeyeen Khan waxaa dib u riixay shacabka,” waxaa sidaas twitter-ka kusoo qoray xisbiga PTI ee Khan, oo sidoo kale soo bandhigay muuqaalo muujinaya shacab ku dabaal-degaya banaanka guriga.

“Dad hor leh ayaa imanaya Zaman Park, mana ogolaan doonaan marnaba inay guuleystaan hadafyada xun ee dowladdan dibedda laga keenay, Insha’Allah.”

Iska hor-imaadka booliska iyo taageerayaasha Khan

Booliska iyo taageerayaasha Khan ayaa waxaa xalay oo dhan dhex-marayey dagaal, ayaga oo ridaya gaaska dadka ka ilmeysiiya, halka shacabka ay tuurayeen dhagxaan.

Koox boolis ah ayaa la arkayey ayaga oo galabta ka cararaya aagga guriga Khan.

Khan ayaa waxaa xukunka looga qaaday codka kalsoonida baarlamanka sanadkii tegay, waxaana lagu soo oogay daraasiin kiisas musuq-maasuq ah, xilli uu u ololenayo doorashooyin waqtigooda kasoo hormara si uu xukunka ugu so laabto.

Bogagga rasmiga ah ee PTI ee baraha bulshada ayaa muujiyey muuqaalka Khan oo shacab ku salaamaya beerta gudaha gurigiisa, halka taageerayaal faraxsanna ay ku dabaal-degayeen banaanka.

Doodda sharci ee labada dhinac 

Booliska ayaa ku adkeystay inay haystaan amar ay kusoo xiraan Khan sababo la xiriira inuu ku guul-darreystay inuu horyimaado maxkamaddaIslamabad una wajaho dacwado musuq-maasuq.

Hase yeeshee, ra’iisul wasaarihii hore iyo qareenadiisa ayaa sheegay in la siiyey damaanad.

“Hoggaamiyaha PTI ma haysto damaanad ka ilaalisa kiiskan,” waxaa sidaas AFP u sheegay afhayeenka booliska Islamabad Muhammad Taqi Jawad.

Waxa uu sheegay in amarka soo xiris uu weli taagan yahay, wuxuuna beeniyey in booliska ay dib u gurteen gurigiisa.

Afhayeenka booliska ayaa intaas ku daray “Ficilladeena waxay u hoggaansami doonaan sharciga, waxaana naga go’an inaan fulino waajibaadkeena.

Goor sii horreysay Imran Khan ayaa baahiyey muuqaal uu ku yiri “Shacabka ayey gaaska dadka ka ilmeysiiya ku furayaan iyo walxo kale, balse ogaada qiil uma haystaan.

AFP, VOA

Imran Khan supporters create human barrier to stop arrest

Lahore, Pakistan – On Wednesday, Pakistani police abandoned their attempt to arrest former Prime Minister Imran Khan after facing violent confrontations with hundreds of his supporters in the affluent Zaman Park suburb of Lahore.

According to witnesses at the scene, law enforcement officers, including police and paramilitary rangers, were forced to withdraw from the area, dismantling roadblocks and checkpoints in the process.

“The police and rangers dispatched to harm Imran Khan were repelled by the citizens,” the official Pakistan Tehreek-e-Insaf (PTI) party announced on Twitter, accompanied by a video of jubilant supporters gathered outside Khan’s residence.

The PTI added, “More people continue to gather at Zaman Park, determined to prevent the malicious plans of this imposed government from prevailing by the will of God.” 

Throughout the night, police fought with Khan’s supporters, exchanging tear gas and dodging rocks hurled by enraged crowds.

By Wednesday afternoon, groups of police officers were observed retreating from the vicinity of Khan’s home.

Khan, who was removed from office via a no-confidence vote last year, has been entangled in numerous legal cases as he campaigns for early elections and a return to power.

Official PTI social media accounts displayed videos of the former Prime Minister greeting supporters within his garden while celebratory crowds were amassed outside.

Imran Khan vs Pakistan: Legal disputes

Pakistani authorities maintain they possess a warrant for Khan’s arrest after he failed to appear before an Islamabad court on corruption charges.

Nevertheless, Khan and his legal representatives assert that he has already been granted bail for the offense.

Muhammad Taqi Jawad, a spokesperson for Islamabad police, said that contrary to Khan’s claims, “The PTI leader, Imran Khan, does not have protective bail for this particular case.” 

Jawad also emphasized that the arrest warrant would remain in effect and denied the withdrawal of police forces.

He stated, “Our actions will strictly comply with the law, and we are dedicated to carrying out our responsibilities.”

In a video released earlier, Khan sat before Pakistani and PTI flags, surrounded by spent tear gas canisters.

He declared, “They may use tear gas against our people and engage in similar actions, but it’s important to realize that they have no valid reason for doing so.”

On Wednesday morning, hundreds of PTI supporters formed a human barrier around Khan’s residence in the upscale neighborhood, successfully thwarting police attempts to breach the property.

Social media videos circulated by official PTI accounts depicted injured supporters and others suffering from the effects of tear gas.

A PTI official urgently requested first aid kits for the Zaman Park community via Twitter.

In response to the police aggression, Khan said, “The manner in which the police assault our citizens is unprecedented.”

He also highlighted the use of water cannons and tear gas, which were fired into the grounds of his residence, where staff and women were present.

High Court petition and political drama

The Islamabad High Court convened on Wednesday to consider a new petition from the PTI to prevent Khan’s arrest, potentially diffusing the tense situation.

Khan, 70, is required to appear in court to address allegations that he failed to disclose gifts received during his time as Prime Minister, as well as the profits gained from their sale.

While the former international cricket star continues to pressure the incumbent coalition government, led by Prime Minister Shehbaz Sharif, through popular rallies and daily addresses, Sharif accused Khan of considering himself “above the law.”

Sharif further criticized Khan’s actions as “naked defiance” and noted that the former Prime Minister “is defying each other.

Pakistan faces a severe economic downturn, with the risk of defaulting on its debts if assistance cannot be obtained from the International Monetary Fund (IMF).

Deteriorating security in Pakistan 

The country’s security situation has also worsened, with a recent series of deadly attacks on police headquarters attributed to the Pakistani Taliban.

Tauseef Ahmed Khan, a political analyst, author, and human rights activist commented on the ongoing standoff in Lahore: “The standoff in Lahore reflects the worst state of affairs in the country.”

Khan further explained, “On one side, it is the failure of police and law enforcement agencies… on the other, this has been a new trend in South Asian politics – that a political leader is defying arrest by using his workers and supporters.”

The arrest attempt and subsequent clashes between Khan’s supporters and law enforcement agencies have exposed deepening political divides and raised concerns about the stability of Pakistan’s government.

As the country grapples with economic and security challenges, resolving this political crisis will be critical for the nation’s future prospects.

Daawo: Yaa ka dambeeya ‘qaraxyada lagu leynayo’ mas’uuliyiinta gobolka Gedo?

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Xaalado adag oo isbiirsaday ayaa haatan ka taagan gobolka Gedo ee koonfurta dalka, waxayna isugu jiraan amni darro, arrimo bani’adaanimo iyo khilaafaad maamulka ah oo soo jiitamayey kahor doorashadii soo dhamaatay iyo kadib.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa Gedo ka dhacayay weeraro qaraxyo ah oo lagu beegsaday mas’uuliyiinta maamulka iyo saraakiisha muhiimka ee ka howlgala gobolkaasi, waxaana ugu dambeeyay weerarkii is-qarxinta ahaa ee shalay ka dhacay Baardheere.

Afhayeenka maamulka gobolka Gedo oo lagu magacaabo, Cali Jubba ayaa wareysi uu siiyay Shabelle TV kaga hadlay xaaladda guud ee gobolkaasi iyo qaraxyada kusoo batay.

Cali Jubba ayaa tuhun weyn ka muujiyay qaraxyada bartilmaameedka ah ‘ee lagu leynayo mas’uuliyiinta gobolka’ kadib markii qaar kamid ah xubnaha maamulka oo ay saraakiil sar sare ku jiraan la dilay iyo halka kuwa kalena la dhaawacay, kadib qaraxyo loo dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in saddexdii qarax ee ugu dambeysay ee kala kala dhacay degmooyinka Beled-xaawo, Luuq iyo Baardheere ay ka dambeeyeen ‘dad shurako la ah Al-Shabaab’ isla-markaana kasoo horjeedo nabadda iyo horumarka maamulka Gedo.

“Waxaa jira tuhuno badan oo aan is leenahay howshaan in Argagixisada lagu wehliyo, ama shurako lagula yahay oo ay abaabuulaan ama ay ka dambeeyaan dad diidan nabadda iyo horumarka gobolka Gedo, taas oo tuhuno ah waanu qabnaa,” ayuu yiri afhayeenka.

Dhanka kale waxa uu hoosta ka xariiqay in qaraxyada ka dhacay gobolka Gedo ay ka duwan yihiin kuwii horay uga dhacay dalka intiisa kale, isla-markaana ay u muuqdaan kuwo lasoo maleegay oo lagu beegsanayo hal doorka gobolka oo ay ugu horreeyaan mas’uuliyiinta xilalka haya iyo saraakiisha u xil-saaran ammaanka ee ku sugan halkaasi.

“Qaraxyada nooca ka dhacay gobolka Gedo oo ugu dambeeyay kii shalay iyo labadii ka horreeyay ee lagu beegsaday taliye Bakaal Kooke iyo taliye Maxamed Aweys waa saddex nooc oo ka duwan qaraxyada kale ee ka dhaco dalka,” ayuu markale hadalkiisa raaciyay.

Saddexdii qarax ee ugu dambeysay ee ka dhacay Gedo ayaa waxaa mid kamid ahaa lagu khaarijiyay taliyihii NISA ee Gobolkaas, Korneel Bakaal Kooke oo 12-kii bishii Septembar lagu dilay qarax miino oo loo dhigay gaari uu la socday, xilli uu ka baxay degmada Luuq.

Sidoo kale waxaa weerar kale oo kaas la mid ah, isla-markaana ahaa qarax aad loo soo qorsheeyay isna lagu dilay taliyihii ururka 28-aad ee ciidamada Xoogga Gaashaanle Maxamed Aweys, kas oo 18-kii bisha Febraayo ee sanadkan 2023 ka dhacay Beled-xaawo.

Qaraxa lagu dilay taliye Maxamed Aweys ayaa ka duwanaa qaraxyadii kale ee ka dhacay gobolka, maadaama sariirtiisa loogu kor xiray, kadibna lagu qarxiyay, isaga oo hurdayay.

Si kastaba, waxaa dhammaan weeraradaas dusha u ridatay kooxda Al-Shabaab oo weli ku xoogan qaybo badan oo ka mid ah gobolka Gedo ee koonfurta waddanka Soomaaliya.

Weerar ku billowday qaraxyo oo lagu qaaday saldhig ku yaalla magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar qorsheysan oo saaka aroortii hore lagu qaaday saldhigga Booliska degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir, kaas oo ay qaadeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka uu ku billowday qaraxyo nooca bambaanada ah oo marka hore lgu tuuray dhismaha saldhigga, waxaana kadib xigay dagaal toos ah.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidamada ammaanka ee ku sugnaa saldhigga la weeraray ay rasaas ay fureen kadib qaraxyada, waxayna kadib iska hor imaad kooban la galeen ragga weerarka soo qaaday oo mar dambe goobta ka baxsaday.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan iyo dagaalka xigay, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid deggan.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan weerarkaas lagu qaaday saldhigga Booliska ee degmada Warta Nabadda.

Al-Shabaab ayaa maalmihii u dambeeyay kordhisay weerarada ay ku beegsaneyso fariisimaha ciidamada ee ku yaalla magaalada Muqdisho, waxayna horay u weerartay ciidamo ku sugnaa agagaarka KPP iyo kuwa kale oo lagu qaaday saldhigyo kale oo Boolis.

Weerarkan ayaa qayb ka noqonayo falalka ammaa dari ee ka dhacaya gudaha caasimada, kuwaas oo aad u kordhay maalmihii u dambeeyay.

Si kastaba, ciidamada Booliska iyo kuwa NISA ayaa dhankooda wada howlgallo joogta ah oo looga hortagayo weerarada Shabaab, laguna dagaalamayo burcadda iyo ciyaal weerada.

Abkow, Jeego iyo Dhakhtar Fanax oo toogasho lagu fuliyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa saaka xukun dil toogasho ah ku fulisay saddex nin oo labo kamid ah lagu helay la shaqeynta Al-Shabaab iyo Dhakhtarkii dilaaga ahaa Maxamed Cabdi Nuur Jiirow (Dhakhtar Fanax).

Saddexda nin ee la toogtay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Maxamed Cabdulle Abkow Cumar (Biyamaalow), Shariif Maxamed Barqadle Ayaanle (Jeego) iyo Dr. Fanax.

Maxamed Cabdulle Nuur Abkow (Biyamaalow) oo ahaa sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda ayaa lagu helay inuu la shaqeynayay kooxda Al-Shabaab, waxaana horay xukun dil ah ugu ridday Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, kaas oo ugu dambeyn lagu fuliyay.

Ninkan ayaa si gaar ah loogu helay in uu 23 kii March ee sanadkan 2023-ka ku geliyay gaarigiisa garoonka Muqdisho laba nin oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo weerar toos ah ka geystay gudaha Xerada Xalane, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Sidoo kale Shariif Maxamed Barkhadle (Ayaanle) oo isna ka tirsanaa saraakiisha ciidamada dowladda ayaa lagu helay in uu si hoose ula shaqeyn jiray kooxda Al-Shabaab.

Ayaanle ayaa waxaa lagu helay dambi ah in gawaarida qaraxyada uu Al-Shabaab usoo gelin jiray Muqdisho, isaga oo baabuurtaas dhigay dhowr goobood oo ganacsi sida, Village Hotel and Restaurant Afar, Tobankii January 2019, Baar Italia agagaarka Mall-ka Xamar-weyne February 4-teedii 2019-kii, Maqaayadda Cagaweyne Ex Bilsan Restaurant 28 March 2019, Xeebta Liido agagaarka Aargada May 27-keedii 2019, sida ay sheegtay maxkamadda.

Weeraradaas ayaa waxaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen illaa 27 qof oo isugu jiro qaybaha bulshada, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay tira kale oo intaas kasii badan.

Ninka saddexaad ee la dilay waxaa Maxamed Cabdi Nuur Jiirow (Dhakhtar Fanax), kaas oo ahaa dhakhtar been abuur ah oo ka howl-gali jiray isbitaallada magaalada Muqdisho, sidoo kale wuxuu ahaa sarkaal ciidanka xoogga dalka ka heysta darajooyin been abuur ah.

Dhakhtar Fanax oo lagu helay inuu geystay dilal iyo qaraxyo khasaare geystay ayaa laga soo xiray magaalada Beledweynem waxaana ugu dambey la horgeeyay Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida oo saaka ku fulisay dil toogasho ah.

Muddooyinkii u dambeeyay Maxkamadda Ciidamada ayaa kordhisay fulinta dilalka toogashada ah, waxaana maalin kahor tiirka la geeyay Cabdi Shakuur Axmed iyo Cabdi Jamaal oo ka tirsanaa Booliska Soomaaliya, kuwaas oo lagu helay inay dilal geysteen.

Daawo: Aadan Madoobe oo qaaday tallaabo kale oo la xiriirta muddo kororsiga DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dood xoogan iyo falcelin ayaa ka dhalatay qorshaha muddo kororsiga ee ay waddo dowladda federaalka, kaas oo haatan lagu karkarinayo Baarlamaanka, si wax ka beddal loogu sameeyo muddo xileedka hay’adaha dowladda.

Qodobka ugu weyn ee doodda dhaliyay ayaa ah in muddo xileedka hay’adaha dowladda federaalka Soomaaliya laga dhigo shan sano, halka markii hore uu ahaa afar sano.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa markale tallaabo u qaabay muddo kororsigan, isaga oo guddiga gaarka ah ee ka soo talabixinta soo jeedinta wax ka bedelka iyo kaabista Dastuurka KMG ah ee ay horay u magacaawday Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka u kordhiyay muddada, si ay talabixintooda u soo gudbiyaan, loogana doodo, kadibna la dhaqan-geliyo.

Arrintan ayaa waxaa si weyn uga soo horjeestay xubnaha mucaaradka oo ka digay in haatan lagu dhaqaaqo muddo kororsi horleh, ayada oo aysan jirin sabab keeni karo.

Sidoo kale xildhibaan hore Cabdiweli Maxamed Qanyare oo wareysi siiyay Shabelle TV ayaa ka falceliyay doodda taagan, wuxuuna difaacay qorshaha muddo kororsiga ee dowladda.

Cabdiweli ayaa shaaca ka qaaday in Baarlamaanka uu sameyn karo ku darsi inta u dhexeysa lix bilood, illaa saddex sano, uuna u ogolaanaayo Dastuurka.

“Baarlamaanka wax waa ku dari karaa, waqtigana waa kordhin karaa, wuxuuna kordhi karaa waqti ka yar kan hadda loogu talagalay, tusaale saddex waa ku dari karaan laba wa ku dari karaan hal waa ku dari karaan 6 bilood waa ku dari karaan,” ayuu yiri Cabdiweli.

Waxa kale oo uu inyaasi ku sii daray “Marka Baarlamaankaan way ku dari karaan awoodna waa u leeyihiin,”.

Dhanka kale wuxuu hoosta ka xariiqay in arrintan ay keentay baahi, balse looga gudbi karo in la qabto doorasho qof iyo cod oo ay dadka Soomaaliyeed iyagu soo dooranayaan madaxdooda iyo dadka ku metali lahaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

“Ku darsi haddii lagu gaarayo qof iyo cod oo dadka shacabka ah ee Soomaaliyeed ay iyagu soo dooran karaan dadka metali lahaa hal sano laba sano saddex sanno xittaa waa lagu dari karaa, sababtoo ah waxaan rabnaa dowladnimo taam ah” ayuu wareyiga ku yiri C/weli.

Faah-faahin: Qorshaha ay DF isugu ballaarineyso Xamar

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Doodda la xiriirta dhulalka Danta-guud ayaa dib ugu soo laabatay magaalada Muqdisho. Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhawaan sheegtay inay dib ula wareegayso dhulka danta-guud iyada oo la fidinayo xafiisyada heer federaalka.

Xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa la filayaa in loo wareejiyo xarunta xisbiga. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa dhawaan sheegay in hareeraha xaruntaasi laga guuro si xukuumaddu ugu shaqeyso.

Wasaaraddaha dowladda federaalka ayaa iyagana la rajeynayaa inay u guuraan xarumahoodii hore, wallow goobaha qaar ay degan yihiin dad shacab ah.

Maanta waxaa taagan doodda dhulka Bangaariyada ee degmada Wadajir. Dhulkaan waxaa leh Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.

In dadkani dhulkaan baneeyaan ayaa dooddeedu taagneyd tobankii sano ee u dambeysay. Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa kal hore la sheegay inuu xayeysiiyay mashruuc lagu kireeynayo dhulkaan.

Dadkii deganaa ayaa badi iskaga baxay xilli hore, qoysas kooban ayaa ku haray dhulkaan. Doodda qoysaskaan qaar waa inay yihiin faraca shaqaalihii hore ee Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.

Sida loo wajahaayo dhul ka saarista ayaa xooga dood ah wadata, haddaba aan saddex dhinac ka istaagno arrintaan;

1. Xarumaha dowladda ee weli la degan yahay: Wax dood ah kama taagna dhulka yaa leh. Dowladdu iyada masuul ka ah dhulka danta-guud, xarun dowladeed waa un xarun dowladeeda, sidaas awgeed xilli walba ayay dowladda u baahan kartaa dhulkeeda.

Goobaha ay hadda dowladda dalbatay in laga baxo ee xarumaha dowladeed ah wax badan oo laga dhex raadiyo majiraan, waana adag tahay in qof lagu caawiyo dood la xiriirta in uu iska sii deganaado dhul dowladeed ogolaansho la’aan.

2. Xalka dadka degan dhulalka danta-guuda: Dadku maadaama aanay badankood diidaneyn inuu dhulkan yahay mid dowladdu leedahay, haddana dhanka kale dowladda Soomaaliya waxaa laga rabaa inay qirato in dadkan dadkeeda yihiin, dad danyar ah yihiin oo u baahan u turid iyo taakuleyn.

Dadka aan isku filneyn ee xarumihii dowladda degan waxaa haboon inay dowladdu meel kale dhul ka siiso oo laga caawiyo geedi asluubeysan.

Masuuliyad ayaa ka saaran dowladda federaalka ah ee Soomaaliya guud ahaan badqabka muwaadiniinteeda, gaar ahaan hubinta nolosha iyo deegaanka kuwa laga saarayo dhulalka danta-guud.

3. Gacanta ay ku dambeynayaan dhulalka ama xarumaha dowladda: Maadaama ay hore u dhacday dhul dowladeed oo inta shacab laga saaray ay siyaasiyiin qaateen, dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxaa laga rabaa hubinta in xarumahaan ay dowladda ka faa’iideysato.

Inay kireysan doonto oo ay kab dhaqaale ka rabto ama inay dib u dhisaneyso oo laga dhisi doono isla xarumihii ay ahaan jireen waa arrin dowladda u taalla, laakiin dowladda waxaa laga qaadan doonin in dhulkaas uu berri u gacan galo shaqsiyaad caadi ah.

Si walba, aqbalida baneynta xarumaha dowladda, in dowladda maareyso dadka xarumahaasi ay duruufaha dejiyeen iyo ka guurista kadib inuu dhulkaasi gacan dowladeed ku dambeeyo ayaa ah waxa ugu badan ee laga yiri doodda dhulalka danta-guud ee dib u qaraxday.

Shaki hareeyey ciidanka lagu tababarayo Baardheere iyo fal-celin xoogan oo ka dhalatay

0

Baardheere (Caasimada Online) – Waxaa maalmahan siyaabo kala duwan looga hadlayay ciidan tababar looga furay magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

Siyaasiyiinta abaabushay ciidankaas oo ay hoggaaminayaan Senator Cabdullaahi Ismaaciil Fartaag iyo wasiirkii hore ee amniga Jubaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) ayaa ku doodaya in ciidanka uu yahay mid Al-Shabaab looga saarayo deegaannada ay ka joogaan Gedo iyo Jubbada Dhexe.

Sanatar Cabdullaahi Ismaaciil Fartaag ayaa sheegay in ciidamadani ay yihiin kuwa looga jawaabayay baaqii Madaxwayne Xasan Sheekh ee la dagaallanka Al-Shabab.

“Madaxwaynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya markii loo doortay madaxwaynenimada labada qodob ayuu aad iyo aad uga shanqariyay, qodobka kowaad waxaa uu ahaa in amniga iyo in qolyahan khawaarijta laga qabto Soomaaliya , qof kasta oo Soomaali ah meel kasta oo uu joogo waxaa waajib ku ah isaga o fulinaya tusaalaha madaxwaynaha sidii khawarijta looga sifeyn lahaa dalka,” ayuu yiri Mr Fartaag .

“Umadda Soomaaliyeed iyo reer Jubbaland-ba waxaan rabaa inaan u sheego in ciidankan Baardheere lagu uruurinayo waa ciidan daraawiish ah oo ay Jubbaland leedahay, Jubbaland macnaheedu ma aha Kismaayo oo kali,” ayuu intaa ku daray.

Mr Fartaag ayaa xusay in gobolka Gedo oo Jubbaland ka mid ah aysan joogin ciidamo kuwa Jubbaland ah ayna doonayaan in imika ay ciidamao sameeyaan.

“Jubbaland waa 17 degmo , toddobo degmo oo ka mid ah waa gobolka Gedo oo waa xor oo gacanta Al-Shabaab xor ayay ka yihiin, 17 degmo marka saddex degmo laga jaro inta kale ee soo hortay 14 degmo ahayd oo toddobo ay Shabaab haystaan, toddobo degmo ee xorta ma lahayn ciidamo daraawiish ah oo Jubbaland ah, haatan xeradii waa la furay,” ayuu yir Mr Fartaag.

Sanatar Cabdullaahi Ismaaciil Fartaag ayaa beeniyay in ciidamadan lagu tababarayo ujeeddo gaar ah laga leeyahay.

“Ciidankan ujeeddo siyaasadeed lagama laha, ciidamadan la abaabulayo waa uun ciidamadii Soomaaliya oo dhan laga abaabulayay oo deegaannada laga abaabulayo oo madaxwaynaha Jamhuuriyadda uu ku dhawaaqay ee ah in Shabaab lala dagaallamo, mana aha ciidan la siyaasadeynayo,” ayuu intaa ku daray.

Maamulka Jubbaland oo shaki ka muujiyay ciidamada Baardheere

Hasayeeshee mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubaland ayaa sheegay in ciidankaas laga leeyahay dano siyaasadeed.

Wasiirka amniga Jubbaland Janaraal Yuusuf Dhuumaal ayaa sheegay in aysan jirin ciidamo maamulka Jubbaland uu ka warqabo oo lagu tababarayo Baardheere.

“Ciidankaas wax xog ah kama hayno , ciidan fedraal ama Jubbaland ku shaqo leh-na ma aha haddee qofkii isaga jabhad uruurasanayo isagay u taallaa,” ayuu yiri wasiir Dhuumaal.

Wasiir Dhuumaal oo aan wax ka waydiinnay sababta ay u diidayaan ciidamada Baardheere, ayaa sheegay in loo baahan yahay in si nidaam ah loola dagaallamo Al-Shabaab.

“Annagu dad Al-Shabaab la dirarayo ma diidayno marin xumada ayaan diidaynaa, annaga qofkii muwaadin ah oo hubkiisa wato oo Shabaab la dirirayo waan soo dhaweynaynaa, nidaamka ciidankana qofka markaad qorayso xuquuq ayuu leeyahay,” ayuu inta ku daray

Wasiirka amniga Jubbaland Janaraal Yuusuf Dhuumaal ayaa dhanka kale sheegay in dagaal ay Jubbaland Al-Shaabab kula jirto iyaga oo ka jawaabaya baaqii madaxwayne Xasan sheekh.

“Madaxwaynaha wuu ku dhawaaqay in Al-Shabaab lala dagaallamo, Jubbaland- na dagaal ayay ku jirtaa, hadda aan kula hadlayo dagaal ayaa socda maalin walba dhimasho iyo dhaawac ayaa jira, ayuu yiri,” wasiir Dhuumaal.

Isha: BBC

Sawirro: Xamza oo gaaray Baydhaba iyo wararkii ugu dambeeyay furitaanka shirka

0

Muqdisho (Caasimada Online)  – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhoweyd gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.

Ra’iisul Wasaare Xamza iyo wafdigiisa ayaa waxaa si weyn ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud madaxweynaha dowlad-gobolleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.

Intaas kadib ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxaa loo sii galbiyay xarunta Madaxtooyada ee maamulka Koonfur Galbeed.

Wafdiga ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa kamid ah ra’iisul wasaare ku-xigeenka Salax Axmed Jaamac iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yusuf Xuseen Jimcaale iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ee XFS.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa qeyb ka ah madaxda ka qeyb-galeysa shirka Golaha Wadatashiga Qaran, kaasi oo ka furmi doona magaalada Baydhabo.

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa waxaa haatan ka socdo qaban qaabadii ugu dambeysay ee loogu jiro furitaanka shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo lagu wado inuu si rami ah beri uga furmo magaaladaasi.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa saacadihii dambe waday diyaar xoogan, si ay u soo dhaweeyaan madaxda kala duwan ee tageysa magaalada Baydhabo, sida uu shaaciyay Maxamed Cali Ibraahim oo ah agaasimaha guud ee warfaafinta ee madaxtooyada Koonfur Galbeed.

“Waxaa maanta magaaladda Baydhabo oo ah xarunta kumeel gaarka Dowladda Koonfur Galbeed soo gaari doono Madaxda Qaranka iyo Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah DFS, Baydhabo waxay marti-galin doontaa Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo maalinta berito ka furmi doono magaaladda” ayuu yiri agaasimaha warfaafinta ee madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Shirka Baydhabo ka furmayo ayaa waxaa looga hadlayaa arrimo ay ka mid yihiin doorashooyinka, ammaanka, siyaasadda, dastuurka, dagaalka Al-Shabaab iyo arrimaha dhaqaalaha.

Dhinaca kale, xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in madaxweynaha Puntland Saciid Deni uu ku gacan seyray waan-waan iyo fariimo dhex-dhexaadin ah oo uga yimid dhanka wakiiladda beesha caalamka.

Wakiiladda Caalaamiga ah ayaa Saciid Cabdullaahi Deni ka dalbaday in shirkaasi uu xaadiro, islamarkaana uu halkaasi kusoo bandhigo tabashadiisa, si xal wada-jir ah looga gaaro.

Si kastaba, shirka Madasha Wadatashiga Qaranka ayaa markii hore qorshuhu ahaa in la qabto 24-kii bishii hore, balse wuxuu dib ugu dhacay si madaxweynaha Puntland loogu qanciyo ka qeyb-galka shirka, taasi oo illaa hadda aan lagu guuleysan.

Wararkii ugu dambeeyay ee shirka Golaha Wadatashiga

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa waxaa haatan ka socdo qaban qaabadii ugu dambeysay ee loogu jiro furitaanka shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo lagu wado inuu si rami ah beri uga furmo magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in maanta madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ay ku wajahan yihiin magaalada Baydhabo, si uu u furmo shirka ay ku leeyihiin magaaladaas oo kusoo aaday, xilli xasaasi ah.

Diyaar garow xoogan ayey haatan wadaa Koonfur Galbeed oo isku diyaarineyso soo dhaweynta madaxda tageysa magaalada Baydhabo, sida uu shaaciyay Maxamed Cali Ibraahim oo ah agaasimaha guud ee warfaafinta ee madaxtooyada Koonfur Galbeed.

“Waxaa maanta magaaladda Baydhabo oo ah xarunta kumeel gaarka Dowladda Koonfur Galbeed soo gaari doono Madaxda Qaranka iyo Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah DFS, Baydhabo waxay marti-galin doontaa Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo maalinta berito ka furmi doono magaaladda” ayuu yiri agaasimaha warfaafinta ee madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Shirka Baydhabo ka furmayo ayaa waxaa looga hadlayaa arrimo ay ka mid yihiin doorashooyinka, ammaanka, siyaasadda, dastuurka, dagaalka Al-Shabaab iyo arrimaha dhaqaalaha.

Dhinaca kale xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in madaxweynaha Puntland Saciid Deni uu ku gacan seyray waan-waan iyo fariimo dhex-dhexaadin ah oo uga yimid dhanka wakiiladda beesha caalamka.

Wakiiladda Caalaamiga ah ayaa Saciid Cabdullaahi Deni ka dalbaday in shirkaasi uu xaadiro, islamarkaana uu halkaasi kusoo bandhigo tabashadiisa, si xal wada-jir ah looga gaaro.

Saciid Deni ayaa diidmadiisa shirka furmaya uga dhigay khilaafka kala dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland oo iyagu soo xaadiraya shirka Baydhabo, sida ay sheegeen illo ku dhow madaxweynaha Puntland.

Si kastaba, shirka Madasha Wadatashiga Qaranka ayaa markii hore qorshuhu ahaa in la qabto 24-kii bishii hore, balse wuxuu dib ugu dhacay si madaxweynaha Puntland loogu qanciyo ka qeyb-galka shirka, taasi oo illaa hadda aan lagu guuleysan.

Qorshe looga hortagayo in DF xil u dhiibto qof hore uga tirsanaa Al-Shabaab + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Maryan Faarax oo kamid ah Senatorada Golaha Aqalka Sare ayaa si adag uga hortimid in xil loo dhiibo qof hore uga tirsanaa kooxaha argagixisada.

Dowladda federaalka ayaa waxaa ku jira shaqsiyaad horey uga tirsanaa Al-Shabaab, oo haya xilal kala duwan, balse waxaa ugu sarreeya Mukhtaar Roobow oo gaaray heer wasiir.

Maryan oo hadal ka jeedisay fadhigii Golaha Aqalka Sare ayaa waxay ku dooday in marnaba aysan isbadeleen caqliyada qofka argagixisada, sidaas darteed ay tahay in meesha laga saaro qoddob u ogolaanaya in uu xil qaban karo marka uu isku soo dhiibo dowladda.

“Sharciga la-dagaalanka Argagixisada waxaa ku jira qoddob ka hor imaanaya magaca sharciga, oo waxa uu dhigaya in qofka argagixiso kamid ahaa uu masuul Qaran noqon karo shan sano kadib,” ayey tiri Senator Maryan Faarax.

“Si uu hadda isku soo dhiibo isaga oo argagixiso ah isaga oo og in uu shan sano kadib xil ka qaban karo dowladda. Marka waxaa qabaa in qof argagixiso uusan xil qaban karin mid yar iyo mid dowladeed.”

Senator Maryan ayaa intaas sii raaciyay “Si kasta oo maskaxdiisa u dhaqdo argagixisadaas unbu ahaanaya. Ma isbadalayo.”

Waxay soo jeedisay in qoddobkaas laga saaro sharciga la-dagaalanka argagixisada, iyada oo ku dooday in aan la qaadan karin in qof argagixiso ahaa uu haddana kasoo muuqdo muraayadda dowladda.

Hindise-sharciyeedka La-dagaalanka Argagixisada ayaa fadhigii Golaha Aqalka Sare lagu marsiiyay akhrinta labaad, ayada oo Sanatarrada ay sharcigan dood dheer ka yeesheen.

Hoos ka daawo