28.1 C
Mogadishu
Friday, May 8, 2026

Wiilka Museveni oo shaaciyay xilliga uu xukunka la wareegayo

Kampala (Caasimada Online) – General Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiilka uu dhalay hogaamiyaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa sheegay inuu doonayo inuu u tartamo madaxtinimada dalka Uganda sanadka 2026-ka.

Waa markii ugu horreysay ee General Muhoozi Kainerugaba uu sheego xilliga uu bedelayo aabihi oo muddo 37 sano ah xukumayay dalka ku yaalla bariga Afrika.

Mucaaradka Uganda ayaa in badan ku eedeeyay Museveni inuu doonayo inuu boqortooyo kusoo rogo Uganda, waxayna ku andacoodeen inuu wiilkiisa Muhoozi Kainerugaba u diyaarinayay inuu xilka kala wareego.

Museveni ayaa dafiray eedeymahaas.

Kainerugaba, oo 48 jir ah, ahna La-taliyaha Gaarka ah ee Hawlgallada Gaarka ah ee Madaxweynaha, ayaa caan ku ahaa inuu bartiisa Twitterka kusoo daabaco hadallo muran dhaliyay, kuwaas oo uu dhinaca kale ku kasbaday canaanta aabihiis.

Farriimaha ku saabsan rabitaankiisa madaxtinimo, oo uu soo dhigay Twitter-ka Arbacadii ayuu degdeg ah u tirtiray Kinrugaba.

“Anigoo ku hadlaya magaca dhammaan dhallinyarada Uganda iyo kuwa adduunka iyo magaca kacaankeenna weyn, waxaan u tartami doonaa jagada 2026.” ayuu Kinrugaba qoray.

Qoraal kale oo uu soo dhigay bartiisa twitter-ka, ayuu ku muujiyay samir la’aantiisa uu wakhtiga dheer ku sugayay inuu bedelo aabihiis.

“Ra’iisul Wasaaraha UK waa 42 jir, Ra’iisul Wasaaraha Finland waa 37 jir, qaar naga mid ah ayaa garaacaya 50 jir, waan ka daalnay inaan waligeenna sugno,” ayuu yiri.

Kainerugaba ayaa horay u soo noqday taliyaha ciidamada dhulka, balse xilkaas ayaa laga qaaday kadib markii uu ku hanjabay in uu duullaan ku qaadi doono dalka ay deriska yihiin ee Kenya, taasi oo uu markii dambe sheegay inay aheyd mid kaftan ah.

Museveni weli ma sheegin in uu doonayo in uu mar kale isa soo taago sanadka 2026-ka iyo in kale, inkastoo taageerayaashiisa ay ku dhiirigaliyeen inuu mar kale isi soo sharraxo.

Culinary Pioneer: Afro Deli’s Kahin earns top business honor

MINNEAPOLIS, (Caasimada Online) – On Tuesday, the U.S. Small Business Administration (SBA) announced that Abdirahman Kahin, owner, and CEO of the Twin Cities-based Afro Deli and Grill, has been named Minnesota’s 2023 Small Businessperson of the Year.  

This prestigious accolade recognizes Kahin’s exceptional leadership and substantial contributions to both his business and the local community. 

Afro Deli and Grill: A fusion of cultures 

Afro Deli and Grill, a fast-casual fusion eatery, serves a delectable selection of African, Mediterranean, and American culinary delights. 

With its emphasis on freshly prepared dishes, the establishment has quickly gained a reputation for providing a fast, fun, and friendly dining experience to patrons from diverse backgrounds. 

Brian McDonald, SBA’s Minnesota District Director, lauded the 45-year-old Kahin’s dedication to his entrepreneurial pursuits and investment in the community.  

McDonald stated, “Kahin’s unique business concept, coupled with the SBA’s support and dedication, reflects great credit on his business and has led to impressive growth. This has allowed him to invest back into the local community.” 

An immigrant’s success story

Kahin, who immigrated to the U.S. as a student in 1996, initially ventured into the media production business after attending community college.  

Subsequently, he shifted his focus to the restaurant industry. He launched the first Afro Deli and Grill location in Minneapolis in 2010.  

Since then, the business has expanded to include four locations across Minneapolis and St. Paul. Kahin’s ambitious vision consists of a nationwide expansion, making Afro Deli and Grill the first African restaurant chain in the United States. 

According to Mshale, an African community newspaper, the four locations currently employ over 80 individuals. 

The SBA characterizes Afro Deli’s business ethos as firmly grounded in the conviction that high-quality, accessible cuisine can unite individuals from diverse backgrounds.  

This ethos is reflected in the restaurant’s mission and its impact on the community.

The road to national recognition

Kahin is now set to contend for the esteemed National Small Business Person of the Year Award as part of National Small Business Week, slated to take place from April 30 to May 6, 2023, in Washington, D.C.

In a phone interview, an enthusiastic Kahin shared, “I am now looking forward to competing at the national level and hopefully winning it all.”

With his exemplary dedication to his business and community, Abdirahman Kahin has proven himself a deserving recipient of the Minnesota 2023 Small Businessperson of the Year Award.  

As he vies for the national title, his journey inspires entrepreneurs and community leaders alike.

Kacdoon ka dhan ah Macron oo ka billowday Faransiiska kadib tallaabo uu qaaday

Paris (Caasimada Online) – Dibad-baxayaal ayaa xiray waddooyin muhiim ah oo ku yaalla magaalada Paris ee caasimadda Faransiiska ,ayada oo dadka ay aad uga careysan yihiin qorshe madaxweyne Emmanuel Macron uu ku kordhiyey da’da howlgabka, ayada oo aan laga soo ansixin baarlamanka.

Tallaabada Macron ayaa dibad-baxyo culus ka billowday Faransiiska oo dhan habeenkii Khamiista, ayada oo in ka badan 300 qof la xiray, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha.

Subaxnimadi Jimcaha, qiyaastii 200 oo qof ayaa si kooban u xanibay waddo muhiim ah oo ku taalla magaalada Paris.

Soumaya Gentet, oo ah 51 jir xubin ka ah ururka midowga shaqaalaha CGT kana shaqeysa dukaanka weyn ee Monoprix ayaa sheegtay inay careysan tahay, islamarkaana ay sii wadi doonaan dibadbaxyada illaa laga laabto go’aanka.

“Kuma xisaabtamayaan waxa ay doonayaan shacabka,” ayey tiri.
Lamia Kerrouzi, oo ay saaxiibo yihiin ayaa Iyana tiri “Macron wax dan ah kama lahan shacabka. Ma fahmayo luuqadda shacabka. Sharcigan waa in laga laabtaa.”

Dhinaca kale, shaqaalaha xarun weyn oo shidaalka lagu naadiifiyo ayaa ku dhowaaqay shaqo joojin, sida uu sheegay Eric Sellini oo matala ururka midowga shaqaalaha ee CGT.

Dowladda ayaa Khamiistii qaadatay tallaabo muran dastuuri ah dhalisay, oo ah in dikreeto wax looga beddelo da’da howlgabka, taasi oo dibadbaxyo xooggan ka dhalisay banaanka xarunta baarlamanka ee Paris iyo magaalooyinka kale ee dalka.

Tallaabada ay dowladda qaaday ayaa da’da howlgabka ka dhigeysa 64, halka iminka ay ka tahay 62, inkasta oo muddo laba bil ah ay socdeen dibadbaxyo iyo shaqo joojin looga soo horjeeday.

AFP, VOA

Daawo: DF Soomaaliya oo Muqdisho uga dhawaaqday dagaal cusub oo ka dhan ah…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ayaa waxaa looga dhawaaqay dagaal ka dhan ah Maandooriyaha iyo dadka ka ganacsan, taasi oo dhibaayo xooggan ku haysa bulshada caasimada iyo xasilloonida dalka.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Sulub Axmed oo warbaahinta la hadlay ayaa shaaciyay in hay’addaha amnigu ay gacan adag ku qaban doonaan dadka ka ganacsada Maandooriyaha.

“Umadda Soomaaliyeed waxay ogeyd hal cadow oo la yidhaahdo Khawaarij, waxaa kusoo biiray cadaw kale oo ka daran Khawaarijta oo dadka ku dhex jira oo badelaya qof dhiiggiisa iyo noloshiisa, waxaa rabaa in aan idin sheego in aan la dagaalameyno oo waxaa rajeynayna in aan suulino,” ayuu yiri Taliye Sulub.

Taliyaha ayaa waxa uga digay dadka ka ganacsada noocyada kala duwan ee maandooriyaha inay ka waantooban, “Ha dhibaateynina waa dadkiina, ka waantooba waxaas. Dadkeena uma baahna dhibaato ka badan Khawaarijta midda ay u geysatay.”

Sidoo kale waxa uu ballan-qaaday in saraakiisha dowladda oo qaarkood lagu eedeyo inay qeyb ka yihiin ka ganacsiga waxyaabaha maan-dooriyaha ay ka sifeyn doonaan hay’addaha dowladda, sida uu sheegay.

“Kuwa banaanka ka keenaya ee meelaha isku qarinaya waxaa ugu tageyna meelahood oo guud ahaan dalka waxaa ka sameynayna howl-galo lagu ciribtirayo waxaas,” ayuu yiri.

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Dadka waxan qashinka ah dhalinta u qaadsiinaya waxaa leenahay ilmuhu waa ilmihiina waa kuwa dhasheen oo kale, oo dadkiina dhinac ka raaca wax xalaal ah raadsada Ilaahay ayaa idin siinaya.”

Howl-gallada cusub ee ku dhawaaqay taliyaha ciidanka Booliska ayaa imanaya kadib kulan ka dhacay Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar, kaasi oo diiradda lagu saaray la-dagaallanka Muqaadaraadka iyo waxyaabaha Maankadooriya.

Xagee ayaa Soomaaliya loo wadaa – Dimuqraadiyad aan xisbiyo siyaasadeed lahayn

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay March 8, 2023, munaasabadda saxiixa sharciga Cunaqabataynta Maaliyadeed ee Cayiman, kan Hay’adda Sirdoonka, iyo midka Korontada Qaranka ee uu meelmariyay Baarlamaanka Federaalka ayaa carabka ku dhuftay in dowladiisu tillaab kastoo ay qaadayso ku salayn doonto sharciga iyo qaanuunka, xilli mucaaradka walaac ka muujiyey muddo kororsi sharcidarra ah oo uu baarlamaanka ku hawlan yahay.

Shaki kuma jiro in nidaam dowladeed oo shaqaynaaya uu Soomaaliya u yahay lama huraan, balse waxba kuma turna haddii shuruucda loo qaabeyo hab-dhaqan dimuqraadi-diid ah amaseba loo adeegsado in lagu caburiyo cid kastoo ka aragti duwan kooxda talada dalka haysa.

Madaxweynihii ugu horeeyay ee laba xilhayn isku maray waxaa laga filayey inuu la yimaad dibuhabayn, si loo helo hab-dhaqan siyaasadeed ka duwan kii ka horeeyay. Waxaase yaab noqotay in la kala diro guddiyadii madaxabannaan ee “Doorashooyinka Qaranka, La Dagaalanka Musuqmaasuqa, Xuduudaha iyo Federaalka, iwm., iyadoo wax kaloo lagu beddelay la hayn.

In hay’addo qaran oo madaxbannaan lalaalo waxay astaan cad u tahay in laga sii fogaanayo doorasho “Qof iyo Cod ah”. Sidoo kale, muddo kordhin uu anfacsado “hogganka fulinta iyo goleyaasha”  hadda jira waxuu ka horimaanayaa “Dastuurka Midowga Afrika,” waxuuna dhaawac ku yahay kalsoonidii shacabka siiyay isbahaysigii “badbaado qaran”.

Guuxa dadweynaha ee aan la qarin karin ayaa ah in, xildhibaan “xul qabiil” saldanad ku helay uusan badanaa lahayn qiyam asluubeed (moral values) oo uu ku daafaco amaseba gaarhaye uga noqdo geeddi-socodka siyaasadda dimuqraadiga ah ee dalka hiigsanayay.

Ka mamnuucida dadweynaha kulamadda “cabashada siyaasadda” xitaa haddii laga yaabo in lagu dhaleeceynayo hoggaanka talada-haysa ma aha dimuqraadiyad. Ummadda badan ayaa hore isugu dayay in “xakamayn siyaasadeed” ku hagaan dareenka shacabka, balse kuma guulaysan.

Si meesha looga saaro fowda ku tartanka siyaasadeed ee carqaladeynaya in tirada ugu badan muwaadiniinta codbixin uga qaybgalaan siyaasadda, waxaa lagama maarmaan ah in si dhaqso leh loo dhaqangeliyo shuruucda xisbiyo siyaasadeedka. Dalalka kheyraad dabiici leh ee haddana saboolka ah waxay ka siman yihiin cillado ay ka mid yihiin: dimuqraadiyad aan shaqeynayn, sharciga oo aan la dhowrayn, xuquuqda aadanaha oo lagu xadgudbo, iyo quursiga tala soo jeedinta muwaadiniinta.

Si sahlan laguma gaari karo dimuqraadiyadda xisbiyada hoggaamiyaan inta gobollada qaarkood ay saynta uga taagan yihiin qabyatirka Dastuurka. Waxaase lama huraan ah in la bilaabo geeddi-socodka looga dhex xulanayo uruurada is-diiwaangeliyay, xisbiyo muuqaal qaran leh oo dhab ah leh. Taas uunbaa looga hortagi karaa khatarta xisbi qabiileedyo dadka kala qoqoba, iyo kuwo nuxur tira dimuqraadiyadda.

Nidaamka dimuqraadiyadda xisbiyadu hoggaamiyaan waxuu ku dhisan yahay in muwaadinku siyaasadda uga qaybgalo doorashada wakiilo ku metela goleyaasha baarlamaanka qaranka amase kuwa degaanka. Doodda leh goleyaasha dastuurka ee “xulashada qabiilka” ku yimid ha looga dambeeyo siyaasadda macquul ma aha inta laga helin doono xisbiyo isku soo uruuriya inta isku argtida siyaasadeed leh.

Jihada saxda ah ee dalku ku heli karo bulsho bisil oo u hoggaansan asluub anshaxeed waa in muwaadinka awood loo siiyo inuu dalka gudihiisa iyo dibaddisaba kaga qaybgeli karo doodaha siyaasadda qaranka. Xisbiyada siyaasadda waa halbowlaha isla xisaabtanka dimuqraadiyadda waxayna doodda siyaasadda ku soo biiriyaan aragtiyo ku tartama danta guud ee qaranka. Weliba, waxay gacan ka gaystaan dood wax ku ool ah iyo isu tanaasul

Shirka Golaha Wadatashiga oo galay maalintii labaad iyo wararkii ugu dambeeyay

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa maalintii labaad oo xiriir ah ka socda magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Shirkan oo uu shalay daah-furay madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa looga hadlaya qaab dhismeedka amniga qaranka, hannaanka federaaleynta maaliyadda, doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad-goboleed.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa furitaankiisa ka qayb-galay xubnaha Golaha Wadatashiga Qaranka, sida Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Mudane Salah Jama iyo Madaxweynayaasha Dowlad-Goboleedyada, Koonfur-Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).

Madaxda dowladda federaalka, kuwa maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa waxaa la sheegay in shirka maanta uga hadlayaan arrimaha ku saabsan amniga, gaar ahaan billaabista wajiga labaad ee howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa shirkii shalay waxay si weyn ugu falan-qeeyeen arrimaha dhowr ah oo qeyb ka tahay, wada-shaqeynta madaxda dowladda iyo dowlad-goboleedyada iyo dhameystirka qodobadii horay loogu heshiiyay.

Inta uu socdo shirka ayaa sidoo kale waxaa lagu soo qaadi doonaa arrimaha siyaasadda, dastuurka iyo weliba maqnaashaha Puntland, oo iyadu hore u sheegtay inay u dhaqmeyso sidii dowlad madax banaan.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sida ay hore u baahisay Caasimada Online ku gacan seyray waan-waan iyo fariimo dhex-dhexaadin ah oo uga yimid dhanka wakiiladda caalamka, si uu uga qeyb-galo shirkaan.

Madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni ayaa diidmadiisa shirka ka furmay Baydhabo sabab uga dhigay khilaafka kala dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland oo iyagu soo xaadiray shirka Baydhaba, sida ay sheegeen illo ku dhow madaxweynaha Puntland.

Si kastaba, shirkan ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah, islamarkaana ay dalka ka socdaan howl-gallo culus oo ka dhan kooxda Al-Shabaab, kuwaasi oo deegaano horleh looga xoreeyay kooxda.

Cabdirisaaq Khaliif oo laga saaray xayndaabka Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, ayaa sheegay in Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ka baxay xayndaabkii Somaliland. 

Cabdirisaaq Khaliif ayaa dhowr toddobaad kahor ka horyimid maamulka uu ka tirsan yahay ee Somaliland, isaga oo taageeray go’aanada garaadada Laascaanood, oo ah halka uu kasoo jeedo.

Madaxweyne Ku xigeenka oo waraysi siiyay warbaahinta, ayaa Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ku eedeeyay in uu ku kacay fal ka dhan ah jiritaanka Somaliland kadib markii uu taageeray go’aamadii garaadada ku sugan magaalada Laascaanood.

“Waxan aaminsanahay in uu ka talaabay xadkii Somaliland, eedayntu waxay taagantahay in aan isku toosino ama isku dhaliilno xayndaabkeena, ee loogu doortay in uu guddoomiyihii golaha wakiilada noqdo,” ayuu yidhi Saylici.

Madaxwwynu ku xigeenku waxa uu sheegay in guddoomiye Khaliif uu taageeray guddida 33-ka ah oo uu sheegay in anay cidna dooran, isla markaana uu hoos tagay calanka buluuga ah ee Soomaaliya, isaga oo sheegay in laga rabay in uu isagu wax saxo ee aanu raacin.

Waxa kale oo uu ku eedeeyay in uu ciidanka been ka sheegay “Waxa uu sameeyay hadalo ku dar dar ah oo ciidanka Somaliland ah, oo uu yidhi ciidamadu rag bay guryo kala baxeen, iyo dad ayay gaadhiyo kala hadheen oo ay laayeen, waxan leeyahay waa eedayn looga fadhiyo caddaynteeda”.

Warka maanta kasoo yeeray Saylici ayaa imanaya ayada oo weli aan xal loo helin xiisadda Laascaanood, halkaasi oo odayaasha deegaanka ay dalbanayaan in ciidamada Somaliland ay ka baxaan, markaas un kadibna la furi karo wada-hadal.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, oo dhawaan warbaahin kula hadlay Laascaanood, ayaa ciidamada Somaliland ku eedeeyay in ay duqayn ka gaysteen magaalada.

Muxuu yahay qorshaha uu Odowaa ka wado Kenya?

0

Nairobi (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage oo maalamihii dambe ku sugna dalka Kenya ayaa booqday dugsiga ciidanka dhulka ee dalkaasi.

Safarka Odowaa ee dalka Kenya ayaa qeyb ka ah qorshe lagu dardar-gelinayo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Dowladda Kenya ayuu qorshuhu yahay inay Soomaaliya usoo dirto ciidamo cusub oo ka taageeraya kuwa Soomaalida wajiga labaad ee dagaalka socda.

Kenya ayaa rabta inay wax ka bedesho qorshaheeda la-dagaalanka Al-Shabaab, ayada oo xilligaan doonaysa in kooxda kula dagaalamaan gudaha Soomaaliya, ayaga oo ka barbar dagaalamaya ciidamada huwanta ee dalka ka wada howl-galada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Xukuumadda Nairobi ayaa qeyb ka aheyd heshiis ay bishii hore magaalada Muqdisho ku saxiixdeen dalalka safka hore, kaasi oo dhigaya “in si wadajir ah loo qorsheeyo oo loo abaabulo olole xooggan oo lagu burburinayo Shabaab.”

Itoobiya ayaa noqotay dalkii ugu horeeyay ee si rasmi ah u fuliya heshiiskaasi, iyada oo ciidamadii ugu horeeyay toddobaad kahor usoo dirtay Soomaaliya.

Dalalka Jabuuti iyo Kenya ayaa sidoo kale ciidamo dheeraad ah kusoo dari doona ciidamada horey dalka ugu sugnaa ee qeybta ka ah howl-galka ATMIS, kuwaasi oo la filayo inay dhawaan soo gaaran dalka.

Ciidamadan ayaa qeyb ka noqonaya howl-galka dalalka safka hore ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo lagu xoojinayo dagaalka ka socda dalka, oo deegaano horleh looga xoreeyay kooxda.

La-taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali oo dhawaan shaaciyay in ciidamadan soo gaari doonaan dalka ayaa waxa uu yiri “Kaalintooda waa inay si wadajir ah u qorsheeyaan uguna howlgalaan taliska ciidamada amniga Soomaaliya. Sidaas darteed, waxay la dagaalami doonaan Al-Shabaab, ayaga oo garab taagan ciidamada Soomaaliya. Waa sidaas qorshaha.”

Matt Bryden, oo ah khabiir amniga Geeska Afrika ah ayaa sheegay in ciidamada dheeraadka ah, ee aan qeybta ka aheyn ATMIS “ay dedejin karaan dadaalalda lagu wiiqayo loogana adkaanayo Al-Shabaab.”

“Tan iyo markii dowladda federaalka iyo saaxiibadeeda ay ku dhowaaqeen damacooda, Al-Shabaab waxay u badan tahay inay kala dirtay dagaal-yahannadeeda si ay uga fogaato dagaal militari oo toos ah,” ayuu yiri.

DF oo shir muhiim ah uga qeyb-galeysa dalka Qatar

0

Doha (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Dooxa ee caasimada dalka Qatar uga qeyb-galeysa shirka madasha bariga dhexe ee badqabka iyo tayada adeegyada caafimaad.

Wasiirka wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada dowladda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadam oo dowladda uga qeyb-galaya shirkaan ayaa gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Wasiirka caafimaadka Soomaaliya Dr Cali Xaaji ayaa waxaa halkaas ku soo dhaweeyey sii-hayaha Safaaradda Soomaaliya ee dalka Qatar Ruun Saciid Qoorsheel iyo mas’uuliyiin ka socota wasaarada caafimaadka ee dalka Qatar.

Wasiirka ayaa kulamo gaar ah la yeelan doona inta uu ku sugan yahay dalka Qatar madaxda ka soo qeyb galaysa shirka madasha bariga dhexe ee badqabka iyo tayada adeegyada caafimaad (Middle Eastern conference for health services quality and safety).

Wasiirka ayaa madaxdaas kala hadli doono iskaashi ku aadan horumarinta caafimaadka, maadaama Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka kobaca wanaagsan ka sameynaya aafimaadka.

Sidoo kale wasiirka ayaa dalalka qeybahooda caafimaad ay hormarsanyihiin kala hadli doono taageerada qeybta caafimaadka Soomaaliya iyo mashaariicda lagu horumarinayo.

Xukuumadda uu hoggaamiye ra’iisul wasaare Xamza ayaa kal hore sida ay sheegtay waxaa ka go’an horumarinta caafimaadka dalkeena, iyada oo la raacayo hirgqlinta adeegga loo dhan yahay ee xirmooyinka caafimaadka.

Duqa Gaalkacyo: Waa ka gudubnay kala qeybsanaantii Galmudug iyo Puntland

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Magaalada Gaalkacyo waxaa ka dhisan laba maamul oo kala tirsan maamul goboleeyada Galmudug iyo Puntland, waxaana hadda ka jira wada-shaqeyn ka dhaxeysa labada dhinac.

Cabdiraxmaan Sheekh Xasan, oo ah duqa Gaalkacyo ee dhinaca Galmudug oo la hadlay VOA ayaa sheegay in xarunta gobolka Mudug ee u qeybsan labada maamul ay muddooyinkii dambe xasiloon tahay kadib duruufo kala duwan oo ay soo aragtay.

Duqa Gaalkacyo ayaa sidoo kale waxa uu tilmaamay in xasiloonida ka jirta Gaalkacyo ay ku timid wada-shaqeyn iyo is dhexgal ay wadaageen labada dhinac ee ka taliya xarunta gobolka Mudug.

“Runtii waxa aan uwada shaqeynaa sidii hal magaalo ama hal maamul ah, waxa aan wada tagnaa hal xafiis oo kan kale waan isugu tagnaa, Magaalada Gaalkacyo cashir bay ka qaadatay marxaladdii kala qaybsanaanta,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas sii raaciyay “Dadka magaalada Gaalkacyo ee Koofurta iyo Waqooyiga waa ay soo arkeen dhibaatada ay leedahay kala qaybsanaanta, taas oo keentay isdhexgalka labada dhinac.”

Dowlad-goboleedyada Puntland iyo Galmudug ayaa ku heshiiyay in gacan adag lagu qabto amniga magaalada Gaalkacyo, taasi wax badan ka tartay amniga guud ee magaalada.

Labada maamul ayaa sameeyay ciidan isku dhaf ah oo labada dhinac ah, kaasi oo loo xil-saaray wax ka qabashada dilalka, dagaallada iyo falalka amniga liddiga ku ah.

5 qof oo cudur aan la garan ugu geeriyooday Tanzania

Dar es Salam (Caasimada Online) – Ugu yaraan shan ruux ayaa ku dhintay waqooyi galbeed dalka Tanzania kadib markii uu soo-riday cudur aan la garaneyn oo cusub, sida ay ku warameen saraakiisha caafimaadka ee dalkaasi.

Maamulka caafimaadka ayaa cudurkaasi  ku tilmaamay mid la yaab leh, waxaanna ilaa hadda gobolka Kagera laga soo sheegay 7 kiis, iyada oo halkaasi loo diray koox dhakhaatiir ah si ay u soo baaraan cudurka.

Calaamadaha lagu garto waxaa ka mid ah qandho, madax xanuun, daal iyo dhiig ka soo baxa  sanka, sida ay sheegtay madaxa caafimaadka ee dowladda Tumaini Nagu.

Waxa ay ka codsatay dadka ku dhaqan deegaanka in ay is dejiyaan oo ay ka fogaadaan in ay la xiriiraan dadka uu soo ritay cudurka.

Bishii Luulyo ee sannadkii hore in ka badan 20 xaaladood oo astaamo lamid ah ayaa laga soo sheegay koonfurta gobolka Lindi,.

Balse markii dambe la ogaaday in uu yahay cudurka Leptospirosis oo ah cudur ay keento bakteeriyada  oo la is qaadsiiyo kuna dhaca eyda iyo naasleyda kale, wuxuuna u gudbi karaa dadka.

Sawirro: Soomaaliya iyo Mareykanka oo heshiis ku gaaray Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa heshiis cusub kala saxiixday, kadib kulan maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Heshiiskan oo ku qotoma dhanka milatariga ayaa waxaa Soomaaliya u saxiixay wasiirka gaashaandhigga Cabduqaadir Maxamd Nuur (Jaamac), halka Mareykanka uu u saxiixay Larry André oo ah safiirka Washington u fadhiya magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Heshiiskan ayaa gundhigiisa waxa yahay dhisidda ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan kuwa Danab, sida uu shaaciyay wasiirka wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya.

“Waxaan maanta aniga iyo Danjiraha Mareykanka Mudane Larry André is-afgarad ku kala saxiixanay magaalada Muqdisho, kaas oo gundhiggiisu yahay dhisidda ciidamada XDS ee Danab. Waxaan Isku afgaraney xoojinta dagaalka lagula jiro Khawaarijta” ayuu yiri Jaamac.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in muhiimadda koowaad ay tahay in tababar gaar ah lasiiyo ciidamada Xoogga dalka oo haatan dagaal kula jira kooxda Al-Shabaab.

Jaamac ayaa sidoo kale xusay in qorshahan uu qayb ka yahay isku filnaansho ciidamada Xoogga dalka, si ay amniga ugala wareegaan ciidamada howlgalka ATMIS.

“Ahmiyadda is-afgaradkan waa in tababbar iyo qalabeyn loo sameeyo CXDS ee Danab, si loo gaaro isku filnaansho Ciidamada Qalabka Sida ay kula wareegi karaan guud ahaan amniga dalka” ayuu markale sii raaciyay.

Ugu dambeyn wuxuu wasiikra uga mahadceliyay dowladda Mareykanka taageerada iyo garab istaagga ay mar weliba u muujiso dowladda federaalka Soomaaliya

“Waxaan Dowladda Mareykanka uga mahad celineynaa taageerada uu mar walba la garab taagan yahay Dowladda Soomaaliya,” ayuu ku soo gabagabeeyay qoraalkiisa.

Mareykanka ayaa kamid ah dalalka sida tooska ah uga qayb-qaata dagaalka Al-Shabaab, isaga oo dhanka hawada ka taageera ciidamada Soomaaliya ee howlgallada ka wada dalka.

 

Aqalka Sare oo deg deg u ansixiyay 3 sharci + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan muhiim ah ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa meel-mariyay saddex sharci oo muhiim ah, kuwaas oo horay u soo maray Golaha Shacabka.

Senatorada Aqalka Sare ayaa hal-mar wadar ogol ku ansixiyay labada sharci ee kala ah 𝐇𝐢𝐧𝐝𝐢𝐬𝐞 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐜𝐝𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 iyo 𝐇𝐢𝐧𝐝𝐢𝐬𝐞 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝𝐤𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐈𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐮𝐮𝐦𝐚𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝, waxaana ogolaaday 31 Senator oo xaadiray kulanka.

Sidoo kale Golaha Aqalka Sare ayaa isla maanta meel-mariyay Hindise Sharciyeedka Dhowrista Xogta, kaas oo ay isna ansixiyeen 30 Senator, sida uu shaaciyay guddoonka.

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Axmed Cismaan Diiriye oo kulanka ka hadlay ayaa u mahadceliyay Senatorada Golaha Aqalka Sare, kadib ansixintooda Hindise Sharciyeedka Dhowrista Xogta.

Dhankiisa agaasimaha hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyada oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka faceliyay tallaabada Golaha Aqalka Sare, isaga oo uga mahad-naqay meel-marinta 𝐇𝐢𝐧𝐝𝐢𝐬𝐞 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐜𝐝𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝, kaas oo maanta la horgeeyay Aqalka Sare.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray in sharcigan uu muhiim u yahay guud ahaan adeegga socdaalka dalka.

“Sharciga Socdaalka wuxuu muhiimad gaar ah u leeyahay tayeynta adeegga socdaalka dalka, isu socodka waddamada gobolka iyo kuwa caalamka,” ayuu yiri Cabduqaadir Cilmi Cali oo ah agaasimaha hay’ada Socdaalka & Jinsiyada ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Golaha Aqalka Sare ayaa toddobaadyadii dambe dardar-gelinayay shuruucda loo gudbiyay, isaga oo goluhu dhawaanansixiyay xubnaha guddiga madaxa-banaan ee dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka dalka.

Guddigan ayaa waxaa Golaha Aqalka Sare horgeeyay wasaaradda Caddaalada iyo Arrimaha Dastuurka XFS, waxaana horay usoo meel-mariyay guddigan xubnaha Golaha Shacabka.

Sawirro: Xasan Sheekh oo furay shirka Baydhaba iyo Villa Somalia oo shaacisay 3 qodob

0

Baydhaba (Caasimada Online) –  Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Baydhaba ka daah-furay shir u dhexeeyo dowladda federaalka, qaar kamid ah maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa furitaankiisa ka qayb-galay xubnaha Golaha Wadatashiga Qaranka, sida Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Mudane Salah Jama iyo Madaxweynayaasha Dowlad-Goboleedyada, Koonfur-Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).

Intiisa badan waxaa shirkan diiradda lagu saari doonaa saddex qodob oo kala ah; qaab dhismeedka amniga qaranka, hannaanka federaaleynta maaliyadda, doorashooyinka heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed.

Sidoo kale waxaa shirka lagu soo qaadi doonaa arrimaha siyaasadda, dastuurka iyo dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Dhinaca kale waxaa shirkaas ka maqan madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo ku gacan seyray waan-waan & fariimo dhex-dhexaadin ah oo uga yimid dhanka wakiiladda caalamka.

Madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni ayaa diidmadiisa shirka ka furmay Baydhabo sabab uga dhigay khilaafka kala dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland oo iyagu soo xaadiray shirka Baydhaba, sida ay sheegeen illo ku dhow madaxweynaha Puntland.

Dhankiisa aqoonyahan Cabdimaalik Xuseen oo ka falceliyay shirka magaalada Baydhaba ayaa sheegay in madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka looga baahan yahay inay is ogolaadaan, kadibna ay isku tanaasulaan, si ay go’aan wadajir ah u gaaraan.

“Shirarkan oo kale waa loo baahan yahay in la qabto aalaaba marka waxaa loo baahan yahay in maamul goboleedyada iyo dowladda federaalka ay is ogolaadaan, ay isku calool fiyoobaadaan, tanaasulaadna ay isku sameeyaanm,” ayuu yiri Cabdimaalik Xuseen.

Si kastaba, shirkan ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah, isla-markaana ay dalka ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo guullo waa weyn laga gaaray.

Heshiiskii nabadeynta ee GALMUDUG oo burburay kadib arrin maanta dhacday

0

Dhuusaramareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya inuu burburay heshiiskii nabadeynta ee ay horay dolwlad goboleedka Galmudug u kala dhex-dhigtay beelaha ku dagaalamaya gobolkaasi.

Fashilka ayaa yimid, kadib markii ay maanta dilal qorsheysan siyaabo kala duwan uga dhaceen qaybo ka mid ah gobolkaas, taas oo horseedaysa xiisad horleh.

Weerarka koowaad oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay deegaanka yoocaale  oo u dhexeeya degmooyinka Balanballe iyo Xeraale, halkaas oo lagu dilay nin xoolo dhaqato ahaa, halka lagu dhaawacay mid kale.

Ninka dhaawaca oo ay xaaladdiisu liidato ayaa waxaa lagu soo warramayaa in la geeyay isbitaalla degmada Balanballe, si loola tacaalo xaaladdiisa caafimaad.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in falkaasi ay geysteen maleeshiyaad hubeysan oo u abaabulan hab beeleed, kadibna ay baxsadeen.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dhacdadan ay salka ku heyso dilal la xiriira aaanooyin qabiil oo ka taagan deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud.

Dhanka kale rag hubeysan ayaa isla maanta gudaha degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galhaduud ku dilay wiil dhalinyaro ahaa, kaas oo lagu magacaabi jiray Cawil dhagruur, wuxuuna kamid ah dadka deegaanka.

Taliska Booliska ee degmada  Caabudwaaq oo ka hadlay dilkaas ayaa shaaca ka qaaday in ay dad usoo qab qabteen falkaasi, kadib howlgallo ay sameeyeen.

Illaa iyo hadda ma jiiro wax hadalah oo kasoo baxay madaxda sare ee maamul goboleedka Galmudug oo ku aadan dilalkaasi.

Maalmo kahor ayey aheyd markiii ay dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee  Galmudug soo bandhigtay heshiis la kala dhex-dhigay beelahaan, si loo joojiyo colaadda ka taagan deegaanadeeda, waxaase muuqata in weli sii sii socdaan weerarada abaabulan iyo dilalka.

PUNTLAND oo ka hortimid qorshe ay DF Soomaaliya rabto inay ku qaadato…

Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Puntland ayaa markii ugu horeysay shaacisay inay kasoo horjeedo qorshe ay dowladda federaalka ku doonayso in deymo cusub uga qaadato dalalka deeqaha bixiya iyo hay’addaha caalamiga ah.

Wasiirka Qorsheynta Puntland oo ka hadlay shirweynaha Kaabayaasha dhaqaalaha iyo maalgashiga Puntland ayaa waxa uu sheegay in Puntland ay warqad u diri doonto deyn bixiyaasha caalamka si ay uga hortagto arrintaasi.

“Puntland ma taageerayso hindisaha lagu amaahinayo hay’addaha kala duwan ee magaca Soomaaliya. Hindisahaani waxa uu ka dhigi doonaa in carruurta Soomaaliyeed ay deymo badan ku yeeshaan deyn-bixiyayaasha,” ayuu yiri.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ka maamul ahaan ay xilligaan kasoo horjeedan in Soomaaliya laga cafiyo deynta, taasi oo uu tilmaamay in wax uusan kasoo gaarin deegaanadooda.

“Deynta la sheegayo in la cafinayo (Soomaaliya) wax Puntland kasoo gaaray majirto, dhamaantood Koonfur ayay aheyd. Hadda deyntii in la cafiyo oo deyn cusub la qaato ayaa la rabaa, deynta cusub yaa lagu qaadanaya? anaga ayaa nalagu qaadanaya, noomana yimaadan.”

Waxa uu intaas sii raaciyay “Waa diidnay in aan qeyb ka noqono waa kasoo horjeedna in deynta Soomaaliya laga cafiyo sida ay hadda tahay, waana diidanahay in magaceena (Soomaaliya) lagu qaato deyn cusub anaga oo waxba ogeyn oo masaakiin ah, waa kasoo horjeedna dowlad ahaan.”

Hadalka wasiirka ayaa imanaya xilli uu si habsami leh u socdo barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya, islamarkaana dowladda federaalka ay qorshaynayso qaadashada deyn cusub, iyada oo adeegsanaysa nidaamka cusub ee indhaha beesha caalamka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dabayaaqada sanadkii hore shaaciyay in dowladda ay qaadaneyso boqolaal bilyan oo dollar, taasi oo lagu hirgelin doono mashaariic horumarineed sidda isbitaallo iyo iskuulo waaweyn guud ahaan dalka.

“Shan bilyan ayaa la tacaaleynay muddo sanado ah in nagala cafiyo. Boqolaal bilyan oo deyn ah ayaa qaadan doonaa ileen dalka in aan dhisno ayaan u baahanahay. Waxaa galineyna deyntaas meel dakhli ka imaanaya oo iskaga gudi karno,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Daawo: Qaar ka mid ah ardayda magaalada Muqdisho oo ku biiray ciyaal-weerada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Aadan Jimcaale (Koonfi) oo ka qay-galaya shirka qaran ee waxbarashada ee weli ka socda magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay dhibaatada ka taagan gudaha caasimadda gaar ahaan halista kooxaha ciyaal weerada ee gobolka Banaadir.

Koonfi ayaa shaaciyay in khatarta kooxahan ay gaartay goobaha waxbarashada ee Muqdisho, islamarkaana ay saameyn ku yeesheen habsami u socodka waxbarashada.

“Dhalinyarada ku jira xaaladda aan u bixinay ciyaal weerada oo gobolka degmooyin ka tirsan ka jira waxay saameyn toos ah mid dadban ku leeyihiin dugsiyada waxbarasho ee gobolka Banaadir, gaar ahaan ardayda,” ayuu yiri Maxamed Aadan Jimcaale (Koonfi).

Agaasimihii hore ee hay’adda Socdaalka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in qaar kamid ah ardayda ku dhaqan gobolka Banaadir iskuulada dhexdooda laga soo duufsaday, isla-markaana ay si toos ah ugu biireen kooxahaas oo haatan dhibaato ku hayo shacabka.

“Tusaale haddii aan kasoo qaadno waxaa jira qaar badan oo ardayda dugsiyada aheyd oo isla dugsiyada dhexdooda laga soo duufsaday oo waxbarashada isaga haray, kadibna kamid noqday kooxahaasi,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay agaasimihii hay’adda socdaalka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay jiraan arday kale oo isaga haray waxbarashada, kadib cabsi kasoo wajahday inay dhibaato u geystaan kooxaha ciyaal weerada.

Maxamed Aadan Koofi ayaa xusay in dhalinyarada ciyaal weerada ay taagan yihiin waddooyinka, taasina ay cabsi ku bartay waalidiinta ardayda ka haray waxbarashada.

“Waxaa kaloo jirtay arday waxbarashada isaga hartay oo cabsi aawgeed, waalidkuna u garteen in ay suurtagal aheyn in dugsiyada ay aadaan, sababtoo ah waddooyinka ayey taagan yihiin, dugsiyada inay joogaan ayaa xittaa suuragal ah”. ayuu markale yiri Koofi.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan uu Muqdisho ka socdo howlgal culus oo lagula dagaalamayo ciyaal weerarada iyo burcadda, kaas oo ay wadaan ciidamada ammaanka ee dowladda, halka dhinac kale ay Al-Shabaab, ayaduna billowday inay beegsato ciyaal weerada iyo ragga ka ganacsada maandooriyaha ee ku sugan caasimada.

Muuse Biixi oo sharuud adag ku xiray dhex-dhexaadin QM iyo Ethiopia ee Laascaanood

Hargeysa (Caasimada Online)  – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa markale ka hadlay xiisadda dagaal ee ka taagan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, taasi oo u dhaxeysa ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa shaaciyay sida kaliya ee xukuumaddiisa ay ku aqbali karto waan-waanta ay billaabeen QM iyo dowladda Ethiopia, taasi oo uu sheegay inay tahay in marka hore lagu saleeyo “in Somaliland dhexdeeda dhibaato ka jirto ay caawinayaan,” midaasi oo ka dhan ah rabitaanka SSC ee midnimada Soomaaliya.

“Cidda nabadda nagala shaqaynaysa ee dawlad ama urur ah ee wanaaggeena doonaysa ee daacad ka ah waannu la kaashanaynaa oo waannu oggolahay, waase in marka hore laga bilaabo inay Somaliland oo dhexdooda dhibaato ka jirto ay caawinayaan,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in xukuumaddiisa aysan aqbali karin in dagaalka Laascaanood ay qeyb ka noqdaan dhinacyo kale, iyaga oo u abaabulan hab beeleed.

“Waxaanan oggolayn in dadka qaarkii ama qayb kamid ah Soomaaliya oo Puntland ay farogelin iyo dagaal lasoo gasho Sool iyagoo hab qabali ah raacaya, taasina sax ma aha.”

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa intaas kadib sheegay in diyaar u yihiin sidii garaadada loola hadli lahaa, iyada oo loo dhego nuglaanayo meel kasta oo ay ku qanacsan yihiin in lagu wada-hadlo.

“Dawladda Itooobiya oo na tidhi aanu wax idinla qabanno waanu oggol nahay laakiin qaabka arrinta lagu gelayaa waa arrin Somaliland dhexdeeda ah, garaaddadana diyaar baanu u nahay inaanu la hadalno, madax-dhaqameedkuna waa iga wakiil wixii ay keenaan ee nabad lagu helayana diyaar baan u ahay.”

Shardigan cusub ee madaxweyne Biixi uu ku hor-gudbay wada-hadal ay la galaan Isimida SSC, si xal looga gaaro dagaalka Laascaanood, ayaa u muuqata mid sii dheeraynaysa in labada dhinac ay miiska wada-hadalka isugu yimaadan.

DF oo digniin cusub kasoo saartay dagaalka kooxda Al-Shabaab iyo shaqsiyaadka…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf (Al-Cadaala) ayaa digniin cusub kasoo saaray dagaalka ay dowladda kula jirto kooxda Al-Shabaab.

Al-Cadaala ayaa waxa uu bulshada Soomaaliyeed uga digay in kooxda ay la sameeyaan nooc kasta oo la-macaamiil ah, islamarkaana ay feejignaan dheeraad ah ka muujiyaan weeraradooda.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu shaaca ka qaaday in ciqaab adag la marsiin doono cid walba oo lagu helo inay ka tirsan tahay kooxda Al-Shabaab ama garab u noqota.

“Dawladda, waxaa ka go’an in si adag loo ciqaabo cidkasta oo Khawaarij iyo Khawaarij kalkaal ah, sidaas awgeed waa in aan dhamaanteen ka feejignaano Dhagartooda kana dheeraano nooc kasta oo xiriirkooda ah, alle ayaa mahadsan,” ayuu yiri Wasiir Al-Cadaala.

Hadalka wasiir ku-xigeenka warfaafinta Soomaaliya ayaa imanaya, xilli saaka xukun dil toogasho ah ay maxkamadda ciidamada qalabka sida ku fulisay saddex nin oo laba kamid ah lagu helay la shaqeynta Al-Shabaab iyo Dhakhtarkii dilaaga ahaa Maxamed Cabdi Nuur Jiirow (Dhakhtar Fanax).

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa hore uga digtay muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay ka fogaadaan talaabo kasta oo caawin karta Al-Shabaab, gaar ahaan la xiriirta dembiyada lacag dhaqida iyo maal-gelinta argagixisada.

Dagaalka Al-Shabaab ayaa tan iyo markii uu billowday waxaa laga guulo wax ku ool ah, ayada oo kooxda lagala wareegay deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda.

UK oo ku dhowaaqday inay taageereyso 3 barnaamij oo ay waddo DF Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweis Jama ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay ku-xigeenka danjiraha Britain u fadhiya Soomaaliya Mr. Ed Barnett.

Kulankan ayaa waxaa looga wada-hadlay xaaladaha amniga, siyaasadda, dib u heshiisiinta, adeegyada bulshada iyo dhinacyada kala duwan ee labada dal ay iska kaashan karaan.

Wasiirka ayaa ku-xigeenka safiirka uga warbixiyay horumarka laga sameeyay hawl-galada milateri ee ka dhanka ah kooxda Al Shabab, barnaamijyada xasilinta iyo dib u heshiisiinta iyo shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee ka dhacaya magaalada Baydhabo.

Ku-xigeenka danjiraha Britain ee Soomaaliya Mr Ed Barnett ayaa sheegay in UK ay si buuxda u taageersan tahay barnaamijyada siyaasadda, amniga iyo xasilinta ee dowladda federaalka Soomaaliya, islamarkaana ay ka go’an tahay inay arkaan Soomaaliya oo dib cagaheeda isu taagta.

Dhinaca kale, Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa isla maanta xafiiskiisa kulan sagootin ah kula qaatey Madaxa Xafiiska Horumarinta Barnaamijyada ee Qaramada Midoobay (UNDP) Mr Jocelyn Mason.

Wasiirka ayaa wakiilka UNDP uga mahad-celiyay waxqabadkiisi la xiriira taageerada dowlad-dhiska Soomaaliya intii uu xafiiska joogay.

Wasiir Daa’uud ayaa sidoo kale u sharaxay Wakiilka UNDP taageerada ay Soomaaliya ka fileyso hay’adda xilli ay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya xoogga saareyso barnaamijyada xasilinta ee goobaha laga xorreeyay Khawaarijta Al Shabab.

Wakiilka UNDP ee Soomaaliya Mr. Mason ayaa dhankiisa sheegay inuu aad ugu faraxsan wada-shaqeyntii kala dhexeysa hay’adaha kala duwan ee Soomaaliya ee dhinacyada horumarinta intii uu dalka joogay, waxaana uu sheegay in hay’adda UNDP ay sii wadeyso taageeradeeda joogtada ah ee Soomaaliya.

Hay’adda UNDP ayaa ka mid ah hay’adaha caalamiga ah ee taageera Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ku hawlan mashaariic kala duwan oo dhinaca horumarinta ku saabsan.