30.9 C
Mogadishu
Friday, May 8, 2026

Erdogan’s reign at risk: Turkey opposition gains momentum

ANKARA, Caasimada Online) – Recent polls indicate that the Turkish opposition’s presidential candidate, Kemal Kilicdaroglu, has taken a significant lead against incumbent President Recep Tayyip Erdogan. 

With a more than 10-percentage-point advantage, the upcoming elections on May 14th are perceived by many as the most pivotal vote in Turkey’s history. 

The parliamentary race also reveals the opposition bloc, the Nation Alliance, maintaining a six-point lead over Erdogan’s AK Party (AKP) and its allies.

Additionally, the pro-Kurdish Peoples’ Democratic Party (HDP) remains comfortably above 10%.

Erdogan’s 20-year rule faces major challenge

Erdogan confronts the most significant challenge to his 20-year reign as Turkey’s president amid a cost-of-living crisis that has eroded his popularity. 

Furthermore, victims of last month’s earthquake have begun reconsidering their loyalty in previous AKP strongholds. 

The forthcoming elections hold significant consequences for Turkey, determining the nation’s leadership and governance, economic trajectory, and potential role in mitigating conflict in Ukraine and the Middle East.

Nation Alliance’s strategy for success

Wolfango Piccoli, Co-President of Political Risk Advisory at Teneo, emphasizes the importance of the Nation Alliance presenting a unified front and offering voters a solid plan to maintain their momentum leading up to the elections. 

“Merely attributing all of Turkey’s issues to Erdogan will not suffice. Historical electoral outcomes have demonstrated Erdogan’s exceptional campaigning abilities; however, recent polls imply a diminishing connection with voters and a decline in his once widespread appeal,” Piccoli told Reuters.

Polls reflect opposition’s gains

Several polls conducted in early March revealed Kilicdaroglu’s substantial lead against Erdogan. 

Aksoy Research, Alf Research, Piar Research, and ORC Research polls consistently demonstrated the opposition candidate’s advantage, with percentages ranging from 55.1% to 57.1%. 

Furthermore, these polls indicated the main opposition bloc’s growing popularity and the HDP’s stable performance.

Earthquake impact on AKP’s popularity

According to a Metropoll survey, the recent earthquakes appeared to have minimal impact on AKP’s popularity.

Results showed that 34.4% of respondents blamed the government for losses during the quake, while 26.9% attributed responsibility to contractors. 

Municipalities ranked third, with 15.4% of contributors assigning blame, and 12.9% selected “all” as their response.

Merve Tahiroglu, who serves as the Turkey Programme Director at the Project on Middle East Democracy, a Washington-based organization, noted that the opposition alliance is diverse, with each prominent figure within the coalition resonating with a different segment of Turkey’s population. 

Tahiroglu expressed optimism during a panel hosted by the Foundation for Defence of Democracies. 

“At this particular juncture, there is greater cause for optimism regarding the possibility of Turkey’s election resulting in an opposition victory than at any other point in the past two decades,” he said. 

Xog: Sababo ay ka mid yihiin Axmed Madoobe iyo Qoor Qoor oo dib u dhigay shirkii Baydhaba

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dib u dhac aan la shaacin sababta keentay ayaa ku yimid shirkii madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka ee golaha wadatashiga qaranka, kaas oo lagu waday in maanta uu ka furmo magaalada Baydhaba ee gobolka Bay.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la qorsheynayey in shirkaas uu furo ayaa maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho, kadib safar uu ku tegay dalka Eritrea.

Sida ay xog ku heshay Caasimada Online waxay u badan tahay in shirkaasi uu baaqdo ama dib u dhaco, maadaama madaxda qaar ay dalka ka maqanyihiin.

Xogta aan helnay waxay intaas ku dareysaa in madaxweyne Xasan Sheekh uu qorsheynayo inuu u safro magaalada Kampala ee dalka Uganda, halkaas oo tababar uu ugu soo xirayo ciidan loo tababarayo dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ku maqan dalka Imaaraadka Carabta, halkaas oo ugu yaraan hal maalin uu sii joogi doono, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen xubno ka tirsan Madaxtooyada Jubbaland.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa warar soo baxaya waxay sheegayaan inay macquul tahay inuu berri u safro magaalada Dhuusamareeb.

Inkastoo Villa Somalia ay shalay Baydhaba u dirtay wafdi uu hoggaaminayo Agaasimaha guud ee Madaxtooyada, hanada ma jiro hal madaxweyne goboleed oo tegay Baydhaba.

Talaadadii maanta ee 14-ka Maarso ayaa la qorsheeyey in shirka madaxda heer federaal iyo heer dowlad goboleed uu ka furmo Baydhaba, balse ma dhicin oo waa baaqday lamana shaacin sababta rasmiga ah ee keentay dib u dhacaas.

Sidoo kale waxaa macquul ah in Madaxweyne Xasan Sheekh uu safarka Uganda dib u dhigto oo shirka Baydhaba dib loo abaabulo, wixii ka dambeeya Arbacada berri.

Gaashaanle C/llaahi Maxamed oo loo xukumay ciqaab uu marsiiyey sarkaal Shabaab ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta go’aan rasmi ah kasoo saartay kiiska Gaashaanle Cabdullaahi Maxamed Cosoble oo dhacdooyin kale oo sababay dhimasho, dhaawac iyo xiisad ka abuuray Gedo.

Sarkaalkan oo ah taliye xigeenka hoggaanka Sahanka iyo Wardoonka (Hangashta) ee Xoogga dalka ayaa ayaa ciqaab iyo jir-dil ku dilay maxbuus lagu magacaabi jiray marxuum Aadan Gaarac Habarwaa oo ku eedeysnaa Al-Shabaabnimo, kaas oo dhacay 23-kii bishii Febraayo ee sanadkan 2023-ka, wuxuuna falka ka dhacay degmada Doolow ee gobolkaasi.

Maxkamadda ayaa sheegtay in marxuumka uu u geeriyooday biyo hafin uu u geystay Gaashaanle Cosoble intii lagu gudi jiray baarista kiisas argagixiso oo ay ugu horeysay maleegidda qaraxii lagu dilay taliyihii Ururka 28-aad ee ciidanka Xoogga Maxamed Aweys.

Waxa kale oo kiiskan ka dhashay dagaal ka dhacay garoonka Doolow, kadib markii ay isku dheceen ciidamo beeleed taabacsanaa sarkaalka la xukumay, kuwaas oo diidanaa in loo soo dhoofiyo Muqdisho iyo ciidamada ammaanka ee ku sugnaa gudaha garoonka, waxaana shaqaaqadaas sidoo kale ka dhashay khasaare kale oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Intaasi kadib Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa 26-kii isla bishii hore billowday dhageysiga kiiskan xasaasi ah oo ka dhashay dilka marxuum Aadan Gaarac.

Sidoo kale xeer ilaaliyaha ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in eedeysanaha uu baarayay kiis la xiriira Al-Shabaab isla markaana uu hayay waajib shaqo Qaran, isaga oo Maxkamadda waydiistay in la saaro bixinta magta taliska Ciidanka Xoogga dalka.

Dhankisa qareenka eedeysanaha dhintay ayaa isna Garsoorka waydiistay in lagu xukumo eedysanaha diya adag.

Ugu dambayn Maxkamadda Ciidamada ayaa maanta oo ay tahay y14-ka bisha Maarso ee 2023 ku xukuntay Gaashaanle Cabdullaahi Maxamed Cosoble  diya adag oo ah qisaasta marxuum Aadan Gaarac Habarwaa iyo shan sano oo xabsi Ciidan ahm sida uu warbaainta u sheegay Gaasaanle Sare Xasan Cali Nuur Suute, guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada

Si kastaba, xukunsanaha ayaa haysto fursad kale uu ku dalban karo Rafcaan, muddo ku siman 30 cisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha ka guddoomay safiirka Itoobiya + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qasriga madaxtooyada ku qaabilay safiirka cusub ee dowladda Itoobiya usoo magacowday Soomaaliya, si uu uga shaqeeyo sii xoojinta xiriirka labada dal oo daris.

Ugu horreyn madaxweyne Xasan Sheekh ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee dowladda Itoobiya Mudane Mukhtar Mohamed Ware oo lagu so dhaweeyay xarunta madaxtooyada qaranka.

Qaabilaadda kadib danjire Mukhtar Mohamed Ware ayaa madaxeynaha la wadaagay dhambaal iyo salaan uu uga siday dhiggiisa dalka Itoobiya Marwo Sahle-Work Zewde.

Sidoo kale waxa uu uga mahadceliyey soo dhoweynta diiran ee uu kala kulmay dowladda Soomaaliyeed, isla-markaana loogu sameeyay xarunta Villa Soomaaliya.

Safiirka ayaa sidoo kale soo bandhigay dadaalka uu ku bixin doono xoojinta xiriirka iyo wax wada qabsiga ku qotoma danaha qaran ee labada dowladood.

Dhankiisa madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyay Danjire Mukhtar Mohamed Ware xilka safiirnimo ee loo soo magacaabay, isaga oo la wadaagay in dowladda federaalka Soomaaliya ay la shaqeyneyso.

Danjiraha cusub ee Itoobiya ayaa maalmo kahor soo gaaray Muqdisho, waxaana kusoo dhaweeyay Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Abshir Jaamac Cumar (Huruuse) oo ku soo qaabilay xafiiskiisa wasaaradda oo ay ku yeesheen wadahadallo gaar ah.

Wasiir Huruuse ayaa sidoo kale xusay in dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya oo daris ay ka dhexeeyaan dano badan, sida ammaanka, socdaalka, ganacsiga iyo diblumaasiyadda.

Si kastaba Itoobiya ayaa kamid ah dalalka xiriirka la leh Soomaaliya, waxayna ka qayb-qaata dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, waxayna ciidamo ka joogaan Soomaaliya.

Minnesota: 10 qof oo kale oo Soomaali ah oo lagu soo oogay dacwadda kiis xasaasi ah

Washington (Caasimada Online) – Xeer ilaaliyaha dowladda Mareykanka u qaabilsan gobolka Minnesota, Andy Luger ayaa Isniintii shalay dacwado kusoo oogay illaa 10 qof oo Soomaali ah, kana mid ah jaaliyadda gobolka Minnesota, kuwaas oo la xiriira musuq.

10-ka qof ee lasoo xiray ayaa waxaa loo heystaa inay lunsadeen lacag loogu talagalay mashruuc quudin ah oo laga fuliyay magaalooyin ku yaalla gobolka Minnesota, xilligii uu jiray caabuqa COVID-19.

Xeer ilaalinta ayaa shaaca ka qaaday in 10-ka qof ee Soomaalida ah la horgeyn dooono maxkamada, isla-markaana laga qaadi doono tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

Garyaqaan Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Amiin Haaruun, isla-markaana degan gobolka Minnesota ayaa VOA uga warramay kiiskaas iyo sida ay wax ud dhaceen.

Amiin Haaruun ayaa shaaca ka qaaday in Soomaalida lasoo eedeeyay dhammaantood loo heysto dambiyo waa weyn oo la xiriira xatooyada xoolo dadweyne.

“Dambiyada lagu soo eedeeyay dhamaantood waxay la xiriiraan musuq, wax isdaba marin, laaluush bixin iyo si aan loogu tala-gelin in loo isticmaalay.” ayuu yiri Amiin Haaruun.

Sidoo kale waxa uu intaasi kusii daray in lacagta la masuq-maasuqay oo loogu talagalay carruurta danta yar ee gobolka Minnesota lagu iibsaday dhul, guryo, gawaari iyo diyaarad.

“Waxaa kamid ah in guryo lagu gatay, waxaa kamid ah in dhul ballaaran lagu gatay waxaa kamid ah in baabuur qaali ah lagu gatay, xittaa qof kamid ah uu diyaar ku gatay” ayuu yiri.

Dhammaan dadkan kuma jiraan kuwa lagu caddeeey dambiga loo haysto, waxayna sugayaan maxkamadeyn, kuwa badan oo ka mid ah ayaa si toos ah ama ayaga marinaya qareenadooda sheegay inaysan wax dambi ah gelin.

Si kastaba, bishii September ee sannadkii hore ayaa dacwad tan la mid ah lagu soo oogay ilaa 50 qof oo asal ahaan Soomaali ah, balse heysta dhalashada Mareykanka. Tirada guud ee dadka la tuhunsanyahay ee lasoo dacweeyay ayaa hadda gaartay illaa 60 qof.

Shacabka BOOSAASO oo horseeday in la fashiliyo qarax culus oo la qorsheeyey

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada ammaanka Puntland ka sameeyeen qaybo kamid ah magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga maamulkaasi, sidoo kalena ah xarunta Bari.

Howlgalkan oo qaraxyo lagu fashiliyay ayaa waxaa fuliyay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee maamulka Puntland, kadib markii ay xog ka heleen dadka shacabka ah, oo soo sheegay qaraxyo la qorsheeyey.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay soo saareen qaraxyo lagu diyaariyay merfish jaad oo ku yaalla gudaha magaalada Boosaaso, ayaga oo aan geysan wax khasaare ah.

Ciidamada howlgalka sameeyay ayaa ay isku hareeyay goobta, waxayna kadib xireen aagga meesha qaraxyada lagu diyaariyay, taas oo sahashay in la fashiliyo qaraxyadaas, ayaga oo aan dhalin wax khasaare nafeed iyo kuwa hantiyeed intaba.

Saraakiisha laamaha ammaanka ee magaalada Boosaaso oo ka hadlay howlgalkaas ayaa sheegay inuu guuleystay, waxayna u mahadceliyeen shacabka ku dhaqan magaaladaasi.

Weerarkan ayaa la rumeysan yahay inay ka dambeeyaan kooxaha argagixisada oo weli ku xoogan qaybo kamid ah dhulka buuraleyda ee gobolka Bari ee Puntland.

Boosaaso ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyay ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, kuwaas oo isugu jiro qaraxyo iyo dilal qorsheysan intaba.

Kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish ayaa inta badan fuliya weeraradaas, kuwaas oo ka hortag kala kulma ciidamada ammaanka ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Si kastaba, todobaadkan ayey aheyd markii 13 kamid ah Shabaab iyo Daacish lagu toogtay magaalooyinka Boosaaso, Gaalkacyo iyo Garoowe, kadib markii horay xukun loogu riday.

Mahad Salaad oo ka fal-celiyey tallaabadii xubnaha AQALKA SARE ay qaadeen

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, Mahad Maxamed Salaad oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka falceliyay tallaabadii ay maanta xubnaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku meel-mariyeen Hindise Sharciyeed la-dagaalanka Argagixisada.

Sharcigan ayaa waxaa kulankii maanta ee Golaha Aqalka Sare cod aqbaliyad ah ku meel-mariyay ilaa 29 Senator oo soo xaadiray kulanka.

Mahad Salaad ayaa Senatorada Aqalka Sare uga mahadceliyay meel-marinta sharcigaas oo uu sheegay muhiimad u yahay la dagaalanka kooxda Al-Shabaab.

“Waxa aan u mahadcelinayaa guddoonka iyo xildhibaanada Aqalka Sare Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta ansixiyay Hindise Sharciyeed la-dagaalanka Argagixisada,” ayuu yiri Agaasimaha Hay’adda NISA Mahad Maxamed Salaad.

Sidoo kale wuxuu markale boggaadiyay Golaha Wasiirada iyo Golaha Shacabka oo iyagu horay usoo ansixyay Hindise Sharciyeed la-dagaalanka Argagixisada.

Waxaa sidoo kale sharcigan loo gudbin doonaa madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, si uu saxiixo, kadibna loogu soo saaro faafin rasmi ah.

Golaha Aqalka Sare ayaa toddobaadyadii dambe dardar-gelinayay shuruucda loo gudbiyay, isaga oo goluhu shalay ansixiyay xubnaha guddiga madaxa-banaan ee dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka dalka.

Guddigan ayaa waxaa Golaha horgeeyay wasaaradda Caddaalada iyo Arrimaha Dastuurka XFS, waxaana laba maalin kahor meel-mariyay guddigan Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Xubnahan oo ka kooban shan xubnood ayaa golaha shacabka waxay u qaadeen cod, waxayna ku ansixiyeen cod aqlabiyad ah, iyadoo aysan jirin mudane diiday ama ka aamusay.

Al-Shabab targets Somalia officials in deadly attack

BARDERE, Somalia (Caasimada Online) – At least five people were killed, and eleven others, including a regional governor, were injured in a suicide bombing by Al-Shabab in southern Somalia on Tuesday.

The attack took place at a guest house in Bardera, 450 kilometers west of the capital Mogadishu, where government officials were meeting.

The attacker, driving a vehicle filled with explosives, ploughed into the building, causing extensive damage. The explosion killed five security guards on duty at the time of the attack.

Area police commander, Hussein Adan, confirmed the details of the attack, “The explosion destroyed most parts of the building, and five security guards died in the blast.”

He added that the governor, Ahmed Bulle Gared, was among the eleven injured in the attack.

Al-Shabab claims responsibility 

Al-Shabab claimed responsibility for the attack on Tuesday.

In a telegram post, the group said a bomber drove a suicide car bomb into a building where regional officials were meeting to plan anti-Al-Shabab mobilisation.

The group has been waging an insurgency against the central government of Somalia for the last 15 years.

Although it has been forced out of Mogadishu and other main urban centers, the group remains entrenched in parts of rural central and southern Somalia.

Despite recent gains made by the Somali army and local clan militias in retaking chunks of territory from the militants, the group has continued to demonstrate its ability to strike back with lethal force against civilian and military targets.

Al-Shabab insurgency continues 

In October, 121 people were killed in two car bomb explosions at the education ministry in Mogadishu, the deadliest Al-Shabaab attack since the offensive was launched last year.

According to the United Nations, 2022 was the deadliest year for civilians in Somalia since 2017, mainly due to increased mass-casualty attacks by the jihadist group.

The African Union force, known as AMISOM, and the US military has been supporting the Somali army in their efforts to degrade the leadership of Al-Shabaab.

Al-Shabaab has been carrying out a series of attacks in recent months targeting towns, clan elders, and local militia commanders involved in mobilisations against the group.

The group has been responding to community-level rallies supporting the federal government forces.

On February 21, the group launched an attack on a care home in Mogadishu that housed pro-government troops, resulting in the deaths of ten individuals.

On March 7, the group conducted a sophisticated attack on a military base in Janaa Cabdalle, 60 kilometers west of Kismayo, killing at least five soldiers.

The bottom line 

The Horn of Africa remains a troubled region due to various conflicts, including the insurgency by Al-Shabab.

The international community has been supporting Somalia to achieve lasting peace. However, the situation on the ground remains challenging.

The recent attack in Bardera is a reminder of the ongoing threat posed by the militant group and the need for continued efforts to combat it.

Al-Shabab oo iska fogeysay dhakhtarkii dilaaga ahaa ee dowladdu soo bandhigtay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Al-Shabaab ayaa markii u horeysay ka hadashay nin halis ah oo ay soo bandhigtay dowladda, kaasi oo bulshada uga dhex shaqeysan jiray dhakhtarnimo been abuur ah balse geystay dilal badan.

Ninkan oo kasoo muuqday barnaamijka Gungaar ayaa waxa uu isticmaali jiray xeelado aad u sareeya, waxaana lagu magacaabaa Maxamed Cabdinuur Jiirow (Dr. Fanax), waa dilaa barnaamijkaan ku qirtay dhagaro badan oo dad badan uu naftooda ku dhaafiyey.

Kooxda Al-Shabaab ayaa iska fogeysay ninkaan, iyada oo sheegtay in uusan ka tirsaneyn askarta muuqata iyo kuwa qarsoon ee howl-galada u fuliya kooxda, sida ay baahisay warbaahintooda.

Sarkaal sare oo ka tirsan kooxda oo la hadlay warbaahintooda ayaa been abuur ku tilmaamay xogta iyo shaqsiyada lagu bandhigay barnaamijka Gungaar, inkasta oo ninkaan dilaaga ah uu billooyin ka hor kasoo hor-muuqday maxkamadda oo xukun ku riday, xilligaasi oo aysan ka hadlin kooxda.

“Waxaan xaqiijineynaa in shakhsiga lagu magacaabay Maxamad Cabdinuur Jiiroow Hagar ee (dowladda) soo bandhigtay uusan kamid ahayn kooxda, weligiisna kamid noqonin. Ninkaan (Dr. Fanax) weligiis soo marin kamana mid noqonin ciidamada qarsoon iyo kuwa muuqda ee kooxda intaba.”

Dr. Fanax ayaa waxaa laga soo qabtay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, intii ay socotay doorashadii muranka badan dhalisay, wuxuuna barnaamijka laga sii daayay warbaahinta dowladda ku soo bandhigay dhamaan xeeladihii uu isticmaalay intii uu ka tirsanaa Al-Shabaab, sida uu sheegay.

Ninkaan ayaa ahaa dhakhtar been abuur ah oo ka howl-gali jiray isbitaallada Muqdisho, sidoo kale wuxuu ahaa sarkaal ciidanka xoogga dalka ka heysta darajooyin been abuur ah.

Hanaanka dadka loo dilo iyo meelaha ugu daran ee laga dilo qofka ayuu wareysiga laga qabtay uga sheekeeyey Dr. Fanax, isagoo tusaale u soo qaatay dadkii uu horay u dilay.

Ninkaan ayaa sheegay inuu aad u isticmaali jiray si danihiisa gaarka ah uu u gaaro, odayaasha dhaqanka ee beeshiisa, saraakiisha beeshiisa iyo mooryaanta ku heybta ah, si ay u difaacaan markii lasoo qabto.

Somaliland oo shaacisay sabab yaab leh oo uu hakad u galay dagaalka Laascaanood

Laascaanood (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa war kasoo saartay xaaladda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, oo maalmihii lasoo dhaafay uusan ka dhicin wax dagaal ah.

Somaliland ayaa sheegtay in sababta hakisay dagaalka u dhaxeeyay ciidamadeeda iyo kuwa deegaanka ah ee SSC ay tahay “awood dari soo food-saartay kooxaha kasoo horjeeda Somaliland iyo dib usoo abaabulka dhagar kale,” sida lagu yiri war kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Somaliland.

“Jawiga Laascaanood waxa uu ahaa mid nabadgelyo oo wax dagaal ah uusan ka dhicin marka laga reebo xabado kooban oo marmar soo ridayaan kooxaha nabad-diidka ah kuwaasi oo ciidamada Qaranka ay ka bixinayeen jawaab ku habboon,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay xukuumadda Somaliland.

Sidoo kale waxaa lagu yiri “Kooxaha nabad-diidka ah waxay toddobaadyadii u dambeeyay ku jiraan gubaabo dagaal oo xoogleh, inkasta oo tabar kasta oo isku keenaan aysan awoodi karin quwad ciidan oo ay ku caabiyi karaan ciidamada Somaliland.”

Somaliland ayaa sheegtay in ciidamada Somaliland iyo saraakiisha sare ee hoggaaminaya ay markasta xeerinayaan mira-dhalka wada-hadal lagu rabo in xal nabadeed looga gaaro xiisadda dagaal ee ka taagan magaalada Laascaanood.

“Saraakiisha sare ee ciidamada ma haystaan amar dagaal iyo weerar dhankooda ka yimaada,” ayaa lagu yiri. – “Ciidamada Somaliland ayaa geestooda feejignaan dheeraad ah ka qaba tab iyo xeelad kasta oo maagan yihiin kooxaha nabad-diidka ah.”

Xaaladda Laascaanood ayaa maalmihii lasoo dhaafay daganeyd, waxaana istaagay dagaalkii ka socday magaaladaasi, inkasta oo ay weli is horfadhiyaan ciidamada labada dhinac.

Waxaa socda dadaalo xal loogu raadinayo xiisadda dagaal ee ka taagan magaalada Laascaanood, ayada oo QM ay guddi xaqiiqo raadin ah u saartay arrintaan, kuwaasi oo bilaabay qorshe u kuur-gelid ah.

Xubnaha ka socda QM oo gaaray magaalada Garoowe ayaa halkaasi kula kulmay waxgaradka SSC, ayaga oo kala hadlay dhibaatadii ka dhacday magaalada Laascaanood. Sidoo kale waxa uu guddiga QM la kulmi doona madaxweynaha Somaliland, si ay ugala hadlaan xiisadda taagan, si loo soo afjaro dagaalka, sidoo kalena loo caawiyo dadka ay dhibaatada soo gaartay.

Si kastaba, Dagaalka Laascaanood ayaa qaatay muddo bil ah, waxaana khasaaraha ugu badan uu kasoo gaaray dad rayid ah oo an waxba galabsan, kadib markii lagu kor dagaalamay.

Wararkii ugu dambeeyay khasaaraha qaraxii Baardheere

0

Baardheere (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax is-miidaamin ahaa oo saaka lagu weeraray guriga Martida ee magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

Guriga Martida ee weerarka lagu qaaday ayaa waxaa xilligaasi ku sugna masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Gedo, saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka iyo siyaasiyiin kale.

Weerarkan ayaa la sheegay in loo adeegsaday gaari nooca aan xabadda karin oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, kaasi oo lagu dhuftay albaabka hore ee guriga martida oo hoy u ah guddoomiyaha gobolka.

Wararka ayaa sheegaya in weerarkan is-miidaaminta ah ay ugu yaraan labo ruux ku geeriyootay, halka ay ku dhaawacmeen saddex kale oo ay ku jiraan guddoomiyaha gobolka Gedo Axmed Buulle Gareed iyo Abaanduulaha Qeybta 43-aad Korneyl Axmed Cabdullaahi (Labaale).

Sidoo kale waxaa burbur xoogan uu soo gaaray qayb kamid ah guriga martida degmada Baardheere.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in qaraxa kadib tiro hoobiyeyaal ah ay ku dhaceen degmada Baardheere, waxaana guri kuyaalla halkaasi ku dhintay laba carruur ah oo walaalo ahaa, halka kuwa kale ay ku dhaawacmeen.

Xilliga uu qaraxa is-miidaaminta dhacayay ayaa waxaa la sheegay in xarunta ka socday shir gaar ah oo masuuliyiinta waxyeelada soo gaartay iyo kuwa ka badbaaday ay uga arrinsanayeen howl-gallada ka dhan ah Al-Shabaab ee ka billaabanaya gobolkaasi.

Ciidamo fara badan ayaa gaaray goobta uu weerarka ka dhacay, waxaana gebi ahaanba la xiray dhamaan waddooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Qaraxan ayaa imanaya xilli ay maalmihii dambe magaaladaasi kusii qulqulayeen siyaasiyiin horleh oo qaarkooda la sheegay in markii ugu horeysay ay tahay oo halkaasi tagaan, xilli ay sanadihii dambe xiisad siyaasadeed ka taagneyd gobolkaasi.

Gobolka Gedo ayaa dhawaan lagu wadaa inay ka billowdaan howl-galada dagaal ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, ayada oo ay halkaasi gaareen ciidamo badan oo Itoobiyaan ah.

DF oo war kasoo saartay arrin xiisad xooggan ka abuurtay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed kasoo saaray tallaabadii shalay xiisadda ka abuurtay Muqdisho ee shacabka degan guryaha Bangiga dhexe ee Bangaariyo looga saarayay.

Waxa uu sheegay in tallaabadaasi kadib uu si buuxda ula wareegay dhulka iyo guryihii uu lahaa Bangiga Dhexe ee degamada Wadajir.

“Maanta oo ay taarikhdu ku astaysantahay 13-ka Maarso, 2023, Bangiga Dhexe ee Soomaaliya waxuu si sharci ah ula soo wareeegay dhulka iyo Guryaha Bankiga (Bangaariyo) ee ku yaala Degmada Wadajir gaar ahaan xafadda Buulo-xuubey,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Qoraalka kasoo baxay Bangiga Dhexe ayaa sidoo kale lagu difaacay qaabkii loo maray baneynta guryahaasi ee looga saaray dad shacab ah oo deganaa, “Go’aanka la wareegista dhulka waa mid loo maray si waafaqsan dastuurka, iyo Shuruucda dalka.”

Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa waxa kale oo uu sheegay in uu dib ula wareegi doono dhamaan hantidiisa kale ee sida sharci darrada uga maqan, si waafaqsan sharciga.

Tallaabada ay shalay ciidamada Booliska sida xoogga ah ugu baneeyeen dhulkaasi ayaa waxay dhalisay xiisad xoogan iyo hadal hayn, waxaana kamid ah dadka falceiyay siyaasiga caanka ee Cali Yare Cali oo si weyn u dhaliilay dowladda federaalka.

“Shaqsi ahaan waxaan ku jiray dad badan oo aaminsanaa in maamulka Madaxweyne Xassan Shiikh oo ka leexan doono waddadii hore loogu bartay ee boobka dhulka hantida guud ahaa. Madaxweyne sharaftaada ilaasho oo in magacaaga dalka lagu boobo iska diid shacabkana haloo turo,” ayuu yiri guddoomiye ku-xigeenkii hore ee amniga gobolka Banaadir.

Hoos ka aqriso qoraalka kasoo baxay Bangiga Dhexe

War saxafadeed rasmi ah

Maanta oo ay taarikhdu ku astaysantahay 13-ka Maarso, 2023, Bangiga Dhexe ee Soomaaliya waxuu si sharci ah ula soo wareeegay dhulka iyo Guryaha Bankiga (Bangaariyo) ee ku yaala Degmada Wadajir gaar ahaan xafadda Buulo-xuubey.

Go’aanka la wareegista dhulka waa mid loo maray si waafaqsan dastuurka, iyo Shuruucda dalka.

Sida uu qabo qodobka 87-aad ee xeerka madaniga Soomaaliyeed oo ka hadlaya hantida garan-ka waxuu si cad u sheegayaa inaan la iibin karin, la rahmi karin ama lawareejin karin hanti Qaran oo ay leedahay dowladdu.

Bangiga isagoo tixgaliya mudnaanta iyo baahida uu u qabo ka fai’daysiga dhulkiisa ayuu u maray si waafaqsan hanaanka garsoorka dalka inuu hantidiisa si sharci ah dib ula soo wareego.

Bangiga Dhexe ee Soomaaliya waxuu si waafaaqsan sharciga ula soo wareegi doonaa dhamaan hantidiisa kale ee shacabku sida sharcidarada ah ku daganyihiin.

Shirkadda Saudi Aramco oo sameysay wax aan horey uga dhicin caalamka (Warbixin)

Riyadh (Caasimada Online) – Shirkadda shidaalka Sacuudiga ee Aramco ayaa shaacisay inay diiwaan-gelisay faa’iido dhan $161.1 bilyan sannadkii hore ee 2022, taasi oo ah arrin aan caalamka horey ugu dhicin.

Faa’iido $161 bilyan ah, ayaa ah tii ugu badneyd ee abid ay sameyso shirkad ka diiwaan gashan suuqyada saamiyada caalamka.

Arrintan ayaa muujinaysa sida qiimaha saliidda ee kor u kacay kadib duullaankii Ruushka ee Ukraine uu kiciyay kobaca dhaqaalaha ugu sarreeya ee dhoofinta shidaalka adduunka.

Shirkadda tamarta ee inta badan ay dawladdua Sacuudigu leedahay, oo ah shirkadda labaad ee ugu qiimaha badan adduunka marka laga reebo shirkadda Apple, ayaa warbixin ay kasoo saartay suuqa saamiyada Sacuudiga ku sheegtay in dakhliga saafiga ah ee 2022 uu kor u kacay 46 boqolkiiba, halk sannadkii 2021 uu ahaa $110 bilyan.

Waxay sheegtay in natiijooyinkii ugu xoogganaa tan iyo markii Aramco ay noqotay shirkad liiska ku jirta 2019 ay inta badan sabab u tahay saameynta sicirka shidaalka ciiriinka ah ee uu qiimihiisa iibinta uu kor u kacay iyo xoojinta sifeynta xad-dhaafka.

Waxa kale oo ay Amco kor u qaaadday kobaca dhaqaalaha guud ee Sucuudiga kaas oo ay saraakiishu sheegeen inuu kobcay 8.7 % sanadkii 2022, waana heerka ugu sareeya ee waddamada G20.

Guulaha dhaqaale ee Aramco waxa lagu qiimeeyay dakhliga isku midka ah ee sannadka 2022 ee ay soo tebiyeen shanta ugu waaweyn shirkadaha shidaalka ee – Shell, Chevron, ExxonMobil, BP iyo Total Energy – kuwaas oo kor u dhaafay $150 bilyan.

Xarumaha shirkadda Aramco ayaa waxa hore ula kulmay weerarro ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalo, kuwaas oo ay sheegteen Xuutiyiinta Yemen ee ay Iran taageerto.

Waxaa ugu dambeeyay weeraradaas muddo sannad laga joogo, balse heshiis lama filaan ah oo Jimcihii dhex maray Riyadh iyo Tehran ayaa lagu sheegay in dib loo soo celinayo xiriirkii diblomaasiyadeed ee go’ay sannadkii 2016-kii, kaas oo yarayn kara khatarta bilaha soo socda.

Aqalka Sare oo ansixiyay sharciga la-dagaallanka argagixisada Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Aqalka Sare ayaa maanta ansixiyay hindise-sharciyeedka la-dagaallanka Argagixsada, kadib dood dheer oo maalmihii ugu dambeeyay uu ka yeeshay golaha.

Hindise-sharciyaadka la-dagaallanka Argagixisada ayaa waxaa kulankii maanta ee Golaha Aqalka Sare cod aqbaliyad ah ku meel-mariyay 29 Senator oo soo xaadiray kulanka.

Xildhibaanada Golaha Shcabka ayaa 8-dii bishan ansixiyay sharcigan, wuxuuna dhaqan galayaa marka uu saxiixo madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Sharcigan ayaa waxa uu muhiim u yahay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda qeybo badan oo dalka.

Golaha Aqalka Sare ayaa toddobaadyadii dambe dardar-gelinayay shuruucda loo gudbiyay, isaga oo goluhu shalay ansixiyay xubnaha guddiga madaxa-banaan ee dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka dalka.

Ansixinta guddigaan ayaa waxaa ogolaatay 30 Senator, majirin Senator diiday, sidoo kale wax ka aamusayna majirin, sida uu shaaciyay guddoonka Golaha Aqalka Sare.

Guddigan ayaa waxaa Golaha Aqalka Sare horgeeyay wasaaradda Caddaalada iyo Arrimaha Dastuurka XFS, waxaana laba maalin kahor meel-mariyay guddigan Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Xubnahan oo ka kooban shan xubnood ayaa golaha shacabka waxay u qaadeen cod, waxayna ku ansixiyeen cod aqlabiyad ah, iyadoo aysan jirin mudane diiday ama ka aamusay.

Qorshaha safarka Xasan ee Asmara oo la shaaciyay

0

Asmara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay galinkii dambe gaaray magaalada Asmara ee dalka Eritrea.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa caasimada Eritrea ee Asmara uga bilaabatay booqasho rasmi ah oo laba maalin ah, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Booqashada madaxweynaha ee Asmara ayaa waxay qeyb ka tahay siyaasadda cusub ee Soomaaliya, taasi oo ku saleysan xiriir wanaagsan oo iskaashi ah oo lala yeesho dalalka deriska iyo gobolka intiisa kale, sida ay shaacisay wasaaradda warfaafinta.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu joogo halkaasi waxaa uu kulan muhiim ah la yeelan doona dhiggiisa Eritrea Isaias Afwerki kuwaasi oo looga hadli doono xoojinta iskaashiga labada dal iyo guud ahaan arrimaha gobolka.

Safarka madaxweynaha ee Asmara ayaa yimid kadib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay madaxweynaha Eritrea.

Eritrea ayaa waxaa tababar uga socda kumanaan ciidamo ah oo dhawaan loo qaaday, iyada oo bilo ka hor qeybo ka mid ah ciidamadii muddada sanadaha dalkaas tababarka ugu maqnaa dib loogu soo celiyay dalka.

Safarkan ayaa ah kii saddexaad ee madaxweynaha uu ku tago dalka Eritrea tan iyo markii dib loo doortay 15-kii May, ayada oo safarkii koowaad uu dhacay 9-kii July 2022.

Siyaasadda gobolka ee Soomaaliya ee najaxdey ayaa waxaa ka mid ah rajada ku biiritaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (East African Community).

Waxaa sidoo kale Soomaaliya ay bishii February 1-deeda ay magaalada Muqdisho ku martigelisay Shir madaxeedkii waddamada Safka Hore oo ay ka soo qeyb galeen hoggaamiyeyaasha Djibouti, Ethiopia iyo Kenya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shaaciyay qorshe cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay furay shirweynaha qaran ee waxbarashada dalka ayaa shaaciyay qorshaha waxbarasho ee dowladda uu hoggaamiyo.

Madaxweyne Xasan ayaa waxa uu tilmaamay in dowladda federaalka ay ka go’an tahay dib u soo nooleynta, mideynta iyo tayeynta nidaamka waxbarasho ee dalka.

Waxa uu shaaciyay in la shaqaaleysiin doono toban kun oo Macallimiin Soomaaliyeed ah, si kor loogu qaado fursadaha waxbarasho ee ay heli karaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.

“Waa in aan hubino barid tayo sare leh oo ay hormuud u yihiin xirfadlayaal iyo Macallimiin lagu xulay tartan daah-furan inaga oo shaqaaleysiin doona ugu yaraan 10,000 oo Macallimiin ah,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu istaagay qorshaha dowladda ee baahinta adeeg waxbarasho oo tayo leh iyo xaqiijinta Manhaj mid ah oo Qaran oo wax lagu baro ubadka Soomaaliyeed.

“Qorshaheennu waa in aan kordhinno tirada ardayda xaadirta iskoolada oo ay ku jiraan kuwa ku dhaqan miyiga iyo bulshooyinka nugul, sidoo kale waa in aan dhaqan-galinno manhaj mid ah oo Qaran.”

Xasan Sheekh ayaa ka marqaati kacay in fursadaha waxbarasho ee xilligaan ay helaan dhallinyarada Soomaaliyeed ay aad u hooseeyaan, taasi oo caqabad ku ah dhisidda mustaqbal wanaagsan iyo xaqiijinta yoolasha horumarineed ee dalka.

Waxa uu ka dalbaday aqoon-yahanka, qurbe-joogta iyo kaadiriinta waxbarashada dalka in ay gacan ka gaystaan hirgalinta natiijooyin waxbarasho oo u dan ah jiilka soo koraya, si loo xaqiijiyo degenaasho siyaasadeed, horumar dhaqan-dhaqaale iyo barwaaqo baahsan oo ka hanaqaadda dalkeenna.

Mucaaradka Puntland oo ka horyimid go’aankii Deni

0

Garoowe (Caasimada Online) – Mucaaridka Puntlnad ayaa ka horyimid waqtiga uu madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni u asteeyay qabsoomida doorashada goleyaasha deegaanka ee Puntland.

Guddoomiyihii hore ee guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland ayaa go’aanka kasoo baxay Saciid Deni ku tilmaamay mid aan suurta-gal aheyn, islamarkaana ay ku dhici karin doorashada goleyaasha deegaanka ee qof iyo codka ah.

“Wax badan ayaa ka dhiman hawlaha diiwaan-gelinta iyo diyaarinta doorashada, suurta-gal ma ahan mudeynta uu iclaamiyay madaxweynaha,” ayuu yiri Guuleed Saalax Barre.

Guuleed oo haatan kamid ah mucaaridka madaxweyne Saciid Deni ayaa waxa uu hore iskaga casilay xilkii Guddoomiyenimo iyo xubinimadii guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland, oo cadaadis badan uga imaanayay dhanka Madaxtooyada.

Madaxweynaha Puntland ayaa Axaddii soo saaray wareegto uu ku asteeyay xilliga ay dhaceyso doorashada goleyaasha deegaanka ee Puntland, taasi oo laga dhigay maalin Khamiis ah oo ah 25-05-2023-ka.

Go’aanka Deni ayaa daba socday warqad dhawaan ka soo baxday guddiga KMG ah ee doorashooyinka maamulkaasi, ujeedadeeduna aheyd mudeynta maalinta doorashada goleyaasha deegaanka ee dowlad goboleedka Puntland.

“Xeerkani wuxuu dhaqan-galayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay madaxtooyada maamulka Puntland.

Si kastaba, waxaa muddooyinkii dambe ka taagna maamulka Puntland khilaaf xooggan oo la xiriira doorashooyinka qof iyo codka ah, ayada oo mucaaridka uu ka horyimid hanaanka ay u wado xukuumadda uu hoggaamiyo madaxweyne Deni.

Sawirro: Shiinaha ma kusoo biirayaa dagaalka Somalia?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhiga Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa magaalada Muqdisho kulan miro dhal ah kula qaatay danjiraha Shiinaha u fadhiya Somaaliya Mudane Fei Shengchao.

Kulankan ayaa waxaa looga hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka, horumarinta nabada & amniga gobolka iyo weliba dagaalka Al-Shabaab ee ka socda dalka.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale ka wada-hadlay ajandayaasha dowladda ee la-dagaalanka argagixisada iyo muhiimadda ay leedahay qaadista cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxay labada masuul isla meel dhigeen in Soomaaliya iyo Shiinaha ay iska kaashadaan la-dagaalanka argagixisada, ayada oo xukuumadda Beijin ay garab taagan tahay howl-galada ka socda dalka.

Shiinaha ayaa taageeradiisa kusoo biiriyay dalal dhowr ah oo Soomaaliya ku garab istaagay dagaalka ay kula jirto kooxda Al-Shabaab, kaasi oo bilihii dambe ka socday qeybo badan oo dalka.

Dagaalkan ayaa tan iyo markii uu billowday waxaa laga gaaray guulo waaweyn, ayada oo kooxda Al-Shabaab laga saaray deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda.

Guusha laga gaaray dagaalka Al-Shabaab ayaa sidoo kale waxa qeyb ka ah weerarada diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada Soomaaliya, kuwaasi oo badi lagu beegsado xubnaha iyo saraakiisha sar sare ee Al-Shabaab.

Sawirro: Imaaraadka Carabta oo ballan-qaad cusub u sameeyey Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa shalay magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka Dowladda Isu-tagga Imaaraatka Carabta Danjire Axmed Jumca Al-rumeysi.

Kulanka oo ka dhacay xarunta safaaradda Imaaraadka Carabta ee magaalada Mogadishu ayey Gudoomiyaha iyo Danjiraha kaga wada-hadleen doorka dowlada Imaaraadka ee la tacaalida arimaha abaaraha iyo mashaariicda horumarinta.

Labada masuul ayaa sidoo kale waxay diirada saareen sidii loo xoojin lahaa xiriika guud ee hay’addaha UAE ee ka shaqeeya Arrimaha Gargaarka, yareenta musiibooyinka iyo gurmadka deg-dega.

Gudoomiyaha ayaa ugu horeyn dowlada iyo Shacabka imaaraad-ka kaga mahadceliyay garab istaag shacabka Soomaaliyeed, waxaa uuna ka codsaday in ay sii wadaan dadaalkooda iyo garab istaagooda shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu ka dalbaday dowlada Imaaraadka in ay kala shaqeeyso sidii wax loogu qaban lahaa dadka ku nool goobaha laga xoreeyay kooxaha khawaarij-ta iyo taageerida Arrimaha Saadka si loo gaarsiiyo gargaarka.

Safiirka Imaaraadka Axmed Jumca Al-rumeysi ayaa dhankiisa ballan-qaaday in ay la shaqeyn doonaan dowlada federaalka Soomaaliya, si dhawna u la shaqeynayaan hay’adda Maareynta Masiibooiyinka Qaranka ee SODMA.

Dowladda federaalka ayaa wada dadaallo gargaar ballaaran lagu gaarsiinayo deegaannadii laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab, ayada oo dhawan ay SODMA u dirtay shixnad hordhac ah.

IRAN oo sii deynaysa 22 kun oo maxaabiis ah kadib cafis uu fidiyay Ayatollah Khamenei

Tehran (Caasimada Online) – Iran ayaa Isniintii ku dhawaaqday in hoggaamiyaha sare ee dalkaasi uu cafis u fidiyey in ka badan 22,000 oo qof oo loo xidhay mudaharaadadii dawladda looga soo horjeeday ee dalkaas ka dhacay, hase ahaatee ma jiro cid si rasmi ah u xagiijin karta warka sii daynta ee ka soo baxay xukuumadda dalkaas.

Bayaan ka soo baxay madaxa garsoorka ee dalka Iran ayaa markii ugu horraysay si weyn loogaga hadlay baaxadda ay le’eg tahay hawlgallada ay dawladda ee ka dhanka ahaa mudaharaadayaasha ka soo horjeeday xukuumadda, kuwaas oo soo bilaabmay, kadib geeridii Mahsa Amini oo 22 jir ahayd.

Waxaa illaa haatan dalkaas ka jirta cadhada ka dhalatay geerida gabadhaas yar iyo weliba habka ay laamaha ammaanka ee dalkaasi ula macaamileen, mudaharaadada, arrintaas ayaa taabatay guud ahaan, xasiloonida dalka iyo dhaqaalahaba.

Wakaaladda wararka ee dalka Iran ayaa ka soo xigatay madaxa garsoorka ee dalkaas inuu hore u sheegay in hoggaamiyaha sare ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei inuu cafis u fidin doono qaar badan oo ka mida maxaabiista la qab-qabtay intii ay socdeen mudaharaadadu.

Waxay intaas sii raacisay “in lagu soo beegayo bisha barakaysan ee Ramadaanta, taasi oo bilaabanaysa dhammaadka toddobaadka soo socda.”

Madaxa garsoorka ee dalka Iran ayaa sheegay in illaa 82,656 oo qof in la xabsiga la dhigay, halkaas oo qaar ka mida haatan cafis loo fidiyey. 22,628 ka mida maxaabiistaas ee la cafiyey ayaa iyaga la xidhay iyaga oo ka qaybgelaya mudaharaadada.

Wuxuu sheegay in tirada la cafiyey ay ahaayeen, maxaabiis aan ku kicin tuuganimo ama falal qalalaase ah.