28.9 C
Mogadishu
Monday, May 11, 2026

Qabashada Xarardheere, Ceeldheer iyo Galcad oo ka dhigan afar arrin – Fallanqeyn

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Al-Shabaab ayaa sumeeyay ceelashii biyaha inta aanay ka bixin degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, miinooyin ayey sidoo kale ku wareejiyeen magaalada, dadkii deegaanka ayey ku qasbeen inay magaalada ka baxaan 48 saac ka hor inta aanay ayagu bixin.

Ciidanka dowladda federaalka, kuwa Galmudug iyo ciidan deegaanka ah ayaa shalay la wareegay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug oo ay 15 sanno ku dhawaad maamulayeen kooxda Al-Shabaab.

Xarardheere waa magaalo taariikhi ah, waa magaalo xeebeed baaxad leh laakiin sanado badan waxay aheyd mid kamid ah magaalooyinka ay Al-Shabaab ka qorato dagaalamayaasha.

Xarun xukun iyo mid kamid ah meelaha ay ku dhuuntaan madaxda kooxda Al-Shabaab ayey sanado badan aheyd Xarardheere.

Tan iyo markii ciidanka Mareykanka fadhi laga siiyay Hobyo, Al-Shabaab waxay billowday inay madaxdeeda ka saarto Xarardheere.

Dhinaca barri ee gobolka Galgaduud ciidamada dowladda federaalka iyo midka deegaanka waxay qabteen Galcad iyo Ceeldheer.

Qabashada degmada Ceeldheer waa aqbaar kale oo aad u weyn, magaaladan ayaa kamid ah goobaha ugu muhiimsana ee Al-Shabaab ka haysatay Galmudug.

Ciidamada dowladda federaalka iyo midka deegaanka ayey qabashada Ceeldheer u aheyd bartilmaameed gaar ah.

Wararka aan helayno waxay sheegayaan in Al-Shabaab miinooyin ku xarqiyeen magaalooyinka ay ka baxeen shalay laakiin ciidanka dowladda federaalka waxa la socda koox miino-baaris ah, waxaana la sheegay inay u fududaatay in ay qarxiyaan dhamaan miinooyinkii ay Al-Shabaab deegaanadaasi ku aastay intii aanay ka cararin.

Haddaba, In la qabto Xarardheere, Ceeldheer iyo Galcad maxay ka dhigan tahay?

1. Al-Shabaab oo ku jabtay Galmudug: Kooxda Al-Shabaab waxa gacantooda ka baxay laba kamid ah saddexdii magaalo ee ugu waaweyna ee ay Galmudug ka haysatay waa Xarardheere iyo Ceeldheer.

Ceel-buur ayaa hadda ugu weyn magaalooyinka Galmudug ee ku haray gacanta Al-Shabaab, sidoo kale Gal-hareeri oo ah magaalo muhiim ah ayaa weli ku jirta gacanta Al-Shabaab laakiin si fudud kooxdu magaalooyinkan masii joogi karto.

2. Ceel-buur oo dagaal la’aan la qaban karo: Al-Shabaabka ku sugan degmada Ceel-buur waxa ku dhacay go’doon, siima gumeysan karaan dadka magaaladaas iyo deegaanada ku hareeraysan jooga, maadama la qabtay Ceeldheer iyo Xarardheere, dhinaca Wabxo iyo dhanka Dhuusamareeb-na hore looga joogay, Shabaabka Ceel-buur ku sugan inay is-dhiibi doonaan iyo inay dhuuman mida ay tahayba hadda ma haystaan fursad ay kusii nagaadan.

Waxay u badan tahay inay mardhow isaga bixi doonaan magaaladaas, wallow aan la ogeyn xilliga ay dowladda federaalka ah u qorsheysay in magaaladaas loo dhaqaaqo.

3. Al-Shabaab iyo gobolada dhexe: Kooxda Al-Shabaab ayaa muddo badan ku rafaneysay gobolada dhexe, silic badan ayey badeen dadka goboladaas ku nool laakiin tan iyo markii uu qarxay kacdoonka shacab ee lagu diidan yahay Al-Shabaab rejada kooxda ee sii joogista gobolada dhexe waxay aheyd mid naafo ah laakiin maanta waxay u muuqata inay toos uga soo dhamaan doonaan gobolada dhexe asbuucyada soo aadan.

4. Reer Galmudug iyo ballankii madaxweynaha: Dhawaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu booqday Galmudug, wuxuu ka hadlay Baxdo, Dhuusamareeb iyo Wisil, wuxuuna intaba ka codsaday in Xarardheere la qabto, iyada oo laga aqbalay codsigaas ballana meel la kala dhigtay.

Qabashada maanta waxay ka dhigan tahay in reer Galmudug fuliyeen ballantii ay la galeen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Maamulka GALMUDUG oo soo saaray amaro cusub oo la xiriira DAGAALKA socda

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasaaradda Amniga ee dowlad-goboleedka Galmudug ayaa maanta soo saartay awaamiir cusub oo la xiriira amniga magaalada Dhuusamareeb, xilli ay maamulkaasi ka billowdeen dagaalka ka dhanka Al-Shabaab.

Awaamiirta kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in laga bilaabo maanta la xiray dhamaan waddooyinka ka yimaada dhanka bari ee caasimada Galmudug illaa amar dambe.

Waddooyinka la xiray ayaa kala ah; Wadada aadda ama ka timaada Ceel-buur oo laga xoreeyay cadowga, wadada Miirdugul iyo wadada Ceel Cali iyo Gunsar, sida lagu sheegay warqada kasoo baxday Wasaaradda amniga Galmudug.

“Waxaa dhamaan la farayaa gaadiidleyda mara wadooyinkaas ina ay u hogaansamaan awaamiirta wasaaradda amniga,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda amniga gudaha dowlad-goboleedka Galmudug.

Sidoo kale waxa la faray hay’addaha amniga caasimadda Galmudug u xil-saaran in ay dhaqan-galiyaan waajibaadkooda amniga.

“Sidoo kale waxaa laga codsanayaa dhamaan bulshada caasimada iyo nawaaxigeeda in ay qeyb ka noqdaan amniga caasimadda,” ayaa lagu yiri warqadan oo uu ku saxiixna wasiir ku-xigeenka wasaaradda amniga gudaha dowlad-goboleedka Galmudug.

Dowlad-goboleedka Galmudug ayaa waxaa si rasmi ah uga billowday howl-galada lagu xoreynayo deegaanada ay Al-Shabaab kaga sugan yihiin maamulkaasi, kuwaasi oo durtaba laga gaaray guulo waaweyn.

Gen. Odowaa oo shaaciyey khasaaraha weerarkii maanta

0

Balcad (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Generaal Odowaa Yuusuf Raage ayaa ka warbixiyay khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerar ku billowday qaraxyo is-miidaamin ah oo saaka Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhigga ku yaalla deegaanka Xawaadley oo qiyaastii 20 KM u jira degmada Balcad ee gobolka Sh/ Dhexe.

Odowaa oo u warramay warbaahinta dowladda ayaa shaaciyay in ciidamada Xoogga dalka ay iska caabiyeen weerarka uga yimid Shabaab, isla-markaana ay khasaare gaarsiiyeen.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in la dilay 21 xubnood oo ka tirsanaa xoogagii weerarka ku soo qaaday saldhigga deegaanka Xawaadley, kadib dagaal culus oo ka dhacay halkaasi.

Taliyaha Xoogga dalka oo hadalkiisa sii wata ayaa qiray in dhankooda laga dilay illaa 5 askari oo uu ku jiro Taliyihii Guutada 3-aad, Qaybta 27-aad ee milatariga Soomaaliya Korneel Abshir Maxamuud Maxamed (Shataqey) oo maamulayey saldhigga la weeraray.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray in ciidamada dowladda ay weli ka wadaan halkaas howlgal ay ku baadi goobayaan xubnihii weerarka soo qaaday ee Al-Shabaab.

“Ciidamada ayaa wali sii baacsanaya firxadka Khawaarijta Al-shabaab ee saakay soo weeraray deegaanka Xawaadleey,” ayuu yiri taliye Odowaa Yuusuf Raage.

Dhinaca kale war kasoo baxay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in xoogaga weerarka qaaday ay gudaha u galeen saldhigga, ayna qabsadeen hub iyo gaadiid.

Xawaadley oo kamid ah deegaanadii ugu dambeeyay ee ay la wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa 20 KM u jira degmada Balcad ee Shabeelaha Dhexe.

Weerarkan ayaa ku soo aadaya, ayada oo haatan inta badanAl-Shabaab laga saaray gobolkan oo hoostaga HirShabelle, waxaana kamid ah meelaha la qabtay degmooyinka Aadan Yabaal, Ruun-nirgood iyo deegaano kale oo muddo fog ay ka talineysay kooxdu.

Si kastaba, shalay uun ayay aheyd markii ay Al-Shabaab is-miidaamin tan lamid ah, loona adeegsaday baabuur ay ku weerareen deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan, waxaana ka dhashay dhimasho, dhaawac iyo burbur.

Daawo: Aabe maseeray oo gabadhiisa si arxan darro ah ugu dilay magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dhacdo naxdin leh oo ka dhacday magaalada Muqdisho, kadib markii Aabe Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Abuukar Xuseen uu gabadhiisa si arxan darro ah ugu dilay magaalada Muqdisho.

Dhacdadan ayaa si gaar ah uga dhacday guri ku yaalla xaafadda Badbaado ee degmada Dharkenley, waxaana gabadha la dilay ay jirtay 6 bilood, sida ay sheegeen ehelladeeda.

Aniso Maxamed Cabdi oo ay walaalo yihiin gabadha yar oo la hadashay Shabelle TV ayaa ka warbixisay sida ay wax u dhaceen, waxayna sheegtay in bir iyo garaaciis uu gabadha yar ku dilay Aabaheed, ayada oo arrintaan lala xiriiriyay maseer ama hinaaso darteed.

“Walaashey oo kor loo qaaday oo dhulka lagu deeyay oo bir madaxa looga garaacayo ayaan guriga soo galay,” ayeu tiri Aniso Maxamed Cabdi.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dartay in gabadha yar oo aan waxba galabsan si silac ah oo arxan darro ah loo dilay, sida ay ku dooday

“Saqiir ayey aheyd 6 bilood ayey jirtay waxba ma galabsanin qof ay wax ka haleysana ma lahan. Walaashey xaqeeda in loo soo dhiciyo ayaan rabaa,” ayey sii raacisay Aniso.

Waxa kale oo ay baaq u dirtay dowladda federaalka oo ay ka codsatay inay cadaalad u raadiyaan qoyskeeda oo ka kooban 9 carruur ah oo iyo hooyadood.

“Dowladd sharaf leh ayaan ka codsaneynaa inay wax noo qabato, xanuunka qalbiga iga haayo ayaa wax weliba iiga daran oo walaashey iga dilay,” ayey markale tiri.

Dhinaca kakel qaar ka mid ah ehellada qoyskan oo ka soo muuqday muuqaalka ayaa sheegay in ay weli handadaad kala kulmayaan Aabaha, isla-markaana ay isaga qaxeen gurigooda, cabsi ay ka qabaan darteed inuu markale ku soo weeraro xaafaddooda.

Arrintan ayaa dhalisay hadal heyn xoogan, waxaana sidoo kale walaac iyo murugo ay ku reebtay ehellada gabadha yar iyo dadka dariska la ah qoyskaasi.

Shabaab oo ismiidaamin ku dishay maanta taliye Abshir Shataqey iyo askar badan

0

Balcad (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar ku billowday qaraxyo oo ay saaka Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay ku leeyihiin deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in illaa saddex qarax oo loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyay walxaha qarax ay Al-Shabaab ku weerareen saldhiggaasi.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka kadib uu xigay dagaal foolka fool ah, kaas oo u dhexeeyay xubnaha weerarka qaaday iyo ciidamada ku sugnaa saldhigga la weeraray.

Khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarkan, waxaana haatan xaalad kacsanaan ah laga dareemayaa duleedka degmada Balcad.

Saraakiisha lasoo wariyey in ay ku dhinteen qaraxyadaasi ayaa waxaa kamid ah Taliyihii Guutada 3-aad, Qaybta 27-aad ee Milatariga Soomaaliya Korneel Abshir Maxamuud Maxamed (Shataqey) oo saldhigga maamulayay iyo askar kale oo ku sugneyd xeradaas.

Dhinaca kale war kasoo baxay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in xoogaga weerarka qaaday ay gudaha u galeen saldhigga, ayna qabsadeen hub iyo gaadiid.

Xawaadley oo kamid ah deegaanadii ugu dambeeyay ee ay la wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa 20 KM u jira degmada Balcad ee Shabeelaha Dhexe.

Weerarkan ayaa ku soo aadaya, ayada oo haatan inta badanAl-Shabaab laga saaray gobolkan oo hoostaga HirShabelle, waxaana kamid ah meelaha la qabtay degmooyinka Aadan Yabaal, Ruun-nirgood iyo deegaano kale oomuddo fog ay ka talineysay kooxdu.

Si kastaba, shalay uun ayay aheyd markii ay Al-Shabaab is-miidaamin tan lamid ah, loona adeegsaday baabuur ay ku weerareen deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan, waxaana ka dhashay dhimasho, dhaawac iyo burbur.

Dowladda Xasan oo qaaday tallaabo ‘dhif iyo naadir ah’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya dilayaal badan ayaa weli ku laydhsanaya banaanka, sababta uu garsoorka fadhiidka u ahaa dhowrkii sanno ee lasoo dhaafay daliil kala duwan ayaa laga bixiya, laakiin marwalba waxaa muhiim ah in cadaalad la helo.

Muqdisho oo ah meesha u badan ee dilalka ka dhacaan marka arrimaha Soomaaliya laga hadlayo sanado badan marxuumtii la dilay iyo qoysaskoodii cidna uma jawaabin.

Laakiin toddoba billood oo uu madaxweyne Xasan Sheekh joogay xafiiska isbedel weyn ayaa ka jira dhinaca garsoorka.

Sheekada maanta waxay la xiriirta marxuum Abuukar Sheekh Maxamed Nuuraani oo ay dadka badi u yaqaaneen ‘Aabirima’, kaasi oo ganacsi yar ku haystay degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir, dhawaana uu si gardaro ah u dilay Dable Qaasim Ducaale Cabdi oo ka tirsan ciidanka dowladda hoose ee Muqdisho.

Shan kun oo Shillin Soomaali ah oo uu dilaaga isku dayay in uu canshuur ahaan u dhigo ayaa loo dilay marxuumkan, oo marka la eego waxa uu iibinayay aanay canshuur ku waajibin.

Dable Qaasim ayaa waxa uu qirtay in uu dilay Aabirima inkasta oo uu sheegay in gacan ka hadalka lagala horeeyay, waxaase maxkamadda la horkeenay markhaatiyaashii goobjooga u ahaa dhacdadan oo sheegay in askarigu si ku tala-gal u geystay dilka.

Maxkamadda ma daahin go’aanka kiiskan, dil ayaa lagu xukumay askariga Shanta kun u dilay marxuumkaas u halgamayay nolol-maalmeedkiisa.

Arrinta macnaha sameynaysa ee kiiskan waa go’aanka degdegta ee maxkamadda, maadama uusan madmadow badan ku jirin kiiskan.

Go’aankan ayaa waxa uu farriin u yahay askarta caadeysatay falalka noocan ah, internet-ka ayaa kaalin weyn ka qaatay kiiskan oo gaarsiiyay meel aanay maxkamadda iyo madaxdu midna ka dhuuman karin.

Shir sanadeedkii garsoorka ee dhawaan ku qabsoomay magaalada Muqdisho waxa uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka sheegay in qofkii si gardaro ah qof u dila aan go’aankiisa maxkamadda iska haysan karin oo ay tahay in sharciga degdeg loo waafajiyo.

Toddobadii billood ee lasoo dhaafay dhowr dilaa ayaa dilal lagu fuliyay, dhowr kalana dilal ayaa lagu xukumay kuwaas oo sugaya fulin, taasi oo muujinaysa in nidaamka cusub ee madaxweyne Xasan Sheekh uu toos u abaaray daaweynta boogtii garsoorka oo aheyd in aan dilaayasha hubeysan cadaalada la waafajin.

Al-Shabab launches deadly attack on Somali military base

Balad (Caasimada Online) – Al-Shabab militant group launched a devastating attack on a Somali military base in Middle Shabelle region on Tuesday, resulting in the deaths of several government forces. 

The early morning assault, which took place in the village of Hawadley, near Bal’ad district, began with a series of car bombings followed by a gunfight between the militants and the military personnel stationed at the base.

There were differing accounts of the number of casualties from the attack on a military camp in Hawadley.

The army chief Gen, Odowaa Yusuf Rage, reported that five soldiers, including a high-ranking officer, had died, while a local militia commander said the death toll was 11.

Reports say that Colonel Abshir Mohamud Mohamed, also known as Shaqatey, the commander of the Somali National Army’s 27th Division of 3rd Battalion, was among the casualties of the attack.

The Islamist group Al-Shabab claimed responsibility for the attack, which involved a car bomb exploding outside the camp and gunmen entering the compound.

The base had recently been retaken by the Somali National Army and allied militia in a campaign against the Islamist militants.

The village of Hawadley, located approximately 20 kilometers from Bal’ad district, remains tense, with Al-Shabab claiming control of the army base and seizing weapons and military vehicles.

This attack comes just days after Al-Shabaab carried out a similar assault in the Halgan district of the Hiiraan region, resulting in the deaths of several government forces, including the CID chief of the Beledweyne Police Station, Jamal Ahmed Jama. Additionally, two members of local anti-Shabab clan militia forces were wounded in the attack.

Security officials report that the militia had opened fire on the suicide car bomber from a safe distance, forcing the individual to detonate the device prematurely before reaching the government security forces headquarters.

In recent months, the government and allied clan militias have made significant strides in pushing back against Al-Shabaab, successfully retaking large swathes of territory in central Somalia. However, experts warn that the group has a history of adapting to military pressure and has not yet been defeated.

Despite the recent successes against Al-Shabab, the group continues to carry out deadly attacks and bombings. 

In Bulobarde and Jalalaqsi towns, they killed 13 people and injured over 50 others on Saturday. On January 4th, two explosions from vehicle-borne explosive devices in Mahaas town resulted in the deaths of over 20 people, the majority of them being civilians.

Somaliland challenges US ambassador’s recognition of region as part of Somalia

Hargeisa (Caasimada Online) – Somaliland, a semi-autonomous region in Somalia, has taken issue with the actions of the US Ambassador to Somalia, Larry Andre.

In a statement released by the Somaliland Ministry of Foreign Affairs, the government criticized Andre for referring to Somaliland as a region part of Somalia rather than “its proper name.”

The statement read, “It is unacceptable that Larry Andre, the US ambassador in Mogadishu, continuously avoids referring to Somaliland by its proper name and instead refers to it as a region of Somalia, lumping Berbera with Somalia despite knowing fully well that Somaliland is not a region of Somalia. Referring to Somaliland as a region of Somalia is an affront to the dignity of our people and our country.”

The Somaliland Ministry of Foreign Affairs statement went on to say, “We wonder if Ambassador Andre has an ulterior motive. As has been the practice, the Republic of Somaliland is always ready to cooperate with the United States.”

Somaliland has long sought recognition as an independent nation, separate from Somalia. The government has emphasized its stability and potential as an asset for US interests in the Horn of Africa.

In March 2022, top leaders from Somaliland visited Washington to lobby the United States to recognize the territory’s independence. However, during the visit, the Biden administration made it clear that it had no plans to recognize Somaliland’s independence from Somalia.

Despite this, in meetings on Capitol Hill, top US lawmakers signaled that they wanted the United States to deepen ties with Somaliland, viewing the territory as a bastion of stability in an otherwise unstable region and a potential bulwark against growing Chinese influence in East Africa.

Somaliland’s Foreign Minister, Essa Kayd Mohamoud, stated in an interview with Foreign Policy, “Even if it takes 100 years for recognition, we will still stand for our identity, we’ll still engage with everybody, and we’ll still dream of a day where Somaliland is recognized as its own country.”

The US has already sent an advance team to Somaliland to prepare the military to train in Berbera, demonstrating a deepening of ties between the two sides.

However, recognition of Somaliland’s independence remains a contentious issue, with US officials fearing it would upend relations with the federal government in Somalia and open the floodgates for other semi-autonomous African regions to push for independence.

Somaliland is a semi-autonomous region in the northwestern part of Somalia. It declared its independence from Somalia in 1991, following the collapse of the Somali government and the outbreak of civil war. However, any country or international organization has not recognized its sovereignty.

Despite this lack of international recognition, Somaliland established a functioning government, a stable economy, and a peaceful society.

Ciidamada DF oo la wareegay degmada CEELDHEER

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay gudaha u galeen degmada Ceeldheer oo ka tirsan gobolkaasi kadib markii ay isaga baxeen xoogag Shabaab.

Ciidamada huwanta ayaa lagu soo warramayaa inay si nabdoon kula wareegeen degmadan oo ay muddo sanado ah ka talineysay kooxda.

Sidoo kale ciidamada ayaa haatan howlgallo miino baaris ah iyo kuwa lagu sugayo amniga ka wada gudaha degmadaas iyo hareeraheeda.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo qoraal soo saaray ayaa  xaqiijiyay in Ceeldheer ay soo gashay gacanta dowladda, isagoo boggaadiyay ciidamada sameeyay howlgalkaas oo isugu jiro Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciidamada ay sii socon doonaan, isla-markaana ujeedka u yahay in Galmudug oo dhan laga xoreeyo kooxda Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa haatan mid kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo iyo guluf dagaal laga dareemayaa qaybo kamid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka.

Shalay ayey aheyd markii ciidamada huwanta ay la wareegeen gacan ku heynta magaalo xeebeedka Xarardheere ee gobolka Mudug oo maalmo kahor ay isaga baxday Al-Shabaab.

Arrintan ayaa muujineyso inay Al-Shabaab laga sii itaal roonaanayo, isla-markaana lagu jebiyay howlgalladii u dambeeyay ee ka dhacay, Hiiraan, Sh/Dhexe, Galgaduud iyo Mudug.

Howlgallada dagaal ee ka dhanka ah koxoda Al-Shabaab ayaa haatan si weyn ugu sii fidaya dalka oo dhan, ayada oo tan iyo markii ay billowdeen kooxda lagu gaarsiiyay jab xoogan, isla-markaana looga qabsaday deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda.

Saddex tallaabo oo Puntland ay qaaday oo ka dhigaya in aanay xal gaari karin DF

0

Garoowe (Caasimada Online) – Tan iyo markii ay Puntland ku dhawaaqday inay u dhaqmeyso sida dowlad madax-banaan oo kale, waxaa si weyn usoo ifbaxday khilaaf huursana muddo oo u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamulkaasi.

Bayaan kasoo baxay Madaxtooyada Puntland 9-kii bishaan ayaa lagu sheegay in qodobka 142 ee dastuurka federaalka uu waafaqsan yahay qodobka 4-aad ee dastuurka Puntland farqadiisa 3-aad uu Puntland xuquuq u siinayo inay u dhaqanto sidii dawlad madax-bannaan.

Khilaafka siyaasadeed ee Saciid Deni iyo Xasan Sheekh ayaa waxaa la fahamsan yahay in xiligaan ay adag tahay in xal laga gaaro dooda Puntland, maadama ay shuruud ka dhigatay Somaliland, oo ayadu in ka badan 30 sanno ku doodeysa gooni isu-taag.

Haddaba, waxaa isdul taagi doona saddex arrimood oo sii murjinaya in xal laga gaaro xiisadda dowladda federaalka iyo Puntland, kuwaasi oo kala ah;

1. Magacaabistii Sabtidii: Saciid Deni ayaa Sabtidii shalay ahayd magacaabay guddi uu sheegay inay galayaan wada-xaajoodyada federaaleynta dalka, hase yeeshe ma cadda cidda ay la hadlayaan, maadama uu maamulkiisa soo bandhigin faahfaahinta wada-hadalo hoose oo Deni iyo madaxda dalka dhex-maray.

2. Doodda Salkeeda: Waxa aad u yar dadka u qiil sameynaya dooda xiligaan ee Puntland, taasi oo falanqeeyaasha qaarkood u arkaan arrin kasoo fushay madaxweynaha hadda xilka haya Saciid Deni, uuna doonayo in uu ku gurto miro-siyaasadeed oo u gaar ah.

3. Wada-hadalada DF iyo Somaliland: Arrimaha sii murjinaya in xal laga gaaro muranka jira ayaa waxa kamid ah in Puntland ay miiska soo saartay rabitaankeeda ka qeyb noqoshada wada-hadalada Somaliland, taasi oo la fileyn waqti dhow, sida ay leeyihiin falanqeeyayaasha.

Geedi-socodka dowladnimada iyo nidaamka federaalka Soomaaliya oo kaalin weyn ku laheyd Puntland sida la ogyahay ayaa u muuqda in uu ku laabtay halkii uu marayay 2007-dii, xiligaas oo ahayd markii u horeysay oo Puntland xiriirka u jartay dowladda dhexe.

Sawirro: Booliska Muqdisho oo soo bandhigay burcad geysatay dhac yaab leh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Booliska Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay sawirrada 5-rag ah, hub ay wateen iyo gaari ay ka dhaceen dad shacabka, kuwaas oo la qabtay iyagoo baxsad ah.

Ragaan ayaa laga soo qabtay degaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho, iyagoo la baxsanaya gaariga ay dhaceen iyo taleefoono kale oo dad shacab ay ka uruursadeen.

Ragaan ayaa gaari nooca raaxda ah kala degay dadkii watay, kadib markii ay ka afduubteen meel u dhow garoonka cayaaraha ee Stadium Eng. Yariisoow ee degmada Cabdicasiis.

“Kooxdaan burcadka ah oo ka kooban shan rag ah oo watay qoryaha AK47 ayaa gaariga ku joojiyay isgooska Ex control, halkaas oo ay ku baarteen dadkii saarnaa gaariga iyaga oo ka qaatay dhamaan taleefanadii ay wateen, kadibna iska dajiyay dadkii shacabka ahaa,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay booliska.

Qoraalka booliska ayaa intaas ku sii daray, “Ciidanka Booliska oo xogta ragaan hayay wada shaqeena ka halaya dadka shacabka ah ayaa iyagoo baxsad ah ku qabtay Deegaanka Garasbaaley ee duuleedka Magaalada Muqdisho 12/01/2023 abaaro 08:00 subaxnimo.”

Ugu dambeyntii taliska qeybta booliska ee gobolka Banaadir ayaa qoraalkaan ku cadeeyey in burcadaan hubaysan oo ku jirta gacanta ciidanka amniga la horgey doono hey’adaha kale garsoorka, si cadaallada loo marsiiyo.

Magaalada Muqdisho markii laga soot ago falalka argagixiso ee sababa dilalka madax-jebiska ah iyo qaraxyada, waxay dadkeedu qaati ka taagan yihiin dhaca tuugada, mararka qaarna waxaa dhacda in qofka loo dilo agabka uu wato dartiis.

Ciidamada ammaanka ayaa magaalada ka wada howlgallo ay ku baacsanayaan burcadda, waxayna maalmihii lasoo dhaafay ku guuleysteen inay soo qabtaan ku dhawaad 20 rag ah oo dadka dhaceysay.

HOOYO ku hanjabtay inay madaxtooyada Somaliland isku qarxineyso haddii ay…

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Hooyo Soomaaliyeed oo ku nool magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland oo la hadashay warbaahinta gudaha ayaa shaacisay cadaalad darro baahsan oo ay tirsaneyso.

Hooyadan ayaa sheegtay haddii ay xukuumadda Somaliland ka heli weydo cadaalad ay isku qarxin doonto Madaxtooyada Somaliland oo ah hoyga uu degan yahay Muuse Biixi.

“Cadaalad darada aan tirsanayo waa in Baloodh aan ku leeyahay saldhiga Daami ee Hargeysa la igala meeraysanayo. Waxaa keenay markhaatigii, ninkii iga iibiyay iyo nootaayooyinkii, waxaa i wareejinaya guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland,” ayey tiri.

“Sideedaba waxaa laga garnaqa laba saf ah oo iska soo horjeeda, weli ma arkin cid iga soo horjeeda. Garsooraha markasta wuxuu ileeyahay maxkamadda sare ayay ka socotaa, meesha qaraaro ayaa laga soo saaray ayey hay’addaha garsoorka yidhaahdeen xataa waxa la igu yidhi qasab ku saxeex qaraaradaas.”

Sidoo kale waxay sheegtay in cadaalad darada ay ka tirsaneyso xukuumadda Somaliland, gaar ahaan maxkamadda sare ay horseedi doonto inay isku qarxiso madaxtooyada, maadama uusan jirin sharci lagu kalsoonaan karo.

“Qorshahayga wuxuu yahay haddii aan waayo cadaalada in aan isku qarxiyo Madaxtooyada, sharcigu waaka sharci kale hadaan waayay halkee qabta.” ayey sii raacisay hadalkeeda.

Hooyadan ayaa kamid aheyd tobaneeyo qof oo warbaahinta gudaha kasoo muuqday, iyaga oo cadaalad darro ka tirsanaya hay’addaha garsoorka Somaliland, kuwaasi oo sheegay in xuquuqdoodii lagu tuntay, lana duudsiiyay wixii ay xaqa u lahaayeen.

Cadaalada Somaliland ayaa si weyn looga deyrinayay sanadihii dambe, ayada oo lagu eedeyo “in ay eex iyo awood dowladeed” lagu dulmiyo dadweynaha, taasi oo sida muuqata ay ka dhalan doonto natiijo aan la mahdin.

Xaad oo baaq cusub u diray DF iyo maamulka gobolka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo soo dhaweeyay kacdoonka Shacab ee dhawaan ka billowday Muqdisho, ayaa baaq u direy madaxda dowladda federaalka iyo maamulka gobolka Banaadir.

Xaad ayaa ka dalbaday madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamulka gobolka in la daadajiyo dowladda, oo la geeyo gacamaha shacabka, si looga guuleysto dagaalka Shabaab ka dhanka ah.

“Dowladda waxaa ka codsaneyna hadey dowladda dhexe iyo gobolka Banaadir tahay in dowladda hoos la geeyo anagu waxaa soo joognay dowladda oo qoysaska guryahooda ku jirta. Dowladda haddii la daadajiyo waxay tagee caruur, hooyo iyo aabe taas ayey dowladda ku dhex jiri jirtay haddana waxaa rabna in meeshaas la gaarsiiyo,” ayuu yiri.

“Dowladda iyo Shacabka waxa u dhaxeeya gaab, sidaas ayey Khawaarijta ku faa’iideen oo dhibaatada ku geysteen waxaa rabna dadka Soomaaliyeed gaar ahaan gobolka Banaadir bulshada ku nool iyo dowladda in aan gacanta isku galino.”

Nabadoon Xaad ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in fursada kaliya ee Shabaab looga adkaan karo xiligaan ay tahay in bulshada gobolka u midoobaan ciribtirka Khawaarijta, maadama ay ku dhuumaaleysanayaan gudaha caasimadda dalka.

“Waxaa rabnaa in wada-shaqeynta la buuxiyo, haddaan nahay dadka gobolka Banaadir waxaa haysana ciidamadii dowladda oo dhan iyo waxkasta oo adeeg ah oo ay dowladda bixiso, aan ku dhiirano suulintooda (Shabaab).”

“Waa in aan ku dhiirano arrintaas iyada ah, geesinimadu wax ma disho, fuleynimada nolol ma keento taas ayaa isku baraarujinayna waxaa inoo ballan ah wada-shaqeyn, isxog-wareysi, isku xirnaan iyo kalsooni. Dowladda waxaa rabna inay dhagaxyada kasoo hoos baxdo oo la is-dhexgaliyo dowladda iyo dadka.”

Shacabka Muqdisho ayaa Khamiista toddobaadkii hore muujiyay sida ay uga soo horjeedaan kooxda Al-Shabaab oo dhibaatooyin badan ka geysata caasimada dalka, waxaana kacdoonkan loo arka mid muujinaya “in dagaalka uu marayo meel gaba-gabo ah oo Al-Shabaab la jebiyay.”

Aqalka Cad iyo waraaqaha sirta ee laga helay guriga Biden

0

Washington (Caasimada Online) – Xafiiska la taliyaha sharciga ee Aqalka Cad ee dalka Maraykanka ayaa sheegay Isniintii inaanu jirin wax ku saabsan ‘diiwaanka martida’ oo yaalla guriga madaxweyne Joe Biden ee ku yaalla gobolka uu ka soo jeedo ee Delaware. Arrintan ayaa daba socotay, ka dib markii uu mudane ka tirsan xisbiga Jamhuurigu uu codsaday in lala wadaago diiwaanka martida booqatay guriga Madaxweyne Joe Biden ee ku yaalla Delaware, halkaas oo laga helay waraaqo sir ahaa oo dawladdu lahayd.

Axaddii ayaa xafiiska James Comer oo ah guddoomiyaha cusub ee guddida kormeerka ee Aqalka Wakiillada Maraykanku, wuxuu ka codsaday Ron Klain oo ah madaxa shaqaalaha ee Aqalka Cad inuu macluumaad ka siiyo, ku saabsan baadhitaankii lagu sameeyey waraaqihii sirta ahaa ee laga helay xafiiska Biden ee ku yaalla magaalada Washington iyo weliba gurigiisa Delaware.

Waxyaabaha uu codsaday waxaa ku jiray, faahfaahin la xidhiidha dadkii booqday guriga tan iyo intii uu Joe Biden madaxweynaha noqday, oo ahayd January 2021.

“Sida madaxweyne kasta oo soo maray Maraykanka tobanaankii sano ee ugu dambeeyey ee taariikhda casriga ah, guriga gaarka ah ee madaxweynuhu waa kuwo isaga u gaar ah” sidaas waxaa yihi xafiiska la taliyaha sharciga ee Aqalka Cad.

Ciidanka ilaalada ee u xilsaaran ammaanka madaxweynaha ayaa sheegay, inkasta oo ay ilaaliyaan ammaanka guriga madaxweynaha, haddana inaanay si joogto ah u diiwaangelin, cidda baxaysa ama soo gelaysa.

“Si madaxbanaan uma ilaalino diiwaanka martida sababtoo ah waa guri gaar ah,” ayuu yidhi afhayeen u hadlay ciidanka ilaalada madaxweynaha.

Xubnaha cusub ee Jamhuuriga ee la wareegay aqalka wakiillada ayaa haatan dalbanaya macluumaad dheeri ah oo ku saabsan cidda heli kartay macluumaadka sirta ah ee laga helay guriga Biden, tan iyo markii xafiiska ka degey sannadkii 2017.

Biden ayaa sheegay inuu aad ula yaabay in waraaqo sir ah lala helay goobo isaga lala xidhiidhinayo.

Xeer ilaaliyaha guud ee Maraykanka Merrick Garland ayaa u magcaabay sarkaal gaar ahi inuu baadho sida madaxweyne Biden uu u maamulay waraaqaha sirta ah, tan iyo markii uu ka degey xafiiska madaxweyne ku xigeenka, iyo sidoo kale sarkaal kale oo baadha, sida madaxweyne Trump uu u qaatay in ka badan 300 oo waraaqo sir ah oo uu u geystay guriga uu ka degan yahay gobolka Florida.

Biden ayaa waraaqaha sirta ah ee laga helay dhismayaashiisa wuxuu ku wareejiyey xafiiska kaydka qaranka, sida uu dhigayo sharcigu.

VOA

Wareysi: Biixi oo shaaciyey in Shabaab lagu go’doomiyey Galgaduud kadib markii…

0

Xarardheere (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa ka hadlay muhiimadii ay degmada Xarardheere u laheyd kooxda Al-Shabaab, kadib markii ay maanta gudaha u galeen ciidamada xoogga dalka.

Taliye Biixi oo wareysigaan siiyey Idaacadda Dowladda ee Radio Muqdisho ayaa sheegay in dekedda demadaas ay Al-Shabaab kala soo degi jireen hubka iyo sahayda kale, isla markaana ay ka dhoofi jireen amiirrada Al-Shabaab.

“Degmadaan waxay leedahay deked ay hubka, shidaalka, daawada iyo sahayda oo dhan ay kala soo deji jireen kooxda Al-Shabaab, waxaana ku guuleysanay maanta in cadowga aan ka xoreyno,” ayuu yiri Biixi.

Taliyaha ayaa sheegay in Al-Shabaab ay isaga carareen degmada oo dhamaan dadkii deganaa ay horay u kaxeysteen, isla markaana ay ku baxeen dhowr jid oo ciidanku ay ka war hayaan.

“Xarardheere maanta waa meel lagu kala cararay, hal qof ma joogto oo cadowgii wuxuu horay u kaxeystay carruurtii iyo islaamihii, dhowr jiho ayeyna uga baxeen magaalada,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Jeneraal Biixi.

Taliyaha ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay go’doomiyeen, isla markaana aysan jirin meel ay hubka ula faka doonaan, maadaama lagu hareereeyey Galgaduud.

“Ma jirto wado ay Al-Shabaab tiknikada kula bixi karaan, waxaa la sheegay in nin kasta uu hadda dharka haweenka toshay, laakiin iyagoo hubeysan meel ay nooga faka karaan ma jirto,” ayuu yiri Biixi.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay inay ahmiyad gaar ah siinayaan xoreynta magaalooyinka waaweyn, si loo go’doomiyo kooxda, isla markaana lasoo afjari doono maalmaha soo socda Shabaab-ka ku sugan Galmudug.

Sidoo kale Galcad ayuu sheegay Taliyuhu in maanta khasaare lagu gaarsiiyey Al-Shabaab, kadib markii ay isku dayeen inay difaacdaan magaalada, balse waxay u babac-dhigi waayeen ciidankii soo weeraray, taas oo sababtay inay isaga cararaan Galcad oo dhiigooda loogu tegay, sida uu sheegay Taliyuhu.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Wasiirkii dhaawacmay ee amniga oo war ka soo saaray dagaalka dalka ka socda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Axmed (Doodishe) oo shaqada uga maqan dhaawac ka soo gaaray weerarkii Hotel Villa Rays ayaa soo saaray qoraal uu kaga hadlayo dagaalada Al-Shabaab looga xoreyanayo Galmudug iyo HirShabeelle.

Wasiirka ayaa bogaadiyey howlaglkii ay ciidamadu maanta ku xoreeyeen magaalooyinka Xarardheere iyo Galcad, isagoo sheegay Shabaab oo laga xoreeyey galmudug iyo HirShabeelle ay noqa doonaan “kalluun biyo waayey.”

“Dib u xoraynta degmada Xarardheere waa guul kale oo taariikhi ah, guusha ciidamada qalabka sida iyo xoogagga difaaca bulshada ay ka soo hooyeen bilihii la soo dhaafay deegaanada Galmudug iyo Hirshabeelle waxa ay ka dhigan tahay in awooddii hogaamineed ee Khawaarijta; siyaasad, dhaqaale iyo ciidanba uu burbur weyn soo gaaray,” ayuu yiri wasiir Doodishe.

Wasiirka amniga ayaa qoraalkaan ku sheegay inuu guuleystay qorshii dagaalka seddaxda jiho ee dowladdu ay ku qaaday Al-Shabaab, kuwaas oo kala ahaa dhinacyada furinta, fekerka iyo dhaqaalaha.

“Sidoo kale waxa ay guulahaasi marqaati u yihiin sida wadashaqaynta xukuumadda iyo bulshada Soomaaliyeed, iyo hirgelinta siyaasadda cunaqabataynta dhaqaale, dagaalka xagga fekerka iyo warbaahinta (Istiraatiijiyadda Burburinta Cadawga) ee Khawaarijta lagu qaaday ay kaalin mug leh uga qaateen guusha millatari ee ciidamada qalabka sida.”

Ugu dambeyntii Wasiirka amniga Soomaaliya ayaa qoraalkiisa ku yiri, “Khawaarijta oo laga nadiifiyo Hirshabeelle iyo Galmudug waxay uga dhigan tahay sidii kalluun biyo waayay!”

Wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Axmed (Doodishe) ayaa lug ka jabay habeenkii ay Al-Shabaab weerareen hotelka Villa Rays oo madaxtooyada ku ag yaalla.

Doodishe ayaa loo qaaday caafimaad dibadda ah, waxaana markii ugu horeysay oo uu ka soo hadlo xaaladda dalka, tan iyo markii uu ku dhaawacmay weerarkaas.

 

Xamza oo war kasoo saaray guushii maanta la gaaray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa ka hadlay xoreynta degmada Xarardheere ee Koonfurta gobolka Mudug oo maanta ay la wareegeen ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu hambalyeeyay ciidammada qalabka sida iyo kuwa shacabka oo degmo kale oo muhiim ah ka xoreeyay Khawaarijta ragaadisay horumarka dalka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.

“Waa tallaabo kale iyo guul taariikhi ah oo ay geesiyaasha ciidamada qaranka iyo kuwa shacabka maanta ay usoo hoyeen Qaranka mar haddii ay cagta mariyeen cadowgii ummadda ka dulqaadeen degmada istaraatiijiga ah ee Xarardheere ee gobolka Mudug,” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in dhiiranaanta shacabka, geesinimada ciidanka iyo ka go’naanshiyaha madaxda dowladda oo isbiirsaday ay sahashay in Al-Shabaab lagu jabiyo muddo kooban, islamarkaana looga qabsado dhul ballaaran.

“Sannadkaani waa midkii aan dalkeenna iyo dadkeenna kaga xoreyn lahayn Khawaarijta,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa xoogagga deegaanka ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay gacan ku haynta degmada Xarardheere, kadib markii dagaal-yahanada Al-Shabaab ee ku sugna ay faarujiyeen.

Kooxda Al-Shabaab ayaa la sheegay in sidoo kale degmada ka saareen dhamaan dadkii ku noolaa, kadib markii ay ka war heleen duulaanka culus ee ciidamada, waxaana la sheegaya in shacabka ay u kaxeysteen dhulka howdka ah, si ay uga badbaadaan duqeymaha diyaaradaha.

Howl-galada dagaal ee ka dhanka Al-Shabaab ayaa si weyn ugu sii fidaya dalka, ayada oo tan iyo markii ay billowdeen kooxda lagu gaarsiiyay jab xoogan, islamarkaana laga qabsaday deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda.

Magaalada noqotay hoyga firxadka Al-Shabaab oo uu qorshe culus ka billowday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Yaaqshiid ayaa shaaciyay in magaalada Muqdisho ay noqotay “hoyga firxadka Al-Shabaab”, kadib markii lagu soo jabiyay dagaalka kooxda uga socda gobolada dalka.

“Khawaarijtii Al-Shabaab markii lagu soo jabiyay furimihii dagaalka ee gobolada, waxay dib ugu soo laabteen magaalada Muqdisho ayaga oo xaafadihii iyo degmadii dib ugu soo laabta.”

Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay shacabka gobolka Banaadir in maamulka degmooyinka la socodsiiyaan cidkasta oo kusoo kororta xaafadaha iyo kuwa guryaha laga kireynayo, si meesha uga baxdo khataraha amni ee ka dhalan kara Shabaabka firxadka ah.

“Shacabka gobolka Banaadir waxaa ugu baaqeyna dhamaantood, gaar ahaan shacabka degmada Yaaqshiid qofkasta oo deegaankiisa kusoo kordha ama guri uu ka kireynayo la socodsiiyo maamulka, si loo marsiiyo nidaamka amniga waafaqsan oo asagana dhibaatada looga ilaaliyo.”

“Waxaa carabka ku adkeynayna Khawaarijta Al-Shabaab waqtigiina waa dhamaaday waxa la jooga xilligii Shacabka iyo dowladda idinka xoroobi lahaayeen, waana idinka xorownay badanaa. Magaalada Muqdisho waxay noqon doonta magaalo xor ka ah dhibaatooyinka iyo qalalaasaha ay ku hayaan Khawaarijta Al-Shabaab.”

Maalmihii u dambeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa kordhiyay howl-galada lagu sugayo amniga caasimada oo ay inta badan ka dhacaan falal liddi ku ah nabad-gelyada.

Si kastaba, Culeyska Al-Shabaab lagu hayo xilligaan ayaa keenay inay si dhuumaaleysi ah kusoo galaan gudaha magaalada Muqdisho, ayada oo dowladda ay sheegtay in aysan macquul aheyn in lagu soo dhaweeyo ama laga kireeyo guryaha.

Italy arrests Mafia boss Matteo Messina Denaro after 30 years in hiding

0

Palermo (caasimada Online) – Italian authorities apprehended Matteo Messina Denaro, one of the nation’s most sought-after organized crime figures, at a private hospital in Palermo, Sicily on Monday.

Widely known by the monikers “Diabolik” and “U Siccu,” Denaro has been evading capture since 1993 when he was convicted in absentia for his role in the 1992 assassinations of anti-mafia prosecutors Giovanni Falcone and Paolo Borsellino.

These heinous acts sent shockwaves throughout Italy and prompted a concerted effort to combat the Sicilian mafia, also called Cosa Nostra.

At the time of his arrest, Denaro, now 60 years of age, was receiving medical treatment for cancer under a false identity at Palermo’s “La Maddalena” hospital.

He was escorted from the facility by two uniformed carabinieri and transferred to a waiting black minivan.

A second individual, who had driven Denaro to the hospital, was also taken into custody on suspicion of harboring a fugitive.

Magistrate Paolo Guido, who oversaw investigations into Denaro’s activities, emphasized the importance of dismantling the crime boss’s network of protectors in achieving this momentous arrest.

Italian Prime Minister Giorgia Meloni made a trip to Sicily to commend the police officials involved, stating, “While this is not the end of the war or the defeat of organized crime, it is a crucial battle won and a significant blow to the mafia.”

Hailing from the town of Castelvetrano near Trapani in western Sicily, Denaro is the son of a prominent organized crime figure. Before going into hiding, he was known for his opulent lifestyle, replete with luxury automobiles and meticulously tailored suits.

He is currently facing a life sentence for his involvement in bomb attacks in Florence, Milan, and Rome that claimed the lives of ten individuals in 1993. He is also accused of having a hand in several other murders during the 1990s.

The arrest of Denaro coincides almost precisely with the 30th anniversary of the capture of Salvatore “Toto” Riina, the Sicilian mafia’s preeminent leader of the 20th century. Riina passed away in prison in 2017, never having broken his vow of silence.

Despite the magnitude of this recent arrest, experts contend that Cosa Nostra has been surpassed by the ‘Ndrangheta, the Calabrian mafia, as the most powerful organized crime group in Italy.

Federico Varese, Professor of Criminology at Oxford University, noted, “The Sicilian mafia is not as formidable as it once was, particularly since the 1990s, as they have been unable to infiltrate the drug trade and are, therefore, playing second fiddle to the ‘Ndrangheta in that regard.”

Source: Agencies

Somali forces seize key coastal towns from al-Shabab

Harardhere (Caasimada Online) – In a significant development for the Somali government, government forces have successfully captured the towns of Harardhere and Galcad from the al-Shabab militant group. 

Defense Minister Abdulkadir Mohamed Nur announced that government forces and local fighters were able to seize the towns without resistance, as the militants fled before the operation.

The Minister said on state-owned television that “Haradhere and Galcad towns have been taken from the hands of the al-Shabab Kharijites,” Nur said. ” Al-Shabab is overpowered and gone. We will also liberate the remaining towns soon.”

Harardhere, a key coastal town, and former pirate hub, was the most strategically important town in Galmudug still under al-Shabab control. The city had been a major base for pirates hijacking merchant ships until 2011 but was later taken over by al-Shabab. 

The capture of Harardhere and Galcad, located approximately 375 kilometers north of Mogadishu, is a clear indication that the government-led offensive against al-Shabab in central Somalia is progressing successfully.

The government has reported significant progress in its operations against al-Shabab, with hundreds of militants killed and numerous localities captured in neighboring Hirshabelle state since the offensive began in August. 

Additionally, the government has also reported shutting down hundreds of bank and mobile money accounts believed to be linked to al-Shabab, to disrupt the group’s revenue-generation activities.

Despite these successes, al-Shabab continues retaliating with suicide bombings and retaliatory attacks. 

A suicide car bombing in the village of Halgan on Monday resulted in the death of Jamal Ahmed Jama, a captain in the local security forces. Al-Shabab claimed responsibility for the attack.

The group said in a statement that it has inflicted “heavy losses” to the government through other suicide bombings over the weekend. 

Al-Shabab was behind three explosions in Hiran regions. In Bulobarde and Jalalaqsi towns, they have killed 13 people and injured over 50 others on Saturday, according to local officials. On January 4th, two explosions from vehicle-borne explosive devices in Mahaas town resulted in the deaths of over 20 people, the majority of them being civilians.

While some experts have warned that al-Shabab is not yet defeated, the capture of Harardhere and Galcad represents a major setback for the group and a significant victory for the Somali government. 

The government will now focus on facilitating the return of residents to the towns, which civilians largely abandoned due to al-Shabab’s forced displacement prior to the arrival of government troops.

Al Shabab’s spokesperson could not immediately be reached for comment. 

Since launching the major offensive last August, the government and allied clan militias have driven out the extremists from swathes of territory in central Somalia. 

Some officials believe that the recent successes against al-Shabab have put the group on the brink of defeat. However, experts warn that the group has a track record of adapting to military pressure.