28.9 C
Mogadishu
Monday, May 11, 2026

Daawo: Koonfur Galbeed oo sameysay arrin kasii dareysa xiisadda siyaasadeed

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in maanta ciidamada Koonfur Galbeed ay qaadeen tallaabo kale oo uga sii dareyso xiisadda ka taagan Baydhabo, taas oo caro sii gelisay xubnaha mucaaradka ah.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa lagu soo warramayaa in ay markale gudaha u galeen guriga Musharrax Maxamed Aadan Fargeeti, isla-markaana ay halkaas jirdil ugu geystaan qaar ka mid ah askartii ku sugneyd halkaas, sida uu shaaciyay Ilyaas Cali Nuur.

Wasiirkii hore ee warfaafinta Koonfur Galbeed  ayaa ku eedeeyay ciidanka Lafta-gareen in ay xittaa qoryihii ka qaateen illaada guriga, kadibna ay garaaceen, sida uu ku dooday.

“Guriga odayaashii ballanta laga qaaday ee furihii lagu wareejiyay saddexdii askari ee joogtay in loo imaado kadibna ay qoryihii ka qaataan oo ay garaacaan sax maa ah. Fidnaa la rabaa dhibaataa lala rabaa Baydhabo,” ayuu yiri wasiirkii hore Warfaafinta K/Galbeed.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidamada guriga soo galay ee dhibaatada geystay ay soo daba mareen ciidamada la socdo madaxweyne Xasan Sheekh oo iyagu yimid guriga, kadibna askar saartay qaybta sare, si u ilaaliyaan madaxweynaha oo booqanaya halkaasi, balse waxa uu sheegay inay goobta yimaadeen ciidamada  kale ee falka geystay.

“Taliye Xasan aniga ayaa la hadlay albaabka ka fur ayaan dhahay marka uu yiri Xasan Sheekh askartiisa ayaa nahay ayaan dhahay halaga furo kor ayaa askar la saartay gaadaashiis ayaa lasoo maray dhibaatadaas ayaa la gaarsiiyay,” ayuu sii raaciyay.

Ugu dambeyn wuxuu farriin cad u diray madaxweynaha Soomaaliya iyo guddoomiyaha Golaha Shacabka, isaga oo uu ugu baaqay inay fiiro gaar ah u yeeshaan dhacdadaasi.

“Xasan Sheekhow nabad meeshaan kama imaaneyso dhibaataa ujeednaa, cidna lama maquuni karo,” ayuu markale yiri wasiirkii hore ee warfaafinta Koonfur Galbeed.

Dhacdadan ayaa ku soo aadeyso, ayada oo xalay uun kulan foolka fool ah la’isugu keenay madaxweyne Lafta-gareen iyo xubnaha mucaaradka, si loo soo afjaro xiisadda taagan, waxaana sidoo kale haatan Baydhabo ka socdo shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed.

Si kastaba, labadaan dhinac ayaa horey ugu dagaalamay magaalada Baydhabo, kadib gacan ka hadal ka dhashay muddo kororsiga loo sameeyay madaxweyne Lafta-gareen.

Sawirro: Madaxweyne Xasan oo isu keenay Lafta-gareen iyo xubnaha mucaaradka

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa kulan foolka fool ah oo xalay la’isugu keenay madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo xubnaha mucaaradka ee aragti ahaan kasoo horjeeda, kaas oo ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Kulankan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe oo hadda ku sugan magaaladaasi kuwaas oo ku guuleystay inay isu keenaan labada dhinac.

Xubnaha mucaaradka ayaa waxaa ka socday Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan oo horay usoo hoggaamiyay Koonfur Galbeed, Maxamed Aadan Fargeeti oo isna horay usoo noqday Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Wasiirkii hore ee Dekadaha Soomaaliya Mudane Yuusuf Macallin Aamiin (Baadiyo) halka dhinaca kale shirkan uu goobjoog ahaa madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).

Qoraal kasoo baxay shirka oo ay shaacisay Villa Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in kulankan uu kusoo dhamaaday is afgarad, isla-markaana lagu ballamay in wadahadallada iyo dib u heshiisiinta lasii wado, si xal waara looga gaaro xiisadda Koonfur Galbeed.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdi Casiis Xasan Maxamed iyo qaar ka mid ah Siyaasiyiinta deegaanka ee ka aragtida duwan maamulka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale, Villa Soomaaliya waxa ay shaaca ka qaaday in madaxweynaha uu muhiimad gaar ah siiyay arrinta Koonfur Galbeed, si xal looga gaaro khilafka ka taagan maamulkaasi.

“Madaxweynaha ayaa adkeeyay ahmiyadda Shirka Dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed u leeyahay Nabadda, Wadajirka iyo Horumarka deegaanka isaga oo xusuusiyay Madaxda ka qayb galeysa in ay Shacabku ka sugayaan natiijo wax-tar u leh mustaqbalkooda,” ayaa markale lagu yiru warka qoraalka aah ee ka soo baxay Villa Soomaaliya.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaa sidoo kale kulankan lagu soo hadal qaaday weerarkii ciidanka ammaanka ay dhowaan ku qaadeen guriga musharrax Fargeeti, kaas oo oo geystay khasaare kala duwan, wuxuuna musgarraxa meesha ka sheegay dacwaddiisa, isaga oo dalbaday in dhammeytiro xalka arrintaas, maadaama hadda lagu guuleystay inay ciidamada laga saaro dhismaha guriga oo ay maalmo heysteen kadib dagaalkii Baydhaba.

Xaaladda siyaasadeed ee Koonfur Galbeed ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana xiisaddan ay ka dhalatay muddo kordhinta loo sameeyay madaxweynaha maamulkaasi.

Si kastaba, waxaa haatan laga war dhowrayaa natiijada kasoo baxda shirweynaha dib u heshiisiinta ee Baydhabo, kaas oo la filayo in go’aan rasmi ah looga gaaro xiisadda taagan.

Lafta-gareen oo hal arrin ka ogolaaday mucaaradkiisa

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo khudbad ka jeediyay furitanka shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed ayaa dabacsanaan u muujiyay mucaaradka kasoo horjeeda.

Laftga-gareen ayaa shaaca ka qaaday inuu ogol-yahay in wadahadal uu la galo xubnaha mucaaradka ee diidan muddo kororsiga ay u sameeyeen Golaha Wakiiladu.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in haatan uu diyaar u yahay in wadahadal, deganaan iyo nabad lagu dhammeeyo colaadda ka jirta Koonfir Galbeed Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in muhiim tahay in loo jeesto dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab, si go’doonka looga qaado magaalooyinka waa weyn ee maamulkaasi.

“Waxa la isku haysto waxaa waaye, labo nin oo aan timo lahayn oo shanlo isku dagaalayso. Ninkii la siiyo wuxuu ku shanlaysto maleh. Marka aan timo helno, ayaan shanlada isku qabsan karnaa. Timaha aan helayno waxaa weeye dalkii, dadkii iyo deegaankii Koonfur Galbeed,” ayuu yiri madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, ayada oo haatan uu socdo shirka Koonfur Galbeed oo ay ka qayba-galayaan labada dhinac, kaas oo uu shalay furay madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa ku guuleystay inuu isku keeno madaxweyne Lafta-gareen iyo xubnaha mucaaradka, kulankaas oo billow u ah wadahadalka labada dhinac.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdi Casiis Xasan Maxamed iyo qaar ka mid ah Siyaasiyiinta deegaanka ee ka aragtida duwan maamulka,” ayaa lagu yiri qoraal ayaa shaacisay Villa Soomaaliya.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dartay in madaxweynaha uu muhiimad gaar ah siiyay arrinta Koonfur Galbeed, si xal looga gaaro khilafka ka taagan maamulkaasi.

“Madaxweynaha ayaa adkeeyay ahmiyadda Shirka Dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed u leeyahay Nabadda, Wadajirka iyo Horumarka deegaanka isaga oo xusuusiyay Madaxda ka qayb galeysa in ay Shacabku ka sugayaan natiijo wax-tar u leh mustaqbalkooda,” ayaa markale lagu yiru warka qoraalka aah ee ka soo baxay Villa Soomaaliya.

Xaaladda siyaasadeed ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaase haatan laga war dhowrayaa natiijada kasoo baxda shirweynaha dib u heshiisiinta ee Baydhabo, kaas oo la filayo in go’aan rasmi ah looga gaaro xiisadda taagan.

Xasan Sheekh oo shaaciyey halka laga billaabayo wajiga labaad ee dagaalka Shabaab

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Baydhaba ka sheegay dhawaan lasoo afjarayo Shabaab-ka ka dagaalamaya Galmudug iyo HirShabeelle, isla markaana wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab ay dowladdu ka bilaabi doonto K/Galbeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dagaalkaan laga soo bilaabi doono xadka Itoobiya, isla markaana la wedi doono ilaa badweynta Hindiya, si loo dhameeyo Shabaab-ka dhulkaas ku sugan.

“Siyaasadda dwoladda maanta waa in dalkaan Shabaab laga xoreeyo, waxaan rabaa in gaarigii Baydhaba ka soo baxa uu si nadiif ah Xamar u yimaado, hadaan Shabaab ka xoreyno uma ogolaa doono tuug isbaari taagan, waa balan,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in dowladdu ay diyaarisay ciidan xoog leh oo isku filan una diyaarsan inay kooxda Al-Shabaab ka xoreeyaan dalka inta ay ka joogaan.

“Markii aan galnay dagaalka ka socda gobollada Galmudug iyo iyo HirShabeelle, maanta waa ka khibrad badanahay, waxaan barangay xeeladaha Al-Shabaab, ciidan badan ayaan heynsanaa maanta, niyadeenu waxay noo sheegee oo aan xaqiijinay in Shabaab aan ka adag nahay, waqti badan nooga bixi maayo dagaalka lagu xoreynayo deegaanada ay uga hareen labadaas dowlad goboleed,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa hadalkaan ka sheegay furitaankii shirka siyaasiyiinta reer Koonfur Galbeed, wuxuuna fariin u diray dhalinyarada weli ku jirta Al-Shabaab.

“Aniga ka madaxweyne ahaan hadafkeygu waa in dalkaan uu Shabaab la’aan noqdo, idinma dhahaayo daaro dhaadheer ayaan idiin dhisaa, laakiin waxaan abuureynaa duruuf sababi karta in dalkaan la maalgashado oo nabad la isku laheyn karo ay ka dhalato Soomaaliya,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay dhammaan dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku jirta fikirka Al-Shabaab in ay ka soo laabtaan, isagoo cafis u fidiyey mid kasta oo ka mid ah oo u soo laabta dadkiisa iyo dalkiisa, dowladduna ay diyaarisay qorshe dhaqancelin iyo nolol wanaagsan looga sameynayo dhallinyarada ay khaldeen Al-Shabaab.

“Duruuf kasta ku raac Al-Shabaab waxaan maanta idiin cadeynayaa ninkii kasoo baxa Al-Shabaab cafis waaye, cafis kaliya maahane waxay dowladdu diyaar u tahay in nolol fiican ay helaan dadka ka soo baxa Al-Shabaab,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Xasan Sheekh ayaa calool-xumo ka muujiyey dhalinyarada ku dhimaneysa fikirka Al-Shabaab, “Xawaadley oo u dambeysay ciidan iyo saraakiil qaali ah ayey nooga dileen, laakiin difaaca dalkooda ayey u dhinteen, Allaha u naxariisto,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa waalidiinta dhashay dhalinyarada ku jirta Al-Shabaab wuxuu ugu baaqay inay wacdaan wiilashooda oo inta aan la dhameyn ay ka gaaraan wixii diyaar u ah inay ka soo haraan kooxda.

BANKIGA DHEXE oo ku dhowaaqay daabicidda lacag beddeli doonta 1,000-shilling

Muqdisho (Caasimada Online) – Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhowaaqay qorshe uu ku beddelayo lacagta kaliya ee dalka uu leeyahay kahor sanadka xigga si wax looga qabto lacagaha been abuurka ah. 

Lacag 1,000-shilling ah oo dib loo naqshadeeyey ayaa lagu beddeli doonaa lacagta hadda jirta oo markii ugu dambeysay la daabacay kahor inta aanu billaaban dagaalkii sokeeye 1991-kii, waxaa sidaas sheegay guddoomiye ku-xigeenka Bankiga Dhexe Cali Yaasiin Wardheere oo wereysi siiyey warbaahinta Bloomberg.

Lacagtii hore ayaa qarka u saaran inay meesha ka baxdo, soo saarista cusubna waxay la-dagaalami doontaa lacagaha sharci darrada ah iyo in la-xakameeyo sicir-bararka iyadoo la baabi’inayo lacagaha xad dhaafka ah, ayuu yiri Cali.  

Lacagta shillinka ah ee weli suuqa ku jirta ayaa ah mid aad u duugowday, waxaana lagu beddelay lacago dollar ah ama lacago si gaar ah loo daabacay oo intooda badan ah lacago been abuur ah. 

Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa tan iyo 2018-kii ku howlanaa beddelka lacagta iyo soo-saarista lacag qiime sare leh, isagoo kaashanaya hay’adda lacagta adduunka ee IMF iyo Bankiga Adduunka, ayuu yiri Cali Yaasiin Wardheere.

Bankiga Dhexe waxa uu sidoo kale dib-u-dhisayaa awooddisa, oo uu la degay dagaalkii sokeeye. 

Bangiga Dhexe ayaa qorsheynaya in bisha June ee sanadkan uu xarumo cusub ka sameeyo caasimadaha dowlad goboleedyada sida Garoowe, Baydhaba iyo Kismaayo, sida uu sheegay guddoomiye ku-xigeenka oo la magacaabay bishii November. 

Laamahan waxay ka caawin doonaan Bankiga Dhexe uruurinta canshuuraha, keydinta lacagaha iyo inay noqdaan wakiilka dhexe ee maaliyadda ee dowlad goboleedyada, ayuu yiri. 

Bankiga ayaa sidoo kale sameeyay cutub “si gaar ah ugu heellan la-dagaalanka suuqa lacagaha been abuurka ah,” ayuu yiri Cali. 

Cutubkan ayaa sidoo kale mas’uul ka noqon doontaa ilaalinta qiimaha lacagta cusub ee Bankiga Dhexe uu qorshaynayo inuu daabaco, taasina ay gacan ka geysato xakameynta sicir-bararka, ayuu yiri.

Somalia Central Bank to issue new currency notes by 2024

Mogadishu (Caasimada Online) – Somalia’s central bank is working towards a new plan to replace the current high-value currency note in circulation with a new design by next year, according to Central Bank Deputy Governor Ali Yasin Wardhere. 

The new 1,000-shilling notes will replace those printed before the outbreak of the civil war in 1991. The old currency has become increasingly scarce, and the new issuance is expected to combat illicit funds and curb inflation by reducing the amount of excess cash in circulation.

“The old currency has almost disappeared, and the new issuance will combat illicit funds and curb inflation by mopping up excess liquidity,” said Wardhere in an interview with Bloomberg News. 

“The Shilling notes currently in circulation are too worn out, and many have been replaced with US dollars or privately printed notes, most of which are counterfeits.”

The central bank has been working on this plan since 2018, with the assistance of the International Monetary Fund and World Bank. The bank is also working to rebuild its capacity, which was hindered by the civil war,  according to Wardhere.

The central bank plans to establish new branches in the capital cities of all federal member states by June, including Garowe, Baidoa, and Kismayo. 

“The branches will help the central bank collect taxes, store money and become the central fiscal agent of the federal states,” said Wardheere.

Additionally, the bank has set up a unit specifically dedicated to combating the counterfeit money market. This unit will also be responsible for maintaining the value of the new money the central bank plans to print and will help to curb inflation, per Wardhere. 

In August 2021, the Central Bank of Somalia announced the establishment of a new national payments system for the country, where financial systems were shattered by the collapse of the last central government in 1991. 

“The latest step in creating a functional financial system for Somalia is the new national payments system,” said Wardhere.

Due to the lack of a functioning government and central banking authority, Somalia’s financial system could not meet the requirements for anti-money laundering and anti-terrorist financing regulations. 

As a result, Somalis had to rely on unlicensed mobile money platforms or face-to-face transactions using cash or barter to meet their financial needs. 

However, in recent years, the central bank has been working to rebuild the financial system, including granting the first license for mobile-money providers in early 2021 and introducing Visa card payment services in partnership with the International Bank of Somalia.

The new national payment system will connect financial institutions to a clearing and settlement platform, allowing them to process real-time money transfers. 

The system also includes interoperability capabilities for debit and credit cards, automated cash machines, and mobile network operators. This will enable approximately 13 official lenders to become interoperable and connected to the central bank’s clearing and settlement system, marking the beginning of the process of integrating the various fragments of Somalia’s financial system.

Guddoomiyaha Maxkamada gobolka oo shaaciyay inuu is-casilayo haddii uusan…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir oo hadal ka jeediyay munaasibad soo dhoweyn ah oo loogu sameeyay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in uu is-casili doono, haddii uu isbadal la imaan waayo muddo sanad ah.

Guddoomiya Saalax Cali Maxamuud (Dabaan) ayaa waxa uu sheegay in ay ka go’an tahay in uu isbadal weyn ku sameeyo maxkamadda gobolka, gaar ahaan dacwadaha ay qaado iyo cadaalad u sameyntooda.

“Waxaa hortiina ka sheega kow in aan guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir lacag ka soo doonan, sidoo kale waxaa rabaa in aan ballan-qaado dacwadaha yimaada maxkamadda gobolka in aan ka shaqeyn doono cadaalada laga filayo maxkamadda.”

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale waxa uu ka codsaday odayaasha dhaqanka iyo dhamaaan bulshada gobolka Banaadir inay ku garab siiyaan qorshihiisa sare u qaadista cadaalada gobolka.

“Ujeedkayga waxa waaye sanadka aan hadda joogno January ayaa lagu jira, January soo socota cadaalada gobolka Banaadir wax ma iska badaleen mise waxba iskama badalin su’aashaas idinka in aad ka jawaabtaan.”

Waxa uu intaas kusii daray “Hadalka ha yaraado howsha ha badato, in aan hadalno ma rabno laakiin waxaa rabna in wax la taaban karo in sanad ka dib maxkamadda gobolka wax ka badalmi waayaan waa ka taga meesha.”

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo garsoorka gobolka, iyo guud ahaan midka dalka laga deyrinayay, wallow uu muddooyinkii dambe sameynayay isbedelo muhiim ah, sida uu sheegay guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa dhawaan shir sanadeedkii Garsoorka ka sheegay “in weli loo baahan yahay in dagaal adag loo galo sidii uu dalka uga shaqeyn lahaa garsoor cadaali ah oo madax-banaan.”

Sawirro: Laba WASIIR oo sare iyo 15 qof oo kale oo shil diyaaradeed ku geeriyooday

0

Kyiv (Caasimada Online) – Diyaarad Helicopter ah oo ku dhacday deegaanka Kyiv ayaa dishay 17 qof, oo ay ku jiraan wasiirkii arrimaha gudaha ee Ukraine iyo labo carruur ah, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Ukraine.

Wasiirka arrimaha gudaha Denys Monastyrskyi, ku xigeenkiisa Yevhen Yenin iyo xoghayihii gobolka ee wasaaradda arrimaha gudaha Yurii Lubkovych ayaa ka mid ahaa dadka ku dhintay shilkan, sida uu sheegay Ihor Klymenko, madaxa booliska qaranka ee Ukraine.

Sagaal ka mid ah dadka dhintay ayaa la socday diyaaradii helicopter-ka ee ku burburtay Brovary, oo ah xaafad bari ka xigta caasimadda Ukraine, sida uu sheegay Klymenko.

Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ku saabsan in shilkaasi uu ahaa shil iyo in uu ka dhashay dagaalka Ruushka ee socda ku dhawaad 11-ka bilood.

22 qof ayaa sidoo kale ku dhaawacmay oo ay ku jiraan 10 carruur ah.

Dhacdo tan lamid ah ayaa sidoo kale todobaadkan ka dhacday dalka Nepal, kadib markii diyaarad ay saarnaayeen illaa 72 qof ay ku burburtay meel u dhaw garoon diyaaradeed oo ku yaalla bartamaha dalkaas, waxaana ku dhintay 68 qof, ayada oo la waayey 4 kal.

Diyaaraddaas Yeti Airlines ayaa kasoo duushay magaalada Kathmandu, waxay ku wajahneyd magaalada dalxiiska ah ee Pokhara.

Diyaaradda ayaa burburtay xilli ay dageysay isla markaana dab ayaa qabsaday.

Kooxda Deni oo ‘si yaab leh’ uga hadashay fadeexadda doorasho ee kusoo baxday

0

Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Puntland ayaa markii u horeysay ka hadashay fadeexad dhawaan ku soo baxday, taasi oo la xiriirta isku day ay kooxda Deni ku rabeen in barakacayaasha Garoowe u adeegsadaan diiwaan-gelinta doorashada ee ka socota maamulkaasi.

Kooxda Deni ayaa loo haysta xad-gudubyo loo geystay dad barakacayaal ah oo degan gudaha caasimadda Garoowe, ayada oo Xafiiska Difaaca Xuquuqda Aadanaha Puntland uu shaaciyay in ay soo gaareen cabashooyin la xiriira arrintan, wuxuuna uga digay xukuumadda inay u adeegsato hantida dadweynaha danaheeda gaarka ah.

Qorshaha barakacayaasha loo daad-gureynayay ayaa lagu sheegay in laga diiwaan-geliyo degaanka Beyla oo ka tirsan gobolka Karkaar kadib markii diiwaan-gelinta lagu muransan yahay ee xukuumadda Boosaaso ka bilowday aysan dadweyne badan usoo dareerin.

Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Qoyska ee Puntland, Naciima Cabdiraxmaan Guuleed oo la hadashay telefishanka Universal ayaa wax lagu xumaado ku tilmaamtay in barakacayaasha loo adeegsado “diiwaan-gelin qasab ah.”

Wasiirada marnaba masoo hadal qaadin fadeexada arrintaan la xiriirta ee dul-hoganeysa maamulka ay ka tirsan tahay, balse waxay ku gaabsatay “in laga waantoobo falalka noocaas oo kale ah.”

“Waxaa u arka in dad la daabuleeyo oo deegaan ay joogaan inta laga raro deegaan kale loo raro oo la dhaho iska diiwaan-geliya waa khalad aad u weyn, xuquuqda bini’aadanahana kaga dhac ay tahay,” ayey tiri.

“Dowladda waa ku howlan tahay oo si degdeg ah ayaa wax looga qabanayo, cidda kale ee ku foojigan ee rabta in arrintaas ku kacdo waa in ay arrintaas ka istaagan. Waa arrin aan qaadacayo in dad la raro, si gaar ah haweenka iyo caruurta yaryar-ka in la kaxeeyo.”

“Tusaale yar ayaa ku sheegaya marka hooyada laga kaxeeyo meesha ay deganeyd ee la geeyo deegaan aysan cidna ka garaneyn fal tacadi bini’aadanimo ah ayey kala kulmi karta oo jidhkeeda loo geysan karo, wasaaradda haweenka arrintaas waa qaadaceysa waana diiday.”

Booliska gobolka Nugaal ee degmada Dangorayo ayaa dhawaan qabtay labo gaari oo ah nooca waaraadka ay Soomaalidu u taqaano, kuwaasi oo laga soo buuxiyay barakacayaal u badan haween iyo caruur oo laga keenay Garoowe.

Saciid Deni iyo kooxdiisa ayaa raba inay ku gacan sareeyaan mashruuca uu ku dhagan yahay Deni ee “doorashada qof iyo cod” taasi oo mucaaridka maamulkaasi ku tilmaameen mashruuca dib usoo laabashadiisa.

Cidda mudan lacagta ay ganacsatada Muqdisho ay siiso maleeshiyada Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaalka caqiidada ayaa iridaha furtay ayada oo Al-Shabaab la kulmayso diidmo Diini ah oo xoogan markii u horeysay.

Kadib markii ay kooxda xoojisay xasuuqeeda shacabka, oo ay soo bandhigtay falal argagax leh kuna faantay inay leysay dad Muslimiin ah ayaa culimada Soomaaliyeed billowday in aan intan ka badan Al-Shabaab lagu fiirsan gumaadka shacabka.

Waxay markii u horeysay culimada soo saareen go’aamo Diini ah oo dadka u jiheynaya inay iska difaacaan kooxda.

Muddo fog waxa Al-Shabaab la dirirayay ciidanka dowladda Soomaaliya oo kaliya, laakiin maanta waxaa u bareeray qabaa’ilkii, culimadii, dhalinyaradii iyo saxaafadii.

Dagaalkan jihooyinka badan uga socda Al-Shabaab ayaa waxaa la saadaalinaya in uu xambaarsan yahay dhamaadka kooxda, wallow aan mudada la saadaalin karin.

Sheekh Cabdiqani Qorane oo kamid ah culimada Soomaaliyeed ee tobankii sanno ugu dambeysay diidana fikirka kooxda Al-Shabaab ay ku leynayso shacabka Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay dadka weli xoolaha siinaya Shabaab inay joojiyaan.

Wuxuu ka dalbaday inay u leexiyaan cidda mudan oo ah “kuwa iska difaacaya ee raba inay dadka Soomaaliyeed ka dulqaadan culeyska iyo dhibaatada kooxda Al-Shabaab.”

Sheekh Mukhtaar Roobow, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta oo hogaaminaya fikirka Diiniga ah ee lagu wajahayo Shabaab ayaa waxa uu sheegay in dhawaan laga adkaanayo Al-Shabaab, isaga oo ugu yeeray inay Khawaarij yihiin.

Mukhtaar Roobow ayaa dadka weydiistay inay ciidanka dowladda la shaqeeyaan.

Dagaalka fikirka ah ee lala aaday Al-Shabaab ayaa la aaminsan yahay in uu wax badan ka tari doono qorshaha ay Soomaalidu iskaga saareyso Al-Shabaab.

Kooxda caadiyan ma jecla in fikir ahaan loola diriro sida ay sheegaan dadka daraaseeya dhaqanka kooxdan.

Maxay ATMIS ka yiraahdeen qabashada Xarardheere, Ceeldheer iyo GALCAD?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada howlgalka ATMIS ee Soomaaliya ayaa war cusub kasoo saaray howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee haatan ka socdo gobollada dalka, gaar ahaan qabashada degmooyinka Xarardheere, Ceeldheer iyo Galcad.

ATMIS ayaa marka hore boggaadisay guulaha ay gaareen ciidamada dowladda, kuwa daraawiishta iyo dadka deegaanka ee Al-Shabaab kula dagaalamayo gobollada dalka.

Madaxa howlgalka ATMIS, ahna ergeyga gaarka ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Maxamed Al-Amiin Souef ayaa sheegay inay hambalyo u dirayaan ciidanka Qaranka Soomaaliyeed, kadib qabashada degmooyinka kala ah Xarardheere, Ceeldheer iyo Galcad.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ATMIS ay sii wadi doonto taageeradeeda ku aadan sidii Soomaaliya looga saari lahaa wax uu ugu yeeray “Argagixisada’ oo uu kala jeedo Shabaab.

“Howlgalka ATMIS waxa uu sii wadi doonaa in uu bixiyo taageerada loo baahan yahay si loo gaaro Soomaaliya oo ka caaggan argagixisanimada iyo falalka la xiriira” ayuu yiri Souef

Waxa kale oo uu intaasi ku daray in ATMIS ay ayaduna qaadan doonto doorkeeda, isla-markaana ay kaashan doonto ciidamada Soomaaliya.

“Al-Shabaab waa ay jabeen, innaga oo garabsaneyna walaalaheena Soomaaliyeed sii wadi doonaa in aan argagixisada khawaarijta ah ka saarno Soomaaliya si ay shacabku u helaan amni, xasillooni iyo nabad, kuwaas oo muhiim u ah horumarka bulsho iyo kan dhaqaaleba” ayuu markale yiri madaxa guud ee howlgalka ATMIS ee ka socdo gudaha dalka Soomaaliya.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo ayada oo guullo waa weyn laga gaaray dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, kadib markii laga saaray dhul ballaaran oo ku yaalla HirShabelle & Galmudug.

Si kastaba, ATMIS oo dalka u joogto nabad ilaalin ayaa waxaa lagu eedeeyaa inay ka gaabisay doorkeeda ku aadan ka qayb qaadashada dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Go’aan culus: Xasan Sheekh oo saacado u qabtay ciidanka ‘Badbaadada K/Galbeed’

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya ayaa digniin ka soo saaray qorshaha ciidanka la magac baxay badbaadada Koonfur Galbeed ee isku uruursanaya qeybo ka mid ah magaalada Baydhaba “Ciidankaan waa in deg deg ay Deynuunaay ugu laabtaan,” ayuu yiri.

Ciidankaan waxaa hoggaaminaya siyaasiyiinta qaar, kuwaas oo ka hor yimid mudo kordhintii loo sameeyey madaxweynaha maamulkaas Cabdicasiis Laftagareen, “Dowladda K/Galbeed waxaan ka rabaa in dadka aan la gaarsiin duruuf ku kalifta inay hubka qaataan, waana ka balanay Madaxweyne Cabdicasiis,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa digniin culus siiyey ciidanka, isagoo ku amray in qof aan Shabaab aheyn aysan xabad ku ridin, sidoo kale siyaasiyiinta ayuu ugu baaqay in ciidanka aysan kala furfurin oo siyaasadda aysan u adeegsan.

“Ciidanka dowladda lagama aqbali doono inay ku dhex milmaan siyaasadda, oo ay dadka dhibaateeyaan, ilaa hadda ma jiro nin maxkamad looga yeeray, waxaan ku amrayaa ciidanka inay xeryahoodii ku laabtaan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa si cad u sheegay in ciidanka uu ugu tala-galay inay Shabaab la dagaalamaan, balse uusan jirin siyaasi uu ka ogolaanayo in ciidanka dowladda uu mansab xoog ah ama dano u gaar ah uu ku raadsado.

“Wiilasha hubka sita ee magaaladaan soo galay saacado ayaan u qabtay, maanta ayaan la sugaayey in halkaan aan ka sheego, ciidankaas waa in deg deg uu ugu laabto xeryihiisa” ayuu yiri.

Madaxweynaya ayaa odayaashii dhaqanka ee ka soo qeyb galay shirka dib u heshiisiinta ah ee Baydhaba ka socda wuxuu u sheegay in askarigii caawa u hoya waaya xeradii ay ku ogeed dowladda federaalka aan berri cabasho laga aqbali doonin oo dowladdu ay tallaabo ka qaadi doonto.

“Dadka ciidamada kala furfuraaya kama ogolaa doono. Nin aan u ogolnahay in qof kale uu xabad ku rido ma jiro, saan ayey aniga ila tahay uma socaneyso siyaasi ciidan hubeysan wata,” ayuu yiri.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku goodiyey in la ruqsey doono oo ciidanka laga saari doono askarta ka mid noqotay ciidanka badbaadada K/Galbeed ee taabacsan siyaasiyiinta qaar, waa hadii aysan deg deg ugu laaban xeryahooda.

“Waxaa jira wilal kale oo jecel inay ku biiraan ciidanka qaranka, kuwaas oo dowladdu ay tabar u weysay, ogaada inta kuwaan ruqseyno, ayaan kuwaas fursad sii doonaahe,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh.

Xog: Qorshaha Geelle ugu yeeray Axmed Madoobe oo ku sugan Jabuuti + Sawirro

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubaland ayaa Axadii gaaray magaalada Jabuuti ee caasimada Jamhuuriyada Jabuuti, halkaasi oo ay si weyn ugu soo dhaweeyeen Wasiirka arrimaha dibada Jabuuti Mudane Maxamuud Cali Yuusuf iyo masuuliyiin kale oo katirsan dowlada Jabuuti.

Axmed Madoobe oo booqasho rasmi ah uga bilaabatay Jabuuti ayaa waxa uu safarkiisa yimid kadib markii uu casuumaad ka helay madaxweynaha dalkaas Ismaaciil Cumar Geelle.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, marti-qaadka uu Geelle u fidiyay Axmed Madoobe ayaa leh labo ujeedo oo kamid tahay in Axmed Madoobe lagu qanciyo inuu ku biiro heshiis ay hore u wada-galeen Xasan Sheekh, Muuse Biixi iyo Geellaha Jabuuti.

Xogaha aan helayno ayaa intaas ku daraya in khilaafka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Saciid Cabdullaahi Deni ay qayb ka tahay sababaha xilligaan loo soo dhaweynayo Axmed Madoobe, oo kal hore ay xulafo siyaasadeed ahaayeen Deni.

Waxaa muddooyinkii dambe si weyn usoo baxday in madaxweynaha dalka Jabuuti uu ku qanciyay Muuse Biixi iyo Xasan Sheekh Maxamuud inay ogolaadaan howl-galka Justified Accord iyo arrimo kale oo aan xog fiican laga wada hayn intii lagu guda jiray munaasibadii aroos siyaasadeedka aheyd ee loo sameeyay gabadha madaxweyne Geelle.

Justified Accord ayaa ujeedada laga leeyahay waxaa lagu sheegay in sare loo qaado iskaashiga caalamiga ah ee wax ka qabashada dhibaatooyinka iyo hawl-galada ka hor taga argagixisada iyo in la-diyaariyo ciidamo goboleed qayb ka noqda hawl-galada QM iyo Midowga Afrika.

Dalalka howl-galkan ku midoobay oo qeyb ka tahay Soomaaliya ayaa la qorsheynaya in bisha Febraayo ee sanadkaan ay dhoola-tus millateri kusoo bandhigaan magaalada Berbera, taasi oo koox ciidamo iskugu jira oo Mareykan ah oo shaqo wadaag ah ay dhawaan booqasho indha-indheyn ah ku tageen magaalada Berbera.

Booqashadan ayaa ku soo beegantay ka hor tababar laylis ciidan ah oo la qorsheynayo inay ka qayb qaataan dalal badan oo ay horkaceyso dowladda Mareykanka, oo loogu yeeray Justified Accord.

Dhanka kale, waxaa iyadna jira wallaac ka dhashay arrintan oo la xiriira inuu qorshuhu intaas ka weyn yahay, oo waxaa jira guux faro badan iyo hadal hayn la xiriirta arrintan oo durba dadka qaar ay muujinayaan, taasi oo salka ku haysa in ujeeda guracan oo ‘khayaan ah’ ay ku hoos qarsoon tahay howl-galka loogu magaca daray Justified Accord.

Dadka arrintaan ka walaacsan ayaa qaba in dowladda Mareykanka ay ku soo galbineyso ciidamada badda ay dhawaan sameysatay dowladda Itoobiya si xeebaha Soomaaliyeed saldhig looga dhigo.

Waxaa dadka qaba doodan ayaa cuskanaya war shaki badan dhaliyay oo bishii la soo dhaafay uu warbaahinta ka sheegay sarkaalka ugu magacaaban ciidankan Itoobiya ee la yiraahdo Kundu Ghele, kaasi oo sheegay in ciidamada badda ee ay sameysatay Itoobiya ay ilaalin doonaan xeebaha dalalka deriska ah.

Itoobiya ayaa dhowr jeer ka gaabsatay inay si cad u sheegto in ciidamadeeda ay ka howl-gali doonaan xeebaha Soomaaliyeed, taasi oo hadda u muuqata in Geelle loo xil-saaray taageero u helida ololahaas ee dowladda federaalka iyo maamul-goboleedyada dalka.

Daawo: Madaxweyne Xasan oo furay shirka Baydhaba, farriin culusna soo saaray

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo furay shirka dib u heshiisiinta Koonfur-galbeed ayaa ku adkeeyey madaxda, waxgaradka iyo haldoorka reer Koonfur-galbeed in ay ilaashaadaan dowladnimada, nabadda iyo wadajirka heer dowlad-goboleed.

Madaxweynaha ayaa xusay in dadka Soomaaliyeed ay ka daaleen colaad sokeeye, iyadoo wixii soo dhacayey 30-kii sano ee la soo dhaafay ay inoo yihiin cashar nagu jiheynaya horumarka iyo nabadda, maanta halka cadow ee aynu leenahayna uu yahay argagixisada Alshabaab, la dagaallankooduna uu yahay kan kaliya ee inoo furan.

“Dadka reer Koonfur Galbeed, hoggaankooda siyaasadeed, mucaarad ha ahaadaan ama muxaafad, odeyaashooda dhaqanka, dhallinyarada iyo dhammaan qeybaha bulshada rayidka ah, waxaan rabnaa in ay isla fariistaan oo mushkiladahooda xallistaan” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa soo bandhigay in uu ku kalsoon yahay miro-dhalka wada-hadalladan maanta ka furmay Baydhaba iyo sida ay uga go’an tahay dhammaan reer Koonfur Galbeed in ay xalliyaan tabashooyinka siyaasadeed oo ay kala qabaan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in hadii siyaasiyiinta reer K/Galbeed ay heshiiyaan ay fududaa doonto xoreynta deegaanada ay argagixisadu ku dhibaateynayso dadka shacabka ah ee deegaanadaas ku nool.

“Hal cadow ayaan leenahay waana argagixisada Al-Shabaab, Dowladdu waxay sameysay qorshe dalka lagaga xoreynayo kooxda, wajigii koowaad ayaa hadda gabo-gabo ah, wajiga labaadna waxaa ugu horreysa Koonfur-galbeed, oo halkaan ayaa ka bilaabeynaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dhammaan dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku jirta fikirka gurracan ee Al-Shabaab in ay ka soo laabtaan, isagoo cafis u fidiyey mid kasta oo ka mid ah oo u soo laabta dadkiisa iyo dalkiisa, dowladduna ay diyaarisay qorshe dhaqancelin iyo nolol wanaagsan looga sameynayo dhallinyarada ay khaldeen Al-Shabaab.

Hoos ka daawo

Sanbaloolshe oo shaaciyay halka uu dagaalka u jihaysan doono kadib GALMUDUG

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ka tirsan Golaha Shacabka, kana mid ah mas’uuliyiinta hogaaminaya dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa sheegay in Galmudug kadib ay howl-galada dagaal u jiheysan doonaan Galbeedka Webiga Shabeelle.

Sanbaloolshe ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dagaalada ka socda gobolada dalka khasaare xoogan lagu gaarsiiyay Al-Shabaab, si ay u aarsadaan ay u sameynayaan qaraxyo uu tilmaamay in laga feejigan yahay marka laga tusaale qaato goobaha ay ka dhaceen.

“Dagaalku marna waa sugid ammaan marna waa fool ka fool la iska soo horjeedo, marka hore waa in cadawga la naafeeyo oo la burburiyo saldhigyada uu kasoo duulo, sida aan aaminsanahay waa rafashadii ugu dambeysay,” ayuu yiri.

“Maalmaha soo socda labo kacleyn ayaa lagu sameyn doonaa la dagaalanka Shabaab, hay’adaha amaanka waxaa rajeynaa in ay sugaan amniga, dagaalka inta badan hal dhinac kama socda, marka lasoo gaba-gabeeyo dagaalka Galmudug waxaa loo jiheysan doona Galbeedka Webiga Shabeelle ee Hiiraan & Shabeelaha Dhexe.”

Qaraxyada Shabaab ee gobolka Hiiraan oo uu ku tilmaamay naf la-caarigii u dambeeyay ee kooxda ayaa waxa uu sheegay in ay xilligaan u kordhisay si ay u muujiyaan in weli saameyn leeyihiin.

“Inta badan Webi Shabeelle dhiniciisa bari waa laga xorreeyay, magaalooyinka qaraxyadu maalmahaan ka dhacayeen waa magaalooyinka ugu waaweyn ee gobolka Hiiraan sida Jalalaqsi, Buulo-burte, Maxaas iyo Halgan, sababtuna waxa ay tahay in la qabtay Xarardheere, Ceeldheer iyo Galcad marka way ogaayeen in maalmaha soo socda magaalooyin waaweyn gacanta ka bixi doonaan si ay dadka u marin-habaabiyaan oo ay u tusaan in ay weli nool yihiin ayay weeraradaan u qaadayaan.”

Waxa uu intaas sii raaciyay hadalkiisa “Waa ay ku guul-dareysteen furimaha iyo dagaalka fool ka foolka ah oo wax ay ku keeni waayeen ayay si cadawtinimo ah uga aarsanayaan dadweynaha una xanuujinayaan.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay “si loo yareeyo dhaq-dhaqaaqa ay Shabaab sameynayaan si ay u abaabulaan qaraxyo loo jiheysto deegaanada dhaca Galbeedka Webiga Shabeelle.”

Somaliland oo weerar ku qaaday safiirka Mareykanka ee Soomaaliya kadib markii…

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa si weyn uga hortimid in safiirka Mareykanka ee Soomaaliya uu Somaliland uga hadlo sidii gobol kamid ah Soomaaliya, kadib qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland.

Qoraalka kasoo baxay wasaaradda ayaa waxa lagu sheegay “in arrintaas ay tahay wax aan la aqbali karin”, maadama uu Larry indhaha ka lalinayo gooni isu-taagga iyo madax-banaanida ay ku doodo Somaliland.

“Waa wax aan la aqbali karin in Larry Andre oo ah safiirka Mareykanka ee Muqdisho uu si joogto ah uga fogaado in uu Somaliland ugu yeedho magaceeda saxda ah oo uu ku tilmaamo gobol ka mid ah Soomaaliya, uuna Berbera la xidhiidhiyo Soomaaliya in kasta oo uu si fiican u og yahay in Somaliland aanay ahayn gobol ka mid ah Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda.

Qoraalka kasoo baxay Somaliland ayaa daba socda qoraal ay Axadii soo saartay safaarada Mareykanka ee Soomaaliya, kaasi oo lagu sheegay in Mareykanka iyo xulufo kale ay Berbera ku samayn doonaan dhoolatus millateri, kaasi “oo aan meelna lagaga xusin magaca Somaliland.”

Sidoo kale waxa qoraalka Mareykanka lagu sheegay in dhoolatusyo lamid ah ka Berbera ay ka dhici doonaan waddamada Botswana, Jabuuti, Kenya, Uganda iyo Rwanda, kaasi oo ay ka qayb-gali doona illaa 20 waddan oo Soomaaliya ku jirto.

Mareykanka ayaa waxa uu Berbera u arka goob hoy u noqon karta abaabulka howl-galada uu ku sugayo amaanka gobolka, isaga oo aaminsan mabda’a midnimada Soomaaliya, taasi oo ay diidan tahay Somaliland oo ayadu ku dooda inay tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya.

Somaliland iyo Mareykanka ayaa lagu wadaa in ay dhawaan yeeshaan iskaashi millateri iyo mid siyaasadeed, kadib markii uu madaxweyne Biden saxiixay xeer ogolaanaya in labada dhinac yeeshaan wada-shaqeyn noocaan ah.

Ciidamada booliska oo nin hubeysan ku dilay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska ee magaalada Muqdisho ayaa goordhoweyd toogtay nin hubeysan oo la sheegay inuu burcad ahaa, kaasi oo ay cabasho ka muujiyeen dadka shacabka.

War kasoo baxay taliska ciidanka booliska ee gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in ninkaan la toogtay kadib markii iska hor-imaad uu la galay ciidanka booliska saldhiga degmada Yaaqshiid.

Sidoo kale waxa lagu sheegay qoraalka kasoo baxay taliska in ninkaan uu watay Mootada nooca Bajaajta oo ay gacanta kusoo dhigeen ciidamada.

“Ciidanka ayaa burcadkaan ku qabtay xaafada Carafaat isaga oo ka dhaga adeegay amarka Ciidanka Ammiga kadibna isku dayay inuu baxsado, waxa uu watay Moota nuuca Bajaajta ah oo ay hada hayaan ciidanka Amaanka,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay taliska.

Ciidamada ammaanka ee magaalada Muqdisho ayaa sare u qaaday howl-galada lagu baacsanayo burcadda, ayada oo maalmihii lasoo dhaafay ku guuleysteen inay soo qabtaan ku dhawaad 20 rag ah oo dadka dhaceysay.

Shalay unbey aheyd markii Booliska gobolka Banaadir uu soo bandhigay sawirrada 5-rag ah, hub ay wateen iyo gaari ay ka dhaceen dad shacabka, kuwaas oo la qabtay iyagoo baxsad ah.

Ragaan ayaa laga soo qabtay degaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho, iyagoo la baxsanaya gaariga ay dhaceen iyo taleefoono kale oo dad shacab ay ka uruursadeen.

Ragaan ayaa gaari nooca raaxda ah kala degay dadkii watay, kadib markii ay ka afduubteen meel u dhow garoonka cayaaraha ee Stadium Eng. Yariisoow ee degmada Cabdicasiis.

“Kooxdaan burcadka ah oo ka kooban shan rag ah oo watay qoryaha AK47 ayaa gaariga ku joojiyay isgooska Ex control, halkaas oo ay ku baarteen dadkii saarnaa gaariga iyaga oo ka qaatay dhamaan taleefanadii ay wateen, kadibna iska dajiyay dadkii shacabka ahaa,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay booliska.

Magaalada Muqdisho markii laga soo tago falalka argagixiso ee sababa dilalka madax-jebiska ah iyo qaraxyada, waxay dadkeedu qaati ka taagan yihiin dhaca tuugada, mararka qaarna waxaa dhacda in qofka loo dilo agabka uu wato dartiis.

Cali Cosoble: Puntland ma necbi ee kibirkeedaan nacay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore HirShabelle Cali Cabdullahi Cosoble ayaa ka hadlay mowqifkii ay dhawaan ku dhawaaqday Madaxtooyada Puntland, kaasi oo uu ku macneeyay ‘kibir’.

Cali Cosoble ayaa faallo dheer arrintaan ka qoray, taasi oo cinwaan uga dhigay “Puntland ma necbi ee kibirkeedaan nacay” wuxuuna ku iftiimiyay in Puntland ay faa’iido ku qabto dowladda federaalka, ayna ku jirto danteeda, sida uu sheegay.

“Puntland ma laha beero mana laha warshado iyo wax soo saar ee waa dukaan wax soo iibsada siina iibiya. Horumarkeeda wuxuu salka ku hayaa macaashka ay ka hesho macaamiisheeda oo ah dadka dega Galgaduud, Hiiraan, Bay, Bakool, Shabeelooyinka iyo Jubbooyinka,” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in Puntland sinnaba uga qeyb qaadan horumarka ka socda dalka intiisa kale, islamarkaana ay taqaano oo kaliya “nidaamka federaal ee ay danteeda mustaqbalka ku jirto.”

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran:

Puntland ma necbi ee kibirkeedaan nacay.

Puntland! Puntland! Puntland! – Horta Puntland ma ayadaa faa’iido ku qabta Koonfur iyo dowladda federaalka mase Koonfur iyo dowladda federaalka ayaa faa’iido ku qaba Puntland?

Puntland ma laha beero mana laha warshado iyo wax soo saar ee waa dukaan wax soo iibsada siina iibiya.

Puntland waxay aad u sheegataa inay ku tallaabsatay horumar aad u ballaaran marka loo eego degaannada ka xiga Koonfur. Been ma aha laakin horumarka Puntland xaguuu salka ku hayaa?

Puntland ma laha beero mana laha warshado iyo wax soo saar ee waa dukaan wax soo iibsada siina iibiya.

Horumarkeeda wuxuu salka ku hayaa macaashka ay ka hesho macaamiisheeda oo ah dadka dega Galgaduud, Hiiraan, Bay, Bakool, Shabeelooyinka iyo Jubbooyinka.

Puntland waxay canshuur ka qaadaa xoolaha nool iyo dalagyada ka baxa gobollada Koonfur ka xiga ee ay ganacsatadeeda iibsadaan dibaddana u sii iib geeyaan. Sidoo kalana waxay canshuur ka qaadaa shacabka ku nool gobollada koonfureed ee iibsada badeecooyinka ay ganacsatadeeda keento.

Puntland wax canshuur ah kuma soo xareyso qasnadda dowladda federaalka, halka ay shacabka ku nool gobollada kale ee Koonfurta Soomaaliya bixiyaan canshuurta ay dowladda dhexe mushaarka uga dhigto ciidamada, shaqaalaha dowladda iyo xildhibaannada dalka.

Puntland sinnaba ugama qeyb qaadato horumarka ka socda dalka intiisa kale waxayna ku adeegataa kuna macaashtaa kaligeed deked ay wax ku leeyihiin Reer Dhuusamareeb, Reer Baladweyne, Reer Xuddur, Reer Beydhabo, Reer Jowhar, Reer Marko, Reer Bu’aale, Reer Kismaayo, Reer Garbaharrey, iyo weliba Ree Laascaanood, Reer Burco iyo barakacayaasha ku nool gobollada dalka.

Puntland ma taqaano nidaamka federaal ee ay danteeda mustaqbalka ku jirto balse waxa ay dooneyso waa inaan la fara gashan oo ay canshuurna ka qaado shacabka Soomaaliyeed.

Puntland waxaa laga rabaa iney wax ku soo darsato Soomaaliya waayo qaabka ay hadda u dhaqanto waxba kama duwana Somaliland, keliya danteeda awgeed ayey warkeeda u asluubeysataa.

Ganacsataa canshuur bixisana ayadana waa been! Isticmaalaha (consumer) ayaa bixiya canshuur. Ganacsatada qiimaha ay wax ku soo iibsadaan waxay ku daraan canshuurta laga qaado iyo kharashaadka kale, kaddibna wexey ku darsadaan faa’iido.

Hadduu loor bariis ah ugu yimaado dalka 10 dollar, dowladduna ka qaado canshuur 1 dollar ah ayagana wexey sii iibiyaan 13 dollar oo marka la faahfaahiyo ka kooban lafihii oo 10 ah, canshuur 1 dollar iyo faa’iido 2 dollar ah.

Haddaba ma ganacsadaa bixiya canshuur mase aniga iyo adiga iyo hooyada agoomaha heysata ee ka mid ah barakacayaasha?.

Puntland dhaaxey tiri xiriir baan jaray ee culeys intee le’eg ayey dareemi haddii la jaro xiriirka ganacsi ee kala dhexeeya dalka intiisa kale?

Puntland ma necbi ee kibirkeedaan nacay.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid.

Somali government scores victory against Al-Shabab with capture of El-Dher

El-Dher (Caasimada Online) – Somali government forces and local allied militias have made significant gains in their ongoing offensive against the Al-Shabab militant group, recapturing another key town in the Galmudug region.

Defence Minister Abdulkadir Mohamed Nur announced Tuesday that the joint forces had taken El-Dher, a town under the group’s control for over a decade.

The town, located 291 km from the capital Mogadishu, is a historical town bordering Harardhere in the Mudug region and close to the Elbur district.

This news comes after the government forces captured the coastal town of Harardhere on Monday, which the Al-Shabaab had held for over a decade. 

The militants fled the city without putting up a fight, leading Prime Minister Hamza Abdi Barre to declare it a “historic victory.” He stated that the national armed forces had “destroyed the enemy of the nation and liberated the strategic port town of Haradhere.” 

The town, located 500 km northeast of Mogadishu, was seized by Al-Shabab in 2010.

In recent months, the Somali army and local clan militias have retaken large chunks of territory in Galmudug and HirShabelle states with the support of US airstrikes.

President Hassan Sheikh Mohamud declared “all-out war” on the group after taking office in May last year. 

At an anti-Al-Shabab rally last Thursday, he urged residents to rise against the Islamist militants, likening them to “bedbugs.”

Despite these gains, Al-Shabab continues to control large swathes of rural central and southern Somalia and remains a significant threat to the country. 

On Tuesday, the militant group allied with Al-Qaeda launched a deadly raid on a military base in Hawadley, a town located north of Mogadishu, the capital of Somalia.

The attack came just a day after the Somali government declared a “historic victory” over the group with the capture of the coastal town. 

There are varying reports on the number of casualties, with the head of the army saying that five soldiers, including a high-ranking officer, were killed. In contrast, a local militia commander reported 11 deaths. 

The militants began the attack by detonating a car bomb outside the base, followed by an armed assault on the compound. The group has claimed responsibility for the raid.

Qabashada Xarardheere, Ceeldheer iyo Galcad oo ka dhigan afar arrin – Fallanqeyn

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Al-Shabaab ayaa sumeeyay ceelashii biyaha inta aanay ka bixin degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, miinooyin ayey sidoo kale ku wareejiyeen magaalada, dadkii deegaanka ayey ku qasbeen inay magaalada ka baxaan 48 saac ka hor inta aanay ayagu bixin.

Ciidanka dowladda federaalka, kuwa Galmudug iyo ciidan deegaanka ah ayaa shalay la wareegay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug oo ay 15 sanno ku dhawaad maamulayeen kooxda Al-Shabaab.

Xarardheere waa magaalo taariikhi ah, waa magaalo xeebeed baaxad leh laakiin sanado badan waxay aheyd mid kamid ah magaalooyinka ay Al-Shabaab ka qorato dagaalamayaasha.

Xarun xukun iyo mid kamid ah meelaha ay ku dhuuntaan madaxda kooxda Al-Shabaab ayey sanado badan aheyd Xarardheere.

Tan iyo markii ciidanka Mareykanka fadhi laga siiyay Hobyo, Al-Shabaab waxay billowday inay madaxdeeda ka saarto Xarardheere.

Dhinaca barri ee gobolka Galgaduud ciidamada dowladda federaalka iyo midka deegaanka waxay qabteen Galcad iyo Ceeldheer.

Qabashada degmada Ceeldheer waa aqbaar kale oo aad u weyn, magaaladan ayaa kamid ah goobaha ugu muhiimsana ee Al-Shabaab ka haysatay Galmudug.

Ciidamada dowladda federaalka iyo midka deegaanka ayey qabashada Ceeldheer u aheyd bartilmaameed gaar ah.

Wararka aan helayno waxay sheegayaan in Al-Shabaab miinooyin ku xarqiyeen magaalooyinka ay ka baxeen shalay laakiin ciidanka dowladda federaalka waxa la socda koox miino-baaris ah, waxaana la sheegay inay u fududaatay in ay qarxiyaan dhamaan miinooyinkii ay Al-Shabaab deegaanadaasi ku aastay intii aanay ka cararin.

Haddaba, In la qabto Xarardheere, Ceeldheer iyo Galcad maxay ka dhigan tahay?

1. Al-Shabaab oo ku jabtay Galmudug: Kooxda Al-Shabaab waxa gacantooda ka baxay laba kamid ah saddexdii magaalo ee ugu waaweyna ee ay Galmudug ka haysatay waa Xarardheere iyo Ceeldheer.

Ceel-buur ayaa hadda ugu weyn magaalooyinka Galmudug ee ku haray gacanta Al-Shabaab, sidoo kale Gal-hareeri oo ah magaalo muhiim ah ayaa weli ku jirta gacanta Al-Shabaab laakiin si fudud kooxdu magaalooyinkan masii joogi karto.

2. Ceel-buur oo dagaal la’aan la qaban karo: Al-Shabaabka ku sugan degmada Ceel-buur waxa ku dhacay go’doon, siima gumeysan karaan dadka magaaladaas iyo deegaanada ku hareeraysan jooga, maadama la qabtay Ceeldheer iyo Xarardheere, dhinaca Wabxo iyo dhanka Dhuusamareeb-na hore looga joogay, Shabaabka Ceel-buur ku sugan inay is-dhiibi doonaan iyo inay dhuuman mida ay tahayba hadda ma haystaan fursad ay kusii nagaadan.

Waxay u badan tahay inay mardhow isaga bixi doonaan magaaladaas, wallow aan la ogeyn xilliga ay dowladda federaalka ah u qorsheysay in magaaladaas loo dhaqaaqo.

3. Al-Shabaab iyo gobolada dhexe: Kooxda Al-Shabaab ayaa muddo badan ku rafaneysay gobolada dhexe, silic badan ayey badeen dadka goboladaas ku nool laakiin tan iyo markii uu qarxay kacdoonka shacab ee lagu diidan yahay Al-Shabaab rejada kooxda ee sii joogista gobolada dhexe waxay aheyd mid naafo ah laakiin maanta waxay u muuqata inay toos uga soo dhamaan doonaan gobolada dhexe asbuucyada soo aadan.

4. Reer Galmudug iyo ballankii madaxweynaha: Dhawaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu booqday Galmudug, wuxuu ka hadlay Baxdo, Dhuusamareeb iyo Wisil, wuxuuna intaba ka codsaday in Xarardheere la qabto, iyada oo laga aqbalay codsigaas ballana meel la kala dhigtay.

Qabashada maanta waxay ka dhigan tahay in reer Galmudug fuliyeen ballantii ay la galeen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.