27.9 C
Mogadishu
Monday, May 11, 2026

IRC warns of catastrophic famine looming in Somalia

0

Mogadishu (Caasimada Online) – The International Rescue Committee (IRC) is warning that Somalia is facing its worst drought in decades, and aid agencies are struggling to secure sufficient funding to prevent a catastrophic famine. 

The IRC says at least 8.3 million people in the country are on the brink of starvation as the April-May rains are expected to be below average for the sixth consecutive season. 

According to a statement, The IRC has raised $15 million to support those affected by the food crisis. However, the growing needs outpace the resources available.

“The funding shortage comes at a time when another fifth consecutive failed rainy season has been experienced, putting more populations at risk of starvation,” warns the IRC. 

The organization also warns that although humanitarian assistance has helped to delay an official famine declaration in Somalia, “the thresholds for famine are likely to be met in April-June 2023 as current funding levels are dropping. This will push communities already on the brink of famine over the top.”

Shashwat Saraf, IRC Regional Emergency Director East Africa, says, “The current lack of an official famine declaration should not send the message that all is well in Somalia – we are already seeing people die every day from extreme hunger, malnutrition, and preventable diseases.”

“Under these conditions, households will not recover from livestock losses. Further reduction is expected; crop harvest will be limited, and an increased disease outbreak will likely occur. We urge international leaders and donors to learn from experiences of the 2011 famine where over 250,000 people died, half of who died before the official famine was declared.”

The IRC states that in the past year alone, at least 1.7 million people have been displaced by drought and conflict in Somalia. “The displaced face the double tragedy of extreme food insecurity and health crisis exacerbated by poor sanitation and water scarcity. The result at local IRC health clinics across the country has been a rise in patients with diseases like measles and cholera, as well as children suffering from acute malnutrition,” says the organization.

The IRC is calling on donor countries to increase funds that will help provide treatment for children and women with severe malnutrition, enable access to clean drinking water, and vaccinations to prevent deadly diseases like measles, cholera, and polio. “Malnourished children are at increased risk of deadly disease,” warns the organization.

The IRC urges the UN High-Level Task Force on Preventing Famine (HLTF) to prioritize the six countries at the highest risk, including Somalia. 

The organization suggests the task force’s membership should be expanded to include international financial institutions, local and international NGOs and civil society groups, the states affected by food insecurity, and leading donors like USAID and emerging donors. 

“The HLTF should focus on unlocking the political will to respond to a famine risk, mobilizing investments at scale to respond to early warning systems, and coordinating collective action across the international community,” it said. 

Since March 2022, the IRC has provided assistance to over 1.5 million people in Somalia and helped to prevent the spread of waterborne diseases by providing clean water and sanitation to over 800,000 people.

 The organization has also vaccinated over 200,000 children to prevent deadly diseases like measles, cholera, and polio. However, with the current funding shortage, the IRC’s ability to continue these life-saving efforts is in jeopardy.

Xaalad adag oo ka taagan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta xaalad adag ay ka taagan tahay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana shaqada hareeyay muran u dhexeeyo maamulka sare ee shirkadda Favori oo gacanta ku heyso garoonka iyo shaqaalaha Soomaalida ee u shaqeeya.

Shaqaalaha ayaa cabanaya xuquuq dhanka mushaaraadka ah oo ka maqan iyo sidoo kale in lagu kordhiyay saacadaha shaqada ee garoonka Aadan Cadde.

Sida ay ogaatay Caasimada Online waxaa gebi ahaanba shaqada joojiyay howlwadeennada Soomaalida ah oo ah kuwa u tababaran xaqiijiinta amniga rakaabka safraya iyo kuwa soo dagaya, ayaga sabab uga dhigay go’aankooda in lagu tuntay xuquuqdooda shaqaalenimo, waxaana arrintan ay saameyn ku yeelatay dhaq-dhaqaaqa garoonka magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah shaqaalaha oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay cadaalad darro ka tirsanayaan maamulka shirkadda, isla-markaana ay go’aansadeen illaa inta wax laga qabanayo cabashadooda ay joojiyaan shaqadii ay ahayeen oo aheyd mid muhiim ah.

Sidoo kale waxa ay tilmaameen in ay shaqeeyaan saacado badan oo aan ku jirin waqtiga shaqada ee lagula heshiiyey, isla-markaana looga baxay ballan aheyd in loo kordhin doono mushaaraadka, balse aysan dhicin taasi, sida ay ku doodeen shaqaalahaan Soomaaliyeed.

Waxa kale oo ay baaq u diray madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, iyaga oo ka dalbaday inay soo fara-geliso arrintooda.

Arrintan ayaa soo taagneyd todobaadyadii u dambeeyay, waxaana fashil ku soo dhamaaday dadaallada hoose oo la doonayey in xal looga gaaro cabashada shaqaalaha, kadib markii uu maamulka shirkadda Favori ka biyo diiday in uu wax ka qabato cabashada ka soo yeertay shaqaalaha Soomaalida ah ee u shaqeeya shirkaddaasi oo ah mid ajnabi ah.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka garoonka Aadan Cadde iyo dowladda federaalka oo ku aadan xaaladda adag ee ka taagan halkaasi.

Si kastaba, ma aha markii ugu horreysay oo tallaabadan oo kale ay qaadaan shaqaalaha garoonka, waxayna marar badan sameeyeen dibad-baxyo cabasho ah iyo shaqo joojin.

Madaxweyne Laftagareen oo xalaashaday arrintii uu sida weyn u diidanaa mucaaradka

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen oo khudbad ka jeediyay shirka dib-u-heshiisiinta maamulka ayaa niyad-sami ka muujiyay heshiis siyaasadeed laga gaaro in uu qaato muddo kordhintii loo sameeyay.

Lafta-gareen ayaa ku cel-celiyay in deegaanada maamulkiisa uu ku jiro go’doon, ayna tahay in laga wada-shaqeeyo xoreynta deegaanadaasi, oo cadowga laga dulqaado dadka shacabka ah.

“Maanta oo 5KM oo xabsi ah anaga oo dhan ku jirna in markale qax la galo ayada oo meel loo qaxo jirin raali kama nihin. Masuuliyad waxay naga wada saaran tahay amniga, meesha aan joogno iyo waxa hayno waa Baydhabo,” ayuu yiri.

“Dadka Baydhaba waxay rabaan nabada ay haystaan oo ah inta yar ee lagu kooban yahay ee lagu jiro, maanta haddii intaan laga baxo nin tagi kara aaska aabihii oo tuulada nagu dhagan ku dhintay ma tagi karo.”

Lafta-gareen ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in xilka lagula dhagan yahay hadda uu yahay magac u yaal, maadama uu sheegay in kaliya uu xukumo Baydhabo, inta kalena ay weli ka maqan tahay gacantiisa.

“Waxa la isku haysto waxa waaye laba nin oo timo aan laheyn oo shalo isku dagaalaysa. Ninkii la siiyo wax uu ku shaleysto malaha waa iska haysana lee ma ogiye, marka aan timo helno si ninkii shaladaas helo uu wax uu ku shalaysto u helo.”

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Timaha helayno waxa waaye dalkii, dadkii iyo deegaankii Koonfur Galbeed aan usoo celin laheyn qof walba masuuliyad ayaa ka saaran.

Hadalka Lafta-gareen oo laga fahmi karo in uu xalaaleysanayo halkii sano ee mucaaridka ka qeylinayeen, ayaa sida muuqata wuxuu xilligan garab ka helaya madaxweyne Xasan Sheekh oo isagu ahmiyada u weyn siinaya la-dagaalanka Al-Shabaab iyo Koonfur Galbeed oo xor ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Baydhabo ka sheegay in dhawaan lasoo afjarayo Shabaab-ka ka dagaalamaya Galmudug iyo HirShabelle, islamarkaana wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab ay dowladdu ka bilaabi doonto Koonfur Galbeed.

Xasan ayaa sidoo kale waxa uu si adag uga horyimid qorshaha mucaaridka ee kal hore ugu dhawaaqeen ciidamada Badbaadada Koonfur Galbeed, isaga oo xusay in maanta ay gogol u fidsan tahay wada-hadalna loo ogolaaday mucaaridka, sidaas darteedna loo baahneyn hub iyo in la is dilo, sida uu hadalka u dhigay.

Somalia to launch second phase of Al-Shabab offensive

Mogadishu (Caasimada Online) – Somali President Hassan Sheikh Mohamud announced the launch of the second phase of an offensive against the al-Shabab militant group, which has been designated as a terrorist organization by several countries and organizations.

The announcement came during the opening of the South West reconciliation conference in Baidoa, the temporary capital of the South West State.

In recent months, government forces, with the aid of armed citizens, have made significant gains against the al-Shabab group, recapturing key towns in the Galmudug region and forcing the militants from swathes of territory in central Somalia.

Defence Minister Abdulkadir Mohamed Nur announced Tuesday that the joint forces had taken El-Dher, a town under the group’s control for over a decade. The town, located 291 km from the capital Mogadishu, is a historical town bordering Harardhere in the Mudug region and close to the Elbur district.

This news comes after the government forces captured the coastal town of Harardhere on Monday, which the Al-Shabaab had held for over a decade.

The President stated that the first phase of the operation in HirShabelle and Galmudug states is nearing completion and that the government has prepared many troops to liberate al-Shabab-controlled areas in the country.

He also announced that the next step in the operation to defeat the al-Shabab group and free the country would launch in the South West region of Somalia.

“Al-Shabab militants are the only enemy Somalis have; they murder men, women, children, the elderly, and every Somali. The government has developed plans to eradicate them from the country, the first phase is almost complete, and the second phase will launch in the Southwest State of Somalia,” the President said.

The President also highlighted the importance of unifying efforts to free the country from terrorist groups. He emphasized that the government’s current policy is to liberate the country from al-Shabab and that all Somalis must unite to eradicate the terrorist group.

“We must combine all of our efforts to liberate our country from terrorists draining the people’s blood, murdering, and posing a threat to the people’s economy,” said President Hassan Sheikh Mohamud.

The President also said that young men fighting with Al-Shabaab have the opportunity to lay down their arms and receive amnesty from the government.

The President emphasized that anyone who chooses to leave al-Shabab and defect will be granted forgiveness and amnesty. He further highlighted that the government was offering amnesty and prepared to provide better living conditions for those who defected from the group.

The President encouraged parents with children fighting alongside the al-Shabab group to reach out to their children before being killed in ongoing operations.

He stressed that the al-Shabab group kills men, women, and children, threatens the country’s economy, and clogs the roadways due to their terror activities.

Al-Shabab has been waging an insurgency against the Somali government since 2006, which has resulted in thousands of deaths and the displacement of civilians.

Ra’iisul Wasaaraha NEW ZEALAND oo is-casishay kadibna ilmeysay (Warbixin)

0

Ra’iisul Wasaaraha New Zealand Jacinda Ardern ayaa Khamiista maanta ah si lama filaan ah ugu dhawaaqday in aysan “wax niyad ah u heynin” inay sii hoggaamiso dalkeeda, ayna xilka ka degayso ugu dambayn horraanta Febraayo, isla markaana aysan raadin doonin dib u doorasho.

Ardern oo ilmada isku celinaysa ayaa sheegtay in shan sano iyo bar oo ay ra’iisal wasaare ahayd ay soo martay dhibaato aad u adag, waxayna sheegtay inay tahay qof damiir leh oo bini’aadam ah, loona baahan yahay in ay xilka ka dagto.

Ardern, oo 42 jir ah, ayaa ku sheegay shir jaraa’id inay isku diyaarisay in aysan ka qeyb qaadan doorasho kale sannadkan.

“Waan ogahay in ay jiri doonto doodo badan oo ka dhalan doona go’aankan aan qaatay oo la is weydiin doono, sababta aan xilka uga degayo, laakiin waxa kaliya ee lasoo heli doono waa inaan ahay qof bini’aadam ah oo la soo gaaray xilligii uu xilka ka degi lahaa” ayay tiri Ardern.

Ardern waxa ay sheegtay in aanay xilka uga degin in shaqadu ay ku culus tahay, balse waxay sheegtay inay aaminsan tahay in dadka kale qaban karaan shaqo ka wanaagsan.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka New Zealand Grant Robertson, oo sidoo kale ah wasiirka maaliyadda, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inuusan raadin doonin inuu noqdo hoggaamiyaha xisbiga shaqaalaha oo ay hadda hoggaamiso Ardern.

Ardern ayaa kusoo biirtay masraxa siyaasadda adduunka sannadkii 2017 markii ay noqotay haweeneydii ugu da’da yareyd ee madax ka noqota adduunka xilligaas oo ay aheyd 37 jir.

Hannaanka hoggaamineed ee Ardern ayaa lagu tilmaamaa inuu ahaa mid naxariist leh, waxaa lagu xasuusta jawaabtii ay ka bixisay toogashadii ka dhacday laba masaajid oo ku yaalla magaalada Christchurch sannadkii 2019, kuwaas oo lagu dilay 51 qof, 40 kalena lagu dhaawacay, iyada oo weerarkaas markiiba ku tilmaantay mid argagixiso ah, isla markaana xiratay jalbaab markii ay la kulmeysay Muslimiinta dalkeeda.

VOA

Madaxweyne DENI oo war kasoo saaray tallaabo ay qaadeen DF iyo Galmudug

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa markii u horeysay ka hadlay guushii ay ciidamada dowladda, kuwa deegaanka iyo Daraawiishta Galmudug ay ka gaareen dagaalka Al-Shabaab.

Ciidamadan ayaa Isniintii Al-Shabaab kala wareegay degmada Xarardheere oo aheyd marin muhiim ah oo kooxda u isticmaali jirtay howlaheeda argagixiso.

“Waxaa halkan hambalyo uga diraya dowlada Galmudug iyo ciidamada federaalka ah ee dhawaan magaalooyinkii mudada dheera ay haysteen ee Xarardheere ka saareen Al-Shabaab,” ayuu yiri.

“Waxaa u rajeynaya dhamaan bulshada iyo ciidamada qeybahooda kala duwan ee Soomaaliyeed in ay meel uga soo wada jeestaan ciribtirka iyo la-dagaalanka argagixisada si dalkan xuquuqda muwaadinka Soomaaliyeed ugu naaloodo amaan iyo daganaansho.”

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale waxa uu tilmaamay in Al-Shabaab ay caqabad ku tahay dowlad dhiska Soomaaliya iyo horu-socodka dalka, ayna aad u adag tahay in sida uu sheegay.

“Bulshada Soomaaliyeed iyo dowladda oo iskaashanaysa in dhamaan deegaanada kale ee ay ku jiraan (Shabaab) meel looga soo wada jeesto, chapter-kaasna Ilaahay idinkii dhawaan lasoo xiro.”

“Marka taas laga gudbo dabcan geedi socod dowlad dhis ah ayaa dalkeena ka jira, Puntland waxay nasiib u heshay in 24 sano ka hor ay go’aansatay in nidaam kala dambeyn iyo dowladnimo dhistaan waana midda dhaxal-siisay in dadkeedu nabad-galyo iyo kala dambeyn ku noolaadan.”

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa xoogagga deegaanka ayaa Isniintii si rasmi ah ula wareegay gacan ku haynta degmada Xarardheere, kadib markii dagaal-yahanada Al-Shabaab ee ku sugna ay faarujiyeen.

Howl-galada dagaal ee ka dhanka Al-Shabaab ayaa si weyn ugu sii fidaya dalka, ayada oo tan iyo markii ay billowdeen kooxda lagu gaarsiiyay jab xoogan, islamarkaana looga qabsaday deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda.

Daawo: Sheeko banaanka soo dhigtay askareynta xoogga ah ee kooxda Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Aabo Maxamed Ciise oo kamid ah dadka deegan Towfiiq ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa warbaahinta dowladda uga warbixiyay dhacdooyin uu kala kulmay Al-Shabaab intii ay deegaankaas gacanta ku haysay.

Aabahan ayaa sheegay in Shabaab ay xirtay kadib markii uu diiday in wiilkiisa u gacan galiyo kooxda, taasi oo kamid ah qorshaha askareynta xoogga ah ee Shabaab.

“Al-Shabaab waxay igeysatay dhacdooyin badan balse waxaa kusoo koobaya oo igu culeys badneyd wiilkaaga soo qabo aan waxaa rabno ka sameysano, intaas kabacdi waa ka dhago adeygay oo Xamar ayuu jiray,” ayuu yiri.

“Meesha ay igu xireen waa Masaajid Cali Gaduud, waxay igu yiraahdeen machad ayaa la geyna oo waxba bareyna, wax ay barayan ma aqaan waa iska diiday.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay jiraan waalidiin billooyin ugu xirna Al-Shabaab inay diideen “in kooxda u gacan galiyaan caruurtooda.”

“Dhibaatadii Alle ayaa naga dulqaaday iyo dowladda Soomaaliya. Waxa dareemayna farxad iyo wax badan oo shacabka waa ku faraxsan yahay.”

Aabahan ayaa ugu dambeyntiina ugu baaqay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed inay sii xoojiyaan la-dagaalanka Al-Shabaab oo dalkaan ka geystay dhibaatooyin aad u badan.

Arrintan ayaa banaanka u soo saareysa askareynta xoogga ah ee Al-Shabaab, ayada oo waalidiinta ku nool deegaanada ay ka taliyaan ku amra inay caruurtooda keenaan, si ugu dagaalamaan kooxda.

Tan iyo markii uu billowday howl-galada dagaal ee ka dhanka Al-Shabaab ayaa waxaa lagu gaarsiiyay jab xoogan, waxaana lagala wareegay deegaano hor leh oo sanado badan ku jiray gacantooda.

Hoos ka daawo

Wasiir ka tirsanaa Koonfur Galbeed oo sheegay arrinta ka horeysa heshiis siyaasadeed

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee wasaarada warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay shirka dib-u-heshiisiinta maamulkaasi oo ka furmay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Waxa uu si adag uga horyimid in shirka Baydhabo looga hadlo kaliya khilaafka doorashada ka dhashay, islamarkaana lagu soo hadal qaadin shaqaaqadii xiisadan ka dhalisay Baydhabo, taasi oo dad ku dhinteen, sida uu sheegay.

“Wixii dhacay wey dhaceen dagaal ayaa Baydbabo ka dhacay oo nooga dhintay si macno darro ah, waxaa aaminsahay shirka furmay haddii caqliga iyo aragtida dadka la isku geeyo oo wixii dhacay laga garaabo in ay tahay fursad fiican oo Koonfur Galbeed hore ugu socon karto.”

Wasiirkii hore ee wasaarada warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku doodaya in waxkasta ay ka horeyso “ka garaabista wixii dhacay” si looga gudbi oo heshiis looga gaaro xiisadda Koonfur Galbeed ee u dhaxeysa Lafta-gareen iyo siyaasiyiinta mucaaridka.

“Haddii caqligu shaqeynayo oo si rasmi ah loo wada-hadlo oo la isku garaabo waxa aaminsanahay in wax uun lagu heshiin karo. Waa in ninka xilka hayana la dhihi karo waxaasa ka qaldan, haddii uu wanaag qabtana waa ku mahadsan tahay la dhaho.”

“Waa ayaan-darro weyn in Baydhabo lagu weeraro guriga siyaasi xaq u leh in loo doorto xilka u sareeya dalka, waxaa aaminsahay in arrintaan ay noqoneyso ajendaha u horeeya ee shirka, waana nasiib darro arrintaas oo laga wada-hadlin in arrimo doorasho laga wada-hadlo.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in loo baahan yahay in dib u eegis loo dhan yahay lagu sameeyo Dastuurka Koonfur Galbeed, si xal kama dambeys ah looga gaaro muddo xileedka madaxweyne kasta oo maamulkaasi yimaada, si aysan markasta usoo laaban xiisadda siyaasadeed ee taagan.

Guutada gacanta ku haysa Sh/Hoose oo war kasoo saaray dhawaaqii Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Guutada 14-ka October ee ciidanka xoogga dalka G/dhexe Nuur Maxamed Gaabow ayaa shaaciyay in dhawaan ay bilaabi doonaan howl-galada uu madaxweyne Xasan Sheekh kaga dhawaaqay Koonfur Galbeed.

G/dhexe Nuur oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in guutadiisa ay gacanta ku hayso qeybo badan oo dhulka Shabeellaha Hoose, ayna u diyaarsan yihiin howl-galada xoreynta deegaanada maamulka Koonfur Galbeed.

“Dhaq-dhaqaaq xoogan ayaa ka wadna gobolka, waana u diyaarsanahay in nimankaas la dirirno oo arrintaas in wax badan ka badalno oo agteena ku hadhsan meelkasta oo ay galaana laga daba-galo,” ayuu yiri.

Taliyaha ayaa sidoo kale waxa uu ka warbixiyay howl-galadii u dambeeyay ee ay ku jabiyeen kooxda Al-Shabaab, kuwaasi oo lagu burburiyay maxkamada-beenaadkii ay kooxda gobolka ku laheyd, oo ay ugu yeeri jireen dadka.

“Anaga guutada 14-ka October ururkeeda 14-aad waxaa burburinay maxkamado ay dadka ugu yeeri jireen dadka shacabka ama ganacsatada ama beeraleyda ay Xamar ka wacaan ama Marka iyo Shabeellaha Hoose ka wacaan,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas kusii daray “Bulshada niyad ahaan sida ay ahaan jirtay dhowr billood ka hor hadda ma aha. Dadka Shabeellaha Hoose ku nool 60% maadama uusan kacdoon shacab ka bilaaban haddana waxay diyaar u yihiin in ay ciidanka la howl-galaan oo xogtii bixiyaan. Su’aalaha soo noq-noqonaya waa damaanad-qaadkii ayaa nagu yar, howl-galkii ma socdo laakiin waa dad u diyaarsan inay argagixisada la-dagaalan.”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan Baydhabo ayaa sheegay in dhawaan lasoo afjarayo Shabaab-ka ka dagaalamaya Galmudug iyo HirShabeelle, islamarkaana wajiga labaad ee dagaalka kooxda ay dowladdu ka bilaabi doonto Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dagaalkaan laga soo bilaabi doono xadka Itoobiya, lana wadi doono illaa badweynta Hindiya, si loo dhameeyo Shabaab-ka dhulkaas ku sugan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dowladdu ay diyaarisay ciidan xoog leh oo isku filan una diyaarsan inay kooxda Al-Shabaab ka xoreeyaan dalka inta ay ka joogaan.

Howl-galada dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa muddooyinkii dambe dardar xoogan ku socday, ayada oo kooxda lagu gaarsiiyay jab xoogan, islamarkaana lagala wareegay deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda.

Wararkii ugu dambeeyey Baydhaba iyo Aadan Madoobe oo odayaasha u xil saaray…

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe oo ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed ayaa kulan la qaatay Golaha Malaaqyada Dhaqanka ee Koonfur Galbeed.

Kulanka odayaasha dhaqanka iyo guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii kaalintooda odeynimada uga qaadan lahaayeen dib-u-heshiisiinta ka socota maamulka Koonfur Galbeed.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa wuxuu odayaasha dhaqanka u xil-saaray in ay xaliyaan khilaafaadka iyo wixii mad-madow ah ee ka dhex jira bulshada reer Koonfur Galbeed, si wajiga koowaad ee dib-u-heshiisiinta u noqdo mira-dhal.

Sidoo kale waxa uu bogaadiyay doorka odayaasha dhaqanka iyo ilaalinta dhaqankeena ku aaddan xalinta khilaafaadka, isaga oo ku tilmaamay mid mudo soo jirtay, odayaashana ay laf dhabar u yihiin is dhex-galka iyo nabada bulshada Soomaaliyeed.

Guddoomiye Aadan Madoobe oo Baydhabo ugu sugan shirka dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed ayaa waxa uu dadaal badan ku bixinaya sidii uguuleysan lahaa shirkan, oo dan u ah maamulka Koonfur Galbeed oo dhulkeeda inta badan gacanta ugu jira Al-Shabaab.

“Arrinta dib-u-heshiisiinta laab la-kac ma ahan, ujeedo kalena lagama laha ee waa helista Koonfur Galbeed oo mid ah,” ayuu Aadan Madoobe ka sheegay furitaankii shirka dib-u-heshiisiinta ee ka furmay magaalada Baydhabo.

Shirka dib-u-heshiisiinta ayaa waxaa lagu wadaa in heshiis looga gaaro xiisadda siyaasadeed ee muddooyinkii dambe ka dhex aloosneyd madaxweyne Lafta-gareen iyo siyaasiyiinta mucaaridka Koonfur Galbeed, waxayna u badan tahay in Lafta-gareen hal-kiisa sano loo dhaafi doono.

Xasan oo digniin culus siiyey LAFTAGAREEN, siyaasiyiinta kalena ka diiday qorshahooda

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Baydhaba ka furay shirka dib u heshiisiin ah oo la isugu keenay siyaasiyiinta reer Koonfur Galbeed ayaa ka digay hal arrin oo siyaasi dambe aan laga aqbali doonin.

Arrintaas ayaa ah in siyaasi dambe oo xukunka isku dhejiya aan Soomaaliya laga ogolaa doonin, isagoo Madaxweynaha talada haya ugu baaqay inuu doorasho aado oo dadkiisa uu dib ugu laabto.

“Ninka talada haayow qori meeshaan kuguma heyn karo, dadkaan raali ahaanshahooda ayaa mneeshaan kugu heyn karta, siyaasiyiinta waxaan leeyahay dadkiina fursad siiya, iyagaa xolanaaya kuwa fiican,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Cabdicasiis Laftagareen ugu baaqay in dadkiisa uu cod u doonto, balse aan laga aqbali doonin caburin iyo in dadka loo cagajugleeyo oo safarka loo diido ama xabad lala dhaco.

“Beledkaan Baydhaba, dadka rabitaankooda iyo xoriyad u hadalkooda cid ka hor imaa karta ma jirto, hadalka iyo safarka lagama hor istaagi karo dadka, waxaa reeban nin qori wata oo xoog ku fulinaaya rabitaankiisa,” ayuu yiri.

Markii uu Madaxweynuhu yiri hadalkaan, waxaa hoolka oo dhan is qabsaday sacab iyo mashxarad aan horay u dhaceyn, taas oo muujineysa in caburin badan ay ka jirto Baydhaba iyo guud ahaan K/Galbeed, taas oo marar badan lagu eedeeyey maamulka Cabdicasiis Laftagareen.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in markii uu Baydhaba tegay la weydiiyey su’aal ah, “Madaxweyne markii aad mucaaradka aheyd, waxaa ka mid aheyd raggii hoggaaminaayey Badbaado Qaran, maanta maxaa nooga hor taagan tahay inaan sameysano ciidamo badbaado K/Galbeed ah?”

“Marka waan u sheegay oo waxaan iri, walaalkeeyow labo ayaan ku kala duwanahay, maalintaas anaga waxaan weynay cid nala hadasha, laba sano ayuu rabay ninkii joogay inuu xoog nagu marsiiyo, laakiin idinka maanta gogol ayaa idiin fidsan wadahadal ayaa la ogolaaday, marka hub iyo in la is dilo looma baahna ayaan ugu jawaabay,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan ayaa Cabdicasiis Laftagareen ugu baaqay in dadka xuquuqdiisa uu ilaaliyo, halka siyaasiyiinta kalena uu ugu baaqay in dadka amnigooda ay masuuliyad iska saaraan oo fowdo aysan kicin.

“Maanta hormar badan ayaa iiga muuqda K/Galbeed, madaxtooyada aan Baydhaba ku arkay ee Laftgareen uu degan yahay, mid lamid ah Xamar nooguma taallo, Madaxtooyada JFS ee aan deganahay, sidaan uma qurxoona, wanaagaas dowladnimo ayuu ku yimid.”

“Hadda ka hor mar aan Baydhaba ugu imid madaxweyne Shariif Xasan, waxaan weynay meel aan ku harsano, markii aan la kulmeynay bulshada magaalada, balse meel kasta maanta waa dhisan tahay, taasna waa dowladnimada ee ilaashada,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Xog: Al-Shabaab oo galabta lagu duqeeyey duleedka magaalada Xarardheere

0

Xarardheere (Caasimada Online) –Faahfaahino hordhac ayaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo galabta ciidamada xoogga dalka iyo diyaaradaha dagaalka ay ka fuliyeen duleedka degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Howlgalkaan waxaa la sheegay inuu yimid kadib markii ay ciidanku heleen xogta Shabaab isku uruursanaya deegaan 10 KM u jira degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

“Ciidanka xoogga dalka iyo xoogagga deegaanka ayaa galabta weerar culus ku qaaday deegaanka Bacadka Faarax Aadan iyo degaan kale oo dhanka qorrax u dhac qiyaastii 10 KM kaga beegan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug,” ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay warbaahinta dowladda Soomaaliya.

Qoraalkaan ayaa lagu sheegay in howlgalka uu weli socdo, isla markaana Al-Shabaab lagu gaarsiiyay khasaare badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sidoo kale waxaa Al-Shabaab gacanta looga dhigay gaadiid dagaal iyo hub,  sida lagu shaaciyey warkaan.

Kooxda Al-shabaab ayaa maalmo ka hor si nabad ah uga baxday magaalada Xarardheere inta aysan la wareegin ciidamada dowladda Soomaaliya

Sida ay wararku sheegayaan, Al-shabaab waxay qorsheynayeen inay dib u weeraraan Xarardheere, balse ciidamada oo ka war helay ayaa ka hor tegay weerarkaas.

Howlgalkaan ka hor tagga ah ayaa loo adeegsaday diyaaradaha dagaalka, sidoo kale ciidamada kumaandooska Danab ayaa qeyb ka ahaa howlgalka.

Si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay howlgalkaas, balse wararka hordhaca ah ee warbaahinta dowladda ay tebisay waxay sheegayaan in khasaare badan la gaarsiiyey kooxda.

Daawo: Odayaashii Saleebaan ee lasoo heshiiyey Al-Shabaab oo maxkamad lasoo taagay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaasha beesha Reer Xaaji Saleebaan ee sanadkii hore dhamaadkiisa heshiiska lasoo galay kooxda Al-Shabaab ayaa maanta kasoo hor-muuqday maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee magaalada Muqdisho.

Odayaashan oo tiradoodu dhan tahay saddex ayaa muddooyinkii dambe ku xirna magaalada Muqdisho, ayada oo markii hore ciidamada ammaanka Galmudug ay kasoo qabteen magaalada Cadaado.

Odayaashan oo lagu kala magacaabo Sugaal Warsame Cali, Caliyare Axmed Xeyle iyo Cumar Maxamed Jimcaale ayaa maxkamadda ka hor sheegay in heshiiska ay la-soo galeen Al-Shabaab “uga dan lahaayeen furashada naftooda iyo ehelkooda” hase yeeshe aysan ka aheyn wada-shaqeyn dhex-marta iyaga iyo kooxda.

“Heshiiska waxa uu ahaa 70 qof ayaa nooga xirna, haddii aan 70-ka ka samri laheyn anaga la xirneyn, in anaguna aan xirano dadkaasna laga samro oo meel aan laga soo qaban karin ay gaarto in aan been ku maslaxno ayaa ku gadanay nidaamkaas,” ayey yiraahdeen.

“Waxay yiraahdeen (Al-Shabaab) odayaal Galgaduud oo aan imaan idin siin mayno dadkii u tagay. Dadkaas rejo ayuu leeyahay hadda timaadan haddii kale ka samra ayey nagu yidhaahdeen oo sidaas ayay nagu soo waceen oo aan ugu tagnay.”

Sidoo kale waxay ku doodeen in dagaalka ka dhanka Al-Shabaab ay qeyb ka yihiin, islamarkaana aanay aheyn dad dhabar jabinaya dowladda, sida ay sheegeen.

“Heshiiska soo galnay gacan ku rimis ayuu ahaa, haddana waxay dowladda ka garato ayaa ka yeelayna ama beeneyn ah, waxay mudan tahay ayaa marineyna, wixii hore soo marnay wax ka jira malaha.”

Qareenada u doodayay odayaashan ayaa sidoo kale maxkamadd ka hor sheegay in saddexdaan oday aysan kusoo laaban laheyn Cadaado oo aheyd meeshii laga soo qabtay haddii uu sax ahaan lahaa heshiiska Shabaab.

Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa ugu dambeyntiina soo xiray fadhiga maxkamadeed, isaga oo sheegay in maxkamadda ay go’aan kasoo saari doonto kiiskaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u mamnuucday in wax macaamil ah lala sameeyo kooxda Al-Shabaab, iskaba daa in heshiis lala soo galee, waxayna ballan-qaaday in tallaabo laga qaadi doono ciddii sidaas sameysa.

EAC eyes longest coastline in Africa with admission of Somalia

Arusha (Caasimada Online) – The East African Community (EAC) is quickly moving forward with a plan to add a new member, Somalia, to gain control over the Horn of Africa nation’s coastline.

Somalia’s long Indian Ocean/Red Sea route linking the East African region to the Arabian Peninsula is viewed as a promising economic zone.

EAC Secretary General, Peter Mathuki, stated that admitting Somalia would bring significant benefits to the EAC by utilizing the country’s blue economy resources, such as fish. 

Somalia’s coastline is the longest in continental Africa, spanning 3,300 kilometers, and boasts diverse waters that house various fish species. The coastline also hosts a significant shipping route around Africa, despite its past association with piracy.

Mathuki emphasized that admitting Somalia would be in the economic interest of the EAC. In addition to being a leading country in livestock population, Somalia also has valuable mineral deposits. 

Mathuki, who successfully advocated for the Democratic Republic of Congo to join the EAC, believes that Somalia’s admission to the seven-nation bloc could be imminent.

A verification team will be sent to Mogadishu to assess whether the country is ready to join the EAC. The decision to admit EAC leaders endorsed Somalia during their summit in Arusha in July 2022.

Somalia believes joining the EAC will boost the East African economies, specifically the blue economy and cross-border trade. President Hassan Sheikh Mohamud said in October last year that his country, which shares border with Kenya, Ethiopia and Djibouti, is already connected to the bloc through different business ventures. 

Somalia, if admitted, will be the fourth largest country in surface area after DRC, Tanzania, and South Sudan. It will have a smaller population than the other five EAC states, DR Congo, Tanzania, Kenya, Uganda, and South Sudan. 

The outcome of the verification mission will be crucial in determining if Somalia will be admitted as the newest member of the East African Community.

The East African Community (EAC) is a regional intergovernmental organization that was established in 1967 with the signing of the Treaty for East African Cooperation. 

The EAC consists of six member states: Kenya, Uganda, Tanzania, Rwanda, Burundi, and South Sudan. 

The main goal of the EAC is to promote economic integration among its member states by creating a Customs Union, Common Market, and, ultimately, a Monetary Union. The organization also aims to promote political and social cooperation among its members. 

The EAC has been actively seeking to expand its membership in recent years. In 2019, the Democratic Republic of Congo became the newest member of the EAC, and now the organization is exploring the possibility of admitting Somalia.

Sawirro: Xasan Sheekh oo Baydhaba ka dhagax dhigay madaxtooyada qaranka

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweyanaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dhagax-dhigay Madaxtooyada Qaranka ee laga dhisayo magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale waxa uu soo kormeeray garoonka kubadda cagta ee dhawaan la dhisay iyo goobo muhiim u ah adeegyada bulshada reer Koonfur Galbeed.

Xasan ayaa isla maanta booqday Kaamka Barakacayaasha oo ay ku jiraan boqolaal qoys oo ka soo cararay dhibaatada argagixisada, isaga oo soo kormeeray qeybaha dugsiga Quraanka iyo iskuulka Hoose Dhexe ee kaamkan oo uu ballan-qaaday dhismihiisa booqashadii hore ee uu ku tagay Baydhabo, haatanna labaduba ay shaqeynayaan.

Waxa uu sii xoojiyey in uu ka shaqeyn doono sidii loo sii ballaarin lahaa adeegyada waxbarasho ee dadka barakaca ku ah kaamkan iyo horumarinta xarrumahan aqooneed ee uu u hirgeliyey.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayo madaxweynaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa sidoo kale waxa uu soo kormeeray Isbitaal-goboleedka Baay, halkaas oo uu dul istaagay adeegyada caafimaad, baahiyaha jira iyo xaaladda bukaannada ku jira.

Madaxweynaha ayaa warbixino ka dhageystay bahda caafimaadka iyo maamulka gobolka, wuxuuna faray xukuumadda in ay ka shaqeyso xal u helista baahiyaha caafimaad ee ka jira xaruntan, waxa uuna xusay in dowladdu ay mudnaan siineyso daadejinta adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada.

Xasan Sheekh ayaa maalmihii dambe ku sugna magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel-gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed, halkaasi oo uga qeyb-galay shirka dib-u-heshiisiinta oo xal kama dambeys ah looga gaarayo xiisada siyaasadeed ee muddooyinkii dambe ka dhex aloosneyd Cabdicasiis Lafta-gareen iyo siyaasiyiinta mucaaridka.

DF oo soo bandhigtay tirada SHABAABKA lagu dilay howl-galka ka socda Xawaadley

0

Balcad (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in howl-gal culus uu ka socda deegaanka Xawaadley iy nawaaxigeeda, kaasi oo ay wadajir u fulinayaan ciidammada xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwa Sirdoonka Qaranka NISA, ciidammada deegaanka iyo saaxiibada Caalamiga ah.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ayaa lagu sheegay in howl-galkan oo illaa hadda socda lagu dilay 25 xubnood oo ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab.

“Howl-galkan ayaa si gaar ah uga socda Beerta Sheekh Qaasim Tuullada Dhagaxoow ee hoos tagta deegaanka Xawaadleey ee gobolka Shabeelada Dhexe,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda warfaafinta.

Qoraalka dowladda ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay in howl-galkan ka socda deegaanka Xaawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe lagu soo furtay hub iyo gaadiid dagaal.

“Howlgalka oo weli socda wixii warar ah ee kusoo kordha dib ayaan idiin kaga soo gudbin doonnaa insha Allah,” ayaa lagu yiri qoraalka kooban ee kasoo baxay dowladda.

Weerar ku billowday gawaari lagu soo xiray walxaha qarxa ayaa aroornimadii shalay dagaalamayaasha Al-Shabaab waxay ku qaadeen deegaanka Xawaadley oo kamid ah deegaanadii ugu dambeeyay ee ay la wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, waxayna 20 KM u jira degmada Balcad ee Shabeellaha Dhexe.

Weerarkan ayaa ku soo aadaya, ayada oo haatan inta badan Al-Shabaab laga saaray gobolkan oo hoostaga HirShabelle, waxaana kamid ah meelaha la qabtay degmooyinka Aadan Yabaal, Ruun-nirgood iyo deegaano kale oo muddo fog ay ka talineysay kooxdu.

Si kastaba, laba maalin ka hor uun ayay aheyd markii ay Al-Shabaab is-miidaamin tan lamid ah, loona adeegsaday baabuur ay ku weerareen deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan, waxaana ka dhashay dhimasho, dhaawac iyo burbur.

Erdogan brings presidential election forward to May 14

Ankara (Caasimada Online) – Turkish President Recep Tayyip Erdogan announced Wednesday that the country’s next general election would be held on May 14, one month earlier than initially scheduled. 

This move sets the stage for what many analysts believe will be one of the most consequential elections in Turkey’s history. 

Erdogan and his Islamic-rooted party have been in power for two decades, during which the country has seen economic highs and lows, wars, and even a failed coup attempt.

Erdogan’s decision to bring the election forward by a month is seen as a strategic move to give his voters an advantage. Analysts believe Erdogan’s office is looking for an opportunity when his supporters are more likely to vote than those supporting his opponents.

In a speech to his ruling party, Erdogan invoked the memory of the country’s first free election in 1950, which was held on May 14 and won by Adnan Menderes, a prime minister who was later deposed and executed by a military junta. 

Erdogan, who previously was removed from office and briefly imprisoned during his tenure as mayor of Istanbul in the 1990s, frequently draws comparisons between himself and Menderes.

The opposition to Erdogan is currently divided and has yet to agree on a candidate to field against him. Their best hope at one stage appeared to be Istanbul’s popular mayor Ekrem Imamoglu, but a criminal court banned him from politics last month. 

Kemal Kilicdaroglu, the main opposition party’s leader, now appears to be the most likely candidate to stand against Erdogan. Still, his lack of popularity in opinion polls has caused divisions within the opposition.

The election comes at a time when Erdogan’s popularity has been hurt by an economic downturn, as inflation reached 85% in the past year. However, the opposition’s failure to unite around a single candidate has made it difficult for them to mount a strong challenge to Erdogan’s rule. 

“I think the election is too close to call, but I would never write Erdogan off in any election,” said emerging market economist and Turkey watcher Timothy Ash.

The upcoming election will test Erdogan’s authority in the parliament as his political party, which is currently in a partnership with an extreme right-wing organization, has recently seen a decrease in backing.

With less than four months until the election, the opposition must act quickly to agree on a single candidate and mount a unified challenge to Erdogan’s rule. 

“Now, there is no other choice for the (opposition) but to determine the joint candidate as soon as possible and to stand behind this candidate with all their party organizations,” veteran Turkish journalist Kadri Gursel tweeted.

SOURCE: CAASIMADA ONLINE AND NEWS AGENCIES

Dowladda oo shaacisay inay beddashay ‘taatikadii dagaalka’ iyo natiijada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa markii u horeysay shaaciyay in dowladda “ay wax ka badashay taatikadii dagaal” ee ku wajahaysay Shabaab, taasi oo toddobaadkii u dambeeyay horseeday guulo waaweyn.

Taliye Biixi oo la hadlay Idaacadda Dowladda ee Radio Muqdisho ayaa sheegay in dowladda ay xooga saartay muddooyinkii dambe magaalooyinka muhiim ah, halka markii hore deegaan qabasho iyo is-ballaarin uu ku socday qorshaha dagaal.

“Magaalooyinka waa meelaha ay adeega ka helayeen ee biyaha ka helayeen, marka ninka haddii magaaladii iyo ceelasha loo fariisto haddii god cidlo ah galo imisa ayuu ku jiri karaa,” ayuu yiri.

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Ahmiyad gaar ah ayaa siinayna xoreynta magaalooyinka waaweyn, si loo go’doomiyo kooxda oo waa lasoo afjari doona maalmaha soo socda Shabaab-ka ku sugan Galmudug.”

Taliyah ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Al-Shabaab ay ku hareereyeen gobolka Galgaduud, islamarkaana aysan jirin meel ay hubka ula faka-doonaan kooxda, oo saacadihii lasoo dhaafay laga qabsaday degmooyin muhiim u ahaa.

Ugu dambeyntiina waxa uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay sii xoojiyaan howl-galada dagaal ee ka dhanka Al-Shabaab, loona diido lacagta ay markii hore baada iyo xoogga ku qaadan jireen.

Ciidamada dowlada iyo kuwa deegaanka ayaa shalay iyo maanta la wareegay degmooyin muhiim u ahaa Al-Shabaab, oo ay kamid tahay Xarardheere oo ay kala soo degi jireen hubka iyo sahayda kale.

Howl-galada dagaal ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ayaa haatan si weyn ugu sii fidaya dalka oo dhan, ayada oo tan iyo markii ay billowdeen kooxda lagu gaarsiiyay jab xoogan, islamarkaana looga qabsaday deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda.

Gudiga doorashada kuraasta dhiman ee BF oo qaaday tallaabo shaki dhalisay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga kumeel-gaarka ah ee doorashooyinka baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta magacaabay Xoghayaha guud ee guddiga.

Guddoomiye Cabdi Xiis ayaa waxa uu xilkaan u magacaabay Cabdiraxiim Cabdullaahi Shaafici, oo ah La-taliye Sare oo ka tirsan xafiiska wasiirka waxbarashada, horena u ahaa shaqaale ka tirsan wasaaradda caddaaladda.

“Anigoo ku kalsoon (Shaafici) aqoonta iyo khibradda shaqo ee uu leeyaay waxaan u rajaynaa inuu u guto waajibaadkiisa shaqo si waafaqsan hanaanka doorashada,” ayuu yiri guddoomiyaha guddiga, Cabdi Xiis.

Sidoo kale warqada magacaabista ee uu soo saaray guddoomiyaha guddiga kumeel-gaarka ah ee doorashooyinka baarlamaanka ayaa lagu faray in cidkasta oo ay khusaysayo la shaqeeyaan Xoghayaha guud ee guddiga.

Magacaabistan ayaa waxaa ka wada socda ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Bare iyo dhamaan xubnaha guddiga KMG ee ka shaqeynaya buuxinta kuraasta bannaan, sida laga fahmi karo warqada kasoo baxday guddoomiye Cabdi Xiis.

Cabdiraxiim Cabdullaahi Shaafici ayaa ujeedada ka dambaysa magacaabistiisa lagu sheegay “sidii uu u fududeyn lahaa in Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir uu kusoo laabto kursiga HOP#086 ama qof uu wato loo xiro.”

Wasiir Faarax ayaa wada laba qorsho oo ah inuu isaga kursiga qaato iyo inuu kursiga u xiro musharax aad ugu dhaw Villa Somalia, oo lagu magacaabo Dr. Maxamed Xaaji Axmed, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen illo wareedyo lagu kalsoonaan karo.

Dr. Maxamed Xaaji ayaa wuxuu hogaamin jiray garabka Damul-Jadiid ee Al Islaax, wuxuuna haatan xubin ka yahay hay’adda culimada Soomaaliyeed iyo guddiga gurmadka Abaaraha.

Dr. Maxamed ayaa lagu warramay inuu taageero weyn ka haysto Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo asagu ah xildhibaankii hore ugu fadhiyay kursigan, kana mid ah shaqsiyaadka ku dhow madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale waxaa go’aankan la qaba kooxda madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaasi oo doonaya inuu tartan la’aan ku qaato kursigan Dr. Maxamed Xaaji Axmed, oo ah qof aan hore loogu aqoonin arrimaha siyaasadda.

Arrintaan ayaa u muuqata inay soo afmeerayso rajadii Fahad Yaasiin uu uga mid noqon lahaa baarlamanka 11-aad. Fahad ayaa waxaa kursigan horey uga hor-istaagay ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Maxamed Xuseen rooble.

Kursigan ayaa haddii musharax loo xiro waxay muujin doontaa kala wareeg mabda’ oo ka yimid dhanka madaxweyne Xasan Sheekh, oo muddadii uu banaanka ka joogay Villa Somalia aad ugu dhaliili jiray madaxweyne Farmaajo inuu musuq-maasuqay kuraasta baarlamanka qaarkood.

Qoor Qoor oo ku dhawaaqay qorshe doorasho oo la xiriira deegaanada la xoreeyay

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor oo ka hadlay dagaalka Al-Shabaab ayaa sheegay in degmooyinka laga xoreeyay kooxda ay yeelan doonaan maamulo ay soo doortaan dadka deegaanka.

Qoor-Qoor aya sidoo kale waxa uu sheegay in maamulada loo magacaabayo degmooyinka laga qabsadayay Shabaab ay si kumeel-gaar ah usii shaqeynayaan, si loo gaarsiiyo “doorasho dadka deegaanka ay ku dooranayaan maamulka metalaya.”

“Maamulka lasii magacaabo waa mid si KMG ah loo sii magacaabayo, deegaanada xorta ah ee Galmudug waxaa dhamaan ka hirgalay maamulo dadku ay doorteen, kuwaan waxa aan u rabnaa sidaas oo kale, maamulada aan magacaabeyno waa KMG oo doorasho gaarsiinayo, dib u xorreynta ayay qayb ka tahay in maamul la sameeyo,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in sababta sida degdegta ah loogu sii magacaabayo maamulo KMG ay tahay in laga shaqeeyo howlaha amniga lagu sugayo, si marka qorshahaas uu dhammaado loo qabto doorashada Golaha deegaanka, sida uu sheegay.

“Marka Cadawga laga xorreeyo deegaanada kadib in aan dadka soo celino waxaana ugu baaqeynaa in dadka maqan dib usoo laabtaan si aan ugu sameyno qorshaha xasilinta, cid u adeegto ma lahayn, waxaana codsaneynaa in nalagu garabsiiyo arrintaan.”

Qoor-Qoor ayaa waxa kale oo uu tilmaamay in maamul ahaan ay adeegyada bulshada ka hirgelin doonaan degmooyinka gacanta dowlad-goboleedka soo galay sida; waxbarashada, caafimaadka iyo garab istaagga dadka gacan qabashada u baahan.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in ciidamada dowladda federaalka, Daraawiishta iyo dadka deegaanka ay saaxiibada beesha caalamka ka garabsiiyaan duqeynta diyaaradaha aan duulliyaha lahayn (Drones).

Dowlad-goboleedka Galmudug ayaa waxaa dhawaan si rasmi ah uga billowday howl-galada lagu xoreynayo deegaanada ay Al-Shabaab kaga sugan yihiin maamulkaasi, kuwaasi oo durtaba laga gaaray guulo waaweyn.