27.9 C
Mogadishu
Monday, May 11, 2026

Xasan Sheekh oo ka hadlay geerida Tuure, sheegayna cidda buuxineysa kaalintiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa war kasoo saaray geerida Taliye ku-xigeenka ciidanka gaarka u tababaran ee DANAB Gaashaanle Xasan Maxamed (Xasan Tuure), oo saaka ku dhintay weerar ay Al-Shabaab ku qaaday degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in geerida Taliye Xasan Tuure aysan marnaba niyad jebin karin ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo shacabka u midoobay inay argagixisada nolosha u diiddan shacabka ay iska dul-qaadaan.

“Taliye Xasan Tuure waxaa uu ku shahiiday hawlgal uu uu waddankiisa ku xorreynayo, waana geesi taariikhda ay xusi doonto, laguna xusuusan doono kaalinta uu ka qaatey in Khawaarijta laga sifeeyo guud ahaan geyiga Soomaaliya,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in kaalintii taliyaha AHUN ay buuxin doonaan geesiyaasha kale ee ciidanka xooga dalka, islamarkaana ay saameyn ku yeelan doonin dardarta ay ku socdaan howl-galada ka dhanka ah Al-Shabaab.

“Waxaa uu ahaa astaan u taagan in Soomaaliya laga xorreeyo Khawaarijta, kaalintiisana waxaa buuxin doona geesiyaasha kale ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka tirsan oo diyaar u ah inay naftooda u huraan difaaca waddankooda.”

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale tacsi u dirtay shacabka, ciidanka xoogga dalka, qoyska iyo eheladii uu ka geeriyooday Gaashaanle Xasan Maxamed (Xasan Tuure).

Taliye Xasan Tuure ayaa ku dhintay dagaal qaraxyo ku billowday oo ka dhacay Galcad, halkaasi oo ciidanka xooga dalka ay ku dileen in ka badan 100 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

“In ka badan 100 maleeshiyaad ka tirsan kooxda Khawaarijta ayaa saaka la dilay kadib markii ay weerar ku soo qaadeen saldhig ay leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku yaalla Magaalada Galcad ee Gobalka Galguduud halkaas oo ka mid ah goobihii dhawaan laga xoreeyay Khawaarijta,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Dagaal culus oo halkaas ka dhacay ayaa lagu jabiyay Khawaarijta waxaana meydadkooda ay daadsan yihiin goobta dagaalka uu ka dhacay, iyadoo halkaasi looga gubay gaadiid dagaal oo gaaraya ilaa shan gaari, kuna jiro mid ka mid ah gawaarida gaashaaman oo ay khawaarijtu xilli hore ku qabsatay dagaalo dhacay.”

Weerarka saaka ayaa imanaya xilli ay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay weli kusii siqayaan deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Galgaduud.

DF oo shaacisay tirada Al-Shabaab saaka ‘looga dilay’ weerarkii degmada Galcad

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed kasoo saartay weerarkii ku billowday qaraxyada ee Al-Shabaab ku qaaday degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.

Qoraalka wasaaradda warfaafinta ayaa lagu sheegay in weerarkii saaka lagu jebiyey kooxda, islamarkaana uu gaaray khasaare dhimasho oo aad u xoog badan.

“In ka badan 100 maleeshiyaad ka tirsan kooxda Khawaarijta ayaa saaka la dilay kadib markii ay weerar ku soo qaadeen saldhig ay leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku yaalla Magaalada Galcad ee Gobalka Galguduud halkaas oo ka mid ah goobihii dhawaan laga xoreeyay Khawaarijta,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Dagaal culus oo halkaas ka dhacay ayaa lagu jabiyay Khawaarijta waxaana meydadkooda ay daadsan yihiin goobta dagaalka uu ka dhacay, iyadoo halkaasi looga gubay gaadiid dagaal oo gaaraya ilaa shan gaari, kuna jiro mid ka mid ah gawaarida gaashaaman oo ay khawaarijtu xilli hore ku qabsatay dagaalo dhacay.

Dhinaca kale, dowladda ayaa qirtay in weerarka ay ku dhinteen 7 askari, oo uu ku jiro sarkaal lagu magacaabo Taliye Xasan Maxamed Cismaan (Xasan Tuure).

Sidoo kale waxa lagu sheegay qoraalka dowladda in xaaladda magaalada ay hadda degan tahay, islamarkaana ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka.

“Waxaa jira khasaaro badan oo la gaarsiiyay kooxda Khawaarijta ee weerarka soo qaaday,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda warfaafinta.

Degmada Galcad oo dhawaan laga qabsaday kooxda Al-Shabaab ayaa waxay waaberigii hore ee saaka weerar qaraxyo ku billowday ku qaaday saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee ku sugan degmadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in illaa laba gaari oo laga soo buuxiyay waxlaha qarxa lagu weeraray saldhigyada ciidamada ee degmada Galcad, sida ay sheegayaan goobjoogayaal.

Jugta qaraxa oo si weyn looga maqlay degmada iyo nawaaxigeeda ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo dhinac ah iyo dagaal-yahaanada Al-Shabaab.

Weerarka saaka ayaa imanaya xilli ay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay weli kusii siqayaan deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Galgaduud.

 

Taliye Xasan Tuure iyo askar kale oo ku dhintay dagaalkii saaka ee GALCAD

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar qaraxyo ku billowday oo waaberigii hore ee saaka ay Al-Shabaab ku qaaday saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee ku sugan degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.

Weerarka ayaa la sheegay in uu ku billowday illaa laba gaari oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kadibna uu xigay dagaal toos ah oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo dhinac ah iyo dagaal-yahaanada Al-Shabaab

Dagaalkan ayaa waxaa ka dhashay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed. Khasaaraha ayaa soo kala gaaray labada dhinac ee kala ah ciidamada dowladda, dadka deegaanka oo dhinac ah iyo Shabaabkii weerarka soo qaaday.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalka ku dhintay Taliye ku-xigeenka ciidanka gaarka u tababaran ee DANAB Xasan Maxamed Cismaan oo ku magac-dheera (Xasan Tuure).

Sidoo kale dadka ku dhintay dagaalkan ayaa waxaa kamid ah askar, kuwaasi oo sida la xaqiijiyay ahaa Ilaaladii taliye Xasan Tuure, inkasta oo aan faah-faahin rasmi ah laga bixin in uu ku dhintay qaraxyada iyo in uu ku naf waayay dagaalka tooska ah ee xigay.

Taliye Xasan Maxamed Cismaan (Xasan Tuure) ayaa waxa uu kamid ahaa saraakiisha hogaamineysay howl-galka lagu qabtay degmada Galcad iyo deegaano kale, oo laga saaray kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa dagaal xoogan kala hortagay dagaalamayaasha Al-Shabaab ee weerarka ku qaaday mid kamid ah saldhigyada ay ka sameysteen degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.

Dowladda federaalka ayaa goor sii horeysay sheegtay in weerarkii saaka lagu jebiyay kooxda Al-Shabaab, kaasi oo ay ku tilmaamtay inuu ahaa weerar “naf la-caari ah”.

Sidoo kale waxa lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay dowladda in xaaladda magaalada ay hadda degan tahay, islamarkaana ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka.

Al-Shabab launches surprise attack on Somali military base

Galad (Caasimada Online) – Islamist extremist group al-Shabab launched a surprise attack on Friday on a Somali military base in the Galad town of Galgadud region, recently captured by government forces. 

The group claimed responsibility for the dawn attack and reported that they killed 159 soldiers. However, the death toll has not been independently verified.

The government announced in a statement that the military successfully repelled an attack and did not report any casualties. 

“The Kharijites were dealt a decisive blow in an unexpected raid on the metropolis of Galad situated in the Galgadud region today. The city is now stable and firmly under the command of the national armed forces and the local militia. The Kharijites group that orchestrated the assault sustained substantial losses,” the statement read.

Sources have told Caasimada Online that several soldiers were killed in the attack. Initial reports indicate that the Danab deputy commander, Hassan Tuure, was among them. The exact number of fatalities has yet to be confirmed.

This assault came just a day after the government declared a “historic victory” over al-Shabab with the capture of three strategic coastal towns, including Harardhere, which had previously been a major operating port for pirate hijacking of ships for ransom. 

The group, affiliated with al-Qaeda, has been designated a terrorist organization by several countries, including the United States.

Al-Shabab has a history of attacking government and military targets in Somalia and carrying out bombings and kidnappings in the region. The group has been a constant threat to the country’s stability and its citizens’ security.

This attack comes on the heels of a series of successful military operations against al-Shabab by government forces and allied clan militias. 

On Thursday, Somali military officials announced that 69 al-Shabab militants had been killed in two separate operations in the south and central Somalia. 

In one operation in the Middle Shabelle region, 49 militants were killed in a joint operation by the Somali National forces, allied clan militia, and international partners. In another operation, at least 20 al-Shabab militants were killed when government soldiers attacked a militant base in Goof-Gadud village.

An uprising against Al-Shabab has erupted in the region in recent months, as local citizens have grown tired of the constant fear and violence inflicted upon them by the organization. A coalition of community leaders and the Somali National Army is leading the rebellion.

Aadan Madoobe oo hal arrin ku qancinaya mucaaradka madaxweyne Lafta-gareen

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa xalay kulan muhiim ah la qaatay qaar ka mid ah Midowga Musharraxiinta iyo Madasha Samata-bixinta Koonfur Galbeed.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa midowga siyaasiyiinta mucaaridka kala hadlay arrimaha shirka dib-u-heshiisiinta oo maalmihii dambe ka socda magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa diirada lagu saaray sidii loogu guuleysan lahaa gogosha taala magalada Baydhabo ee looga arrinsanaayo dib-u-heshiisiinta deegaannada Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe oo Baydhabo ugu sugan shirka dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed ayaa waxa uu dadaal badan ku bixinaya sidii uguuleysan lahaa shirkan, oo dan u ah maamulka Koonfur Galbeed oo dhulkeeda inta badan gacanta ugu jira Al-Shabaab.

“Arrinta dib-u-heshiisiinta laab la-kac ma ahan, ujeedo kalena lagama laha ee waa helista Koonfur Galbeed oo mid ah,” ayuu Aadan Madoobe ka sheegay furitaankii shirka dib-u-heshiisiinta ee ka furmay magaalada Baydhabo.

Guddoomiye Aadan Madoobe oo shalay la kulmay odayaasha dhaqanka, ayaa wuxuu u xil-saaray in ay xaliyaan khilaafaadka iyo wixii mad-madow ah ee ka dhex jira bulshada reer Koonfur Galbeed, si wajiga koowaad ee dib-u-heshiisiinta u noqdo mira-dhal.

Shirka dib-u-heshiisiinta ayaa waxaa lagu wadaa in heshiis looga gaaro xiisadda siyaasadeed ee muddooyinkii dambe ka dhex aloosneyd madaxweyne Lafta-gareen iyo siyaasiyiinta mucaaradka Koonfur Galbeed, waxayna u badan tahay in Lafta-gareen hal-kiisa sano loo dhaafi doono.

Al-Shabaab oo weerar ku billowday qaraxyo saaka ku qaaday degmada GALCAD

0

Galcad (Caasimada Online) – Dagaal-yahaano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa waaberigii hore ee saaka weerar qaraxyo ku billowday ku qaaday saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee ku sugan degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.

Wararka ayaa sheegaya in illaa laba gaari oo laga soo buuxiyay waxlaha qarxa lagu weeraray saldhigyada ciidamada ee degmada Galcad, sida ay sheegayaan goobjoogayaal.

Jugta qaraxa oo si weyn looga maqlay degmada iyo nawaaxigeeda ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo dhinac ah iyo dagaal-yahaanada Al-Shabaab.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in dagaalkan ku billowday weerarka qaraxyada uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana aad u adag in la ogaado tirada rasmiga ah sababo la xiriira isgaarsiinta oo aad u xun.

Waxaa lasoo sheegaya in illaa hadda weli meelo kamid ah Galcad laga maqlayo rasaasta ay isku ridayaan labada dhinac.

Majiro wax war ah oo kasoo baxay taliska ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed iyo maamulka Galmudug oo la xiriira weerarkan.

Weerarka saaka ayaa imanaya xilli ay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay weli kusii siqayaan deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Galgaduud.

Maamulka G/Banaadir oo shaaciyay in dib loo bilaabayo canshuur hore loo joojiyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa shaaciyay inay dib u bilaabayaan qaadista canshuurta guryaha iyo daaraha ka dhisan magaalada Muqdisho, taasi oo horay loo joojiyay sanadkii dhamaaday ee 2022-ka.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Saalax Dheere oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in markii hore canshuurtan loo joojiyay arrimo la xiriira xalinta Maaliyadda.

“Laga bilaabo maanta maamulka gobolka iyo dowladda hoose ee Xamar waxay dib u bilaabayaan qaadista Canshuurta guryaha iyo daaraha ku yaala Muqdisho oo horay loo hakiyay bishii Oktoobar ee sanadkii dhamaaday 2022, sababo la xariira xalinta Maaliyadda,” ayuu yiri Afhayeen Saalax Dheere.

Sidoo kale waxa uu sheegay in maamulka gobolka uu ka codsanayo Milkiilayaasha guryaha inay si dhaw ula shaqeeyaan laamaha qaabilsan qaadista canshuurta.

Maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda Hoose ee Xamar ayaa waxa kale oo ay ugu baaqeen Milkiilayaasha iska leh guryaha burbursan ee ku yaala meelaha faras magaalaha inay dib u dhisaan.

Afhayeenka ayaa sheegay in baaqan dambe uga dan leeyihiin “si bilicda magaalada caasimadda ah dib loogu soo celiyo oo ay ula tartanto caasimadaha kale ee caalamka.”

Maamulka cusub ee dowladda hoose ee Xamar, oo uu Hormuud u yahay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Madaale ayaa wada dadaalo lagu dardar-gelinayo howsha ay u hayaan bulshada iyo bilicda caasimadda.

Waxaa dhawaana lasoo gaba-gabeeyay shirka banbaxa maamulka gobolka, kaasi oo diiradda lagu saarayay howlaha hortabinta u leh maamulka sanadka 2023-ka.

Wax badan ka ogow arrinta soo dadajisay jabka Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – In aad maqasho Al-Shabaab ayaa duqeyn lagu laayay, magaalo laga qabsaday ama deegaan ay haysteen iskaga cararay hadda waxay kula noqotay wax caadi ah, laakiin toddoba billood ka hor taasi aad ayay kula adkeyd, xitaa naftaada waxaa laga yaaba inay ka diidi jirtay in aad si adag u naqdiso Al-Shabaab.

Laakiin maanta cid walba ayaa u bareeri karta kooxda gacan iyo af miday noqotaba. Si fudud taasi kuma imaan, geesiyaal badan ayaa godka ugu jira, umad walba oo maanta sharaf ku nool kuwa ayaa u dhintay neecawd ay haystaan.

Waxa laga yaaba in aad isweydiinayso maxay sidan deg-degta ah ugu jabtay Al-Shabaab.

Marka laga tago dhiiga ay hurayaan ciidanka qalabka sida ee dowladda Soomaaliya oo kooxda la dagaalamayay waqti dheer, haddana waxa jira dhowr arrimood oo qeyb muhiim ah ka qaatay waxyaabaha soo dadajiyay jabka kooxda Al-Shabaab.

Maanta waxa aynu soo qaadaneyna dagaalka dhaqaalaha iyo sida u saameeyay kooxda.

Al-Shabaab waxay bil walba heli jireen malaayiin dollar, lacagta ugu badan waxay ka qaadi jireen ganacsatada magaalada Muqdisho, lacagtaas waxay bil walba ku dili jireen dad shacab ah oo ganacsi iyo cibaado ku jira.

Hadda 70% dhaqaale ahaan waa loo wiiqay kooxda Al-Shabaab, markii hore si caadi ah ayaa lacag ahaan loola macaamili jiray kooxda, laakiin hadda waxa xabsiyada hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugida ku jira ku dhawaad 30 qof oo lacago kula macaamilay Al-Shabaab.

Hadda xoog iyo xeeladba xoola siinta Al-Shabaab waa xaaraan, kuma fududa maanta in aad baad siiso Al-Shabaab xitaa haddii cabsi darteed u bixin laheyd.

Akoonadii kooxda Al-Shabaab lacagaha loogu shubi jiray waa la xiray, telefoonadii dadka soo wici jiray ee baada weydiin jiray hawada ayaa laga saaray, goobihii ay dadka ugu yeeri jireen waa la burburiyay, cadadka lacagaha jeebka lagu qaato xiliga duulimaadyada gudaha dalka waa la xadiday.

Dadkii amarka dowladda kadib lacagaha la wadaagay Al-Shabaab, badankood waa xiran yihiin xataa dilaalintii dhulalka lacag uma gudbiyaan Al-Shabaab oo taasi waa xabsi dooro.

Dad aan badneyn oo laga yaabo inay weli dhuumasho lacag ku siiyaan Al-Shabaab ayaa sidoo kale hay’addaha amniga ku daba-jiraan sida aan xogta ku helnay.

Arrimahan oo la isku geeyay ayaa wiiqay dhaqaalihii kooxda, taasina waxay wiiqday tabartii kooxda oo aan hadda hub dibada kasoo iibsan karin, ciidan cusub qoran karin, mushaarna u haynin kuwii hore ula jooga, sidoo kale daawo uma hayaan dhaawacyadooda sida ay xogaha sheegayaan.

Maalintii go’aanka laga soo saaray lacagaha la siiyo Al-Shabaab wixii ka dambeeyay qofkii lacag siiyay waxaa loo nisbeyn karaa inuu kooxda ku fikir yahay ayay leeyihiin kooxaha amniga ah ee dowladda federaalka.

In jiritaanka kooxda Al-Shabaab uu soo gaaray dhowr iyo toban sano waxaa loo sababeeya dhaqaalaha ay bixinayeen dadka degan gobolada Koonfureed ee Soomaaliya, gaar ahaan magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Dagaalka dhaqaalaha waxaa loo arka mid kamid ah waxyaabaha soo dadajiyay jabka Al-Shabaab.

In dagaalka dhaqaalaha lasii wado, dadka weli dhuumashada lacagaha ku bixinayana gacanta lagu soo dhigo, oo shacabka Soomaaliyeed si weyn ugu midoobaan mowduucan wuxuu soo dadajin doona soo afjarida kooxda.

Al-Shabaab dood la’aan waa dhibaatada ugu weyn ee Soomaaliya taalla maanta, laakiin sanado badan kadib waxaa muuqata fursadii lagu soo afjari lahaa dhibaatadaas.

Howl-gallada Muqdisho iyo ballan-qaad cusub oo ay dowladda u sameysay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru-dowlaha Amniga Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa, oo warbaahinta la hadlay, ayaa faah-faahin ka bixiyay howl-gal amni oo si hordhac ah uga billowday magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Wasiiru-dowlaha ayaa sheegay in Shabaab uu waqtigoodii dhamaaday, ayna Muqdisho ka bilaabanayaan qorshe xoogan oo amniga lagu sugayo, ayna ka qeyb qaadanayaan hay’addaha amniga, kaasi oo lagu xaqiijinayo xasiloonida caasimadda.

“Waxa shacabka Soomaaliyeed ka codsanaya magaalada Muqdisho oo ah magaalo madaxdii dalka, waxaa dhawaan ka bilaaban doona qorshe lagu sugayo amniga. Waxa ka codsaneyna in barnaamijkaas nagala shaqeeyaan si hagar la’aan ah. Shacabka Soomaaliyeed iyaga la’aantooda midnimo iyo nabad-gelyo ma gaari karno nala shaqeeya,” ayuu yiri Xagaa.

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Soddan sanno iyo ka badan ayaa waxaad ku jirteen dagaal iyo maalinba waji cusub iyo dhagar cusub, waxa gaadhnay waqtigii aad odhan laheydeen intaas ayaa nagu filan wixii ka dambeeya waxa u baahanahay sida caalamka iyo waddamada deriska u nool yihiin in aan u noolaano.”

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab uu marayo meel wanaagsan, ayna dhiman tahay oo keliya in la dhameystiro oo dalka la isku furo, sida uu sheegay.

Wasiiru-dowlaha ayaa waxa kale oo u ballan-qaaday shacabka laamaha amniga kusoo wargelinaya shirqoolada Al-Shabaab iyo xogaha la xiriira ay u dhowri doonaan xogtooda shaqsiyeed, oo aysan jiho saddexaad u gacan galin doonin.

“Waxa ka mahad-celinayna shacabka xogta marwalba nala soo wadaaga, waxaa u ballan-qaadeyna in aan u xafideyno xogtooda. Farsamooyin badan oo casri ahna aan la wadaagi doono shacabka Soomaaliyeed oo qofka xogta uu gudbin karo, naftiisana ay ku badbaadeyso.”

Shacabka magaalada Muqdisho ay dhawaan si wada-jir ah ugu istaagay kacdoonka dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana dhawaan magaalada ka bilaaban doona howl-galo culus oo lagu xaqiijinayo amniga, islamarkaana looga sifeynayo caasimadda Shabaabka ku dhuumanaya.

Maamulka HirShabelle oo digniin adag kasoo saaray la-macaamilka Al-Shabaab

0

Jowhar (Caasimada Online) – Wasaaradda amniga maamulka HirShabelle ayaa digniin culus kasoo saartay u hogaansanaanta awaamiirta Al-Shabaab, ayada oo sheegtay in cidkasta oo u hogaansanta in ay ku xukun yihiin Shabaab, xilli uu dalka ka socdo dagaal ka dhan ah kooxda.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda amniga ayaa lagu sheegay in go’aankan uu qeyb ka yahay awaamiir dowladda Soomaaliya ay soo saartay, kuwaas oo lagula dagaalamayo kooxda Al-Shabaab iyo cid kasta oo gacan saar la’leh.

“Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda HirShabelle oo ka duuleysa go’aamadii laga gaaray la-dagaalanka kooxda Khawaarijta argagixisada ah ee Al-Shabaab waxa ay cadeyneysaa in cidkasta oo la shaqeysa, utagta ama u hogaansanta awaamiirta Khawaarijta ay ku xukun yihiin kooxda argagixisada ah ee had iyo goor dhibaateynaya shacabka Soomaaliyeed.”

Waxa kale oo lagu yiri qoraalka “Wasaaraddu waxay bulshada ku dhaqan degmooyinka iyo deegaanada dowladda HirShabelle uga digeysaa la-macaamilka iyo u hogaansanka amarka kooxaha khawaarijta ah ee gabalkoodu dhacay.”

Wasaaradda ayaa fartay dhamaan laamaha amniga qeybahooda kala duwan iyo ciidamada dib u xoreynta deegaanka inay gacanta ku dhigaan cid kasta oo kooxda macaamil la-sameeysa meelkasta oo ay joogaan si sharciga loo horkeeno.

“Dowladda HirShabelle iyo shacabkeeda oo kaashanaya dowladda federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in ay dhulkooda ka cirib-tiraan kooxaha Khawaarijta ah ee baneystay dhiiga shacabka Soomaaliyeed.”

Go’aanka kasoo baxay maamulka HirShabelle ayaa kusoo aadaya kadib markii ay odayaal kasoo jeeda gobolka Hiiraan sheegeen inay heshiis la qaateen kooxda Al-Shabaab, oo xilligaan uu dagaal culus kaga socdo qeybo badan oo dalka.

‘Dhaqtarkii’ la shaqeynayey AL-SHABAAB oo dil toogasho lagu xukumay (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa dil toogasho ah ku xukuntay nin ku shaqeysan jiray dhqatartnimo iyo sarkaal sare oo ciidan oo lagu helay inuu Alshabaab ka mid ahaa, kana shaqeeyay qaraxyo ka dhacay Muqdisho.

Maxamed Cabdinuur Jiirow (Dr. Fanax) ayaa lagu soo eedeeyay inuu ka tirsanaa Alshabaab, isla markaana wuxuu magaalada Muqdisho uga soo shaqeeyay inuu yahay dhaqtar neerfaha ah, islamarkaana wuxuu mararka qaar xiran jiray darajada sarkaal oo ah gaashaanle, isagoo sidoo kalena heystay aqoonsiga wasaaradda caafimaadka dowladda federaalka.

Ninkan ayaa lagu soo eedeeyay inuu Al-Shabaab ka tirsanaa illaa sanadkii 2009, isagoo fuliyey kana qeyb qaatay qaraxyo ka dhacay magaalada Muqdisho, sida qarixii Isgoyska Jubba 2019, 2021, weerar ka dhacay Garasbaalley, Qarixii ergadii Doorashada Gobollada Waqooyi iyo qaraxyo kale.

Maxkamadda ayaa lagu soo bandhigay shaqooyinka Maxamed Cabdinuur Jiirow ayaa muuqaal ay baahisay Maxkamadda ciidamada ku qirtay inuu Alshabaab ka mid ahaa, isagoo lagu xukumay dil toogasho ah.

Muuqaal laga duubay ayuu ku sheegayaa inuu wajiyadaas kala duwan u isticmaali jiray inuu ku qariyo kamid ahaanshihiisa Al-Shabaab iyo falalka uu geysto.

Maxkamadda ayuu ka qirtay inuu ku lug lahaa weeraro ay dad badani ku dhinteen.

Dr. Fanax ayaa Waxaa lagasoo qabtay magaalada Baladweyne sanadkii hore kadib doorashadii madaxweynaha, ka gadaal markii uu iska dhigay gaashaanle Militari ah.

 

Xog: Kun ka mid ah askarta lagu soo tababaray dalka ERITREA oo la geynayo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah ciidamada lagu soo tababaray ee Eritrea ee haatan ku jira xerada General Gordan ee magaalada Muqdisho ayaa qorshuhu yahay in laga bixiyo xeradaas, si loo howlgeliyo, uguna biiraan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Sida aan xogta ku helnay illaa kun askari oo kamid ah ciidamadan ayaa la geyn doonaa deegaanada Jubbaland, si ay kaalin uga qaataan howlgalka ka dhanka ah AlShabaab.

Ciidamadan ayaa si gaar ah weeraro ugu qaadi doono degmooyinka Jilib iyo Afmadow, ayaga oo ka barbar dagaalami doono ciidamo ay Jubbaland ku diyaarisay Kismaayo.

Sida ay ogaatay Caasimada Online waxaa go’aankan si wadajir ah u qaatay madaxweynaha dowladda federaalka, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ra’iisul wasaaraha dalka, Xamza Cabdi Barre iyo madaxwyanaha Jubbaland, Axmed Madoobe oo ku heshiiyay in qaar kamid ah ciidamada milatariga ee laga keenay waddanka Eritrea la geeyo gobollada Jubbooyinka.

Qorshahan ayaa toos u bilaabanayo marka lasoo wada celiyo askarta weli ku maqan Eritrea, kuwaas oo la filayo in la keenyo dhammaadka beshan aynu ku jirno ee January, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo amni oo aad loogu kalsoon yahay.

Ujeedka ugu weyn ee ciidamada loo geynayo Jubbaland ayaa ah inay xoreeyaan gobollada maamulkaas oo ay saldhigyo waa weyn ay ku leedahay kooxda Al-Shabaab, maadaama gobolka Jubbada Dhexe oo dhan iyo degmooyin ka tirsan Jubbada Hoose ay maamulaan.

Sidoo kale arrintan ayaa qayb ka ah dagaalka dowladda ee ku aadan soo afjarida Al-Shabaab oo haatan laga wada saaray inta badan HirShabelle iyo Galmudug.

Gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab wuxuu sidoo kale gaaray gobollo horleh ayada oo la filayo in wejiga labaad ee ka billowdo Koonfur Galbeed, sida uu shaaciyay madaxweynaha.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad dagaal, waxaana ka qayb-qaadanaya shacabka maadaama ay kacdoonka socda ay safka hore uga jiraan ciidanka deegaanka.

Al-Shabaab oo lagu jebiyay WEERAR ay ku qaadeen saldhigga ciidamda DF ee…

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar culus oo ay maanta xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaallo deegaanka Goofgaduud oo ka tirsan gobolka Baay.

Weerarka ayaa waxaa xigay dagaal foolka fool ah oo dhex-maray ciidamada dowladda iyo Al-Shabaabkii weerarka qaaday, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Wasiirka Cadaaladda Koonfur Galbeed, Xasan Cabduqaadir Maxamed oo xilliga la weerarayay ku sugnaa deegaanka ayaa sheegay in jab xoogan la gaarsiiyay Shabaab.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ku daray in ciidamada dowladda ay iska difaaceen weerarka, isla-markaana ay sameeyeen ka hortag ka dhan xubnaha soo weeraray.

“Runti geesiyaasha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed waxay sameeyeen arrin aad noo dhiira-gelisay Khawaarijtii soo weerartayna waa iska difaaceen meydadkoodi iyo dhaawacyadoodana waa ka carareen” ayuu yiri Wasiir Xasan Cabduqaadir.

Wasiirka oo sii hadlaya ayaa shaaca ka qaaday in illaa 20 xubnood oo ay ku jiraan horjoogayaalk laga dilay kooxda, isla-markaana laga gubay gaadiid dagaal.

“Horjoogayaal ayaa ku jiray runtii dadka halkaa soo weeraray oo ku naf waayey, waana sida ay u bilaabatay oo howlgalka waa sii soconaa,” ayuu markale yiri Wasiirku.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray in dhanka ciidamada dowladda ay ka dhinteen illaa 5 askari oo kamid ah xoogga dalka, kuwaas oo ku sugnaa saldhigga la weeraray.

Goofgaduud oo qiyaastii 30 KM u jira Baydhabo ayaa dhowr jeer oo hore weerarayAl-Shabaab, ayada oo marar badana gacan ku heynteeda ay isku beddaleen labada dhinac.

Maxaa lagu ansixiyey shirkii golaha wasiirada? + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maamnta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay gudaha magaalada Muqdisho ayaa meel-mariyay heshiis cusub oo ay gashay Soomaaliya iyo Hindise Sharciyeed kale oo muhiim ah.

Shirkan oo ay intooda badan goobjoog ahaayeen xubnaha Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa guddoomiyey ku simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac.

Ugu horreyn Golaha Wasiirada ayaa shirkooda ku ansixiyay Hindise Sharciyeedka dhowrista maal-gashatada iyo maal-gashiga, kaas oo ah mid muhiim ah.

Sidoo kale kale Golaha ayaa maanta meel mariyey heshiis gaar ah oo u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Masar, kaas oo is af-garad ku aadan iskaashiga Tiknoolajiyada iyo Boostada ee ay dhawaan wada gaareen labada dal.

Heshiiskan ayaa qayb wayn ka qaadan doono dib u dhiska hay’adaha iyo kaabayaasha dhaqaalaha, siday ay shaacisay Xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Inta uu shirka socday waxaa sidoo kale warbixin guud looga dhageystay Wasaaradaha Amniga iyo Gaashaandhigga oo golaha la wadaagay howlgalladii u dambeeyay ee dhacay.

Labada wasaaradood ayaa Golaha ka sheegay in howlgalladii ugu dambeeyay ee xoreynta laga gaaray guullo waa weyn, isla-markaana la qabtay magaalooyin horleh.

Xubnaha Golaha Wasiirada ayaa dhankooda boggaadiyey guulaha isdaba joogaa ee laga gaaray howlgallada xoreynta ee ka socda qaar kamid ah gobollada dalka.

Ugu dambeyn Wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Deegaanka iyo Isbeddalka Cimilada ayaa golaha u qaybiyey siyaasadda qaran ee maaraynta deegaanka, hindise sharciyeedka maaraynta deegaanka iyo heshiiska aasaasidda ciidamada heeganka ee Bariga Afrika.

Erdogan oo shaaciyey xilliga la qabanayo doorashada madaxweyne ee Turkey

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa shaaca ka qaaday inuu damacsan yahay inuu ku dhowaaqo in doorashada guud ee dalkaas la qabto May 14.

Doorashada Turkey ayaa rasmi ahaan la qorsheeyey inay dhacdo 18-ka June.

Hase yeeshee, saraakiisha ayaa muddo toddobaadyo ah tusmeynayey in laga yaabo inay codbixinta soo hormariyaan sababo la xiriiro munaasabado diimeed iyo imtixaanaadka iskuullada.

Erdogan ayaa khudbad u jeediyey xisbigiisa tallada haya, wuxuuna dib u xusuustay markii Turkey ay qabatay doorashadii ugu horreysay oo xor ah 1950-kii.

Doorashadaas oo dhacday May 14 ayaa waxaa ku guuleystay Adnan Menderes — ra’iisul wasaare ay xukunka ka tureen militariga 1960-kii kadibna ay dileen sanad kadib.

Erdogan inta badan isla meel dhigayey Menderes intii uu xukunka hayey in ka badan 20 sano oo uu ahaa ra’iisul wasaare iyo madaxweyne.

“Marxuum Menderes wuxuu yiri 14-kii May, 1950 ‘bis, dadku waxay dhiiban doonaan codkooda’, wuxuuna ku guuleystay sanduuqa codbixinta,” ayuu yiri Erdogan oo khudbaddiisa laga sii daayey taleefishinka.

“Dadkeenna waxay jawaabtooda siin doonaan mucaaradka isla maalintaas 73 sano kadib.”

Erdogan ayaa doorashada geli doona ayadoo aragtida ay ka haystaan shacabka ay hoos u dhacday sababo la xiriira qalalaasaha dhaqaale ee socday muddo sannad ah, oo sicir-bararka uu gaaray boqolkiiba 85.

Balse mucaaradka ayaan wali ku midoobin hal musharax oo wajaha Erdogan.

Codbixintan ayaa sidoo kale caqabad ku noqon doonta awoodda Erdogan ee baarlamaanka.

Xisbigiisa talada haya ayaa hadda isbahaysi la leh xisbi midigta-fog ah oo taageeradiisu hoos u dhacday dhowrkii sano ee la soo dhaafay.

AFP, VOA

Aqriso: SHARCIGA doodda badan dhaliyay ee BF uu ‘hab sharci darro ah’ ku ansixiyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoonka Golaha Shacabka ayaa dhawaan lagu eedeeyay in uu hab sharci darro ah u ansixiyay hindise-sharciyeedka Cunaqabateynta Maaliyadeed ee Cayiman, ayada oo xildhibaanada qaarkood ay si adag uga horyimaadeen meel-marinta sharcigaan.

Ansixinta hindise-sharciyeedkan ayaa timid kadib markii guddoomiyaha guddiga Maaliyada & Miisaaniyada iyo wasiirka wasaarada Maaliyada ay xildhibaanada ka codsadeen in ay anisxiyaaan, sida uu guddoonka Golaha Shacabka ku sheegay qoraal kasoo baxay 14-kii bishaan.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS ayaa cod galiyay sharcigaaan, waxaana u codeeyay 140 xildhibaan, halka ay diideen 3 xildhibaan wax ka aamusayna majirin, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay guddoonka Golaha.

“Haddaba iyada oo aheyd aqrintii labaad oo lixdameeyo Xildhibaan ay Golaha ku hareen, kooram sharci ansixin karaa aanu fadhiyin waxa uu guddoonkii shirka ku dhawaaqay in sharcigii Cunaqabateynta Maaliyadda ee Cayiman la ansixiyay, aqrin sadaxaad iyo kooram ku filan midna aan loo baahneyn,” ayuu yiri Xildhibaan Macallimuu oo kamid ah xildhibaanada sida weyn uga horyimid sharcigan.

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Waxaa muuqata sharciyo kale oo badan oo hadda Golaha horyaalla oo liddi ku ah Dastuurka, Diinta iyo Qawaaniinta kale ee dalku leeyahay in waddadan ay mari doonaan.”

Haddaba, maxay tahay dooda ka taagan sharcigan ee keentay in xildhibaanada qaarkood si adag uga horyimaadan?

Hindise-sharciyeedka Cunaqabateynta Maaliyadeed ee Cayiman oo asagu ah mid lagu xakameynayo dhaqaalaha la-siiyo argagixisada, sida ay qabto wasaaradda soo gudbisay, ayaa waxa walaac laga muujiyay in loo adeegsado shaqsiyaad ama shirkado markaas dano gaar ah laga leeyahay.

“Marka qof ama hay’ad ay asteeyso wasaaradda Maaliyada ama Golaha Ammaanka ee QM, waa in islamarkiiba la xayiraa lacagta ama hantida shaqsiga la asteeyay,” ayuu dhigaya sharcigan cutubkiisa saddexaad, qoddobkiisa 4-aad.

Sidoo kale waxa uu sharcigan awood u siinaya wasaaradda Maaliyada iyo hay’addaha daba-galka iyo kormeerka inay geli karaan dhismo iyo meelkasta si ay u baaran, ula wareegaan ama nuqullo ugu sameeystaan dukumtiyo ama warbixino lagama maarmaan u ah ujeedooyinka asteeynta shaqsiyaadka, ayada oo markaas aan fasax haysan ama ogeysiin cid kale.

“Wasiirku waa inuu soo saara xeer-nidaamiye jideeynaya habraaca xayiraada hantida iyo lacagaha shaqsiyaadka iyo hay’addaha la asteeyay,” ayuu leeyahay sharcigaan cutubkiisa saddexaad, qoddobkiisa 6-aad, faqradiisa 3-aad.

Sharcigan ayaa sidoo kale dhigaya in shaqsiga ‘wada-hadal’ ka gali kara ama dib u eegis ku sameyn kara in xayiraad laga qaado shaqsi ama shirkad uu yahay wasiirka Maaliyada, ayada oo hindise-sharciyeedkan lagu xusay in maxkamadda sare ee dalka ay tahay marjaca go’aamada ka dasha sharcigan.

“Wasiirku waa in uu ogeysiiyaa hay’addaha daba-galka iyo kormeerka, xafiiska xeer ilaalinta guud ee qaranka iyo golaha amaanka, haddii ay wax iska beddelayaan xayiraadda lagu sameeyay lacagta ama hantida shaqsiyaad ama hay’ad horay hantidooda ama lacagtooda loo xayiray.”

Hindise-sharciyeedkan doodda dhaliyay, uuna meel-mariyay Golaha Shacabka ayaa waxay mataano yihiin sharciga ka hortagga lacag dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada ee 2016-kii.

Somalia: 49 Al-Shabab members ‘killed in operation’

Mogadishu (Caasimada Online) – Somali National Army (SNA) forces have killed 49 Al-Shabab terrorists in a planned operation in the village of Dhagahow, 20 kilometers from the Balad district in the Middle Shabelle region, according to the Ministry of Defense’s spokesman.

General Abdullahi Ali Anod said the SNA forces have also recovered weapons from the terrorists during the operation and, unfortunately, lost one of their own. 

“The forces are still pursuing remnants of the Al-Shabab terrorist group,” said the spokesman. 

The operation comes just days after another successful operation by the SNA in the Hawadley area, where they thwarted a raid on an SNA base, killing 21 terrorists and injuring many more. 

On Tuesday, Islamist fighters from Al-Shabab attacked a military base in the village of Hawadley with a suicide car bomb, followed by gunfire, resulting in the death of at least seven soldiers, including the base commander. 

The base, located about 60 km north of the Somalia capital, Mogadishu, was taken back from Al-Shabab control in October of last year by government forces and allied clan militias.

On Wednesday, Somali President Hassan Sheikh Mohamud announced the launch of the second phase of an offensive against the Al-Shabab militant group.

In recent months, government forces, with the aid of local citizens, have made significant gains against the Al-Shabab group, recapturing key towns in the Galmudug region and forcing the militants out of large areas of central Somalia. 

Defence Minister Abdulkadir Mohamed Nur announced Tuesday that joint forces had taken El-Dher, a town under the group’s control for over a decade. 

The town, located 291 kilometers from the capital, Mogadishu, is a historical town bordering Harardhere in the Mudug region and close to the Elbur district.

The President also announced that the first phase of the operation in HirShabelle and Galmudug states is nearing completion and that the government has prepared many troops to liberate Al-Shabab-controlled areas in the country. 

He also announced that the next step in the operation to defeat the Al-Shabab group and free the country would launch in the South West region of Somalia.

Over the past eleven years, substantial resources have been expended to defeat Al-Shabab. Multiple countries, including the United States, have invested significant aid to build a Somali government that is capable of governing its people, investing heavily in the Somali National Army, police, and other parts of the security sector.

In addition to training, advising, and even conducting joint operations, the United States has conducted an air campaign, launching strikes like the one that killed Al-Shabab’s leader in 2014.  

The airstrikes have expanded and accelerated over the past year, striking Al-Shabab’s training facilities, elements of the group involved in attacking the capital, and other targets.

Laftagareen oo waqti aad u gaaban u qabsaday inuu ku saarayo Al-Shabaab + Video

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) oo wareysi siiyay Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ee SNTV ayaa ka hadlay wejiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah kooxda Shabaab ee ka bilaabaya gobollada Shabeelaha Hoose, Baay iyo Bakool.

Lafta-gareen ayaa shaaca ka qaaday in ay diyaar garoobeen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, ayada oo laga duulayo baaqa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Annaga Koonfur Galbeed ahaan mar hore ayaan abaabul galnay markii ugu horreysay ee uu madaxweynaha ku baaqay in Khawaarijta Shabaab meel kasta oo ay joogto dowlad iyo shacab loo istaago in lala dagaalamo,” ayuu wareysigan ku yiri madaxweyne Cabdicasiis.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in istiraatiijiyad dagaal oo sarreysa ay dajiyeen, isla-markaaana gobollada Shabeelaha Hoose, Baay iyo Bakool looga saarayo Al-Shabaab bil gudaheeda, sida uu hadalka u dhigay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

“Bil ayey Koonfur Galbeed kaga dhammaanayaan Khawaarijta, marka la fiiro qaabka aan u diyaar garownay iyo istaraatiijiyadda hadda la suubiyay ee dagaal, sida hal mar uu howlgalka uga bilaabanaayo saddexda gobolba” ayuu yiri madaxweyne Lafta-gareen.

Dhanka kale wuxuu hoosta ka xariiqay in duulaanka cusub ee ka bilaabay Koonfur Galbeed ay ka qayb qaadan doonaan dadka deegaanka, oo uu sheegay in la abaabulay.

“Abaabul badan ayaan sameynay bulshada ayaan ku wacyi-gelinay ciidamo cusub ayaa diyaarinay iyo goobihii ay ku howlgali lahaayeen,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Madaxweynaha oo sii hadlayey ayaa hoosta ka xariiqay in Al-Shabaab ay heystaan ugu yaraan 4 degmo, sidoo kalea ay go’doon dhan kasta ah galiyeen magaalooyinka kale.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo todobaadkan uun madaxweynaha Soomaaliya uu shaaca ka qaaday in wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab uu ka bilaabanayo deegaanada Koonfur Galbeed oo kamida meelaha ay ku xoogan tahay kooxda si looga xoreeyo halkaas.

Ciidamada DF oo dilay 49 xubnood kadibna gaadiid kasoo furtay Al-Shabaab

0

Balcad (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay howlgal qorsheysan ka sameeyeen duleedka degmada Balcad, kaas oo lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab.

Howlgalkan ayaa si gaar ah uga dhacay tuulada Dhagaxow oo hoostagta deegaanka Xawaadlay ee gobalka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa howlgalkan barbar socday duqeyn lala bartilmaameedsaday goob ay isku uruursanayeen xoogaga hubeysan Al-Shabaab oo ku taallo, halka loo yaqaano dhul beereedka Sheekh Qaasim oo la soo wariyay inay isku uruursanayeen Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay howlgalkan ka dhacay agagaarka deegaanka Xawaadley ayaa shaacisay in lagu dilay illaa 50 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Sidoo kale dowladda dhexe ayaa sheegtay in howlgalkan lagu soo furtay gaadiid dagaal oo ay horay u qaateen Al-Shabaab, kuwaas oo uu ku jiro gaari uu saaran yahay qoriga Zuu-ga, waxaana sidoo kale howlgalka lagu burburiyay Gaadiid dagaal iyo saanad ciidan oo ay kooxdu laheyd, sida lagu sheegay war ka soo baxay dowladda federaalka Soomaaliya.

Dhankeeda dowladda waxa ay shaacisay in laga dilay jal askari, sidoo kalena laga dhaawacay saddex kale, sida lagu sheegay qoraalka.

Dhanka ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe ee maamulka HirShabelle.

Maalmo kahor ayey aheyd markii weerar lagu hoobtay oo ismiidaaminku billowday ee ay Al-Shabaab ku qaaday saldhig ciidamada dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo lagu dilay saraakiil ciidan iyo askar fara badan.

Si kastaba, dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa intooda lagu jebiyay dagaalladii ka dhacay HirShabelle, waxaana laga saaray dhul ballaaran oo ku yaallo Hiiraan iyo Sh/ Dhexe.

Jacinda Ardern resigns as New Zealand Prime Minister

Wellington (Caasimada Online) – New Zealand Prime Minister Jacinda Ardern shocked the country on Thursday by announcing her resignation as the leader of the ruling New Zealand Labour Party and her decision not to seek re-election.

The 42 years old Prime Minister said that she had “no more in the tank” to continue leading the country and that she needed to step aside.

Ardern, who has served as the prime minister for five and a half years, made the announcement at a news conference while holding back tears.

“This summer, I had hoped to find a way to prepare for not just another year but another term – because that is what this year requires. I have not been able to do that,” Ardern said.

“I know there will be much discussion in the aftermath of this decision as to what the so-called ‘real’ reason was… The only interesting angle you will find is that after six years of some big challenges, I am human,” she continued.

“Politicians are human. We give all we can for as long as possible, and then it’s time. And for me, it’s time.”

Ardern’s resignation will take effect by February 7th, and a general election has been scheduled for October 14th.

A vote for a new leader of the Labour Party will take place on Sunday, and the new leader will serve as prime minister until the next general election.

Grant Robertson, the current Deputy Prime Minister and finance minister of New Zealand, announced that he would not be putting his name forward as a candidate for the next leader of the Labour Party.

The announcement of Prime Minister Ardern’s resignation came as a shock, as recent polls showed her as the preferred leader among the country’s citizens, despite declining support for her party from the level it reached during the 2020 election.

Ardern has gained widespread popularity and recognition as a leader in New Zealand since taking office in 2017. She made history as the world’s youngest female head of government at age 37.

Her strong advocacy marked Ardern’s political campaign for women’s rights and efforts to combat child poverty and economic inequality in New Zealand.

She made history by becoming the second elected leader to give birth while in office, following Pakistan’s Benazir Bhutto. She is part of a new generation of progressive female leaders, such as Finland’s Sanna Marin.

Furthermore, her empathetic approach to leadership was evident during her response to the tragic mass shootings at two mosques in Christchurch in 2019, where she offered condolences to the victims’ families and showed strong leadership in the aftermath of the tragedy.

Ardern quickly and decisively labeled the attacks as “terrorism” and demonstrated her solidarity with the Muslim community by wearing a hijab when she met with them the day after the attack.

She emphasized the country’s unity in grief. She promised to take swift action, which she followed through on by delivering significant gun law reform within a month.

Ardern’s response to the COVID-19 pandemic has been widely recognized as successful. New Zealand has implemented some of the most stringent measures globally but also had one of the lowest death tolls from the virus.

Source: Caasimada Online and News Agencies