27.9 C
Mogadishu
Monday, May 11, 2026

DF oo baaritaan ku billowday shaqsiyaad lacagaha ugu shaqeeya madaxda Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa billowday baaris la xiriirta dadka lacagaha ugu shaqeeya madaxda kooxda Al-Shabaab, xili ay muddooyinkii dambe waday dagaal dhaqaale oo ka dhan ah kooxda.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, dowladda federaalka ayaa ku baraarugsan tan iyo markii la xoreeyay degmooyinka ay sanadaha badan haysteen Al-Shabaab in madaxda Shabaab ay lacagaha baada ah ee ka qaadan bulshada u adeegsato maal-gashiyo iyo ganacsiyo gaar ah, kuwaasi oo u fuliyaan shaqsiyaad ku sugan gudaha dalka iyo dibedda.

Kal hore baaris caalami ah ayaa lagu sheegay in lacagaha ay Al-Shabaab sanadkii ka aruursato meelaha ay ka taliso iyo meelaha ay dhuumashada ku joogto inay ka badan tahay canshuurta gudaha kasoo gasha dowladda dhexe.

Lacagahaas laguma celin deegaanadii laga qaaday, waxaana shan iyo toban sanno kadib la dul tagay dhulkii ay Al-Shabaab haysteen oo wax horumar ah lagu siyaadin.

Arrintan ayaa banaanka keentay warkii sheegayay in madaxda Al-Shabaab ay lacagaha u adeegsadaan maal-galino shaqsi ah oo ay jiraan dad lacagaha ugu shaqeeya oo jooga Soomaaliya iyo dalal kale oo kamid ah qaarada Afrika.

Lacagaha ay qaado kooxda qeyb waxaa loo adeegsada dagaalada iyo is-qarxinta, qeybna madaxda Al-Shabaab ayaa maal-gashiyo shaqsi ah u adeegsada iyaga oo isticmaalaya gacan saddexaad oo aan laga shikisaneyn ayey sheegeen warbixinadii hore ee laga qoray Al-Shabaab.

Arrintan ayaa hadda dhabowday markii la dul tagay dhulkii ay shan iyo toban sanno xukumayeen. Qaar madaxda Al-Shabaab kamid ah hadda waa milyaneero.

Dowladda federaalka Soomaaliya oo ka go’an tahay ciribtirka Al-Shabaab ayaa fahamsan in haddii kooxda dhaqaale ahaan loo wiiqo lagu soo afjari karo muddo kooban.

Dowladda oo hore ugu guuleysatay inay si weyn u curyaamisay lacagihii baada ahaa ee kooxda ka heli jirtay gudaha caasimada, ayaa waxaa xiligan adag in ganacsatada si bareer ah ugu dhiiradaan inay lacag siiyaan Al-Shabaab.

Arrintaas oo la rumeysan yahay inay aheyd wajiga koowaad ee dagaalka dhaqaale ee Shabaab ayaa hadda waxaa billowday wajiga labaad ee dagaalkaasi, kaasi oo lagu baarayo shaqsiyaadka lacagaha baada ah ugu shaqeeya Shabaab, kuwaasi oo baariso hore sheegayaan inay ku sugan yihiin caasimada iyo dalalka deriska.

Al-Shabaab oo dhaqaale ahaan loo wiiqo waxay soo dadajinaysa jabkooda iyo ka ciribtirka dhulka Soomaaliyeed ee mudada badan dhiiga ka daadinayeen, waxaana la rumeysan yahay in dagaalka dhaqaale uu yahay midka ugu awooda badan ee kooxda si dhab ah u jabinaya.

Si kastaba, tan iyo markii uu billowday dagaalka noocyada badan leh ee ka dhanka ah Al-Shabaab waxaa jab xoogan lagu gaarsiiyay kooxda, ayada oo laga saaray deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacanta kooxda.

Beesha Caalamka oo WAR kasoo saartay khilaafka DF iyo maamulka PUNTLAND

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Saaxiibada beesha caalamka ee ku sugan Muqdisho ayaa soo saaray war-saxafaadeed ku saabsan nabad-dhisidda iyo dowlad-dhiska Soomaaliya, ayada oo baaq u dirtay madaxda Soomaalida.

War-saxaafadeedka kasoo baxay beesha caalamka ayaa waxa lagu sheegay in geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka, kheyraad wadaaga iyo awood-qeybsiga federaalka iyo dib-u-heshiisiinta ay muhiim u yihiin xaqiijinta xasilloonida muddada fog ee Soomaaliya.

“Saaxiibada Beesha Caalamka: Waxay soo dhoweynayaan dadaallada ay wadaan madaxda Soomaaliya si loo hormariyo arrimaha mudnaanta leh ee ku saabsan nabad-dhisidda iyo dowlad-dhisidda, oo ay ku jiraan shirarka joogtada ah ee Golaha Wadatashiga Qaranka. Waxaan si gaar ah u soo dhoweynaynaa dadaalka soo cusboonaaday ee diiradda lagu saarayo geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka, kheyraad wadaagga iyo awood-qeybsiga federaalka iyo dib-u-heshiisiinta.”

War-saxaafadeedka beesha caalamka oo u muuqda mid si gaar ah farta loogu fiiqayo khilaafka siyaasadeed ee ka dhex aloosan madaxda dowladda federaalka iyo Puntland, oo arrimaha lagu xusay badankooda isku hayaan labada dhinac, ayaa waxaa loogu baaqay in khilaafka lagu xaliyo wada-hadal iyo wada-tashi.

“Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan daneeyeyaasha inay si wax ku ool ah uga qayb qaataan dadaalladan, oo wixii khilaaf ah ee jirana lagu xalliyo wada-hadal iyo wada-tashi,” ayaa lagu yiri qoraalka sida wada-jirka ah usoo saareen saaxiibada beesha caalamka ee ku sugan Muqdisho.

Sidoo kale waxay sheegeen inay ka go’an tahay “in ay Soomaaliya ka taageeraan sidii ay ku gaari lahayd arrimaha hortabinta u leh dowlad-dhisidda, oo aasaas u ah Soomaaliya loo dhan yahay, barwaaqo ah oo nabad ah.”

Dowladda federaalka iyo Puntland oo khilaafkooda soo billowday markii la isku fahmi waayay shirkii u dambeeyay ee Golaha Wada-tashiga Qaran ayaa waxa uu soo ifbaxay kadib markii ay Puntland ku dhawaaqday inay u dhaqmi doonto sidii dowlad madax-banaan oo kale, inta laga dhammaystirayo dastuurka kumeel-gaarka ah ee Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay maamulka Puntland 9-kii bishaan ayaa lagu sheegay in qodobka 142 ee dastuurka federaalka uu waafaqsan yahay qodobka 4-aad ee dastuurka Puntland farqadiisa 3-aad uu Puntland xuquuq u siinayo inay u dhaqanto sidii dawlad madax-bannaan.

War-saxaafadeedka beesha caalamka ayaa waxaa si wada-jir ah usoo saaray: Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Belgium, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Poland, Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Turkiga, Uganda, Jabuuti, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.

Ciidamada DF iyo kuwa Jubbaland oo la wareegay deegaan muhiim ah

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa Xoogga oo kaashanaya ciidamada ammaanka Jubbaland ayaa maanta Al-Shabaab kala wareegay deegaanka Janaay Cabdalle.

Deegaankan ay la wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ayaa wuxuu 60KM dhanka Galbeed kaga beegan yahay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Qoraal kooban oo kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay “in ciidanka dowladda oo ay wehliyaan ciidamada maamulka Jubbaland ay si nabad ah kula wareegeen deegaankaan oo muhiim ah.”

“Baaris ayay ka wadaan ciidamadu xaafadaha magaalada, taliska qeybta 43-aad ee xoogga dalka ayaana xaqiijiyay in Al-Shabaab laga ceyriyay deegaankaas,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda federaalka.

Maamulka Jubbaland ayaa dardar-gelinaya dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo si xowli ah uga socda qeybo kamid ah gobolada dalka, kaasi oo kal hore uu ku dhawaaqay madaxweyne Xasan Sheekh.

Dagaalkan ayaa tan iyo markii uu billowday waxaa kooxda lagu gaarsiiyay jab xoogan, islamarkaana laga qabsaday deegaano horleh oo gacanta kooxda ku jiray sanado badan.

Deegaanada laga xoreeyay Al-Shabaab ee gobolada dalka ayaa waxa dhawaan la geeyay ciidamo Boolis ah oo suga amniga, sida ay sheegtay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Xog: Ciidamada DF oo isaga soo baxay degmada Galcad

0

Galcad (Caasimada Online) – Warar naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay saaka dib uga soo baxeen degmada Galcad oo ay dhowaan kala wareegeen kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada huwanta ayaa lagu soo warramayaa inay soo faarujiyeen fariisimihii ay ku lahaayeen deegaankaas, kadib weerar culus oo ay shalay kala kulmeen Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in haatan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay saldhigyo ka sameysteen duleedka degmadaas iyo sidoo kale degmada Ceeldheer ee Galgalgaduud.

Xaalad kacsanaan ah iyo sidoo kale dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ayaa la soo wariyay in haatan laga dareemayo agagaarka degmada Galcad.

Weerarkii ay Jimicii ay Al-Shabaab ku qaaday magaaladan ayaa ku billowday illaa laba gaari oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kadibna waxaa xigay dagaal toos ah oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo dhinac ah iyo dagaal-yahaanada Al-Shabaab.

Dadka ku dhintay weerarka waxaa kamid ahaa Taliye ku xigeenkii ciidamada Danab ee Mareykanka uu tababaray Gaashaanle Xasan Cismaan Maxamed (Xasan Tuure), waxaana geeridiisa ka tacsiyeeyay madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhnak kale Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in Al-Shabaab laga dilay illaa 100 xubnood, sidoo kalena laga burburiyay illaa 5 gaari oo kuwa dagaalka ah.

Al-Shabaab ayaa iyaduna sheegatay in dagaalka ay ku dileen 159 ka tirsan askarta dowladda, iyadoo sheegashada labada dhinac aan si madax-bannana loo xaqiijin karin.

Si kastaba, gobollada Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socdo guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo lagu qabtay degmooyinka Ceeldheer iyo Xarardheere oo ay muddo fog oo sanado ah ay ka talineysay kooxdu.

Askari ka tirsan ciidanka DF oo dhacdo argagax leh ka gaystay Muqdisho + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa dhacdo argagax leh oo sababtay dil iyo dhaawac oo maanta ka dhacday isgoyska Howlwadaag ee Muqdisho, kadib markii askari ka tirsan ciidanka dowladda uu rasaaseeyay dad shacab ah.

Falkan ayaa waxaa lagu dilay wiil dhalinyaro ah oo waday Mooto, xilli uu marayey agagaarka isgoyska Howlwadaag, waxaana toogtay askar Boolis ah oo ku sugan halkaasi.

Arrinta murugada leha ayaa ah in marxuumka oo lagu magacaabi jiray Maxamed Xeyle uu xilliga la dilayay mootada ku waday hooyadiis iyo walaashiis oo lasoo wariyay inay goobta ku suuxeen, kadib dilka wiilkooda.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dhacdadan ay sababtay dibad-bax ka dhashay dilka marxuumka, waxaana goobta isugu baxay shacab careysan iyo darawallo.

Sidoo kale isu soo baxa ayaa sababay in ciidamada ammaanka ay markale rasaas u adeegsadaan dibad-baxayaasha, waxaana goobta ku dhintay darawal kale oo ka shaqeynayay gaadiidka dadweynaha ee BL-ka iyo qof kale, kadib markii ay haleeshay rasaastu.

Sidoo kale waxaa goobta deg deg ku gaaray saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska, si ay ugu baxaan xaaladda meesha ka taagan.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda oo ku aadan dhacdadaasi xanuunka badan ee maanta ka dhacday magaalada Muqdisho.

Inta badan ciidamada dowladda ayaa dilal ka geysta gudaha caasimada, kuwaas oo aad u kordhay bilihii lasoo dhaafay, taas oo walaac ku abuurtay dadka rayidka ah.

Si kastaba, madaxda sare ee dowlada ayaa marar badan ka digay dilal ay geystaan askarta dowladda, waxaa markii ugu dambeysay go’aan ka soo saaray madaxweyne Xasan Sheekh oo amar culus siiyay Maxkamadda Ciidamada si tallaabo adag looga qaado dambiileyaasha.

NISA oo qaaday tallaabo uga sii dareysa xiisadda GEDO

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in markale ay dib usoo laba kacleysay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan gobolkaasi kadib tallaabo ay qaaday Hay’ada Nabad Sugidda iyo Sirdonka Qaranka (NISA).

Sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay NISA ayaa garoonka Muqdisho ku celisay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Jubbaland, kuwaas oo kusii jeeday Gedo.

Mid kamid ah xildhibaanada garoonka laga soo celiyay oo lagu magacaabo, Maxamed Daa’uud Cumar ayaa la hadlay warbaahinta wuxuuna sheegay in markii labaad loo diiday inay u duulaan gobolka Gedo kadib markii diyaaradaha lagu amray in aysan qaadi karin.

Xildhibaanka ayaa tilmaamay in is hortaagaas uu ku sameeyay taliyahaha NISA ee gobolka Gedo, kaas oo lagu magacabo Jamaal Xasan Tareey, wuxuuna intaasi ku daray inay xiriir la sameeyaan, kana dalbadeen inuu ka qaada xayiraadda, si ay u booqdaan deegaankooda.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in taliye Jamaal uu u sheegay in amarka lagu celiyay xildhibaanada uu ka soo baxay taliska guud ee NISA, gaar ahaan Mahad Maxamed Salaad.

Illaa iyo hadda lama sababta rasmiga ah ee ka dambeysa tallaabada ay qaaday NISA oo uga sii dareyso arrinta Gedo, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay dowlada iyo Jubbaland.

Sidoo kale dhowaan Senator Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo wasiirkii hore ee amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan ayaa todobaadyo kahor iyaguna tegay gobolka Gedo, kadib markii ay kasoo galeen dhanka xadka ee Beledxaawo waxayna halkaas ka bilaabay dhaq-dhaqaaq xoogan, taas oo ay si weyn uga hortimid dowlad goboleedka Jubbaland.

Xiisadda gobolka Gedo ayaa soo jiitameysa kahor doorashooyinkii soo dhammaaday ee dalka iyo kadib-ba, maadaama aan weli xal rasmi ah loo helin arrinta gobolkaasi.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto arrinta gobolka Gedo oo ay weli isku hayaan Jubbaland, dowladda dhexe iyo reer Gedo.

Midowga Yurub oo ‘liis halis ah’ ku daraya ciidanka IRAN

0

Strasbourg (Caasimada Online) – Saraakiisha Midawga Yurub ayaa sheegay inay filayaan in Midawga Yurub uu cuna-qabatayn dheeraad ah ku soo rogo ciidanka ilaalada kacaanka ee dalka Iran.

Baarlamaanka Midawga Yurub ayaa sidoo kale maalin ka hor ku baaqay in ururkaas lagu daro liiska argagixisada, aya oo baarlamaanku si aqlabiyad ah ugu codeeyey in ciidanka ilaalada kacaanka ee Iran lagu daro liiska argagixisada.

Waxay ugu baaqeen guud ahaan Midawga Yurub inay ballaariyaan liiska cuna-qabataynta si ay u saamayso dhammaan shakhsiyaadka iyo hay’adaha iyo xataa qoysaskooda ee u dhashay Iran, kuwaasi oo ka masuula xadgudubyada xuquuqda aadanaha.

Talaabadan ayaa la qaaday iyada oo looga jawaabayo gacanta adag ee laamaha ammaanka ee Iran ay kula dhaqmeen mudaaharaadyada dawladda ka soo horjeeda iyo xukunno dil ah oo xigay iyo weliba dilka dibad baxayaasha loo geystay.

Afhayeenka xafiiska arrimaha debedda ee Jarmalka ayaa u sheegay saxafiyiinta in Wasiirada arrimaha debedda ee Midawga Yurub oo ku shiraya Brussels in la filayo inay ansixiyaan cunaqabatayno dheeri ah oo lagu beegsanayo xubnaha ciidanka ilaalada kacaanka Iran.

Wakaaladda wararka ee Iran ee IRNA, ayaa ku warameysa in madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi uu Khamiistii sheegay in qaraarku uu ka soo horjeedo sharciga caalamiga ah iyo axdiga Qaramada Midoobay.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran Nasser Kanaani ayaa ka jawaabay codbixinta isagoo sheegay in ciidanka ilaalada kacaanku uu yahay “kan ugu weyn ee qaabilsan la-dagaalanka argigixisada”.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidanka ka shaqeeyaan inay ka horyimaaddaan Israel oo ah “waaxda argagixisada ee ugu weyn dunida, boqortooyada Ingiriiska oo ah aasaasohooda iyo Maraykanka oo ah cidda ugu weyn ee maal-gelisa.”

TURKEY condemns deadly terror attack in Somalia

ANKARA (Caasimada Online) – The Turkish Ministry of Foreign Affairs has unequivocally condemned the terrorist attack in the Galgadud region of Somalia, which resulted in many soldiers’ tragic loss of life and injury. 

In an official statement, the Ministry expressed its deep sorrow and extended its condolences to the victims’ relatives, as well as to the Somali people and government. 

The statement said, “We condemn this heinous terrorist attack, which will not hinder the Somali National Army’s determination in its fight against terrorism, in the strongest possible terms.” 

The Ministry also offered wishes for a speedy recovery to those injured in the attack. “We wish Allah’s mercy upon those who lost their lives, extend our condolences to the relatives, the friendly and brotherly people, and the Government of Somalia, and wish a speedy recovery to the injured.” 

The Ministry affirmed Turkey’s commitment to standing with Somalia in its ongoing battle against terrorism, stating, “Turkey will continue to stand by Somalia in its fight against terrorism.”

The Somali National Army (SNA) announced a decisive victory on Friday, having successfully repelled the attack on a military base in Galcad. 

According to a government statement, the SNA effectively neutralized many al-Shabab militants, with an estimated 100 extremists being eliminated during the confrontation. 

The SNA also suffered casualties, with seven soldiers losing their lives in the early morning attack. Among the dead was a senior US-trained Somali national army commando Hassan Ture. Ture was a crucial figure in the ongoing military offensives against the al-Shabab terror group in the central region. 

The targeted base is run by Danab, a unit of U.S.-trained commandos who have played an active role in the offensive against the militants. Drones were deployed to reinforce the military, carrying out bombings against the militants and chasing them out of the town.

Xasan oo kulan gaar ah la yeeshay golaha wasiirada K/G, farayna laba arrin

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta guddoomiyey kulan gaar ah oo ay yeesheen golaha wasiirrada dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.

Kulankan ayaa waxaa lagaga arrinsaday dib-u-heshiisiinta iyo xoreynta deegaanada ay argagixisadu ku dhibaateynayaan dadka Soomaaliyeed, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

Madaxweynaha oo uu wehlinayo Cabdicasiis Laft-agreen ayaa golaha wasiirrada la wadaagay qorsheyaasha dowladda federaalka ee dardar-galinta wejiga labaad ee howl-galka dib u xoraynta dalka oo qorshuhu yahay “in waqti kooban lagu soo gaba-gabeeyo.”

Sidoo kale waxa uu madaxweyne Xasan Sheekh faray masuuliyiinta ka qeyb-galay shirkan in ay qaataan masuuliyadda ka saran adkeynta xoraynta deegaanka iyo ilaalinta wada-jirka shacabka.

Arrintaan ayuu sheegay madaxweynaha inay hormuud u tahay in la helo Koonfur Galbeed xasilloon, heshiis ah, islamarkaana xor ka ah ficillada gurracan ee Khawaarijta Al-Shabaab.

Kulankan ayaa sidoo kale waxaa ka qayb-galay xubno ka mid ah golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya, agaasimaha guud ee Madaxtooyada Qaranka iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay u jooga arrimaha dib-u-heshiisiinta maamulka Koonfur Galbeed, kaasi oo xal loogu raadinayo xiisada siyaasadeed ee u dhaxeysa siyaasiyiinta mucaaridka iyo Lafta-gareen.

Somali Army ‘repulses Al-Shabab attack, killing’ 100

MOGADISHU (Caasimada Online) – The Somali National Army (SNA) announced a decisive victory on Friday, as they successfully repelled an attack on a military base in Galcad, a town in the central Somalia region.

According to a government statement, the SNA forces effectively neutralized a substantial number of al-Shabab militants, with an estimated 100 extremists being eliminated during the confrontation.

The SNA also suffered casualties, with seven soldiers losing their lives in the early morning attack. Among the dead was a senior US-trained Somali national army commando Hassan Ture. 

Tuure was a key figure in the ongoing military offensives against the al-Shabab terror group in the central region. Eyewitnesses reported hearing heavy explosions and fierce gunfire between commandos and the terrorists.

Former Somali Prime Minister Hassan Ali Khaire described Tuurre as “brave” who devoted himself to protecting “the life, wealth, and honor of the nation.” He urged the Somali people to unite and fight against terrorists, stating, “I once again call the Somali people to unite to eradicate the Kharijite group.”

The Ministry of Information confirmed that the soldiers could also destroy five technical vehicles that the terrorists were utilizing.

Al-Shabab, fighting to overthrow the internationally-backed government, claimed responsibility for the attack, stating that their fighters killed 159 government forces. However, it is not uncommon for the al-Qaida-affiliated group to inflate casualty figures during battles with government security forces.

The attack, which saw al-Shabab strike the entrance of the base with twin car bombs before storming the compound, highlights the ongoing threat that the group poses to Somalia’s military. 

Despite a government offensive launched last year scoring significant success against the al Qaeda-allied militants, Friday’s attack underscores the formidable challenge.

The targeted base is run by Danab, a unit of U.S.-trained commandos who have played an active role in the offensive against the militants. 

Drones were deployed to reinforce the military, carrying out bombings against the militants and chasing them out of the town.

Galcad, along with the port town of Harardhere in Somalia’s Galmudug region, was recently seized by government forces, marking a significant success for the ongoing government offensive. 

Al-Shabab has been active since 2006, working towards toppling the country’s central government and implementing its own rule based on a strict interpretation of Islam.

President Hassan Sheikh Mohamud declared a “total war” on the terrorists, and since the announcement, the army has scored significant victories against the group. 

This week, the army liberated the strategic seaside town of Haradhere, which had been under the terror group’s control for more than a decade.

Sawirro: Madaxweyne QOOR QOOR oo shir ku qabtay Xarardheere + Ujeedka

0

Xarardheere (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmuudg, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo haatan ku sugan magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa guddoomiyay shir looga hadlayey amniga oo ka dhacay degmadaasi.

Kulankan waxaa sidoo kale goobjoog ahaa Wasiirka Gaashaandhigga , Cabduqaadir Maxamed Nuur, Taliyaha ciidamada dhulka Maxamed Tahliil Biixi iyo saraakiil kale.

Intiisa badan waxaa shirkan diiradda lagu saaray adkeynta amniga degmada Xarardheere, gaar ahaan ka hortagga weerarada Al-Shabaab  iyo xoraynta deegaanada kale.

Sidoo kale Qoor Qoor ayaa xog waraystay saraakiisha amniga ee gacanta ku heysa degmada iyo qorshayaasha socda ee ku aaddan sii wadida howlgallada ka socda halkaasi.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa sidoo kale ku amaanay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, sida ugu istaageen xoreyna ay ka wadaan gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Dhankooda saraakiisha ciidamada huwanta ee qabtay Xarardheere ayaa madasha ka hadlay, waxayna shaaciyeen inay sii wadi doonaan dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab.

Howlgalladii ugu ballaarnaa oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ayaa haatan ka socdo Galmudug, waxayna ciidamadu kula wareegeen degmooyinka wa weyn, sida Ceeldheer, Xarardheere iyo Galcad oo ka tirsan labadaasi gobol oo dhaca bartamaha Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan mid aad u kacsan, waxaana qaybo badan oo ka mid ah gobolladaas laga dareemayaa dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo oo ay wadaan labada dhinac.

Si kastaba, Al-Shabaab ayaa shalay rogaal celin ka sameysay Galgduud, kadib weerar khasaare xoogan dhaliyay oo ay ku qaaday degmada Galcad ee gobolkaasi.

Koonfur Galbeed oo dagaal ku dishay xubno Shabaab ka tirsanaa kadibna gubtay…

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa lagu faahfaahiyay dagaal ka dhacay duleedka deegaanka Goofgadudud oo qiyaastii 30 KM u jira magaalada Baydhabo.

Koonfur Galbeed ayaa shaaca ka qaaday in dagaalkaasi ay ku dishay in ka badan 10 ka tirsan Al-Shabaab, kadib weerar ay ku soo qaadeen saldhigga deegankaasi.

Sidoo kale waxay wasaaraddu sheegtay inay gubtay gaadiid dagaal oo ay laheyd kooxda Al-Shabaab, sida ay hadalka u dhigtay.

Qoraalka ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in dagaalkan lagu jebiyay kooxda Al-Shabaab ay iska gaashadeen ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta ee Koonfur Galbeed.

Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan abaabul culus oo ka dhan Al-Shabaab ay waddo Koonfur Galbeed oo kaashaneysa dowladda iyo dadka deegaanka.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa shaaciyay in ay diyaar garoobeen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, ayada oo laga duulayo baaqa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in istiraatiijiyad dagaal oo sarreysa ay dajiyeen, isla-markaaana gobollada Shabeelaha Hoose, Baay iyo Bakool looga saarayo Al-Shabaab bil gudaheeda, sida uu hadalka u dhigay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

“Bil ayey Koonfur Galbeed kaga dhammaanayaan Khawaarijta, marka la fiiro qaabka aan u diyaar garownay iyo istaraatiijiyadda hadda la suubiyay ee dagaal, sida hal mar uu howlgalka uga bilaabanaayo saddexda gobolba” ayuu yiri madaxweyne Lafta-gareen.

Si kastaba, Koonfur Galbeed ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, waxaana inta badan ay kasoo abaabushaa weeraro ka dhaca gudaha dalka.

Mustafe Cagjar oo soo saaray awaamiir culus oo qeyb ka ah dagaal ay ku jirto Ethiopia

0

Jigjiga (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) ayaa soo saaray awaamir culus oo ka dhanka ah masuuliyiinta ku kaca musuq-maasuqa.

Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa waxa uu sheegay in aan marnaba la aqbali doonin in shaqada loo hayo bulshada la musuq-maasuq, isaga oo ku dhawaaqeyna ciqaabta uu yeelanayo masuulkii musuq lagu helo.

“Qofka wax musuqaya ama isdaba marinaya awaamirtii la faray ayuu ka leexanayaa, Qandaraas masoo dhajinayo oo wuxuu rabaa inuu si hoos ahaaneed u siiyo mid uu rabo inuu la cuno,” ayuu yiri.

“Markaa waamirtii la is faray oo uu masuulka ka leexdaa waa musuq-maasuq, waana in lala xisaabtamaa, oo laga qaada tallaabo adag.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in wakhtigii hore masuulka musuq-maasuq lagu helo xilka un laga qaadi jiray, balse hadda wuxuu amar ku bixiyay in xilka qaadista loogu daro xarig, oo ay waajibkooda ka gutaan laamaha amaanka.

Go’aanadan uu ku dhawaaqay madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa imanaya xilli ay Itoobiya qaadatay qorshe guud oo lagula dagaalamayo musuq-maasuqa.

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa dhawaan faray dhamaan madaxda dowlad deegaanada Itoobiya inay si adag ula dagaalamaan musuq-maasuqa, oo uu sheegay inuu wax u dhimayo horumarka Itoobiya.

Xasan ma ogolaaday muddo kororsiga Lafta-gareen? – Ogow lix arrin oo muhiim ah

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Kadib hadal-jeedintii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee furitaanka shirka dib-u-heshiisiinta siyaasiyiinta Koonfur Galbeed waxa soo baxayay warar xoogeystay oo la xiriira in uu Xasan si dadban u ogolaaday muddo kororsiga Lafta-gareen.

Warbixintan ayaa waxaa kusoo koobeyna dhinacyada ay siyaasadda ka khuseysay khudbadii madaxweyne Xasan Sheekh iyo inay noqon karaan erayadaasi kuwa fasaxaya muddo kororsi.

Dhowr iyo labaatan daqiiqo oo Xasan Sheekh uu hadlay hal mar ayuu soo hadal qaaday wax la xiriira diidmada mudada dheeriga ah ee xafiiska uu jooga maamulka Lafta-gareen, markaas oo Xasan Sheekh uu la wadaagay dadka dood dhexmartay isaga iyo xubno kamid ah mucaaridka Koonfur Galbeed.

Kuwaas oo Xasan Sheekh xasuusiyay in uu ka lug gaabinayo kooxda la baxday Badbaadada Koonfur Galbeed, isaga oo shalayna hormuud u ahaa kooxdii Badbaado Qaran markuu Farmaajo joogay.

Laakiin Xasan Sheekh wuxuu sheegay in uu isku difaacay “in iyaga uu maamulkii Farmaajo diiday inuu la hadlo markuu muddo kororsiga qaatay balse mucaaridka Koonfur Galbeed loo ogol-yahay in lagala hadlo xaaladda taagan oo ah diidmo ka dhalatay muddo kororsiga, labadaas xaaladoodna ay yihiin kuwa aad u kala duwan.”

Xasan Sheekh wuxuu amaanay in Lafta-gareen uu dhisay Madaxtooyo casri ah, waana taas midda ay dad badan u fasireen inuu Xasan Sheekh aqbalay inuu Lafta-gareen iska sii joogo xafiiska doorasho la’aan.

Waxyaabaha siyaasiga ah ee Xasan Sheekh uu khudbadiisa uga hadlay, ayaa waxa kamid ahaa;

1. In maamulka Lafta-gareen uusan dadka ku qasbin inay hubka qaataan:

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu khudbada dhexdeeda ugu sheegay Lafta-gareen in aanu dadka ku qasbin inay hubka qaataan, in uusan ciidanka u adeegsan arrimo gaar ah ayaa la xasuusiyay Lafta-gareen, taas oo Xasan Sheekh sheegay inay tahay wax aan la aqbali karin.

2. Xoriyadda aas-aasiga ah ee muwaadiniinta: Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu maamulka Koonfur Galbeed u sheegay in marnaba aan la aqbali karin in la hor istaago xoriyadda hadalka iyo midda socdaalka, taas oo madaxweynaha uu sheegay inay kamid yihiin waxyaabaha aas-aasiga ah ee uu leeyahay muwaadinka Soomaaliyeed, in la hor istaagana ay dambi tahay oo aanay jirin cid laga aqbali karo.

Lafta-gareen ayaa kal hore siyaasiyiin badan u diiday inay Baydhabo tagaan, sidoo kalena waxa uu xiray dad badan oo dhaliilay hab maamulkiisa.

3. Mucaaridka Koonfur Galbeed iyo gacan ka hadalka: Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu mucaaridka Koonfur Galbeed u sheegay in amniga ay ilaaliyaan oo aanay qori waxba ku doonin.

Waxa uu xasuusiyay dhinacyada in qofka xukunka haysta uusan qori kusii joogi karin, midka raadinayana in uusan qori ku qaadan karin.

4. Xaalkii hore ee magaalada Baydhabo: Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu xasuusiyay siyaasiyiinta kala aragtida duwan ee Koonfur Galbeed halkii ay magaalada Baydhabo ka timid, wixii ay dhib soo martay iyo halka ay maanta joogto oo uu sheegay inuu farqi weyn oo xaga horumarka ah uu jiro.

Wuxuu ka codsaday in magaaladan dib loogu celin halka ay ka timid oo wax walba wada-hadal lagu xaliyo.

5. Shirka iyo fursadaha: Xasan Sheekh wuxuu sheegay inuu ku kalsoon yahay in shirkaan uu mira-dhal noqon doono oo reer Koonfur Galbeed ku filan yihiin in arrimahooda xalistaan.

Wuxuu ku taliyay in marka hore gacan ka hadalkii dhawaan dhacay si dhaqan ah loo xaliyo, inta kalana siyaasad ahaan loo wajaho oo laga heshiiyo waxa soo socda, oo loo fasiro karo doorashada.

Wuxuu madaxweyne Xasan Sheekh intaas ku daray in cidii isku dayda inay shirka fashiliso ay gacanta ka qaban doonaan, oo aan laga yeeli doonin.

Ciidankii magaalada usoo galay xiisada siyaasadda awgeed ee mushaarka ka qaata dowladda federaalka ayuu ku amray inay xeryahooda ku laabtan, haddii kale ay dowladda dhexe tallaabo ka qaadi doonto.

6. Koonfur Galbeed iyo dagaalka Al-Shabaab: Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu sheegay in dhamaad ku dhaw-yahay wajiga koowaad ee dagaalka Al-Shabaab oo Galmudug iyo HirShabelle laga fuliyay.

Wajiga labaad ayuu sheegay in uu noqon doono Koonfur Galbeed, wuxuu weydiistay siyaasiyiinta iyo maamulka Koonfur Galbeed in arrintaas loo diyaar-garoobo fursadna aan la siin kooxda Al-Shabaab oo hortaagan xasilloonida, bad-qabka iyo horu-socodka dowladda iyo dadka Soomaaliyeed.

Marka khudbada uu ka jeediyay furitaanka shirka la eego, Xasan Sheekh ma fasixin muddo kororsiga Lafta-gareen, laakiin mowqif la’aanta dowladiisa ee muddo kororsiga maamulada ayaa shaki badan galineysa shacabka.

New US program to allow direct citizen sponsorship of refugees and immigrants

WASHINGTON (Caasimada Online) – The State Department has unveiled a pilot program called Welcome Corps, which aims to permit American citizens and permanent residents to sponsor the resettlement of refugees escaping war and violence worldwide. 

This initiative, launched under the Biden administration, marks a significant shift in US refugee policy. In recent years, most refugees brought to the US have been resettled by non-profit organizations that receive federal funding.

The Welcome Corps program allows groups of at least five US-based individuals to sponsor refugees by raising $2,275 per refugee, passing background checks, and submitting a plan to assist newcomers.

Approved sponsors will act as traditional resettlement agencies for a minimum of 90 days after a refugee’s arrival, assisting the newcomers in accessing housing and other necessities such as food, medical services, education, and public benefits for which they qualify.

The program, which mirrors a long-standing system in Canada, will begin by matching approved sponsors with refugees overseas who have already been cleared to come to the US. In mid-2023, authorities plan to enable potential sponsors to select refugees from overseas that they desire to support.

Secretary of State Anthony Blinken stated that the Welcome Corps initiative would help increase refugee admissions and is “the boldest innovation in refugee resettlement in four decades.”

The State Department hopes to recruit 10,000 private sponsors to resettle about 5,000 refugees during the program’s first year.

Organizations with experience in resettling refugees will oversee the sponsor application process, provide sponsors with training and resources, and monitor the progress of groups sponsoring refugees.

The Welcome Corps initiative is the latest effort by the Biden administration to expand the US legal immigration channels for refugees and migrants who have family members and others in the US willing to sponsor them financially.

In recent years, the US government has implemented a series of programs that allow private individuals to sponsor refugees and displaced persons from certain countries.

In late 2021, the State Department began allowing “sponsor circles” of at least five individuals to sponsor Afghan evacuees relocated to the US following the Taliban takeover of Afghanistan. 

Additionally, in early 2022, officials launched a program that allowed displaced Ukrainians to come to the US with the support of US-based sponsors. This policy has reportedly resulted in over 100,000 Ukrainian migrants coming to the US. 

Furthermore, the government has expanded this approach to allow US-based sponsors to help citizens from Cuba, Haiti, Nicaragua, and Venezuela to migrate to the US. These migrants will be granted temporary legal status to live and work in the US through the humanitarian parole authority. 

However, unlike those arriving under the parole authority, the refugees who will come under the sponsorship initiative announced on Thursday will be eligible for permanent legal status and, ultimately, US citizenship, as they will be processed through the traditional US refugee program.

The US refugee program, established in 1980, has provided a home for over 3 million refugees. The new Welcome Corps initiative aims to continue this legacy by allowing private citizens to play a crucial role in resettling refugees in the US.

Source: Caasimada Online and News Agencies

Halka tab ee Al-Shabaab ay ku laynayso ciidamada DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa saakay aroortii weerar gaadmo ah oo lagu bilaabay ugu yaraan laba qarax oo ismiidaamin ah waxay ku qaaday xeryihii ciidanka xoogga dalka ee magaalada Galcad, weerarkaan ayaa sii xoojiyey hadal-heynta sababta mar kasta weerar loogu laayo ciidanka.

Isniintii lasoo dhaafay ayaa Al-Shabaab laga xoreeyey magaalada Galcad oo ka tirsan gobolka Galgaduud, maalin kadibna waxaa la xoreeyey degmada ay hoos tagto ee Ceeldheer.

Dowladda Soomaaliya waxay shaacisay in weerarka looga dilay 7-askari oo taliye ku xigeenkii ciidanka Danab – Xasan Tuure uu ku jiro, halka Al-Shabaab laga dilay ugu yaraan 100 dagaalame.

Hadal-heyn badan ayey waayahaan abuurtay sababta ciidanka dowladda loogu laayo weerar gaadmo ah, waliba xiliyo isku mid ah, sida aroorta hore, si gaar ah subax kasta oo Jimco ah, Al-Shabaab waxay fuliyaan weerar cag marin ah, iyagoo hadba xero ku habsada.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka mid ah siyaasiyiinta ka tacsiyeysay ciidankii maanta lagu dilay dagaalka ayaa yiri, “Cadawgu tab isku mid ah ayuu ciidankii ku laynayaa.”

Afhayeenka wasaaradda difaaca Soomaaliya Jeneraal Caanood ayaa horay u sheegay in ciidanka oo ‘qayila’ intooda badan ay sabab u tahay in lagu laayo weerarrada Al-Shabaab ee cag-marinta ah.

Jeneraal Caanood ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay weerarrada noocaan ah fuliso xiliyada dambe ee habeenkii, iyadoo aan waxaba loo jeedin, inta badana askartii qayishay ay xiligaas seexdeen.

Weerarkii ay saakay Al-Shabaab ku qaadeen Galcad wuxuu noqday mid ka Danab uga khasaare badan dagaaladii ay Al-Shabaab uga xoreysay HirShabeelle iyo qeybo ka mid ah Galmudug.

Intii ay dhisnaayeen ciidanka Danab ma dhicin weerar sidaan oo kale loogu soo qaaday oo looga dilo 7 askari, waxaa arrinta sii murjisay markii ciidanka la dilay uu ka mid noqday Taliyahoodii.

Ciidanka Danab oo heysta tababar sare, waxaa kaalmeysa oo howlgallada kala qeyb gala diyaaradaha dagaalka, kuwaas oo meel kore ka arka, awoodna u leh inay ka duqeeyaan Shabaab-ka.

Inkastoo diyaaradaha dagaalka ay saakay ka qeyb qaateen soo afjaridda weerarkii Al-Shabaab, hadana waxaa la is weydiinayaa sababta ay isku dhigteen ciidankii joogay Galcad, iyagoo leh awood ku filan oo ay isaga difaaci kareen weerarka uga yimid dhicana Al-Shabaab oo dhawaan laga xoreeyey deegaanka.

Idris Elba iyo Sabrina Dhowre oo soo jeediyay fikrad Soomaaliya looga saari karo…

0

Davos (Caasimada Online) – Jilaaga caanka ah ee Idris Elba iyo xaaskiisa Sabrina Dhowre oo dhawaan ka qayb-galay shirka sanadlaha ah ee ee Madasha Dhaqaalaha Adduunka (WEF) ayaa maal-qabeenada qeybta ka ahaa madasha ku dhiira-geliyay in ay hantidooda u weeciyaan waddamo ay ku jirto Soomaaliya, oo u baahan gacan qabasho.

Idris Elbe iyo Sabrina Dhowre ayaa qaba in fikirka uu baaqooga ku dhisan yahay uu saboolnimada ka saari karo waddamada Soomaaliya, Suudaan, Haiti iyo dalal kale oo dhibaatooyin kala duwan ka jiraan.

Lamaanahan oo ah Danjireyaal sharafeedka Sanduuqa Caalamiga ah ee horumarinta Beeraha ee hoostaga QM ayaa khudbado ay jeediyeen ku dul istaagay dhibaatooyinka dhanka cunnada ah ee ka jirta waddamadaas.

Sabrina Dhowre ayaa sheegtay in waddamada, asal ahaan kasoo jeedo ee Soomaaliya uu la daalaa-dhacayo dhibaatooyin dhanka helista cunnada ah, iyada oo garab istaag u dalabtay dadka leh beeraha yar-yar.

“Waxa aan halkan u joognaa in aan shaaca ka qaadno dhibaatooyinka heysta dadka kunool waddamada aan wararkooda lasoo tebin, xaqiiqdii waxa ay u baahan yihiin in la garab istaago,” ayey tiri Sabrina Dhowre.

Sabrina ayaa sidoo kale tilmaamtay in baaqa cusub ay wadaan ku qotomo inay ka warqabto dhibaatooyinka ka jira dalalkaas oo dadka ku nool u baahan yihiin in la gacan qabto.

Idris Elba ayaa asaguna yiri “Waa in dhaqaale deg-deg ah loo helaa dadka saboolka ah ee ku nool waddamada dhibaatooyinka ka jiraa, keliya ma raadiyaan gargaar iyo deeq kaalmo ah oo la siiyo balse waxa ay u baahan yihiin maalgashi lagu sameysto dalalkooda si ay shaqo u helaan.”

Xafladdii furitaanka shirka sanadlaha ah ee Madasha Dhaqaalaha Adduunka (WEF) ee Davos ayaa sidoo kale lagu abaal-mariyay Idris iyo Sabrina shaqada ay ka qabteen ilaalinta deegaanka, cuntada iyo isbeddelka cimilada.

Arrinta ugu weyn ee hortaalla madaxweyne Xasan Sheekh kadib dagaalka Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Galka amniga ee Soomaaliya waa cutubka ugu xoogan ee loogu hadal-haynta badna tobankii sanno ee lasoo dhaafay, lana sii wadi doono ka doodida iyo shaqo ka qabashadiisa.

Markasta oo qoddobka amniga lasoo qaado waxaa cutubyada ugu horeeya soo galaya ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ee hore loo oran-jiray AMISOM.

Inkasta oo ay qeyb ka noqdeen xilliyo hore howl-galo lagula dagaalamay kooxaha argagixisada, ayna gacanta ku hayaan amniga goobo cayiman oo ku yaalla caasimada dalka.

Haddana waqti xaadirkan si weyn ayey su’aallo u dul taagan yihiin, howl-galku ma ahan nabad ilaalin waase dagaalamayaal ay tahay inay nabada xoog ku keenaan, lana hardamaan kuwa diidan deganaanshaha iyo horumarka Soomaaliya.

Laakiin muuqaalka hadda laga dhex daawanayo ATMIS waa inay yihiin nabad-dhaliyayaal ku kooban xeryaha ku yaalla xeyndaabka amnigooda la adkeeyay ee caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

15-kii sanno ee lasoo dhaafay Soomaaliya deymaha ugu badan ee lagu qoray lacag ahaanta waa midda ay qaataan ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan dalka, kuwaasi oo askari kasta uu qaato lacag ka badan kun dollar, waa isku darka afar kamid ah askarta ciidanka xoogga dalka mushaarka ay qaadan lahaayeen.

Soomaaliya hadda 5-tii billood ee lasoo dhaafay waxaa sii xoogeysanaya dagaalka adag ee ay kula jirto kooxaha argagixiso, dadka deegaanada ayaa is-abaabulay si ay uga hortagaan ficilada Al-Shabaab, dagaalkaasna wuxuu sababay in kooxda gacanteeda ka baxaan inta badan deegaanada ay gacanta kaga hayeen bartamaha Soomaaliya.

HirShabelle iyo Galmudug waxaa jooga ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS, inkasta oo ay billowgii sheegeen inay howl-galka qeyb ka qaadanayaan haddana xiligaan wax door ah malahan.

Tallaabadan ayaa waxay soo dadajisay in dadka Soomaalida ay indhahooda arkaan in ciidanka xoogga dalka iyo shacabka oo iskaashanaya ay awooda u leeyihiin xaqiijinta guulo muhiim ah iyo qabsashada deegaano waaweyn oo 15-kii sanno ee lasoo dhaafay kooxaha argagixiso gacanta ku hayeen.

Haddii HirShabelle iyo Galmudug, ATMIS la’aantood looga guuleystay kooxaha argagixiso oo looga saaray waxay dadka is-weydiinayaan sababta joogitaanka ciidamada shisheeye ee Soomaaliya waqti xaadirkan oo is-weydiimo ay joogaan.

Waxaa si weyn loogu hayaa bixitaanka askarta Midowga Afrika, inkasta oo madaxweyne Xasan Sheekh uu ballan-qaaday in uu ka shaqeynayo in ciidanka ATMIS (ex-AMISOM) ay ka baxaan Soomaaliya, lana wareegaan ciidanka Soomaalidu amniga Qaranka.

Tayada ciidamada dowladda federaalka ayaa kusoo baxday howl-galada millateri ee laga qaaday gobolada HirShabelle iyo Galmudug, taasi oo muujisay in ciidamada Soomaalida ay isku filan yihiin haddii laga taageero waxyaabaha muhiimka ah, taageeradaas oo xiligaan aan ka imaaneyn Midowga Afrika iyo howl-galka ciidankooda ee ku sugan Soomaaliya.

Inkasta oo Golaha Amaanka ee QM ay kordhiyeen joogitaanka ciidanka Midowga Afrika ee Soomaaliya, dhinaca kalana waxaa la sheega in qandaraasyada ugu badan ee ciidamadan ee Soomaaliya ay qaatan siyaasiyiinta Soomaalida, taana ay tahay waxa u weyn ee markasta dadaalka loo galiyo inay kusii waaran Soomaaliya.

Soomaaliya waxay tahay waddanka ugu halista badan marka laga hadlayo geeska Afrika ee xagga amaanka, waxaa jooga in ka badan 23 kun oo ciidan shisheeye ah waa marka laga hadlayo kuwa Midowga Afrika.

Dadka Soomaaliyeed hadda waxay ku foogan yihiin inay arkaan tayada ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed, kuwaasi oo la dhid-bayay tobankii sanno ee lasoo dhaafay, laakiin xoogga ugu badan la galinayo hadda sidii ay iskugu wadi lahaayeen la-dagaalanka kooxaha argagixiso iyo dhismaha xoogga dalka.

Ciidanka Soomaaliya ee dhismaya waxay u muuqanayaan yididiilo xoog leh oo amnigooda Qaran la wareegi kara, haddii laga dhex saaro siyaasadda iyo ku milankeeda.

Waxaa la rumeysan yahay in arrintaan ay tahay midda ugu weyn ee hortaalla madaxweyne Xasan Sheekh kadib dagaalka Al-Shabaab oo si weyn uga socda dalka, jab xoogana lagu gaarsiiyay kooxda.

Xasan Sheekh oo ka hadlay geerida Tuure, sheegayna cidda buuxineysa kaalintiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa war kasoo saaray geerida Taliye ku-xigeenka ciidanka gaarka u tababaran ee DANAB Gaashaanle Xasan Maxamed (Xasan Tuure), oo saaka ku dhintay weerar ay Al-Shabaab ku qaaday degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in geerida Taliye Xasan Tuure aysan marnaba niyad jebin karin ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo shacabka u midoobay inay argagixisada nolosha u diiddan shacabka ay iska dul-qaadaan.

“Taliye Xasan Tuure waxaa uu ku shahiiday hawlgal uu uu waddankiisa ku xorreynayo, waana geesi taariikhda ay xusi doonto, laguna xusuusan doono kaalinta uu ka qaatey in Khawaarijta laga sifeeyo guud ahaan geyiga Soomaaliya,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in kaalintii taliyaha AHUN ay buuxin doonaan geesiyaasha kale ee ciidanka xooga dalka, islamarkaana ay saameyn ku yeelan doonin dardarta ay ku socdaan howl-galada ka dhanka ah Al-Shabaab.

“Waxaa uu ahaa astaan u taagan in Soomaaliya laga xorreeyo Khawaarijta, kaalintiisana waxaa buuxin doona geesiyaasha kale ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka tirsan oo diyaar u ah inay naftooda u huraan difaaca waddankooda.”

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale tacsi u dirtay shacabka, ciidanka xoogga dalka, qoyska iyo eheladii uu ka geeriyooday Gaashaanle Xasan Maxamed (Xasan Tuure).

Taliye Xasan Tuure ayaa ku dhintay dagaal qaraxyo ku billowday oo ka dhacay Galcad, halkaasi oo ciidanka xooga dalka ay ku dileen in ka badan 100 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

“In ka badan 100 maleeshiyaad ka tirsan kooxda Khawaarijta ayaa saaka la dilay kadib markii ay weerar ku soo qaadeen saldhig ay leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku yaalla Magaalada Galcad ee Gobalka Galguduud halkaas oo ka mid ah goobihii dhawaan laga xoreeyay Khawaarijta,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Dagaal culus oo halkaas ka dhacay ayaa lagu jabiyay Khawaarijta waxaana meydadkooda ay daadsan yihiin goobta dagaalka uu ka dhacay, iyadoo halkaasi looga gubay gaadiid dagaal oo gaaraya ilaa shan gaari, kuna jiro mid ka mid ah gawaarida gaashaaman oo ay khawaarijtu xilli hore ku qabsatay dagaalo dhacay.”

Weerarka saaka ayaa imanaya xilli ay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay weli kusii siqayaan deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Galgaduud.

DF oo shaacisay tirada Al-Shabaab saaka ‘looga dilay’ weerarkii degmada Galcad

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed kasoo saartay weerarkii ku billowday qaraxyada ee Al-Shabaab ku qaaday degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.

Qoraalka wasaaradda warfaafinta ayaa lagu sheegay in weerarkii saaka lagu jebiyey kooxda, islamarkaana uu gaaray khasaare dhimasho oo aad u xoog badan.

“In ka badan 100 maleeshiyaad ka tirsan kooxda Khawaarijta ayaa saaka la dilay kadib markii ay weerar ku soo qaadeen saldhig ay leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku yaalla Magaalada Galcad ee Gobalka Galguduud halkaas oo ka mid ah goobihii dhawaan laga xoreeyay Khawaarijta,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Dagaal culus oo halkaas ka dhacay ayaa lagu jabiyay Khawaarijta waxaana meydadkooda ay daadsan yihiin goobta dagaalka uu ka dhacay, iyadoo halkaasi looga gubay gaadiid dagaal oo gaaraya ilaa shan gaari, kuna jiro mid ka mid ah gawaarida gaashaaman oo ay khawaarijtu xilli hore ku qabsatay dagaalo dhacay.

Dhinaca kale, dowladda ayaa qirtay in weerarka ay ku dhinteen 7 askari, oo uu ku jiro sarkaal lagu magacaabo Taliye Xasan Maxamed Cismaan (Xasan Tuure).

Sidoo kale waxa lagu sheegay qoraalka dowladda in xaaladda magaalada ay hadda degan tahay, islamarkaana ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka.

“Waxaa jira khasaaro badan oo la gaarsiiyay kooxda Khawaarijta ee weerarka soo qaaday,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda warfaafinta.

Degmada Galcad oo dhawaan laga qabsaday kooxda Al-Shabaab ayaa waxay waaberigii hore ee saaka weerar qaraxyo ku billowday ku qaaday saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee ku sugan degmadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in illaa laba gaari oo laga soo buuxiyay waxlaha qarxa lagu weeraray saldhigyada ciidamada ee degmada Galcad, sida ay sheegayaan goobjoogayaal.

Jugta qaraxa oo si weyn looga maqlay degmada iyo nawaaxigeeda ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo dhinac ah iyo dagaal-yahaanada Al-Shabaab.

Weerarka saaka ayaa imanaya xilli ay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay weli kusii siqayaan deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Galgaduud.