27.9 C
Mogadishu
Monday, May 11, 2026

Daawo: Xasan Sheekh oo sheegay arrin aan laga aqbali doonin askarta Soomaaliyeed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa sheegay in aan marnaba la aqbalayn in askarta oo ilaalin laheyd shacabka in ay iyagu ku xad-gudbaan.

Madaxweynahay ayaa hadalkaan ka sheegay xarunta tababarka ciidamada taliska 60-aad ee xoogga dalka ee magaaalada Baydhabo oo maanta uu kormeer ku tagay, halkaas oo dufcadda 15-aad ee ka qalin-jabisay dugsigan.

Xasan ayaa sidoo kale kula dardaarmay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed in ay ilaaliyaan anshaxa ciidannimo, masuuliyadda koowaadna ay ka dhigtaan badqabka, karaamada iyo nolasha muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Waxa kale oo uu xusay in wajiga labaad ee xoreynta deegaanada uu ka bilaabanayo Koonfur Galbeed, sidaas awgeed looga baahan yahay maamulka, bulshada iyo laamaha ammaanka Koonfur Galbeed in ay dardar-geliyaan abaabulka iyo diyaar-garoowga howlgalka xoreynta.

Digniinta uu madaxweynaha siiyay markale askarta ayaa imanaya xilli ay kordheen dilalka ciidamada dowladda ka geystaan gudaha caasimada, taasi oo walaac ku abuurtay dadka rayidka ah.

Shalay ayey aheyd markii uu askari ka tirsan ciidamada dowladda uu dil ugu geystay magaalada Muqdisho wiil dhalinyaro ah oo waday Mooto, kaasi oo xilliga la dilayay mootada ku waday hooyadiis iyo walaashiis oo lasoo wariyay inay goobta ku suuxeen, kadib dilka wiilkooda.

Dhacdadan ayaa shalay sababtay dibad-bax, ayada oo goobta dilka ka dhacay isugu so baxeen shacab careysan iyo darawalo, kuwaasi oo ciidamada ammaanka ay markale rasaas u adeegsadeen, waxaana goobta ku dhintay darawal kale oo ka shaqeynayay gaadiidka dadweynaha ee BL-ka iyo qof kale, kadib markii ay haleeshay rasaastu.

Madaxda sare ee dowlada ayaa marar badan ka digay dilal ay geystaan askarta dowladda, waxaa markii ugu dambeysay go’aan ka soo saaray madaxweyne Xasan Sheekh oo amar culus siiyay Maxkamadda Ciidamada si tallaabo adag looga qaado dambiileyaasha.

Wararkii ugu dambeeyay weerarka xarunta GOBOLKA BANAADIR iyo masuuliyiin…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar ay Al-Shabaab goor sii horeysay ku qaaday xarunta maamulka gobolka Banaadir oo ku taalla degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in dabley Shabaab ah oo shan ruux ah ay weerar qaraxyo ku billowday ku qaadeen xarunta maamulka gobolka Baanaadir, uuna hadda socdo dagaal u dhaxeeya dagaalamayaasha Shabaab iyo ciidanka dowladda.

Waxa kale oo lasoo warinaya in dableyda weerarka qaaday mid kamid ah uu is-qarxiyay, halka laba kale ay toogteen ciidamadda amniga, waxaana haatan gudaha Aqalka dowladda Hoose ka dhex dagaalamaya laba dagaalame oo Shabaab ah.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in hadda ay dagaalka kusoo biireen ciidamada sida gaarka ah u tababar ee Haramcad, kuwaasi oo howl-galka guud ahaan la wareegay.

Waxaa jira khasaare kala duwan oo ka dhashay weerarkan loo adeegsaday qaraxyada, illaa haddana si rasmi ah looma xaqiijin.

Dhinaca kale, Gudoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada maamulka gobolka Banaadir Maxamed Yabooh ayaa sheegay in la soo bad-baadiyay mas’uuliyiin badan iyo shaqaale katirsan maamulka gobolka Banaadir, oo ku sugna Aqalka dowladda Hoose.

“Alle ayay mahad u sugnaatay dhamaan maamulka sare ee Gobolka Benaadir way nabad qabaan. Weear ayaa saakay khawaarijtu kusoo qaadeen xarunta dhexe Gobolka Banaadir, inta badan shaqaalaha waa la soo badnaadiyay, welina waxaan kujirnaa howl-galka” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Xarunta gobolka Banaadir oo ah halka uu ku shaqeeyo duqa Muqdisho ayaa aheyd mid mashquul ah, waxaana xilliga uu weerarka bilaabanayey ka socday howlo shaqo.

Weerarkan ayaa ku soo aaday, xilli maalmihii u dambeeyay ay Al-Shabaab culeyska soo saartay Muqdisho, kadib howl-galada ka billowday gobollada dalka, waxaana weerarkii u dambeeyay oo toos ahaa ay ku qaaday Villa Rays oo ku yaalla agagaarka madaxtooyada.

Daawo: Maxaa sabab u ah kororka weerarada Al-Shabab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Korneel Cabdullaahi Cali Macow oo ka tirsan saraakiishii hore ee NISA oo u warramay Telefishinka Universal ayaa ka hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socdo dalka & kororka weerarada rogaal celiska ee ay kooxda soo qaado.

Korneel Macow ayaa shaaca ka qaaday in ay jiraan dhowr sababood oo  Al-Shabaab u sahashay inay weeraro gaadmo ah ku soo qaado farisiimaha ciidamada huwanta.

Midda koowaad ayuu ku sheegay in uu jiro is barbar yaac ciidanka dhexdiisa ah, maadama ay ka kooban yihiin dhow qaybood, isla-markaana ay leeyihiin hoggaan kala duwan.

“Waxa isbedalay waxaa waayey dagaalka Shabaabka lagula jiro waxa uu noqday dagaal ay kula jiraan dadka deegaanka iyo ciidamada Xoogga dalka marka waxaa isku dhex yaacay ciidamadii oo kala gadisan oo kala nooc ah. Gorgor oo si gooni ah u tababaran, Danab iyo ciidanka hore ee Xoogga dalka Soomaaliya iyo dadka deegaanka ka dalaamaayey ee Macawiisleyd,” ayuu wareysigan ku yiri orneel Cabdullaahi Cali Macow oo ka tirsanaa NISA.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in ciidamada huwanta marka ay qabsadaan deegaan inay u kala dagaan qayb qayb, islamarkaana aysan isku gurman, sida uu hadalka u dhigay.

“Sababaha waxaa kamid ah marka uu ciidanka deegaanka qabsado tusaale Galcad marka la qabsaday dadka deegaanka u dhashay meel ayey dageen ayaga oo hubeysan, ciidanka kalena ee Xoogga dalka meeluu dagay, Danab-na si gaar ah ayey meel u dagtay marka waxaa waayey aagag isku dhow oo aheyd inay isku gurmaadaan ayey aheyd gurmadna ma helin ciidankan la soo weeraray,” ayuu markale yiri Korneel Cabdullaahi Cali Macow.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in caqabad kale ay ka timaado xubnaha Shabaab ee isa soo dhiibayo, kahor inta aysan ciidamada dowladda gudaha u geln deegaanada ay maamulaan Al-Shabaab, wuxuuna tilmaamay in loo baaan yahay in dadkaasi la marsiiyo habraacyo amni oo sax ah.

Koreelka ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in sidoo kale ciidanku ay isticmaalaan balwad, sida Qaadka oo kale, taasina ay halis ku tahay ciidamada, maadaama ay dagaal adag ku jiraan, isaga oo ku taliyay in dowladda federaalka Soomaaliya ay wax ka qabato arrintaasi.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in ciidamada iyo saraakiishooda aysan sameyn roondo, isla-markaana uu weerarka ku qabsado xerada dhexdeeda, taasina ay sii kordhineyso khasaaraha, isaga oo soo jeediyay in la sameeyo difaac adag iyo sahan jooogto ah.

“Mida kale waxaa u sababa waa inay 24 saac maalin iyo habeenba ciidanka wa a inuu sahan leeyahay Roondo waa inuu leeyahay meesha ciidanka uu ku sugan yahay waa inuu jiro difaac adag,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Korneel Cabdullaahi Cali Macow

Waxyaabaha loogu tagay dhulkii laga saaray kooxda Al-Shabab iyo lama filaan cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab waxaa laga saray magaalooyin waaweyn oo taariikh fog leh oo ku yaalla Galmudug iyo HirShabelle saddexdii billood ee lasoo dhaafay.

Dhowr iyo toban sanno ayey ka talinayeen deegaanada laga bixiyay, waxay qaadayeen lacago joogto ah oo dhowr waji leh.

Umadda deeganadaasi ku nool waa ku qasbanaayeen inay aqbalaan amarada kooxda, laakiin dilka ay Soomaali ku hayaan marka laga tago waxay dad badan isweydiinayaan maxay Al-Shabaab ku siyaadiyeen dhulkii ay maamulayeen waqtiga fog.

Al-Shabaab waa diideen hay’addo caalami ah inay tagaan dhulkii ay ka talinayeen, sidoo kale dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedna midna ma tagi karin si deegaanadaasi looga fuliyo adeegyo waxtar u noqon lahaa bulshada.

Aadan Yabaal, Xarardheere iyo Ceel-dheer waa tusaalaha dhabta ah ee lasoo qaadan karo marka la rabo in la eego xaalka dhulkii ay mudada fog maamulayeen Al-Shabaab.

Kal hore baaris caalami ah ayaa lagu sheegay in lacagaha ay Al-Shabaab sanadkii ka aruursato meelaha ay ka taliso iyo meelaha ay dhuumashada ku joogto inay ka badan tahay canshuurta gudaha kasoo gasha dowladda dhexe.

Laakiin lacagahaas laguma celin deegaanadii laga qaaday, waxaana shan iyo toban sanno kadib la dul tagay dhulkii ay Al-Shabaab haysteen oo wax horumar ah lagu siyaadin, taasi oo banaanka keentay warkii sheegayay in madaxda Al-Shabaab ay lacagaha u adeegsadaan maal-galino shaqsi ah oo ay jiraan dad lacagaha ugu shaqeeya oo jooga Soomaaliya iyo dalal kale oo kamid ah qaarada Afrika.

Mushaarka ay kooxda siiso dagaalamayaasheeda ma badna, lacagaha ay qaadana qeyb waxaa loo adeegsada dagaalada iyo is-qarxinta, qeybna madaxda Al-Shabaab ayaa maal-gashiyo shaqsi ah u adeegsada iyaga oo isticmaalaya gacan saddexaad oo aan laga shakisneyn ayey sheegeen warbixinadii hore ee laga qoray Al-Shabaab.

Arrintan ayaa hadda dhabowday markii la dul tagay dhulkii ay shan iyo toban sanno xukumayeen. Qaar madaxda Al-Shabaab kamid ah hadda waa milyaneero.

Waxyaabaha ay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya hadda baareyso waxaa kamid ah dadka lacagaha ugu shaqeeya Al-Shabaab.

Dhulka Al-Shabaab laga saaray waxaa laga diiday manhajka waxbarashada dalka, waxaana lagu badalay manhaj Al-Shabaab oo soo saaraya rag iyo dumar u tababaran is-qarxin iyo gaaleysiin.

Iskuuladii nidaamiga ahaa ayaa ku burburay dhulkii ay haysatay Al-Shabaab ee gobolada dhexe, taasi oo si weyn u lumisay nolosha jiilkii deegaanadaas ku dhaqna.

Dhulkii ay Shabaab ka talinayeen ee Gobollada Dhexe ma haysan Isbitaalo, dadka inay aadan Xamar, Beledweyne, Dhuusamareeb ama Gaalkacyo ayey ku qasbanaayeen markay xanuusadaan.

Shacabka ay lacagaha baada ah kooxda ka qaadeyso, ma aanay awoodin inay kooxda weydiiyaan waxa lagu qabto lacagaha laga qaado mar haddii aysan heli karin wax adeeg bulsho ah.

Kooxdu garoomo ma dhisin, waddooyin ma sameyn, hal aragti oo shaqo abuur ah kuma siyaadin dhulkii ay haysteen, mana jiraan wax horumar ah oo ku siyaaday deegaanada hadda laga saaray.

Taas badalkeeda Al-Shabaab waxay deegaanadaasi ka faa’iideysay dhaqaalo iyo inay maskax badalaan caruurta kadibna ay ku qanciyaan dagaal iyo is-qarxin.

Inkasta oo Al-Shabaab dhibaato guud ku hayso bulshada Soomaaliyeed, haddana waxaa hadda banaanka timid in aanay hayn fikrad iyo hal abuur maamul oo waxyar ku siyaadin kara nolosha bulshada Soomaaliyeed.

Dadka kasoo jeeda dhulkii ay Al-Shabaab xooga ku haysteen shan iyo tobankii sanno ee lasoo dhaafay waxay maanta dareensan-yihiin in horumar ahaan ka dambeeyaan Soomaalida kale ee deegaanadooda u diiday Al-Shabaab.

Shan iyo toban sano oo dib u dhac ah, fursada qura ee maanta furan waa in dalka la dhaafiyo Al-Shabaab, si ay ganacsatada, qurbo-joogta, dowladda iyo hay’addaha caalamiga ah ugu fududaato in mashaariic horumarineed laga bilaabo deeganadaas dib u dhaca u weyn kala kulmay Al-Shabaab.

ATMIS hands over control of key military base in Mogadishu to Somali government

Mogadishu (Caasimada Online) – The African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) officially transferred control of the Maslah Forward Operating Base to the Federal Government of Somalia. 

According to ATMIS statement, The transfer of control was carried out per the joint Concept of Operations and the Somali Transition Plan, which the Federal Government of Somalia developed, ATMIS, the United Nations, and development partners to guide the transition process. 

A land lease agreement was signed by the Special Representative of the Chairperson of the African Union Commission for Somalia and Head of ATMIS, Ambassador Mohamed El-Amine Souef, and Somali State Minister for Defence, Abdinur Daahir Fidow, during a ceremony held in the capital, Mogadishu.

The ATMIS Burundi contingent has already left the facility, and the Somali National Army subsequently took it over on January 15th. 

Ambassador Souef highlighted the crucial role the FOB played in securing the capital, Mogadishu, and facilitating the mission’s military operations.

He also mentioned that the FOB enabled troops to secure the significant supply route connecting Mogadishu and the hinterland, ensuring the safe and secure movement of goods and services, which is vital for the economic and social development of the country.

Somalia’s State Minister for Defence stated that the handover comes at a time when the Federal Government has intensified military operations against Al-Shabab in central and south Somalia. The United Nations Support Office in Somalia (UNSOS) Director Amadu Kamara praised the stakeholders for making the process successful despite numerous challenges.

The Acting ATMIS Force Commander, Brig. Gen. Peter Omola spoke about the history and significance of the FOB, noting that the facility has acted as a bulwark against terrorist attacks by Al-Shabab militants.

The commanders of the ATMIS Burundi contingent, Brig. Gen. Jean Claude Niyiburana thanked the local community in Maslah for their support over the years. He stated that his troops would continue playing a part in the stabilization process.

The Special Representative of the Chairperson of the African Union Commission announced that the mission is implementing a comprehensive plan that will address conservation issues and ensure respect for the environment in its activities. 

“Going forward, the mission will prioritize good environmental practices in all its military operations, focusing on using environmentally friendly technology to power its Forward Operating Bases,” said the envoy. 

KHASAARAHA ka dhashay dabkii Bakaaraha iyo wararkii ugu dambeeyay + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dabkii xooganaa ee xalay ka kacay gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, kaas oo geystay burbur iyo khasaare hantiyeed.

Dabka ayaa ka bilowday qaybta Maacuunta ee Suuqa Bakaaraha, wuxuuna kusii fiday goobo kale oo ganacsi, sida qaybta Dahablaha iyo qaybta Bacadlaha.

Sidoo kale waxaa ku basbeelay goobo badan oo ay ku yaaleen Harqaano iyo Dukaamo lagu iibiyo Dharka iyo Malabka, sida ay sheegeen qaar kamid ah ganacsatada.

Wararka ayaa sheegaya in dabka uu ka dhashay koronto ku jirtay mid kamid ah goobaha ganacsi ee suuqa, taas oo mar qura holacday, isla-markaana gubtay suuqa.

Mas’uuliyiinya Maamulka gobolka Banaadir oo goobta tegay ayaa ku guuleystay daminta dabkan, kadib markii ay adeegsadeen gaadiidka dab damiska, waxaana sidoo kale ka qayb qaatay dadaallada lagu damiyay dabkan qaar kamid ah shacabka Muqdisho oo suuqa tegay.

Guddoomiyaha maamulka degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir oo gudaha suuqa kula hadlay warbaahinta ayaa faahfaahiyay dabkaas iyo gurmadka ay sameeyeen.

“Suuqa Bakaare caawa dab ayaa ka kacay waa lagu guuleystay in la damiyo, welina howsha waa ay noo socotaa,” ayuu yii guddoomiyaha degmada Howlwadaag.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in uu jiro khasaare lixaadleh oo soo gaaray ganacsatada, balse waxa uu tilmaamay in dabkan uusan geysan wax khasaare nafeed ah.

“Waxaan ka hadli karnaa in aan weli nafi ku go’in, laakiin hanti waa ku baaba’day” ayuu markale yiri guddoomiyuhu.

Sidoo kale waxaa goobta ciidamada ammaanka oo uu horkacayey taliyaha qaybta Booliska Gobolka Banaadir, Macalin Mahdi oo sugayey amniga suuqa, si uusan boob u dhicin.

Gubashada Suuqa Bakaaraha ayaa marar badan soo laa laabatay, dowladduna ma baarto sababta keenta dabka sanad kasta ugu yaraan hal mar ka kaca suuqa Bakaaraha.

Turkey and Sweden tension escalates with burning of the Koran in Stockholm

0

Stockholm (Caasimada Online) – Tensions between Turkey and Sweden have escalated following a series of protests in the Swedish capital Stockholm on Saturday. 

The protests were against Turkey and Sweden’s bid to join NATO and included burning a copy of the Koran by an anti-immigrant politician from the far-right fringe. 

This act led to a strong condemnation from the Turkish Foreign Ministry, which stated that “permitting this anti-Islam act, which targets Muslims and insults our sacred values, under the guise of freedom of expression is completely unacceptable.” 

The ministry called on Sweden to take action against those responsible. It urged all nations to take concrete measures against Islamophobia.

Rasmus Paludan, the head of the Danish far-right political group Hard Line, set fire to a Koran. Paludan, who also holds Swedish citizenship, has previously staged similar protests where he burned the Muslim holy book. 

According to the permit he obtained from the police, his demonstration was targeted at Islam and the perceived influence of Turkish President Tayyip Erdogan on freedom of expression in Sweden.

The Swedish Foreign Minister, Tobias Billstrom, condemned the Islamophobic provocations and stated that while Sweden upholds freedom of expression, it does not mean that the government or himself personally endorses the views expressed.

The Koran burning led several Arab countries, including Saudi Arabia, Jordan, and Kuwait, to denounce the act. Saudi Arabia called for spreading the values of dialogue, tolerance, and coexistence and rejected hatred and extremism.

Sweden and Finland applied last year to join NATO following Russia’s invasion of Ukraine. However, all 30 member states must approve their bids. Turkey has stated that Sweden, in particular, must first take a more unambiguous stance against what it sees as terrorists, mainly Kurdish militants and a group it blames for a 2016 coup attempt.

In addition to the protest against Sweden’s bid to join NATO, a separate protest took place in the city supporting Kurds. A group of pro-Turkish supporters also held a demonstration outside the embassy. All of these gatherings were approved by the police with permits.

In Istanbul, a group of around 200 people set a Swedish flag on fire in front of the Swedish consulate to respond to the burning of the Koran. Turkey also announced that it had canceled a planned visit by the Swedish defense minister to Ankara, citing a lack of action to restrict the protests.

Turkish Defence Minister Hulusi Akar stated, “it is unacceptable not to make a move or react to these (protests). The necessary things needed to be done, and measures should have been taken.”

Source: Caasimada Online and News Agencies

Sawirro: ATMIS oo dowladda SOOMAALIYA ku wareejisay xero ku taalla MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah ciidamada howlgalka ATMIS ugala wareegtay xerada Maslax oo ku taalla degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir, taas oo ay muddo sanado ah daganaayeen ciidamada Burundi.

Munaasabad ballaaran oo ka dhacday gudaha Xerada Maslax ayaa waxaa lagula wareejiyay xeradan Wasaaradda Gaashaandhigga,  ayada oo uu la wareegay Wasiiru Dowlaha Wasaaraddaasi, Mudane Cabdinuur Daahir Fiidow.

Sidoo kale waxaa munaasabadda ku sugnaa, Madaxa howlgalka ATMIS, ahna Ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Maxamed Al-Amiin Souef oo isugu mas’uuliyadda xerada iyo maamulkeeda ku wareejiyay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Wasiir Fiidow oo faahfaahin ka bixiyay la wareegitaanka xeradan ayaa sheegay in haatan wixii ka dambeeya ay ku howlgali doonaan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xeradan oo ah mid ballaaran ay muhiimad gaar ah u leedahay dowladda, isla-markaana looga faa’iideysan doono qorshayaal kala duwan.

Cabdinuur ayaa sidoo kale xusay in tallaabadan ay qayb ka tahay qorshayaasha ay dowladda federaalka kula wareegeyso amniga guud ee dalka, isaga oo shaaca ka qaaday inay ku filan yihiin ciidamada Soomaaliyeed.

“Dowladda waxay uleedahay muhiimad weyn waxayna muujineysaaa guulahaa waa weyn ee ciidamada Soomaaliyeed ay gaareen, waxaana rajeyneynaa in ciidamadeena ay ku filnaadaan ammaanka guud ee dalka,” ayuu yiri Wasiir Cabdinuur Daahir Fiidow.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray in xeradaan looga faa’iideysan doono ciidamada cusub ee loo soo tababaray Soomaaliya, kuwaas oo kusoo laabanayo dalka si loo dajiyo xeradaasi.

“Waxaan uga faa’iideyseynaa qorshooyin badan dhowaan waxaa rajeyneynaa ciidamo badan oo naga maqan tababaro inay dalka kusoo laabtaan,” ayuu sii raaciyay.

Si kastaba, ATMIS ayaa qorshuhu yahay inay dalka isaga baxdo marka la gaaro bisha December ee sanadka soo socda ee 2024-ka, xilligaas oo ay faarujin doonaan guud ahaan Soomaaliya, si ay amniga ugu wareejiyaan ciidamada Xoogga dalka oo haatan u diyaar garoobayo mas’uuliyadda waddanka oo dhan.

Japan donates $3 million to drought-hit families in Somalia

Tokyo (Caasimada Online) – The Government of Japan has contributed significantly to the plight of refugees and displaced families in Somalia by providing USD 3,086,398 to the United Nations High Commissioner for Refugees (UNHCR) in Somalia. 

This is a crucial time for Somalia, as the country is currently facing the worst drought in recent history.

In 2022, almost 1.2 million people were displaced due to the ongoing drought. The recurring and prolonged droughts have devastated the livelihoods of many Somalis, leading to widespread displacement.

According to the UNHCR-led Protection and Return Monitoring Network, displaced families have identified livelihoods and shelter as some of their most pressing needs upon arrival. 

Magatte Guisse, the UNHCR Representative in Somalia, highlights the need for durable solutions in Somalia, including livelihoods and sustainable shelter, to build communities’ resilience and help them cope with the effects of climate change, insecurity, and other drivers of vulnerability.

The Japanese Government’s generous support will enable UNHCR to implement activities to improve protection and solutions for refugees, asylum-seekers, returnees, internally displaced persons (IDPs), and the vulnerable host community in Somalia. 

The organization will provide durable and transitional shelters to promote local integration and advance human security while enhancing the physical protection of families. Increasing access to livelihoods and income-generating activities will allow vulnerable families to meet their basic needs while decreasing the likelihood of resorting to harmful coping mechanisms.

The Government of Japan’s contribution to the Office of the United Nations High Commissioner for Refugees (UNHCR) in Somalia comes at a dire time for the country, as it is currently in the midst of its fifth consecutive failed rainy season. 

By mid-2023, it is estimated that over 8 million people—nearly half of the population—will live through food insecurity as Somalia faces an impending famine.

In Somalia, over 200,000 people face catastrophe levels of food insecurity, the most severe designation there is. People are starving to death each day and are in physical pain from hunger. 

Over the course of one year, there has been a 91% increase in the number of Somalis experiencing extreme levels of hunger. Due to the anticipation of poor rainfall continuing into 2023, even more individuals in Somalia will struggle to access enough food.

Many individuals will be forced to abandon their homes in search of aid in urban areas or neighboring countries such as Kenya and Ethiopia. By the end of 2022, there were already 3 million people displaced within Somalia, and 20,000 Somalis had fled to Kenya.

The Japanese Government’s contribution will provide much-needed support to those who are suffering the most in this crisis. 

The funds will be used to improve the protection and solutions for refugees, asylum seekers, returnees, internally displaced persons, and vulnerable host community in Somalia by providing shelter, promoting integration, enhancing physical protection and increasing access to livelihoods.

Golaha guud ee Qaramada Midoobe oo qaaday tallaabo Soomaaliya loogu ogolaaday…

0

New York (Caasimada Online) – Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa waxay markale go’aamiyeen in Soomaaliya ay weli leedahay xuquuqda cod-bixintooda, iyaga oo shaaciyay illaa lix dal oo lumiyey xuquuqda golaha.

Dowladda Soomaaliya ayaa sida la ogyahay weli aan bixin qaaraankii Qaramada Midoobay ee lagu lahaa labaddii sanno ee la soo dhaafay.

Go’aankan ayaa noqonaya midkii sanadkii labaad ee Soomaaliya iyo dalalka Comoros, Sao Tome and Principle laga caafiyo qarashka miisaaniyada sanadlaha ee Qaramada Midoobay.

Lix waddan ayaa lumiyey xuquuqdooda cod-bixinta Qaramada Midoobay, kadib markii ay bixin waayeen qaaraankii laga rabay, kuwaasi oo kala ah; Lubnaan, South Sudan, Gabon, Venezuela, Dominican Republic iyo Equatorial Guinea.

Dalka Lubnaan oo kamid ah dalalka lumiyey xuquuqdooda cod-bixinta QM ayaa waxa uu sheegay in uu bixin doono 1.8 million oo dollar, oo ah qaaraanka kaga soo aaday miisaaniyada howl-gelinta QM.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Lubnaan ayaa sheegtay in lacagtaas u bixineyso sidii ay dib ugu heli laheyd xuquuqda cod-bixintooda, taasi oo ay hadda lumisay, sida uu sheegay Golaha Guud ee QM.

Golaha Guud ee Qaramada Midoobay oo ay xubno ka yihiin 193 dal ayaa go’aamiya “go’aanka dalalka aan bixinin kharashka miisaaniyada lagu socodsiiyo howlaha QM.”

Dr. Baadiyow: Argagixisada waxay ka dhalatay tallaabo ay qaaday dowladdii militariga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dr. Cabdiraxmaan Cabdullahi Baadiyow oo ah La-taliyaha Arrimaha Dastuurka ee Madaxweynaha Soomaaliya ayaa markii u horeysay ka hadlay halka ay ka soo bilaabmeen kooxaha argagixisada ah ee sheegta inay udagaalamayaan magaca Diinta Islaamka.

Dr. Baadiyow ayaa waxa uu sheegay in “fikirka xagjirka” ee gudaha dalka uu soo billowday 48 sanno kahor, taasi oo ay horseed u aheyd qalad ay ku kacday dowladdii millateriga aheyd ee uu horkacayay madaxweyne Maxamed Siyaad Bare.

“48 sanno ka hor, 23 Janaayo 1975-kii waa maalin murugo leh oo dowladii kacaanku dishay 10 Sheekh, xabsiyadana dhigtay boqolaal. Culumadu waxay ka horyimaadeen xeerka qoyska oo Islaamka ka soo horjeeday. Ilaaheey ha u naxariisto dhamaan.”

Waxa uu tilmaamay in masuuliyada fikirka xagjirka ah ee Soomaaliya gudaheeda loogu dilay kumanaanka ruux ay masuul ka tahay dowladdii millateriga oo ayadda ka dhasheen ficiladeeda kooxaha ay kamidka tahay Al-Shabaab.

“Diinta Islaamka oo dowladii millateriga ay suurad xumaysay ayey ka dilaaceen (Shabaab iyo kooxaha xagjirka) ee haatan Diinta sida qaldan dadka ugu laynaya,” ayuu yiri.

“Taariikh ahaan Khawaariijta sida qaldan Diinta u fasirta waxay soo bilaawdeen xiligaas, oo Diinta Islaamka ay ku xad-gudbeen xubnihii hogaamin jiray dowladii kacaanka. Marnaba masoo boodin kooxdaan (Shabaab) balse xiligaas ayey abuurmeen.”

Dhinaca kale, waxa uu tilmaamay in wax laga xumaado ay tahay culimadii ficilka noocaas ah lagula kacay xilligaan aan loo sameyn wax xushmad iyo xasuus ah, taasioo ay mudnaayeen sida uu sheegay.

“Masaajidkii ugu waynaa Soomaaliya ee Cabdulqaadir ee ku yaalla Xamarwayne oo ay dhaheen culumada xeerkan Qoyska Diinta ma waafaqsano ee halaga laabto wixii ka dhacay waala ogaa in culumadii la-laayay, oo masaajidka laga watay aysana jirin xiligaan wax xushmad iyo xusuus loo sameeyo, waa wax laga xumaado.”

“Culumadaas waxay ka caroodeen markii la yiri raga iyo dumarka dhaxalka waa u siman yihiin, oo uu ka yiri Stadium Konis, kadibna Culumo ay dhaheen war saan maahan Diinta Islaamka oo ay nabad-sugida u dhacday kadibna la geeyay Iskuul-Buluusiya oo dadka daawanaya la-laayay Culumada, oo aysan jirin dad ka hadlay oo yiri sidaan Xaq maahan.”

Ugu dambeyntiina waxa uu ku baaqay in culumada dowladdii millateri ay xasuuqday lagu xuso khudbadaha Jimcaha iyo Telefishanada, lana joogteeyo xuska maalinta difaaca Qur’aanka iyo shareecada Islaamka.

Al-Shabaab oo weerar ku billowday qaraxyo ku qaaday xarunta gobolka Banaadir

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya illaa saddex qarax oo goordhow lagu weeraray xarunta maamulka maamulka gobolka Banaadir oo ku taalla degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa koowaad lagu dhuftay dhabarka dambe ee xarunta dowladda hoose ee Xamar, waxaana kadib xigay dagaal toos ah oo ay xarunta ku galeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Labo qarax ayaa sidoo kale laga maqlay inta u dhaxeysa darunta dowladda hoose iyo Muqdisho Mall, halkaas oo ay ka socoto is rasaaseyn xoogan.

Jugta qaraxydan ayaa si weyn looga maqlay xaafadaha Muqdisho, waxaana haatan socdo gurmad loo fidinayo dadka ay waxyeelada soo gaartay.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa goobta gaaray, kuwaas oo la dagaalamaya ragga weerarla ku galay xarunta gobolka Banaadir.

Xaaladda ayaa haatan mid aad u kacsan, waxaana jiro dhimasho iyo dhaawac ka dhashay weerarkan loo adeegsaday qaraxyada.

Xarunta gobolka Banaadir oo halka uu ku shaqeeyo duqa Muqdisho ayaa aheyd mid mashquul ah, waxaana xilliga uu weerarka bilaabanayey ka socday howlo shaqo.

Weerarkan ayaa ku soo aaday, xilli maalmihii u dambeeyay ay Al-Shabaab culeyska soo saartay Muqdisho, kadib howlgallada ka billowday gobollada dalka, waxaan weerarkii u dambeeyay oo toos ahaa ay ku qaaday Villa Rays o ku yaalla agagaarka madaxtooyada.

Sawirro: Qeybtii ugu muhiimsaneyd Suuqa Bakaaraha oo caawa gubaneysa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dab xoog leh ayaa goordhow qabsaday suuqa weyn ee Bakaaraha, gaar ahaan qeybta Dahablaha, waxaana socda gurmad xooggan oo lagu daminayo dabka, si loo badbaadiyo hantida taalla suuqa.

Gaadiidka dab-demiska ee dowladda hoose iyo kuwa shirkadaha gaarka loo leeyahay ayaa deg deg u gaaray suuqa, si loo baqtiiyo dabka.

Taliyaha qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir Macalin Mahdi iyo masuuliyiin kale ayaa la sheegay inay deg deg u tageen suuqa.

Goobjoogayaal ayaa Caasimada Online u sheegay in rajo badan laga qabo in dabka la xakameeyo, oo aad uusan ugu faafin suuqa qeybihiisa kale.

Suuqa Bakaaraha ayaa marar badan sidaan oo kale u gubtay, wuxuuna dabkaan ugu yaraan sanadkiiba hal mar suuqaas ka geystaa khasaare hinti oo aad u badan.

Weli lama ogaan sababta dhalisay dabkaan, laakiin waxaa la xaqiijiyey in qeybta gubaneysa ay tahay qeybta Dahabka lagu iibiyo.

Gubashada soo noqnoqotay ee suuqa Bakaaraha ma jirto cid ogaatay ilaa hadda sababta ka dambeysa.

Dowladdu ma baarto sababta keenta dabkaan sanad kasta ugu yaraan hal mar ka kaca suuqaan weyn ee Bakaaraha, sidoo kale ganacsatada suuqa ayaa lagu eedeeyaa in taxadarkooda uu aad u hooseeyo.

Hoos ka eeg sawirrada suuqa oo gubanaya

Daawo: Macallin Mahdi oo war kasoo saaray dhacdadii maanta ee Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir G/Sare Macalin Mahdi ayaa warbaahinta u sheegay in askar loo soo xiray dilkii saakay wiilka Bajaaj-ta waday loogu geystay degmada Howlwadaag.

Macalin Mahdi ayaa sheegay in geeridii wiilkaas kadib ay saakay deg deg u soo gaareen goobta oo la xiray dhamaan ciidankii joogay aaggaas, isla markaana lagu bilaabay baaritaan.

“Si cadaaladda looga gun-gaaro, waxaan ku dadaaleynaa in dambihii wiilkaas dilka u geystay aan banaanka soo dhigno waqti dhow,” ayuu yiri Taliye Macalin Mahdi.

Taliyaha ayaa digniin adag u diray ciidamada ka howlgala gobolka Banaadir, isagoo carrabka ku adkeeyey in qofkii dil geysta aan looga hari doonin oo cadaaladda uu dhedhemi doono isna.

“Kuwii horay dilalka u geystay waan ku raad joognaa, kama hari doono, muwaadin in la dilo waa dhamaatay, adduunka meeshii aad ka tagto waan ku soo qaba doonaa hadii aad dadka disho,” ayuu ciidanka ugu goodiyey Taliye Macalin Mahdi.

Wuxuu intaas ku sii daraya, “Dadkaan reer Muqdisho waxaa dil ku dhameysay Al-Shabaab, ciidankii amnigooda ilaali lahaa inay dilaan kama yeeli doono, kas ama kama’ mid aad ku baxsa doonto ma jirto askariyow ee dadka ha isku dilin.”

Taliyaha ayaa sheegay in maanta uu la kulmay Hooyadii iyo Aabihii dhalay wiilkii maanta lagu dilay Howlwadaag, isla markaana uu u tacsiyeynayo mar labaad geerida wiilkooda.

“Shacabka Soomaaliyeedow ku dega, waa xiran yihiin raggii dilkaas geystay, waana soo bandhigi doonaa, baaritaan ayaa ku socda askarta oo waa la kala saarayaa,” ayuu yiri Taliyaha ciidanka booliska gobolka Banaadir.

Taliyaha ayaa ka digay banaanbax dambe oo rabshado wata, hadii ay dhacaan falal lamid ah kii maanta, isagoo si gaar ah ugu digay darawalada mooto Bajaaj-ta.

“Qof kasta oo banaanbax been ah ku qariba badqabka umadda kale, sharciga ayaan la tiigsa doonaa, idinkama yeeleyno in qalad-qalad lagu saxo, anagaa u taagan in dambiile kasta aan soo qabano ee joojiya dhibaatooyinka kale oo aad sii geysaneysaan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Taliye Macalin Mahdi.

Darawallada mooto Bajaaj-ta ka shaqeysa gudaha Muqdisho dad u badan ayaa saakay banaan-bax xoog leh oo rabshado wara waxay ka dhigeen inta u dhaxeysa isgoysyada Howlwadaag iyo Bakaaraha, kadib markii darawal Mooto Bajaaj lagu dilay isgoyska Howlwadaag.

Hoos ka daawo

Wararkii ugu dambeeyey kulamada Xasan Sheekh uu ka wado Baydhaba + Sawirro

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmauud oo kulammo wadatashi ah kula qaatay magaalada Baydhaba odayaasha dhaqanka Koonfur-galbeed ayaa ka dalbaday in ay dardar-geliyaan kaalinta ay ku leeyihiin nabadeynta iyo xaqiijinta Koonfur-galbeed heshiis ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in odayaasha dhaqanku ay aas-aas u yihiin arrimaha dib u heshiisiinta, kaalin muhiim ahna ay ka soo qaateen samata-bixinta dalka.

Madaxweynaha ayaa odayaasha ku adkeeyey in haatan looga fadhiyo dhameystirka dadaallaada nabadeynta iyo sidii ay u horseedi lahaayeen horumarka iyo wax wada qabsiga reer K/Galbeed.

Dhankooda, odayaasha dhaqanka uu la kulmay Madaxweynuhu ayaa la wadaagay talooyinkooda ku saabsan hannaanka dib u heshiisiinta iyo sida ay doonayaan in loo xaliyo wixii mushkilad ah ee K/Galbeed ka jira.

Sidoo kale odayaasha ayaa madaxweynaha kala hadlay qorshaha uga degan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, xasilinta deegaanadooda iyo horumarinta deegaanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo maalinkii 6-aad ku sugan magaalada Baydhaba ayaa wada dadaallo iyo wadatashiyo ku saabsan dardargelinta hawlaha dib u heshiisiinta iyo nabadeynta oo saldhig u ah qorshaha socdaalkiisa Baydhaba.

Kulanka waxaa ka qayb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur iyo Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur-galbeed  Cabdi Casiis Xasan Maxamed.

Shirkii uu madaxweynuhu ka furay Baydhaba ayaa weli socda, waxaana la doonayaa inay ku heshiiyaan siyaasiyiinta reer K/Galbeed, iyadoo lagu wado in maalmaha soo socda war-saxaafadeed laga soo saaro.

R/Wasaare XAMZA oo war kasoo saaray guul ay maanta gaareen ciidanka dowladda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa ka hadlay xoreynta deegaanka Janaay Cabdalle oo maanta ay la wareegeen ciidanka dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu hambalyeeyay ciidammada qalabka qalabka sida ee dowladda Soomaaliya oo deegaan kale oo muhiim ah ka xoreeyay Khawaarijta ragaadisay horumarka dalka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.

“Dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeduba waxay Alle uga mahad-celinayaan guulaha is xig-xiga ee uu ku galladay iyo jabka ay gaarsiiyeen cadowga ummadda ee Khawaarijta,” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in deegaankan ay maanta ciidamada kala wareegeen Al-Shabaab uu yahay “marin muhiim ah oo isku xira deegaano badan oo ka tirsan Jubbaland.”

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa sidoo kale waxa uu soo sheegay in gulufka dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab uu socon doono illaa kooxda laga cirib-tirayo guud ahaan dalka.

“Halganka looga xoreynaayo dhammaan deegaannada fara-kutiriska ah ee ay Khawaarijtu ku suganyihiin wuu socon donaa ilaa aan dadkeenna iyo dalkeenaba aan ka dulqaadno heeryada cadowga.”

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Halganku wuu soconaya meel walbana waan ugu tagaynaa cadowga si aan dadkeena iyo dalkeenaba uga xoreyno Insha Allah.”

Ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa Xoogga oo kaashanaya ciidamada ammaanka Jubbaland ayaa maanta Al-Shabaab kala wareegay deegaanka Janaay Cabdalle, oo 60KM dhanka Galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Howl-galada dagaal ee ka dhanka Al-Shabaab ayaa si weyn ugu sii fidaya dalka, ayada oo tan iyo markii ay billowdeen kooxda lagu gaarsiiyay jab xoogan, islamarkaana laga qabsaday deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda.

Sawirro: Xubno Shabaab ah oo ay ku jiraan horjoogeyaal oo lagu qabtay Ceeldheer

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa maanta degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ku soo bandhigay seddax nin oo la sheegay inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab oo dhawaan degmadaas laga xoreeyey.

Sida ay noo xaqiijiyeen saraakiisha hoggaamineysay howlgalka, ragga lasoo qabtay waxaa ku jira horjoogayaal, waxaana magacyadooda lagu kala sheegay:

1- Cabdirashiid Macalin Cali (Durdurshe), 2- Cabdi Gaanyaco, 3- Iyo Mascuud Cali Lugey.

Wasiiru-dowlaha wasaaradda amniga Galmudug Cabdullaahi Calasow oo faahfaahin ka bixiyey howlgallo miino baaris ah oo ciidanka xoogga dalka ay ka sameeyeen degmada Ceeldheer ayaa sheegay inay si nabad ah u soo saareen 8-miino.

“Maanta ilaa maalintii aan magaaladaan cadowga ka xoreynay waxaan ka wadnay baaritaan, waxaan ka soo saarnay 8 qarax oo nooca miinada ah,” ayuu yiri Wasiiru-dowlaha wasaaradda amniga Galmudug.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay inay soo kormeereen qoysaskii ka barakacay magaalada, isla markaana ay ku war-geliyeen inay idb ugu soo laabtaan guryahooda, maadaama magaalada laga nadiifiyey qaraxyadii.

“Dadka ka soo jeeda degmadaan Ceeldheer waxaan ugu baaqayaa inay u soo gurmadaan dadkooda oo mudo dheer ay dhibaateyneysay Khawaarijta Al-Shabaab,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Wasiiru-dowlaha wasaaradda amniga Galmudug ayaa madaxweynaha Galmudug ka codsaday in shacabka magaalada Ceeldheer ay soo gaarto gacanta Galmudug ay uga baahan yihiin, maadaama magaalada laga saaray Shabaab-kii heystay sanadaha badan.

Mareykanka oo u aarguday taliye Tuure oo ka mid ahaa saraakiisha uu tababaray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa war kasoo saaray weerarkii shalay ay Al-Shabaab ka geysatay degmada Galcad ee gobolka Galgaduud, kaasi oo ay ku dhinteen taliye ku-xigeenka ciidanka gaarka u tababaran ee DANAB Xasan Tuure iyo  6 askari oo kale.

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay kadib weerarka Shabaab inay qaadeen weerar is-difaac ah oo wada-jir ah, islamarkaana ay duqeyn ku dileen 30 kamid ah dagaalamayaasha kooxda, sida uu sheegay.

AFRICOM ayaa qoraalkeeda ku xustay in dagaalamayaasha Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday shalay ay tiradoodu gaareysay illaa 100 dagaalame.

“Falalka is-biirsaday ee ay qaadeen ciidamada huwanta ah iyo duqeynta is-difaac ah ayaa lagu qiyaasay in ay ka dhasheen burburka saddex baabuur iyo dhimashada ku dhawaad soddon ka tirsan argagixisada Al-Shabaab.”

Taliska Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in howl-galkan uu fuliyay uusan jirin dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama ku dhintay, marka la eego goobta uu dagaalku ka dhacay oo fog.

“Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa qaaday tallaabooyin waaweyn oo looga hortagayo in dad rayid ah ay waxyeelo soo gaarto. Ilaalinta rayidka ayaa weli ah qayb muhiim ah oo ka mid ah hawlgallada taliska si uu u horumariyo ammaanka Afrikaanka oo dhan.”

“Soomaaliya waxay weli udub dhexaad u tahay xasilloonida iyo amniga dhammaan Bariga Afrika. Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa sii wadi doona tababarada, la-talinta iyo qalabeynta ciidamada saaxiibada ah si ay gacan uga geystaan sidii loo siin lahaa agabka ay u baahan yihiin si ay uga adkaadaan Al-Shabaab, oo ah shabakadda Al-Qaacida ugu weyn uguna dhimashada badan.”

Warka kasoo baxay Mareykanka ayaa imanaya xilli ay dowladda federaalka ay shalay shaacisay in weerarkii Galcad ku naf waayeen in ka badan 100 maleeshiyada ka tirsan Al-Shabaab.

“In ka badan 100 maleeshiyaad ka tirsan kooxda Khawaarijta ayaa la dilay kadib markii ay weerar ku soo qaadeen saldhig ay leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku yaalla Magaalada Galcad ee Gobalka Galguduud halkaas oo ka mid ah goobihii dhawaan laga xoreeyay Khawaarijta,” ayaa lagu yiri qoraal xaqiijin ah oo shalay kasoo baxay wasaaradda warfaafinta.

Dowladda federaalka ayaa dhankeeda qirtay in weerarka Shabaab ay ku dhinteen 7 askari, oo uu ku jiro taliye ku-xigeenkii DANAB, Xasan Maxamed Cismaan (Xasan Tuure).

Weerarkii ay shalay Al-Shabaab ku qaadeen Galcad wuxuu noqday midka DANAB uga khasaare badan dagaaladii ay Al-Shabaab uga xoreysay HirShabelle iyo qeybo ka mid ah Galmudug.

Intii ay dhisnaayeen ciidanka DANAB ma dhicin weerar sidaan oo kale loogu soo qaaday oo looga dilo 7 askari, waxaa arrinta sii murjisay markii ciidanka la dilay uu ka mid noqday Taliyahoodii.

Ciidanka DANAB oo heysta tababar sare, waxaa kaalmeysa oo howlgallada kala qeyb gala diyaaradaha dagaalka, kuwaasi oo meel kore ka arka, awoodna u leh inay ka duqeeyaan Shabaab-ka.

US airstrike kills 30 Al-Shabab militants in Somalia

0

Mogadishu (Caasimada Online) – United States Africa Command (AFRICOM) announced Friday that it had conducted a collective self-defense strike supporting the Somali National Army (SNA) engagements against al-Shabab.

The strike took place approximately 260 km northeast of Mogadishu near Galcad, Somalia, where SNA forces were engaged in heavy fighting following a complex, extended, and intense attack by more than 100 al-Shabab fighters.

According to AFRICOM, the combined actions by partner forces on the ground and the collective self-defense strike is estimated to have resulted in three destroyed vehicles and approximately thirty al-Shabab terrorists killed.

The command also stated that given the remote location of the fighting, it assessed that no civilians were injured or killed.

The U.S. is one of several countries supporting the Federal Government of Somalia’s ongoing campaign to disrupt, degrade, and defeat terrorist groups.

The U.S. Africa Command is the defense arm of the U.S. whole-of-government approach with African partners, which includes diplomacy, development, and defense.

“Somalia remains central to stability and security in all of East Africa. U.S. Africa Command’s forces will continue training, advising, and equipping partner forces to help give them the tools they need to defeat al-Shabab, the largest and most deadly al-Qaeda network in the world,” the statement read.

Somali National Army announced a decisive victory on Friday, as they successfully repelled an attack on a military base in Galcad, a town in the central Somalia region.

According to a government statement, the SNA forces effectively neutralized a substantial number of al-Shabab militants, with an estimated 100 extremists being eliminated during the confrontation.

The SNA also suffered casualties, with seven soldiers losing their lives in the early morning attack. Among the dead was a senior US-trained Somali national army commando Hassan Ture.

Al-Shabab, fighting to overthrow the internationally backed government, claimed responsibility for the attack, stating that their fighters killed 159 government forces. However, it is not uncommon for the al-Qaida-affiliated group to inflate casualty figures during battles with government security forces.

The U.S. Africa Command says it will continue to assess the results of this operation and will provide additional information as appropriate. Specific details about the units and assets used will not be released to ensure operations security.

DF oo baaritaan ku billowday shaqsiyaad lacagaha ugu shaqeeya madaxda Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa billowday baaris la xiriirta dadka lacagaha ugu shaqeeya madaxda kooxda Al-Shabaab, xili ay muddooyinkii dambe waday dagaal dhaqaale oo ka dhan ah kooxda.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, dowladda federaalka ayaa ku baraarugsan tan iyo markii la xoreeyay degmooyinka ay sanadaha badan haysteen Al-Shabaab in madaxda Shabaab ay lacagaha baada ah ee ka qaadan bulshada u adeegsato maal-gashiyo iyo ganacsiyo gaar ah, kuwaasi oo u fuliyaan shaqsiyaad ku sugan gudaha dalka iyo dibedda.

Kal hore baaris caalami ah ayaa lagu sheegay in lacagaha ay Al-Shabaab sanadkii ka aruursato meelaha ay ka taliso iyo meelaha ay dhuumashada ku joogto inay ka badan tahay canshuurta gudaha kasoo gasha dowladda dhexe.

Lacagahaas laguma celin deegaanadii laga qaaday, waxaana shan iyo toban sanno kadib la dul tagay dhulkii ay Al-Shabaab haysteen oo wax horumar ah lagu siyaadin.

Arrintan ayaa banaanka keentay warkii sheegayay in madaxda Al-Shabaab ay lacagaha u adeegsadaan maal-galino shaqsi ah oo ay jiraan dad lacagaha ugu shaqeeya oo jooga Soomaaliya iyo dalal kale oo kamid ah qaarada Afrika.

Lacagaha ay qaado kooxda qeyb waxaa loo adeegsada dagaalada iyo is-qarxinta, qeybna madaxda Al-Shabaab ayaa maal-gashiyo shaqsi ah u adeegsada iyaga oo isticmaalaya gacan saddexaad oo aan laga shikisaneyn ayey sheegeen warbixinadii hore ee laga qoray Al-Shabaab.

Arrintan ayaa hadda dhabowday markii la dul tagay dhulkii ay shan iyo toban sanno xukumayeen. Qaar madaxda Al-Shabaab kamid ah hadda waa milyaneero.

Dowladda federaalka Soomaaliya oo ka go’an tahay ciribtirka Al-Shabaab ayaa fahamsan in haddii kooxda dhaqaale ahaan loo wiiqo lagu soo afjari karo muddo kooban.

Dowladda oo hore ugu guuleysatay inay si weyn u curyaamisay lacagihii baada ahaa ee kooxda ka heli jirtay gudaha caasimada, ayaa waxaa xiligan adag in ganacsatada si bareer ah ugu dhiiradaan inay lacag siiyaan Al-Shabaab.

Arrintaas oo la rumeysan yahay inay aheyd wajiga koowaad ee dagaalka dhaqaale ee Shabaab ayaa hadda waxaa billowday wajiga labaad ee dagaalkaasi, kaasi oo lagu baarayo shaqsiyaadka lacagaha baada ah ugu shaqeeya Shabaab, kuwaasi oo baariso hore sheegayaan inay ku sugan yihiin caasimada iyo dalalka deriska.

Al-Shabaab oo dhaqaale ahaan loo wiiqo waxay soo dadajinaysa jabkooda iyo ka ciribtirka dhulka Soomaaliyeed ee mudada badan dhiiga ka daadinayeen, waxaana la rumeysan yahay in dagaalka dhaqaale uu yahay midka ugu awooda badan ee kooxda si dhab ah u jabinaya.

Si kastaba, tan iyo markii uu billowday dagaalka noocyada badan leh ee ka dhanka ah Al-Shabaab waxaa jab xoogan lagu gaarsiiyay kooxda, ayada oo laga saaray deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacanta kooxda.