28 C
Mogadishu
Monday, May 11, 2026

Macallin Mahdi oo farriin culus soo saaray kadib weerarkii xarunta gobolka Banaadir

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha qaybta guud ee Booliska gobolka Banaadir, Gaashaanle sare ahdi Cumar Muumin oo loo yaqaano (Macallin Mahdi) ayaa farriin culus soo saaray kadib weerarkii xarunta gobolka Banaadir iyo gubashadii Suuqa Bakaaraha.

Macallin Mahadi ayaa marka hore uga mahadceliyay hay’adaha ammaanka sidii ay uga qayb-qaateen daminta dabkii habeen hore ka kacay Suuqa weyn ee Bakaraha.

Sidoo kale wuxuu uga mahadnaqay ciidamada ammaanka, sidii ay u soo afjareen weerarkaas oo saacado qaatay, laguna beegsaday xarunta dowladda hoosee ee Xamar.

Taliyaha ayaa si gaar ah u amaanay ciidamada Haramcad oo sameeyay howlgalka lagula dagaalamay xubnaha weeraray xarunta gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu ka tacsiyeeyay geerida Liibaan Maxamed Maxamuud oo ahaa sarkaal xigeen ku dhintay weerarkaas, isaga oo ku dhaawac ah u rajeeyay caafimaad deg deg ah.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka oo dhameystiran:-

Fariin ka timid Taliyaha qeybta guud ee Boliiska Gobolka Banaadir G/Sare Mahdi Cumar Muumin.

Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan hay’adaha amiga dalka iyo maamulka Gobolka Banaadir sidii ay uga qeyb qaateen damintii dabkii ka kacay suuqa wayn ee Bakaaraha iyo sida ay usoo afjareen weerarkii kooxda Khawaarijta ah ee Alshabaab ku qaadeen xarunta gobolka Banaadir.

Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad oo si wayn uga qeyb qaatay sidii loo soo afjari lahaa kooxdii weerarka kusoo qaaday xarunta gobolka Banaadir, waxaana uga tacsiyaynayaa dhammaan ciidanka, ehelka iyo asxaabta Sargaal xigeenkii ku shahiiday intii uu socday howlgalkaas oo lagu magacaabayay Liibaan Maxamed Maxamuud, waxaana alla caafimaad u waydiinayaa dhammaan saraakiishii iyo askartii ku dhawaacantay intii uu socday howlgalkaas.

Sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa Saraakiishii iyo askartii ka tirsnayd Taliska qeybta Guud ee Boliiska G/Banaadir, Ciidanka hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka oo iyana qeyb ka ahaa howgalkaas iyo dhammaan madaxda maamulka Gobolka Banaadir.

Waxaan shacabka Soomaaliyeed ka codsanayaa in ay la shaqeeyaan hay’adaha amniga ayna soo gudbiyaan garanwaaga ama wixii ay u arkaan in ay lid ku yihiin amniga Gobolka Banaadir.

Taliska qeybta guud ee Boliiska Gobolka Banaadir wuxuu mar walba u taagan yahay sidii amni buuxa ay u heli lahaayeen shacabka ku nool Muqdisho.

DF Soomaaliya oo si kulul u cambaareysay Sweden kadib markii ay ogolaatay in…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa caddeysay mowqifkeeda ku aadan falkii ka dhacay dalka Sweden, kadib markii uu nin xag jir ah kitaabka Qur’aanka Kariimka ku hor gubay dhismaha safaaradda Turkiga ee ku taalla  magaalada Stockholm, kaas oo dhacay Sabtidii oo ay ku beegneyd 21-kii January ee 2023.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa si kulul loogu cambaareeyay falkaas oo ay sidoo kale ogolaadeen mas’uuliyiinta Sweden.

Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa shaaca ka qaaday in falkan uu yahay mid loogu xad gudubay xurmada diinta, sidoo kale uu kicinayo dareenka muslimiinta caalamka oo dhan.

“In la ogolaado falkan naceybka ah ee lagu aflagaadeynayo karaamada iyo qiyamka Islaamka waa wax aan gabi ahaanba la aqbali karin. Wax kale maaha ee waa dhaqan kor u qaadaya nacaybka iyo cunsuriyadda oo u adeega ajendayaasha xagjirnimada iyo argagixisada” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Sidoo kaledowladda federaalka ah ayaa ku baaqday in la ixtiraamo astaamaha diinta, lagana fogaado. hurinta nacaybka iyo colaadaha, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka.

Ugu dambeyn dowladda federaalka ayaa ka dalbatay dhammaan dalalka kale ee caalamka in ay qaataan mas’uuliyadda ka saaran ka hortagga Islaam nacaybka.

Halkan hoose ka aqriso:-

WARSAXAAFADEED

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, waxay kulul u cambaareysaaa falkii ay mas’uuliyiinta Sweden u ogolaadeen nin xag jir ah inuu ku gubo Safaaradda Jamhuuriyadda Turkiga ee magaalada Stockholm horteeda kitaabka Qur’aanka Kariimka ah Sabtidii (January 21), taasoo ka dhigan mid cad. ku xad gudubka xurmada diinta iyo kicinta dareenka muslimiinta caalamka oo dhan.

In la ogolaado falkan naceybka ah ee lagu aflagaadeynayo karaamada iyo qiyamka Islaamka waa wax aan gabi ahaanba la aqbali karin. Wax kale maaha ee waa dhaqan kor u qaadaya nacaybka iyo cunsuriyadda oo u adeega ajendayaasha xagjirnimada iyo argagixisada.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxay cadeyneysaa mowqifka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku baaqaya muhiimadda ay leedahay faafinta qiyamka wada-tashiga, dulqaadka iyo wada noolaanshaha iyo diidmada nacaybka iyo colaadaha, waxayna dib u cusbooneysiineysaa muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo astaamaha diinta, lagana fogaado. hurinta nacaybka iyo hurinta colaadaha iyada oo la adeegsanayo xadgudubka iyo qalloocinta diimaha, xurmada iyo caadooyinka Islaamka.

 

Soomaaliya waxay ugu baaqday Sweden inay qaado tallaabooyin adag oo ka dhan ah nacaybka sii kordhaya ee ka dhanka ah Muslimiinta, waxayna ku boorisay dhammaan jileyaasha beesha caalamka inay qaataan mas’uuliyadda ka saaran ka hortagga Islaam nacaybka.

Daawo: Maxaa kala qabsaday Cali Jayte iyo gabadhii ugu yeertay murtadka?

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Mudane Cali Jayte Cismaan oo ka hadlayey arrimo la xiriira dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab iyo howlgallada xoreynta ee ka socdo dalka ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah.

Ugu horreyn Cali Jayte Cismaan ayaa ka sheekeeyay sheeko dhex-martay isaga iyo gabar yar oo shaah ku iibineysay deegaan laga saaray Al-Shabaab, kadib booqasho uu ku tegay.

Guddoomiyaha ayaa shaaca ka qaaday in ay gabadha yar ay ka dalbadeen inay siiso shaah, balse ay wacday hooyadeed, kadibna ay weydiisay inay shaah ka iibsan karto iyo in kale, ayada oo ku sheegtay ‘inay Murtadiin yihiin’ sida uu shaaca ka qaaday Cali Jayte Cismaan.

“Gabay yar oo aan is leeyahay ma 13 jirbaa qiyaasta ayaan ku iri adeer shaah naga iibi taleefoon yar inay lasoo baxday ayey hooyadeed wacday markaasee tiri hooyo Murtadiintiiba ileh shaah naga iibsee ee ma ka iibsan karaan?” ayuu yiri guddoomiye Jayte.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in gabadhaaas yar waxa ay sameysay ay tahay arrin lagu soo barbaariyey, maadaama ay ku nooleyd dhul ay ka talinayeen Al-Shabaab.

“Hadda waa isla quman tahay ee ogow ayada haddii ay is leedahay qofbaa xumeyneysaa way naga yara fogaan laheyd macnaha waxa ay ku soo kortay ayaa noocaas ah,” ayuu yiri.

Jayte oo hadalkiisa sii wata ayaa ku baaqay in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee haatan ka socdo dalka, si loo xoreeyo deegaanada weli harsan.

“Soomaaliya waa inay cadowgeeda u midowdo, qoray ma heysatid, gaadii ma heysatid maxaa qabanee ha is dhihin adiga diyaar soo noqo oo halagu helo,” ayuu sii raaciyay.

Hiiraan ayaa kamid ah meelaha sida weyn Al-Shabaab loogula dagaalamay, waxaana horkacayey guddoomiye Cali Jayte oo kaashanaya ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka, waxaana Al-Shabaab looga saaray dhul ballaaran oo ku yaalla gobolkaasi.

Cosoble: Kooxda FARMAAJO wax ayey ka ogeyd xasuuqa Shabaab ee dadka Hawiye

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore HirShabelle Cali Cabdullahi Cosoble oo wareysi gaar ah bixiyay ayaa dowladdii hore ee madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku eedeeyay inay raali ka ahaayeen in Shabaab ay xasuuqdo beesha Hawiye.

“Beesh Hawiye waxaa soo maray ku fiirsasho Shabaab, sida aad moodo in la yiri Shabaab gebigoodaba barakiciya oo dhulka ka saara ayey u dhaqmeen, waa waxyaabaha tuhunka keenaya xiriirka kooxdii hore ee Nabad & Nolol iyo Shabaab,” ayuu yiri Madaxweyne Cosoble.

Waxa uu sheegay in dowladdii hore ay dhibaatooyin xooggan u geysaneysay dadka ka hadla beegsiga ay Shabaab ku hayso Hawiye, taasi oo uu tilmaamay inay tahay ku tala-gal aan meel loogu soo gaban, sida uu sheegay.

“Nimankaas waxay raali ka ahaayeen in Shabaab ay Hawiye xasuuqaan oo laayaan. Shan sanno oo lasoo dhaafay in nala laayo waa nagu fiirsadeen, ninka kugu fiirsado in lagu dilo sow raali kama ahayn,” ayuu yiri.

Waxa uu sii raaciyay “Maalmihii doorashooyinkii wixii qaraxyo Beledweyne iska daba dhacayay ee loo jixin-jixeyn oo la-lahaa doorashada ha socota, oo kuraas dad loo xirayay. Beesha Hawiyaha la yiraahdo waxa soo martay ku fiirsasho Shabaab.”

Sidoo kale waxa uu ku eedeeyay in dowladdii Farmaajo aysan dagaal dhab ah la galin kooxda Al-Shabaab, ayna xiligeedii sii xoogeysatay kooxda oo hadda uu dagaal xoogan kaga socdo gobolada dalka.

“Waa la isa-soo gaari doona, subax kaliya sidii wax samada kasoo dagay la arki maayo wixii oo is wada badalay laakiin dabka (xoreynta) waa is gaaraya,” ayuu yiri Cali Cosoble oo sii xoojinaya dagaalka socda ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Dadaal looga hortagayo in magaalada Xarardheere ay ka dhacdo sidii Galcad oo kale

0

Xarardheere (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Galmuudg, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) oo haatan ku sugan magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa halkaasi ka wada kormeer iyo shirar ku saabsan amniga.

Wasiirka Gaashaandhigga, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Taliyaha ciidamada dhulka Maxamed Tahliil Biixi iyo saraakiil kale ayaa Qoor-Qoor ku wehlinaya shirarkaan, oo intiisa badan diiradda lagu saaray adkeynta amniga degmada Xarardheere.

Qoor-Qoor iyo Masuuliyiinta kale ayaa saacadihii lasoo dhaafay kormeer ku tagay fariisamaha ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ee ku sugan deegaanada hoos taga degmada Xarardheere.

Waxay ciidanka ku baraarujinayaan inay u diyaar-garoobaan weerar kasta oo uga imaan kara kooxda Al-Shabaab iyo dardar-gelinta howlgallada xoreynta ee deegaanada kale.

Sidoo kale waxay ciidamada qalabka sida ku bogaadiyeen guulaha ay ka gaareen howl-galada lagu ciribtirayo kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab.

Arrimahaan ayaa imaanaya xilli ay Jimcihii Al-Shabaab ay weerar rogaal celin ahaa oo xooggan ka sfulisay degmada Galcad ee gobolka Galgaduud, halkaas oo khasaare culus uu ka soo gaaray ciidnka Danab.

Si kastaba, howlgalladii ugu ballaarnaa oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ayaa haatan ka socdo Galmudug, waxaa ciidamada u suurta gashay inay kooxda kala wareegaan degmooyinka muhiim ah, sida Ceeldheer, Xarardheere iyo Galcad oo ka kala tirsan labada gobol ee Galmudug.

Mucaaridka SACIID DENI oo ka digay laba arrin oo halis ku ah jiritaanka PUNTLAND

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madasha Siyaasadda Puntland ayaa si adag uga hortimid qorshaha Deni ee doorashada qof iyo cod, taasi oo ay sheegeen in laga leexiyay hanaankeedii saxda ahaa.

Qoraal kasoo baxay madasha ayaa sidoo kale waxa looga digay in damaca kooxda Deni u horseedi karo Puntland halis amni iyo xasilooni la’aan siyaasadeed, sida ay sheegeen.

“Waxaa jirra walaac weyn iyo diidmo ay ka muujiyeen bulshada gobolada Bari, Karkaar iyo Gardafu is-diiwaangelinta gacan marooqsiga ah ee xukuumaddu waddo,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Shacabka deggen gobolladaas oo aan la kulanay waxay dareen wel-wel leh ka muujiyeen damaca muddo kororsiga ku dhisan ee madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, kaasi oo ku lifaaqan diiwaan-gelinta baalmarsan dastuurka Puntland iyo xeerarka doorashooyinka.”

Waxay sheegeen in madasha u cadaatay in guddiga kumeel-gaarka ah ee doorashooyinka (TPEC) ay baal-mareen xeerarkii u degsanaa hanaanka diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha iyo doorashooyinka guud ahaan, ayna bilaabeen diiwaan-gelin aan loo dhameyn xilli uu jiro khilaaf xoog leh.

“TPEC waxay billowday diiwaan-gelin aan loo dhameyn xilli uu jiro khilaaf xoog leh iyo kala qeybin qabaa’ilka lagu kicinayo oo horseedi karta halis amni iyo xasilooni la’aan siyaasadeed.”

Qoraalka kasoo baxay madasha ayaa waxa kale oo lagu sheegay in ururka Kaah oo ah midka kooxda Deni uu duruufo dhaqaale uga faa’iideysanayo dadka barakacayaasha, kuna tumanayo xuquuqdooda.

Intaas kadib waxay madashu ku baaqday shan qoddob oo muhiimad gaar ah u leh xaaladda taagan, kuwaasi oo kala ah;

  1. In Guddiga kumeel-gaarka ah ee doorashooyinka (TPEC) aysan halis amni iyo xasilooni la’aan siyaasadeed u horseedin Puntland, islamarkaana aysan baalmarin Dastuurka dowladda Puntland iyo shuruucda dalka u degsan.
  2. In xukuumaddu joojiso afduubka shaqadii loo idmaday Guddiga doorashooyinka (TPEC) oo ay hoggaaminayaan wasiirada xukuumadda, gudoomiyaasha gobollada iyo degmooyinka.
  3. In ciidmadda amniga Puntland qeybahooda kala duwan aysan ku milmin siyaasadda una adeegin damac shakhsi sidoo kalana ka fogaadaan wax walba oo dhaawici kara taariikhda iyo sumcada wanaagsan ee ciidamada Puntland leeyihiin isla markaana ku ekaadaan waajibaadkooda dastuuriga ah.
  4. In xukuumadda Madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni oo ku hawlan muddo kororsi ay joojiso marin habaabinta shacabka lagu hayo iyo ku takri-falka dhaqaalaha ummadda oo ay u adeegsanayso dano siyaasadeed iyo kala qeybinta dadka reer Puntland.
  5. Waxay Madasha Siyaasadda Puntland ugu baaqaysaa Isimada, cuqaasha, waxgaradka iyo bulshada qeybahooda kala duwan in laga hortago hubanti la’aanta siyaasadeed ee xukuumadda Siciid Cabdullahi Deni ku hawlantahay si dano shakhsi loogu gaaro.

“Ugu danbayn Madashu waxay ugu baaqaysaa in shacabka Puntland ay ku faro adaygaan nabadda iyo xasiloonida ay haystaan meelna uga soo wada jeestaan cid walba oo kala qeybin bulsho iyo khalkhal amni-darro ku hawlan.”

Dagaal u dhexeeya Jubaland iyo Al-Shabaab oo maanta ka qarxay duleedka Kismaayo

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maanta dagaal u dhexeeyo ciidamada Daraawiishta Jubbaland iyo Al-Shabaab uu ka dhacay duleedka magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolkaasi.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa ka qarxay deegaanka Singaleyr, kadib markii ay weerar kusoo qaadeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Weerarka kadib ayaa waxaa xigay iska hor imaad toos ah, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Sidoo kale warararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalka lagu dhaawacay taliyihii ciidanka Jubbaland ee saldhigyada Singaleyr iyo Buundada Wirkoy iyo laba askari oo kale.

Saraakiil u hadashay Jubbaland ayaa dhankooda shaaciyay inay iska difaaceen weerarka uga yimid kooxda Al-Shabaab, ayna gacanta ku hayaan deegaanka lagu dagaalamay.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana labada dhinac ay dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ay ka wadaan duleedka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Weerarkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo haatan Jubbaland u diyaar garowday howlgallo lagu xoreynayo deegaanada ay maamulkaas ka joogaan xoogaga Al-Shabaab.

Ujeedka ayaa ah in la qabto degmada Jilib oo ah xarunta gobolka Jubbada Dhexe, isla-markaana uu ku yaallo saldhigga ugu weyn ee kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, Al-Shabaab ayaa haatan wajaheysa kacdoon uga billowday gobollada dalka, kaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee Macawiisleyda.

DAAWO:: Muxuu ka dhigan yahay weerarkii Al-Shabaab ee xarunta gobolka Banaadir?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa Axadii weerar ku billowday is-miidaamin ku qaaday dhismaha Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar, kaas oo saacado badan qaadatay, waxaana ku dhintay ugu yaraan 6 qof oo kamid ahaa shaqaalaha maamulka gobolka Banaadir, halka tiro kale oo aan la cayimina ay ku dhaawacmeen.

Ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya oo howlgal culus sameeyay ayaa kadib waxay soo afjareen weerarkaas, ayada oo goobta lagu soo bandhigay meydadka ugu yaraan illaa shan xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo weerarka fuliyay.

Haddaba Muxuu ka dhigan yahay weerarkii lagu qaaday xarunta gobolka Banaadir?

Aqoonyahan Cabdiraxmaan Sahal Yuusuf oo falanqeeya arrimaha amniga ayaa ka falceliyay weerarka ay kooxda Al-Shabaab la beegsatay gudaha xarunta maamulka gobolka Banaadir, kadib wareysi gaar ah oo uu siiyay Telefishinka Caalamiga ah ee Universal TV.

Cabdiraxmaan Sahal ayaa shaaca ka qaaday in weerarka lala beegsaday xarun muhiim oo dowladeed, isla-markaana uu ka dhigan yahay in shacabka iyo hay’adaha ammaanka aysan laheyn wadashaqeyn rasmi ah maadaama la bartilmaameedsaday xaruntii gobolka Banaadir.

“In Al-Shabaab ay weeraraan xarunta gobolka Banaadir waxay ka dhigan tahay in shacabka iyo hay’addaha amaanka dowladda aanan la hayn wada-shaqeyn toos ah,” ayuu yiri Sahal.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ragga weerarka geystay in ay lugeynayeen, isla-markaana ay soo mareen xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho, kahor inta aysan geysan weerarka.

Cabdiraxmaan Sahal ayaa soo jeediyay in la’isku xiro shacabka iyo ciidamada ammaanka, si loo sugo amniga magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

“Amniga sidoo kale waxaa ka qayb qaadan kara bulshada waxaa weeyaan dhaqaalaha qayb ayuu ka yahay amniga marka waa in hoos loo daadajiyo dowladda,” ayuu sii raaciyay.

Waxa kale oo hoosta ka xariiqay in la qaado tallaabooyin looga hortagayo kooxda Al-Shabaab, isaga oo ku baaqay in la xoojiyo dagaallada uga furan gobollada dalka, isla-markaana la gaasiiyo gobollada ee dalka, sida Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

“Dagaalka ka socdo gobollada in la sii xoojiyo tuulooyinka iyo meelaha ay ku hareena looga daba tago, dagaalkana laga fududeeyo aagaga kale, sida South West iyo Jubbaland, kadibna waxay u badan tahay in waa cusub uu baryo,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Sahal.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, maalin uun kadib weerarkii Al-Shabaab ee xarunta gobolka Banaadir, kaas oo ka mid noqday weeraradii ugu xooganaa ee ka dhaca caasimada.

Arrimaha la gudboon DF kaddib dilalka dhallinyarada MUQDISHO ee sii kordhay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xoogga Soomaaliya waa dhalinyaro, kuwaas oo tirada guud ee bulshada ka ah 75% laakiin baaga-muudada haysatana kama yara isla cabirkaas.

Shaqo la’aanta ka jirta Soomaaliya waxay dalka dhaxal-siisay inay dhalinyaro badan u dhaqaaqan dhanka Al-Shabaab oo ay ku qancaan fikrada dad laynta.

Qaar iyaga oo nolol iyo shaqo raadinaya ayey badaha ku dhamaadeen, qaarna isticmaalka daroogada ayay wehel ka dhigteen si ay daruufta shaqo la’aanta keentay fasax uga qaatan.

Dowladihii isaga dambeeyay xukunka Soomaaliya burburkii kadib midna kuma guuleysan inay keento fikrad shaqo abuur u noqon karta ugu yaraan afar meelood meel kamid ah dhalinyarada Soomaaliyeed.

Shaqo la’aantu waxay qeyb ka tahay waxyabaha xoojinaya xasillooni darada ka jirta dalka.

Dhowr sanno ka hor gaadiidka Bajaajta ayaa kusoo biiray suuqyada Soomaaliya, waxay fursad shaqo u noqotay dhalinyaro badan.

Magaalada Muqdisho illaa 50 kun ayaa lagu qiyaasa dhalinyarada maanta ku xamaalata bajaajta. Markii ay timid fursadan dhalinyaro badan ayaa isaga soo baxay Al-Shabaab, kuwa ayaa daroogadii ka tagay, qaarna fikradii tahriibka ayay iska saareen iyaga oo aaminay in bajaajta xal u tahay shaqo la’aantooda.

Wax badan ayay mootooyinkan ka badaleen nolosha shaqo ee dhalinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa caasimadda degan. Laakiin dhowrkii sanno ee ugu dambeysay askarta dowladda Soomaaliya waxay qaadeen tallaabooyin burburin kara shaqo abuurkan ay dadku iskood u sameysteen.

Waa dil, dhac iyo musuq-maasuq joogto ah oo lagula kaco dhalinyarada ku shaqeysata bajaajta.

Shalay wiil dhalinyaro ah oo darawal bajaaj ah oo hooyadiis iyo walaashiis ay la socdaan ayaa askari ka tirsan dowladda waxa uu ku toogtay isgoyska Howl-wadaag ee magaalada Muqdisho.

Dhaqankan oo muddo soo jiray wuxuu jidgooyo ku sameynaya shaqo abuurkan ay dadweynaha sameysteen.

Dowladdu in aanay shaqo abuur keeni karin, tii ay shacabka keensadayna ay difaaci karin waa nasiib darro weyn.

Maamulka gobolka Banaadir oo durba fashilkiisa uu muuqdo ayaa illaa hadda hayn wax aragti ah oo ciidanka dowladda looga difaaci karo shacabka, gaar ahaan dhalinyarada ku shaqeysata mootada bajaajta.

Askartii hore u dishay dhalinyarada bajaajta badankood lama ciqaabin, qaar si qoys ah ayaa loo xaliyay, kiisaska qaarna dilaayaashii ayaa la sheegay inay baxsadeen.

Dibad-bax ayey dadweynaha shalay uga jawaabeen dilka wiilkaas dhalinyarada ah, laakiin ciidanka dowladda ee ku sugan isgoyska Howl-Wadaag ayaa rasaas uga jawaabay kacdoonka shacabka, taasi oo iyaduna dhalisay khasaare kale oo dhimasho ah.

Dowladda Soomaaliya waxaa laga raba inay xal u keento dhibaatada lagu hayo dhalinyarada shaqo abuurka sameysatay, cadaalada oo la dabaqo iyo dhaqanka ciidanka dowladda oo wax laga badalo ayay dadka badi u arkaan xalka arrintaan.

Inay arrintan sii socoto waxay caqabad ku tahay dhalinyarada, shaqo abuurka, amniga iyo bini’aadannimada.

Haddii ay istaagto ku shaqeynta mootooyinkan, dowladduna ay xal u helin dhalinyarada waxa xigi doona uma qurxoona mustaqbalka Soomaaliya.

Dadweynuhu waxay ku baaqayaan in dowladda arrintan si dhab ah u qaadato oo xal deg deg ah u keento.

Wararkii ugu dambeeyay TOOGASHO ka dhacday Mareykanka + Khasaaraha

Washington (Caasimada Online) – Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhimatay weerar ka dhacay meel qoob ka ciyaarka lagu sameeyo halka ay ku dhaawacmeen 10 qof oo kale.

Arrinntan ayaa qeyb ka ah weeraro inta badan ay qaadaan dad hubeysan oo u badan dhallinayo.

Ninkii looga shakisanaa in uu weerarka ka geystay meel u dhaw Los Angeles ee dalka Mareykanka ayay booliska heleen isaga oo meyd ah.

Waxaana la sheegay in uu isku dhex toogtay gaari gudihiisa, Saraakiisha ciidamada Mareykanka ayaa hareereeyey gaari midabkiisa lagu sheegay caddaan oo ku sugan magaalada Torrance ee gobolka California in ka badan 12 saacadood ka dib weerar dad badan ay ku dhinteen oo dhacay .

Ninkan ayaa da’diisa lagu sheegay 72 jir, wuxuu kasoo jeeda Asia.

Toogashada aan loo meel dayin ayaa ka dhacday goob lagu soo bandhigayay ciyaaraha qoob ka ciyaarka oo ku taalla barxadda Monterey, halkan waxaa si weyn ugu badan dadka kasoo jeeda qaaradda Asia ee ku nool Mareykanka.

Isha: BBC

Somalia: Deadly Al-Shabab siege at Mogadishu mayor’s office leaves six dead

Mogadishu (Caasimada Online) – At least six people were killed, and several others were injured in an attack by Al-Shabab militants at the mayor’s office in the central district of Mogadishu, the capital of Somalia, on Sunday.

The attack began with a suicide bomb causing a massive blast that destroyed a building near the office complex. After the explosion, gunfire erupted, and a four-hour siege ensued.

According to police spokesman Sadik Dodishe, five attackers were killed during the fire exchange with the security forces, and one detonated himself. Six civilians also died during the attack. All the mayor’s office staffers were rescued, and the situation is now normal.

Witnesses reported that the initial blast damaged nearby buildings, and heavy gunfire could be heard in the building of the mayor’s office. Security officers quickly cordoned off the area.

Al-Shabab, a militant organization linked to Al-Qaeda, claimed responsibility for the attack through its communication channels. The group stated that its fighters had “made their way inside the building after killing the security guards.”

Al-Shabab has been waging a bloody insurgency against the internationally-backed central government of Somalia for 15 years and has carried out attacks in Somalia and neighboring countries.

This latest attack comes on the heels of another assault just days prior, where seven soldiers were killed at a military camp in Galcad, a town in central Somalia. The United States military has reported that more than 100 Al-Shabab militants attacked Galcad.

In recent months, the Somali National Army and local clan militias have made significant progress in their offensive against the group, reclaiming territory in the center of the country with the support of US air strikes and an African Union force.

However, the militants continue retaliating and striking with deadly force against civilian and military targets.

Just days after the government declared a “historic victory” over the group, Al-Shabab launched another attack on the Galcad army base in central Somalia, killing seven soldiers.

The group has been removed from major urban centers for over a decade. However, they remain in rural parts of central and southern Somalia.

In October last year, the group carried out one of the deadliest attacks in history, killing 121 people in two car bomb explosions at the education ministry in Mogadishu.

The group has also been active in neighboring Kenya, a member of the African Union force in Somalia, carrying out several small-scale attacks.

Maxaa kulmiyey dabkii suuqa Bakaaraha iyo weerarkii xarunta maamulka G/Banaadir?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa saacadihii lasoo dhaafay wajahay laba mowjadood oo waaweyn, kuwaas oo saameyn badan ku yeeshay shacabka Muqdisho iyo shaqo maalmeedkii xafiisyada maamulka, iyadoo qaarna la dilay.

Waa tan koowaade, dab xoog leh ayaa xalay qabsaday qeybo ka mid ah suuqa weyn ee Bakaaraha, in la demiyo dabkaas ayaa qaadatay saacado badan, kaalinta ugu weyna waxaa qaatay maamulka gobolka Banaadir.

Saakay waaberigii hore ayaa lagu guuleystay in la demiyo dabkaas oo geystay khasaare hanti oo lixaad leh, waxaana xalay suuqa tegay qaar ka mid ah masuuliyiinta maamulka gobolka Banaadir.

Mashaqada labaad ayaa noqotay weerarkii maanta duhurkii ay Al-Shabaab ku qaadeen xarunta maamulka gobolka, wuxuu ahaa mid ka mid ah weerarradii ugu xasaasisanaa oo Muqdisho ay ka fulisay kooxdu.

Ugu yaraan lix qof oo shaqaalaha maamulka gobolka Banaadir u badan ayaa ku geeriyootay weerarkaas, dadka la dilay waxaa ku jiray agaasimihii dadka baahiyaha gaarka ah qaba, halka tiro kale oo dad shacab ah ay ku jiraana lagu dhaawacay.

Lix nin ayaa fulisay weerarkaas, waxaana aad loo amaanay ciidamada ammaanka oo ku guuleystay in shaqaalaha iyo masuuliyiinta intooda badan ay ka soo badbaadiyaan xafiisyadii lagu weeraray.

Markii laga war-helay in weerar ka socdo xarunta dowladda hoose ee Xamar, waxaa baraha bulshada is qabsatay su’aal ah “Maxaa kulmiyey gubashada suuqa Bakaaraha iyo weerarka xarunta maamulka gobolka Banaadir?”

Su’aashaan ayey dad badan ku macneynayeen in gubashada suuqa Bakaaraha ay la xariirto amni darada iyo weerarrada ay masuulka ka yihiin Al-Shabaab, waxaana xusid mudan in kooxdu ay canshuur badan ka qaado ganacsatada, wallow bilihii u dambeeyey ay cunaqabateyn adag kala kulantay dowladda.

Maamulka gobolka Banaadir, gaar ahaan shaqaalaha dab-demiska gobolka ayaa xalay door weyn ku lahaa xakameynta dabkii ka kacay suuqa weyn ee Bakaaraha, gaar ahaan qeybaha Dahabka iyo Harqaamada, sidoo kale masuuliyiinta qaar ayaa tagtay suuqa.

Sida la aaminsan yahay Al-Shabaab oo ka faa’iideysanaysa dhafarkii ay xalay la kulmeen masuuliyiinta maamulka gobolka, maadaama lagu howlanaa xakameynta dabkii ka kacay suuqa, ayaa fulisay weerarkaan oo ku bilowday qarax is-miidaamin ah.

Afar saacadood oo gudaha xarunta ay ka dagaalameysay kooxdaas oo gaareysay shan nin, 4:00 galabnimo ayaa lagu guuleystay in lasoo afjaro, waxaana lasoo bandhigay oo warbaahinta la tusay meydadkooda.

Afhayeenka odayaasha K/G oo baaq soo saaray kadib go’aankii Laftagareen + Video

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa maanta odayaasha dhaqanka deegaanada K/Galbeed ku wareejiyey 20 askari oo lagu qabtay dagaalkii dhawaan ka dhacay magaalada Baydhaba.

Askartaan ayaa lagu qabtay dagaalkii 23-kii bishii hore ka dhacay guriga wasiirkii hore ee maaliyadda Soomaaliya Fargeeti, kuwaas oo xabsi ku jiray wixii ka dambeeyey maalintii lagu qabtay dagaalka.

Afhayeenka odayaasha dhaqanka K/Galbeed Malaaq Deerow Yacquub ayaa ka mid ah odayaashii maanta lagu wareejiyey ciidanka laga sii daayey xabsiga, wuxuuna la hadlay warbaahinta, isagoo sheegay in Madxaweyne Xasan Sheekh oo Baydhaba ku sugan uu dadaal badan geliyey in lasii daayo ciidankaan.

“Dhalinyaradii dagaalka lagu qabtay ayaa maanta la igu wareejiyey, waa 20 maxbuus, madaxweyne Xasan Sheekh iyo guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa dadaal badan ku bixiyey sii deynta raggaan, marka maanta ayey noo soo gabagabowday arrintaan,” ayuu yiri Malaaq Deerow Yacquub.

Afhayeenka odayaasha dhaqanka K/Galbeed wuxuu warbaahinta tusay warqad cafis ah oo Madaxweynaha K/Galbeed Cabdicasiis Laftagareen laga soo qoray, si ciidankaan ay nabad geliyo ugu joogaan gudaha magaalada.

“Shacabka reer K/Galbeed waxaan u sheegayaa in wadadii nabadda aan qaadnay, in ciidankaan la siiyo xoriyadooda ayaa ka mid aheyd waxyaabaha nagu adkaaday, marka inta hartay waan xalineynaa maalmaha soo socda ee dhibaato dambe yaan la abuurin,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Afhayeenka odayaasha dhaqanka K/Galbeed Malaaq Deerow Yacquub.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Baydhaba ku sugan maalintii 7-aad, waxaana halkaas ka socda shir dib u heshiisiin ah oo la isugu keenay siyaasyiinta reer K/Galbeed, si meesha looga saaro murankii ka dhashay doorashada ee gacan ka hadalka sababay.

Qodobada ugu horeeyey ee ajendaha shirka ku jiray waxaa ka mid aheyd in xal laga gaaro khasaarihii ka dhashay dagaalkii ciidanka taageersan mucaaradka iyo kuwii ka amar qaadanayey Laftagareen ku dhex maray gudaha Baydhaba, taas oo sababtay in maanta lasii daayo ciidankii lagu qabtay dagaalkaas.

Shirka dib u heshiisiinta ah ee Baydhaba ka socda oo lagu wado in lasoo gabagabeeyo maalmaha soo socda ayaa laga soo saari doonaa bayaan, kadib markii laga heshiiyo goorta ay dhaceyso doorashada madaxtinimada maamulkaas iyo waxyaabaha kale ee la isku hayo.

Hoos ka daawo

Sawirro: Jubbaland oo ku dhaqaaqday fulinta qorshaha dagaal ee Xasan Sheekh

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa howl-gal culus ka wada deegaanka Janaay Cabdalle oo dhaca duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.

Ciidamadan ayaa shalay kooxda Al-Shabaab kala wareegay deegaankan oo ah marin muhiima oo isku xira deegaano badan oo ka tirsan Jubbaland.

Saraakiisha ciidanka hogaamineysa ayaa sheegay in ay deegaanka Janaay Cabdalle duleedkiisa ka wadaan howl-gal sifeen ah, iyaga oo xusay inay ku daba jiraan firxadka dagaalamayaashii Shabaab ee shalay deegaankaasi iskaga baxay.

Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland oo wata gaadiidka dagaalka ayaa sidoo kale saldhigyo ka sameestay deegaanka Janaay Cabdalle.

Deegaanka Janaay Cabdalle ayaa dhaca kala-barka degmooyinka Kismaayo iyo Afmadow, waana deegaan istaraatiiji ah oo isku xira gobollada Jubbooyinka, Gedo iyo gobolka waqooyi bari ee Kenya.

Maamulka Jubbaland ayaa dardar-gelinaya dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo si xowli ah uga socda qeybo kamid ah gobolada dalka, kaasi oo kal hore uu ku dhawaaqay madaxweyne Xasan Sheekh.

Dagaalkan ayaa tan iyo markii uu billowday waxaa Al-Shabaab lagu gaarsiiyay jab xoogan, islamarkaana laga qabsaday deegaano horleh oo gacanta kooxda ku jiray sanado badan.

Afhayeenka laamaha amniga Jubbaland ayaa sheegay in xoreynta Janaay-Cabdalla ay bilow u tahay fulinta go’aankii madaxweynaha dalka ee ahaa in dagaal kama dambeys ah lagu qaado kooxda Al-Shabaab, isagoo sheegay in deegaano kale ay ku wajahan yihiin maalmaha soo socda.

Sawirro: Meydadka Shabaab-kii maanta weeraray xarunta gobolka oo lasoo bandhigay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Saacado badan kadib dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in lasoo gabagabeeyey weerarkii ay maanta Al-Shabaab ku soo qaadeen xarunta maamulka gobolka Banaadir, iyadoo lasoo bandhigay meydadka Shabaab-kii weerarka fuliyey.

Afhayeenka booliska Soomaaliya iyo guddoomiyaha dhanka maaliyadda ee maamulka gobolka oo warbaahinta kula hadlay banaanka hore ee xarunta maanta la weeraray ee dowladda hoose ayaa shaaciyey khasaaraha ka dhashay weerarkii Al-Shabaab.

Ugu yaraan 6-qof ayey xaqiijiyeen masuuliyiintaan in lagu dilay weerarka, kuwaas oo kamid ahaa shaqaalaha maamulka gobolka, halka tiro kale oo aan la cayimina ay ku dhaawacmeen.

Sidoo kale goobta waxaa lagu soo bandhigay meydadka ugu yaraan shan xubnood oo Shabaab ah, kuwaas oo lagu dilay gudaha xarunta maamulka gobolka Banaadir oo saacado badan ay ka dagaalamayeen.

Ragga weerarka soo qaaday oo la sheegay inay gaarayeen lix nin ayaa ugu horeyntiiba waxaa is qarxiyey hal nin 12:10 duhurnimo ee maanta, iyadoo markaas kadib 5-ta kale ay gudaha u galeen xarunta oo bilaabeen dagaal toos ah.

Xubnahaan Shabaab-ka ah oo dagaalamayey ugu yaraan afar saacadood ayaa la sheegay in xarunta maamulka gobolka Banaadir ay ka soo galeen dhabarka dambe ee xiga dhismaha xarunta wasaaradda maaliyadda.

“Waxaa afartii galabnimo lagu guuleystay in lasoo afjaro weerarkii Khawaarijta, 5 qof oo weerarka soo qaaday ayaa la dilay, hal qofna markii hore ayuu is qarxiyey, shacabka lix qof ayaa dhimatay, waana loo gurmaday dadkii ku dhaawacmay weerarkaas,” ayuu yiri Afhayeenka booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa ciidamada ammaanka uga mahad celiyey sida ay ugu guuleysteen inay yareeyaan khasaaraha oo dadkii xarunta joogay laga badbaadiyo kooxda weerarka soo qaaday.

Kooxdii weerarka soo qaaday ayaa loo soo bandhigay warbaahinta, iyadoo la isugu keenay banaanka hore ee xarunta ay weerareen ee maamulka gobolka Banaadir.

Kooxda ayaa maanta aad u adeegsaneysay qaraxyo jugtooda meelo fog laga maqlaayey, waxayna dagaalamayeen in ka badan afar saacadood, hase yeeshee dadka goobta ka ag dhawaa waxay kuu sheegayaan in khasaaraha uu wax badan ka yaryahay intii loo maleynayey inay geysa karaan, taas oo lagu amaanay ciidamada ammaanka.

Hoos ka eeg sawirrada  

Dowladda oo shaacisay in lasoo afjaray weerarkii xarunta gobolka iyo khasaaraha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ciidamada amniga ay soo afjareen weerarkii dagaal-yahaano ka tirsan Al-Shabaab ay maanta kusoo qaadeen xarunta maamulka gobolka Banaadir.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ayaa lagu sheegay in ciidamada ay toogteen xubnihii Shabaabka ahaa ee weerarka soo qaaday, kuwaasi oo ahaa lix dagaal-yahan.

Maleeshiyaadka Shabaabka ahaa ee goobta yimid ayaa ahaa kuwa lugaynaya, iskuna ekaysiiyay ciidamada Qaranka si ay halkaas usoo gaaraan, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay dowladda.

Dowladda ayaa xaqiijisay in weerarkii xarunta maamulka gobolka Banaadir ay ku dhinteen 5 ruux oo shacab ah, afar kalena ay ku dhaawacmeen.

“Ciidamada amniga oo ahaa kuwa aad u feejigan ayaa goobtaas ka fuliyay hawl-gal labo qaybood ah, qaybta hore oo ahayd badbaadinta masuuliyiinta iyo muwaadiniinta ku sugnayd goobta ayay ciidamadu fuliyeen sidii ay qorsheeyeen iyaga oo ku guulaystay in ay ka soo saaraan halkaas iyaga oo bad qaba,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda warfaafinta.

“Qaybta labaad ee hawlgalka ciidamada oo ahaa in la soo afjaro maleeshiyaadkii Khawaarijta ahaa ayay isna ciidamadu soo gabagabeeyeen iyaga oo toogtay Kooxdii Khawaarijta ahayd oo ka koobnaa 6 dhagarqabe.”

Dowladda federaalka ayaa ugu dambeyntiina ka tacsiyadeysay dadkii ku dhintay weerarkaasi, ayada oo Allah uga baryaysa caafimaad deg-deg ah kuwa dhaawacmay.

“Falalkan waxashmimada ah ee ay geysanayaan Khawaarijtu waxay dowladda iyo dadka Soomaaliyeed u caddeyneysaa sida ay lagama maarmaan u tahay in Khawaarijta laga suuliyo gebi ahaanba geyiga Soomaaliyeed, iyadoo uu dalka ka socdo dagaalka looga xoreynayo kooxda Khawaarijta.”

Weerarkan ayaa ku soo aaday, xilli maalmihii u dambeeyay ay Al-Shabaab culeyska soo saartay magaalada Muqdisho, kadib howl-galada ka billowday gobollada dalka, waxaana weerarkii u dambeeyay oo toos ahaa ay ku qaaday Villa Rays oo ku yaalla agagaarka madaxtooyada.

LAFTA-GAREEN oo qaaday tallaabo la xiriirta askar loo xiray shaqaaqadii Baydhaba

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa maanta cafis madaxweyne u fidiyay 20 Maxbuus oo ku xiran xabsiga hay’adda Nabad-sugidda Koonfur Galbeed ee magaalada Baydhabo.

Lafta-gareen ayaa xeer madaxweyne kusoo saaray cafiska maxaabiistan, oo uu sheegay inay ku timid talo soo jeedinta ciidanka booliska Soomaaliyeed laanta dambi baarista maamulkaasi.

“Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 22 January 2023, waxaa uu madaxweynaha DKGS cafis iyo saamaxaad u fidiyay maxaabiis, maadama lagu guda jiro hanaanka dib-u-heshiisiinta ee dowladda Koonfur Galbeed, sidaas awgeed waxa uu xafiiska xeer ilaalinta iyo nabad-sugida la farayaa in laga sii daayo xabsiga Nabadsugida KG ee degmada maxaabiista ku xiran sida ku xusan magacyadooda,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Maxaabistan ayaa waxaa lasoo xiray xilligii ay sii xoogeysatay xiisadda siyaasadeed ee mucaaridka iyo Lafta-gareen u dhaxeysay, waxayna u badan yihiin askar ka tirsan qeybaha kala duwan ee ciidamada dowladda.

Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa maalmihii dambe waxaa ka socday dadaalo kala duwan oo xal loogu raadinayo xiisada siyaasadeed ee Koonfur Galbeed, ayada oo madaxweynaha uu furay shirka dib-u-heshiisiinta maamulkaasi.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe oo sidoo kale kamid ah masuuliyiinta dadaalada ka wada Baydhaba ayaa dhawaan wuxuu odayaasha dhaqanka u xil-saaray in ay xaliyaan khilaafaadka iyo wixii mad-madow ah ee ka dhex jira bulshada reer Koonfur Galbeed, si wajiga koowaad ee dib-u-heshiisiinta u noqdo mira-dhal.

Shirka dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed ayaa dadaal badan lagu bixinaya sidii uguuleysan lahaa, kaasi oo la sheegay in uu dan u yahay maamulka oo dhulkeeda inta badan gacanta ugu jira Al-Shabaab.

Hoos ka aqriso magacyada maxaabiista uu cafiska u fidiyay Lafta-gareen.

Al-Shabab storms Mogadishu government’s headquarters

0

Mogadishu (Caasimada Online) – Al-Shabab militant group launched a deadly attack on a regional government office in the capital of Somalia, Mogadishu, on Sunday.

The attack on Mogadishu Mayor’s office began with a suicide bombing, followed by gunfire. The extremists then made their way into the targeted building, killing security guards. 

The blast damaged buildings in the nearby area, and gunfire was still being heard near the mayor’s office.

A witness operating a business close to the offices stated that there were reports of gunfire inside the main building, but the situation inside is unknown. The witness also reported that there were some injuries. However, security forces have sealed off the entire area, and they have been instructed to move away.

The founder of the Aamin ambulance service Abdulkadir Adan reported that at least 16 wounded people have been collected from the scene, with no reported deaths yet.

“So far, we haven’t collected any dead people, but the gunshots are still ongoing; it could get worse,” he said.

“Most of the employees were rescued by security forces, but there are still some left inside,” said Mustafa Abdulle, a staff member at the headquarters.

Al-Shabab has taken responsibility for the attack through its communication channels, stating that its fighters “successfully entered the targeted building by eliminating the security guards.”

The group has been waging a bloody insurgency against the internationally-backed central government of Somalia for 15 years, carrying out attacks within and in neighboring countries. 

The group often carries out attacks in Mogadishu, and the federal government has declared “total war” against them.

The attack comes just days after another attack on a military camp in Galcad, a central Somalia town where seven soldiers were killed. The US military reported that more than 100 Al-Shabab militants carried out the attack. 

“The combined actions by partner forces on the ground and the collective self-defense strike is estimated to have resulted in three destroyed vehicles and approximately thirty al-Shabab terrorists killed,” the US military command for Africa (AFRICOM) said in a statement.

In response to the group’s brutality, the Somali army and local clan militias have mounted a major offensive against the group, retaking territory in the center of the country with the support of US air strikes.

But despite these gains, the militants continue to demonstrate their ability to strike back with lethal force against civilian and military targets. 

Source: Caasimada Online and News Agencies

Daawo: Xasan Sheekh oo sheegay arrin aan laga aqbali doonin askarta Soomaaliyeed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa sheegay in aan marnaba la aqbalayn in askarta oo ilaalin laheyd shacabka in ay iyagu ku xad-gudbaan.

Madaxweynahay ayaa hadalkaan ka sheegay xarunta tababarka ciidamada taliska 60-aad ee xoogga dalka ee magaaalada Baydhabo oo maanta uu kormeer ku tagay, halkaas oo dufcadda 15-aad ee ka qalin-jabisay dugsigan.

Xasan ayaa sidoo kale kula dardaarmay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed in ay ilaaliyaan anshaxa ciidannimo, masuuliyadda koowaadna ay ka dhigtaan badqabka, karaamada iyo nolasha muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Waxa kale oo uu xusay in wajiga labaad ee xoreynta deegaanada uu ka bilaabanayo Koonfur Galbeed, sidaas awgeed looga baahan yahay maamulka, bulshada iyo laamaha ammaanka Koonfur Galbeed in ay dardar-geliyaan abaabulka iyo diyaar-garoowga howlgalka xoreynta.

Digniinta uu madaxweynaha siiyay markale askarta ayaa imanaya xilli ay kordheen dilalka ciidamada dowladda ka geystaan gudaha caasimada, taasi oo walaac ku abuurtay dadka rayidka ah.

Shalay ayey aheyd markii uu askari ka tirsan ciidamada dowladda uu dil ugu geystay magaalada Muqdisho wiil dhalinyaro ah oo waday Mooto, kaasi oo xilliga la dilayay mootada ku waday hooyadiis iyo walaashiis oo lasoo wariyay inay goobta ku suuxeen, kadib dilka wiilkooda.

Dhacdadan ayaa shalay sababtay dibad-bax, ayada oo goobta dilka ka dhacay isugu so baxeen shacab careysan iyo darawalo, kuwaasi oo ciidamada ammaanka ay markale rasaas u adeegsadeen, waxaana goobta ku dhintay darawal kale oo ka shaqeynayay gaadiidka dadweynaha ee BL-ka iyo qof kale, kadib markii ay haleeshay rasaastu.

Madaxda sare ee dowlada ayaa marar badan ka digay dilal ay geystaan askarta dowladda, waxaa markii ugu dambeysay go’aan ka soo saaray madaxweyne Xasan Sheekh oo amar culus siiyay Maxkamadda Ciidamada si tallaabo adag looga qaado dambiileyaasha.

Wararkii ugu dambeeyay weerarka xarunta GOBOLKA BANAADIR iyo masuuliyiin…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar ay Al-Shabaab goor sii horeysay ku qaaday xarunta maamulka gobolka Banaadir oo ku taalla degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in dabley Shabaab ah oo shan ruux ah ay weerar qaraxyo ku billowday ku qaadeen xarunta maamulka gobolka Baanaadir, uuna hadda socdo dagaal u dhaxeeya dagaalamayaasha Shabaab iyo ciidanka dowladda.

Waxa kale oo lasoo warinaya in dableyda weerarka qaaday mid kamid ah uu is-qarxiyay, halka laba kale ay toogteen ciidamadda amniga, waxaana haatan gudaha Aqalka dowladda Hoose ka dhex dagaalamaya laba dagaalame oo Shabaab ah.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in hadda ay dagaalka kusoo biireen ciidamada sida gaarka ah u tababar ee Haramcad, kuwaasi oo howl-galka guud ahaan la wareegay.

Waxaa jira khasaare kala duwan oo ka dhashay weerarkan loo adeegsaday qaraxyada, illaa haddana si rasmi ah looma xaqiijin.

Dhinaca kale, Gudoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada maamulka gobolka Banaadir Maxamed Yabooh ayaa sheegay in la soo bad-baadiyay mas’uuliyiin badan iyo shaqaale katirsan maamulka gobolka Banaadir, oo ku sugna Aqalka dowladda Hoose.

“Alle ayay mahad u sugnaatay dhamaan maamulka sare ee Gobolka Benaadir way nabad qabaan. Weear ayaa saakay khawaarijtu kusoo qaadeen xarunta dhexe Gobolka Banaadir, inta badan shaqaalaha waa la soo badnaadiyay, welina waxaan kujirnaa howl-galka” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Xarunta gobolka Banaadir oo ah halka uu ku shaqeeyo duqa Muqdisho ayaa aheyd mid mashquul ah, waxaana xilliga uu weerarka bilaabanayey ka socday howlo shaqo.

Weerarkan ayaa ku soo aaday, xilli maalmihii u dambeeyay ay Al-Shabaab culeyska soo saartay Muqdisho, kadib howl-galada ka billowday gobollada dalka, waxaana weerarkii u dambeeyay oo toos ahaa ay ku qaaday Villa Rays oo ku yaalla agagaarka madaxtooyada.