28 C
Mogadishu
Monday, May 11, 2026

Dhageyso: Jeneraal Biixi oo shaaciyey tirada Shabaabkii shalay lagu laayey Mudug

0

Xarardheere (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgal shalay lagu laayey Al-Shabaab oo ka dhacay deegaano hoos taga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Jeneraal Biixi oo la hadlay Idaacadda Dowladda ee Radio Muqdisho ayaa sheegay in la dilay ugu yaraan 39 xubnood oo Shabaab ka tirsanaa, isagoo u mahad celiyey saaxiibada dowladda ka taageera howlgallada Al-Shabaab.

“Waxaan Khawaarijta u geysanay jab aan laga sheekeyn karin, waxaan tirinay meydadka 39 xubnood, waxaan gubnay gaadiidkoodii, waxaan dul istaagnay meydadka 47 Shabaab ah, dhaawacyada in ka badan 50 kalena waxay geeyeen Joowle,” ayuu yiri Jeneraal Biixi.

Deegaanada ay ciidanka xoogga dalka howlgalkaan ka fuliyeen ayaa galbeed ka xiga degmada Xarardheere, waxayna u dhowyihiin deegaanka Caad oo hadda ay ciidamadu aad ugu dhowyihiin.

Howlgalka waxaa ka qeyb qaatay diyaaradaha dagaalka, waxaana Shabaab-ka lagu baacsaday dhowr deegaan oo hoos tagta Xarardheere, iyadoo la isugu daray duqeymo iyo dagaal toos ah.

“Laba maalin gudahood Shabaab badan ayaan leynay, 47 meydad ah ayaan dul istaagnay, bulshada deegaanadaan ku nool waxay si joogto ah noo siiyaan xogta Khawaarijta, waa dad raba in deg deg looga xoreeyo cadowga,” ayuu hadlkiisa ku sii daray.

Jeneraal Biixi ayaa sheegay in ay Al-Shabaab deegaanka Caad ku gubeen gaadiid ay lahaayeen dad shacabka, sidoo kale gaadiid ay ayagu lahaayeen oo ka halaabay ayuu sheegay inay dab qabadsiiyeen.

“Dadkii dhulkaan ku noolaa waa caroodeen, hubkooda ayey la soo baxeen, meel kasta oo Shabaab uu ka joogo Mudug iyo Galgaduud waxaa nooga imaanaya ciwitaano, dadku waxay codsanayaan in aan ka soo gaarno, war naga kiciya hal mar, anagaa dhameystiri doonee ayey na leeyihiin dadku,” ayuu yiri Jeneraal Biixi.

Hoos ka dhageyso wareysiga Biixi

Sawirro: Laascaanood oo muujisay midnimadda Soomaaliya iyo waxa xiga

Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno xarunta gobolka Sool ee Laascaanood ayaa sheegaya in xaalad aan caadi aheyn ay ka taagan tahay kadib markii shalay dad ku dhow toddobaatan kun qof oo xirnaa calanka buluuga Soomaaliya ay isugu baxeen.

Isu soo baxan taariikhda galay ayaa lagu soo dhoweynaya mid ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed oo u taagan midnimada Soomaaliyeed, kana soo jeeda deegaanka.

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo ka mid ah waxgaradka gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn oo si diiran loogu soo dhoweeyay Laascaanood ayaa ku baaqay in Garaadaddu shir iskugu yimaadaan Laascaanood si ay ugu tashadaan danta guud ee gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn iyadoo la tixgelinaayo Soomaalinimada.
Maagalada Laascaanood oo maamulka Somaliland ay faarujiyeen shantii Janaayo ayaa waxaa dadweynuhu iyo kooxo dhalinyaro ah ay xoog kaga hortageen maamulka Somaliland oo maamulayay magaaladaasi (2007) Lix iyo Toban sano, kadibna kacdoon shacab ay ugu baxeen si xaalada aysan u noqon mid xunjiro dhiig ah ku daado.
Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo si Soomaalinimo loogu soo dhoweeyay magaalada ayaa magaalada Laascaanood wuxuu kaga qeyb geli doonaa shirweyne guud oo waxgaradka SSC kaga tashan doonaan aayahooda, kaasoo lagu go’aamin doono midnimada iyo wadajirka Somaliweyn.
Suxufiga lagu magacaabo Cabdiqani C/llaahi Irbad oo ku sugan magaalada Laacaanood ayaa Caasimada Online u sheegay in maanta iyo beri magaalada laga sugaayo Garaad C/llaahi Garaad Saleebaan iyo Garaad Maxamed Garaad Abshir oo go’aamin doona mustaqbalka shacabka iyo gobolka Sool aayahooda meesha ay kaga tashan doonaan.
Maamulka Somaliland ayaa walaac xoogan ka qaba shirweynahaasi ay isugu imaan doonaan waxgaradka gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn, iyadoo magaaladana ay faarujiyeen ciidamadii maamulkaasi shantii bishii Janaayo oo ay kooxo dhalinyaro deegaanka ah ay la wareegeen maamulka magaalada.
Mowjadaha kacdoon ee ka taagan Laascaanood ayaa muujinaayo rabitaanka shacabka gobolka oo todobaadyadii u danbeeyay maamulka Somaliland uu dad shacab ah ku bartilmaameedsaday si xiisadaha taagan loo joojiyo.

Cambaareyn xooggan oo ka dhalatay falkii Sweden ee ka dhanka ahaa Qur’aanka

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Midowga Afrika ayaa si weyn u cambaareeyay falkii ka dhacay dalka Sweden, kadib markii uu nin xag jir ah kitaabka Qur’aanka Kariimka ku hor gubay dhismaha safaaradda Turkiga ee ku taalla  magaalada Stockholm.

Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray ku sheegay in uu si adag u cambaareynayo falkaasi oo uu ku tilmaamay “mid aad u fool xun”.

“Waxaan si adag u cambaareynayaa falkii foosah xumaa ee uu geystay ninka garabka midig ee Swedishka ah ee Rasmus Paludan oo gubay nuqul kamid ah Quraanka Kariimka,” ayuu yiri Makcy Sall, oo sidoo kale ah madaxweynaha Senegal.

Sidoo kale waxa uu qoraalkiisa ku yiri “Islaam nacaybka iyo nacaybka Muslimiinta waa wax laga xumaado waana in lala dagaalamo iyada oo aan tanaasul loo muujinayn.”

Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa asaguna tallaabadan ku macneeyay mid tusaale kale u noqoneysa heerka argagaxa leh ee ay gaartay Islaam naceybka, ayada oo Sweden ka codsatay in la ciqaabo kuwa ka dambeeya dambiyada ku saabsan nacaybka.

“Waa fal daan-daansi ah oo lagu beegsanayo Muslimiinta, laguna aflagaadeynayo qiyamkooda muqadaska ah,” ayey tallaabadan ku tilmaamtay OIC.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhankeeda si adag uga hortimid tallaabadan, ayada oo war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda si kulul loogu cambaareeyay falkaas oo ay sidoo kale ogolaadeen mas’uuliyiinta Sweden.

Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa shaaca ka qaaday in falkan uu yahay mid loogu xad gudubay xurmada diinta, sidoo kale uu kicinayo dareenka muslimiinta caalamka oo dhan.

“In la ogolaado falkan naceybka ah ee lagu aflagaadeynayo karaamada iyo qiyamka Islaamka waa wax aan gabi ahaanba la aqbali karin. Wax kale maaha ee waa dhaqan kor u qaadaya nacaybka iyo cunsuriyadda oo u adeega ajendayaasha xagjirnimada iyo argagixisada,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Sidoo kale dowladda federaalka ah ayaa ku baaqday in la ixtiraamo astaamaha diinta, lagana fogaado hurinta nacaybka iyo colaadaha, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka.

“Soomaaliya waxay ugu baaqeysa Sweden inay qaado tallaabooyin adag oo ka dhan ah nacaybka sii kordhaya ee ka dhanka ah Muslimiinta, waxayna ku boorinaysa dhammaan jileyaasha beesha caalamka inay qaataan mas’uuliyadda ka saaran ka hortagga Islaam nacaybka.”

Madaxweyne Xasan oo hal xujo hordhigay culumada ku shireysa magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Muqdisho ka furay shirweynaha Culimada Soomaaliyeed ayaa xujo adag dul-dhigay culumada Soomaaliyeed, isagoo tusaaleeyey caqabadaha iyo kala shakiga ay bulshada ka dhex abuureen khilaafaadka yar-yar ee culumada ka dhaxeeya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa culumada ka dalbaday inay ku heshiiyaan dhismaha hey’addii maamuli laheyd, “In culumadu ay dowladda toosiso, dadkana u sheegto in dowladdu ay masuul ka tahay diinta, wax dambe nagama qaldamayaan,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa culumada ka balan qaaday in hey’adda uu dhisi doono hadii ay la yimaadaan naqshad ay heshiis ku yihiin, “Waxaan rabnaa waajibkaan aan idiin wakiilanayo inaad nagu soo celisaan oo dhahdaan intii naloo diray waa tan, markaas dowladdu kaalinteeda ayey guda doontaa,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa intaas ku sii daray, “Diinta dowladda wakiil ka ah 4.5 maaha, federaalisim maaha, waa meesha kaliya ee dalkeena laga toosi karo, hadii aan hey’ad diinta maamusha dhisno waajibaa naga dhacaya.”

Madaxweynaha ayaa sheegay in markii qeylo yeerto dhinaca Masaajidka loo carari jiray, balse hadda ay qayladii ka yeertay culumada dhexdeeda, isagoo culumada ka dalbaday inay isku dulqaataan.

“Culumoy is aqbala oo haku kala tegina waxyaabaha yar yar oo aad ku kala duwan tihiin, wada socda idinkoo ra’yigiinu kala duwan yahay, horta idinku is aqbala,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa culumada Soomaaliyeed ka balan-qaaday in doorkii ku dhaqanka diinta ee dhanka dowladda oo aan sal-dhiya laheyn tan iyo xornimadii Soomaaliya uu toosi doono.

Madaxweynaha ayaa xaqiijiyey in dowladdu ay mudnaan siineyso diyaarinta sharcigii lagu dhisi lahaa hey’adda Culimada Soomaaliyeed, taas oo ka mid noqoneysa hay’adaha ugu muhiimsan dowladda, una xilsaaran ilaalinta diinta Islaamka, iyaga oo wakiil uga ah dowladda.

SOOMOW: Ciidanka ku naf waaya dagaalka Al-Shabaab lama dhihi karo waa dhinteen

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Cabdiqaadir Soomow oo maanta khudbad ka jeediyay furitaanka shirweynaha Culimadda Soomaaliyeed ayaa sheegay in ciidamada dagaalka kula jira kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab ay shuhado yihiin haddii ay ku dhintaan dagaalka.

Sheekh Soomow ayaa waxa uu dagaalka socda ku macneeyay “Jihaad loogu jiro Islaamnimada saxda ah” taasi oo ay kooxaha xagjirka ah suurad xumeeyeen, islamarkaana u adeegsadeen si qaldan, sida uu hadalka u dhigay.

“Dhamaanteen waxaa nagu waajib ah in aan galno Jihaadka, waxaa rabaa in loo duceeyo dhamaan intii ku shahiiday. Geesiyaasha ku dhintay dagaalka waa shahiideen waa dhinteen yaa la dhihin oo loo baroordiiqin,” ayuu yiri Sheekh Soomow.

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Kuwa anaga naga dhinta waa Ahlu-Janno, ciidamada qalabka sida waxay ku jiraan Jihaad fii-sabiili-laah. Khawaarij in aan bixino ayaa isku waafaqsanahay.”

Sidoo kale waxa uu adkeeyay in laga toobad keeno maanta oo kale Culimaddii Soomaaliyeed ee la-laayay, taasi oo dowladdii millateriga aheyd ay xasuuqday 23 Janaayo 1975-kii kadib markii ay ka horyimaadeen falal kasoo horjeeda Diinta oo ay ku kacday.

“Haddii aan saxno fikirkaas, waa in laga towbad keenaa maalintii culimaddii Soomaaliyeed la-laayay oo weliba Salaad towba la tukado oo meeshii la tago waa ku waafaqsanahay.”

Sheekh Soomow ayaa ugu dambeyntiina wuxuu ugu baaqay dadkii iska lahaa fikirka xagjirka ah ee Diinta sida qaldan u adeegsaday ee Shabaab ku gumaadayaan bulshada in ay Ilaahay uga towbad keenaan.

“Nebiga CSW ayaa horay noogu sheegay in ay imaan doonaan Qoom cibaado badan balse aysan kalxamaha dhaafsiisnayn Alle ka cabsigoodu. Qof walba oo kaalin kulahaa in fikirkaan guracan dalka la keeno waa in uu Alle u laabto Ummadana cafis weydiisano.”

Dal kamid ah AFRIKA oo dhoolatus la sameynaya Shiinaha iyo RUUSHKA

0

Johannesburge (Caasimada Online) – Dalka Koonfur Afrika ayaa difaacay xidhiidhka wanaagsan ee kala dhexeeya Ruushka iyo dhoolatuska milateri ee ay sida wadajirka ah u samaynayaan labada dal, xilli uu dalkaas ku sugan yahay wasiirka arrimaha debedda ee Ruushka Segei Lavrov, oo ah booqashadiisii ugu horraysay ee uu halkaas ku tago, tan iyo markii uu dalka Ruushku weerarka ku qaaday dalka Ukraine.

Lavrov ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay mowqifka dhexdhexaadka ah ee uu qaatay dalka Koonfur Afrika, tan iyo markii uu dagaalku bilawday muddo hal sano laga joogo, wuxuuna eedda colaadda uu dusha ka saaray dalka Ukraine iyo wadamada reer galbeedka.

“Waxaa la ogsoon yahay in aan taageernay soo jeedintii Ukraine ee ahayd in wadahadal la galo, isla xilliyadii uu bilaabmay hawlgalka milateri ee gaarka ahi …. waxaa si fiican loo ogyahay in Maraykanka iyo Ingiriiska iyo qaar ka mid ah saaxiibadeeda Yurub inay u sheegeen xukuumadda Ukraine inay tahay xilli aad u horreeya in heshiis la gaadho” ayuu yidhi.

Ruushka ayaa si isdaba joog ah u diiday dalabaadka Ukraine iyo reer galbeedka ee ah inuu gabi ahaanba isaga baxo Ukraine, taasoo shardi u ah wada xaajood kasta.

Lavrov ayaa sidoo kale beeniyay in Moscow ay beegsaneyso dadka rayidka ah, inkasta oo weeraro badan lagu qaaday dhismayaal la deggan yahay oo ku yaal Ukraine kuwaas oo khubarada ay sheegeen in ay u badan tahay in ay isu geyn noqon karaan dambiyo dagaal.

Wasiirka xidhiidhka caalamiga ah iyo iskaashiga ee Koonfur Afrika, Naledi Pandor, ayaa ku celisay in Pretoria ay u aragto in xal diblomaasiyadeed iyo wadahadal in lagu gaadho nabadda.

Hase ahaatee, waxa ay difaacday in Koonfur Afrika ay xaq u leedahay in ay xidhiidh laba geesood ah la yeelato dalalka ay doonayso oo aanay reer galbeedku amar ku siin.

Koonfur Afrika ayaa martigelinaysa ciidamada badda ee Ruushka iyo Shiinaha kuwaas oo ay wada samayn doonaan dhoolatus milateri oo bisha February ka dhacaya magaalada Durban.

VOA

Ciidamo galay saldhig ay ku sugnaayeen Al-Shabaab

0

Nairobi (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Waqooyi Bari ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ee dalka Kenya ay maanta howlgal culus ka sameeyeen agagaarka magaalada Gaarisa, kaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsanaa Al-Shabaab.

Ciidamada ayaa lagu soo warramayaa inay gudaha u galeen saldhig qarsoodi ah oo ay xoogaga Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Sedahgose oo hoostaga degmada Gaarisa, waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus oo foolka fool ah islamarkaana geystay khasaare.

Qoraal ka soo baxay Booliska Kenya ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkaas lagu dilay ugu yaraan illaa 12 xubnood oo ka tirsanaa xubnaha Al-Shabaab ee ku sugnaa saldhigga.

Booliska ayaa sidoo kale shaaciyay in nolosha lagu soo qabtay hal xubin oo ka tirsan Al-Shabab, sidoo kalena ay ciidamadda qabsadeen walxaha qarxa, qori PKM ah iyo 1 AK47 ah.

Kenya ayaa intaasi kusii dartay inay sii wadeyso dhaq-dhaqaaqyo ay ka waddo gobolka Waqooyi Bari, si ay looga hortago weerarada Al-Shabaab ee ka dhaca gobolkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidanka Kenya.

Dowladda Kenya ayaa maalmihii dambe dhaq-dhaqaaqyo ka wadday xadka ay la wadaagto Soomaaliya, ayada oo soo dhigtay boqolaal askari, si ay u adkeeyaan amniga halkaasi.

Kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro gaadmo ah oo khasaare kala duwan geysta ka fulisa gobolka Waqaooyi Bari, kuwaas oo muddooyinkii u dambeeyay aad u kordhay.

Si kastaba, Kenya ayaa qayb ka ah dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab , waxayna ciidamo ka joogaan Soomaaliya, kuwaas oo ka howlgallada gobollada Gedo & Jubbooyinka.

Jubbaland oo howlgal ku dishay xubno Al-Shabaab ah kadibna burburisay…

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar ay maanta ciidamada Nabad Sugidda maamulka Jubbaland ku qaadeen goobo ay ku sugnaayeen dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab oo ku yaalla gobolka Jubbada Hoose.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa ka dhacay agagaarka degmada Afmadow, gaar ahaan deegaanka Miido oo hoostaga degmadaas, sida ay xaqiijiyeen ilo wareeydo xilkas ah.

Saraakiisha ammaanka Jubbaland oo ka hadlay weerarka ayaa shaaca ka qaaday inay ku beegsadeen kooxda Al-Shabaab, isla-markaana ay khasaare ku gaarsiyeen howlgalkaas.

Sidoo kale saraakiisha ayaa xaqiijiyey inay dileen ugu yaraan laba xubnood, isla-markaana ay burburiyeen maxkamad beenaad ee ay kooxda ku laheyd halkaasi.

Jubbaland ayaa sidoo kale intaasi ku dartay inay sii wadeyso dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socdo gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya.

Tallaabada ay qaaday Jubbaland ayaa jawaab u ah weerar ay shalay Al-Shabaab ku qaadan deegaanka Singaleyr, kaas oo lagu dhaawacay taliyihii deegaankaas iyo laba askari oo kale.

Dhaq-dhaqaaqyada labada dhinac ayaa kusoo aadaya, ayada oo haatan Jubbaland u diyaar garowday howlgallo lagu xoreynayo deegaanada ay maamulkaas ka joogaan Al-Shabaab.

Ujeedka ayaa ah in la qabto degmada Jilib oo ah xarunta gobolka Jubbada Dhexe, isla-markaana uu ku yaallo saldhigga ugu weyn ee kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, Al-Shabaab ayaa haatan wajaheysa kacdoon uga billowday gobollada dalka, kaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee Macawiisleyda.

MADAALE oo degdeg ugu soo laabtay Muqdisho kadib weerarkii xarunta gobolka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shalay si degdeg ah ugu soo laabtay caasimadda dalka, isaga oo soo gaabiyay safar shaqo oo ugu maqnaa dalka Kuwait.

Guddoomiye Madaale oo markii uu soo gaaray Muqdisho la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay wixii Axadii ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir, isaga oo ka tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay.

“Sabtidii ayaa safar shaqo ah u baxay oo dalka Kuwait ayaa aaday oo maalintii Axada ayuu shirkii noo furmay, dhacdadan markaa maqalnay safarkii waa soo gaabinay si aan dhibta ula qeybsano shacabkeena iyo shaqaalihii ku waxyeeloobay, runtii dhibku aad buu u yar yahay,” ayuu yiri.

“Intii ku shahiiday halkan (xarunta gobolka) ee dhimatay Allaha unaxariisto, inta dhaawacantay Allaha bogsiiyo. Waxaa runtii aad iyo aad ugu mahad-celinayna hay’addaha amniga iyo ciidankii joogay xarunta gobolka oo ka howl-galay cadowgii isku dayay inay waxyeelayaan dadka masaakiinta ah,” ayuu yiri.

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Waa fikir qaldan, cida murtadka ah ee sheegayaan wa ayo? ma kala garanayaan waa dad dhalinyaro ah oo la maran-habaabiyay, Soomaalidu waa Muslim oo Diinta Islaamka ayey ku dhaqmaan.”

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dhalinyarada ay Shabaab weerarada usoo diraan ay marka hore soo miir-dooriyaan “Dhalinyarada yaryarka yeysan ku dhumin nimanka danleyda ee iyagu shahaadada soo raadsan ee ciyaalka yaryarka intay kiniin soo siiyaan iraahda orda shahiida, waa nasiib darro runtii qof Muslim dhiigiisa daadintiisa laguma Janno-galo.”

Guddoomiye Madaale ayaa ugu dambeyntiina sheegay in weerarada Shabaab oo xilligaan ku jabay dagaalka uga socda gobolada aysan marnaba cabsi-galin doonin, islamarkaana ay bulshadooda u adeegi doonaan marwalba.

“Waxaa aaminsanahay in mowd-ku ina-haleelayo oo nama baqdin galinayaan Khawaarijta, laakiin waxaa kula talinaya intay goori-goor tahay ay ka towbad keenaan dadka Soomaaliyeed ee walaalahood ee laynayaan, hana kamid noqdaan dadkooda.”

Axaddii ayay aheyd markii dagaal-yahaano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weerar qaraxyo ku billowday ku qaadeen xarunta maamulka gobolka Banaadir, kuwaasi oo markii dambe dagaal toos ah la-galay ciidamada dowladda.

Maleeshiyaadka Shabaab ee weerarka soo qaaday ayaa gudaha u galay dhismaha, inkasta oo saacado kadib lasoo afjaray, waxaana weerarkaas ku dhintay illaa 5 qof oo rayid ah, halka ay ku dhaawacmeen 4 ruux oo kale, sida ay sheegtay dowladda federaalka Soomaaliya.

Hoobiyeyaal lagu weeraray agagaarka madaxtooyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaraxyo xooggan oo la rumeysan yahay inay yihiin hoobiyeyaal ayaa goordhow laga maqlay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. 

Hoobiyeyaasha ayaa ku dhacay xaafado ku dhow madaxtooyada qaranka, waxaana illaa hadda la xaqiijiyey inay soo dhaceen 7 hoobiye, kuwaas oo kala carar iyo argagax dhaliyey. 

Hoobiyeyaasha qaarkood ayaa ku dhacay meelo u dhow madaxtooyada qaranka, SYL iyo wasaaradda warfaafinta, waxaana la arkayey dadweyne kala cararaya iyo kuwa gabbaad raadsanaya. 

Illa aiyo hadda ma cadda khasaaraha ka dhashay, haddiiba ay jiraan. Faah-faahin naga filo goordhow. 

Sawirro: Xasan Sheekh oo tusaale u soo qaatay gefkii dowladdii Maxamed Siyaad

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Muqdisho ka furay shirweynaha Culimada Soomaaliyeed ayaa dib u xusay culimadii Soomaaliyeed ee lagu dilay magaalada Muqdisho, 23-kii Janaayo sanadkii 1975-kii.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in culumadaas ay u shahiiday in ay dadka Soomaaliyeed ka difaacaan afkaartii khaldanayd ee hanti-wadaagga iyo marin habaabinta diinta Islaamka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladnimada Soomaaliyeed ee maanta ay aas-aas u tahay ilaalinta diinta iyo ku dhaqanka shareecadda Islaamka.

“Waayihii ay dhaceen waxaas ee culumada la laayey dowladeena ayaa ku aragti aheyd dowladihii watay hantiwadaagga oo diinteena aan shuqul ku laheyn, culumadii diidayna waad ogeydeen oo waa la laayey,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in xiligaas aysan dadka Soomaaliyeed suurta-gal u noqoneyn inay raacaan nidaamkaas, maadaama aysan wax shaqo ah isku laheyn dhaqanka Soomaalida ee ku saleysan diinta suuban ee islaamka iyo kii Midowgii Suufiyeti ee Hanti-wadaaga.

“Culumadii maalintaas la dilay waqtigooda ayaa intaas ku ekaa, laakiin kadib maxaa dhacay? Dagaalka Khawaarijta maalintii ay soo baxeen waxaa bilaabay madaxweyne Sheekh Shariif, maanta meel dhib badan ayuu soo gaaray,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyey in xalka Khawaarijta daawadiisa ay hayaan culumada Soomaaliyeed, “Culumo allay diinta islaamku ma qeybsanaa, marka aqoontii diinta idinkay idinku idishehee, waxaad shirkaan uga faa’iideysataan in doodaha yaryar ee dhexdiina ah aysan caamada soo gaarin,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in kooxda Al-shabaab ay xasuuqeen culimadii iyo wax-garadkii dalka, ayna hor istaageen nolasha iyo horumarka deegaannada ay xoogga ku haysteen.

“Qofkii rajo ka qaba Al-Shabaab in ay u naxariisanayaan haku tusaale qaato wadaadkii Indhoolaha ahaa ee isaga oo meel uu u baxsado la’ ay ku dileen Xarunta Gobolka Benaadir. Dagaalka Khawaarijta, muddo dheer ayuu soo socday, waxa uuna soo gaaray maanta oo dhibaatadoodu ina wada gaartay. Waxaan rabnaa in xal loo helo dabar-goynta fikirkaas, xalkiina shirkaan ayaa laga sugayaa,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Farqiga weerarada Shabaab ee xarumaha DF iyo Hotellada – Arrin baaris u baahan

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa shalay weerar qaraxyo ku billowday ku qaaday xarunta maamulka gobolka Banaadir, maleeshiyo kooxda ka tirsan ayaa gudaha u galay xarunta, halkaas oo ku dhawaad 2 saac ka dagaalameen.

Kooxdii Shabaab-ka aheyd ee weerarka soo qaaday ayaa la-laayay, kadibna meydkooda ayaa la iskugu geeyay banaanka xarunta maamulka gobolka Banaadir, halkaas oo saxaafada lagu tusay.

Xubnihii maamulka ee gudaha ku jiray iyo inta badan masuuliyiintii maamulka gobolka Banaadir ayaa laga badbaadiyay weerarka.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxay sheegtay in weerarkan ay ku dhinteen 5 qof, 4 kalana ay ku dhaawacmeen.

Al-Shabaab markay weerar ku galaan hoteellada ku yaalla magaalada Muqdisho waxay ku jiraan ama haystaan saacado badan.

Labadii hoteel ee ugu dambeysay ee ay weerareen Hayat iyo Villa Rays waxay mid walba haysteen in ka badan 48 saac, laakiin marka dib ugu laabano dhowr jeer oo xarumo dowladeed ay galeen kuma daahin oo durtaba waa la-laayay.

Weerar ay kal hore ku qaadeen xarunta wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha ee dowladda federaalka oo ay gudaha u galeen waxaa la xasuusta in degdeg loo soo afjaray.

Shalay xarunta maamulka gobolka Banaadir oo ay qaraxyo kadib gudaha u galeen ayaa sidoo kale saacado yar lagu soo afjaray.

Inkasta oo ay doodda weyn tahay galista xarunta maamulka gobolka Banaadir oo ah mid aan la aqbali karin in Al-Shabaab xaruntaas ay haweysato, haddana arrin kale oo weydiin leh una baahan in la dul istaago ayaa ah sababta kooxda saacadaha badan u haysan karto hoteellada, oo ay qolal gaar ah oo si fudud looga saari karin u dagaan balse xarumaha dowladda ayna ugu nagaan karin marka ay weeraraan.

Halkan waxaa ka dhalanaya tuhun ah in Al-Shabaab hoteellada sii dajiyaan kooxda ay rabaan inay weerarka fuliso oo ay halkaas muddo kusii noolaadan si ay u bartaan.

Qof aan aqoon gudaha goobta ugama diriri karo sida Al-Shabaab uga dhex dagaalamaan hoteellada, haddii ay ciidankooda karaan inay ku nagaadan goob ay markaas ugu horeysay gudaha xarumaha dowladda ayay ku nagaan lahaayeen ayey leeyihiin khubarada amnigu.

Baaris cusub ayay arrintaan xasuusineysa dowladda federaalka, dadka hoteellada dega aad looma hubiyo marka la joogo Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Maadama lagu jiro dagaal lagu raadinayo amni iyo badbaado shacab dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida waxaa laga raba inay keento xeelad lagu ogaan karo nooca dadka degaya hoteellada iyo xogahooda, si looga badbaado dhagarta Al-Shabaab loona badbaadiyo dadka war-mooga ah ee hoteellada degan ama kuwa u cunta iyo sheeko taga.

Al-Shabaab waxay isticmaalayaan kaararkooda ugu dambeeyay, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu hore u sheegay in maadama kooxda jab weyn kasoo gaaray dagaalka ay dowladda kula jirto inay fulin doonaan qaraxyo iyo weeraro quus ah, wuxuuna shacabka weydiistay dulqaad inta laga soo afjarayo kooxda.

Shacabka magaalada Muqdisho oo ah kuwa ugu badan ee bartilmaameedka u ah kooxda Al-Shabaab waxaa la gudboon taxadar inta lagu jiro maalmaha lagu soo afjarayo kooxda Al-Shabaab ayay leeyihiin dadka ka faalloonaya dagaalka.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa guulo wax ku ool ah kasoo hoysay dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada dhowrkii billood ee lasoo dhaafay, waxaase dhinaca kale hortaalla inay si weyn ugu diyaar-garooban amniga caasimadda oo ah meesha ay Al-Shabaab marwalba rabto inay ugu aargudo xubnaha laga laayay.

Erdogan threatens to block Sweden’s NATO bid over Quran burning protests

Ankara (Caasimada Online) – Turkey President Recep Tayyip Erdogan warned Sweden o Monday that it should not expect support for its bid to join the North Atlantic Treaty Organization (NATO) following a series of protests in Stockholm over the weekend. 

The demonstrations, led by anti-Islam activist Rasmus Paludan and pro-Kurdish groups, included burning the Quran outside the Turkish Embassy in Stockholm.

Erdogan strongly criticized Paludan’s actions, stating that they insulted everyone, particularly Muslims. 

He also took issue with the Swedish authorities for allowing the protest to take place outside the embassy, which he referred to as an attack on 85 million Turkish citizens. 

In a statement, Erdogan said, “It is clear that those who allowed such vileness to take place in front of our embassy can no longer expect any charity from us regarding their NATO membership application.”

The Turkish President also expressed his concerns with the pro-Kurdish protests in Sweden, in which demonstrators waved flags of various Kurdish groups, including the Kurdistan Workers’ Party (PKK). 

Erdogan criticized Sweden for not banning symbols associated with the PKK, which is considered a terrorist group in Turkey, the European Union, and the United States, and stated that this would prevent support for Sweden’s entry into NATO. “So you will let terror organizations run wild on your avenues and streets and expect our support for getting into NATO. That’s not happening.”

Turkey has been blocking the Nordic nations’ historic bids to join NATO, stating that they must first address Turkey’s security concerns. 

Swedish officials have stated that the country’s Constitution guarantees freedom of expression and allows individuals broad rights to express their opinions publicly but that inciting violence or hate speech is not permitted.

Individuals planning a public gathering in Sweden must seek permission from the police. The police can only deny permission in rare cases, such as when public safety is at risk.

Top Swedish officials have stated that freedom of expression is crucial to democracy while criticizing Paludan’s actions as disrespectful and ones they disagree with.

Anti-Islam activist Paludan, who holds both Danish and Swedish citizenship, has established far-right parties in both countries that have failed to win any seats in national, regional, or municipal elections. In last year’s parliamentary election in Sweden, his party received just 156 votes nationwide. 

His Quran burning sparked counter-protests in Turkey over the weekend, where demonstrators burned his photograph and a Swedish flag.

SOURCE: NEWS AGENCIES

Daawo: Xasan oo doonaya isbeddel lagu sameeyo dugsiyada qur’aanka ee dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furay shirweynaha Culimada Soomaaliyeed ayaa si weyn u dhaliilay in hay’addaha dowladda aysan xil gaar ah iska saarin dugsiyada Qur’aanka, si lamid ah Iskuulada iyo Jaamacadaha.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in xilligaan ay Dugsi Qur’aanka ka meeqaam sareeyaan Iskuulada iyo Jaamacadaha, taasi oo uu sheegay in ay wasaaraddaha xukuumadihii kala dambeeyay aysan ku baraarugsaneyn, islamarkaana ay hadda xooga wada saari doonaan.

“Jaamacadaha iyo Iskuulladeenu inay qurxoonadaan waa fiican tahay laakiin in Dugsi Qur’aanka uu jidka ku dhex yaallo maahan, asna waa in uu qurxoonaada oo nadiif ahaada oo uu yeesho wixii ay lahaan lahaayeen dad meel iskugu yimid.”

“Iskuul markii meel laga dhiso suuli ayaa loo sameeya oo meel biyo laga cabo ayaa loo sameeya, Dugsi Qur’aanka muxuu intaas oo kale u yaalan karin oo u muteystay meel ay kala istaagan, dayacaad sow maha ahan, meesha aan rabno in aan ka imano meeshaas waaye.”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inuu rabo in Diinta ay xil gaar ah iska saarto dowladda, ayna masuuliyadeedu tahay inay ilaaliso oo ay ka hortagto dadka iyo kooxaha raba in ay sida gaarka ah u adeegsadaan.

“Dowladdu markay deegaan qorsheynayso ee Iskuulka u yeelayso ee wax walba u yeelayso, dugsi Qur’aanka iyo Masaajidka aysan u yeelayn. Diinta weli dadkaa iska leh maanta la joogo waa rabna berri Ilaahay hana gaarsiiyo, laakiin dowladdu diinta malahan inay lahaato oo ilaaliso waaye.”

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Ma ahan in wax ka badasho ee waa in ay ilaaliso oo luuq laga soo galin, dowladda masuuliyadeeda u horeysa waa taas.”

Madaxweynaha oo lahaa soo jeedinta shirweynaha Culimadda Soomaaliyeed ee maanta ka furmay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu dadaal badan galinaya sidii loo dhisi lahaa Gole sare oo Islaami ah oo hormuud u yihiin Culimadda Soomaaliyeed.

Hoos ka daawo

Weerar lagu qaaday saldhig ay ku sugnaayeen Shabaab oo xubno badan lagu dilay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in duqeymo cirka ah ay ciidamadu ku garaaceen saldhig xubno Shabaab ah ku dhuumanayeen, kaasi oo ku yaalla deegaanka Beer-faarax oo dhaca Waqooyi-galbeed degmada Xarardheere ee Koonfurta gobolka Mudug.

Qoraal kooban oo kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ayaa lagu sheegay in duqeynta kadib uu xigay dagaal, islamarkaana khasaare xoogleh lagu gaarsiiyay Al-Shabaab, loogana dilay ku dhawaad 40 dagaal-yahan.

“Ciidanka xoogga dalka ayaa weerar ku qaaday Deeganka Beer-faarax oo dhaca waqooyi galbeed Degmada Xarardheere ee koonfurta Gobolka Mudug. Ciidanka ayaa la wareegay deegaanka,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda warfaafinta.

Deegaanka Beer-faarax ee maanta la wareegeen ciidamadu ayaa dhaca Waqooyiga degmada Xarardheere oo dhawaan laga xoreeyay Al-Shabaab, waxaana fariiso muhiim ah ka sameystay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Galmudug.

Madaxweynaha dowlad-goboleedka Galmuudg, Axmed Qoor-Qoor oo haatan ku sugan magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa halkaas ka wada dardar-gelinta dagaalka, ayada oo maalmihii dambe ka socdeen howl-galo is-ballaarin ah.

Wasiirka Gaashaandhigga, Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha ciidamada dhulka ayaa sidoo kale ku sugan Xarardheere oo ah degmo muhiim ah, waxayna xooga saarayaan kasii duulaan tagida degmadaas iyo sifeynta deegaanada ay ku dhuumaleysanayaan Shabaabku.

Si kastaba, Sheegashada dowladda ayaa imaneysa maalmo uun kadib markii ay sidan oo kale sheegtay inay Al-Shabaab ka dishay 100 dagaal-yahan oo Jimcihii toddobaadkii hore weerar ku qaaday degmada Galcad.

Xiisadda Laascaanood oo si weyn usoo laba kacleysay – Maxaa dhacay maanta?

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Xiisadda Laascaanood oo maalmihii dambe kasoo reysaneysay rabshadihii kal hore ka dhacay ayaa waxay markale u muuqaneysa inay si weyn usoo laba-kacleysay, kadib socdaal uu maanta magaalada ku tagay Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah Garaadka guud ee deegaannada SSC.

Garaad Jaamac oo kamid ah Garaadyada kasoo horjeeda gooni isu-taagga Somaliland ayaa waxa si ballaaran loogu soo dhaweeyay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Garaadkan ayaa waxaa magaalada ugu dambeysay sanadkii 2007-dii, xilligaasi oo gacan ku haynta Laascaanood ay la wareegtay xukuumadda Somaliland.

Waxay soo dhawayntiisu noqotay middii abid ugu ballaarneyd ee ka dhacda Laascaanood, iyada oo kumanaan shacab ah oo sita calanka Soomaaliya ay soo buux dhaafiyeen waddooyinka gudaha magaalada.

Garaad Jaamac oo khudbad ka jeediyay fagaaraha bartamaha Laascaanood ayaa waxa uu xukuumadda Somaliland ku eedeeyay in ay ka dambeeyaan dhibaatooyinka ka dhacay magaalada, isaga oo sheegay in aan Laascaanood mardambe laga maamuli doonin Hargeysa.

“Soomaali kala go’aysaa ma jirto, Soomaali baanu nahay. Soomaali baanu ahaan doonnaa. Dhiiggii awoowayaasheen bilaash uma uusan daadan, wuxuu u daatay in la helo Jamhuuriyad Soomaaliyeed oo mid ah. Kuwa maqan ayaan doonaynaa kuwo jooga kala goyn mayno,” ayuu yiri Garaad Jaamac Garaad Cali

Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay “in reer Laascaanood ay yihiin dad waligood usoo halgami jiray midnimada Soomaaliya, haddanaa ay raalli ka ahaan doonin in Soomaaliya la kala gooyo.”

Arrintan ayaa ka dhigan in Somaliland oo gacanta ku haysa maamulka magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ay qaadi doonto tallaabo ka dhan ah dhaq-dhaqaaqa uu garaadku ka wado magaalada, sida ay qabaan dadka sida dhow ula socda arrimahaan.

Sidoo kale waxaa lasoo sheegaya in walaac horleh uu soo foodsaaray bulshada ku nool magaaladaasi oo dhawaan uun kasoo baxay rabshado dhiig ku daatay.

Kadib WEERARKII xarunta G/Banaadir oo saddex arrin oo banaanka usoo baxay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal-yahaano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa shalay weerar qaraxyo ku billowday ku qaaday xarunta maamulka gobolka Banaadir, iyaga oo markii dambe dagaal toos ah la galay ciidamada dowladda.

Maleeshiyaadka Shabaab ee weerarka soo qaaday ayaa gudaha u galay dhismaha, iyada oo weerarkaas ay ku dhinteen illaa 5 qof oo rayid ah, halka ay ku dhaawacmeen 4 ruux oo kale, sida ay sheegtay dowladda federaalka Soomaaliya.

Weerarka shalay ee xarunta maamulka gobolka Banaadir ayaa banaanka soo dhigay saddex arrimood oo ay tahay in dowladda federaalka si weyn ugu baraarugto, sida uu sheegay Axmed Cabdullaahi oo hore wasiir ku-xigeen uga soo noqday maamulka Galmudug.

Axmed Cabdullaahi oo la hadlay VOA ayaa sheegay in aan daba-gal badan lagu sameyn marka ay wax dhacaan, taasi oo keenaysa in dhacdooyin isku nooc ah ay markasta soo noq-noqdaan.

“Waxaa isleeyahay goldalooloyin ayaa ka dhex jira hay’addaha amniga iyo dowladda oo dhan, markii wax dhacaan aan wax laga baraneyn oo aan dadaal badan xooga laga sameyn in dib u dhacaan wixii oo kale. Arrimahaan oo marwalba soo noq-noqonaya markasta waxay leeyihiin calaamad ah in la fududeydinayo oo dad dowladdii ama ciidamada kamid ah ay fududeynayaan,” ayuu yiri.

“Haddii aan damco in aan tago gobolka Banaadir oo gudaha galo wey igu adkaaneysa ID-card kasta oo sito in aan gudaha galo, tana waxa waaye intaas oo checkpoint ayey soo mareysa oo meeshii u dambeysay ayaa falka laga sameynaya in ay markaas gacmo ku jiraan ayaa muuqaneysa.”

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Dadkii shaqeynayay oo aan la iska jirin dhexdooda gacmo ah oo shaqeynaya inay jiraan ayaa muuqaneysa iyo in daba-gal badan uusan jirin oo marka wax dhacaan aan dadaal badan laga sameyn in markale dhacaan.”

Maleeshiyaadka Shabaabka ahaa ee weerarka ku qaaday xarunta gobolka Banaadir ayaa ahaa kuwa lugaynaya, iskuna ekaysiiyay ciidamada Qaranka si ay halkaas usoo gaaraan, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay dowladda.

Weerarkan ayaa ku soo aaday, xilli maalmihii u dambeeyay ay Al-Shabaab culeyska soo saartay magaalada Muqdisho, kadib dagaalka culus ee kaga socda gobollada dalka, waxaana weerarkii u dambeeyay oo toos ahaa ay ku qaaday Villa Rays oo ku yaalla agagaarka madaxtooyada.

Somalia condemns Sweden for allowing Quran burning

Mogadishu (Caasimada Online) – Somalia has strongly condemned the actions of the Swedish authorities for allowing an extremist to burn a copy of the Holy Quran in front of the Embassy of Turkey in Stockholm on January 21.

Rasmus Paludan, leader of the Danish far-right political party Hard Line carried out the Quran burning. Paludan, who holds dual citizenship with Sweden, has conducted several prior demonstrations in which he burned copies of the Quran.

The burning of the Quran took place during a demonstration to protest Sweden’s bid to join NATO and to show support for Kurds.

A statement released on Monday reads, “The Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation strongly condemns the Swedish authorities’ allowing an extremist to burn a copy of the Holy Qur’an in front of the Embassy of the Republic of Türkiye in Stockholm on Saturday (January 21), which represents a blatant violation of religious sanctities and a provocation to the feelings of Muslims all over the world.”

The Somali government stated that this act represents a violation of religious sanctity and is a provocation to the feelings of Muslims all over the world.

The statement continues, “Allowing this hateful act that insults Islamic sanctities and values is completely unacceptable. It is a demagogic practice that promotes hatred and racism and serves the agendas of extremism and terrorism.”

The Somali government calls for spreading the values of dialogue, tolerance, and coexistence and rejecting hate speech and violence.

The statement adds, “The Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation renews the importance of respecting religious symbols and refraining from provoking hatred and fueling strife through abuse and distortion of religions, sanctities, and Islamic rituals.”

Somalia has called on Sweden to take strong measures against the rising tide of hatred against Muslims. It urges all actors in the international community to shoulder their responsibilities in curbing Islamophobia.

The Muslim world has erupted in anger and alarm over the incident. Turkey, Pakistan, Kuwait, Saudi Arabia, the United Arab Emirates, Qatar, and Iran have all condemned the actions.

Turkey said, “We condemn in the strongest possible terms the vile attack on our holy book, the Quran, in Sweden today (January 21), despite our repeated warnings earlier.” Pakistan added, “This senseless and provocative Islamophobic act hurts the religious sensitivities of over 1.5 billion Muslims worldwide.”

Kuwait’s Foreign Minister, Sheikh Salem Abdullah Al Jaber Al Sabah, called on the international community “to shoulder responsibility by stopping such unacceptable acts and denouncing all forms of hatred and extremism and bringing the perpetrators to accountability.”

Saudi Arabia stated, “Saudi Arabia calls for spreading the values of dialogue, tolerance, and coexistence, and rejects hatred and extremism.” The United Arab Emirates said it was against “all practices aimed at destabilizing security and stability in contravention of human and moral values and principles.”

Qatar condemned the Swedish authorities’ permission to burn the Holy Quran. It called on the international community to shoulder its responsibilities to reject hatred and violence.

Mareykanka oo billaabay barnaamij ay shacabka ku keeni karaan qaxooti (Group 5)

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa billowday barnaamij u ogolaanaya shacabka inay kafaalo qaadaan (sponsor) oo ay dalka Mareykanka keenaan qaxooti, ayaga oo lacag isku daraya, taasi oo sare u qaadi karta qaxootiga dalka imanaya, islamarkaana yareyn karta qarashka ka baxa dowladda. 

Barnaamijkan cusub ee ay daaha ka rogtay Waaxda Arrimaha Dibedda oo lagu magacaabo Welcome Corps, ayaa shan qof waxay iska ururin karaan ugu yaraan $2,275, halkii qofba ee ay dalka keenayaan, si lacagtaas loogu taageero guri dejinta iyo baahiyaha kale ee aas-aasiga muddda saddexda bilood ah ee ugu horreysa ee ay Mareykanka ku cusub yihiin. 

Kooxda wax sponsor gareyneysa, ayaa noqon karta muwaadiniin Mareykan ah, ama kuwa degan dalka ee haysta green card, waxaana looga baahan doonaa inay maraan hubin shaqsiyeed (background check), ayna abuuraan qorshe taageero, sida ku cad website barnaamijka.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa barnaamijkan ugu yeeray “hindisihii ugu dhiiranaanta badnaa ee dib-u-dejinta qaxootiga” tan iyo markii uu Mareykanka billaabay soo qaadista qaxootiga 1980-kii. Waxa uu sheegay in kooxo diimeedyada, askarta, ganacsiyada iyo jaamacadaha ay ka qeyb-gali karaan barnaamijka.

Barnaamijka ayaa ujeedkiisu yahay in la helo 10,000 oo kafaala qaada 5,000 oo qaxooti ah sanad xisaabeedka 2023, oo ku eg bisha September, sida ay sheegtay Waaxda Arrimaha Dibedda.

Barnaamijka oo la mid ah midka Canada ee loo yaqaan Group Five, ayaa qeyb ka ah dadaal ballaran oo madaxweyne Joe Biden oo Dimoqraadi ah uu shacabka Mareykanka ku siinayo fursad ay ku taageeraan ajaaniibta raadinaya badbaadada.

Maamulka Biden ayaa habkan cusub u arka mid taageero dheeri ah siin kara qaxootiga kadib markii madaxweyne hore ee Mareykanka Donald Trump oo Jamhuuri ah uu ka dhigay kuwo halis amni ah, islamarkaana uu aad u yareeyey keenistooda, taasi oo weli aan laga soo kaban.

Biden ayaa cadaadis kala kulmaya Jamhuuriga sababo la xiriira siyaasaddiisa ku aadan amniga xuduudda, ayada oo tiro aan horey loo arag oo muhaajiriin ah ay isku dayayaan inay si sharci-darro ah uga soo tallaabaan xuduudda Mexico.

Hase yeeshee, barnaamijka Welcome Corps ayaan la fileyn inuu saameyn dhow ku yeesho xuduudda, maadaama qaxootiga lagu soo qaadayo ay galayaan hanaan codsi oo muddo dheer qaadanaya ayaga oo ku sugan dalal kale, si gaar ah meelaha ay dagaallada ka socdaan.

Maamulka Biden ayaa horraantii Bishan billaabay barnaamij bani’aadannimo oo tijaabo ah, oo qiyaastii 30,000 oo qof oo muhaajiriin ka kala socda dalalka Cuba, Haiti, Nicaragua iyo Venezuela ay bil walba kusoo geli karaan Mareykanka haddii ay haystaan dad sponsor gareeya, islamarkaana ay kusoo safraan diyaarad.

Maamulka ayaa sidoo kale barnaamijkan u adeegsaday in dalka loogu ogolaado dadka Afghanistan iyo Ukraine ee soo qaxaya.

Barnaamijka Welcome Corps ayaa qaxootiga keeni doona ayada oo la marayo Barnaamijka Dib-u-dejinta Qaxootiga ee Mareykanka, kaasi oo tixraacyada ka hela Qaramada Midoobe iyo safaaradaha Mareykanka.

Biden ayaa sanad xisaabeedkan waxa uu qaxootiga uu Mareykanka keenayo ka dhigay ugu badnaan 125,000, taasi oo billaabatay 1-dii October 2022. Waxaa dalka yimid 6,750 intii u dhaxeysay October illaa December, sida ku cad xogta barnaamijka, taasi oo ka dhigan in tirada ay ka yaraan doonto hadaf sanadeedka.

Qaxootiga iminka imaanaya Mareykanka ayaa waxaa caawiyaa sagaal hay’ado dib-u-dejin oo isku halleeya maal-gelinta dowladda. Qaar ka mid ah hay’adahaas ayaa hadda qeyb ka ah taageeridda qorshaha Welcome Corps.

Lixda bilood ee ugu horreysa hindisaha cusub, Waaxda Arrimaha Dibedda ayaa shacabka wax sponsor garaynaya ku xiri doonta qaxootiga kiisaskooda horey loo ansixiyey, sida ay sheegtay Waaxda Arrimaha Dibedda. Bartamaha 2023, dadka wax sponsor garaynaya ayaa awoodi doona inay Waaxda Arrimaha Dibeda usoo gudbiyaan kiisaska qaxooti si looga fakaro in dib-u-dejin loo sameeyo.

Shirka culimada Soomaaliyeed oo ka furmay Muqdisho iyo saddex qoddob oo horyaalla

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed, kaasi oo uu horay ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirkan oo ay kasoo qeyb-galeen culimo gudaha dalka iyo dibadda isaga kala timid ayaa waxa uu ku saabsan yahay doorka culimada ee la-dagaalanka fikirka xagjirka ah ee Al-Shabaab.

Culimada ayaa kulankooda dood uga yeelan doonaan dhowr qoddob oo miiska saaran, kuwaasi oo kala ah;

  1. Sharciyad ka qaadista Al-Shabaab: Sixida fahamka saxda ah ee Diinta Islaamka
  2. Sharciyad siinta dowladda: Xukunka Islaamka iyo dowladnimada casriga ah iyo
  3. Dhisidda Golaha Sare ee Culumada Soomaaliyeed: Muhiimadiisa iyo Sharciyeyntiisa.

Qaar kamid ah culimada qeybta ka ah kulankaan oo goor sii horeysay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in shirkaan uu muhiim u yahay jiheynta dalka, si culimadu usoo saarto bayaan guud oo ku socda madaxda dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada iyo shacabka.

Agaasimaha Waaxda Diinta iyo ku-dhaqanka Shareecada Islaamka ee wasaaradda Awqaafta iyo arimaha Diinta Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay in shirkaan uu kusoo beegmay waqti aad loogu baahan yahay.

“Waa shir Culimada Soomaaliyeed loo qabanayo, waa shir maslaxada guud looga hadlayo, waa shir la doonaayo in waddanka uu is raaco, si fiican isu raaco, diinta islaamkana isu raaco oo culimaduna si qeexan ra’yidooda usoo bandhigto,” ayuu yiri Sheekh Cali Sheekh Maxamuud Cumar.

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Waa shir la rajeynayo haddii Alle idmo in qodobo kasoo baxaan, waana la caddeyn doonaa qodobadiisa.”

Furitaanka shirkan ayaa sidoo kale waxa qeyb ka ah mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka oo khudbado ka jeedinaya, wuxuuna kusoo aadaya xilli uu dalka ka socdo dagaal culus oo ka dhanka ah kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab.