28 C
Mogadishu
Monday, May 11, 2026

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay inay dishay in ka badan 300 oo Shabaab ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, Daa’uud Aweys oo maanta shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha, isaga oo uu hareer taagan yahay Ergeyga Midowga Afrika ayaa ka warbixiyay howlgalladii u dambeeyay ee ka dhacay dalka.

Daa’uud Aweys ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada dowladda ay guullo waaweyn ka gaareen howlgallo ka dhacay Galmudug, HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Howlgalladan ayaa si gaar ah uga kala dhacay gobollada Galgaduud, Mudug, Shabeelaha Dhexe, Shabeelaha Hoose iyo Baay, sida uu sheegay Daa’uud Aweys.

Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in howlgalladaas lagu dilay in ka badan 300 oo xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, isla-markaana jab xoogan lagu gaarsiiyay kooxda.

“Isu-geynta tirada Khawaarijta laga dilay howlgalladii dhacay todobadii maalmood ee la soo dhaafay waxay gaareysaa 323 xubnood,” ayuu yiri wasiir Daa’uud Aweys.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in tallaabooyinkan ay muujinayaan in dowladda Soomaaliya iyo dadka deegaanka ay guul weyn ka gaareen dagaalka Al-Shabaab

“Taas waxay muujineysaa in ciidamada dowladda oo kaashanaya shacabka ay horumar weyn ka gaareen dagaalka lagula jiro Khawaarijta,” ayuu markale raaciyay.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray in howlgalladan ciidamada huwanta ay kooxda Al-Shabaab uga soo furteen hub iyo gaadiid dagaal.

Dhanka dowladda waxa uu xaqiijiyey in ay 7 askari uga dhinteen weerarkii Galcad, kaas oo uu ku jiro taliye ku xigeenkii ciidanka Danab iyo 5 askari oo looga dilay weerar kale oo ka dhacay deegaanka Xawaadley kaas oo isna ku jiro sarkaal sare oo la yiraahdo Shataqey.

Wasiir Daa’uud Aweys oo sii hadlaya ayaa shaaca ka qaaday in howlgalladu ay ka sii billowdeen Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, ayada oo laga duulayo baaqii madaxweynaha.

Illaa 10 deegaan oo ka tirsan maamulladaas ayuu xaqiijiyay inay soo galeen gacanta dowladda, waxaana ka mid ah deegaanadaas Janaay Cabdalle oo ka tirsan Jubbada Hoose.

Daawo: Culimada ku shirsan Xamar oo caddeeyay xukunka sharciga ah ee Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo maalintii saddexaad ka socda magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, ayaa waxaa lagu cadeeyay xukunka sharciga ah ee Al-Shabaab.

Sheekh Xasan Maxamed Ibraahim oo kamid ah culimada Soomaaliyeed oo shirka ka hadlay ayaa ugu horeyntii waxa uu sheegay in Al-Shabaab ay yihiin kuwa ku socda “dariiq halowsan oo aan aheyn Islaamka saxda ah.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in kooxda Al-Shabaab ay tahay Khawaarij, ayna tahay in loogu yeero marka la eego dhinaca gaaleysiinta Muslimiinta, ku dhiirashada dhiigooda iyo hantidooda.

“Hadda ka qiimeyno dhanka kale ee waxay sameynayaan waxa ay u eegyihiin dawaa’if kale oo kuwaas ka duwan, waxay dhaqanka aad ugu eegyihiin niman la yiraahdo Al-Xashaashiin ee Ismaacilayada ahaa ayaa dhaqanka noocaan ah lahaa in dadka masaajida lagu laayo oo waxay gaadheen in illaa Salaaxudiin Al-Ayyubi ay gurigiisa galaan oo u muujiyaan in uu ‘muhadad yahay’,” ayuu yiri.

Sheekh Cismaan Usuuli ayaa sidoo kale iftiimiyay in xaq uu yahay dagaalka lagula jiro Shabaab, ayna tahay in culimada ay ka qeyb qaadato dagaalka ay ku cadeynayaan xaqa maadama kooxdan ay fikir qaldan ku duufsadeen dad dhalinyaro ah.

“Laba aan u kala qaadno Shabaab, ninka qoriga qaatay ee duurka galay oo raba in uu umadda laayo kaas sharcan iyo caqlan xukunkooda waa in la iska dhiciyo cid isweydiineysa malaha, dowladda ka masuul ah o ayada qori u qaatay Allaha kheyr ha siiyo ciidamada waa kuwa furinta ku jira, Ilaahay ha ku garab-galo dowladda,” ayuu yiri.

“Waxa jira kuwa aan dagaalka ku jirin oo fikir ahaan iska aaminsan oo meel kasta jooga kuwaas anaga ayay masuuliyadooda na-saaran tahay. Qolooyinka afkartaas wata ee mugdiga kula jira, anaga in aan Ilaahay ugu dhawaano weeyi, masuuliyadaas waa la isweydiinaya.”

Shirkan oo ay kasoo qeyb-galeen culimo gudaha dalka iyo dibadda isaga kala timid ayaa waxa uu ku saabsan yahay doorka culimada ee la-dagaalanka fikirka xagjirka ah ee Al-Shabaab, inta uu socdana waxay dood ka yeelan doonaan saddex qoddob oo muhiim ah, kuwaasi oo kala ah;

  1. Sharciyad ka qaadista Al-Shabaab: Sixida fahamka saxda ah ee Diinta Islaamka
  2. Sharciyad siinta dowladda: Xukunka Islaamka iyo dowladnimada casriga ah iyo
  3. Dhisidda Golaha Sare ee Culumada Soomaaliyeed: Muhiimadiisa iyo Sharciyeyntiisa.

Si kastaba, shirweynaha Culimada Soomaaliyeed ee ka socda magaalada Muqdisho ayaa wuxuu muhiim u yahay jiheynta dalka, ayada oo culimadu kasoo saari doonto bayaan guud oo ku socda madaxda dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada iyo shacabka.

Wararkii ugu dambeeyey ee shirka Koonfur Galbeed ka socda iyo waxa xiga + Video

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay waxaa weli ka socdo shirweynaha dib u heshiisiinta ee Koonfur Galbeed, kaas oo u dhexeeyo maamulka Cabdicasiis Lafta-gareen iyo xubnaha mucaaradka ku ah ee maamulkaasi.

Maxamed Xuseen Xasan (Joon) oo kamid ah siyaasiyiinta Koonfur Galbeed oo la hadlay Telefishinlka Universal ayaa tafaasiil dheeraad ah ka bixiyay shirka ka socdo Baydhaba iyo natiijada illaa iyo hadda laga gaaray, maadaama wada-hadalladu galeen hal todobaad.

Siyaasigan ayaa shaaca ka qaaday in wejiga koowaad ee shirka uu weli socdo, isla-markaana looga hadlayo tabashada mucaaradka iyo dhacdooyinkii u dambeeyay.

“Maalmahan waxaa socday wejiga koowaad ee dib u heshiisiinta oo looga hadlayey tabashooyinkii ay qabeen siyaasiyiinta reer Koonfur Galbeed oo ay hoggaaminayaan Midowga Musharixiinta,” ayuu yiri siyaasiga caanka ah Maxamed xuseen Xasan (Joon).

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in wejiga labaad oo ah mid muhiim ah la guda-geli doono todobaadka soo socdo, isla-markaana looga hadli doono arrinta doorashada.

“Arrinta ku saabsan siyaasadda iyo doorashooyinka waa innoo dhiman tahay, waana ku ballan sanahay in la galo isbuuca soo socda,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Joon ayaa sidoo kale xusay in waxa shirka kaliya ay noqon doonto in la jaan gooyo doorashada, si looga gudbo xiisadda kala dhalatay muddo kororsiga Lafta-gareen.

“Waxaan rajeyneynaa muddo xileedka madaxweynaha sida uu u dhammaaday, isla-markaana doorasho lagu jiheyn doono gogoshaas” ayuu markale yiri.

Koonfur Galbeed ayaa haatan ku jirto xaalad kacsanaan ah oo ka dhalatay doorashada maamulkaasi, kadib markii ay isku qabteen madaxtooyada iyo xubnaha mucaaradka ah.

Xog: Halis aad u wiiqi karta qorshaha DF Soomaaliya oo ka taagan furimaha dagaalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab oo dagaal xoogan uga socdo gobolada dalka ayaa waxaa soo baxeysa in weli kooxda ay madaxa ciidda ka ceshaneyso ayada oo jab xoogan lagu gaarsiiyay dagaalka, islamarkaana lagala wareegay deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda.

Arrinta halista ah ee laga soo warinayo furimaha dagaalka ayaa ah in ciidamada dowladda ee ku sugan halkaas ay rasaasta ku bedashaan ama ku iibsadaan qaadka, oo isagu ah dhibaato horleh oo wiiqi kara haddii aan wax laga qaban guulaha laga gaaray Shabaab.

Ganacsatada Qaadka geysa deegaanada ay ku sugan yihiin ciidamada huwanta ayaa lasoo sheegaya in ciidamada ay qaadka kaga iibiyaan rasaasta, waxaana rasaasta qaadka looga badasho ciidamada dib looga sii iibiya kooxda dagaalka lagula jiro ee Al-Shabaab.

Afhayeenka wasaaradda gaashaandhiga ayaa sidoo kale xaqiijiyay jiritaanka arrintaan, isaga oo sheegay in arrintan ay timid maadama aysan lacag haysan ciidamada ku sugan furinta si ay ugu iibsadaan qaadka oo ay kusoo jeedaan habeenkii oo dhan, sida uu sheegay.

“Jaadlayaasha markay geeyaan meesha waa la qarinayaa waa sheegayna oo madaxdana waa u sheegayna waxaa la leeyahay rubuca jaadka waa 5 xabadood rasaas ah shan nin oo cadow ah ayaa ku dili laheyd, qeybta jaadka waa marduuf badhkeed waa 10 xabadood, marduufka waa 20 xabadood,” ayuu yiri.

“Marka ciidanka, guutada dhan ee meesha degan ay jaadkaas muddo ku socdaan maalinta dambe rasaastaas kuligeed Shabaab ayay gaareysa oo laga gadaya, markaas adiga ayaa berri subax lagugu soo weeraraya.”

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Marka ay is ogaadaan in midkiiba shan xabo ama toban xabo uu haysto qiyaastii, inta aad ka gaarin sanaaduuqdii rasaasta in la furo ayaad arkaysaa iyaga oo dhuunta kasoo galay.”

Arrintaan ayaa halis ku ah qorshaha dagaalka socda oo ah in muddo kooban lagu wiiqo kooxda Al-Shabaab, ayna tahay in si degdeg ah wax uga qabato dowladda federaalka oo dagaalkan ku hogaamineysa dalka, sida ay qabaan dadka ka faaloonaya dagaalka.

Aqoonyahannada Reer Aw Xasan oo digniin kasoo saaray doorashada kursiga HOP86

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Aqoonyahannada Beesha Reer Aw Xasan ayaa war-saxaafadeed ay caawa soo saareen uga digay farogelin iyo xadgudub ay sheegeen in madaxda sare ee dalka ay ku hayaan doorashada kursiga xildhibaan ee beeshan ee HOP86.

Kursigan ayaa ah midkii uu ku guuleystay taliyihii hore ee Nabad-sugidda Fahad Yaasiin balse ay diideen guddiga doorashada, haddana la qorsheeyey in dib loo doorto dhowaan.

Si kastaba, Golaha Aqoonyahannada Beesha Reer Aw Xasan ayaa shaaca ka qaaday in madaxda sare ee dalka iyo wasiirka waxbarashada Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo beesha kasoo jeeda ay doonayaan in kursiga loo xiro shaqsiyaad gaar ah. 

Hoos ka aqriso qoraalka golaha. 

Golaha Aqoonyahannada Beesha Reer Aw Xasan waxay aad uga xun yihiin in xafiisyada ugu sarreeya dalka ay faragelin toos ah ku hayaan xal u helista arrimaha ku gadaaman Kursiga ay beeshu leedahay ee tirsigiisu yahay 86.  

Waxaa noo muuqata in hannaanka haatan la doonayo waxyaabihii ka dhashay doorashadii kursigan in lagu xalliyo inay tahay mid aan caddaalad ku dhisnayn, iyada oo la doonayo in awood qeybsiga reerka lagu xadgudbo, loona xiro Musharax ay wadato kooxda haatan haysa talada dalka.  

Waxaan ka digeynaa tallaabada Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Waxbarashada Federaalka ay ku doonayaan inay ku afduubaan rabitaanka jifooyinka iska leh kursigan, waxaana cod dheer ugu sheegeynaa in odayaasha dhaqanka ee beesha kursigan iska leh ay u madax bannaan yihiin hannaanka xulista ergada iyo in ay qabsoonto doorasho xor iyo xalaal ah.  

Waxaan caddeynaynaa in kursigan oo kamid ahaa kuraasta fara ku tiriska ah ee sida hufan loogu tartamay loo dhigtay isbaaro siyaasadeed, sidaas darteedna aan la aqbali karin in mar kale lagu xadgudbo xuquuqda dadka Soomaaliyeed ee saami qeybsi ahaan uu ka dhaxeeyo kursigan. 

Waxaan ku wargalinaynaa qeybaha kala duwan dhaqanka beesha iyo daneeyeyaasha arrimaha doorashooyinka inay si dhaw isha ugu hayaan habdhaqanka ugubka ah ee ay ku kacayaan masuuliyiintii dalka ugu sarreysa kuwaasoo doonaya inay wareegto ku magacaabayaan musharax iyaga xulafo la ah. 

Waxaa jira hanjabaado toos ah oo loo diray odayaasha dhaqanka beesha iyo aqoonyahanno kala duwan oo arrimaha kursigan ku diidan qaabka uu doonaayo Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Faarax Sheekh Cabdulqaadir, wixii dhibaato ah oo soo gaarana isagaa masuuliyadda qaadaya.

Arrimaha aan weli lagu baraarugsaneyn ee soo cel-celiya gubashada Bakaaraha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa saddex habeen kahor gubtay markale, dab socday ku dhawaad saddex saacadood oo aan la ogeyn waxa uu ka billowday ayaa galaaftay hantida ganacsato badan oo ah kuwa danyarta ah ee suuqa Bakaaraha.

Gaadiidka Dab-damiska ee shirkada Hormuud, dadaal ay sameeyeen ganacsato kale iyo dowladda hoose ee magaalada Muqdisho ayaa sababay in dabka la damiyo, wallow dad shalay xoolo haystay ay maanta caydh ka yihiin.

Suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha ayaa isla xaaladan gubashada ah la kulmay dhowr jeer shan iyo tobankii sanno ee lasoo dhaafay. Gubashadan ay ku hantida waayeen boqollaalka qof ayaa marwalba lagu kala aragti duwana waxa sababay.

Suuqu marwalba waxa uu ka gubtaa dhanka ganacsatada yaryar, ma dhicin mar uu dabka ka billowday dhanka maalqabeenada waaweyn ee suuqa Bakaaraha marka laga reebo marmar uu kusoo fiday.

Tusaale, dabkii ugu dambeeyey waxa uu saameeyay ganacsatada maacuunta, harqaanlayaasha, kuwa malabka iibiya, qeybaha udgoonka, maqaayado iyo tukaamo yaryar oo dhar lagu iibiyo.

Dab-kasta oo suuqa Bakaaraha ka kacay shan iyo tobankii sanno ee lasoo dhaafay wuxuu barakaciyay ganacsato yaryar, kuwaas oo markii ay xoolo beeleen boosaskii ay deganaayeen lagala wareegay oo ay ganacsatada waaweyn u badaleen dhismayaal iyo shirkado waaweyn.

Waxaa la hadalnay qaar kamid ah ganacsatada suuqa Bakaaraha, waxay noo-sheegeen inuu jiro walaac ku saabsan in dabka soo noq-noqday uu la xiriiro is-barakicin ganacsi oo tujaarta qaar ku qaadanayaan boos suuq leh oo ay hadda degan yihiin ganacsato yaryar.

Waxay daliilsanayaan laba arrimood; mid waa dabka oo aan marnaba ka bilaaban dhanka milyaneerada iyo midda labaad oo ah dhulka gubta oo ay marka dambe tujaarta badankiisa la wareegaan.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya weli ma baarin gubashada taxanaha noqotay ee suuqa Bakaaraha, wax si dabiici ah iskaga yimid lagana soo kaban doono ayna tahay in hore looga socdo ayay kasoo qaadan, laakiin dad badan waxay qabaan in arrintaan sidaas loo sahashan.

Ganacsatada aan la hadalnay waxay leeyihiin waxaa la jooga xilligii si dhab ah loo baari lahaa cilaaqaadka ka dhaxeeya gubashada soo noq-noqotay ee suuqa Bakaaraha iyo danaha ganacsatada kala heerka ah.

Bakaaro waa caloosha ganacsiga Soomaaliya, waa suuqa ay bulshada Soomaaliyeed u dhan tahay, khasaarihiisa waxa uu saameynaya cid walba oo Soomaali ah wuxuuna mudan yahay ilaalin, nidaamin iyo horumarin.

Maamulka gobolka Banaadir iyo laamaha baarista & daba-galka ee dowladda Soomaaliya waxaa horyaalla inay dul istaagaan oo baaris dhab ah ku sameeyaan gubashada soo noq-noqotay ee suuqa Bakaaraha iyo walaaca ganacsatada.

Somalia iyo Masar oo heshiis cusub ku saxiixday Qaahira

0

Qaahira (Caasimada Online) – Wasiirada Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyada ee dalalka Soomaaliya iyo Masar ayaa waxay caasimadda dalkaasi ee Qaahir ku kala saxiixdeen heshiis is-faham (A memorandum of understanding -MOU).

Heshiiskan ayaa waxaa qalinka ku duugay Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyada xukuumadda federaalka Soomaaliya, Jaamac Xasan Khaliif iyo dhigiisa Masar, Dr. Cumaru Dalacat.

Ra’iisul Wasaaraha Masar, Mustafa Al-Madbuuli ayaa goobjoog ka ahaa saxiixa heshiiskan is-fahamka ee gaareen labada dal, kaasi oo ku qotoma arrimaha iskaashiga culuunta Teknoolajiyada, Isgaarsiinta iyo Boostada ee labada Waddan.

Heshiiskan ayaa kusoo beegmay, iyada oo wasiirka Teknoolajiyada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya uu ka qeyb-galay shirka wasiirada Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyada ee dalalka Carbeed oo ka qabsoomay magaaladda Qaahira ee dalka Masar.

Dowladaha Soomaaliya iyo Masar ayaa si weyn iskugu soo dhawaanaya kadib markii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu booqday Qaahira, halkaasi oo uu wada-hadallo kula soo yeeshay dhiggiisa Cabdifataax al-Sisi.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo koox wasiirro ah oo dhawaan safar ku tagay magaalada Qaahira ayaa sidoo kale halkaasi kusoo saxiixay heshiisyo ay Soomaaliya la gashay Masar.

Heshiisyadaasi waxaa dhinaca Soomaaliya u saxiixay wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah, Abshir Cumar Huruse, wasiirka waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare, Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo Wasiirka Warfaafinta Daa’uud Aweys Jaamac.

Dowladda Masar waxay sanado badan saaxiib la aheyd Soomaaliya, laakiin waxay ku jirtay dowladihii ay xiriirkooda hoos iska dhigtay xukuumadii Farmaajo, balse dowladaan uu hoggaamiyo Xasan Sheekh ayaa u muuqata mid Masar ku soo celineysa booskeedii saaxiibka dhow ee Soomaaliya.

Shir muhiim u ah ku biiridda Soomaaliya ee ururka EAC oo maanta ka furmaya Xamar

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka qiimeynta Soomaaliya ee ku biiridda Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa lagu wadaa inuu maanta ka furmo magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Wafuuda shirkaas uga qeyb-galeysa toddobada waddan ee ururka EAC ayaa shalay soo gaaray caasimada dalka ee magaalada Muqdisho.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya ee Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in shirka lagu casuumay 50 qofood oo ka kala socda 7-da wadan ee ururka.

Cabdisalaan Hadliye Cumar ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ajendaha shirka uu yahay sidii looga shaqeyn lahaa, loona eegi lahaa in ay Soomaali gaartay ku biirista Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC.

Wafuuda ka socota 7-da waddan ee ururka EAC ee yimid Muqdisho ayaa joogi doonaan ku dhawaad 10 Berri, iyaga oo kulamo kala duwan la yeelan doona madaxda dalka, sida uu sheegay ergeyga Soomaaliya ee EAC, Cabdisalaan Hadliye.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo 21 Luulyo 2022-ka ka qayb-gelay shir hordhac u ah Shir-Madaxeedka dalalka ku mideysan dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo ay marti-gelisay magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya ayaa u gudbiyey codsi rasmi ah oo ku aaddan kamid noqoshada Soomaaliya ee dalladan.

14-kii August, wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Cabdisalaan Hadliye Cumar, oo hore usoo noqday wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya loogu magacaabay ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha ee ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Madaxweynaha ayaa dadaal badan ku bixiyay sidii ay Soomaaliya uga mid noqon laheyd EAC, ayada oo madaxda dalladan uu la wadaagay sida ay Soomaaliya uga go’antahay dhameystirka dhamaan habraacyada muhiimka ah ee ka mid noqoshada dowladaha ku bahoobay dalladdan.

Qorshaha ku biirista Soomaaliya ee EAC ayaa lagu wadaa in sanadkaan lasoo gaba-gabeeyo qorshaheeda, si ganacsatada Soomaaliyeed ay fursad ugu helaan ka qeyb qaadashada horumarka dhaqaale iyo is-dhexgalka bulshada Gobolka Bariga Afrika.

How Las Anod could derail Somaliland’s independence quest?

0

Las Anod (Caasimada Online) – The City of Las Anod in Somalia’s Sool region had always been relatively peaceful. However, in December last year, tensions boiled over as residents took to the streets to demand a response to their security concerns from officials in the nearby breakaway region of Somaliland.

As security forces attempted to quell the protests, violence broke out, and dozens were killed. This further inflamed the situation, with many residents taking up arms and calling for the withdrawal of Somaliland forces from the town.

Once these forces had left, the protesters began waving the flag of Somalia and chanting for a united Somalia, a move that some leaders in Somaliland view as traitorous.

Somaliland declared its independence from Somalia in 1991, but it has yet to be recognized by the international community. The escalating situation in Las Anod could further complicate matters for Somaliland, undermining its long-standing efforts to present itself as a stable and peaceful region and potentially putting its independence aspirations at risk. 

In recent years, some clans in the Sool, Sanaag, and Cayn regions, known as the SSC, have become increasingly agitated and are questioning their identity as part of Somaliland. Pro-Somalia protests have erupted in major cities of Cayn and villages like Taleh, Hudun, and Kalshale.  

The Dhulbahante clan, who constitute a significant proportion of the population in the Sool, Sanaag, and Cayn regions, have traditionally opposed the concept of an independent Somaliland; the Isak clan primarily inhabits Somaliland.

The history of opposition in Las Anod dates back to the 19th century when the British began showing interest in the region. The Isak clan in Berbera welcomed them and signed colonial protective treaties. At the same time, the Dhulbahante in Sool territories refused to sign and supported an anti-European drive led by a Muslim cleric. This led to a pro-Somali union drive, ending with British airstrikes in the early 1920s.

Despite this history, politicians in Hargeisa remain resolute in their support for the separation of Somaliland. Abdurahman Mohamed Abdullahi Irro, a former chairman of the opposition Wadani Party and a candidate for the presidency of Somaliland, condemned the violent reaction by Somaliland security forces. 

The return of traditional elder Garad Jama Ali, who had been living in exile for 16 years after a falling out with the Somaliland administration, was met with widespread celebrations in Las Anod. 

Many see this as a major concern for the current leadership of Muse Bihi Abdi, with Khadar Hussein Abdi, the Secretary General of the Wadani party, stating that “every day he remains in power is a disaster for Somaliland.” 

The Dhulbahante clan, who make up a significant portion of the population in these areas, have historically felt marginalized by the Isak clan and the government of Somaliland.  

The recent protests and calls for a united Somalia are seen by many as a manifestation of these long-standing grievances. 

Local leaders and respected traditional elders have been holding talks to determine the course of their future. They are leaning towards leaving Somaliland and supporting a united Somalia, which could potentially lead to the disintegration of Somaliland as it is currently recognized.

Daawo: Xukun lagu riday askari ka tirsan NISA oo dilay laba gabdhood oo uur leh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta lasoo taagay Maxamed Cabdi Maxamuud oo loo heysto dilka laba haween ah oo xaamilooyin ahaa, kaas oo ka dhacay degmada Cabdicasiis ee Muqdisho.

Labadaan haweenka ah ee askarigaan uu dilay ayaa kala lahaa uur sideed iyo sagaal bilood ah, wuxuuna ninkaan ku dooday in uusan ku talagal u dilin, dilka ayaa dhacay bishii December ee sanadkii tegay.

Maxkamadda ayaa maanta la hor keenay marqaatiyaal cadeynaya in askarigaan uu si ku talagal ah u dilay labada haweenka ah oo mid ay ka tirsaneed booliska, waxaana lagu xukumay dil toogasho ah.

Goobta uu dilka gabdhahaas ka dhacay ayaa waxaa macaawino loogu qeybinayey dad barakacayaal ah. Mar loo ogolaaday Maxamed in uu hadlo ayuu yiri, “Waxaa asal ah in anigu ku talagal aana u dilin gabdhahaas, waxaana maxkamadda ka codsanayaa in la ii ogolaado in reerkii ay ka dhasheen aan la xaaltamo.”

Xeer ilaalinta ciidamada oo dacwadahaan dilka ah ku soo oogtay eedeysanahaan oo ka tirsanaa ciidanka NISA ayaa sheegtay in afar qof oo labo carruur tahay calooshana lagu sido uu bareer u dilay askarigaan.

Xeer ilaalinta ayaa dalbatay in askarigaan dil lagu xukumo, halka qareenada u doodayey ay sheegeen in dilkaas uusan u dhicin si ku talagal ah.

Shuuro kadib, guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay xukunka Maxkamadda, isagoo dil toogasho ah ku xukumay Maxamed Cabdi Maxamuud.

Askarigaan ayaa ka tirsanaa ciidanka NISA, waxaana sidiisa oo kale xabsiyada ugu jira askar dishay dad shacab ah oo xukun sugayaal ah, dilalka ay geystaan askarta ka tirsan ciidamada dowladda ayaa aad ugu badan Muqdisho.

Hoos ka daawo

Erdogan oo shaaciyey go’aan ciqaab ku ah Sweden kadib falkii lagu gubay qur’aanka

0

Istanbul (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa shaaciyay in dalkiisa uu Sweden ka hor istaagayo ku biirista Isbaheysiga NATO, oo codkooda keliya uga dhiman haddii ay helaan in uu dalkaas xubin ka noqdo isbaheysigaas.

Erdogan oo si kulul u dhalleeceeyay tallaabadii u siyaasiga reer Sweden ee Rasmus Paludan uu ku gubay kitaabka Quraanka ah Sabtidii, ayaa sidoo kale sheegay in Sweden aysan filanin in dalkiisa uu taageero dalabkeeda ku aadan kamid noqoshada isbahaysiga millateriga ee NATO, ayna maskaxda ka saarto riyada ay ku jirto.

Waxa uu falkii Sabtidii ku tilmaamay “tallaabo meel ka dhac ku ah cid kasta, gaar ahaan Muslimiinta”.

Turkiga ayaa si gaar ah uga cadhooday mas’uuliyiinta Sweden, in ay oggolaadeen in bannaanbaxaasi uu ka dhaco bannaanka safaaradda Turkiga ee Stockholm iyada oo ay “ilaalinayaan” ciidamada ammaanku, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Associated Press.

Gubista kitaabka barakeysan ee Quraanka ayaa ka cadhaysiisay guud ahaan shacabka dalka Turkiga, xilli dalalka Sweden iyo Finland ay raadinayaan taageerada Turkiga si ay xubin uga noqdaan isbahaysiga NATO.

Madaxweynaha Turkiga ayaa sidoo kale dhaleeceeyey in Sweden ay ogolaatay mudaharaadada kooxaha Kurdiyiinta, gaar ahaan kooxka PKK oo dagaal kula jirta dalka Turkiga.

Ururka PKK waxaa liiska argagixisada ku daray Turkiga, Maraykanka, Midawga Yurub, hase ahaatee aastamohooda weli lagama mamnuucin dalka Sweden.

Sababta ugu weyn ee Erdogan u diiday in codkiisa uu siiyo Sweden xilli dhowr jeer shuruudo kala duwan uu hordhigay ayuu ku sheegay “in waddankaas uu raalli ka noqday in la gubo Kitaabka Qur’aanka kariimka,” martigelinta waxa uu ugu yeeray Argagixisada iyo Islaam Naceybka.

Si kastaba, madaxweynaha Turkiga ayaa si cad ugu sheegay Sweden in aysan xubin ka noqon doonin isbaheysiga NATO oo muddo dheer dhabbe weliba usoo mareysay balse socodkoodii ku go’ay tallaabooyin fool-xun oo ay qaadday.

Sababta ay Al-Shabaab waqti isku mid ah u qaado weerarada ka dhanka ah ciidamada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Al-Shabaab ayaa muddooyinkii dambe weeraro gaadmo ah ku qaadeysay deegaanadii ay dhawaan ka qabsadeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, kuwaasi oo badana dhaca xiliyo isku mid ah, sida aroorta hore.

Sababta ay Shabaab weerarada ugu qaado ciidamada aroortii hore ayaa lagu sheegay in ciidamada huwanta ee ku sugan deegaanada la xoreeyay ay qayilaan habeenkii oo dhan, islamarkaana uu waaberigu yahay xiliga ay kala daadsan yihiin oo badankoodna ay hurdaan.

Afhayeenka wasaaradda difaaca Soomaaliya oo arrintaan ka hadlay ayaa sheegay in qaadka uu lamid yahay Shabaab, maadama uu usahlayo xubnaha Khawaarijta inay gaadan ciidamada huwanta ee ku sugan, kana sameystaan waxa ay rabaan, sida uu hadalka u dhigay.

“Waqtiga ay dagaalka soo qaadan (Shabaab) waa waqti dhalinyaradii meesha joogay ay Jaadka ka seexdeen, Jaadka laftigiisa ayaa Shabaab kale ah oo waa midka u sahla in cadowga ku gaado. Jaadka dhibaatadiisa waa in habeenkii oo dhan la cuno oo 9-saac la wada daato,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in mushkilada uu qaadka ku hayo ciidamada ku jira dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ay aad u badan tahay, taasi oo uu ku tilmaamay nasiib darro aad u weyn.

“Ciidanka la rabay in uu midba meel ilaalada ka galo habeenkii waa isku imaanayaan marka ay Jaadka cunayaan oo sheeko ayaa la bilaabaya, waxyaabahaas oo dhan waxay taakuleynayaan cadowga,” ayuu yiri Afhayeenka.

Kooxda Al-Shabaab ayaa Jimcihii lasoo dhaafay aroortii weerar gaadmo ah oo lagu bilaabay ugu yaraan laba qarax oo ismiidaamin ah ku qaaday xeryihii ciidanka xoogga dalka ee magaalada Galcad, kaasi oo sii xoojiyey walaaca arrintan la xiriirta.

Al-Shabab launches mortar assault on Presidential Palace vicinity in Mogadishu

0

Mogadishu (Caasimada Online) – A series of mortar attacks targeted at the vicinity of Somalia’s Presidential Palace and surrounding areas on Tuesday, causing damage and injuries. 

According to Caasimada Online sources, seven mortar shells fell near the Presidential Palace, the SYL monument, the Ministry of Information, and a primary school in Hamar Weyne district. The attack injured two students and a street vendor at the school.

The extremist group Al-Shabab claimed responsibility for the attack in an official statement, claiming that they had launched nine missiles, with three of them striking the Presidential Palace. However, these claims have not been verified by any other sources. 

This was the second attack on government buildings in Mogadishu in the past three days.

On Sunday, at least six people were killed, and several others were injured in an attack by Al-Shabab militants at the mayor’s office in the central district of Mogadishu. The attack began with a suicide bomb causing a massive blast that destroyed a building near the office complex. After the explosion, gunfire erupted, and a four-hour siege ensued. 

According to police spokesman Sadik Dodishe, five attackers were killed during the fire exchange with the security forces, and one detonated himself. Six civilians also died during the attack. 

Al-Shabab, a militant organization linked to Al-Qaeda, also claimed responsibility for the attack through its communication channels. The group stated that its fighters had “made their way inside the building after killing the security guards.”

This latest attack comes on the heels of another assault just days prior, where seven soldiers were killed at a military camp in Galcad, a town in central Somalia. The United States military has reported that more than 100 Al-Shabab militants attacked Galcad.

In recent months, the Somali National Army and local clan militias have made significant progress in their offensive against the group, reclaiming territory in the center of the country with the support of US air strikes and an African Union force. However, the militants continue retaliating and striking with deadly force against civilian and military targets. 

Despite ongoing efforts by Somalia’s intelligence agencies to prevent attacks by Al-Shabab, the group continues to carry out deadly attacks in the capital.

Security analysts believe that if the group is cleared from regions along or near Mogadishu, it may reduce the frequency of attacks in the city. 

Faahfaahin: Weerarkii hoobiye ee maanta lagu qaaday agagaarka Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Weerar loo adeegsaday hoobiyeyaal ayaa galabta lagu qaaday aagga xarunta madaxtooyada Soomaaliya, waxaana ka dhashay khasaare burbur iyo dhaawac, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Hoobiyeyaasha oo gaarayey illaa 7 ayaa ku dhacay meel u dhow madaxtooyada qaranka, SYL, EX-Fiyoore iyo Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, waxaana la arkayey dadweyne kala cararaya iyo kuwa gabbaad raadsanaya.  

Sida aan xog ku helnay, mid ka mid ah madaafiicda ayaa waxa uu ku dhacday dugsi hoose oo ku dhow xarunta degmada Xamar Weyne. Madfacaas ayaa waxaa ku dhaawacmay labo arday iyo haweeney macmacaan ku iibineysay waddada dhinaceeda.

Kooxda Al-Shabaab ayaa qoraal rasmi ah oo kasoo baxay ku sheegatay mas’uuliyadda weerarkan. Al-Shabaab ayaa sheegatay inay 9 madfac ku weerartay madaxtooyada, islamarkaana saddex ka mid ah ay ku dhaceen gudaha xarunta. Sheegashada Al-Shabab ayaanay jirin cid kale oo xaqjiisay. 

Laamaha amniga Soomaaliya iyo kuwa Muqdisho ayaan weli faallo ka bixin weerarka.

Waa eeerarkii labaad oo saddex maalin gudaheed ah ay kooxdan ku qaado xarumaha dowladda Soomaaliya ee magaalada caasimadda ah. 

Al-Shabaab ayaa Axaddii weerar ku billowday qaraxyo ku qaaday xarunta gobolka Banaadir, waxaana kadib gudaha u galay maleeshiyo gaareysa 5 oo kooxda ka tirsan, kuwaas oo ugu dambeyn ay toogteen ciidamada ammaanka. Weerarkaas waxaa ku dhintay lix qof oo shacab ah.

Sirdoonka Soomaaliya ayaa inta badan soo saara qoraallo ay ku sheegaan inay ka hortageen weeraro Al-Shabaab ay qorsheysay, haddana waxaa mar walba magaalada ka dhaca weeraro dhimasho leh.

Dowladda Soomaaliya ayaa bilihii tagay wadday dagaal xooggan oo ay shacabka ku gacan siinayaan oo kooxdan looga saaraay deegaano badan oo ku yaalla gobollada Shabeellaha Dhexe, Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug. 

Dadka amniga fallanqeeya ayaa rumeysan in haddii kooxda laga nadiifiyo gobollada ku teedsan ama ku dhow Muqdisho ay yareyn karto weerarada caasimada ka dhaca, oo inta badna laga soo abaabulo meelo ka baxsan. 

Booliska magaalada Muqdisho oo qabtay rag kasoo baxsaday Garoowe kadib markii ay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Booliska qeybta guud ee gobolka Banaadir ayaa xalay gacanta ku dhigay koox eedeysanayaal ah oo dil iyo dhaawac kasoo geystay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Kooxdan oo ka kooban saddex rag ah ayaa usoo baxsaday magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, waxayna ku eedeysan yihiin dilka muwaadin lagu magacaabo jiray Cabdullaahi Jeylaani iyo dhaawaca Hanad Xasan Cawil.

Taliska Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir oo horay loogu soo gudbiyay xogta eedeeysanayaashaan ayaa xalay labo kamid ah raggaan ka soo qabtay guri ku yaalla degmada Shibis.

Sidoo kale eedeysanaha saddexaad ayaa laga soo qabtay degmada Xamar-Jajab, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay taliska.

Eedeeysanayaashan oo sawiradooda uu soo bandhigay taliska ayaa la hor-geynayaa maxkamadaha dalka si loogu fuliyo xukunkooda.

Ciidamada ammaanka ee magaalada Muqdisho ayaa sare u qaaday howl-galada lagu baacsanayo kooxaha burcadda, ayada oo maalmihii lasoo dhaafay ku guuleysteen inay soo qabtaan ku dhawaad 20 rag ah oo dadka dhaceysay.

US airstrike in Somalia kills several al-Shabab militants

0

Mogadishu (Caasimada Online) – The U.S. Africa Command (AFRICOM) announced that it conducted a collective self-defense strike in Somalia on January 23, 2023, at the request of the Federal Government of Somalia and in support of Somali National Army engagements against the terrorist group al-Shabaab. 

The strike occurred in a remote area near Haradheere, approximately 396 km northeast of Mogadishu, where Somali forces were engaged in operations. 

According to the AFRICOM statement, the initial assessment indicates that the strike killed two al-Shabaab terrorists, and no civilians were injured or killed. 

This is the second strike by AFRICOM in the past three days.

On January 20, AFRICOM also conducted a collective self-defense strike near Galcad, approximately 260 km northeast of Mogadishu. The strike was in support of Somali National Army engagements against al-Shabaab, which had launched a complex, extended, and intense attack on Somali forces. 

The AFRICOM statement said that the combined actions of partner forces on the ground and the collective self-defense strike destroyed three vehicles and the killing of approximately thirty al-Shabaab terrorists. The command assessed that no civilians were injured or killed in the operation.

The U.S. supports the Federal Government of Somalia’s ongoing campaign to disrupt, degrade and defeat terrorist groups, including al-Shabaab. AFRICOM’s role in this campaign is part of a broader U.S. whole-of-government approach with African partners, which includes diplomacy, development, and defense. 

This three-pronged approach aims to increase cooperation and support for “partner-led, U.S.-enabled” solutions to shared security challenges, such as violent extremism and terrorism. AFRICOM emphasized that all kinetic operations are conducted and supported in coordination with the Federal Government of Somalia.

AFRICOM noted that Somalia remains central to stability and security in all of East Africa and that its forces will continue to train, advise, and equip partner forces to help them defeat al-Shabaab, the largest and most deadly al-Qaeda network in the world.  

AFRICOM also said it would continue to assess the results of the operation and provide additional information as appropriate. Specific details about the units and assets used will not be released to ensure operations security.

Daawo: Xog cusub oo laga helay raggii fuliyey weerarka xarunta Gobolka Banaadir

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli isa soo taraya macluulmaadka iyo xogaha laga helayo xubnihii ka tirsanaa Al-Shabaab ee maalin kahor weerarka ku qaaday dhismaha xarunta gobolka maamulka gobolka Banaadir ee Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.

Siyaasiga caanka ah ee Cabdibarre Yuusuf Jibriil, isla-markaana ah xildhibaan hore oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Somali Cable ayaa ka hadlay arrimaha xasaasiga ah ee ku geedaaman weerarkaasi, isagoo sheegay in laga dheehan kayo taya xumada hay’adaha amniga.

“Waxaa laga fasiran karaa halka ay gaarsiisan tahay tayo xumada hay’adaha amniga,” ayuu wareysigan ku yiri Cabdibarre Yuusuf Jibriil.

Sidoo kale wuxuu xog cusub ka bixiyay raggii weeraray gobolka Banaadir, isagoo shaaciyay inay ku labisnaayeen tuutaha ay wataan ciidamada cusub ee laga keenay dalka Eritrea.

Xildhibaan hore Cabdibarre Yuusuf ayaa sidoo kale xusay in xubnaha weerarka fuliyay kahor lagu arkay Xamarweyne, isla-markaana loo heystay ciidan u socdo qaraabo salaan.

“Horta nimanka halkaas soo galay dadkoo dhan waa ujeedeen qof aan ujeedin lama arag ganacsatadaa ujeeday marka ay meelaha mar marayeen laakin dadka waxa au heysteen aniga kula hadlayo laftigeyga waxaan u heystay oo dadku lahaayeen nimaanka tuutaha ay qabaan waa tuurihii ciidanka Eritrea ka yimid, dadkoo dhan waxay u heysteen ciidanka Eritrea oo qaraabo salaan meesha u yimid,” ayuu yiri Xildhibaan hore Cabdibarre Yuusuf .

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyay “Xamarweyne haddii la tago qof aanan ku sheegeen malahan Ummaddoo dhan wa ujeedeen”.

Dhanka kale wuxuu hoosta ka xariiqay in ragga weerarka qaaday ay ka dhex faa’iideysteen ciidanka hubeysan ee dhex yaacaya magaalada, kuwaas oo aan lakala garaneyn, wuxuuna ku taliyay in caasimada dhexdeeda laga mamnuucay hubka, lagana saaro milatariga.

“Qaladaadka ugu weyn waxa keenayo ciduna cid la hadli karin intaas oo ciidan oo kala kadisan ayaa magaalada yaacaayo oo nin walbo qoray wataa oo koox koox loo socdaa, taas ayaa keentay in lakala garan waayo kii wax dilaayay iyo kii ciidanka ahaa ” ayuu yiri.

Weerarkii Axadii ka dhacay gobolka Banaadir ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan lix qof, tiro kalena way ku dhaawacmeen, waxayna ciidamada ammaanka ee howlgalka sameeyay ay sidoo kale soo bandhigeen meydadka ugu yaraan ilaa 5 kamid ahaa raggii weerarka fuliyay.

Mareykanka oo war kasoo saaray weerar cusub oo ay ku dileen xubno Shabaab ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in duqeyn ay shalay ka fuliyeen gudaha Soomaaliya ay ku dileen laba xubnood oo ka tirsan maleeshiyada kooxda Al-Shabaab.

Qoraal kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in howl-galkan uu ka dhacay tuullo ku dhow magaalada Xarardheere oo qiyaastii 396 KM dhanka Waqooyi-bari kaga aadan magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Sidoo kale waxa lagu sheegay in qiimeynta horudhaca ah ay muujineyso in aanay jirin dad rayd ah oo dhaawac ama dhimasho ay kasoo gaartay weerarkan.

Taliska ayaa xusay in weerarkan dhanka cirka ah la fuliyay kadib codsi ka yimid dowladda federaalka, waxayna sheegeen in ay sii joogteyn doonaan taageerada ololaha lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada.

Mareykanka ayaa kordhiyay weerarada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, xilli ay Soomaaliya dagaal adag kula jirto kooxda, kaasi oo lagu gaarsiiyay jab xoogan, islamarkaana lagala wareegay deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Soomaaliya Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa shalay warbaahinta dowladda u sheegay in howl-gal ay ka fuliyeen deegaan hoostaga Xarardheere ay ku dileen 39 kamid ah Al-Shabaab. Ma cadda haddii labada dhacdo ay xiriiraan iyo inkale.

“Waxaan Khawaarijta u geysanay jab aan laga sheekeyn karin, waxaan tirinay meydadka 39 xubnood, waxaan gubnay gaadiidkoodii, waxaan dul istaagnay meydadka 47 Shabaab ah, dhaawacyada in ka badan 50 kalena waxay geeyeen Joowle,” ayuu yiri Jeneraal Biixi.

Waa weerarkii labaad oo saddex maalmood gudahood ay Mareykanka ka fuliyaan Soomaaliya. AFRICOM ayaa sidoo kale weerar ka dhacay magaalada Galcad ee gobolka Gaduud 20-kii Janaayo waxay ku dileen 30 kamid ah Al-Shabaab.

Galcad iyo Xarardheere ayaa waxaa dhawaan gacan ku hayntooda la wareegay ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka, kadib sanado badan oo ay haysteen Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan oo u baxaya safar gudaha dalka ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku wajahan magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug, halkaasi oo dhawaan lagala wareegay kooxda Al-Shabaab oo sanado badan gacanta ku haysay.

Xarardheere ayaa si weyn looga dareemaya diyaar garowga soo dhaweynta wafdiga madaxweynaha, ayada oo halkaasi la geeyay ciidamo dheeraad ah oo xaqiijinaya amniga guud ee magaalada.

Inkasta oo si rasmi ah loo ogeyn xiliga uu baxayo madaxweynaha ayaa haddana waxa uu safarkiisa Xarardheere uga duwan yahay socdaaladii uu hore ugu tagay degmooyinkii laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab, maadaama ay tahay deegaanka uu kasoo jeedo.

Wararka aan ka helayno socdaalka Xasan Sheekh ayaa sidoo kale waxay sheegayaan in waxyaabaha madaxweynaha uu Xarardheere u tagay ay qeyb ka tahay xalinta muranka ka taagan cidda maamuleysa magaaladan.

Qabiilo badan oo wada daga magaaladan ayaa la sheegaya in ay isku heystaan cidda xaqa u leh hoggaanka Xarardheere oo xilligaan dib u habeyn iyo soo celinta shacabkii ku noolaa u baahan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hore u tegay deegaano laga xoreeyay Shabaab, isaga oo dhiira-gelinaya ciidamada dagaalka kula jira kooxda xagjirka ah, oo sanado badan dhibaato ku haysay bulshada Soomaaliyeed.

Qabsashada Xarardheere ayaa Al-Shabaab u aheyd jab weyn oo soo gaaray, waxaana gacantooda ka baxay marin muhiim u ahaa howlahooda argagixiso, gaar ahaan halka ay uga soo dagaan hubka ay ka soo iibsadaan Yemen.

Xasan ayaa tagaya Xarardheere ayada oo ay fushay ballantii uu hore ula galay dadka reer Galmudug, islamarkaana uu dardar xoogan ku socdo dagaalka uu hore ugu dhawaaqay ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Daawo: Xasan oo shaaciyay arrin uu ka seexan waayey kadib weerarkii G/Banaadir

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayey weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen xarunta gobolka Banaadir ayaa ka sheekeeyey arrin uu ka seexan waayey oo ka dhacday gobolka Banaadir, kadib weerarkii ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday dhismaha Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.

Madaxweynaha ayaa shaaca ka qaaday in habeenkaas uu ka seexan waayey nin indhoole ahaa oo ku sugnaa xarunta gobolka Banaadir, markii uu dhacayey weerarka, kaas oo meesha looga kala cararay, isaguna uu garan waayey meel iyo albaab uu ka baxo.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in raga weerarka geystay ay ninkaas indhoolka ah ugu tageen halka uu ku sugnaa, kadibna ay dileen, maadaama uu ka carari waayey goobta weerarka.

“Xalay waxyaabaha aan ka seexan waayey waxaa kamid ah nin indhoole ah ayaa joogay bug markii uu qaxa dhacay waa la kala cararay qof walba meesha uu aadi karo ayuu aaday wadaadka indhoolka ahaa xagge ayuu aadayaa? meel uu aado ayuu garan waayey? meesha ayey ugu yimaadeen waana dileen,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo si qiiro leh uga hadlay arrintan ayaa su’aallo ka keenay dhacdadaas, isaga oo sheegay in Al-Shabaab aysan laheyn wax naxariis ah.

“Adiga maxaa ku sifeynee? Maxaa dhehee? yacni ninaas qofka caadifad yar oo naxariis ah u geli weyday waa indhool meel uu ka baxi ayuu waayey waa carari lahaa,” ayuu raaciyay.

Ugu dambeyn wuxuu farriiin u diray guud ahaan dadka Soomaaliyeed, isaga oo ugu baaqay in aan laga baqan Al-Shabaab, isla-markaana meel looga soo wada jeesto.

“Nimanka meeshaas joogo ninka ka cabsanaayow cabsidaada meel maleh, cudur daarna maleh’ ayuu markale yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ninka indhoolaha aj ee uu ka sheekeeyay madaxweyne Xasan Sheek ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Axmed Xasan Warsame, wuxuuna ahaa agaasimaha naafada ee gobolka Banaadir, kaas oo la sheegay in xubnaha weerarka fuliyay ay ku gowraceen xafiiskiisa.

Weerarka gobolka Banaadir oo saacado badan qaatay ayaa ku billowday qaraxyo, waxaana ku dhintay ugu yaraan illaa 6 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo ka mid ahaa shaqaalaha ka shaqeeya xafiisyada dowladda hoose ee Xamar.