28.1 C
Mogadishu
Monday, May 11, 2026

Maxay ka dhigan tahay guusha ay dowladda federalka ka gaartay hawada Somalia?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa 30 sano kadib xalay si rasmi ah ula soo wareegtay amniga hawada Soomaaliya, ayada oo heshay aqoonsi caalami ah oo aad u sarreeya tan iyo burburkii dalka.

Maareeyaha hey’adda duulista Axmed Macalin Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa faah-faahin ka bixiyay waxa ay ka dhigan tahay guushan iyo in Soomaaliya ay la soo wareegto sharciga lagu maamulayo hawada, kaas oo ay dowladda federaalka gelisay dadaal xoogan.

Sharcigan ayaa dhigaya in hawada Soomaaliya ay tahay amni ah oo la’isku halleyn karo, waxaana maamuleysa dowladda federaalka oo haatan toos loogu soo wareejiyay.

Axmed Macallin oo ka hadlayey arrintan ayaa shaaciyay in markii hore ay Soomaaliya ku shaqeyneysay heerka hoose, balse ay hadda u wareegeen heerka sare oo muhiim ah.

“Hawada Soomaaliya 30-kii sano ee la soo dhaafay waxay ku shaqeyneysay heerka ugu hooseeya marka ALXM muddo sanad ah ayaan wadnay inaan heerka sarreeyo geyno hawadas Soomaaliya, tan iyo markii aan la soo wareegnaym” ayuu yiri Maareeyuhu.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in arrintan ay faa’ido weyn u leedahay Soomaaliya, isla-markaana ay shaqeyn doonaan lacag ka badan tii ay horay u soo saari jireen.

“Soomaaliya waxay noqoneysa Class A oo meesha ugu sarreysa mas’uuliyadda ugu badan Soomaaliya ayey fuuleysaa lacagta aan soo saari jirnay ka badan ayaan soo saareynaam, haddii uu Ilaah yiraahdo,” ayuu markale wareysiga ku yiri Mudane Axmed Macallin.

Waxa kale oo uu intaas ku daray in arintan ay muhiim u tahay badqabka diyaaradaha isla-markaana ay haatan diyaarado caalami ah kusoo dhiiran doonaan Soomaaliya.

“Badqabadka diyaaradahana wuxuu noqonayaa meeshii ugu sarreysay diyaarado badan ayaa ku soo dhiiran Soomaaliya oo hadda ka leexda hadda shuruuda waa buuxinay,”.

Si kastaba, hawada Soomaaliya ayaa markii hore waxaa gacanta ku heysay hay’adah ka tirsan QM, waxaana laga maamuli jiray magaalada Nairobo, balse sanadihii u dambeeyay loo soo wareejiyay Muqdisho, ayada oo haatan dowladda ay ula wareegtay amniga hawada.

Al-Shabaab oo 73 xubnood looga dilay dagaal culus oo mar kale shalay dhacay

0

Xarardheere (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa faah-faahin ka bixiyey howlgal shalay ka dhacay deegaano hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Taliye Biixi oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in 73 xubnood oo kamid ah dagaal-yahaanada kooxda Al-Shabaab ay ku dileen howl-gallo ka dhacay deegaanada Miiroon iyo Baraagta Hurdaaye oo kamid ah deegaanada hoostaga degmada Xarardheere.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamada xoogga dalka ay si buuxdo ula wareegeen gacan ku heynta deegaanadaasi, isaga oo xusay in howl-galkaan ay qeyb ka ahaayeen diyaaradaha dagaalka, ayna jab weyn gaarsiiyeen kooxda Al-Shabaab.

“Dagaal sagaalkii subax  bilawday oo ka dhacay deegaano ay kamid yihiin Miiroon iyo Baraagta Hurdaaye oo ay ka qeyb qadanayeen diyaaradaha dagaalka Saaxiibada Caalamka ayaa lagu dilay 73 kamid ah Shabaabka deegaanada Miiroon iyo Baraagta Hurdaayana ciidanka ayaa la wareegay, walina baacsi ayaa lagu sii haya kooxdii ku sugneyd deegaanadaas,” ayuu yiri Jeneraal Biixi.

“Ilaahay waa ku jabiyay Khawaarijtii, dhaawac iyo mayd farabadan ayaa meeshaas yaalla, waxay u kala carareen wadada Caad iyo wadada Mililiqo waa lagu raadjooga aad ayaana loo jabiyay.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in kooxda Shabaab ay tahli waayeen inay qaataan dhaawacyadooda, ayna ku daba jiraan firxadka kooxda, islamarkaana ay sii wadi doonaan dagaalka illaa inta Shabaab laga ciribtirayo guud ahaan dalka.

Degmada Xarardheere oo dhawaan ciidanka dowladda la wareegeen ayaa ahayd saldhigii ugu weyna kooxda Al-Shabaab ee deegaanada gobolka Mudug, waxaana maalmihii dambe ciidamada dowladda halkaasi ka wadeen howl-gallo is-ballaarin ah.

Barqanimadii shalay ayay ahayd markii ay dowladda federaalka ee Soomaaliya shaacisay in toddobaad gudaheed Al-Shabaab laga dilay in ka badan 300 xubnood, howl-galadaas oo si gaar ah uga kala dhacay gobolada Galgaduud, Mudug, Shabeelaha Dhexe, Shabeelaha Hoose iyo Baay.

Sidoo kale, illaa 10 deegaan oo ka tirsan maamulladaas ayay dowladdu sheegtay inay soo galeen gacanteeda, waxaana ka mid ah deegaanadaas Janaay Cabdalle oo ka tirsan Jubbada Hoose.

Somalia’s airspace upgraded to Class A after 30 years

Mogadishu (Caasimada Online) – Somalia’s airspace has officially been reclassified as Class A by the International Air Transport Association (IATA) after 30 years of disruption. 

The reclassification took effect at one minute past midnight on January 26th, 2023, when air traffic control services were restored in the region. 

The airspace, officially known as the Mogadishu Flight Information Region (FIR), covers the landmass surrounding the Horn of Africa and extends into the Indian Ocean. 

Some of the busiest airways in the region, linking the African subcontinent south of Ethiopia with the Middle East, Indian subcontinent, Western Europe, and Indian Ocean islands, traverse through Somali airspace.

This reclassification is a significant step towards improving safety and efficiency in the region. It is the result of the collaborative efforts of the Somalia Airspace Special Coordination Team, which comprises the Somali Civil Aviation Authority, IATA, International Civil Aviation Organization, adjacent FIRs, and airlines. 

The team has been working to install and commission modern radio navigation and other technological infrastructure, which has enabled the reclassification and resumption of air traffic control services in the Mogadishu FIR.

IATA’s Regional Vice President for the Middle East and Africa, Kamil Al-Awadhi, said, “The reclassification of the Mogadishu FIR as ‘Class A’ airspace will significantly improve safety in the region and enhance efficiency. This is thanks to the collaborative efforts of the Somalia Airspace Special Coordination Team, comprising the Somali CAA, IATA, the International Civil Aviation Organization, adjacent FIRs, and airlines.”

He added, “The upgrade of air traffic management and improved navigation and communication infrastructure will enhance situational awareness along an increasingly busy air corridor and its intersections with routes linking many of the world’s regions.”

Somalia’s Minister of Transport and Civil Aviation Fardowsa Osman welcomed the move saying “this is a significant event that demonstrates our commitment to air safety and security on some of the busiest air routes in the region and the world. Additionally, this upgrade will contribute to the economic growth of our country.” 

She further added “I would like to express my gratitude to the leadership and staff of the Somali Civil Aviation Organization for their tireless efforts in reaching this milestone, especially after 30 years of being under the Air Authority. I also extend my thanks to international organizations such as ICAO and IATA for their cooperation in making this achievement possible.” 

From now on, all flights operating in Class A airspace must be cleared by air traffic control, which is also responsible for maintaining lateral and vertical separation between aircraft. In the Mogadishu FIR, Class A airspace is the sky above the base altitude of approximately 24,500 feet above mean sea level. 

The upgrade of air traffic management and improved navigation and communication infrastructure will enhance situational awareness along an increasingly busy air corridor and its intersections with routes linking many of the world’s regions. This will not only improve safety for passengers and crew but also lead to more efficient flight routes and ultimately lower costs for airlines.

The reclassification of Somalia’s airspace is also expected to have a positive impact on the country’s economy. As air travel becomes safer and more efficient, it will attract more tourism and business investment to the region. This in turn will create jobs and stimulate economic growth.

3 arrin oo laga filayo shirka culimada iyo Xasan Sheekh oo sumad gaar ah ku helay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed ayaa maalintii afaraad ka socda magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Isniintii furay shirka, ku dhawaad 300 Culimo Soomaaliyeed ah ayaa ka qeyb-galeysa shirweynaha Culimada, kuwaasi oo ay u dhan yihiin firqooyinka kala duwan.

Marxalad xasaasi ah ayuu kusoo aaday shirkaan, diiwaanka u yaalla madaxda Soomaalida ee xagga la-macaamilka Culimada ama hirgelinta Shareecada Islaamka ma qurux badneyn waqti dheer.

Laakiin 2023-ka dadka Soomaaliyeed waxay marqaati ka noqdeen madaxweyne Soomaaliyeed oo raadinaya marjac Diini ah oo loo laabto iyo madaxweyne abaabulaya shir Diimeed.

Culimada waxay madaxweyne Xasan Sheekh uga mahad-celiyeen inuu abaabulay kulan noocaan ah uu kadibna weydiistay Culimada inay si Diini ah dalka iyo dadka u jiheeyaan oo ay sameeyaan marjac Diini ah oo loola laabto qadiyadaha waaweyn.

Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed wuxuu kusoo aaday iyada oo si adag loola dirirayo kooxda Al-Shabaab oo dhaqankeeda guracan u galisay shaati Islaami ah.

Culimo badan ayaa hore u sheegtay in uusan dhaqanka Al-Shabaab meelna ka waafaqsaneyn Diinta Islaamka. Marka la eego marxalada uu shirkaan kusoo aaday waxay dad badan qabaan in lagu faa’iido doono oo dagaalka dowladda iyo shacabka waddo uu heli doono sahay fiican oo Diini ah.

Dadka weli kooxda rejada ka qaba wuxuu shirkaan siin doona daliilo cad oo soo afjaraya ku been abuurashada Al-Shabaab ee Diinta Islaamka.

Shirkaan waxaa laga filaya saddex arrimood, kuwaasi oo kala ah;

1. In uu hoos u dhigo loolanka u dhaxeeya firqooyinka Diimaha ee ka jira Soomaaliya, maadama uu dalka marayo meel halis ah oo ay qasab tahay in la badbaadiyo.

2. Xukun Diimeed la xiriira Al-Shabaab: Kooxdan oo ku dhawaad 15 sanno xirneyd shaadh Diini ah ayaa dhaqankeedu burburiyay wixii ay sheeganeysay mudada fog.

Hadda waxaa la filaya inuu shirkan banaanka dhigo waxyaabaha ay mudada fog dhalinyarada ku maran-habaabineysay kooxdu.

3. Dhismaha golaha sare ee Culimada Soomaaliyeed: Mid kamid ah ujeedooyinka shirkan waa in uu dalku yeesho hay’add Culimadu ku mideysan tahay oo marjac u noqota ku dhaqanka maamulka dowliga ah iyo dhaqanka guud ee bulshada Soomaaliyeed oo hadda isagu halis ku jira marka la eego sida taban ee ugu milmay teknoolijayada casriga ah.

Dowladda madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xoog iyo xoolaba galinaysa dagaalka tooska ah ee Al-Shabaab ayaa haddana u muuqata inay si buuxda u dhaqaajisay dagaalka fikirka ah ee lala galayo kooxda Al-Shabaab.

Duqeyn lagu beegsaday Daacish oo ka dhacday BARI iyo wararkii ugu dambeeyay

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa lagu soo warramayaa in xalay duqeymo la beegsadeen kooxda Daacish ee ku sugan gobolka Bari ee maamulka Puntland, halkaas oo ay fariisimo waa weyn ay ku leedahay Daacishta Somalia.

Duqeynta ayaa si gaar ah uga dhacday buuraha Calmiskaad oo ka tirsan degmada Iskushuban ee gobolka Bari, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in duqeyntan ay socotay illaa saaka waabarigii hore, waxaana jira khasaare xoogan oo kasoo gaaray xabnaha kooxda Daacish.

Ugu yaraan saddex horjooge oo ka tirsanaa Daacish ayaa lagu dilay weerarkan, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan sirdoonka Puntland oo diiday in la shaaciyo magacyadooda.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari ee Puntland, Soomaaliya.

Weerarkan ayaa ku soo aaday, xilli maalmihii u dambeeyay ay kooxdan dhaq-dhaqaaq culus ka waday halkaas oo ay marar badan kula dagaalantay ciidanka Puntland.

Dhanka kale ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Mareykanka, kuna aadan duqeyntaas xalay, illaa saaka lagu garaacayay qaybo kamid ah gobolka Bari.

Ma’ahan markii ugu horreysay oo duqeymo ka dhan ah dagaalyahanada Daacish ay ka dhacaan deegaannadaas, iyada oo sannadihii ugu dambeeyay ay buuraleyda gobolka Iskushuban iyo Galgala ay ka dhaceen weerarro dhinaca cirka ah oo ka dhan ah Daacish.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socdo howlgal culus oo ka dhan kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish, kaas oo ay iska kaashanayaan dowladda iyo saaxibada caalamiga ah.

Mareykanka oo ka digay weeraro oo ka dhici kara…

0

Dar es Salaam (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa digniin cusub kasoo saartay suurtagalnimada weeraro argagixiso oo ka dhaca dalka Tanzania ee bariga Afrika.

Safaaradda Mareykanka ee ku taalla magaalada Dar es Salaam ayaa soo saartay digniintan, kadib qoraal rasmi ah oo ay soo saartay.

Sidoo kale safaaradda ayaa uga digtay muwaadiniinta Mareykanka ah inay ka fogaadaan meelaha ay dadku iskugu yimaadaan sida maqaayadaha, suuqyada iyo goobaha dalxiiska.

Mareykanka ayaa intaasi ku daray in goobaha bartilmaameedyada ahi ay ku jiraan meelaha ay tegaan dadka reer galbeedka ah.

“Kooxaha argagixisadu waxay digniin la’aan weerar la beegsan karaan hoteellada, safaaradaha, maqaayadaha, suuqyada, saldhigyada booliiska, masaajidda iyo meelaha kale ee ay tagaan dadka reer galbeedka ah” ayaa lagu yiri digniinta kasoo baxday Mareykanka.

Kadib digniintan soo baxday dowladda Tanzania ayaa lagu soo warramayaa inay qaaday tallaabooyin dheeraad ah oo lagu sugayo amniga, si looga hortago weeraradaasi argagixiso.

Marar badan oo hore Mareykanka ayaa digniin noocaan oo kale ah ka soo saaray dalal badan oo ay kamid yihiin Soomaaliya iyo Kenya oo ay ka dhacaan weeraro qaraxyo ah.

Meta reinstates Trump’s accounts with new guardrails

Washington (Caasimada Online) – Facebook parent company Meta is lifting the suspension on former President Donald Trump’s personal account after a two-year ban following the January 6th insurrection. 

In a blog post, the company announced they are implementing “new guardrails” to prevent repeat violations of their rules. 

If Trump posts any additional content that breaks the rules, it will be removed, and he will face suspension for anywhere between a month and two years, depending on the severity of the violation.  

Not only is Facebook the world’s largest social media site, but it also served as a major source of fundraising for Trump’s campaigns, which spent millions on ads on the platform in 2016 and 2020.  

The move, which comes as Trump is gearing up for a third presidential run, will allow him to communicate directly with his 34 million followers, far more than the 4.8 million that currently follow him on Truth Social, and also resume direct fundraising. 

Trump has criticized Facebook’s decision to suspend his account and praised Truth Social. He said, “FACEBOOK, which has lost Billions of Dollars in value since “deplatforming” your favorite President, me, has just announced that they are reinstating my account. Such a thing should never again happen to a sitting President, or anybody else who is not deserving of retribution!” 

Civil rights groups and others have denounced Meta’s decision, stating that it sends a message to other figures with large online followings that they can break the rules without facing serious consequences. 

However, Jameel Jaffer, executive director of the Knight First Amendment Institute at Columbia University, argues that the reinstatement is the right call as the public can hear directly from political candidates. 

Meta vice president of global affairs, Nick Clegg, stated that in light of Trump’s previous violations, he will now face harsher penalties for repeat offenses and that these penalties will apply to other public figures whose accounts are reinstated after suspensions related to civil unrest under the updated protocol.  

If Trump or anyone else posts material that is harmful but does not violate Facebook’s rules, Meta will not remove it but will limit its reach, such as praising the QAnon conspiracy theory or trying to delegitimize an upcoming election.  

Trump’s accounts will be restored in the coming weeks on Facebook and Instagram. 

SOURCE: NEWS AGENCIES

Somalia: 323 Al-Shabab terrorists ‘killed in one week’

Mogadishu (Caasimada Online) – Somalia’s Information Minister, Daud Aweis, announced on Wednesday that the national army (SNA), with support from local militias, has killed 323 members of the terrorist group Al-Shabaab over the course of seven days.

Aweis also reported that the SNA was successful in capturing the areas of Eldher, Haradhere, and Galcad in Galmudug state, which had been under the control of Al-Shabaab for over 15 years.

In a press conference held in the nation’s capital, Mogadishu, Aweis stated, “The terrorists have been controlling these areas for more than 15 years. In another operation in Galmudug, more than 100 Al-Shabab have been killed by SNA after they attacked a military camp in Galcad.”

He added that the national army (SNA) killed 70 members of Al-Shabaab in the Beerfarah area of Haradhere in the Mudug region, while multiple operations conducted against “the Al-Shabab Kharijities” in HirShabelle state, resulting in the deaths of over 90 members of the group.

Additionally, Aweis said that 40 Al-Shabaab terrorists were killed during an operation in South West State, and ten individuals were freed from the group in Jubaland state.

A security analyst in Mogadishu stressed the significance of these recent developments, saying, “The recent operations by the army, as well as the liberation of Haradhere, a coastal and strategic town, are significant defeats for the terrorist group.”

Some officials have suggested that the terrorist group Al-Shabab is nearing its end. However, experts have cautioned that the group has a history of regrouping and reclaiming areas after being pushed out of major towns by the army. They have warned that the military may be unable to hold these areas long term.

Omar Mahmood, a senior analyst at the International Crisis Group for East Africa, said that “the real test for the effort against Al-Shabab is not in the initial offensive phase, but rather in maintaining control and stability in the aftermath.” He also noted that the group is currently under pressure but warned that they tend to play a long-term strategy.

In light of these ongoing challenges, some experts have suggested that the government replicate its cooperation with clan-based militias across the country.

Hassan Mohamed, a former military officer, said, “Al-Shabaab would be extinct if government and clans were launching attacks in the entire country simultaneously.”

Dhageyso: Hey’adda duulista hawada Soomaaliya oo caawa gaareysa guul taariikhi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hawada Soomaaliya ayaa heshay aqoonsi caalami ah oo aad u sareeya tan iyo burburkii dalka, muddo dheer ayey dowladda Soomaaliya u soo xusul duubeysay aqoonsiga ay heshay caawa, sida uu shaaciyey Maareeyaha hey’adda duulista rayidka Soomaaliya.

Maareeyaha hey’adda duulista Axmed Macalin Xasan oo la hadlay Idaacadda Dowladda ee Radio Muqdisho ayaa sheegay in qiimeynta isku laheynta duulimaadyada caalamka ay Soomaaliya ka joogtay heerka ugu hooseeya, balse wixii caawa ka dambeeya ay Soomaaliya ku biirtay wadamada ugu sareeya.

“Hawada Soomaaliya 30-kii sano ee lasoo dhaafay waxay joogtay qiimeynta caalamka heerka ugu hooseeya, caawa ayaan ku guuleysanay in aan gaarno heerka ugu sareeya qiimeynta caalamka,” ayuu yiri Maareeyaha hey’adda duulista rayidka Soomaaliyeed.

Axmed Macalin ayaa sheegay in mudo hal sano ay hey’addu ka shaqeyneysay in heerkaan ugu sareeya qiimeynta duulimaadyada caalamka au soo gaarto, isla markaana ay hadda taas ku guuleysteen.

“Bahda hey’adda duulista rayid Soomaaliyeed waxay caawa ula mid tahay habeenkii ay Soomaaliya xornimada qaadatay, waxaa mira-dhalay dadaalkeenii, keligeena maahane caawa dunida oo dhan ayaa nala dabaal-degeysa,” ayuu yiri Maareeye Axmed Macalin.

Mar la weydiiyey caqabadaha ay markii hore ku qabeen qiimeyntii heerkeedu hooseeyey ayuu sheegay in duulimaadyada qaar ay ka wareegsa jireen hawada Soomaaliya, maadaama qiimeynta heerka badqabkeedu uu hooseeyey.

“Lacagtii aan soo saari jirnay in ka badan ayaan soo saari doonaa, diyaarado badan oo hadda ka leexda hawada Soomaaliya ayaa soo mari doona hawadeena,” ayuu yiri Maareeye Axmed Macalin.

Wadamo, hey’ado, shirkado duulimaad iyo ururro caalami ah ayuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay kala shaqeeyeen inay soo gaarto heerkaan.

“Tani waxay ka dhigan tahay Soomaaliya caawa wixii ka dambeeya waxay awood u leedahay inay maamulato hawadeeda, waxaa la aqoonsaday inay heysato quburo ku filan, waxaana guushaan ka shaqeeyey quburo Soomaali ah,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Hoobiyeyaal lagu weeraray xaafado ka tirsan magaalada…

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan waxay sheegayaan in caawa weerar loo adeegsaday hoobiyeyaal lagu qaaday xaafado ka tirsan magaalada.

Xaafadda Xaawo-taako, gaar ahaan degaanka Nuur-xawaad ayaa la sheegay in caawa madaafiicda ugu badan ay Al-Shabaab ku garaaceen, waxaana lasoo weriyey in dhaawacyo ay ka dhasheen madaafiicdaas.

Sidoo kale qeybo ka mid ah xaafadda Buundo-weyn ee isla magaalada Beledweyne ayey caawa hoobiyeyaashaani ku soo dhaceen, waxayna magaaladu gashay xaalad kala carar ah.

Weerarkaan kadib ciidamada ammaanka ayaa magaalada ka bilaabay howlagllo culus oo caawa ka socda Beledweyne, kuwaas oo lagu baacsanayo raggii weerarkaan fuliyey oo la aaminsan yahay iinay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Inkastoo dadka reer Beledweyne iyo guud ahaan gobolka Hiiraan ay si adag isaga difaaceen kooxda Al-Shabaab oo dagaal qaraar ay la galeen, hadana Al-Shabaab waxay weerarro ka geystaan deegaano aad ugu dhow magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Dhinaca galbeed ee magaalada ayey deegaano badan ka joogaan Al-Shabaab, waxayna geystaan weerarro iyo afduub ay ku ugaarsadaan beelaha go’aansaday inay si dhab ah isaga dhiciyaan kooxda.

Beesha Xawaadle oo ah beesha ugu balaaran beelaha dega gobolka Hiiraan ayaa toos ula dagaashay kooxda Al-Shabaab, waxaana beeshaas u suurtay gashay in dhamaan dhulka ay degto ay ka xoreysato Al-Shabaab.

Go’aanka beesha Xawaadle wuxuu caro badan ku abuuray Al-Shabaab, waxayna kooxdu joogto u ugaarsataa qof kasta oo ka soo jeeda beesha, waxaana xusid mudan in dad u dhashay beesha Xawaadle ay u afduuban yihiin  Al-Shabaab, kuwaas oo lagu haayo deegaano dhinaca galbeed ka xiga magaalada Beledweyne.

Inkastoo la sheego in 95% dhulka HirShabeelle laga saaray Al-Shabaab, hadana dhul u badan miyi oo dhinaca galbeed ka xiga wabiga Shabeelle ee gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe ee HirShabeelle ayey weli ku dhuumaaleystaan Al-Shabaab.

Taliska Militariga oo war ka soo saaray arrin laga faafiyey ciidanka ka yimid Eritrea

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka xoogga dalka Soomalaiyeed ayaa war ka soo saaray hadalheyn ka dhalatay rasaas xoog leh oo saacadihii lasoo dhaafay laga maqlay xerada ciidamada xoogga ee Jeneraal Goordan ee Muqdisho.

Warar aad loogu faafiyey baraha bulshada ayaa tilmaamayey in ciidamadii tababarka ku soo qaatay dalka Eritrea ee Muqdisho la keenay ay dagaal galeen, kadib markii ay gadoodeen.

Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa war ka soo saaray arrintaan, waxaana qoraalka ka soo baxay lagu cadeeyey in wax dagaal ah aysan dhicin ee xabadaha la maqlay ay ahaayeen dabrid ama carbis ay sameynayeen ciidanku.

“Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxaa uu dhamaan ummada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku sugan caasimmada gobalka Benaadir ee Muqdisho la socodsiinaya in rasaastii  maanta ay maqlayeen ay tahay dabrid iyo carbis ay sameynayeen cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuna sameenayeen guddaha Dugsiga Tababarka General Goordan XDS,” ayaa lagu yiri qoraalka taliska ciidanka xoogga dalka.

Dab ridkaan ayaa ka dhacay xerada ciidamada xoogga Soomaaliya ee Jeneraal Goordan oo ku taalla degmada Hodan ee gobolka Banaadir, halkaas oo tababarro yaryar oo barashada shuruucda ciidamada qaranka ay ugu muhiimsan yihiin ciidanka lagu siiyo.

Xerada Jeneraal Goordan waxaa lagu xareeyey oo degan kumanaan ciidan ah oo dhawaan laga soo daabulay dalka Eritrea, halkaas oo tababar adag oo afar sano ah ay ku soo qaateen.

Cidiankaan oo gaaraya shan kun oo askari ayaa waxaa weli socota soo daad-gureyntooda, waxaana la sheegay in dhamaadka bishaan lasoo dhameystirayo.

Labo maalin ka hor dowladda Soomaaliya waxay ciidanka ATMIS ka saartay xeradii Maslax ee degmada Heliwaa, halkaas oo la dejinayo cutubyo ka tirsan ciidankaan ka imaanaya dalka Eritrea.

Daawo: Cabdifitaax Gaafow iyo saraakiil Shabaab looga dilay dagaal maanta dhacay

0

Ceeldheer (Caasimada Online) – Ciidamada dowlada iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ayaa galabta dagaal culus ku qaaday Shabaab-kii ku sugnaa dhowr deegaan oo hoos taga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Ciidanka ayaa iska cabin adag kala kulmay Al-Shabaab waxaan la dilay xubno ay ku jiraan saraakiil oo ka tirsanaa Al-Shabaab, iyadoo dhowr deegaan laga xoreeyey kooxda.

Cabdifitaax Xasan Gaafow oo ka tisanaa saraakiisha Al-Shabaab ee aagga Ceeldheer ayaa la xaqiijiyey in lagu dilay dagaalkii galabta, iyadoo lasoo bandhigay meydkiisa.

Deeganada  kala ah, Baraag-xasanleey, Maalin-cadaawe iyo Baraag Sheekh Cabdullaahi oo dhamaantood hoos taga Ceeldheer ayaa galabta laga saaray Al-Shabaab.

Rag kale oo aan weli la aqoonsan magacyadooda rasmiga ah ayaa la sheegay inay ku jiraan saraakiisha galabta Al-Shabaab looga dilay aagga Ceeldheer, sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiisha militeriga Soomaaliya ee howlgalka hoggaamineysa.

Daa’uud Abuukar oo ah sarkaalkii ciidanka dowladda ku hoggaaminayey dagaalkii galabta ayaa warbaahinta kula hadlay deegaanka Baraak Sheekh Cabdullaahi, asigoo fariin u diray xubnaha deegaanadaas u dhashay ee weli ka barbar dagaalamaya Al-Shabaab.

“Maanta waxaan Khawaarijta ka furanay hub, waana leynay, dadka deegaanadaan waxaan ka codsaneynaa inay ka fogaadaan meelaha ay Khawaarijtu joogto, kama hareyno sidaan ayaan meydadkooda u wari doonaa, isku soo dhiiba dowladiina, hadaa nolol rabtaan,” ayuu yiri sarkaalkaan.

Daa’uud Gacamey ayaa sidoo kale mid mid magacyadooda u sheegay hubnaha ka soo jeeda deegaanka ee hoggaaminaya Shabaab-ka aaggaas ka dagaalamaya, saraakiisha kooxda looga dhaawacay dagaalkii galabta waxaa ka mid ah guddoomiyihii kooxda ugu magacaawnaa degmada Ceeldheer.

Dhammaan deegaanadii lagu dagaalamay waxaa si buuxda caawa gacanta ugu haya ciidanka xooga dalka iyo kuwa deegaanka oo galabta dagaal adag kula wareegay.

Hoos ka daawo

Ahmed Hussen faces scrutiny for awarding contracts to a firm linked to a close advisor

Ottawa (Caasimada Online) – The Canadian Housing Minister, Ahmed Hussen, has come under scrutiny for awarding contracts worth $93,050 to Munch More Media, a Toronto-based public relations firm specializing in promoting the restaurant and food services industry. 

The contracts were awarded from Hussen’s constituency office budget, not his ministerial budget. Hiba Tariq, the director of the company, is the sister of Tia Tariq, the director of policy and a close adviser to Hussen.

When questioned about the awarding of the contracts, Hussen stated that his constituency office “followed all the rules” and that he was “happy with the services” provided by Munch More Media. He did not rule out hiring the firm in the future. 

Hussen also pointed out that members of parliament are permitted to pay for services, including communications services. The Office of the Ethics and Conflict of Interest Commissioner was also consulted before the contracts were awarded.

However, the commissioner’s office spokesperson stated that it could not answer questions from Canadian network, Global News, as any advice provided by the office is confidential, and any requests for advice are also confidential.

It was also reported on Friday that Marci Ien, the Canadian Minister of Women and Gender Equality, also gave $10,000 in contracts from her constituency budget to Munch More Media in 2021. At the time, Ien was not a minister. 

Tia Tariq was listed as a director of policy for Ien’s office on the lobby registry, but Ien’s office stated that this was incorrect and Tia Tariq was not working for Ien at the time.

Prime Minister Justin Trudeau commented on the situation during a press conference on Monday, stating that it was the responsibility of any member of parliament to make sure they were communicating and connecting with their citizens. 

He added that the minister was answering questions on the matter and making sure all rules were being followed.

It is important to note that according to research done by Global News on the spending of the constituency budget by cabinet ministers, Hussen is among a small group of ministers who have invested a substantial amount of public funds on external public relations assistance in recent months.

Ahmed Hussen was the first Somali-Canadian to be elected to the House of Commons. He was first elected as a Member of Parliament in 2015, representing the riding of York South—Weston in Toronto. 

Before entering politics, Hussen practiced law and was active in community organizing and advocacy. He has served as the President of the Canadian Somali Congress and as a board member of various community organizations. He also served as a member of the Immigration and Refugee Board of Canada.

Sawirro: Xamza oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc ay ku kaceyso malaayiin dollar

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray Mashruuca Barwaaqo oo ay ku kacayso Malaayiin dollar.

Mashruucan ayaa waxaa fulineyso Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, oo kaashaneya Baanka Adduunka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Masuuliyiinta wasaaradda Qorsheynta ayaa uga warbixiyay Ra’iisul Wasaaraha qaabka looga faa’iideystay wejigii hore oo la oran jiray Biyooley iyo barnaamijyada u qorsheysan shanta sano ee soo socota, iyada oo wejigan ay ku jirto daryeelka deegaanka.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa mashruucan ku tilmaamay “fursad aan uga faa’iideyn karno dadkeena iyo xoolaheena” si aanay biyo la’aan ugu dhicin.

“Maadama la galay xilli Jiilaal ah oo adag, oo ay tahay in loo diyaar garoobo, waxaan mashruucan uga faa’iideysaneyna si ay biyo la’aan u dhicin,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Xamza ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in uu ku faraxsan yahay in wejiga hore si wanaagsan looga faa’iideeyay shacabka Soomaaliyeed, taasi oo uu ku ammaanay masuuliyiinta wasaaradda Qorsheynta.

Mashruuca Barwaaqo ayaa socon doona muddo sanooyin ah, ayada oo ay ku baxayso lacag malaayiin dollar ah, wuxuuna xoogga saaraya horumarinta bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan qaybaha ku dhaqan miyiga, Beeraleyda, Xoolaha iyo Deegaanka.

Galmudug oo ku dhawaaqday go’aan ka dhan ah qaadka oo la xiriira dagaalka socda

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Galmudug ayaa maanta soo saartay go’aan ay ku mamnuucayso in qaadka la geeyo deegaanada ay ka socdaan howl-galada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Amniga ee maamulka Galmudug ayaa lagu sheegay in qaadka looga mamnuucay deegaanadaasi sababo la xiriira caqabad uu ku yahay howl-galada socda.

“Waxa ay wasaaradda u digeysaa ganacsatada, gaadiidleyda iyo cid walba ee ku howlan geynta qaad deegaanada iyo degmooyika ay ka socdaan howl-galada dib u xoreynta Galmudug, sida Xarardheere, Ceeldheer, Galcad iyo deegaanada hoostaga,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowlad-goboleedka Galmudug.

Sidoo kale waxa lagu sheegay qoraalka in dowladda Galmudug ay la wareegi doonto gaarigii lagu qabto qaadka, islamarkaana la gubi doono qaadka saaran.

“Wasaaraddu waxay ogeysiineysaa dhinacyada kor ku xusan in gaarigii lagu qabto isagoo wado Qaad/Jaad ay dowladda Galmudug la wareegi doonto. Qaadka saaran la gubi doono, wadaha gaarigana uu ciqaab adag la kulmi doono.”

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowlad-goboleedka Galmudug ayaa fartay laamaha amaanka maamulka in sida ugu dhaqsaha badan ka howl-galaan dhaqan-gelinta amarkaan, ayna gacanta kusoo dhigaan cid walba oo u hoggaansami weyda.

Go’aanka ayaa la filayaa in uu wax badan ka tari doono dagaalka ay ciidamada kula jiraan Al-Shabaab, ayada oo dhowr jeer dhacday in kooxdu qaadka uga faa’iideysato ciidamada huwanta, oo weeraro gaadmo ah kusoo qaado xilliyada aroortii hore.

Sheekh Bashiir oo sheegay waxa ay ka dhigan tahay la-macaamilka Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo kamid ah Culimada Soomaaliyeed ee qeybta ka ah shirweynaha ka socda magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in la-macaamilka Shabaab uu xaaram yahay Diin ahaan.

Sheekh Bashiir ayaa xusay in Shabaab ay shaqadooda tahay dilka iyo dhaca umadda Soomaaliyeed, sidaas awgeed uu dembi weyn yahay qofkii kaalmeeya kooxda ee xoola siiya, kaasi oo ka dhigan in uu qeyb ka noqday gumaadka dadka aan wax galabsan, sida uu hadalka u dhigay.

“Nimankaas la-tacaamulkoodu Diini ahaan iyo Waddaniyad ahaanba waa xaaraam, wax kale uma joogaan oo waxay ka shaqeynayaan in ay meel wax dhigaan oo loo layn lahaa dad Muslimiin ah oo waxba galabsan. Diinteena muqadaska ah wey xaaraamtiyeysay in qofka dambiilaha ah lagu kaalmeeyo dambiga,” ayuu yiri.

“Wanaagga isku kaalmeeya laakiin ha isku kaalmeynina dambiga Ilaahay laga galayo iyo xad-gudubka dadka lagu xadgudbyo, nimankaan Diintii meel ayay kaga dhacayaan oo dadkiina waa ku xad-gudbayaan. Haddii la siiyo xoolo la siiyo, baad la siiyo ama waxay ku magacaaban Zako la siiyo kuligeed kaalmo ayay ahaaneysa.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in awoodda Shabaab xilligaan la arkay, ayna tahay in loo wada midoobo la-dagaalanka kooxdan oo sanadihii u dambeeyay dhib farabadan u geysatay bulshada Soomaaliyeed.

“Maanta maalinteedii ma ah, oo maanta waa maalin nimankii cabsidooda la tijaabiyay oo awoodooda ay burburtay oo dagaal ku socda, qofka maanta lacag la weydiiyo ee laga baaddayo waa qof aan wax ogeyn oo doqon ah wixii hore Allaha naga dhaafe hadda fursada iyo jaaniska waa salaxan yahay waa in halmar Maya la wada yiraahdo oo loo diido lagana joojiyo.”

Dagaalka ka dhanka Al-Shabaab ee ka socda qeybo badan oo dalka ah ayaa tan iyo markii uu billowday waxaa kooxda lagu gaarsiiyay jab xoogan, ayada oo lagala wareegay deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale dagaalka tooska ah barbar wada dadaalo ay ku dooneysay sidii ay ku wiiqi laheyd awooda dhaqaale ee Shabaab, waxaana bilihii dambe si weyn hoos ugu dhacay lacagaha baadda ah ee kooxda ka qaadi jirtay ganacsatada, gaar ahaan kuwa Muqdisho.

Somalia moves closer to EAC membership with verification process underway

Mogadishu (Caasimada Online) – On Wednesday, the East African Community (EAC) has begun a verification process to evaluate if Somalia is ready to join the organization.

A team of experts from the EAC Partner States will be visiting Somalia from January 25th to February 3rd, 2023, to determine if the country meets the criteria for membership.

According to EAC Secretary General Hon (Dr.) Peter Mathuki, The team will investigate Somalia’s institutional and legal frameworks, policies, strategies, and projects to assess the country’s level of conformity with the EAC. They will also evaluate Somalia’s development plans in infrastructure, energy, education, peace and security, and international cooperation.

The team will also evaluate Somalia’s compliance with international law and determine if the country is prepared to become a member of the EAC Customs Union, Common Market Protocol, Monetary Union, and ongoing political confederation Constitutional Framework.

Somalia’s Foreign Affairs and International Cooperation Minister welcomed the assessment, saying that the country will significantly benefit from the free movement of people across the region without needing visas if it becomes a member of the EAC.

“Somalis are already present in the East African region. The Somalis started integrating with their brothers and sisters of the region way before the request of formalizing the decision to join the EAC,” he said.

Mrs. Tiri Marie Rose from the Republic of Burundi is leading the EAC verification mission.

Somalia first applied to join the EAC in 2012, but the process has been pending for various reasons. 

The 22nd EAC Heads of State Summit acknowledged that the verification process for Somalia’s admission into the EAC had yet to be undertaken. The Summit directed the Council to swiftly complete the verification under the EAC procedures for admitting new members and to report back at the 23rd Ordinary Meeting of the Summit.

The Treaty establishing the EAC includes criteria for the admission of new countries into the community. These include acceptance of the community as set out in the Treaty, adherence to universal human rights, and the ability to participate effectively in the EAC’s activities. The EAC also considers a country’s development level and contribution to the community’s objectives.

The EAC is a regional intergovernmental organization that aims to promote economic integration among its member countries. It was established in 1967 by the signing of the Treaty for the Establishment of the East African Community.

The organization currently has six member states: Kenya, Uganda, Tanzania, Rwanda, Burundi, and South Sudan.

The EAC’s objective is to create a single customs union and common market, which will lead to increased trade among the member states and ultimately establish a monetary union. The EAC also focuses on infrastructure, energy, education, peace and security, and international cooperation.

With its long national coastline of over 3,000 km that links Africa to the Arabian Peninsula, Somalia could play a significant role in increasing intra-regional trade among EAC countries. Additionally, exploiting Somalia’s blue economy resources, such as fish, could boost the regional economy.

If admitted, Somalia will be the 8th member of the EAC and will be able to participate in the organization’s activities and benefit from increased trade and cooperation among the member states.

Ficillada Shabaab oo dhaafay laba xad oo lama taabtaan ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Arxan la’aantu waa mid kamid ah waxyaabaha loo tiriyo ama lagu qeexo kooxda Al-Shabaab, ficiladooda ayaa sabab u ah.

Culimo badan ayay kooxdu hore u dishay, dumar iyo caruur ayay sidoo kale laayeen, waxaana waxyaabaha kacdoonka socda dhaliyay kamid ah ilmo aan toban jir gaadhin oo ay ku dileen gobolka Hiiraan ee bartaham Soomaaliya.

Xoolo nool ayay dhawaan ku laayeen inta u dhaxeysa Maxaas iyo Wabxo, ceelal ayay sumeeyeen, waxaana ficilada kooxda lagu tilmaamay inay gaareen meel dhaafsiisan xadkii Islaamnimada iyo kii Soomaalinimada.

Weli kooxdu waa dagaalameysa, dad ayaa laga yaab in kooxda dhaqankaas leh ay weli rejo uga jirto.

Aan usoo laabano 22-kii bishaan iyo guriga dowladda hoose ee magaalada Muqdisho, halkaan waxaa soo weeraray maleeshiyo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, dadkii ay goobta ku toogteen waxaa kamid ahaa marxuum Axmed Xasan Warsame wuxuu ahaa muwaadin araga la’, markii uu qaraxa dhacay oo la kala cararay ma-uusan awoodi karin in uu ka baxsado dhibaatada goobta ka socota.

Dadkii la joogay qof walba nafta ayaa orod fartay, mana jirin qof xasuusan karay gacan qabashada qof kale. Al-Shabaab ayaa gudaha u galay xarunta kadibna halkaas ku toogtay, kooxdu wax naxariis ah uma sameyn muwaadinkaas araga la’aa.

Sida uu bogiisa Facebook ku xaqiijiyay Khaliif Cabdulqaadir Macalin Nuur, marxuumkaas araga la’aa ee Shabaabku dileen ayaa wax ka bartay mu’asasada macallin Nuur kadibna waxa uu noqday mid isaguna dadka waxbara.

Inkasta oo aan geerida waqtigeeda la dhaafayn haddana tani waa daliisha ugu dhow ee naxariis darada kooxda Al-Shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya oo Isniintii mar uu soo hadal qaaday dhacdadii gobolka Banaadir wuxuu xusay dilkii arxan-darada ahaa ee Al-Shabaab u geysatay marxuumkaas araga la’aa Axmed Xasan Warsame.

Wuxuu madaxweynaha ku tilmaamay geeridaas middii ugu xanuunka badneyd, taasi oo dhinaca kale sii quusineysa dadka isku dayaya in dhibaatada Al-Shabaab waxyar oo qiil ah u raadiyaan.

“Xalay waxyaabaha aan ka seexan waayey waxaa kamid ah nin indhoole ah ayaa joogay bug markii uu qaxa dhacay waa la kala cararay qof walba meesha uu aadi karo ayuu aaday wadaadka indhoolka ahaa xagge ayuu aadayaa? meel uu aado ayuu garan waayey? meesha ayey ugu yimaadeen waana dileen.”

“Adiga maxaa ku sifeynee? Maxaa dhehee? yacni ninkaas qofka caadifad yar oo naxariis ah u geli weyday waa indhool meel uu ka baxi ayuu waayey waa carari lahaa. Nimanka meeshaas joogo ninka ka cabsanaayow cabsidaada meel maleh, cudur daarna maleh.”

Somaliland oo ‘si yaab leh’ uga hadashay isbaddallada ka socda Laascaanood

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Millateriga Somaliland Nuux Ismaaciil Taani ayaa markii u horeysay ka hadlay dhoola-tuskii Isniintii ee magaalada Laascaanood, kadib socdaal uu magaaladaas ku tagay Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah Garaadka guud ee deegaannada SSC

Taliye Nuux Taani ayaa sheegay in ciidamada gaadiidka watay ee galbinayay Garaadka, haddana ku sugan gudaha Laascaanood ay yihiin kuwa Somaliland, isaga oo beeniyay warar sheegaya in ciidamo hubaysani ay magaalada soo galeen.

“Waxaanu halkan ka caddeynaynaa in nabad-galyada guud ee magaalada Laascaanood ay gacanta ugu jirto ciidamada qaranka, baabuurta garaadada soo dhawaynaysay, waxay ahaayeen baabuurtii ciidankanqaranka,” ayuu yiri Taliye Taani.

Taliye Taani oo ka hadlayay madal ay kula sugnaayeen saraakiil sar sare oo ciidamada ka tirsan, ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in shirwaynaha la qorsheeyay in beelaha gobolku ay Laascaanood ku yeeshaan uu amaankiisa sugi doono ciidanka Somaliland.

“Waxaa sidaa u yeelaynaa si gaadiid kale aanu gobolka usoo galin oo amniga u dhaawicin,” ayuu yiri Taani oo waxba kama jiraan ku sheegay in ay jiraan baabuur ciidan oo garaadyada tagay Laascaanood ay wataan.

Sheegashada Somaliland ayaa noqoneysa mid yaab leh, maadama ciidamadaas ay qeyb ka ahaayeen munaasibad looga soo horjeeday gooni isu-taagga Somaliland, laguna muujinayay midnimada Soomaaliya.

Garaad Jaamac oo kamid ah Garaadyada kasoo horjeeda gooni isu-taagga Somaliland ayaa waxa Isniintii si ballaaran loogu soo dhaweeyay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Garaadkan ayaa waxaa magaalada ugu dambeysay sanadkii 2007-dii, xilligaasi oo gacan ku haynta Laascaanood ay la wareegtay xukuumadda Somaliland, waxayna soo dhawayntiisu noqotay middii abid ugu ballaarneyd ee ka dhacda Laascaanood, iyada oo kumanaan shacab ah oo sita calanka Soomaaliya ay soo buux dhaafiyeen waddooyinka gudaha magaalada.

Isniintii ayaa waxay reer Laascaanood muujiyeen in aysan raali ka ahayn in mardambe laga maamulo Hargeysa, islamarkaana ay raalli ka ahaan doonin in Soomaaliya la kala gooyo.

Daawo: DF oo xalay tallaabo qaaday kadib WEERARKII agagaarka Villa Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa xalay qaaday tallaabo ay uga jawaabayaan weerarkii hoobiye ee shalay lagu garaacay agagaarka dhismaha Xarunta Madaxtooyada, gaar ahaan Xamarweyne iyo Warta Nabadda.

Ciidamada Booliska oo kaashanaya qaar kamid ah maamullada degmooyinka ayaa bilaabay howlgallo lagu sugayo amniga degmooyinka dhaca bartamaha caasimada.

Howlgalkan oo lagu magac daray qof iyo guri ayaa waxaa xalay lagu bilaabay degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir oo kamid ah meelaha lagu weeraray hoobiyaha.

Saraakiisha ammaanka ayaa shaaca ka qaaday in ujeedka uu yahay mid lagu xaqiijinayo amniga, si looga hortago weerarada ay kooxda Al-Shabaab ka geysato Muqdisho.

Sidoo kale waxaa howlgalka lagu soo qabtay tiro dad ah, Qamri, Xashiis iyo Calaq, sida ay shaaciyeen hay’adaha ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Dhankiisa guddoomiyaha maamulka degmada Xamarweyne, Daahir Maxamed Axmed oo goobta ka hadlay ayaa ka warbixiyay howlgalka laga sameeyay degmadiisa.

“Waxaa sameynay howlgal loogu magac daray qof iyo guri howlgalkan wuxuu ka socon doonaa guud ahaan gobolka Banaadir, si gaar ah hadda wuxuu uga socdaa qaybta bartamaha,” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka degmada Xamarweyne.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ujeedka uu yahay in la soo saaro xubnaha Al-Shabaab ee ku dhex dhuumaaleysanayo dadka shacabka ah ee ku dhaqan Xamarweyne.

“Waxaa la rabaa in la soo saaro cadowga ku dhex dhuumaaleysanayo bulshada ee raba inay qal-qal geliyaan amniga dalka, maanta hoobiye la soo tuuray canug yar oo 5 jir ah ayaa ku dhaawacmay muxuu haleeyay? oo gacmihii iyo lugihii ay burbureen” ayuu sii raaciyay.

Muqdisho ayaa wajaheyso xaalad amni, waxaana labadii maalin ee ugu dambeeyay ka dhacay weeraro lagu beegsaday agagaarka Madaxtooyada iyo Gobolka Banaadir.