28.9 C
Mogadishu
Monday, May 11, 2026

Somali forces seize key coastal towns from al-Shabab

Harardhere (Caasimada Online) – In a significant development for the Somali government, government forces have successfully captured the towns of Harardhere and Galcad from the al-Shabab militant group. 

Defense Minister Abdulkadir Mohamed Nur announced that government forces and local fighters were able to seize the towns without resistance, as the militants fled before the operation.

The Minister said on state-owned television that “Haradhere and Galcad towns have been taken from the hands of the al-Shabab Kharijites,” Nur said. ” Al-Shabab is overpowered and gone. We will also liberate the remaining towns soon.”

Harardhere, a key coastal town, and former pirate hub, was the most strategically important town in Galmudug still under al-Shabab control. The city had been a major base for pirates hijacking merchant ships until 2011 but was later taken over by al-Shabab. 

The capture of Harardhere and Galcad, located approximately 375 kilometers north of Mogadishu, is a clear indication that the government-led offensive against al-Shabab in central Somalia is progressing successfully.

The government has reported significant progress in its operations against al-Shabab, with hundreds of militants killed and numerous localities captured in neighboring Hirshabelle state since the offensive began in August. 

Additionally, the government has also reported shutting down hundreds of bank and mobile money accounts believed to be linked to al-Shabab, to disrupt the group’s revenue-generation activities.

Despite these successes, al-Shabab continues retaliating with suicide bombings and retaliatory attacks. 

A suicide car bombing in the village of Halgan on Monday resulted in the death of Jamal Ahmed Jama, a captain in the local security forces. Al-Shabab claimed responsibility for the attack.

The group said in a statement that it has inflicted “heavy losses” to the government through other suicide bombings over the weekend. 

Al-Shabab was behind three explosions in Hiran regions. In Bulobarde and Jalalaqsi towns, they have killed 13 people and injured over 50 others on Saturday, according to local officials. On January 4th, two explosions from vehicle-borne explosive devices in Mahaas town resulted in the deaths of over 20 people, the majority of them being civilians.

While some experts have warned that al-Shabab is not yet defeated, the capture of Harardhere and Galcad represents a major setback for the group and a significant victory for the Somali government. 

The government will now focus on facilitating the return of residents to the towns, which civilians largely abandoned due to al-Shabab’s forced displacement prior to the arrival of government troops.

Al Shabab’s spokesperson could not immediately be reached for comment. 

Since launching the major offensive last August, the government and allied clan militias have driven out the extremists from swathes of territory in central Somalia. 

Some officials believe that the recent successes against al-Shabab have put the group on the brink of defeat. However, experts warn that the group has a track record of adapting to military pressure.

Xog: Shaqsi aan la fileyn oo loo xirayo kursigii loo diiday Fahad Yaasiin ee HOP#086

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kursigii loo diiday sanadkii hore ee dhamaaday taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin ayaa waxa soo baxeysa in Villa Somalia ay u xireyso shaqsi gaar ah, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Kursigii hore loogu doortay Fahad ee HOP#086 ayaa waxa loo xirayaa musharax aad ugu dhaw Villa Somalia, oo lagu magacaaba Dr. Maxamed Xaaji Axmed, sida ay xog ku heshay Caasimada Online.

Musharaxan ayaa wuxuu hogaamin jiray garabka Damul-Jadiid ee Al Islaax, wuxuuna haatan xubin ka yahay hay’adda culimada Soomaaliyeed iyo guddiga gurmadka Abaaraha.

Dr. Maxamed ayaa lagu warramay inuu taageero weyn ka haysto Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo asagu ah xildhibaankii hore ugu fadhiyay kursigan, kana mid ah shaqsiyaadka ku dhow madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale waxaa go’aankan la qaba kooxda madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaasi oo doonaya inuu tartan la’aan ku qaato kursigan Dr. Maxamed Xaaji Axmed.

Musharaxan ayaa ah qof aan hore loogu aqoonin arrimaha siyaasadda, waxaana la filayaa inuu kursigan tartan la’aan ku qaato balse beesha kursigan iska leh ayaa ku doodaysa in si caddaalad ah loogu tartamo.

Arrintaan ayaa u muuqata inay soo afmeerayso rajadii Fahad Yaasiin uu uga mid noqon lahaa baarlamanka 11-aad. Fahad ayaa waxaa kursigan horey uga hor-istaagay ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Maxamed Xuseen rooble.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa 3-dii bishaan guddi u saaray qabashada kuraasta bannaan ee uu kamidka yahay kursiga Fahad Yaasiin, waxaana jira eedeymo la xiriira in guddigan uu yahay mid dhinac ka raran oo u adeegaya danaha musharax gaar ah.

Xubnaha guddiga uu magacaabay ra’iisul wasaare Xamza ayaa waxa ku jira xubno kamid ah guddigii hore ee doorashooyinkii dadbana ee dalka ka dhacay, kuwaasi oo dhinaca kale qeyb ka ahaa in Fahad Yaasiin loo diido kursiga HOP#086.

Haddii kursigan musharax loo xiro waxay muujin doontaa kala wareeg mabda’ oo ka yimid dhanka madaxweyne Xasan Sheekh, oo muddadii uu banaanka ka joogay Villa Somalia aad ugu dhaliili jiray madaxweyne Farmaajo inuu musuq-maasuqay kuraasta baarlamanka qaarkood.

‘Xoonkii maleeshiyada Al-Shabaab ee bartamaha Soomaaliya oo maanta go’ay’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa maanta soo saaray qormo uu ciwaankeedu yahay “Xoonkii Al-Shabaab ee bartamaha dalka oo maanta go’ay.”

Guuleed ayaa waxa uu sheegay gacan ku dhigista degmada istiraatiijiga ah ee Xarardheere ee gobalka Mudug ay tahay “talaabo muhiim ah oo wax weyn ka tareysa halganka ciribtirka kooxaha argagaxisada ah.”

Sidoo kale waxa uu xusay in Xarardheere ay saldhig muhiim ah u aheyd Al-Shabaab, si gaar ahna xarunta saadka iyo sahayda ay ka soo dajistaan iyo goob ay qaraxyada ka soo abaabulaan.

“Sidaa daraadeed ka qabshadeedu waxay ka dhigan tahay “Xoonkii Al-Shabaab ee bartamaha dalka Soomaaliya oo maanta la jaray”.

Guuleed ayaa ku bogaadiyay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa xoogaga deegaanka guushaas ay maanta soo hooyeen.

“Waxaa rajeynayna in magaalooyinka kale ee Galmadug ee wali gacantooda ku haray in ay deg-deg u xoreyn doonaan,” ayuu Cabdikariin Guuleed kusoo afmeeray qormadiisa uu kaga hadlayay dagaalka Al-Shabaab iyo guusha maanta la gaaray.

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa xoogagga deegaanka ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay gacan ku haynta degmada Xarardheere, kadib markii dagaal-yahanada Al-Shabaab ee ku sugna ay faarujiyeen.

Howl-galada dagaal ee ka dhanka Al-Shabaab ayaa si weyn ugu sii fidaya dalka, ayada oo tan iyo markii ay billowdeen kooxda lagu gaarsiiyay jab xoogan, islamarkaana looga qabsaday deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda.

Ciidamada Mareykanka oo dhoolatus nooc cusub ah ku qabanaya Somaliland

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Somaliland ayaa markii ugu horeysay ka hadlay ujeedada safar saraakiil Mareykan ah ay Jimcihii ku tageen magaalada Berbera ee gobolka Saaxil.

Qoraal kasoo baxay taliska ciidanka Somaliland ayaa lagu sheegay “in saraakiisha labada ciidan ay ka wada-xaajoodeen tobabar millateri oo Berbera ka dhici doona bisha soo socota ee Febraayo.”

Taliska ayaa sidoo kale sheegay in tobabarka millateri ee marti-gelinayso Somaliland ay kasoo qeyb-gali doonaan illaa 20 waddan, uuna ka dhici doono goobo ay si wada-jir ah u sahmiyeen ciidamada Somaliland iyo Mareykanka.

War-saxaafadeed kasoo baxay safaarada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay in safarka saraakiisha Mareykanka ku tageen Berbera ay kusoo beegan tahay ka hor tobabarka millater ee caalamiga ah.

Mareykanka ayaa sheegay in tobabarkan looga dan leeyahay in kordhiyo iskaashiga caalamiga ah ee ka jawaab celinta qalaalasaha, howl-galada ka hortaga argagixisada iyo in la diyaariyo howlaha gobolka ee QM iyo Midowga Afrika.

“Mareykanka iyo xubno ka socda ciidamo kale oo Geeska Afrika ah, ayaa indho indhayn ku tagay dekedda Berbera, booqashadan ayaa imanaysa ka hor dhoolatus millateri oo uu Maraykanku hogaamimayo oo la qorsheeyay in uu qabsoomo bisha February ee 2023.”

Sidoo kale waxa qoraalka Mareykanka lagu sheegay in dhoolatusyo lamid ah ka Berbera ay ka dhici doonaan waddamada Botswana, Jabuuti, Kenya, Uganda iyo Rwanda, kaasi oo ay ka qayb-gali doona illaa 20 waddan oo Soomaaliya ku jirto.

Maraykanka ayaa waxa uu Berbera u arka goob hoy u noqon karta abaabulka howl-galada uu ku sugayo amaanka gobolka, maadama ay magaaladan ay kulaaleyso labo kamid ah marinada badaha ee ugu waaweyn caalamka.

Si kastaba, dhoolatuskan ayaa la filayaa in uu ibo-fur u yahay iskaashiga cusub ee Mareykanka iyo Somaliland, kadib markii madaxweyne Biden uu dhawaan saxiixay xeer ogolaanaya in labada dhinac yeeshaan iskaashi ciidan iyo mid siyaasadeed.

Sawirro: Xasan oo gaaray Baydhaba iyo Villa Somalia oo shaacisay qorshaha safarkiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta ku-meel-gaarka ah ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa ka qeyb-galaya shirka wada-tashiga iyo dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed, oo lagu wado in maalinta berri ah uu si rasmi ah uga furmo magaalada Baydhabo.

Qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in madaxweynaha u tagay Baydhabo xaqiijinta Koonfur Galbeed heshiis ah, taasi oo ka dhigan in shirka berri xal kama dambeys ah looga gaari doono xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay muddo kororsiga Lafta-gareen.

Madaxweynaha ayaa dhankiisa bogaadiyay gogashan oo uu fidiyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), si loo xaqiijiyo Koonfur Galbeed heshiis ah, loona xoojiyo midnimada iyo wadajirka dadka deegaanka.

Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugan yahay Koonfur Galbeed waxa uu xooga saari doonaa sidii loo dardar-gelin lahaa xoreynta deegaanada maamulkaasi, ee wali ay argagixisadu ku dhibaateeyaan dadkeenna, kana soo maleegayaan gumaadka iyo amni darrada.

Amaanka guud ee magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay, ayada oo ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah howl-galka ATMIS ay amniga sugayaan, kadib markii todobaadkii hore lagu wareejiyay dhaq-dhaqaaqa magaalada iyo xarunta shirka.

Sidoo kale waxaa magaalada ku sugan guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe oo shalay kormeeray xarunta shirarka iyo meelaha ay dagayaan martida.

Sheekh Aadan Madoobe oo isagu dhigay gogosha shirka ayaa maalmihii u dambeeyay ku sugnaa caasimada KMG ah ee Koonfur Galbeed, si uu u diyaaro shirkaasi.

Koonfur Galbeed ayaa muddo wajaheyso xaalad siyaasadeed oo aad u cakiran, taas oo u dhaxeyso madaxtooyada iyo xubnaha mucaaradka ee fadhigoodu yahay Muqdisho, waxayna xiisaddu kasii dartay kadib gacan ka hadal ka dhashay muddo kororsiga Lafta-gareen.

Ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka oo maanta la wareegay XARARDHEERE

0

Xarardheere (Caasimada Online) – Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa xoogagga deegaanka ayaa si rasmi ah ula wareegay gacan ku haynta degmada Xarardheere ee Koonfurta gobolka Mudug.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS ayaa warbaahinta u xaqiijiyay qabashada Xaradheere, oo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay kula wareegeen dagaal la’aan.

Wararka ayaa intaas kusii daray in dagaal-yahanada Al-Shabaab ee ku sugna degmada ay faarujiyeen, kadib markii ay ka war heleen duulaanka culus ee ciidamada, waxaana hadda degmada si buuxda gacanta ugu haya ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

Ciidamada ayaa baaritaan lagu xaqiijinayo amaanka ka bilaabay xaafadaha kala duwan ee degmada Xarardheere ee Koonfur gobolka Mudug.

Kooxda Al-Shabaab ayaa la sheegaya in sidoo kale degmada ka saareen dhamaan dadkii ku noolaa, islamarkaana ay u kaxeysteen dhulka howdka ah, si ay uga badbaadaan duqeymaha diyaaradaha.

Warkaan sheegaya in Al-Shabaab ay ka baxeen degmada Xarardheere ayaa wuxuu soo yeeray xilli uu socday abaabulkii ugu xooganaa oo magaaladaas looga xoreeeyay kooxda Al-Shabaab – Xarardheere ayaa weligeed ku jirtay gacanta Al-Shabaab.

Dowlad-goboleedka Galmudug ayaa hore u sheegtay in dhawaan ay bilaaban doonaan howl-galada lagu xoreynayo deegaanada ay Al-Shabaab kaga sugan yihiin maamulkaasi, xili ay muddooyinkii dambe ku jireen diyaar-garowgii u dambeeyay.

DF oo qaaday tallaabo mar kale fursad siineysa KENYA

0

Nairobi (Caasimada Onlin) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo cusub oo markale fursad siineyso dowladda Kenya, taas oo la xiriira Qaadka Miiraa ee ay ganacsatada dalkaas maalin weliba u soo dhoofiyaan gudaha waddanka Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in dowladda dhexe ay haatan ogoaalatay in Kenya ay sii laba jibaarto Qaadka ay u soo dhoofiso magaalada Muqdisho, taas oo fursad muhiim ah u ah ganacsatada iyo beeraleyda Jaadka ee waddankaas.

Qaar kamid ah warbaahinta gudaha ee dalka Kenya ayaa shaaca ka qaaday in kor u kac u sameeyay Qaadka loo soo dhoofiyo Soomaaliya , isla-markaana la gaarsiiyay illaa 50 tan.

Sidoo kale madaxa dalaga Miiraa Felix Mutwiri oo arrintan ka hadlay ay sheegay in markii hore ay maalintii soo dhoofi jireen 19 tan maalintii, balse hadda kor loo qaaday illaa 50 tan.

“Ilaa hadda waxaa naloo oggol yahay in aan ugu yaraan 50 tan oo Miira ah u soo rarno Muqdisho maalintii,” ayuu yiri Mr Mutwiri.

Arrintan ayaa ah mid dhiirri galinayso ganacsatada Kenyaanka ah, kuwaas oo go’aankan ka hor ku qasbanaaday in ay suuq kale u raadiyaan wax soo saarkooda Qaadka Miiraa kaas oo halkii kiilo Soomaaliya ka maraya 23 dollar, balse ganacsatadu waxa ay sheegeen in uu weli ka hooseeyo marka loo eego 25 dollar oo ay ka heli jireen ka hor sanadkii 2020-kii.

Bishii Luulyo  ee sanadkii hore ee 2022-kii ayaa waxaa dib u bilowday Qaadka Kenya ee loo soo dhoofiyo Soomaaliya, kaasoo xirnaa tan iyo sanadkii 2020-kii.

Tallaabadaan ayaa u muuqata mid sii dhaqaajineysa fursadaha Kenya ee Soomaaliya, halka muwaadiniinteena ay weli ku dhiban yihiin Visaha ama dal ku galka Kenya, taas oo qayb ka hayed heshiisyadiii ay labada dowladood ku gaareen Nairobi ee lagu soo fasaxay Qaadka.

Si kastaba, arrimahan waxa ay yimaadeen, kadib doorashadii 15-kii May ee madaxweyne Xasan Sheekh waxaana meesha ka baxay mad-madowgii u dhexeeyey labada dal.

Korneyl Shuute oo xog yaab leh ka bixiyay kiiska 150 qof oo dil lagu xukumay balse…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada Soomaaliya Korneyl Xasan Cali Nuur Shuute ayaa markii u horeysay shaaciyay in 150 qof oo maxkamadda ay xukuno dil ah ku riday sanadkii hore ee 2022-ka aan illaa hadda lagu fulin xukunkii.

Guddoomiye Shuute ayaa sababta u weyn ee xukunadaasi sidooda ugu fuli waayeen ku sheegay in gadaal iska badalaan dadka dhibanayaasha ah ee maxkamada dambiilaha ugu xukuntay dilka toogasho.

“Dilalka ka dhacay gobolada iyo magaalada, sanadkii tegay 150 qofood ayaa maxkamadda la horkeenay oo loo haysto inay si bareer ah dad u dileen. Dadkaas waxaa cadaatay kala bar in bareer u dileen oo maxkamaddana waa ku xukuntay dilkaas, laguma fulin – Maxaa dhacay? waxa dhacda in marka warqada qisaasta laga qoraya dadkii loo dili lahaa, wuxuu ku leeyahay isug ninkaan diyo ayaa ka qaadana.”

Waxa uu sheegay in arrintaan ay dhiira-gelisay inuu sii socdo dilka, maadama kuwii hore dilalka u geystay ee la xukumay gadaal laga sii deynayo, kadib markii ay heshiis banaanka kusoo gaareen labada dhinac.

“Adiga shalay sow warbaahinta kama qeylineyn, oo sow maad laheyn wiilkeyga iyo walaalkay dhibaato ayaa loo geystay cadaalad darro ayaa tirsana, hadda wixii markii ay ku sugnaadeen miyaa diidi kartaa,” ayuu yiri.

“Wuxuu leeyahay hada warqad iga qoreyso iga qabo warqada Nootaayadan heshiis ayaa kusoo galnay, ninkaan dhintay markuu noola lacag aan ka heli jirin ka badan aan ka helnay, hadda diyo ayaa naloo ogolaaday. Sharciga ayaa noo ogol in aan cafino, qisaasano ama diyo ka qaadano, hada toogato anaga nooma toogan lacagtii waa haysana, hada wax naga qoreysana in aan cafinay ayaa naga qoraysaa.”

Guddoomiye Shuute ayaa ugu baaqay bulshada rayidka iyo culimada Soomaaliyeed in ay tallooyin ka bixiyaan arrintaan, dadkana ka wacyi-galiyaan si dilka uga istaago dadka.

“Maxkamadda haddii maanta xukunto oo berri xukunto, maxkamadda marka hore macno darro kuma xakumin, marka dambena meel cidlo ah kama toogan karto,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Imaaraadka oo soo saaray war ku saabsan Soomaaliya

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa si weyn u cambaareysay weerar is-miidaamin ah oo maanta ay markale kooxda Al-Shabaab ka fulisay gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya, kaasi oo geystay khasaare kala duwan.

War-saxaafadeed kooban oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa lagu sheegay “in xukuumadda Abu Dhabi ay dhibka iyo xanuunka la qeybsaneyso qoysaska dadkooda waxyeelada gaartay.”

“Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta waxa ay si xoogan u cambaareynaysaa weerarka argagixiso ee ka dhacay gobolka Hiiraan, bartamaha Soomaaliya kaas oo natiijo dhimasho iyo dhaawac laga dhaxlay,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta.

Imaaraadka ayaa sidoo kale sheegay in uu garab taagan yahay dowladda federaalka Soomaaliya, si ay uga hortagto falalka argagixisada iyo kuwa ka dhanka ah bani’aadannimada.

“Wasaaradda Arrimaha Dibadda Isu-tagga Imaaraadka Carabta waxa ay si dhow ula socotaa xaaladda Soomaaliya, dowladda federaalka waxa aan ku garab-taaganahay ka hortagga rabshada, xasilooni darrada iyo bani’aadamnimada,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Qaraxa saaka ka dhacay magaalada Halgan ee gobolka Hiiraan ayaa inta la xaqiijiyey waxaa ku dhintay ugu yaraan 3 qof, halka ay ku dhaawacmeen 5 kale, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah oo lagu kalsoonyahay.

Dadka ku dhintay weerarkan ayaa waxaa lasoo warinaya in uu kamid yahay taliyihii C.I.D-da ee Beledweyne, Marxuum Jamaal Axmed Jaamac oo ku sugnaa goobta uu ka dhacay qaraxa is-miidaaminta ah.

Kooxda Al-Shabaab ayaa durtaba sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, ayada oo sheegtay inay la beegsatay xero ciidan oo ku taalla magaalada Halgan ee gobolka Hiiraan.

Hiiraan ayaa haatan wajaheysa xaalad adag oo ku aadan weerarada Al-Shabaab oo xilligaan ku soo koobmay qaraxyo, kadib markii inta badan kooxda laga saaray gobolkaasi.

Wararkii ugu dambeeyay ee QARAX is-miidaamin ah oo ka dhacay Hiiraan + Sawirro

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar is-miidaamin ah oo ay markale kooxda Al-Shabaab saaka ka fulisay gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Weerarka ayaa waxaa loo adeegsaday gaari NOAH ah oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, wuxuuna si gaar ah uga dhacay deegaanka Halgan oo ka tirsan gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay bartamaha magaalada, isla-markaana uu geystay khasaare isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burbur aad u xoogan.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku dhintay ugu yaraan 3 qof, halka ay ku dhaawacmeen 5 kale, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah oo lagu kalsoonyahay.

Dadka ku dhintay weerarkan waxaa kamid ah taliyihii C.I.D-da ee Beledweyne, Marxuum Jamaal Axmed Jaamac oo ku sugnaa goobta uu ka dhacay qaraxa is-miidaaminta ah.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal oo kasoo baxay saraakiisha amniga iyo maamulka Halgan oo ku aadan weerarkaasi is-miidaaminta ah ee saaka ka dhacay deegaankaasi.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana goobta uu qaraxa ka dhacay gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka oo dhaq-dhaqaaqyo culus ka wada halkaasi.

Dhinaca kale kooxda Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkan ayaa shaaca ka qaaday inay la beegsatay xero ciidan oo ku taalla Halgan, Hiiraan, HirShabelle, Soomaaliya.

Qaraxaan ayaa kusoo adayo, ayada oo maalin kahor kooxda Al-Shabaab ay saddex qarax ka fulisay gudaha magaalooyinka Buulo-burde iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo sababay dhimashada ugu yaraan illaa 15 qof iyo dhaawac 50 kale oo u badan dad rayid ah.

Si kastaba, Hiiraan ayaa haatan wajaheysa xaalad adag oo ku aadan weerarada Al-Shabaab oo ku soo koobmay qaraxyo, kadib markii inta badan kooxda laga saaray gobolkaasi.

Kooxda DENI oo Garoowe ka sameeyey arrin yaab leh oo baaritaan lagu sameynayo

0

Garoowe (Caasimada Online) – Xafiiska Difaaca Xuquuqda Aadanaha Puntland ayaa markii u horeysay shaaciyay in ay soo gaareen cabashooyin xad-gudubyo loo geystay dad barakacayaal ah oo degan gudaha caasimadda Garoowe.

Sida uu sheegay xafiisku waxa arrintaan ka dambeeyay “dad awood ku leh xukuumadda Saciid Deni” kuwaasi oo xogo ay heshay cadeynayaan ku lug lahaanshahooda gabood-fal ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Arrinta lama filaan ah ee xad-gudubyada loogu geystay dadkan barakacayaasha ayaa la sheegaya in ay tahay “xoog ku diiwaan-gelin” kadib markii kooxda Deni ay isku dayday in barakacayaasha uga faa’iideysato qorshaha doorashada.

“Xafiisku wuxuu walaac ka muujinayaa dhacdadaas foosha xun ee la doonayo in laga raro dadka barakacayaasha ah rugahoodii iyada oo looga faa’iideysanayo duruufaha ay ku sugan yihiin iyo baahidooda.”

Waxa uu intaas kusii daray xafiisku “Shakhsiyaad doonaya in ay ku daneystaan barakacayaasha ayaa si gaar ah indhaha ugu hayna, iyaga oo cadaadis ku saaraya inay u fuliyaan danahooda gaarka ah.”

Xafiiska Difaaca Xuquuqda Aadanaha Puntland ayaa uga digay xukuumadda Puntland inay u adeegsato hantida dadweynaha danaheeda gaarka ah.

Qorshaha barakacayaasha loo daad-gureynayay ayaa lagu sheegay in laga diiwaan-geliyo degaanka Beyla oo ka tirsan gobolka Karkaar kadib markii diiwaan-gelinta lagu muransan yahay ee xukuumadda Boosaaso ka bilowday aysan dadweyne badan usoo dareerin.

Dhinaca kale, Booliska gobolka Nugaal ee degmada Dangorayo ayaa qabtay labo gaari oo ah nooca waaraadka ay Soomaalidu u taqaano, kuwaasi oo laga soo buuxiyay barakacayaal u badan haween iyo caruur oo laga keenay Garoowe.

Saciid Deni iyo kooxdiisa ayaa raba inay ku gacan sareeyaan mashruuca uu ku dhagan yahay Deni ee “doorashada qof iyo cod” taasi oo mucaaridka maamulkaasi ku tilmaameen mashruuca dib usoo laabashadiisa.

Taliyihii hore ee ciidanka Booliska Puntland Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi Yare) ayaa dhawaan daboolka ka qaaday rabitaanka guracan ee Saciid Deni, isaga oo sheegay qorshe uu madaxweynaha ku qasbayo saraakiisha ciidanka.

Cali Yare ayaa sheegay in madaxweyne Deni uu isku dayay in uu ku cadaadiyo saraakiisha amaanka meel-marinta doonistiisa gaarka ah, xili ay socdaan doorashooyinka maamulkaasi.

“Dad ka badan 600 qof oo ciidanka Madaxtooyada galbinayaan ayaa la keenay xili ay guddiga kumeel-gaarka ah ee doorashooyinku noo sheegeen in codbixintu ay xirantay oo dadka safka ku jira markaas ma ahane aan cid kale gadaal looga soo dari karin,” ayuu yiir.

Waxa uu sheegay in Saciid Deni oo ururkiisa KAAH looga guuleystay doorashadii saddexda degmo uu xiligaas bixiyay amaro uu ku doonayay in saraakiisha amniga iyo guddiga doorashooyinka ay badalaan natiijada saxda ah ee doorashooyinkaas.

Arrimahan ayaa sare usii qaadaya walaaca ay siyaasiyiinta mucaaridka ka qabaan doorashooyinka ka socda maamulkaasi ee lagu sheegay inay yihiin “qof iyo cod”.

Mucaaridka Puntland ayaa dhowr jeer madaxweyne Saciid Deni ku eedeeyay in uu leexiyay hanaankii doorashada, taasi oo ka dhigeysa “doorashooyinka qof iyo cod” oo la ogyahay inay yihiin kuwa ugu xalaalsan noqdaan kuwa ay hareeyeen musuq-maasuq iyo boob ku qotoma awood sheegasho xukun.

Ciidamada DF oo Al-Shabaab jab culus ku gaarsiiyay Galgaduud iyo Sh/Hoose

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka ayaa lagu soo warramayaa inay maanta la wareegeen gacan ku heynta magaalada Galcad oo ka tirsan gobolka Galgaduud, kadib markii ay ka saareen Al-Shabaab.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo ka hadlay howlgalkan ayaa xaqiijiyay la wareegitaan magaaladan oo ay mudo ka talineysay Shabaab.

Jaamac ayaa sidoo kale intaasi ku daray haatan ciidamadu ay usii jiheysteen deegaanno kale oo horleh, si ay u gaaraan Degmada Ceeldheer oo ay uga sii gudbi doonaa Mudug.

Howlgalkan ayaa waxaa barbar socday duqeymo diyaaradeed oo lagu garaacay goobaha ay ku sugan yihiin Al-Shabaab, taas oo aad u caawiisay ciidamada huwanta.

Dhinaca kale howlgal kale oo maanta ka dhacay Shabeelaha Hoose ayaa lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo isku uruursanayey deegaanka Danow ee gobolkaasi.

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka ayaa shaaca ka qaaday in howlgalkaas ay iska kaashadeen ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ee ka howlgalka Shabeelaha Hoose.

Odowaa oo u warramay warbaahinta dowladda ayaa xaqiijiyay in howlgalkaas lagu dillaa 23 xubnood oo ka tirsan, isaga oo xusay in tirada dhimashada ay intaasi kasii badan karto.

Waxa kale oo uu hoosta ka xariiqay in ayxooggeysteen howlgallada ka socda dalka, isla-markaana la sameeyay , horumar muuqda, sida uu hadalka u dhigay.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo guullo waa weyn laga gaaray, maadaam dhul badan laga xoreeyay kooxda.

Sharaxaad laga bixiyay erayga ‘Garanwaa’ ee uu XASAN Sheekh ku sifeeyay Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdalle Xuseen Yaxye oo ah La-taliye amni oo ka tirsan wasaaradda amniga Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sharaxaad cusub ka bixiyay erayga uu dhawaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku sifeeyay Shabaabka ku dhuumaaleysanaya shacabka.

Cabdalle ayaa sheegay in madaxweynaha uu erayga “Garanwaa” ula jeedo in bulshada Soomaaliyeed lagu marin-habaabinayo afkaar qalafsan oo Diini ah, isla afkaartaasina lagu dhibaateynayo.

“Waxa la socona in dadka Soomaaliyeed lagu marin-habaabiyay afkaar Diini ah oo been ah, in dadka aysan ka haysan wacyi amni, isla iyagiina loo soo marayo falalka guracan ee loo geysanayo oo mararka qaar waxa laga yaaba in ogaal ay ku galaan oo lagu marin-habaabinayo afkaar Diini ah oo been ah, mararka qaarna iyaga ogeyn waxa ay sameynayaan iyo waxa ka dhalan kara in ay la shaqeeyaan si toos ah iyo si aan toos aheyn Khawaarijta Al-Shabaab,” ayuu yiri La-taliyaha amni ee ka tirsan wasaaradda amniga.

Waxa uu sheegay in fikirka qaldan ee Shabaab lagu baabi’in karo fikir kale oo sax ah oo wanaagsan, isaga oo tilmaamay in dagaal toos ah oo kaliya lagu ciribtiri karin, maadama ay dadka ku marin-habaabiyaan fikir qaldan oo Diini ah, sida uu sheegay.

“Waxa muhiim ah in fikir wanaagsan oo Diinta Islaamka ku dhisan lagu wacyi-geliyo dadka oo loo sheego. Kooxdan waxay dhowr iyo tobankii sano ee lasoo dhaafay dadka ku marin habaabineysay aayado Quraan ah iyo Axaadiis siyaabo gooni ah oo qeybo kasoo qaateen ay dadka barayeen, oo dadka lagu cabsi galinayay fikirkaas.”

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dadka qaar ay uga faa’iideysan duruufo dhaqaale iyo faham yari xagga Diinta ah, wuxuuna xusay in wasaaradda amniga ay diyaarineyso qorshe ay arrintaas uga hortageyso.

“Fikir sidiisaba waxa u weyn ee lagula dagaalami karo waa fikir. Kooxdan hadda wey jabtay millateri ahaan, deegaano farabadan ayaa laga qabsaday. Waxay u baahan yihiin in dadka maskaxda laga dhaqo oo fikirkii qaldanaa ee lagu shubay laga dhaqo.”

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Waa in la bara dadka wacyiga amniga iyo dowladnimada si uu meesha uga baxo Garanwaaga. Shacabka waa inuu fahmaan in xukuumadda ay qeyb ka yihiin oo xukuumadda iyo shacabka ay mid yihiin.”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan Muqdisho ka iclaamiyey howl-gal lagu baacsanayo waxa uu ugu yeeray ‘Garanwaa’ oo uu kala jeeday kooxaha Al-Shabaab gudaha Muqdisho uga fuliya dilalka gaadmada ah.

Maxaa keenay dib u dhaca shirka Koonfur Galbeed?

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Baydhaba ayaa sheegaya in uu dib u dhac ku yimid hirka dib u heshiisiinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed oo la filayay in uu maanta ka furmo magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulkaasi.

Sida aan xogta ku helnay baaqashada  shirka ayaa waxaa sababay arrimo farsamo, ayada oo la shaaciyay inuu si rasmi ah u furmayo maalinta berri ah oo ku beegan 17-ka Janaayo.

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qorshuhu yahay inuu furo shirkaas, isaga oo tegaya Baydhaba, halkaas oo ay shalay gaareen wafdi hordhac u ah safarkiisa oo uu hoggaaminayo agaasimaha Villa Somalia.

Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee soo dhaweynta madaxweyne Xasan Sheekh ayaa haatan laga dareemayaa Baydhaba, ayada oo loo adkeeyay ammaanka magaaladaasi.

Ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS ayaa amniga sugaya, kadib markii todobaadkii hore lagu wareejiyay dhaq-dhaqaaqa magaalada iyo xarunta shirka.

Sidoo kale waxaa magaalada ku sugan guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe oo shalay kormeeray xarunta shirarka iyo meelaha ay dagayaan martida.

Sheekh Aadan Madoobe oo isagu dhigay gogosha shirka ayaa maalmihii u dambeeyay ku sugnaa caasimada KMG ah ee Koonfur Galbeed, si uu u diyaaro shirkaasi.

Intiisa badan waxaa shirweynahan oo ay ka qayb-galayaan xubnaha mucaaradka looga hadlayaa xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Koonfur Galbeed, gaar ahaan muranka hareeyay doorashada, kadib markii uu mucaaradka ka horyimid arrinta muddo kordhinta.

Musharaxiinta Mucaaradka ayaa sheegay in Lafta-gareen uusan metelin reer K/ Galbeed, waxayna horay u sheegeen inuu yahay dambiile gacan ku dhiigle ah, sida ay hadalka u dhigeen.

Koonfur Galbeed ayaa muddo wajaheyso xaalad siyaasadeed oo aad u cakiran, taas oo u dhexeyso madaxtooyada & xubnaha mucaaradka ee fadhigoodu yahay Muqdisho, waxayna xiisaddu kasii dartay, kadib gacan ka hadal ka dhashay muddo kororsiga Lafta-gareen.

QOOR QOOR oo iclaamiyey DAGAAL saddex dhinac

0

Hobyo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa shalay gaaray degmada Wisil ee gobolka Mudug.

Axmed Qoor-Qoor oo safarkiisan uu ku wehlinayo wasiirka gaashaandhiga XFS mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa waxa duleedka magaalada kusoo dhaweeyay wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan laba gole ee dowlad-goboleedka Galmudug, maamulada gobolka Mudug iyo kan degmada Wisil iyo qeybaha kala duwan ee bulshada degmada.

Qoor-Qoor ayaa degmada Wisil kaga dhawaaqay dagaal culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaasi oo uu sheegay in maamulkiisa uu si dhab ah u galayo, xilli uu ka socda qeybo kamid ah dalka.

“Waxaa rabna inaan qaadano kaalintii lagu yaqaanay reer Galmudug, howsha qeybtayadii hadda ayey noo taalla, weyna jabeen Khawaarijta. Maalmihii loo kala maqnaan jiray waa lasoo mooday maalmahaas waana loo wada istaagaya,” ayuu yiri.

“Ciidanka xooga dalka, Daraawiishta Galmudug iyo shacabka kacdoonka loo kala hadhi maayo, waxaa leeyahay ha loo soo wada baxo guusha waa la heli doono.”

Madaxweynaha Galmudug ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in sida ugu dhaqsaha badan ay deegaanada maamulka Galmudug uga saari doonaan Al-Shabaab, si ay uga dul qaadan bulshada dhibaatada ay ku hayso kooxda.

“Ayaga (Shabaab) dhiig xaqdarro ah ayey daadinayeen waana midka ay ku jabeen, laakiin anaga mid xaq ah ayaa kula dirirayna. Waxaa bogaadineyna ciidamada howsha bilaabay ee howl-galada wada, shacabka niyada-san ee soo baxay noqday qof qoriga qaata iyo mid taageero bixiya.”

Deegaanada maamulka Galmudug ayaa waxaa si rasmi ah uga billowday dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaasi oo kooxda lagu gaarsiiyay jab xoogan, loogana fara-maroojiyay deegaano horleh oo sanado badan gacanta ku hayeen.

Wasiir FIQI oo shaaciyay dhacdo yaab leh oo 2018-kii ka dhacday hay’adda NISA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo ka hadlay muhiimada hindise-sharciyeedka diiwaan-gelinta dadweynaha ayaa shaaciyay dhacdo yaab leh oo “aqoonsi la’aanta sababtay” oo ka dhacday hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka.

Fiqi ayaa waxa uu sheegay in 2018-kii xubin ka tirsan hay’adda NISA oo loo xil-saaray in uu raadiyo nin Shabaab halis ah oo magaciisa uu ku sheegay Ilkacase, balse markii dambe soo baxday in xubinta NISA ka tirsaneyd uu laftiisa yahay ninka loo diray in uu raadiyo.

“Aqoonsigan muhiimadiisa waxa soo koobay nin Ilkacase la yiraahdo oo hay’adda NISA la shaqeynayay 2018-kii. Ilkacase waxa uu ahaa nin halis ah oo Shabaab ah oo dadka dila. Waxay hay’adda Nabad-sugida u shaqaaleysatay in Ilkacase uu raadiyo, Ilkacase – Ilkacase in uu raadiyo ayaa loo diray, markaas ayay cid kale ka cadaatay in Ilkacase uu yahay ninka loo diray Ilkacase,” ayuu yiri.

“Tani (dhacdadaasi) waxay keenaysa muhiimada ay leedahay in dadka Soomaaliyeed qof walba uu hal qof noqdo, Ilkacase in uu hal qof noqdo, Guddoomiyaha baarlamaanka uu hal qof noqdo laakiin hadda hebel hebel weeyi oo majiro magacyo rasmi ah oo diiwaan-gashan, oo la isla waafaqsan yahay.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in sharcigan la waafajiyay habraacyadii iyo mabaadida hirgelinta aqoonsiga caalamka ah, islamarkaana ay ku jiraan qoddobo waajibinaya ilaalinta xogta dadweynaha iyo masuuliyadaha ka dhalanaya.

“Sharcigaan hore ayaa Golaha Shacabka loo keenay oo wuxuu ku jiray sharciyadii lasoo celiyay, oo aan marin habraacyadii rasmiga ahaa oo aan Aqalka Sare la geyn.”

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Markii lasoo celiyay waxa la asteeyay oo lagu soo kordhiyay sharcigaan mabaadida maamul wanaaga, sameynta guddi maamul oo kamid noqonaya iyo qaab dhismeedka hay’adda.”

Daawo: Cabdalla Muumin oo maxkamad lasoo taagay – Muxuu ka yiri Al-Cadaala?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta mar kale u fariisatay dhageysiga dacwado loo heysto Weriye Cabdalle Axmed Muumin oo ah Xoghayaha urur saxaafadeedka SJS.

Cabdalla Muumin oo markii ugu horeysay la xiray 11-kii October 2022 ayaa waxaa weli jiitamaya kiiskiisa, waxaana maanta su’aalo toos ah weydiiyey guddoomiyaha Maxkamadda, isagoo toos uga jawaabay su’aalo adag oo uga imaanaayey Maxkamadda.

Weriye Cabdalla ayaa aad uga cabtay wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Al-Cadaala, isagoo soo bandhigay muran, is qabqabsi iyo arrimo khilaaf culus sababay oo dhowr jeer dhex maray isaga iyo wasiir Al-Cadaala.

Kiiskaan ayaa ka soo bilowday go’aan ay dowladdu ka soo saartay baahinta wararka la xariira kooxda Al-shabaab, gaar ahaan sheegashooyinka adag iyo baahinta afkaaraha kooxda.

Dowladda Soomaaliya oo xiligaas xirtay barihii internetka ee Al-shabaab ayaa warbaahinta madaxa-banaan ku amartay in hoos loo dhigo baahinta wararka kooxda, maadaama ay dowladdu dooneyso in gabi ahaanba Al-Shabaab saaxada laga tirtiro.

Xiligaas Cabdalla iyo u doodayaal kale oo saxaafadda ka socday ayaa si adag u sheegay in dowladdu ay ku xadgubeyso xeerarka saxaafadda oo iyadu ay dejisay, isla markaana ay go’aanadaasi caburin yihiin.

Guddoomiyaha Maxkamadda ayaa maanta Weriye Cabdalla weydiiyey su’aalo adag oo ku saabsan shirkiisii jaraa’id ee go’aankii dowladda uu uga hor yimid, waxaana ka mid ahaa “Shirkii jaraa’id ee dabaq ku yaalla Howlwadaag aad ku dul qabatay mid lamid ah Tooratoorow maku qaban kartaa?”

Wuxuuna ku jawaabay “Maya oo xitaa Afgooye kuma qaban karo” laakiin Cabdalla ayaa aar-gudasho ku sifeeyey sida ay ula dhaqmeyso dowladdu, isagoo sheegay in Godka Jilicow uu laba habeen ku xirnaa.

“Ilaahaan kugu dhaarshee guddoomiye waaran la’aan marka la igu soo xirayo ee hadana Jilicow la ii geynayo oo laba habeen aan ku xirnaa soo aar-gudasho maaha guddoomiye? Ma argagixisaan ahay?” Ayuu hadalkiisa ku sii daray Weriye Cabdalla oo Maxkamadda hor taagan.

Su’aalo adag iyo jawaab celin mudo dhex mareysay Weriye Cabdalla Muumin iyo guddoomiyaha maxkamadda kadib. Ugu dambeyntii wuxuu guddoomiyuhu mudeeyey in kiiskaan mar kale loo fariisto maalinta Khamiista ah ee soo socota.

Hoos ka daawo 

Wasiir Caarshe oo si kale u dhigay go’aankii Puntland, meeshana ka saaray khilaaf

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Tamarta iyo Macdanta dowlad goboleedka Puntland, Caarshe Maxamed Siciid Aw-Muuse ayaa si kale u dhigay mowqifkii ay dhawaan qaadatay dowlad-goboleedka Puntland.

Wasiir Caarshe ayaa sheegay in Puntland ay qaadatay go’aan uu xaq u siinayo Dastuurka KMG ah iyo midka maamulkeeda, islamarkaana uusan jirin wax khilaaf ah oo u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka iyo Puntland.

“Marka hore khilaaf abuurmay oo hadda jira majiro, Puntland lexjeclo badan ayaa Soomaaliya ka haysa oo muddo ayaa ka shaqeynaynay howlahaan, waxa hadda soo baxay waa sida u aragno in wax loo sixi karo. Marka khilaaf ayaa abuurmay hadda lama oran karo,” ayuu yiri Wasiir Caarshe oo ka qeyb-galay barnaamijka Faaqidaadda ee VOA.

Wasiir Caarshe ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in xiriirkii iyo wada-shaqeyntii dowladda federaalka uu sidii hore yahay, inkasta oo bayaankii dhawaan kasoo baxay maamulka uu qeexayay wada-shaqeyn kooban oo ka baaxad yar tii hore ugala dhaxeysay.

“Mowqifka aan soo saarnay waa in aan wada-hadalno anaga (Puntland) iyo dowladda federaalka, qoddobada iyo sida wax u aragno ay dooda anaga noo furato, taas ayey taladeena tahay laakiin khilaaf ma ahan ee waa sida wax loo hagaajin lahaa.”

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Si madax-banaan baa wax u maamulanayna wax xeyndaabka ka baxsan ma ah oo waxay ku jirta Dastuurka dowladda federaalka iyo ka Puntland. Qaabkii geedi-socodka ee hanaanka shaqada u hagaagi laheyd in la saxo ayaa rabna.”

Dowlad-goboleedka Puntland ayaa toddobaadkii hore ku dhawaaqday “in hadda kadib uu u dhaqmi doono sidii dawlad madax-banaan oo kale, inta laga dhammaystirayo dastuurka kumeel-gaarka ah ee Soomaaliya.”

“Inta laga dhammeystirayo wada-xaajoodyada dowladda federaalka iyo dowladda Puntland, wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dowladda Puntland waxay dhiggooda dowladda federaalka ah kaliya kala xaajoon karaan wada shaqeynta mashaariicda horumarineed iyo kuwa bini’aadantinimo iyadoo la illaalinayo madax-bannaanida awoodaha fulineed ee hay’adaha dowladda Puntland,” ayaa lagu yiri bayaanka Puntland.

War-saxaafadeedka kasoo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in qodobka 142 ee dastuurka federaalka uu waafaqsan yahay qodobka 4-aad ee dastuurka Puntland farqadiisa 3-aad uu Puntland xuquuq u siinayo inay u dhaqanto sidii dawlad madax-bannaan.

Sawirro: Xasan Sheekh oo sagootiyay Mehmet Yilmaz

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan saagootin ah kula qaatay Madaxtooyada Qaranka Danjiraha Dowladda Turkiga Mudane Mehmet Yilmaz oo soo gaba-gabeeyey shaqadiisa diblumaasiyadeed ee uu ku joogay Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Danjire Yilmaz, doorka uu ka qaatay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan gurmadka abaaraha, dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo taageerada dowladnimada Soomaaliya.

Danjire Mehmet Yilmaz ayaa dhankiisa madaxweynaha Soomaaliya uga mahad-celiyey kulankan.

Waxa uu tilmaamay sida uu ugu faraxsan yahay wada-shaqeynta ay u muujiyeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, inta uu ku guda jiray gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale tilmaamay sida ay uga go’an tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan xiriirka iyo iskaashiga diblumaasiyadeed ee ay la leeyihiin walaalahooda Turkiga, kuwaasi oo u soo gurmaday dadkeenna xilligii adkaa.

Dowladda Soomaaliya iyo Turkiga ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriira aad u wayn, kaasi oo ku qotoma dhinacyada diblumaasiyadda, siyaasadda, ganacsiga iyo arrimaha millateriga.

Turkiga ayaa waxa uu kamid yahay dowladaha Soomaaliya ka caawiya dhinaca Amniga, wuxuuna Muqdisho ka furtay Saldhig weyn oo lagu tababaray ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

VILLA SOMALIA oo wafdi u dirtay Baydhaba + Ujeedka

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Xuseen Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga uu horkacayo Agaasimaha ayaa hordhac u ah wafdiga madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu wado inuu gaaro magaalada Baydhabo, halkaas oo uu ka furmayo shirka dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed.

Guddiga Farsamada shirka dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in shirka looga arrinsanayo xiisada siyaasadeed ee maamulka uu furmi doono maalinta Isniinta oo berri ah.

Guddiga ayaa sheegay in isfaham hordhac ah laga gaaray ka qeyb-galka shirkaasi, taasi oo ka dhigan in dhinacyada dhamaantooda ay kasoo qeyb-gali doonaan shirkan.

“Si aan u dhameystirno geedi-socodka qabsoomida shirka arrimaha dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed, wada-tashi dhinacyo badan kadib waxaa u asteeynay furitaanka shirka maalinta Isniinta oo ay taariikhdu tahay 16-ka bisha Janaayo,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay guddiga.

Guddiga ayaa waxa uu faray “madaxda, siyaasiyiinta, culimada iyo odayaasha dhaqanka inay Baydhabo soo galaan ka hor inta uusan furmin shirka”, taasi oo ka dhigan in xubnaha ka qeyb-galaya shirkan ay badankooda ku sugan yihiin magaalada, inta kalena ay saacadaha soo socda gaari doonaan.

Shirkan ayaa sidoo kale waxa qeyb ka ah xubnaha Beesha Caalamka, kuwaasi oo si weyn uga dhiidhiyay shaqaaqadii kal hore ka dhalatay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan maamulka Koonfur Galbeed.

Shirka berri ka furmaya Baydhabo ayaa lagu wadaa in heshiis looga gaaro xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay muddo kororsiga madaxweyne Lafta-gareen.