31.9 C
Mogadishu
Monday, May 11, 2026

VILLA SOMALIA oo wafdi u dirtay Baydhaba + Ujeedka

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Xuseen Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga uu horkacayo Agaasimaha ayaa hordhac u ah wafdiga madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu wado inuu gaaro magaalada Baydhabo, halkaas oo uu ka furmayo shirka dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed.

Guddiga Farsamada shirka dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in shirka looga arrinsanayo xiisada siyaasadeed ee maamulka uu furmi doono maalinta Isniinta oo berri ah.

Guddiga ayaa sheegay in isfaham hordhac ah laga gaaray ka qeyb-galka shirkaasi, taasi oo ka dhigan in dhinacyada dhamaantooda ay kasoo qeyb-gali doonaan shirkan.

“Si aan u dhameystirno geedi-socodka qabsoomida shirka arrimaha dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed, wada-tashi dhinacyo badan kadib waxaa u asteeynay furitaanka shirka maalinta Isniinta oo ay taariikhdu tahay 16-ka bisha Janaayo,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay guddiga.

Guddiga ayaa waxa uu faray “madaxda, siyaasiyiinta, culimada iyo odayaasha dhaqanka inay Baydhabo soo galaan ka hor inta uusan furmin shirka”, taasi oo ka dhigan in xubnaha ka qeyb-galaya shirkan ay badankooda ku sugan yihiin magaalada, inta kalena ay saacadaha soo socda gaari doonaan.

Shirkan ayaa sidoo kale waxa qeyb ka ah xubnaha Beesha Caalamka, kuwaasi oo si weyn uga dhiidhiyay shaqaaqadii kal hore ka dhalatay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan maamulka Koonfur Galbeed.

Shirka berri ka furmaya Baydhabo ayaa lagu wadaa in heshiis looga gaaro xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay muddo kororsiga madaxweyne Lafta-gareen.

Somaliland oo ogolaatay in xiisadda Laascaanood lagu…

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay inay diyaar u tahay in wada-hadal ku dhameyso tabashada shacabka reer Laascaanood, taasi oo rabshado horleh ka riday gudaha magaalada.

Wasiirada Somaliland ee magaalada Laascaanood u jooga xalinta qalalaasihii ka dhacay magaalada ayaa sheegay in xukuumadu ay qaaday talaabooyin lagu sugayo amniga gobolka Sool.

“Xukuumada Somaliland waxay taageeraysa baaqii ku saabsanaa adkaynta nabad-galyada iyo in wada-hadal lagu dhameeyo, wixii tabasho ah ee jira ee kasoo baxay xubnaha golaha wakiilada, guurtida iyo golayaasha deegaanada ee Taleex, Buuhoodle, Laascaanood iyo Xudun” ayuu yiri Wasiir Koore.

Sidoo kale waxay sheegen in xukuumadda Muuse Biixi ay bixisay magta dadkii dhintay, ayna xakamaysay ciidamada si khasaare kale looga fogaado.

“Dhmaan dadkii lagu soo qabtay qalaalasaha magaalada wey sii deysay xukuumadda,” ayey sidoo kale warbaahinta u sheegeen wasiirada Somaliland ee ku sugan magaalada Laascaanood.

Waxay dadweynaha reer Laascaanood ugu baaqeen inay ilaaliyaan nabad-gelyada, ayaga oo dadkii dhawaan ka qaxay rabshadihii halkaas ka dhacay ka codsaday inay kusoo laabtaan magaaladooda.

Sidoo kale waxay amreen in dib loo furo goobaha waxbarasho ee magaaladaasi sida; jaamacadaha, malcaamadaha Qu’raanka, kuwaasi oo xirna tan iyo markii ay billowdeen rabshadaha muddooyinkii dambe ka taagna Laascaanood.

Ugu dambeyntiina waxay wasiiradu sheegeen in xukuumadda Somaliland ay ka go’an tahay inay wada-hadal iyo isfaham ku dhamayso tabasho kasta oo shacabku qabaan.

Arrintan ayaa imaneysa xili uu soo hagaagayo amniga guud ee magaalada Laascaanood oo muddooyinkii dambe ay ka taagnaayeen rabshado salka ku haya dilalka kusoo noq-noqday ee magaalada ay ka geystaan kooxaha aan la garanayn.

Wararkii ugu dambeeyay ee saddex QARAX oo ay Al-Shabaab ka fulisay Hiiraan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay in ka badan 50 kalena waa ay ku dhaawacmeen saddex qarax oo shalay ka dhacay degmooyinka Buula-burte iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Laba qarax oo gawaari loo adeegsaday ayaa waxay ka dhaceen meel u dhow saldhigyo ay ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ay ku leeyihiin degmada Jalalaqsi.

Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee degmada Jalalaqsi oo la hadlay VOA ayaa sheegay in labadaan qarax ay waxyeelo kasoo gaartay Askar, hase yeeshe aysan jirin masuuliyiin ay wax kasoo gaareen.

“Afar qof indhahayga ayaa saaray, dadka ku dhintay askar waa ku jirtay oo nimankii xabadeeyay gaariga leyla-calaawiga ah darawalkiisi waa la dilay, sidaas ayuu ku qarxay,” ayuu yiri.

Sidoo kale qarax is-miidaamin ah ayaa waxa uu ka dhacay saldhiga Booliska ee bartamaha degmada Buula-burte, kaasi oo geystay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Yuusuf Xagar oo kamid ah howl-wadeenada caafimaad ee degmada Buula-burte ayaa VOA uga waramay sida ay wax u dhaceen, isaga oo sheegay in gaariga qaraxa laga soo buuxiyay uu qarxay kadib markii rasaas ku fureen ciidamada.

“Qarax weyn ayaa dhacay, kaasi oo ah gaari Surf ah. Jid uu maro ayuu garan waayay luuqyadii ayuu marba mid madaxa ku dhuftay markii dambe waa la dareemay. Degmada ayaa xabado looga soo riday halkii xabadaha laga soo riday ayuu toos u abaaray oo xabadihii waa kari waayeen Proof muu aha ma aqaan, meesha irideeda ayuu ku qarxay,” ayuu yiri.

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Xaalada magaalada korontada waa go’an tahay, aanteenada 20 daqiiqo ka hor ay imaatay, dab majiro oo jidkasta ciidamo ayaa xiray wax ganacsi ah ma socdo.”

Qaraxyadan ayaa waxay kusoo beegmayaan xili muddo bil ka hor ay sidan oo kale qaraxyo is-miidaamin ah uga dhaceen Buula-burte iyo Jalalaqsi, kuwaasi oo geystay khasaare nafeed.

Macallimuu oo si weyn uga horyimid sharci uu BF ku ansixiyay ‘hab sharci darro ah’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa si adag uga horyimid hindise-sharciyeedka Cunaqabateynta Maaliyadeed ee Cayiman, kaasi oo guddoonka Golaha Shacabka uu sheegay in la ansixiyay.

Xildhibaanka ayaa sheegay in hindise-sharciyeedkan oo markii hore ahaa sharci darro, lagu ansixiyay sharci darro kale, ayada oo aan la marsiin saddex aqrin, sida uu dhigayo xeer hoosaadka Golaha Shacabka.

“Hadaba iyada oo shalay ay aheyd aqrintii labaad oo lixdameeyo Xildhibaan ay Golaha ku hareen, kooram sharci ansixin karaa aanu fadhiyin waxa uu guddoonkii shirka ku dhawaaqay in sharcigii Cunaqabateynta Maaliyadda ee Cayiman la ansixiyay aqrin sadaxaad iyo kooram ku filan midna aan loo baahneyn,” ayuu ku yiri Xildhibaan Macallimuu qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Waxa uu arrin laga xumaado ku tilmaamay in baarlamaanka oo ah cunsurka koowaad ee dowladnimada, lana rabay in laga toosiyo ku xad-gudubka shuruucda iyo korjoogteynta hay’addaha fulinta, uu asagii ku kaco sharci darro.

“Waxaa muuqata sharciyo kale oo badan oo hadda Golaha horyaalla oo liddi ku ah Dastuurka, Diinta iyo Qawaaniinta kale ee dalku leeyahay in waddadan ay mari doonaan.”

Waxa uu sii raaciyay qoraalkiisa “Hal booli ah nirig xalaal ah ma dhasho ,natiijada iyo maxsuulka ka dhalan kara sharciga oo la baal maro qof kasta oo weyn waa garan karaa. Dadka Soomaaliyeedna Allahooda ayay qabaan.”

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS ayaa shalay cod galiyay sharcigaaan, waxaana u codeeyay 140 xildhibaan, halka ay diideen 3 xildhibaan wax ka aamusayna majirin, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay guddoonka Golaha.

Ansixintan ayaa la sheegay inay timid kadib markii guddoomiyaha guddiga Maaliyada & Miisaaniyada iyo wasiirka wasaarada Maaliyada ay xildhibaanada ka codsadeen in ay anisxiyaaan, maadaama intooda badani ay dooddoodu ku saleysneyd in waxtar uu u leeyahay sharcigaan dalka.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Abshirow oo shir-guddoomiyay kalfadhigii shalay ayaa uga mahad-celiyay mudanayaasha golaha ansixinta hindise-sharciyeedkan.

“Waxaan u mahad-celinayaa mudanayaasha Golaha Shacabka oo dood wax gal ah ka dib ansixiyay hindise sharciyeedka cunaqabateynta maaliyadeed ee cayiman oo ay xildhibaanada horey Akhrinta koowaad usoo marsiiyeen,” ayuu yiri.

“Ugu dambeyn waxaan u mahad-celinayaa wasaaradda maaliyadda oo hindise-sharciyeedkan soo diyaarisay iyo guddiga maaliyadda ee Golaha Shacabka oo hindise-sharciyeedkan howl badan kasoo qabtay.”

Ciidamada dowladda iyo shacabka oo gacanta ku dhigay sarkaal Al-Shabaab ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowlada iyo kuwa dadka deegaanka ayaa gacanta kusoo dhigay Sarkaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kadib markii ay howl-gal xoogan kula wareegeen deegaanka Baraag Sheekh Caamir oo u dhaxeysa Galcad iyo Masagawaay ee gobolka Galgaduud.

Sarkaal Shabaabka ah ee ciidamada huwanta gacanta ku dhigeen ayaa la sheegay in kooxda u qaabilsanaa deegaanka Baraag Sheekh Caamir, waxaana magaciisa lagu sheegay Cabdi Cali-gadiid.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in xilliga la qabanayay sarkaalka ka tirsan Shbaab uu raashin u waday xubno ka tirsan kooxda.

Ciidankaan oo ka baxay magaalada Masagawaa ayaa sii maray dhowr deegaan oo ay isaga carareen maleeshiyaadkii horay u joogay ee Al-Shabaab, iyaga oo gaaray illaa deegaanka Cigo oo ay ku taallo deked macmal ah.

Deegaanada kala ah Dhabaqle, Xuseen-Cagey, Cigo iyo deegaano kale ayaa laga raacdeeyey Al-Shabaab, waxaana maanta ku sugan ciidamada dowladda.

Deegaanadaan ayaa waxaa mudo dheer maamuleysay kooxda Al-Shabaab, waxaana la sheegay in ciidankii ka xoreeyey ay hadda kaabiga ku hayaan magaalada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Intii uu socday howl-galkaan ayaa sidoo kale waxay ciidamadu qabteen dad la sheegay in looga shakiyey inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada xoogga dalka ayaa maalmahaan dardar-gelinaya howl-galada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, waxayna ciidankii xoreeyey Shabeellaha Dhexe hadda kaabiga ku hayaan Ceel-dheer oo Galgaduud ka tirsan.

Dhanka Mudug waxaa Hobyo, Wisil iyo Baxdo ka soo baxay ciidankii ugu xooganaa oo Danab, PSF-ta Puntland, daraawiishta Galmudug iyo xoogagga hubka qaatay ee deegaanka isugu jira, wuxuuna duulaankaas ku jiheysan yahay degmada muhiimka ah ee Xarardheere.

Somalia: 15 dead, 50 injured in Al-Shabab bombings

Jalalaqsi (Caasimada Online) – A series of bombings in the central HirShabelle state of Somalia left at least 15 people dead and more than 50 injured on Saturday, according to officials. 

The attacks claimed by the extremist group al-Shabab targeted the towns of Buloburde and Jalalaqsi in Hiran region.

In Buloburde, a suicide car bomb killed at least 11 people and injured over 50, many of whom were in critical condition. The bomb exploded near a police station and a base for African Union peacekeepers from Djibouti. 

Those critically injured were transported to Mogadishu for treatment as local hospitals could not provide the necessary care.

In Jalalaqsi, a car bomb detonated near a military checkpoint when soldiers intercepted a vehicle carrying explosives. Another bomb went off simultaneously in the area when security officials shot the vehicle’s driver. At least four people were killed, and the death toll could be higher.

Both towns are known for their trade and farming and are located along the Shabelle River. They have been under al-Shabab’s control for over a decade and recently have been the focus of the government’s efforts to mobilize the local population against the group. 

Al-Shabab has previously threatened violence against those who oppose them. Similar attacks in October of last year resulted in the deaths of 21 people.

On Thursday, the Somali government announced a “people’s uprising” against the al-Shabab extremist group, which has held back the nation’s recovery from decades of conflict by carrying out attacks in the capital, Mogadishu, and elsewhere. 

The government is seeking to pressure al-Shabab from multiple angles, including financial ones. This is the most significant offensive against the group in over a decade, with Somali fighters taking the lead, supported by U.S. and African Union forces.

The U.S. has supported the Somali National Army with a recent donation of $9 million in heavy weapons and equipment. 

According to a database by International Crisis Group analyst Omar Mahmood, the Somali government has claimed that more than 1,200 militants have been killed since August. However, these claims cannot be verified. 

The Somali National Army is expected to take over the country’s security from the African Union multinational force by the end of next year.

Aqri: Shirkii u socday Madaale iyo masuuliyiinta gobolka oo laga soo saaray 18 qodob

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Banbaxa maamulka gobolka Banaadir oo maalmihii dambe ka socday magaalada Muqdisho ayaa waxa laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban 18 qoddob.

Shirka ayaa waxa looga hadlay intii uu socday wadiiqooyinka lagu xaqiijin karo ahdaafta guud ee gobolka Banaadir oo ku saleysan; Amaanka, Dimuqaraadiyeynta iyo dhismaha maamul hufan oo u adeega bulshada degan caasimada iyo dhameystirka adeegyada kaabayaasha dhaqaalaha.

War-murtiyeedka kasoo baxay shirkaan ayaa lagu sheegay in la isku faray in si xoogan looga shaqeeyo amniga Muqdisho, gaar ahaan xuuraanka iyo xog-wadaaga la xiriira khataraha, si looga hortago dhagarta kooxda Khawaarijta ah oo la joogo maalmihii ugu dambeeyay ee jiritaankooda.

Waxaa la faray maamulada degmooyinka in ay xoojiyaan wacyi-gelinta dadweynaha ee ku aadan ka digista fikirka xagjirnimada iyo in meel looga soo wada jeesto kooxda argagixisada ee Khawaarijta, lalana shaqeeyo hay’addaha amaanka.

“Waxa uu shirweynaha isla qaatay qorshaha hawl-qabad ee maamulka gobolka Banaadir sanadka 2023 kaas oo ka kooban 5 tiir oo kala ah; Amniga & Cadaaladda, Siyaasadda loo dhanyahay, Horumarinta dhaqaalaha & dib-u-dhiska kaabayaasha, Adeegyada bulshada sida (caafimaadka, waxbarashada, xal u helidda barakacayaasha iyo bilic soo celinta magaalada) iyo Qodobo Qubane ah.”

Sidoo kale waxa lagu sheegay in qorshaha sanadka uu ka kooban yahay illaa 113 hiigsiyo oo ay tahay in la gaaro sanadka 2023-ka, kuwaasi oo ay hoos imaan doonaan illaa 565 hawlood oo lagu gaari karo hiigsiyadaasi.

“Shirka Banbaxa ayaa la isla gartay in ay muhiim tahay dhameystirka QAAB-DHISMEEDKA MAAMULKA gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose, si lo gaaro shaqo wanaag, waxqabad iyo isla-xisaabtan, waxaana la go’aamiyay in dhawaan la soo saari doono qaab-dhismeedka kuna soo bixi doono xeer guddoomiye.”

Shirka ayaa lagu go’aamiyay in la awood siiyo lana tayeeyo ciidanka Ilaalada Deegaanka Xamar, iyadoo dib u qaabayn lagu sameyn doono sharciga ay ku dhisan yihiin iyo in loo sahlo agabka iyo aqoon dhiska ay u baahan yihiin si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo.

Ugu dambeyntiina waxa lagu sheegay war-murtiyeedkan in shirka la iskula qaatay in la dardar-geliyo hanaanka samaynta doorashooyinka golaha deegaanka degmooyinka gobolka Banaadir.

Hoos ka aqriso war-murtiyeedka oo dhameystiran

NISA oo tallaabo culus qaaday ‘kadib awood la siiyay’ – XOG

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qarana ee loo yaqaano (NISA) ayaa qaaday tallaabo culus oo ku aadan amniga magaalada Muqdisho, kadib markii ay dowladda federaalka siisay awood gaar ah, oo ay sido kale kula fal-galeyso ciidamada Booliiska.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada NISA ay isku ballaariyeen guud ahaan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, ayada oo bar-kasta oo ay ku sugnaayeen ciidamada Boolioska la geeyey askar ka tirsan kuwa Nabad Sugidda, si ay ula shaqeeyaan Booliska.

Sida ay ogaatay Caasimada Online askarta NISA ayaa waxaa la dhigay laga soo bilaabo isgoysyada ku yaalla Mirinaayada illaa iyo Dan-wadaagaha ee degmada Wadajir.

Ciidamada Nabad Sugidda ayaa lagu soo warramayaa in dhaq-dhaqaaqyo cusub ay ka bilaabeen isgoysyadaasi oo saaka lagu arkay ciidamo cusub oo dheeraad ah.

Ujeedka ka dambeeya arrintaan ayaa ah in la adkeeyo amniga magaalada Muqisho, si looga hortago weerarada kooxda Al-Shabaab oo haatan culeys weyn soo saaray caasimada.

Tallaabadan ayaa u muuqata mid awood gaar ah lagu siinayo Hay’adda NISA oo maalmihii u dambeeyay kordhisay dhaq-dhaqaaqyadeeda, sidoo kale hay’addan oo muhiim u ah la dagaalanka Al-Shabaab ayaa markii ugu horreysay yeelaneyso sharci rasmi ah, kaas oo haatan la horgeeyay Baarlamaanka, waxaana horay usoo ansixiyay Golaha Wasiirada.

Sidoo kale waxay arrintan daba socotaa go’aankii uu madaxweyne Xasan Sheekh ku dhawaaqay maalintii Khamiista, kadib dibad-baxii lagu taageerayey Kacdoonka Shacabka halkaas oo uu ka sheegay in laamaha ammaanka ay tahay in adkeeyaan amniga guud.

NISA ayaa sidoo kale habeenadii ugu dambeeyay kordhisay howlgallada ay haatan ka wado gudaha magaalada Muqdisho, waxaana habeen kahor ay ku guuleysatay inay gacanta ku soo dhigtay keyd hub ah, qaraxyo iyo haweeneydii heysay, kadib markii ay ku daateen guri bartilmaameed ahaa oo ku yaal qaybo kamid ah degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

Arrimahan waxay ku soo aadayaan, ayada oo haatan dalka uu ku jiro marxalad dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo magaalooyin horleh looga qabsaday kooxda.

Puntland oo qiil ka dhigatay Somaliland xilli ay sii xoojisay khilaafka DF Soomaaliya

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka Caddaaladda Puntland Maxamed Cabdiwahaab Axmed oo wareysi gaar ah siiyay telefishanka Universal ayaa sheegay in aan Dastuurka la dhameystiri karin illaa inta laga keenayo Somaliland.

Wasiirka Caddaaladda Puntland ayaa ku dooday in Dastuurka uu ku dhameystirmi karo oo kaliya heshiis loo dhan yahay, ayada oo kadibna la galinayo afti dadweyne si u dhaqan-galo.

“Dastuur Soomaaliyeed oo Puntland ka maqan tahay Dastuur ma noqonayo mana dhameystirmayo. Inta cid maqan tahay waa la sugaya, inta xataa Somaliland maqan tahay Dastuurka lama dhameystiri karo,” ayuu yiri.

“Dastuurka waa heshiis bulsho, oo dadka ka dhaxeeya, wixii lagu qorayana waa in lagu gaaro heshiis la isla ogyahay oo lagu wada qanacsan yahay kadibna afti loo qaado, maalinta aftidaas loo qaado ee dadka soo yeelaan ama soo diidan ayey doodiisa dib u bilaaban karta.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in Puntland ay si madax-banaan usii wadaneyso howlaheeda gudaha, inta laga dhameystirayo Dastuurka KMG iyo hanaanka geedi socoda federaaleynta.

“Inta la dhameystirayo Dastuurka dowladda federaalka ee la is-waafajiyo ka maamulada, inta shaqada la qabanayo in Puntland shaqooyinkeeda caadiga ah u Dastuurka siinayo u madax-banaaneyso.”

Wasiirka ayaa waxa uu sheegay in go’aankii dhawaan kasoo baxay Madaxtooyada Puntland uu ahaa mid Dastuuri ah oo salka ku haya hanaanka federaalka ah ee lagu heshiiyay.

“Hanaanka federaalka ah wuxuu soo maray maraaxil oo waxa Soomaalida ku heshiisay dalka uu qaato hanaan federaali ah oo dowlad dhiska Soomaaliyeed uu noqdo mid ku yimid wada-xaajood, is-qancin iyo heshiis siyaasadeed.”

Waxa uu intaas kusii daray “Qoddobada aas-aasiga ah ee Dastuurka u xaniban yahay in qoddobada masiiriga ah laga gaaro heshiis siyaasadeed, waa meesha ay tahay in dadka Soomaaliyeed ay aad ula socdaan waa taas.”

Daawo: Dhakhtarkii dilaaga ahaa oo maxkamaddiisa ay ka billaabatay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Cabdinuur Jiirow (Dr Fanax) oo la sheegay in uu dhakhtarnimo kaga howl-gali jiray gudaha magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, ayaa maanta kasoo hor-muuqday maxkamadda ciidamada qalabka sida.

Dr Fanax ayaa loo haysta dilal, qaraxyo iyo been abuur la xiriira darajooyin ciidan iyo takhasuska uu sheegtay ee mudada uu kaga shaqeysan jiray bulshada dhexdeeda, waxayna maxkamadeyntiisa maanta ka bilaabatay magaalada Muqdisho.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Darajadeeda koowaad oo uu kasoo hor-muuqday Dr Fanax ayaa waxa uu sheegay in gudaha dalka uu ka soo shaqeeyay magaalooyinka Muqdisho, Baardheere, Kismaayo, Xudur iyo Beled-Xaawo.

Ninkaan ayaa lagu eedeynaya in sanado badan uu jilayay Dhakhtar, uuna Al-Shabaab kasoo tirsanaa tan iyo 2009-kii, isaga oo kaga biiray Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Waxa uu ka qeyb qaatay fulinta dilal iyo qaraxyo ka dhacay gudaha Muqdisho, sida ay xeer ilaalinta ka hor sheegtay maxkamadda ciidamada qalabka sida.

“Eedeysanaha wuxuu xirtay dharkii ciidamada qalabka sida oo wuxuu xirtay garaadadii Gaashaanle, waa sarkaal been abuur ah oo isticmaalayay ID-cardkii ciidanka xoogga dalka Soomaaliya,” ayuu yiri ku-xigeenka xeer ilaaliyaha ciidamada qalabka sida.

Xeer Ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka sida, Generaal Cabdullaahi Buula-kamey ayaa maxkamadda ka codsaday in ninkaan lagu rido xukun dil toogasho ah.

“Qadar ayuu sheegay in uu ka shaqeeyay waligiis kama shaqeyn. Maxamed Cabdinuur waligeen nama soo marin ayey dhah jaamacada uu sheegay in uu ka sito shahaadada (dhakhtarnimada). Sidaas darteed waxay ku tuseysa intaas oo dhan waxay u ahaayeen wax uu ku qaraabanayay oo shaqadiisa ku fushanayay,” ayuu yiri.

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Waa dilaa arxan darran, oo nooc walba dadka u dila waxaa maxkamadda weydiisaneyna in lagu xukumo ciqaabta u qalanta si bulshada uga badbaado wixiisa, oo ah dil toogasho ah.”

Qareenka u doodayay ninkaan eedeysanaha ah ayaa sheegay in uusan jirin markhaati la keenay maxkamadda, oo arkay eedeysanaha oo weerar ama dhibaato geysanaya.

“Dad dhaawacan waaye, oo dhamaantood dhibanayaal waaye, mid walba waa dhaawacan yahay marka maxkamadda uma aqoonsan karto markhaatiyaal ee waa dhibanayaal.”

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada Soomaaliya Korneyl Xasan Cali Nuur Shuute oo ugu dambeyntiina soo xiray dacwad dhageysigii eedeysane Dr Fanax ee maanta ayaa sheegay in maxkamadda ay go’aan kasoo saari doonto.

Kursigii Mahad Salaad iyo kii Fahad oo la dooranayo iyo cidda loo badinayo – Xog

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Laba kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya oo hadda banaan ayaa dhawaan la buuxin doona.

Kuraastan waa HOP#086 iyo HOP#147, mid kamid ah kuraastan waxaa dhawaan baneeyay taliyaha hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka Mahad Maxamed Salaad, midna waxaa loo diiday sanadkii dhamaaday Fahad Yaasiin, taliyihii hore ee NISA.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa 3-dii bishaan ku dhawaaqay guddi doorasho oo kumeel-gaar ah, kaas oo ka kooban 9 xubnood.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa guddigaan u igmaday qabashada kuraasta ka banaan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad, kadib markii uu madaxweyne Xasan Sheekh kala diray guddigii madaxa-banaana ee doorashooyinka Qaranka, kaas oo dhinaca kale ay sharciyadii ka dhamaatay.

Xubnaha guddiga uu magacaabay ra’iisul wasaare Xamze waxa ku jira xubno kamid ah guddigii hore ee doorashooyinkii dadbana ee dalka ka dhacay, kuwaasi oo dhinaca kale qeyb ka ahaa in Fahad Yaasiin loo diido kursiga HOP#086.

Kursiga HOP#147 isaga muran badan kama jiro, waxa ka kacay Mahad Salaad oo noqday taliyaha NISA. Wuxuu ku biiray Mahad dhowr taliye oo hay’adda soo maray oo lumiyay kuraastooda xildhibaanimada sida; Sanbaloolshe iyo Xuseen Cismaan Xuseen.

Kursigan ayaa waxa la filayaa in uu kusoo bixi doono nin la yiraahdo Ilyaas Sheekh Axmed, kaas oo beesha iyo taliyaha NISA aanay diidaneyn sida aan kasoo xiganay dad xogagaal u ah howsha kursigan.

Kursiga HOP#086 isaga weli buuq ayaa ka jira, Fahad Yaasiin ayaa waxa lasoo warinaya in weli uu rabo kursiga, si uu gabaad ugu noqdo inta lagu jiro muddo xileedka madaxweyne Xasan Sheekh, maadama Fahad Yaasiin loo haysto eedo badan oo dalka ka dhacay intii uu jiray nidaamkii madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale musharaxiin hore looga hor istaagay in kursiga u tartamaan oo uu kamid yahay nin la yiraahdo Khaalid ayaa weli raba kursiga.

Xildhibaankii hore ugu fadhiyay kursigan, Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa wararka qaar sheegayaan in kooxdiisa UPD ay ku cadaadinayaan inuu markale u istaago kursiga.

Faarax hadda waa Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya. Weli ma cada in uu go’aansaday inuu kursiga qaato, laakiin haddii Faarax uu rabo fursad fiican ayuu leeyahay maadama xukunka dalka ay saaxiibadii haystaan.

Kooxda madaxweyne Xasan Sheekh kursigaan muhiim ayuu u yahay, waana lagu dhibi karaa haddii uu jiho kale aado, waana sababta qaarkooda wax qorsheeyo ugu doodayaan in si walba Faarax uu qaato kursiga HOP#086.

Mid kamid ah astaamaha lagu fahmi karo inay kooxda madaxweyne Xasan Sheekh qorshe fog ka leedahay xukunka dalka waa sida ay kursigan u maareeyaan oo marna culeys ku noqon kara marna caawin kara, ayey leeyihiin falanqeeyayaashu.

Askarigii shanta kun u dilay Abuubakar Nuuraani oo TOOGASHO lagu xukumay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta xukun toogasho ah ku ridday Qaasim Ducaale Cabdi oo ahaa askarigii dhawaan shanta kun ee shilin Soomaaliga aheyd u dilay Marxuum Abuubakar Sheekh Maxamed Nuuraani oo ku noolaa degmada Xamarweyne.

Maxkamadda Ciidamada oo si deg deg ah loo horgeeyay askarigaan oo ka tirsan ciidamada ilaalada deegaanka ayaa saaka ku ridday xukun dil toogasho oo ah qisaasta marxuumka.

Fadhiga Maxkamadda ayaa waxaa goobjoog ahaa ehellada marxuumka, shacab iyo mas’uuliyiinta maamulka Xamarweyne oo uu ugu horreeyo guddoomiyaha degmadaas.

Dhammaan ka qayb-galayaasha oo ay ugu horreeyaan ehellada dhibanaha ayaa soo dhaweeyey xukunka ay ridday Maxkamadda Darajad 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Dilka Marxuum Nuuraani oo hadal heyn badan dhaliyay ayaa yimid kadib markii isaga iyo askariga maanta la xukumay uu soo kala dhex-galay isfaham wa’ waxayna ku murmeen lacag canshuur ah oo askarigaas uu aruurinayay oo aheyd shan kun Shillin Soomaali ah.

Intaas kadib dadaal ay sameeyeen Booliska Soomaaliyeed ee Xamarweyne iyo maamulka degmada ayaa waxa gacanta lagu soo dhigay askarigii geystay dilkaas oo ugu dambeyn maanta dil lagu xukumay, kadib markii la horgeeyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Tallaabadan ayaa ah mid horey loo sii qaaday oo cadaalad ah, waxaana soo dhoweeyey dadka Soomaaliyeed, maadaama ay cadaalad heleen qoyska Abuubakar Nuuraani oo maalmihii u dambeeyay cadaalad ka dalbanayey hay’adaha dowladda Soomaaliya.

“Canshuurta waa ku siina dukaanka wax kasoo baxsana ayuu ku dhahay, sidee ii dhihi kartaa illaa inta ayey isla soo bursadeen uu xabad sujuuda uga dhuftay. Cadaalad haddey jirto waxaa dowladda ka codsaneyna, madaxweyne Xasan Sheekh, ra’iisul wasaaraha guddoomiyaha baarlamaanka in ninkaan cadaalad naloo soo saaro,” ayuu horay u yiri marxuumka walaalkiis oo ka soo muuqday qalabka warbaahinta, kadib dilka walaalkiisii.

Wuxuu hadalkiisa sii raaciyay “Booliska waxa uu qoriga u haysta nabadgelyada. Laakiin Manashiibiyada inta uu qori kusoo qaato uu kugu dilo qorigii dhib weyn ayaa ku jirna.”

Guuleed oo war kasoo saaray sheegashadii shalay ee DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu ku bogaadiyey dagaalka ay dowladda Soomaaliya ku qaaday Al-Shabaab, gaar ahaan dhanka dhaqaalaha oo dowladdu ay shalay xaqiijisay inay xirtay in ka badan 250 Banki oo lacagaha kooxda lagu shubi jiray.

Madaxweyne Guuleed ayaa natiijo wanaagsan oo dagaalka laga gaaray ku tilmaamay in dowladdu ay ku guuleysatay inay xayirto malaayiin dollar oo lacagihii Al-Shabaab ah.

“Waa bogaadinayaa si guud dagaal dhinacyada badan leh ee ay laamaha kala duwan ee dowladdu kula jiraan kooxaha Argagaxisada ah. Gaar ahaanna waxaan si weyn u bagaadinayaa dagaalka dhanka dhaqaalaha ee kooxdaas lagu qaaday, taas oo sababtay in laga xiro in ka badan 250 xisaab bank oo ay si toos ah iyo si aan toos aheynba u isticmaaliyeen, kuwaas oo ay ku jiraan malaayiin doolar oo la doonayey in lagu gumaado shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Cabdikariin Guuleed.

Qoraalka Guuleed ayaa intaas ku sii daray, “Waxaa shacab weynaha Soomaaliyeed laga doonayaa inay dowladda iyo laamaheeda kala duwan si buuxda ugu gacan siiyaan dagaalka dhan kasta ah oo ay kula jirto kooxahaas Argagaxisada ah oo har iyo hoyaad u diiday umadda Soomaaliyeed.”

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo ay wehliyaan wasiir ku xigeennada warfaafinta iyo amniga ayaa shalay shir jaraa’id qabtay, waxayna sheegeen in dowladdu ay natiijo weyn ka gaartay dagaalkii dhaqaalaha ee kooxda lagu qaaday.

Sidoo kale waxaa lasoo bandhigay ugu yaraan 70 lambar oo kooxda ay ugu dhici jireen lacagaha canshuurta ah ee dadka ay uga qaado sida xoogga ah, kuwaas oo qaar kood ay dadka ka soo wici jireen, qaarna lacagaha ku keydsa jireen.

Dowladda ayaa deg deg guulo uga soo hoysay dagaalka ay la gashay Al-Shabaab, si gaar ah mid ka socda furimaha ayaa hadda maraya meel dhexe, ciidanka oo ka gudbay HirShabeelle ayaa u talaabay Galgaduud, waxayna bilihii lasoo dhaafay Al-Shabaab ka xoreeyeen dhul aad u baaxad weyn.

Hadda gulufka dagaal ee ugu culus wuxuu ka jiraa Galmudug oo ugu yaraan afar jiho dagaal looga qaaday Al-Shabaab, waxayna ciidamadu qorsheynayaan in maalmaha soo socda kooxda laga xoreeyo magaalooyinka ay ka joogaan gobolkaas, sida Ceeldheer, Ceelbuur iyo Xarardheere oo ka tirsan Mudug.

Rag hubeysan oo lagu qabtay degmada Yaaqshiid + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal qorsheysan oo xalay ciidamada Booliska ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Howlgalka ayaa waxaa lagu soo qabtay illaa 5 nin oo hubeysnaa, kuwaas oo dhac ka geysanayat xaafadda Kooka-Koola ee degmadaasi.

Sidoo kale waxaa kooxdan burcadda ah lala soo qabtay mooto Bajaaj ay wateen, sida uu shaaciyay taliska Booliska gobolka Banaadir.

“Ciidanka Booliska Qeybta Guud gaar ahaan Ciidanka Saldhigga Degmada Yaaqshiid ayaa hadda qabtay koox burcad hubaysan ah, oo watay Moota Bajaaj isla Markaana falal dhac ah ka geysanayey xaafadaha Degmada Yaaqshiid” ayaa lagu war qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Booliska gobolka Banaadir.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray talisku in raggan oo lagu xiray saldhigga Yaaqshiid loo sii gudbin doono maxkamad, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

Booliska gobolka Banaadir ayaa ugu dambeyn u mahadceliyay shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho, isaga oo ku boggaadiyay wada-shaqeynta kala dhexeysa ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya.

“Taliska Qeybta Guud ee Booliiska gobolka Banaadir waxa uu Shacabka caasimada uga Mahadcelinayaa sida ay markasta ula shaqeeyaan ciidanka Amniga” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka Booliska gobolka Banaadir.

Habeen ayey hore ayey aheyd markii degmada Howlwadaag, gaar ahaan Suuqa Bakaaraha laga soo qabtay laba nin oo mindiyo watay, kuwaas oo dhac ka geysanayey suuqaasi, waxaana sidoo kale kasii horreeyay 4 nin oo kale oo iyaguna burcad ah oo laga soo qabtay degmada Heliwaa ee gobolka Banaaadir.

Si kastaba, ciidamada Booliska iyo kuwa Nabad Sugidda dowladda oo iskaashanaya ayaa kordhiyay howlgallada ka socdo caasimada, kuwaas oo sidoo kale habeen hore lagu soo qabtay haweeney iyo hub tiro badan oo lagu kaydiyay guri ku yaallo gudaha  degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo dacwa ka ah warbaahinta + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada Soomaaliya Korneyl Xasan Cali Nuur Shuute ayaa markii u horeysay sheegay “in xal sharci ah” loo baahan yahay, si meesha looga saaro cabashada ay dadka la tagaan warbaahinta, ayada oo kiiskooda uu ku jiro maxkamadda.

“Mushkilad u baahan in loo helo xal sharci ah ayaa dig soo tiri oo ah qofka dacwo ayaa maxkamadda ka taalla, qof ayaa la dilay ama dhib ayaa dhacay, waa soo baxa warbaahinta iyo baraha bulshada ayuu taga oo halkaas ayuu qeylo dhiga.”

Guddoomiye Shuute ayaa sheegay in arrintaan ay tahay caqabad haysata maxkamada iyo dacwadaha ay qaado, isaga oo xusay in marka uu qofka geeyo kiiska warbaahinta, una dhigo sida uu jecel yahay ay dadka ‘gardaro’ ku xakumayaan maxkamadda, sida uu sheegay.

“Bulshadeena waa ogtihiin indhaha waxba kama aragto ee dhagaha ayay wax ka aragta, macnaha qofkii qeyliyay ayay rumeysane, yaa qeylilyay? Ninkaan ayaa qeyliyay Aleyle waa laga gar-daran yahay ayaa la’leeyahay, la iska qodxa bixin maayo oo maxay tahay la dhihi maayo.”

Sidoo kale waxa uu warbaahinta iyo baraha bulshada ku tilmaamay “isbaaro casriyeysan,” oo wixii la rabo si fudud lagu marsan karo, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Waagii hore reeraha iyo maleeshiyaadka marka ay xanaaqan marka ay magaalo iyo gobol ha joogaan wadada dheer ee laamiga ah ama wadada hormarta ayay xiran jirin oo ha lagu kala tago dhihi jireen.”

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Hadda dowlad ayaa timid waddooyinka lama xiran karo, magaaladii ayaa la jooga oo dowladda xoog ayay ku leedahay, Isbaaro kale ayaa soo baxday xaga uu soo istaaga oo warbaahintii uu ka qeylina, tii hore xoog ayaa lagu suuliyay tan waxay u baahan tahay xal sharci ah.”

Diyaarad sidday 72 qof oo ku burburtay dalka NEPAL

0

Nepal (Caasimada Online) – Diyaarad ay saarnaayeen 72 qof ayaa ku burburtay meel u dhaw garoon ku yaalla bartamaha Nepal, waxaana ku dhintay 40 qof, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta.

Diyaaradda Yeti Airlines ayaa kasoo duushay magaalada Kathmandu, waxay ku wajahneyd magaalada dalxiiska ah ee Pokhara.

Diyaaradda ayaa burburtay xilli ay dageysay isla markaana dab ayaa qabsaday.

Ciidamada Nepal oo gaaraya 200 ayaa qeyb ka howlaha gurmadka ah ee ka socda goobta ay diyaaradda ku burburtay ee webiga Seti.

Muuqaal laga soo duubay goobta ayaa muujinayay qiiqo iyo uuro madow oo cirka isku shareeray.

“Waxaan rajeyneynaa in meydad badan aan kasoo saarno goobta ay diyaaradda ku burburtay” ayuu yiri afhayeen u hadlay militeriga xilli uu la hadlayay wakaaladda wararka ee Reuters.

BBC

Somali forces seize weapon cache in Mogadishu

Mogadishu (Caasimada Online) – In a joint operation on Friday night, a team of elite intelligence agents and local police in Somalia’s capital, Mogadishu, seized a weapons cache allegedly buried by the al-Qaeda-linked militant group, al-Shabab. 

The National Intelligence and Security Agency (NISA) said in a statement that a suspected group member was also arrested in the raid, which took place in the Dharkenley district of the city. 

An anonymous official from NISA told Caasimada Online that the seized weapons included improvised firearms, bombs, rounds of ammunition, and other explosives.

This operation is a continuation of the government’s efforts to defeat al-Shabab and prevent terrorist activities.

On Friday, Mogadishu administration announced that security forces would begin a house-to-house search for suspected al-Shabab members hiding among civilians. 

This announcement comes days after President Hassan Sheikh Mohamud made an impassioned appeal to the public to help his government flush out group members, which he called “bedbugs.”

For the past several months, security experts and community leaders in Mogadishu have been calling on government security agencies to step up their operations in the capital to avert pending al-Shabab terror attacks. 

President Mohamud declared a “total war” against the group shortly after being elected last year.

Working with local clan fighters, the government has claimed multiple military victories against al-Shabab in the past six months, retaking towns and villages in HirShabelle state that had been controlled for years by the militants. 

In those military operations supported by its international partners, the government claimed about 2,000 al-Shabab fighters were killed.

In a tragic incident, one person was killed, and at least six others were injured in a suicide car explosion at a checkpoint controlled by government troops in the central region of Hiran on Saturday. The attack was part of a twin suicide car bombing.

The militant group al-Shabab claimed responsibility for the attacks, targeting military bases in Jalalaqsi and Bulobarde.

The suicide car bombing comes as government forces and allied clan militias have launched a major offensive against al-Shabab since August. The group has retaliated with deadly attacks after being driven out of territories.

According to a local shopkeeper in Jalalaqsi, a suicide car bomb exploded at a checkpoint near the bridge, resulting in one death and six injuries.

Government authorities were not immediately available for comment, but witnesses reported that government forces attempted to stop the attackers by firing at the second car carrying explosives.

Despite past government offensives, al-Shabab, which has been waging a deadly insurgency war against the government of Somalia since 2007 to enforce its strict interpretation of Islamic law, has regrouped and returned to areas where the army cannot maintain control.

Ciidanka Xoogga dalka oo maanta Al-Shabaab ka xoreeyey Dekedda Cigo

0

Mesagawaa (Caasimada Online) – Ciidanka xoogga dalka iyo xoogagga hubka qaatay ee deegaanka ayaa maanta howlgallo culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab waxay kula wareegeen Dekedda qadiimiga ah ee Cigo oo aad ugu dhow magaalada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Ciidankaan oo ka baxay magaalada Mesagawaa ayaa sii maray dhowr deegaan oo ay isaga carareen maleeshiyaadkii horay u joogay ee Al-Shabaab, waxayna ugu dambeyntii gaareen deegaanka Cigo oo ay ku taallo deked macmal ah.

Deegaanada kala ah Baraag-Sheekh Caamir, Dhabaqle, Xuseen-Cagey, Cigo iyo deegaano kale ayaa maanta laga raacdeeyey Al-Shabaab, waxaana caawa ku sugan ciidamada dowladda.

Deegaanadaan ayaa waxaa mudo dheer maamuleysay kooxda Al-Shabaab, waxaana la sheegay in ciidankii ka xoreeyey ay hadda kaabiga ku hayaan magaalada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Intii uu socday howlgalkaan waxay ciidamadu qabteen dad la sheegay in looga shakiyey inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab.

Deegaanka muhiimka ah ee Cigo oo ka mid ah deegaanada maanta laga xoreeyey Al-Shabaab ayaa waxaa loogu tegay dad badan oo kalluumeysato ah.

Xeebta deegaankaas iyo nawaaxigiisa waxaa la sheegay in aad looga helo Aar-goosatada loo iib keeno magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Ciidamada xoogga dalka ayaa maalmahaan dardar gelinaya howlagallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, waxayna ciidankii xoreeyey Sh/Dhexe hadda kaabiga ku hayaan Ceeldheer oo Galgaduud ka tirsan.

Dhanka Mudug waxaa Hobyo, Wisil iyo Baxdo ka soo baxay ciidankii ugu xooganaa oo Danab, PSF-ta Puntland, daraawiishta Galmudug iyo xoogagga hubka qaatay ee deegaanka isugu jira, wuxuuna duulaankaas ku jiheysan yahay degmada muhiimka ah ee Xarardheere.

Sawirro: Saddex dal oo Yurub ah oo safiiro cusub usoo dirsaday Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirrada cusub ee dalalka, Faransiiska, Netherlands iyo Slovakia ee loo soo magacaabay Soomaaliya.

Munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka ayaa madaxeweynuhu kaga guddoomiye waraaqaha aqoonsiga danjireyaasha kala ah;

1. Mudane Arnaud Suquet – Danjiraha cusub ee dalka Faransiiska ee Soomaaliya
2. Mudane Maarten Brouwer – Danjiraha cusub ee Boqortooyada Netherlands iyo
3. Marwo Katarina Zuffa Leligdonova oo ah Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Slovakia u fadhin doonta Soomaaliya

Danjireyaasha ayaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud la wadaagay farriimo ay ka sideen Boqorrada iyo hoggaanka dalalkooda.

Waxay soo bandhigeen dadaalka ay ku bixin doonaan adkaynta xiriirka taariikhiga ah ee ay la wadaagaan dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha iyo Danjireyaasha ayaa si gaar-gaar ah uga wada-hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ay dowladda federaalka Soomaaliya la leeyihiin dalalkoodu.

Sidoo kale waxa uu xusay ahmiyadda ay leedahay in ay xoojiyaan garab istaagga dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda, si guul looga gaaro dowlad-dhiska iyo horumarinta dalka.

Daawo: ODOWAA oo raali-gelin ka dalbaday xildhibaan sheegay arrin caro dhalisay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa ayaa si adag uga horyimid hadal uu kulankii maanta ee golaha shacabka ka sheegay Xildhibaan Shariif Mustafa.

Xildhibaan Shariif Mustafa ayaa golaha ka horsheegay inay kula jiraan oo ay xubno ka yihiin xildhibaano Al-Shabaab ah, sida uu hadalka u dhigay, xili uu dalka ka socdo dagaal culus oo ka dhan ah kooxda.

“Shabaab inta ayuu ku jiraa, maxaa been iskugu sheegayna argagixiso inta ayuu ku jiraa ee aan iska xoreyno,” ayuu si carro leh u yiri Xildhibaan Shariif Mustafa.

Xildhibaan Odowaa oo ka daba qaatay hadalka ayaa ugu horeyn ka dalbaday Xildhibaanka in uu raali-gelin ka bixiyo hadalkiisa, islamarkaana uu golaha dhex fadhin Shabaab.

“Xildhibaan Shariif Mustafa meeshan Shabaab ma joogo xildhibaanada qaranka loo soo doortay ayaa jooga. Warkaas cudur daar in aad ka bixiso ayaa raba aniga oo ku hadlaya magaca xildhibaanada baarlamaanka,” ayuu yiri Xildhibaan Odowaa.

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Warkaas baarlamaanka ma qabto, qof walba inta uu iska xanaaqo oo dhaho inta Shabaab ayaa fadhiya, meeshan Shabaab ma fadhiya oo laguma oga.”

Hadalkan ayaa si weyn uga careysiiyay xildhibaanada golaha, waxaana la ogyahay in arrintaan ay suuqa taallay xilligii doorashada baarlamaanka 11-aad ay ka socotay dalka, xiligaasi oo laga deyrinayay saameynta ay Shabaab ku yeelan karto baarlamaanka cusub.

Al-Shabaab ayaa waxaa xiligan ku socda dagaal xoogan oo dhinacyo badan ah, kaasi oo jab xoogan lagu gaarsiiyay kooxda, islamarkaana looga qabsaday deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda.