31.9 C
Mogadishu
Monday, May 11, 2026

Sheekada hooyo 9 caruur dhashay oo u dhimatay cabsi galinta Al-Shabaab (Daawo)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Weerar fuleynimo ah oo u muuqday cabsi galin ayey Al-Shabaab ku qaaday shacabkii reer Muqdisho ee Khamiistii dareenkooda ku muujiyay banaanbaxii ka dhacay garoonka kubadda cagta Injineer Yariisow, kaasi oo galaafatay nolosha Fardawsa Maxamed Axmed, oo aheyd Hooyo Soomaaliyeed.

Hooyo Fardawsa ayaa ifka uga tagtay sagaal carruur ah, oo kala ah shan wiil iyo afar gabar, waxayna aheyd ruux kaliya ee u dhaq-dhaqaaqayay qoyskaas, sida uu sheegay Sayigeedu.

Maxamed Cabdulqaadir Cismaan oo ah Sayigii qabay Fardawsa oo warbaahinta la hadlay isaga oo wajigiisa ka muuqato tiiraanyo adag ayaa waxa uu sheegay in garab istaago iyo kaalmo u baahan yahay.

“Waxay ku dhimatay qarax, waxay aaday Garoonka oo wey kasoo laabtaya degmadii ayay aaday, degmadii ayaa bam lagu tuuray sidaas ayay ku dhimatay. Hooyo wax ay qaban karto wax yar ma ahan, maanta dhibaato aad u xanuun badan ayaa i gaartay,” ayuu yiri.

“Hooyadii wax kala dabareysay hadey iga tagtay oo Sagaal caruur ah oo yaryar ah ii joogaan. Waxaan garab ka codsana dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.”

Qaar kamid ah guddoomiyeyaasha gobolka Banaadir oo booqday Aabahaan ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Xaaskiisa, oo u dhimatay gumaadka iyo cabsi galinta ay ku hayaan Al-Shabaab.

Waxay sheegeen in garab buuxa u yihiin, islamarkaana ay garab taagan yihiin sidii ay kaalintooda ugu muujin lahaayeen reer Maxamed Cabdulqaadir Cismaan.

Fardawsa ayaa waxaa galaaftay falalka arxan darrada ah ee Shabaab, kaasi oo sanado badan ku cabsi galin jireen shacabka Muqdisho oo maalintii Khamiistii sheegay inaysan gabaad u noqon doonin argagixisada.

Khamiistii ayaa waxa magaalada Muqdisho ka dhacay banaanbax weyn oo billow u ahaa kacdoon ay caasimadda uga soo horjeedo Al-Shabaab, waxaana markii uu soo idlaaday oo dibad-baxayaasha guryahoodii kusii socdeen lagu weeraray bambaanooyin Saddex ah, kuwaasi oo laba kamid ah lala eegtay gawaari caasiyo ah oo ay saarnaayeen banaan-baxayaasha.

Sidoo kale Bab-gacmeedka saddexaad ayaa lagu weeraray xarunta degmada Dharkiinleey, halkaasi oo dadweynaha degmada isugu tageen, markii laga yimid garoonka kubadda cagta Injineer Yariisow.

Deni oo magacaabay guddiga wada-xaajoodka federaalka

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland ayaa wareegto uu maanta soo saaray ku magacaabay guddiga diyaarinta wada-xaajoodka arrimaha federaaleynta dalka, xilli uu dowladda federaalka soo kala dhex-galay khilaaf la xiriira arrintaan.

Guddigan oo laba heer ah ayaa waxa uu madaxweyne Saciid Deni kusoo saaray xeer madaxweyne Lr. 002, isaga oo ka duulaya go’aankii maamulkiisa kasoo baxay 9-kii bishaan.

Guddiga diyaarinta wada-xaajoodka arrimaha federaaleynta dalka ee madaxweyne Deni uu magacaabay ayaa waxay iskugu jiraan laba heer oo kala ah; guddiga goleyaasha dowladda iyo guddiga khubarada, sida lagu sheegay wareegtadan.

Xubnaha guddigan ayaa isku geyn ka kooban 22 xubnood, waxayna kala yihiin;

  • Guddiga Goleyaasha Dowladda:
  1. Md. Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan Guddoomiye
  2. Md. Cabdi Faarax Siciid (Juxa) G. Xigeen
  3. Md. Saadiq Abshir Garaad Xubin
  4. Md. Axmed Jaamac Cabdulle Xubin
  5. Md. Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad Xubin
  6. Md. Carshe Maxamed Siciid Xubin
  7. Md. Cabdullaahi Maxamed Xasan Xubin
  8. Md. Ilyaas Cismaan Lugatoor Xubin
  9. Md. Maxamed Cabdiwaab Axmed Xubin
  10. Md. Cabdifitaax Maxamed Cabdinuur Xubin
  11. Md. Xasan Yuusuf Nuur Xubin
  12. Md. Maxamuud Cawad Cumar Xubin
  13. Md. Maxamed Cabdirisaaq Aw Cilmi Xubin
  • Guddiga Khubarada:
  1. Md. Axmed Cali Xaashi Guddoomiye
  2. Md. Ismaciil Xaaji Warsame G.Xigeen
  3. Marwo Saynab Ugaas Yaasiin Xubin
  4. Md. Maxamed Maxamuud Ciis (Awoowe) Xubin
  5. Md. Axmed Abshir Faarax Xubin
  6. Md. Xasan Maxamuud Ciise (Binge) Xubin
  7. Md. Cabdullaahi Siciid Ismaciil (Keyton) Xubin
  8. Md. Maxamed Siciid Maxamed (Jabiye) Xubin
  9. Md. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Xasan (C/nuug) Xubin

Dowlada oo shaacisay tirada akoonada iyo lambarada laga xayiray Al-Shabaab + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo barbar taagan yihiin Wasiirka Maaliyada iyo Wasiiru-dowlaha Amniga ayaa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, kaasi oo ugu warbixiyay halka uu marayo dagaalka dhaqaale ee Al-Shabaab ka dhanka ah.

Wasiir Al-Cadaala ayaa sheegay in natiijo fiican laga gaaray dagaalka dhaqaale ee dowladda kula jirto Al-Shabaab, lana xayiray 250 Akoon iyo 70 Lambar oo kooxda u adeegsan jirtay “ku baadista shacabka” sida uu sheegay.

“In ka badan 3kun oo kamid ah muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa lasoo xiriiray dowladda (lambaradii hore loo baahiyay) kuwaasi oo usoo gudbiyay xogo ku aadan dhaqaalaha Khawaarijta ay sida xooga ah uga aruursaneysay dadka Soomaaliyeed,” ayuu yiri.”

“Natiijada horudhaca ah waxay suurta-galisay in la xayiro 250 Akoon, waxa sidoo kale macluumaadka ka yimid dadka Soomaaliyeed uu suurta-galiyay in la xanibo 70 Telefoon oo ah kuwa loo arkayay in Khawaarijta ay u isticmaaleysay lacagaha sharci darada ah ee ka boobto dadka.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in weli uu socdo kala shaandheynta macluumaadka ay usoo gudbiyeen dadweynaha Soomaaliyeed, kadibna ay marsiin doonaan nidaamka loogu tala-galay in lagu qaado tallaabooyinka sharciga ogol yahay.

“Dowladda Soomaaliya waxay markale u mahad-celinaysa shacabka Soomaaliyeed, waxayna weydiisaneysa inay sii wadaan la shaqeynta ay la-shaqeynayaan hay’addaha, iyaga oo macluumaadkooda kusoo diraya telefoonadii hore loola wadaagay.”

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa 23-kii bishii October ee sanadkii hore soo saartay digniino ku saabsan joojinta la macaamilka dhaqaale ee Shabaab, oo dagaal culus uga socdo qeybo kamid ah dalka

Dowladda ayaa xiligaas la wadaagtay dadweynaha lambaro ay ugu tala-gashay in shacabka Soomaaliyeed kula soo wadagaan xogaha ku saabsan “haddii ay arkaan dhaqaale Shabaab loo qaadayo ama ay qaadanayaan, nooca uu doono ha ahaade.”

NISA oo howlgal ka dhacay Muqdisho kusoo qabatay keyd hub ah iyo qaraxyo + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay xalay Ciidamada Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ka sameeyeen gudaha degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

Howlgalkan oo ahaa bartilmaameed ayaa waxa ay ciidamadu ku galeen gur ku yaalla degmadaasi, waxayna gacanta ku soo dhigeen keyd hub ah iyo walxaha qarxa.

Saraakiisha howlgalka sameysay ayaa shaaca ka qaaday in sidoo kale gacanta lagu soo dhigay haweeney dagenyd guriga lagu keydiyay hubkaasi, taas oo ay sheegeen inay haatan ku hayaan baaris dheeraad, sidoo kalena loo gudbinayo hay’adaha ku shaqada leh.

Hubka lasoo qabtay ayaa isugu jiro bambaanooyin, qoryaha AK47 iyo rasaas, sida ay u muujinayaan sawirrada ay soo bandhigtay hay’adda NISA.

Sida muuqata hubka ayaa laga soo bixiyay dhulka hoostiisa, ayada oo jawaanno lagu keydiyay, waxaana isticmaalayay xubno ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo ay weli daba-gal ku hayaan saraakiisha laamaha amniga, sida lagu shaaciyay qoraalka kasoo baxay NISA.

Howlgalkan ayaa wuxuu kusoo aaday, wax yar uun kadib khudbaddii uu maalin kahor madaxweynaha Soomaaliya ka jeediyay dibad-baxii garoonka Koonis, isaga oo ku dhawaaqay in howlgal culus oo ka dhan ah Al-Shabaab laga bilaabi doono Muqdisho.

NISA ayaa horey ugu guuleysatay soo qabashada xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo hub, kadib howlgallo ay ka sameysay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Si kastaba, maalmihii dambe ayaa waxaa caasimada ka socday howlgallo ay si wadajir ah isaga kaashanayaan Nabad Sugidda iyo Booliska, si looga hortago falalka amni darrada ah.

Ciidamada dowladda oo ku dhow XARARDHEERE iyo wararkii ugu dambeeyay

0

Xarardheere (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ay ku dhow yihiin degmada Xarardheere oo ay shalay isaga baxeen xoogaga Al-Shabaab.

Ciidamada huwanta ayaa haatan howlgallo iyo dhaq-dhaqaaqyo ka wada agagaarka degmadaas oo ay muddo sanado ah ka talinayeen dagaalyahanada Al-Shabaab.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa shaaca ka qaaday in saacadaha soo socda ay gudaha u geli doonaa degmada, kadibna ay ka sameyn doonaan howlgal amni xaqiijin ah.

Xubnaha Al-Shabaab iyo saraakiishooda ayaa lagu soo warramayaa inay gaareen deegaano iyo tuulooyin hoos yimaada magaaladaas oo ka tirsan gobolka Mudug.

Sidoo kale qaar ka mid ah dadka shacabka ah ee deganaa magaalada ayaa lagu soo warramayaa inay si awood ah horey ugu sii kaxeysteen, waxayna la aadeen deegaanno duleedka ku yaalla oo ay haatan ka sameysteen fariisimo ciidan oo cusub.

Al-Shabaab ayaa Xarardheere waxa ay u aheyd saldhigoodii ugu weynaa ee ay ku lahaayeen gobolka Mudug, halkaas oo ay ku lahayeen xarumo muhiim ah.

Tani ayaa muujineysaa in laga sii itaal roonaanayo kooxdan, maadaama laga qabsaday saldhigyo muhiim ah oo uu ugu dambeeyay saldhigoodii weynaa ee Aadan Yabaal.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa koonfurta gobolkan ka socday dhaq-dhaqaaqyo ka dhan ah Al-Shabaabka ku sugan gobollada dhexe oo ay iskaashanayaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka.

Si kastaba, Galmudug ayaa haatan u diyaar garowday abaabulkii ugu dambeeyay ee Al-Shabaab looga xoreynayo deegaanada ay kaga sugan yihiin maamulkaasi.

Al-Shabaab ‘oo xeelad yaab leh billowday’ kadib jabka xoogan ee ka gaaray dagaalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo wareysi siiyay warbaahinta dowladda ayaa shaaciyay xeelad cusub oo Al-Shabaab billowday, kadib jabka xoogan ee kasoo gaaray dagaalka ka dhanka ah.

Guddoomiye Jeyte ayaa sheegay in Shabaab ay billowday in maleeshiyaadka lagu jabiyo deegaan ay markaasba ka badalaan, ayaga oo geynaya deegaan kale oo aad uga fog.

“Kuwa maanta inta ka dagaal galay maalin dambe waxay ka tuurayaan Kuuyo-barow, kuwa meel kale dagaal ku qabsaday waxay ka tuurayaan Xarardheere, waxay diidayaan kuwa inta ku jabay haddii kuwa kale lagu soo buuxiyo wey hadlayaan oo waxay dhahayaan shalay ayaa inta nagala qabsaday,” ayuu yiri.

Guddoomiye Jeyte ayaa waxa uu sheegay in xeeladan cusub ay Shabaab weli madaxa ciida uga ceshanayaan, si dagaalka usii wadaan, taasi oo uu sheegay inaysan waxba ka badaleyn dardarta ay ku socdaan howl-galada ka dhanka ah kooxda.

“Kuwa cusub keena ama kuwii hore soo cesha idinka ayey idin taalla. Halkaas ayey noo joogta,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte.

Guddoomiye Jeyte ayaa dhowr bilood ka hor howl-galo guuleystay ka bilaabay meelo kamid ah gobolkaas, waxayna ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka ay ku guuleysteen inay deegaano badan kala wareegaan Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa uu guddoomiyaha qeyb ka ahaa qorshaha la iskugu xiray howl-galada gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo ay haatan ka socdaan howl-galo culus.

Hiiraan ayaa xudun u aheyd kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab ee haatan ka socdo dalka, kaasi oo khasaare lixaad leh lagu gaarsiiyey kooxda argagixisada ah ee sanadaha badan ku xooganeyd deegaanadaasi.

DF ‘oo heshay xogta’ iyo magacyada dadka Shabaab u qaabilsan dhaqaalaha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ballan qaaday in uu faah faahin ka bixin doono tobaneeyo ka mid ah xisaabaadka Al-Shabaab ee Bangiyada iyo laacagaha teleefoonnada loo adeegsado oo ay dowladdiisu xannibtay.

Madaxweyne Xasan oo shalay khudbad ka jeedinayay bannaanbax looga soo horjeedo Al-Shabaab oo ka dhacay Muqdisho ayaa uga digay shacabka ku nool caasimadda inay bixiyaan wax uu ugu yeeray “lacago baad ah oo ay siiyaan kooxda”.

“Lacag malaayiin ah ayaa xisaabaadka iyo telefoonnada Al-shabaab ku xayiran maantadan aan idinla hadlayo, dowladdu way soo bandhigi doontaa,” ayuu ku yiri khudbadda uu madaxweynaha Soomaaliya ka jeediyay dibadbaxa ka dhacay Muqdisho.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si gaar ah shacabka gobolka Banaadir ugu boorriyay in aaney ka cabsan Al-shabaab oo aaney dhaqaale u siin cabsi darteed maadama sida uu sheegay lacagaha laga qaado shacabka lagu sameeyo qaraxyada.

“Qaraxu carro maahan dhulka laga soo qaaday warshado lagu sameeyo qaraxa  ma qabno waa la soo dhoofiyay, haddii la soo dhoofinaya doolar ayaa lagu keenay,” ayuu madaxweyne Xasan.

Dhanka kale, Al-Shabaab ayaa sheegtay in ugu yaraan sagaal weerar oo kala duwan ay ku qaadeen xarumaha ammaanka ee magaalada Muqdisho saacado kadib markii la soo afjaray isu soo baxaasi.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in weeraradooda ay ka dhasheen khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac, balse ma aysan bixin faah faahin intaas ka badan.

Inkastoo Al-shabaab laga saaray Muqdisho sannadkii 2011-kii, haddana kooxda ayaa kumannaan shacab ah ku laysay dilal qorsheysan iyo qaraxyo khasaare geystay.

Dadka Al-Shabaab u qaabilsan dhinaca dhaqaalaha

Waaxda maaliyadda ee dowladda Mareykanka ayaa bishii Oktoober shaacisay inay heshay xogta ku saabsan dad ka tirsan shabakad isku xiran oo dhanka fududeynta dhaqaalaha u qaabilsan Al-Shabaab, kuwaasoo lasoo bandhigay magacyadooda.

Qoraal lasoo dhigay xilligaas bogga internet-ka ee Waaxda Maaliyadda ayaa lagu sheegay in dadka la magacaabay ay door hoggaamineed ku leeyihiin Al-Shabaab ayna u shaqeeyaan sidii xiriiro muhiim ah oo u dhexeeya kooxda iyo shirkadaha maxaliga ah ee Soomaaliya.

Shabakaddan ayaa ku howlanayd soo iibinta hubka, fududaynta dhaqaalaha, iyo hawlo la xiriira qorista dadka ku biiraya al-Shabaab.

Liiska magacyada la shaaciyay ayaa kala ah:

ABDULLAHI JEERI – oo la sheegay in uu si qarsoodi ah hubka ugu geeyo Al-Shabaab. Jeeri waxa uu Mareykanku ku tilmaamay madaxa qeybta hub soo iibinta ee Al-Shabaab, isagoo u qaabilsan hubka laga iibiyo suuqyada maxalliga ah iyo kuwa dibadda, oo intiisa badan laga keeno Yemen

KHALIF ADALE – oo lagu tilmaamay inuu Al-Shabaab u qaabilsan yahay inuu lacagaha uga soo aruuriyo hay’adaha aan dowliga ahayn

HASSAN AFGOOYE – oo lagu sheegay hoggaamiye sare oo ka tirsan Al-Shabaab, kormeerna ku sameeya laamaha maaliyadda. Mareykanka ayaa ninkan madaxiisa dul dhigay $5 milyan.

ABDIKARIM HUSSEIN GAGAALE – oo lagu sheegay in uu soo noqday ku xigeenka madaxa qeybta maaliyadda ee Al-Shabaab, kana soo hoos shaqeeyay Mahad Karate

ABDI SAMAD  – oo lagu tilmaamay xubin ka tirsan Al-Shabaab oo xiriir dhow la leh Golaha sare ee kooxda.

ABDIRAHMAN NUREY – oo lagu qeexay in uu yahay isku xiraha Al-Shabaab iyo shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay

Saddex qof oo ka kooban shabakad qaabilsan kala gudbinta hubka oo magacyadoodu ka la yihiin: Mohamed Hussein Salad (Salad), Ahmed Hasan Ali Sulaiman Mataan (Mataan), iyo  Mohamed Ali Badaas (Badaas)

Dadkan magacyadooda la sheegay ayaa lagu soo rogay xayiraad dhanka dhaqaalaha ah.

Heshiiska iskaashiga cusub ee Somalia iyo Midowga Yurub

0

Brussels (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac (Huruuse) iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Brussels ee xarunta Midowga Yurub ayaa kulamo natiijo wanaagsan ka soo baxeen la yeeshay madax sar-sare oo ka tirsan Midowga Yurub.

Masuuliyiinta uu wasiirka la kulmay ayaa waxaa kamid ahaa wakiilka sare ee arrimaha dibedda, siyaasadda iyo amniga u qaabilsan Midowga Yurub Mudane Josep Borrell iyo 27 danjire ee wadamada Yurub u jooga xarunta Brussels.

Wasiirka iyo wafdigiisu waxay kala hadleen qorshayaasha hor-tebinta u leh dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo siday muhiimka u tahay garab istaaga Midowga Yurub.

“Wasiirka oo ay weheliyaan saraakiil sar sare oo ka kala socday xafiisyada Madaxweynaha, Raisul Wasaaraha iyo Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa madaxda Midowga Yurub kala hadlay taageerada xagga laamaha ammaanka, dib-u-heshiisiinta, kor u qaadidda horumarinta dhaqaalaha iyo dowlad wanaagga,” ayaa lagu yiri qoraal ay dowladda kasoo saartay kulamadaan.

Kulamada dhex-maray wafdiga dowladda federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa lagu soo qaaday “sidii kuwa guulaysta ay u noqon lahaayeen mashaariicda ay Midowga Yurub ka wadaan Soomaaliya iyagoo la waafajinayo qorshaha horumarinta qaranka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.”

Wafdiga Wasiir Arrimaha Dibedda ku wehlinayay shirarkan muhiimka ah ayaa waxaa kamid ahaa Aways Xaaji oo ah madaxa la-taliyayaasha Madaxweynaha, Xuseen Macalin la-taliyaha amniga qaranka, Axmed-Nuur Maxamed oo ah la-taliye sare xafiiska Raisul Wasaaraha iyo Jibriil Aw Maxamed la-taliyaha siyaasadda dibadda ee wasiirka Arrimaha Dibedda.

Sidoo kale waxa qeyb ka ahaa Danjire Yoonis Xaashi oo ah safiirka dowladda Soomaaliya ee Brussels.

Haweenka oo si dhab ah ugu jiheystay dagaalka socda kadib baaqii R/W Xamza

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Haweenka gobolka Banaadir ee caasimadda Muqdisho ayaa cod dheer ku sheegay sida ay uga soo horjeedaan Al-Shabaab, ayna u jiheysteen dagaalka kooxda ka dhanka ah, xilli uu dhawaan arrintaan ugu baaqay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

Waxay sheegeen in aysan mardambe sii dulqaadan karin dhibaatada ay Shabaab ku hayaan umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan caasimadda oo la ogyahay inay tahay dhibanaha u weyn ee kooxda.

“Waxaa dareemaya in aan hadda hadli karno, waxaa diyaar u nahay difaaca dalka iyo dadkeena. Kacdoonka in aan qeyb ka qaadano ayaa diyaar u nahay in kaalin lixaad leh ka qaadano,” ayey tiri Haweenay kamid ah kuwa gobolka Banaadir.

“Waxa na-dhibaateynaya ee walaalaheena, waalidkeena iyo ilmaheena dilay waa cadawga. Aniga kula hadlaya Odeygayga qarax ayuu ku dhintay aad ayaa uga xumaada marka ay dhibaato iyo qarax uu dhaco.”

Sidoo kale waxay sheegeen in aysan qarsan doonin xubnaha Shabaabka ee dhibaatada ka geysta caasimadda, islamarkaana ay ka daba-gali doonaan meelkasta, laamaha amnigana farta ugu fiiqi doonaan, sida ay sheegeen.

“Banaanbaxa billowday (Kacdoonka Muqdisho) wuxuu nooga dhigan yahay banaanbax muujinaya Kacdoonka shacabka in uu guuleystay, inta dhimana la dhameystiri doono,” ayey sii raaciyeen hadalkooda.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre oo dhawaan ka qeyb-galay kulan looga hadlayey doorka haweenka ee amniga dalka, ayaa waxa uu sheegay in haweenku ay ku filan yihiin in Al-Shabaab laga nadiifiyo degmooyinka Muqdisho.

Xamza ayaa xiligaas haweenka ugu baaqay inay go’aan kama dambeys ah qaataan, oo dhab ay u qaataan soo celinta sharaftii ay Soomaalidu laheyd, ayaga oo qeyb muhiim ah ka qaadanaya kacdoonka ka dhanka Shabaab.

“Haweenka waxaan leeyahay Shabaab waa u dhamaatay, ee nala dabar gooya oo Muqdisho ka nadiifiya, hadaa aragtaan mid wata qori bastoolad ka weyn noo soo sheega, boolis iska daaye militeri ayaan soo gelinaynaa.”

Qeybdiid oo shaaciyay xog aan horey loo ogeyn oo la xiriirta dhameystirka dastuurka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Guddiga Dastuurka ee BFS Senator Cabdi Qeybdiid oo dhawaan wareejiyay xilka guddoomiyaha guddigaan ayaa shaaciyay caqabado hor leh oo ku hor-gudbanaa dhaqaajinta Dastuurka KMG.

Senator Qeybdiid ayaa sheegay in wada-shaqeyn la’aan baahsan kasoo foodsaartay labada Aqal ee Baarlamaanka, taasi oo fadhiid ka dhigtay howshii ay mudada u igmanayeen, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxyaabaha kale ee maqnaanteeda aheyd caqabad waxa kamid ah Awoodii Garsoorka, gaar ahaan maxkamadii Dastuuriga aheyd. Dastuurkii KMG ah uu markaas noqday mid bogagiisa sidii la rabo loo isticmaalo oo aan la dhowrin,” ayuu yiri Senator Qeybdiid.

Senator-ka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in caqabadaha soo foodsaaray ay kamid aheyd Maqaamka Muqdisho, taasi oo uu sheegay inay masuul ka yihiin labada Aqal ee BFS iyo wada-shaqeyn la’aan dhanka dowlad-goboleedyada.

“Waxa aan marnaba indhaha laga qarsin karin wada-shaqeyn la’aanta ama iska indha tirida dowlad-goboleedyada. Waa yimaadan oo waxa aragna iyaga oo is haystaan xukuumadda. Sida uu nidaamka dhigayo in tabashada dowlad-goboleedyada ay marto Aqalka Sare weeyi,” ayuu yiri.

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Marka waxay u baahan tahay in la iswaafajiyo waxa aan qoraneyno oo Dastuurka ah iyo ku dhaqankiisa – dadka raba inay ku dhaqmaan Dastuurka.”

Senator-ka ayaa qaba in qeybo kamid ah Dastuurka KMG ah uu qeyb ka yahay dhameystir la’aanta Dastuurka, xilli ay xukuumadda federaalka ee uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ay wado qorshe lagu dardar-gelinayo dhameystirkiisa.

Dowlada Kenya oo sheegtay inay culeys kala kulantay kacdoonka ka socda Somalia

0

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa shaacisay in kacdoonka ka socda Soomaaliya ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab oo deegaano badan looga saaray uu culeys amni oo xooggan ku keenay dalkaas.

Xukuumadda Nairobi ayaa ciidan dheeraad ah oo la socda dhaq-dhaqaaqa dadka ka gudbaya xadka ay la wadaagto Soomaaliya soo dhigtay, si ay uga hortagaan digniin la xiriirta in xubno ka tirsan Al-Shabaab ay u gudbi karaan gudaha dalkaas.

Sarkaal ka tirsan ciidamada ammaanka Kenya oo warbaahinta la hadlay ayaa walaaca cusub ee soo foodsaaray xukuumadda Nairobi la wadaagay, isaga oo sheegay in howl-galada ka dhanka ah Shabaab ee ka socda gobolada Soomaaliya ay ka dhalan karaan firxad usoo jiheysta Kenya.

“Madax iyo dagaalamayaal ka tirsan Shabaab ayaa u jiheystay deegaanada ka fog gobolada howl-galada ka socdaan, si ay uga dheeraadan dagaalka looga qabsaday magaalooyin badan oo Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ah.”

Kenya ayaa sheegtay in si ay uga hortagto xubnaha Shabaab ee damacsan in ay gudaha u galaan la kordhiyay ciidamada la socda dhaq-dhaqaaqa Soohdinta ay la wadaagaan Soomaaliya oo ah meesha ay kasoo gudbi karaan.

“Adkeynta amniga Soohdinta waa mid nabad-galyo u ah deegaanada xadka xiga, in si fudud loo gudbiyo sahayda ciidamada Kenya ka jooga Soomaaliya iyo in la yareeyo halista weyn ee laga muujinayo weeraro Al-Shabaab ay ka geysan karto gudaha Kenya.”

Wasiirka Gaashaandhiga Kenya, Aadan Barre Ducaale oo dhawaan la kulmay saraakiisha hogaamineysa ciidamada ATMIS (ex-AMISOM) ee taageerada buuxda ka heysta Golaha Ammaanka ee QM ayaa hordhigay in ay adkeeyaan la dagaalanka Al-Shabaab.

Aadan Barre Ducaale ayaa sidoo kale madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe isfaham kala gaaray “wada-shaqayn la xiriirta sugida amniga xuduudaha muddada ay socdaan howl-galada ka dhanka ah Shabaab,” oo mararka qaar weeraro culus ka geysata guda dalkaasi.

Sawirro: Howlgallo ka dhacay Muqdisho iyo duleedkeeda oo 4 nin lagu soo qabtay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgallo qorsheysan oo ay xalay ciidamada Booliska Soomaaliya ka sameeyeen gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho iyo sidoo kale duleedkeeda, kuwaas oo lagu soo qabtay 4 nin.

Howgalka koowaad ayaa ka dhacay degmada Howlwadaag, gaar ahaan gudaha Suuqa Bakaaraha, waxaana lagu soo qabtay laba nin oo dhac ka geysanayey halkaasi.

Taliska Booliska gobolka Banaadir oo war kasoo saaray howlgalkaasi ayaa sheegay in raggaas lagu qabtay mindiyo ay dhac ku geysaneyeen, laguna xiray saldhigga Howlwadaag.

“Ciidanka Booliska qeybta guud gaar ahaan ciidanka saldhigga Degmada Howlwaddaag oo gudanaya waajibkooda shaqo ayaa gacanta ku dhigay labo nin oo ka mid ah burcad hubaysan oo dhac u geysta dadka deggan xaafadaha kala duwan ee Degmada Howlwadaag ee Gobalka Banaadir. Labadaan nin ayaa laga soo qabtay gudaha suuqa weyn ee Bakaraha fiidnimadii hore ee caawa, iyaga oo dadka ku dhacayay Middiyo,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale wuxuu talisku intaasi kusii daray in ragga lasoo xiray laga qaadi doono tallaabo adag, isla-markaana loo gudbin doono hay’adaha ku shaqada leh.

Dhinaca kale ciidamada Booliska ayaa xalay howlgal kale ka sameeyay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho, kaas oo isna lagu soo qabtay laba nin oo kale.

Raggan lasoo qabtay duleedka Muqdisho ayaa ka ganacsanayey waxyaabaha maanka dooriya, sida uu shaaca ka qaaday Booliska Gobolka Banaadir.

“Ciidanka Saldhigga deegaanka Ceelasha biyaha ee duuleedka Magaalada Muqdisho ayaa iyaguna caawa soo qabtay labo ka mid ah koox ka ganacsata waxyaabaha maanka dooriya, kuwaas oo ku iibinayay xilliga la soo qabtay goob ay ku lahaayeen Deegaanka Ceelasha Biyaha,” ayaa markale lagu yiri warka qoraalka ah ee ka soo baxay Booliska Banaadir.

Waxa kale intaasi la sii raaciyay “Taliska Qeybta Guud Boliiska G.Banaadir waxa uu  markasta u taaganyahay sugidda Amniga caasimadda iyo deegaannada kale ee ku teedsan, si loo ciribtiro kooxda burcadda hubeysan ah iyo kuwa ka ganacsada waxyaabaha maanka dooriya ee dhibka ku haya Bulshada.

Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa caasimada ka socday howlgallo ay si wadajir ah isaga kaashanayaan Booliska iyo Nabad Sugidda, si looga hortago falalka amni darrada ah.

Agaasimaha hay’adda CIA Mareykanka oo booqasho qarsoodi ah ku tagay LIBYA

0

Tripoli (Caasimada Online) – Madaxa Hay’adda Sirdoonka Maraykanka (CIA) William Burns ayaa safar naadir ah ku tagay dalka Libya maalintii Khamiista aheyd, isagoo Tripoli kula kulmay Ra’iisul Wasaare Abdulhamid Al-Dbeibah, sida ay sheegtay dowladda Libya.

Xukuumadda Midnimada Qaran ee Dbeibah ayaa bogga ay ku leedahay Facebook ku shaacisay booqashadan, iyadoo soo bandhigtay sawirka Burns iyo Dbeibah oo wadajira. Laba ilo oo ku dhow taliyaha bariga Libiya Khalifa Haftar, oo fadhigiisu yahay Benghazi, ayaa sheegay in Burns uu sidoo kale la kulmay.

CIA-da, oo aan si joogto ah u shaacin booqashooyinkan oo kale, ayaa diidday inay ka hadasho booqashadan.

Liibiya waxaa ka jiray nabad yar tan iyo kacdoonkii NATO ee 2011-kii, waxaana waddanku u kala qaybsamay kooxaha bariga iyo galbeedka sanadkii 2014, iyada oo ugu dambeyntii Haftar uu weerar ku qaaday Tripoli sanadkii 2019.

Xukuumadda Dbeibah ayaa lagu soo dhisay hannaan ay Qaramada Midoobay taageertay sannadkii 2021-kii, taasoo qayb ka ahayd qorshe nabadeed.

Balse maamulkiisa ayaan hadda aysan aqoonsanayn kooxaha siyaasadda ee bariga, iyada oo dad badan oo Liibiyaan ahna ay ka baqayaan dagaal cusub.

Maraykanka ayaa horey u sheegay in uu ka walaacsan yahay doorka uu Ruushku ka ciyaarayo colaadda Liibiya, waxaana laga cabsi qabaa in xasillooni darrida ka jirta waddamada xubinta ka ah OPEC ay saameyn ku yeelato tamarta caalamka.

VOA

Xog: Al-Shabaab oo ka baxday Xarardheere amar culusna dul-dhigtay shacabka

0

Hobyo (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug waxay sheegayaan in kooxda Al-Shabaab ay faarujisay degmadaas, kadib markii ay ka war heleen in duulaan culus uu uga soo wajahan yahay dhanka Hobyo iyo Wisil.

Al-Shabaab waxay sidoo kale degmada ka saareen dhamaan dadkii ku noolaa, waxayna u kaxeysteen dhulka howdka ah, si ay uga badbaadaan duqeymaha diyaaradaha.

Warkaan sheegaya in Al-Shabaab ay ka baxeen degmada Xarardheere wuxuu soo yeeray iyadoo uu socdo abaabulkii ugu xooganaa oo magaaladaas looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab – Xarardheere ayaa weligeed ku jirtay gacanta Al-Shabaab.

Ciidamada PSF ee Puntland ayaa si rasmi ah ugu biiray gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Koonfurta gobolka Mudug, xili ay howl-galo culus ka bilaabanayaan deegaanada maamulka Galmudug.

Cutubyo ka tirsan ciidanka PSF oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka ayaa lagu soo waramaya inay gaareen degmada Hobyo ee gobolkaasi.

Ciidamada PSF ee Putland ayaa xoojinaya ciidamada xooga dalka iyo Daraawiishta Galmudug ee loo diyaariyay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaasi oo qorshihiisa la diyaariyay.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in ciidamadan wada-jirka ah ay ku jihaysan yihiin deegaanada koonfurta gobolka Mudug oo ay weli ku harsan yihiin Al-Shabaab, si halkaasi looga saaro cadawga, degmada qadiimiga ah ee Xarardheere ayaa ugu horeysa deegaanada uu ku wajahan yahay gulufkaan.

Sidoo kale ciidamada Danab ee xoogga dalka ayaa maalmihii lasoo dhaafay aad u buux dhaafiyey magaalooyinka Wisil iyo Hobyo ee gobolka Mudug, halkaas oo saldhig u ah abaabulka lagu xoreynayo dhulka ka maqan Galmudug.

Dowlad-goboleedka Galmudug ayaa hore u sheegtay in dhawaan ay bilaaban doonaan howl-galada lagu xoreynayo deegaanada ay Al-Shabaab kaga sugan yihiin maamulkaasi, xili ay muddooyinkii dambe ku jireen diyaar-garowgii u dambeeyay.

Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa la sheegay inuu hoggaami doono gulufka Al-Shabaab looga xoreynayo Galmudug ee abaabulkiisu uu ka socdo Koonfurta Gobolka Mudug.

Kooxda Al-shabaab ayaa mudooyinkii dambe bilowday inay faarujiyaan deegaanada ay ku sugan yihiin, markii ay ka war helaan in lagu soo wajahan yahay, ma galaan dagaal is difaacid ah, laakiin waxay weli awoodaan inay weerar toos ah ku qaadaan xeryaha ciidamada, taas oo dhibaato badan ay ku qabaan ciidamada Soomaaliya.

Cod iyo Ciidan: Muqdisho oo farriintii ugu dambeysay u dirtay Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Muqdisho waxay maanta la hadleysa Al-Shabaab, farriintu waa intaan ka badan idinma xamili karno ee xabaal ama xal mid qaata.

Caasimadda Soomaaliya kumanaan ruux ayaa ka qeyb-galeysa isu-soo bax xoojinaya kacdoonka Al-Shabaab diidka ah ee ka socda guud ahaan dalka.

Kooxda Al-Shababa oo dhowr iyo tobankii sanno ee lasoo dhaafay dishay kumanaan ruux oo Soomaali ah ayaa hadda shacabkii kusoo jeesteen.

Lixdii billood ee lasoo dhaafay shacabka waxay ciidan ahaan u muujiyeen in Al-Shabaab la jabin karo, haddana dadka caasimadda degan ayaa cod ahaan kula hadlaya Al-Shabaab, taas oo ka dhigan in aanay Muqdisho gabaad usii ahaan karin kooxda.

Al-Shabaab haddii ciidan ahaan loola diriro, cod ahaan loola diriro, dhaqaale ahaan loola diriro, bulshada laga takooro, fikir ahaana loola diriro, muddada ay sii jiri karaan waa mid aad u gaaban.

Muqdisho maanta waxay haysataa fursad naadir ah, waana inay xilalka sare ee dowladda hayaan siyaasiyiin ay ka go’an tahay in Al-Shabaab lasoo afjaro.

Sida ay dadkeedu fursadaan u maareeyaan, dowladda ula shaqeeyaan, kooxdana ugu diidan gabaad iyo guryo ay ku hoydaan ayaa magaalada ugu dadka iyo dhaqaalaha badan Soomaaliya siin doonto xasilooni, soo kabasho iyo horumar deg-deg ah.

Baahida ugu weyn ee Muqdisho ka jirta waa nabad, waxaana taas hortaagan Al-Shabaab. Saacada Muqdisho waxay soo gaartay waqtigii baraaruga kadib dhowr iyo toban sano ah oo cabsi iyo ciil lagu hayay dadkeeda.

Muqdishaawiga kaalintiisu waa naftaada xoree, magaalada xasili, xaqaagana nabad ku qaado.

Caro xoogan oo ka dhalatay arrin ku saabsan Soomaaliya oo lagu lifaaqay Daacish

0

Toronto (Caasimada Online) – Magaalada Toronto waxa hadal hayn badan ka dhalatay maamul Iskuul oo calanka kooxda ISIS ku lifaaqay midka Soomaalida, isaga oo u diray qoysas boqolaal gaaraya, kuwaasi oo falkaasi ka carooday.

Soomaalida ayaa waxay ka xumaadeen in calankooda lagu xiriiriyo ama lagu xiro midka kooxda ISIS, oo ayadu ka dagaalanta dalal ay kamid yihiin Ciraaq iyo Suuriya.

Guddiga Iskuulada Toronto ayaa sheegay in farriintan oo loo diray illaa 700 qoys, uu ahaa mid aan ujeedo gaar ah laga laheyn balse ku dhacay si qalad ah, sida ay sheegeen.

“Markii hore kuma baraarugin calanka ISIS, arrinta Soomaalida ay ka carootay ayaa ah in khariidada Soomaaliya oo ku qoran magaca Soomaaliya lagu lifaaqo kooxda la magac baxday dowladda Islaamiga ah,” ayuu yiri mid kamid ah Waalidiinta loo diray farriintan.

Faysal Xasan oo ah Xildhibaan hore uga tirsanaa baarlamaanka gobolka Ontario oo la hadlay VOA ayaa sheegay in tallaabada uu qaaday Iskuulka ay tahay mid qaldan oo u baahan isla xisaabtan dhab ah.

“Warqadaha ay u direen iyaga oo loo dabaal-degayo dhaqanka, taariikhda & hidaha Soomaalida haddana ay ku lifaaqday Soomaaliya iyo calanka ISIS, taas waxay igu muuqata inay tahay cunsurinimo lagu xumeynayo waalidiinta iyo ardeyda. Gobolka iyo Iskuulka waa in ay tallaabo ka qaadan macalimiinta ama ciddii ka dambeysay,” ayuu yiri.

“Waxaa soo jeedin lahaa in Waalidiinta warqado noocaan oo kale ah la idin soo diro noo keena, nala soo socodsiiya. Waxa loo baahan yahay in laga hortago waxyaabahan oo kale.”

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Ururka argagixisada ee ISIS iyo Soomaalida wax shaqo ah iskuma laha marnaba.”

Arrintan ay sida weyn uga caroodeen Soomaalida dalka Canada, gaar ahaan Toronto ayaa waxa cudur daar ka bixiyay Iskuulkii farriinta u diray waalidiinta Soomaaliyeed, kadib xiisada ka dhalatay.

Sarkaal ka warbixiyey arrin naxdin leh oo ka dhacday Shabellaha Dhexe (Dhageyso)

0

Biyacadde (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno degaanka Biyacadde ee gobolka Shabeellada Dhexe waxay sheegayaan in dad badan ay maanta ku sumoobeen cuno ay cuneen.

Ugu yaraan 50 qof oo dadka deegaanka ah ayaa sumoobay maanta, sida uu warbaahinta u sheegay Abaanduulaha Ururka 12-aad guutada 4-aad, qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Kabtan Xasan Dhagaweyne.

Sarkaalkaan oo la hadlay Idaacadda Dowladda ee Radio Muqdisho ayaa sheegay in dadkii sumoobay uu qaadi waayey isbitaalka deegaanka, isla markaana loo gudbiyey isbitaal ku dhex-yaalla saldhig ay ciidamada ATMIS ku leeyihiin deegaankaas.

“Ilaa hadda ma jirto cid dhimatay, laakiin waxaa jira dad aad u liita oo aan u soo gudbi doono Muqdisho,” ayuu yiri sarkaalkaas oo ka warbixinayey xaalada dadkaas.

Dadkaan ayaa ku sumoobay cunto ay saakay ka cuneen Maqaayad ku taalla deegaanka Biyacadde ee gobolka Shabeellada Dhexe, waxayna dadka sumoobay u badan yihiin dhalinyaro.

Sidoo kale waxaa ku jira dadka sumoobay gabadhii laheyd Maqaayada iyo dhammaan carruurteeda oo laga soo deyrinayo xaaladooda caafimaad.

“Ma garaneyno sababta ay u sumoobeen dadkaan, laakiin dadkaan waxaa in ka badan 15 sano xukumaayey Al-Shabaab oo mar dhow aan ka xoreynay, marka tuhun badan ayaan qabnaa, waana sii baari doonaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray abaanduulahaan ka tirsan qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka.

Wuxuu sheegay in hadda uu ammaan yahay deegaanka oo Al-shabaab ay si buuxda uga xoreeyeen, balse ay jiraan meelo ay ku tumayaan oo hadda ay doonayaan inay ka howlgalaan.

Hoos ka dhageyso wareysiga 

Ciidamada PSF ee Puntland oo ku biiray dhaq-dhaqaaq xoog leh oo ka socda Galmudug

0

Dhuusamareeb (Caasimda Online) – Ciidamada PSF ee Puntland ayaa si rasmi ah ugu biiray gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Koonfurta gobolka Mudug, xili ay howl-galo culus ka bilaabanayaan deegaanada maamulka Galmudug.

Cutubyo ka tirsan ciidanka PSF oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka ayaa lagu soo waramaya inay gaareen degmada Hobyo ee gobolkaasi.

Ciidamada PSF ee Putland ayaa xoojinaya ciidamada xooga dalka iyo Daraawiishta Galmudug ee loo diyaariyay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaasi oo qorshihiisa la diyaariyay.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in ciidamadan wada-jirka ah ay ku jihaysan yihiin deegaanada koonfurta gobolka Mudug oo ay weli ku harsan yihiin Al-Shabaab, si halkaasi looga saaro cadawga.

Dowlad-goboleedka Galmudug ayaa hore u sheegtay in dhawaan ay bilaaban doonaan howl-galada lagu xoreynayo deegaanada ay Al-Shabaab kaga sugan yihiin maamulkaasi, xili ay muddooyinkii dambe ku jireen diyaar-garowgii u dambeeyay.

Waxay sheegtay in howl-galada ka bilaabanaya Galmudug aysan noqon doonin sida midkii HirShabelle ee dhinacyo badan ay ka gali doonaan, islamarkaana uu ku soo afjarmi doono muddo kooban.

Hadalka Galmudug ayaa imaanaya xilli ay dhawaan dowladda federaalka Soomaaliya ay sheegtay in kooxda Al-Shabaab ay kala wareegtay degmadii ugu dambeysay ee ka tirsan maamulka HirShabelle.

Tan iyo markii ay billowdeen howl-galada dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab waxa laga gaaray guulo waaweyn, ayada oo kooxda lagala wareegay deegaano horleh oo sanado badan gacantooda ku jiray.

Maamulka G/Banaadir oo shaaciyay in Muqdisho uu ka bilaabanayo baaritaan guri-guri ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta ku dhawaaqay in magaalada Muqdisho ka bilaabayaan howl-gal lagu baarayo guryaha caasimada, kaasi oo lagu raadinayo xubnaha caasimadda ku dhuumanaya ee ka tirsan Al-Shabaab.

Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye oo warbaahinta la hadlay ayaa shaaciyay arrintaan, isaga oo sheegay in iyadoo la fulinayo baaqii madaxweynaha la bilaabi doono baaritaan lagu galayo guryaha dadweynaha magaalada oo dhan.

“Shacabka gobolka Banaadir waa in ay u diyaar garoobaan in guri walba la gali doono, Dhilqaha ku dhex jira ama Khawaarijta ku dhex dhuumaneysa ee isku dayeysa inay dadkaas ku dhex noolaadaan, ayaa rabna inaysan mardambe nagu dhex noolaan,” ayuu yiri.

“Ha u qaadina inay wax cusub tahay, waxaa rabna in isbedel la taaban karo la imaano dhanka amniga, anaga oo hay’adaheena amniga kaashaneyna. Guri-guri ayaa loo baari doona magaalada, dadkana qofkasta waxa uu yahay, meesha uu ka imid iyo guriga uu ku nool yahay ayaa la ogaan doona.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in uu bilaaban doono howl-gal amni oo dhankasta ah, taasi oo ugu horeeyo baaritaanada lagu sameynayo guri kasta oo ku yaalla Muqdisho, isagoo shacabka ugu baaqay inaysan culeys u arkin oo la socdaan arrintaas.

“Ma dhici doonto in madaxweynaha Jamhuuriyada uu dagaalka ku dhawaaqo in magaalada Muqdisho aysan wax iska badalin. Gobolka Banaadir waxa uu lamid yahay gobolada uu ka socdo dagaalka ka dhanka Al-Shabaab. Ha la dulqaato oo haloo diyaar-garow, Khawaarijtaas ayaa la baaraya qofna looma dan-laha, haddii kale habeenkasta iyo maalinkasta bambada tuuganimada ah ayay kula dhex jirayaan oo dadka ku gaadayaan.”

Arrintaan ayaa waxay imaneysa xili uu shalay banaanbax weyn ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo looga soo horjeedo kooxda Al-Shabaab, islamarkaana ay shacabka caasimadda ku muujinayeen ka qeyb ahaanshahooda dagaalka argagixisada, oo ka socda qeybo badan oo dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay ka qeyb-galay Kacdoonkii Muqdisho ayaa dul istaagay duruufaha amni ee u gaarka ah caasimadda iyo dadaalka dowladdu ay ku bixinayso sidii ay nabad iyo xasillooni ugu noolaan lahaayeen bulshada caasimadda ayaa ku boorriyey baraaruga ay muujiyeen ee ka dhan ah argagixisada Al-Shabaab iyo garab istaaga halganka xoreynta dalka.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo dadka caasimadda in ay la shaqeeyaan laamaha amniga, soona gudbiyaan xogta argagixisada ku dhex dhuumaaleysanaysa guryahooda iyo ganacsiyadooda, si looga hortago gumaadka iyo falalka arxan darrada ah ee khawaarijtu ay soo maleegayaan.

Mareykanka oo ku dhawaaqay go’aan cusub oo la xiriira Soomaali ku sugan dalkiisa

0

Washington (Caasimada Online) – Xoghayaha Amniga Gudaha ee Dowladda Maraykanka Alejandro N. Mayorkas ayaa Khamiistii ku dhawaaqay in dadka Soomaalida ah ee aan sharciga ku lahayn Maraykanka ay sii joogi karaan 18 bilood oo kale.

Kordhinta joogitaankooda ayaa ka billaabaneysa bisha Maarso 18-keeda 2023, waxayna ku egtay bisha September 17-keeda ee sannadka soo socoda ee 2024, sida uu sheegay.

Xoghayaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Soomaaliya mar kale loo asteeyey inay tahay waddan ay dhibaato ka taagan tahay.

“Mareykanku wuxuu awood u yeelan doonaa inuu gabbaad ilaalin ah siiyo Soomaalida. Colaadaha iyo dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee socda, oo ay wehliyaan musiibooyinka dabiiciga ah, cudurrada, saameynta argagixisada, dambiyada, rabshadaha iyo dagaallada u dhexeeya maleeshiyo beeleedyada awgood ma awoodi karaan inay ku laabtaan dalkooda,” ayuu yiri xoghaye Mayorkas.

Dadkaasi joogitaanka loo kordhiyey ayaa lagu magacaabaa “in ay haystaan xaalad joogitaan oo kumeel-gaar ah ama Temporary Protected Status (TPS).”

Tallaabadan ayaa u ogolaanaysa ku dhawaad 430 oo qof inay ka faa’iidaystaan oo ay sii joogaan Maraykanka tan iyo Sebtembar 17, 2024, haddii ay buuxiiyaan shuruudaha sharcigan.

Dowladda Mareykanka ayaa lagu wadaa in dhawaan shaacin doonta shuruudaha sharcigaan, ayada oo sharraxaad dheeraad ah ka bixin doonto.