31.9 C
Mogadishu
Monday, May 11, 2026

Mareykanka oo ku dhawaaqay go’aan cusub oo la xiriira Soomaali ku sugan dalkiisa

0

Washington (Caasimada Online) – Xoghayaha Amniga Gudaha ee Dowladda Maraykanka Alejandro N. Mayorkas ayaa Khamiistii ku dhawaaqay in dadka Soomaalida ah ee aan sharciga ku lahayn Maraykanka ay sii joogi karaan 18 bilood oo kale.

Kordhinta joogitaankooda ayaa ka billaabaneysa bisha Maarso 18-keeda 2023, waxayna ku egtay bisha September 17-keeda ee sannadka soo socoda ee 2024, sida uu sheegay.

Xoghayaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Soomaaliya mar kale loo asteeyey inay tahay waddan ay dhibaato ka taagan tahay.

“Mareykanku wuxuu awood u yeelan doonaa inuu gabbaad ilaalin ah siiyo Soomaalida. Colaadaha iyo dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee socda, oo ay wehliyaan musiibooyinka dabiiciga ah, cudurrada, saameynta argagixisada, dambiyada, rabshadaha iyo dagaallada u dhexeeya maleeshiyo beeleedyada awgood ma awoodi karaan inay ku laabtaan dalkooda,” ayuu yiri xoghaye Mayorkas.

Dadkaasi joogitaanka loo kordhiyey ayaa lagu magacaabaa “in ay haystaan xaalad joogitaan oo kumeel-gaar ah ama Temporary Protected Status (TPS).”

Tallaabadan ayaa u ogolaanaysa ku dhawaad 430 oo qof inay ka faa’iidaystaan oo ay sii joogaan Maraykanka tan iyo Sebtembar 17, 2024, haddii ay buuxiiyaan shuruudaha sharcigan.

Dowladda Mareykanka ayaa lagu wadaa in dhawaan shaacin doonta shuruudaha sharcigaan, ayada oo sharraxaad dheeraad ah ka bixin doonto.

Kadib kacdoonkii Muqdisho, Al-Shabaab oo qaaday tallaabo cabsi galin ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa qaaday tallaabo cabsi galin ah oo ka dhan ah qaar kamid ah shacabkii qeybta ka ahaa Kacdoonkii Muqdisho ee shalay ka qabsoomay garoonka kubadda cagta Injineer Yariisow ee magaalada Muqdisho.

Xubno ka tirsan kooxda ayaa qaraxyo ku weeraray banaan-baxayaashii Khaamiistii ka qeyb-galay Kacdoonka ka dhanka ahaa Al-Shabaab ee loogu magac daray “Daahfurka Kacdoonka Muqdisho iyo Dabar-goynta Khawaarijta”.

Wararka aan helayno ayaa sheegay in qaraxyadaas si gaar ah loogu beegsaday banaan-baxayaashii ka socday degmada Dharkiinleey, waxaana la sheegaya in khasaaraha ka dhashay uu ku kooban yahay dhaawacyo.

Qaraxyada ayaa loo adeegsaday bambaanooyinka gacanta laga tuuro oo Saddex ahaa, kuwaasi oo laba kamid ah lala eegtay gawaari caasiyo ah oo ay saarnaayeen banaan-baxayaasha.

Shacabka ayaa qaraxyadaan lala eegtay xilli ay marayeen Buul-Xubeey iyo Dabakaayo Madow, sidoo kale Bab-gacmeedka saddexaad ayaa lagu weeraray xarunta degmada Dharkiinleey.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in dhaawacyada dadka shacabka ah la geeyay xarumaha caafimaadka, kuwaasi oo lagu dabiibayo xaaladooda caafimaad.

Weerarkaan oo u muuqda kuwa ay Shabaab ku cabsi galineyso shacabkii ka qeyb-galay banaanbaxa loogu magac daray “Kacdoonka Muqdisho iyo Dabar-goynta Khawaarijta,” ayaa dhacay xilli dibad-baxayaasha xaafadahooda ay dib ugu laabanayeen.

Shacabka Muqdisho ayaa shalay muujiyay sida ay uga soo horjeedaan kooxda Al-Shabaab oo dhibaatooyin badan ka geysata caasimada dalka, waxaana kacdoonkan loo arka mid muujinaya “in dagaalka uu marayo meel gaba-gabo ah oo Al-Shabaab la jebiyay.”

Muxuu kacdoonka Muqdisho ka billowday uga dhigan yahay dagaalka Shabaab?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka waxaa ka billowday kacdoon ka dhan ah Al-Shabaab, kaasi oo dadweynaha ku taageerayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, si looga adkaado kooxda.

Kacdoonkan oo qorshihiisa horkacayay maamulka gobolka Banaadir ayaa Khamiistii ka qabsoomay garoonka kubadda cagta Injineer Yariisow ee magaalada Muqdisho, waxaana hal-ku-dhig looga dhigay “Daahfurka Kacdoonka Muqdisho iyo Dabar-goynta Khawaarijta”.

Haddaba, Kacdoonkan ka billowday Muqdisho muxuu uga dhigan yahay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Al-Cadaala oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in kacdoonka ka billowday Muqdisho uu ka dhigan yahay in dagaalka uu marayo meel gaba-gabo ah oo Al-Shabaab la jebiyay, sida uu hadalka u dhigay.

“Banaanbaxa waa mid ay dadka reer Muqdisho ku muujinayaan dareenkooda iyo sida ay uga soo horjeedaan Khawaarijta oo ay doonayaan inay noloshooda uga dhex saaran noloshooda, Khawaarijta oo muddo badan dhibaato ku haysay,” ayuu yiri Wasiir Al-Cadaala.

Waxa uu sheegay in banaanbaxa Khamiistii uu kuwii hore uga duwan yahay in shacabka ay ku muujinayeen garab istaaga dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sida ay u doonayaan in Shabaabka uga ciribtiraan gudaha caasimada, gaar ahaan kuwa ku dhuumanaya guryahooda iyo xaafadahooda, sida uu sheegay.

“Marxalada iyo waqtiga ayaa isbedelay, waxay doonayaan (shacabka Muqdisho) inay doorkooda ka qaataan, waxaana hadda kusoo beegay waa waqtigii ugu munaasibsana ee u arkayeen inay cabsida iska kor qaadan oo ka baxaan. Khawaarijta caqabad ayay ku tahay noloshooda iyo ganacsigooda marka dabarkaas ayay doonayaan inay iska gooyaan dadka reer Muqdisho.”

“Muqdisho waa magaalada hooyada umadda Soomaaliyeed oo waa caasimadii dalka, in dareenka dadkeeda la arko oo muujiyaan waa meesha wax kasta oo la rabo in la suuliyo ay gaba-gabadeeda ka dhacdo. Reer Muqdisho oo kacay waxay direysa farriin ah in kacdoonka uu meel gaba-gabo ah marayo oo la jabiyay Khawaarijta.”

Ugu dambeyntiina waxa uu yiri Al-Cadaala “Muqdisho oo diida Khawaarijta waa iyaga oo dhamaada oo warkooda uu soo gaba-gabooba. Wax walba oo ay magaalada Muqdisho ku dhex haysteen ama dhaqaale iyo isku qarin ahaa ee ku dhuumaaleysanayeen, albaabkoodii ayaa lasoo xiraya.”

“flush out Al-Shabab” – Somali president tells the public

Mogadishu (Caasimada Online) – The President of Somalia, Hassan Sheikh Mohamud, made an impassioned plea on Thursday for the general public to assist in the ongoing battle against the al-Shabab extremist group, which he called “bedbugs.” 

The president made this call to action during a government-organized rally held at a stadium in the capital city of Mogadishu under heavy security.

The rally was held to protest against the al-Qaeda-linked militants and saw large crowds of individuals waving flags and holding placards with anti-al-Shabab messages. 

President Mohamud urged the people of Mogadishu to “flush out” the extremist group, which he stated was hiding among them. 

“They are in your houses, your neighbors, in cars that pass you by,” he said. He also emphasized that military action alone would not be sufficient in defeating the group and that addressing their ideologies and finding ways to counter their recruitment efforts were also crucial.

Al-Shabab has been actively waging an insurgency against Somalia’s fragile internationally-backed central government for the past 15 years. 

The group has carried out attacks both within the country and in neighboring countries that have sent troops to assist in the fight against the militants. 

The president declared an “all-out” war against the militant fighters shortly after he came to office in May last year.

In recent months, the Somali army and local clan militias have retaken large areas of territory in the heart of the country with the support of US airstrikes and an African Union force. 

However, the insurgents have frequently retaliated with bloody attacks, highlighting their ability to strike at the heart of Somali cities and military installations despite the offensive. 

Although forced out of the capital Mogadishu and other main urban centers more than a decade ago, Al-Shabab remains entrenched in parts of rural central and southern Somalia.

The government of Somalia has adopted a multi-faceted approach in its efforts to combat extremist groups that threaten the stability of the UN-backed federal government. 

One key aspect of this strategy is the direct involvement of civilians in the fight against these groups.

In central and southern Somalia, residents have mobilized against al-Shabab, with the famous Macawisley militia leading the charge. The militia has been engaged in battle alongside the Somali National Army (SNA), the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS), and US AFRICOM.

President Mohamud announced that over 500 militants had been eliminated through combined efforts, and several important towns in Somalia had been taken under control by the military. 

The successful operation resulted from the strong partnership between the local population and security forces, which led many militants, mainly young people, to surrender to the government. 

Prime Minister Hamza reported that approximately 2,000 Al-Shabaab fighters had been killed in military operations carried out by the Somali army, with the support of other international partners, since the conflict began four months ago.

Ciidamada DF iyo shacabka oo la wareegay deegaano cusub oo ku yaalla laba gobol

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ayaa lagu soo warramaya in howl-galo ay sameeyeen saacadihii ugu dambeeyay kula wareegeen degaano horleh oo ka tirsan gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Deegaanada ay la wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa waxay kala yihiin degaanada Seego, Xinlabi, Baraag Ciise, Holdooyaale ee gobolka Mudug iyo Qalaanqal, Galxaagare oo Galgaduud ah.

Taliye ku-xigeenka ciidamada xoreynta deegaanka Macalin Cabdikariim oo howl-galka hogaaminayay ayaa sheegay in ay si nabad-gelyo ah Al-Shabaab ugala wareegeen degaanadaasi, ayna hadda ku sugan yihiin ciidamada huwanta.

Sidoo kale waxa uu sheegay in deegaanada ay ka bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo lagu xaqiijinayo amniga, isaga oo xusay inay sii wadi doonaan howl-galada illaa inta laga ciribtirayo Al-Shabaab.

Deegaanadaan ayaa horey waxaa ugu sugnaa kooxda Al-Shabaab oo gacanta ku haysay, waxaana si nabad ah kula wareegay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, kadib markii ay iskaga baxeen dagaal-yahanada Shabaab.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanaya dadka deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda ayaa sidan oo kale shalay Al-Shabaab kala wareegay deegaanka Ceel-bacad oo hoostagta gobolka Shabeellada Dhexe ee dowlad-gobaleedka HirShabelle.

Howl-galada dagaal ee ka dhanka Al-Shabaab ayaa si xowli ah uga socda qeybo kamid ah gobolada dalka, ayada oo kooxda lagu gaarsiiyay jab xoogan, islamarkaana laga qabsaday deegaano horleh oo gacanta kooxda ku jiray sanado badan.

Deegaanada laga xoreeyay Al-Shabaab ee gobolada dalka ayaa waxa dhawaan la geeyay ciidamo Boolis ah oo suga amniga, sida ay sheegtay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Taliyihii booliska Puntland oo shaaciyay xog cusub oo la xiriirta qorshaha Saciid Deni

0

Garoowe (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee ciidanka Booliska Puntland Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi Yare) oo wareysi siiyay warbaahinta guadha ayaa shaaciyay qorshe uu Saciid Deni ku qasbayo saraakiisha ciidanka.

Cali Yare ayaa sheegay in madaxweyne Deni uu isku dayay in uu ku cadaadiyo saraakiisha amaanka meel-marinta doonistiisa gaarka ah, xili ay socdaan doorashooyinka maamulkaasi.

“Dad ka badan 600 qof oo ciidanka Madaxtooyada galbinayaan ayaa la keenay xili ay guddiga kumeel-gaarka ah ee doorashooyinku noo sheegeen in codbixintu ay xirantay oo dadka safka ku jira markaas ma ahane aan cid kale gadaal looga soo dari karin,” ayuu yiir.

Waxa uu sheegay in Saciid Deni oo ururkiisa KAAH looga guuleystay doorashadii saddexda degmo uu xiligaas bixiyay amaro uu ku doonayay in saraakiisha amniga iyo guddiga doorashooyinka ay badalaan natiijada saxda ah ee doorashooyinkaas.

“Laba seejo oo ku yaalla magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar ayaa waxaa u dhacay ciidamo hubeysan oo ka tirsan Madaxtooyada intii ay socotay doorashadii saddexda degmo.”

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Waxaa u sheegnay ciidamada Madaxtooyada in ay meesha isaga baxaan, madaxweynaha (DENI) ayaa isoo waay isaga oo leh hala sii daayo ciidankaas, laakiin waxaa u sheegay in ciidanka madaxtooyadu yihiin ilaaladiisa gaarka ah ee aysan aheyn booliska ka masuulka ah amniga seejooyinka.”

Arrimahan uu shaaciyay Taliyihii hore ee Booliska Puntland ayaa sare usii qaadaya walaaca ay siyaasiyiinta mucaaridka ka qabaan doorashooyinka ka socda maamulkaasi ee lagu sheegay inay yihiin “qof iyo cod”.

Mucaaridka Puntland ayaa dhowr jeer madaxweyne Saciid Deni ku eedeeyay in uu leexiyay hanaankii doorashada, taasi oo ka dhigeysa doorashooyinka qof iyo cod oo la ogyahay inay yihiin kuwa ugu xalaalsan noqdaan kuwa ay hareeyeen musuq-maasuq iyo boob ku qotoma awood sheegasho xukun.

Mareykanka oo $10 milyan dul dhigay madaxa Maxamud Cabdi Aadan oo loo haysto…

0

Nairobi (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa ku dhawaaqay abaal-marin lacageed oo gaareysa 10-milyan oo dollar ciddii keenta xog ku saabsan Maxamuud Cabdi Aadan iyo dadkii kale ee mas’uulka ka ahaa weerarkii hotel DusitD2 ee 2019-kii.

Weerarkaas ayaa sida la ogyahay waxa ku dhintay ugu yaraan 22 qof oo uu ku jiray muwaadin Mareykan ah.

Agaasimaha Waaxda Dembi-baarista ee DCI ee Kenya Amiin Maxamed Ibraahim iyo Safiirka Maraykanka ee dalka Kenya Meg Whitman oo shir jaraa’id oo wadajir ah ku qabtay xarunta Dembi-baarista Kenya ayaa ku dhiira-geliyay dadweynaha inay lasoo xiriiran hay’adaha ammaanka “haddii ay hayaan ama ay helaan xogta iyo muuqaalka” eedeysane Maxamuud Cabdi Aden.

“Waxaan maanta ku dhawaaqayaa abaal-marin lacageed oo dhan 10 milyan oo dollar ciddii keenta xog lagu soo xiro Maxamuud Cabdi Aadan iyo kooxdii ka caawisay ama gacanta ka geysatay weerarkii hotel DusitD2,” ayey tiri safiirka Mareykanka ee Kenya Meg Whitman.

Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkii 15-kii Janaayo, 2019 ee dhismaha hoteelka DusitD2, kaasi oo socday ku dhawaad 20 saacadood, oo ay ku dhinteen ugu yaraaan 22 qof, oo uu ku jiro muwaadin Mareykan ah.

Dowladda Mareykanka ayaa sidan oo kale 5-tii bishaan ku dhawaaqday in 10 milyan oo dollar ugu yaboohday inay siin doonto cid kasta oo keenta xog hoggaamin karta in lasoo xiro ama dambi lagu helo Macallin Ayman, oo ah hoggaamiye sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Ballan-qaadkan oo lagu soo saaray Barnaamijka Abaalmarinta Caddaaladda ee Waaxda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, ayaa sidoo kale abaal-marin doona cid kasta oo keenta xog ku saabsan shaqsi kasta, oo ku lug lahaa, isku dayey, wax ka shiqroolay, gacan ka gaystan ama isku dayey inuu maleego fulinta weerarkii argagixiso ee Janaayo 5, 2020 lagu qadaay shaqaalaha Mareykanka iyo Kenya ee saldhigga Manda Bay Airfield ee dalka Kenya.

Macallin Ayman waa hoggaamiyaha Jaysh Ayman, oo ah unug ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo weeraro argagixiso iyo hawlgallo ka fuliya Kenya iyo Soomaaliya, sida lagu sheegay warbixintan. Waxa uu mas’uul ka ahaa diyaarinta weerarkii Janaayo 2020, sida uu Mareykanka sheegay.

Bishii November 2020, Waaxda Arrimaha Dibeda Mareykanka ayaa Macallin Ayman ku dartay liiska argagixisada caalamiga ah ee SDGT, ayada oo loo marayo Amarka Fulinta (E.O) 13224.

Weerarkan oo dhacay aroor hore, ayaa Al-Shabaab waxay ku dileen askari Mareykanka iyo laba qandaraasle oo u shaqeynayey Waaxda Difaacca Mareykanka, ayaga oo sidoo kalena dhaawacay laba askari oo Mareykan ah iyo laba qandaraasleyaal kale.

Muuqaal xigay weerararka, ayaa afhayeen u hadlay kooxda Al-Shabaab uu ku sheegtay mas’uuliyadda.

Saldhigga Manda Bay Airfield waa qeyb ka mid ah saldhigyada ciidamada difaaca Kenya, oo ay isticmaalaan ciidamada Mareykanka si ay tababaro iyo taageero ka-hortag argagixiso u siiyaan saaxiibadooda Bariga Afrika, ugana jawaabaan xasaradaha, una ilaaliyaan danaha Mareykanka ee gobolka.

Madaxii howl-gallada ee Daacishta Somalia oo la dilay

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Puntland ayaa shaacisay in ay dishay madaxii hawl-gallada Daacish ee gobolka Bari, kaasi oo lagu magacaabi jiray Abu-Albara Al Amani.

War-saxaafadeed kasoo baxay Booliska Puntland ayaa lagu sheegay in Abu-Albara lagu dilay weerar ay habeen hore kooxda Daacish ku soo qaaday saldhiga degmada Bali-dhidiin ee gobolka Bari.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay qoraalka kasoo baxay Booliska in Abu-Albara Al Amani uu ka soo jeeday gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya, islamarkaana Itoobiyaan badan ku khasbay in ay ku biiraan kooxda Daacish faraceeda Soomaaliya.

Bishii July 2021-kii ayaa Abu-Albara loo magacaabay madaxa hawl-galada Daacishta Soomaaliya, kadib markii la dilay madaxii hore ee hawl-galada kooxdaas oo lagu magacaabi jiray Abuu Waliid Al-muhaajir.

Al-muhaajir ayaa u dhintay dhaawac kasoo gaaray hawl-gal ay ciidamada amniga Puntland ka fuliyeen agagaarka buuraleyda Calmiskaad, sida lagu sheegay qoraalka.

“Hawl-galka Ciidanka amniga Puntland ayaa ah mid guul weyn u ah guud ahaan Ummadda reer Puntland iyo kan Soomaaliya,” ayaa lagu yiri ugu dambeyntiina qoraalka kasoo baxay Booliska Puntland.

Weerarka lagu dilay madaxii howl-galada ee ay Daacish ku qaaday saldhiga degmada Bali-dhidiin ayaa la sheegaya in uu ku dhintay hal askari oo ka tirsan Booliska Puntland, ayada oo lasoo warinayo tiro kale oo dhaawac ah.

‘Awoodda ciidan ee Shabaab sida la moodo ma ahan’ – Jeyte oo shaaciyay xog cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa shaaciyay in markii hore uu fikir awood sareysa ka haystay Shabaab ka hor inta uusan la galin dagaalka tooska ah.

Waxa uu sheegay in dagaal-yahanada Shabaab aysan laheyn tababar ciidan iyo xirfad dagaal oo ay ugu babac dhigi karaan dagaal toos ah, hase yeeshe ay xirfadooda u weyn tahay qarax iyo gaadmo.

“Nimanka Shabaab la yiraahdo aniga laftigeyga waa ku qaldana fikirka ka qabay, waxa u haysta niman balo ah oo xeeladaha yaqaan oo bartay qorshe ciidan. Meelahaas ayaa lagu soo tababara iyo waxba la sheegi jiray laakiin ma ah kuwa uu aas-aaskooda dhisan yahay,” ayuu yiri.

“Shabaabka dhan waa fikir iyo qarax, waa falsafad ay dadka ku cadaadinayan, yacni argagax qoorta ayey ka goynayaan oo qofkasta wuxuu ka baqaya si uusan Alle uga baqin. Waxa ku cadeynaya ganacsatada Soomaaliyeed ee lacagaha bixinaysa, sabab? hantidaada ayaa dadkaaga lagu baabinaya.”

Guddoomiye Jeyte ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Shabaab aysan laheyn awood dagaal toos ah ay kula gali karto ciidamada deegaanka, iskaba daa ciidamada millateriga oo ayagu leh tababar sare, sida uu sheegay.

“Ma dhaceyso Shan daqiiqo in jilib dhigaan oo ciidamada Macaawisleyda iskaba daa millateriga, in ay meel god ah galaan oo kasoo xabadeeyaan mooyee, inta banaan yimaadan ma dhici karto inay dagaalamaan.”

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa magac weyn ka sameeyay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, oo uu ka bilaabay gobolka Hiiraan, kaasi oo sababay in kooxda laga saaro qeybo badan oo kamid gobolkaasi.

Sawirro: Xasan oo la kulmay wasiiro maamullada ah oo ay ka maqan tahay Puntland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku qaabilay Madaxtooyada Qaranka, Wasiirrada Maaliyadda ee dowladda federaalka iyo Wasiirada Maaliyadda ee dowlad-goboleedyada, oo ay ka maqan tahay Puntland.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyntii bogaadiyey natiijooyinka ka soo baxay shirkii maalmihii la soo dhaafay magaalada Muqdisho uga socday Wasaarada Maaliyadda iyo Wasaaradaha dowlad-goboleedyada.

Xasan Sheekh ayaa tilmaamay sida ay lagama maarmaan u tahay sare u qaadidda nidaamyada maaliyeed ee dalka si wax looga bedelo nolosha dadka Soomaaliyeed, horumarna loo gaarsiiyo dalka.

Wasiirada ayaa dhankooda soo dhaweeyay howl-galada xoreynta deegannada dalka iyo horumarinta dadaalka loogu jiro horumarinta nidaamka maaliyadeed ee dalka.

Waxaa kulanka kasoo qeyb-galay, Wasiirka Maaliyadda dowladda federaalka Mudane Cilmi Maxamuud Nuur, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Marwo Raaxo Maxamed Janaqoow, Farxaan Cali Maxamuud.

Sidoo kale waxa qeyb ka ahaa; Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Galmudug, Xuseen Xirsi Axmed, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Jubbaland, Axmed Maxamed Xuseen, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Koonfur Galbeed, Cali Cabdulle Nuur, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda HirShabelle, Ciise Maxamud Guure, Guddomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobalka Banaadir.

Puntland oo ayadu dhawaan ku dhawaaqday inay u dhaqmeyso sidii dowlad madax-banaan, ayaa shirka Wasiirada Maaliyada dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada kasoo qeyb-galin, kaasi oo ka qabsoomay magaalada Muqdisho.

Imisa dal ayey SOMALIA uga sare martay liiska cusub ee awoodda militeriga caalamka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkadda daraaseysa arrimaha militeriga ayaa soo saartay liiska cusub ee sanadkan ay ku qiimeysay awoodda militeriga ee waddamada caalamka. Soomaaliya ayaa soo gashay boos ka duwan kii ay ku jirtay dhowrkii sano ee lasoo dhaafay.

Warbixinta shirkadda Globalfirepower waxay ku saleysan tahay xogta la heli karo ee dalalka ay u kuur gashay.

Bogga ay internet-ka ku leedahay shirkaddan ayaa dhawaan lagu sheegay in ilaa 60 arrimood loo cusaday soo saarista natiijada ugu dambeysa ee lagu soo bandhigo sida ay dalalka ugu kala awood badan yihiin dhinaca militeriga.

Isbeddel aad u weyn ayaa ka muuqda kaalmaha ugu sarreeya ee liiska iyadoo sida guud ay waddamo badan sameeyeen horumar halka qaar kalena ay hoos u dhaceen.

Tobanka waddan ee ugu sarreeya ayaa ka duwan kuwii liiska soo galay sanadkii lasoo dhaafay ee 2022.

Tobanka dal ee ugu awoodda badan caalamka

Marka laga soo tago afarta dal ee sanad walba haya hoggaanka (Mareykanka, Ruushka, Shiinaha, Hindiya), waxaa 2023-ka waxaa hoos u dhacay Japan oo soo gashay kaalinta 9-aad, iyadoo sanadkii hore ku jirtay kaalinta 4-aad.

Pakistan oo booska 9-aad kasoo dallacday ayaa hadda ku jirta booska 7-aad oo ay ka baxsatay Faransiiska. Sidoo kale waxaa xusid mudan in Ingiriiska oo sanadkii hore ku jiray kaalinta 8-aad uu hadda sare ugu soo kacay kaalinta 5-aad.

Liiskan cusub ayey dalalka ugu sarreeya isugu xigaan sidan:

  • Mareykanka
  • Ruushka
  • Shiinaha
  • Hindiya
  • Ingiriiska
  • Kuuriyada Koonfureed
  • Pakistan
  • Japan
  • Faransiiska
  • Talyaaniga

Turkiga oo 2022-kii ku jiray kaalinta 13-aad ayaa sanadkan sameeyay horumar aan sidaas usii weyneyn, waxa uuna soo galay kaalinta 11-aad.

Isku darka 145 waddan ayaa lagu soo bandhigay liiskan oo lasoo saaro billowga sanad walba.

Soomaaliya

Sannadihii lasoo dhaafay Soomaaliya waxay ahayd dalka militeri ahaan ugu awoodda yar qaaradda Afrika. Kosovo iyo Iceland oo keliya ayaa ka hooseeyay dhinaca dunida.

Inkastoo ay labadii dal ee ka awoodda yaraa Soomaaliya (Iceland iyo Kosovo), ka sare mareen sanadkan waxaa jira dhowr waddan oo hadda hoos u dhacay ayna ka horreyso Soomaaliy, sida ka muuqata liiska.

Saddex dal oo ay hoggaamineyso Soomaaliya ayaa kala ah Maldova oo ku yaalla qaaradda Yurub, Benin oo ku yaalla Galbeedka Afrika iyo Bhutan oo ku yaalla Koonfurta qaaradda Aasiya.

Soomaaliya ayaa booska 142-aad uga jirta liiska, celcelis ahaanna waxay sanadkan sameysay hoos u dhac marka la eego dalalkii ka hooseeyay ee ka sare maray hadda.

Awoodda militeri ee Soomaaliya

Sida ku xusan warbixinta uu diyaariyay wargeyska Global FirePower, tirada shacabka Soomaaliya qiyaas ahaan waa 12,368,248.

Tirada dadka ku biiri kara ciidamada waxaa lagu qiyaasay 2,848,837 ruux, oo u dhigma 24.0%, oo ka mid ah shacabka guud.

1,709,302 oo qof ayaa awood buuxda u leh inay ka mid noqdaan ciidanka.

Sanad kasta tirada dadka ay da’dooda soo gaadho heer ay ciidanka ku biiraan waa 123,862 qof.

Tirada ciidanka milatariga Soomaaliya ee hadda shaqeeya waa qiyaastii 17,500 oo askari, sida lagu xusay warbixinta wargeyska Global FirePower. Ma jiro ciidan keyd u ah milatariga Soomaaliya.

Isha: BBC

Magaalo SOOMAALIYA ka mid ah oo wajaheysa laba halisood, qarkana u saaran in…

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa wajaheysa laba halisood, kuwaasi oo kala ah; argagixisada go’doomisay deegaanadeeda iyo dhibaato kale oo dhanka gaajada ah, ayada oo Soomaaliya ay mareyso xili roobaadkii 5-aad oo xiriir ah oo roob la waayay.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Diini Cabdi Nuur ayaa sheegay in magaalada ay ku hareereysan yihiin dhinac walba dagaalameyaasha Al-Shabaab.

Maleeshiyaada ayaa waxay ku sugan yihiin qiyaastii meel 20km ah jiho kasta, waxaana lasoo warinaya in laga yaabo inay jirto hal waddo oo amaan ah oo magaalada soo gasha.

Baydhabo ayaa sidoo kale sanadihii dambe aheyd magaalada qaabisha barakacayaashi ugu badan, taasi oo sare usii qaadaya cabsida laga qabo xaalada cuno-yari ee maamulkaasi laga soo sheegayo.

Sanadihii lasoo dhaafay, boqolaal kun oo qof oo barakacayaal ah ayaa ku qul-qulayay magaalada, halka qaarkood ay si kumeel-gaar ah u yimaadaan, sida abaartii 2017-kii, qaar kalena waxay ku jiraan waqti dheer, iyagoo leh majiraan wax ay dib ugu noqdaan.

Dhinaca kale, waxaa la sheegaya in tiro u dhaxeysa 160,000 illaa 300,000 oo ah tirada dadka barokacay ee la rumeysan yahay ay gaadhen magaalada Baydhabo tan iyo marki ay abaartii ugu dambeysay bilaawday.

Tirooyinkan ayaa waxay cadeynayaan in magaalada ay sii koreyso hase ahaate uusan jirin qorshe wax loogu qabanayo dadweynaha.

Halka uu ku dambeyn doono mustaqbalka Macaawisley kadib dagaalka Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Macaawisley waa mid kamid ah magac kooxeedyada dhawaan galka ku ah saaxada Soomaalida, wuxuuna dhinaca kale magacan huwan yahay dareen gobanimo oo ah ka dhiidhinta dulmiga, dabar-goynta iyo dhibaatada maalinlaha ah ee kooxda Al-Shabaab ku hayso dadka Soomaaliyeed ee ku nool gobolada ka fog caasimadda.

Ciidan dareenkooda adeejiyay, hubkooda la yimid, saanadooda ajnebi aan u daba fadhiisan rabana inay deegaankooda xornimo ku helaan ayaa ah sida ugu fudud ee loo qeexo kooxda la yiraahdo Macawaasiley oo si weyn caan uga ah gobolada Shabeellaha Dhexe, Hiiraan iyo Galgaduud.

Tan iyo markii ay Al-Shabaab fooda dareen, ciidanka Macaawisleyda waxay haystaan natiijo wax ku ool ah oo halka dagaalka ah.

Kooxda Al-Shabaab waxaa soo gaaray jabkii u weyna tan iyo markii Soomaalida ay u bareertay fikirkooda hubeysan, Macawaasileyda waa astaan ka turjumeysa inay shacabka Soomaaliyeed diideen inay lasii noolaadaan fikirka Al-Shabaab.

Inkasta oo uusan weli dhamaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, ayaa haddana waxa jirta su’aal marar badan soo noq-noqotay, taas oo ah halkee ku dambeyn doonaan mustaqbalka ciidanka Macaawisleyda markii la gaaro natiijada qoriga ay u qaateen oo ah in laga adkaado Al-Shabaab.

Dadka qaarkii waxay muujinayeen walaac ku saabsan in berri ciidanka ay culeys ku noqon karaan amniga iyo dowladnimada Soomaaliya, laakiin ugu dambeyn arrintaas waxa ka jawaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre.

Xamza oo wareysi uu dhawaan bixiyay lagu weydiiyay halka ay ku dambeyn doonaan ciidankan oo hadda door wax ku ool ah ka qaadanaya inay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ka adkaato kooxaha argagixisada, ayaa sheegay inay qeyb ka noqon doonaan hay’addaha amniga.

“Dadkaas marka uu deegaankooda xoroobo laba ayey u kala baxayaan, Dad ka gadooday nimankaas Khawaarijta ah dulmiga iyo dhiiga ay daadinayaan oo dabadeed sidaas dagaalka ku galay waxay dadkaas ku noqonayaan guryahooda iyo beerahooda iyaga oo xor ah oo sharaf iyo karaamo leh,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

“Dhalinyarada kale ee soo harta waxay ka mid noqoneysa hay’addaha amniga, booliska, nabad-sugida iyo millateriga. Cidii kale ee her federaal ah hadii ay u baahan yihiina waxay noqon doonaan heer-dowlad goboleed oo waa lagu soo dhaweyn doona hay’addaha amniga.”

Magaalada XUDUR oo weli go’doon ugu jirta Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Xudur ee gobolka Bakool ayaa weli waxay ku jirta go’doon, gadiidka kaliya ee xilligaan lagu tagi karo magaaladaasi ayaa ah diyaaradaha.

Maciishada iyo agabyada kale ee daruuriga ah oo looga daabulo gobolada kale ee dalka ayaa waxaa magaalada geeya diyaaradaha, ayada oo xiligaan laga deyrinayo xaalada Xudur oo kasii dareysa.

Guddoomiyaha degmada Xudur Cumar Cabdilaahi Maxamuud oo la hadlay VOA ayaa sheegay in magaalada ay ku jirto go’doon sanado badan, balse ay xiligaan ugu sii daran tahay maadama ay jiraan abaaro baahsan.

“Degmada gudaheeda degmooyin kale oo nimankii Khawaarijta ay galeen oo laga soo qixiyay shacabkii, maamulkii iyo shacabkiiba Xudur ayay ku sugan yihiin. Waxay la ciir-ciiraysay dadkii oo aad u badan, bulshadii hore ee ku sugneyd iyo kuwa badan oo kusoo darsamay iyo qaar abaaro soo qixiyeen ayaa magaalada buux dhaafiyay,” ayuu yiri.

“Caqabada u weyn ee jirta waxa waaye wadada xiran, dhinaca kaliya ee wax uga imaanayaan waa dhanka Airport-ka oo diyaarado ayaa wax loogu keena. Bariiska, baastada, khudaarta iyo wixii yaryarka xataa diyaarad ayaa lagu keena, intaas dhan waxa sababay waxa waaye wado kale oo u furan majirto.”

Sidoo kale waxa uu been abuur ku tilmaamay warar maalmihii dambe soo baxayay oo sheegayay in uu xiran yahay garoonka diyaaradaha ee Xudur, kaasi oo ah marinka kaliya ee bulshada magaaladaasi wax loo soo mariyo.

“Diyaaradaha alaabaha keenayay gaab kuma jirin ee laakiin flight-kii rakaabka ayuu gaab ku yimid oo diyaaradii la waayay, marka diyaarad ayaa la’layahay iyo waxaas sax ma aha,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay guddoomiyaha degmada Xudur.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in maamulka Koonfur Galbeed uu qorsheynayo in howl-galo ka bilaabaan gobolka Bakool, si shacabka u helaan fursad ay ku noolaan karaan nabad, uuna ganacsigooda waddooyinka ugu imaan lahaa.

Magaalada Xudur ee gobolka Bakool ayaa muddo ku dhow 10 sano ku jirta go’doon, hase yeeshe xilligaan ayaa si weyn looga deyrinayaa xaalada ka jirta magaaladaasi, ayada oo gobolada dalka uu ka socdo dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

Madax-banaanida ay ku dhawaaqday Puntland ma la mid tahay midda Somaliland?

0

Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Puntland ayaa Isniintii ku dhawaaqay in hadda kadib uu u dhaqmi doono sidii dawlad madax-banaan oo kale, inta laga dhammaystirayo dastuurka kumeel-gaarka ah ee Soomaaliya.

“Inta laga dhammeystirayo wada-xaajoodyada dowladda federaalka iyo dowladda Puntland, wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dowladda Puntland waxay dhiggooda dowladda federaalka ah kaliya kala xaajoon karaan wada shaqeynta mashaariicda horumarineed iyo kuwa bini’aadantinimo iyadoo la illaalinayo madax-bannaanida awoodaha fulineed ee hay’adaha dowladda Puntland,” ayaa lagu yiri qoraal dheer oo kasoo baxay maamulka Puntland.

War-saxaafadeedka kasoo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in qodobka 142 ee dastuurka federaalka uu waafaqsan yahay qodobka 4-aad ee dastuurka Puntland farqadiisa 3-aad uu Puntland xuquuq u siinayo inay u dhaqanto sidii dawlad madax-bannaan.

Haddaba, dhawaaqan kasoo yeeray Puntland ma lamid yahay midka ay soddan sano ka hor wadadiisa qaaday Somaliland?

Marka indho kale lagu fiiriyo bayaanka kasoo baxay Puntland, waxa uu meesha ka saaraya in maamulka Deni uu xiligaan rabo madax-banaani (gooni isu-taag) lamid ah midka ay Somaliland ku doodeysay 30-ka sanno.

Bayaanka kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa waxa loo adeegsaday “Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed” taasi oo weli muujineysa in mowqifkoodan uu yahay xod-xodasho siyaasadeed iyo gorgortan cusub oo maamulka Saciid Cabdullaahi Deni uu ka leeyahay rabitaano ku xadidan doonis gaar ah.

Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxay fallan-qeeyayaasha qaarkood qabaan in uu mowqifkaan cusub ku cadaadinayo madaxda dowladda federaalka, oo shirkii u dambeeyay ee ay yeesheen ku kala kacay.

Marka la eego dalabaadka Saciid Deni ee kasoo laabashada mowqifkaan cusub waa mid sii cadeynaysa in rabitaankan uusan laheyn qorshe iyo aragti fog toona.

Puntland ayaa weli illaalinaysa midnimada iyo Qaranimada Soomaaliya, sida lagu sheegay bayaankii Isniitna, waxayna diyaar u tahay inay xoojiso doorkeeda dowlad dhiska hannaanka federaalka Soomaaliya, ayada oo ka duulaysa xaaladda amni iyo siyaasadeed ee dalka.

Kaarka dowladnimada Puntland iyo in si madax-banaan u dhaqmi karto waa mid ay dhowr jeer hore usoo xoqdeen madaxdii ka horeysay Saciid Cabdullaahi Deni, kuwaasi oo xiligaasi uu khilaaf soo kala dhex galay dowladda dhexe.

Dowladda federaalka ayaa sidoo kale arrintaan fahamsan, ayada oo madaxdeedu ka dhawaajisay in ay ku wajahi doonaan wada-hadal, si looga gaaro is-faham arrimaha ay tabanayaan madaxda maamulka Puntland.

Daawo: Kacdoonka shacabka Muqdisho oo si rasmi ah u billowday maanta + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Banaanbax billow ah “Kacdoonka Shacabka Muqdisho” ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo uu iclaamiyey madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka dhacay garoonka kubadda cagta Injineer Yariisow ee magaalada caasimada ah. 

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay bannaan-baxa ay bulshada Caasimadda Muqdisho ay kaga soo horjeedaan argagixisada Al-Shabaab ayaa xusay gumaadkii iyo mahadhooyinkii ay khawaarijtu u geysteen shacabka Soomaaliyeed. 

Madaxweynaha ayaa tilmaamay qaraxyadii Hotel Shaamoow, Hargaha iyo Saamaha, Soobbe1 iyo Soobbe 2, Ex-afgooye iyo gumaad-wadeerdyo badan oo argagixisadu ay ku gumaadeen arday, culimmo, haween, dhakhaatiir iyo haldoor badan oo Soomaaliyeed oo waxtar u lahaa dalkeenna. 

“Shabaab waa Kalluun ay biyihii ka gureen, waxa ay ku dhex dhuumanayeen shacabka Soomaaliyeed, iyagiina waa diideen oo intaas ka badan uma dulqaadan karaan gumaad, baad iyo cabburin. Nimankan Alshabaab ah ilaa aad iska dhiciso kuuma arkayaan dad in aad tahay ee waxay kuu haystaan badeecad yar oo iyagu leeyihiin in aad tahay,” ayuu yiri madaxweynaha. 

“Kuwa lacaga baadda ah siiya Khawaarijta cudur-daar malahan. Dowladdu dhawaan waxa ay soo bandhigidoontaa Xisaabaad badan oo Khawaarijta dhaqaale loogu dirayay, Taleefanno badan oo lacag looga xawilay iyo Tallaabooyin kale oo loo qaaday dagaalka ka dhanka Dhaqaalaha Khawaarijta,” ayuu yiri. 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dul istaagay duruufaha amni ee u gaarka ah Caasimadda Muqdisho iyo dadaalka dowladdu ay ku bixinayso sidii ay nabad iyo xasillooni ugu noolaan lahaayeen bulshada caasimadda ayaa ku boorriyey baraarugga ay muujiyeen ee ka dhan ah argagixisada Al-Shabaab iyo garab istaagga halganka xoreynta dalka.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo dadka Caasimadda in ay la shaqeeyaan laamaha amniga, soona gudbiyaan xogta argagixisada ku dhex dhuumaaleysanaysa guryahooda iyo ganacsiyadooda, si looga hortago gumaadka iyo falalka arxan darrada ah ee khawaarijtu ay soo maleegayaan.

Puntland iyo gooni u dhaqan siyaasadeed: Afar arrin oo wiiqaya dhawaaqii Isniinta

0

Garoowe (Caasimada Online) – Hogaamiyaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Isniintii sii daayay farriin u muuqatay in uu kab u raadinayo qorshihiisa dib u doorashada.

Farriintan oo hoos u dhigeysa cilaaqaadka, wada-shaqeynta, hoos-jooga iyo wax walba oo Puntland la leedahay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku soo aaday Afar sanno guurada muddo xileedka Saciid Cabdullaahi Deni, kaas oo ka fikiraya in uu markale kusoo laabto xafiiska.

Reer Puntland oo aanay dood badan ku jirin inay gundhig iyo tiir u yihiin nidaamka federaalka ee Soomaaliya, waxay dhinaca kale shacabkeeda fahamsan yihiin waxay shaqsiyan Saciid Deni iyo Xasan Sheekh isku hayay afartii sanno ee lasoo dhaafay iyo waxa hadda kala waday.

Majirto diidmo, naceyb iyo dood banaanka taalla oo u dhaxeysa labada nidaam ee federaalka iyo Puntland ama xitaa labada Dastuur, laakiin si aan qarsooneyn ayaa loola socda xaalka Saciid Deni iyo Xasan Sheekh, tii oo ay tahay caado soo jireen ah rafashada hogaamiye walba oo muddo xileedkiisu dhamaad yahay.

Warbixintan waxaa dib ugu eegayna inta jeer ee 10-kii sanno ee lasoo dhaafay madaxda Puntland ay ku dhawaaqeen inay jareen xiriirkii dowladda dhexe, taas oo u dhigan gooni u dhaqan siyaasadeed.

Bishii August 2013: Nidaamkii Puntland ee uu hormuudka u ahaa Cabdiraxmaan Faroole wuxuu sheegay inay xiriirka u jareen dowladda federaalka, waxay sabab uga dhigeen arrimo Dastuur.

Bishii July 2014: Puntland waxay ku dhawaaqday inay joojisay wada-shaqeyntii iyo cilaaqaadkii dowladda federaalka. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo xiligaas si aan qarsooneyn u diiday dhismaha maamulka Galmudug ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay inay joojiyeen wada-shaqeyntii Muqdisho, maadama uu sharci darro u arkayay dhismaha maamulka Galmudug oo xiligaas ay go’aamisay dowladdii federaalka.

Bishii May 2019: Saciid Cabdullaahi Deni iyo maamulkiisa ayaa xiriirka u jaray dowladdii madaxweyne Farmaajo. Isniintii waa markii afaraad oo ay madaxda maamulka Puntland ku dhawaaqan wax u eeg “doonista kali noqosho ama u noolaanshaha si ka madax banaan dowladda dhexe ee Soomaaliya.”

Haddaba, dadku waxay isweydiinayaan sababta aanay dhamaan arrimahaas u shaqeynin middaan cusubna ay culeys badan u laheyn;

1. Puntland ma aadi karto gooni isku taag ama inay u noolaato si ka madax-banaan dowladda federaalka: Waxaa tusaale ugu filan maamulka Somaliland oo ka dimuqraadiyeysan siyaasad ahaan, kana xasiloon amni ahaan haddana waayay cid 30 sanno albaabka ka furta mashruucooda gooni isku taagga.

2. Dagaal siyaasadeedka Puntland oo sii socon waaya marwalba: Inta badan madaxda Puntland ee abuura mowjadaha dagaal ee dowladda dhexe waxba uma shaqeeeyaan, sababta oo ah Muqdisho lama goos-goosato maamulada, wax walba oo aan helin jawaab ama falcelin siima socon karaan.

3. Maamulada kale oo marnaba garab istaagin Puntland: Inta badan tallaabooyinka halka nooc ah ee Puntland ma helaan taageero ka timaada maamul goboleedyada kale, sababta oo ah waxa loo arka in maamulada kale doodaha Puntland u arkaan sad-bursi.

4. Shacabka Puntland: Inta badan go’aamada noocaan ah ee kasoo baxa madaxda Puntland ma helaan taageero shacab, sababta aanay shacabka u dhiira-gelin tallaabooyinka noocaan ah waa inay u arkaan dano siyaasadeed oo gaar ah oo uu leeyahay qofka markaas xukunka haysta.

Qoddobadaan, dhacdooyinka halka nooca ah iyo naatiijooyinka hore loo soo arkay ayaa si weyn hoos ugu dhigaya farriinta Saciid Cabdullaahi Deni ka timid maalintii Isniintii.

Sawirro: Golaha wasiirada oo qaaday tallaabo la xiriirta cunaqabateynta hubka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya oo maanta ka qabsoomay xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah, ayada oo Goluhuna ay meel-mariyeed hindise sharciyeedyo muhiim ah, waxayna sidoo kale guddi gaar ah u xil-saareen cunaqabateynta hubka ee weli saaran Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa guddoomiyay Ku-simaha Ra’iiisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayada oo ay joogeen inta badan Golaha.

Ugu horreyn xubnaha Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa todobaadkan ansixiyey Hindise Sharciyeedyada kala ah, Dhiirigelinta Maalgashiga, Hindise Sharciyeedka Hey’adda Xisaabiyaasha Soomaaliyeed iyo Hindise Sharciyeedka Dhismaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliyeed.

Sidoo kale xubnaha Golaha ayaa loo qeybiyey Hindise Sharciyeedka Daawada iyo Badqabka Cunnada Soomaaliya iyo Hindise Sharciyeedka Dhowrista Maalgashadayaasha iyo Maalgashiyada, si ay usoo aqriyaan, kadibna ay wax ku daraan, si loo ansixiyo.

Inta uu shirka socday sidoo kale Golaha Wasiirada ayaa guddi gaar ah u saaray xaqiijinta ka saarista Soomaaliya cunaqabateynta hubka oo markale dhowaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobe  ay ku kordhiyeen Soomaaliya oo haatan la dagaalameysa Al-Shabaab.

Golaha ayaa sidoo kale warbixin ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga oo ka warbixiyay howolgalladii ugu dambeeyay ka dhacay dalka, gaar ahaan meelaha ay marayaan dadaallada xoreynta dalka ee haatan ka socdo gobollada.

Ugu dambeyn Golaha ayaa boggaadiyey guulaha isdaba joogaa  ee laga gaaray howlgallada xoreynta ee ka socda qaar kamid ah gobollada dalka, kaas oo lagu jebiyay Al-Shabaab.

Shirka wuxuu todobaadkan kusoo aadayo, ayada oo haatan uu ra’iisul wasaare Xamza booqasho ku joogo magaalada Qaahira ee dalka Masar, safarkaas oo ay ku welinayaan wasiiro ay ka mid yihiin Arrimaha Dibadda, Waxbarashada iyo sidoo kale Warfaafinta.

Rag hubeysan oo lagu soo qabtay howlgal ka dhacay Muqdisho + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online)  – Ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka ah ee  Soomaaliya ayaa maanta gacanta kusoo dhigay rag hubeysan, kadib howlgal qorsheysan oo ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan gudaha degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.

Howlgalkan ayaa waxaa lagu soo qabtay illaa afar nin oo ahaa burcad, kuwaas oo dhac ka geysanayey degmada Heliwaa, sida uu shaaciyay Booliska gobolka Banaadir.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in eedeysanayaasha xilliga lasoo qabanayey ay ku howlanaayeen falal amni darro ah, isla-markaana ay dhibaateynayeen shacabka.

Magacyada afarta nin oo loo soo bandhigay warbaahinta ayaa waxaa lagu kala sheegay 1-Maxamed Cabdi Axmed, 2-Maxamed Xasan Cumar, 3-Axmed Maxamed Maxamuudiyo 4- Cilmi Xaaji Hilowle.

“Kooxdaan oo ka kooban afar ruux rag ah sida idiin muuqata ayaa xiliga lasoo qabanayay ku jiray falal lidi ku ah Amniga Bulshada, waxaana sidookale lagu soo qabtay hubkoodii ay wateen oo ay ku dhici jireen Shacabka caasimada, iyadoona xili la qabanayay xabado ku furay ciidanka Amaanka ee Howgalka ku jiraym” ayaa lagu yiri qoraalka Booliska.

Sidoo kale wuxuu talisku sheegay in raggan la horgeyn doono maxkamad, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

“Eedeeysanyaashan ayaana la hor geenayaa Hey’adaha kale ee garsoorka si looga qaado tilaabo Sharciga waa faqsan,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Booliska gobolka.

Ugu dambeyn ciidamada Booliska ayaa u mahadceliyay dadka deegaanka oo ay sheegeen inay lasoo wadaageen xogta ragga hubeysan ee lasoo qabtay.

Muddooyinkii u dambeeyay ciidamada dowladda ayaa kordhiyay howlgallada lagu sugayo amniga magaalada Muqdisho, si looga hortago falalka ammaan darrida ah.

 

 

Hadal heyn ka dhalatay arrin ay sameeyeen shaqaalaha wasaaradda gaashaandhiga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ayada oo haatan uu magaalada caasimada ah ee Muqdisho ka socdo dibad-bax ballaaran oo lagu taageerayo kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka curtay dalka ayaa waxaa hadal heyn ka dhalatay arrin ay sameeyeen shaqaalaha ka howlgala Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Soomaaliya.

Dibad-baxaan ayaa waxaa ka qayb-galaya shaqaalaha kala duwan ee hay’adaha dowladda, qaar ka mid ah shacabka Muqdisho, si taageero loogu muujiyey ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee kooxda Al-Shabaab kula dagaalamayo gobollada dalka.

Shaqaalaha Wasaaradda oo tegay goobta uu ka dhacayo banaan-baxa oo ah Garoonka ENG Yariisow ayaa afka soo duubtay si ay isu qariyaan taas oo ay ka falceliyeen dad kala duwan oo ay ku jiraan siyaasiin caan ah oo tilmaamay arrin fuleynimo ay tahay tallabadaasi.

Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) oo horey usoo noqday guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir ayaa su’aallo ka keenay arrinta ay sameeyeen shaqaalaha Gaashaan-dhigga, isaga oo sheegay in Wasaaradda laga rabay inay hormuud u noqoto kacodoonka.

“Tani waa fuxshi iyo fulaynimo waana musiibo kale. Sidee wasaaradda gaashaandhigga oo tan xoreeynta dalka u xilsaaran ay shaqaalaheedu gafuurka u duuban karaan? Runtii tani waa fulaynimo liidata,” ayuu yiri Cali Cali oo war qoraal soo dhigay Facebook-giisa.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in aysan jirin meel dhexe oo laga istaagi karo dagaalka haatan lagula jiro kooxda Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

“Maanta ma jirto meel dhexe oo la istaago intaan aan isla fahamno,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Dhanka kale waxaa arrintan ka falceliyay qaar kamid ah dadweynaha Soomaliyeed ee isticmaala baraha bulshada, kuwaas oo aragtiyo ka dhiibtay arrintaan.

“Haddii aad adigu ciidan haysato iyagu ma hystaan haddii aad buruuf ku socoto iyagu cagahooda ayey maalaan ee yaa amnigooda damaanad qaadaya? kuwii madaxtooyada ku jiray baa baxsan waayay” ayuu yiri Maxamed Cabdiraxmaan.

“Ayaga hadee saas sameeyeen anna qolkega ma seexdiyoo?” ayey tiri Niishaa Xuseen oo ka falcelisay arrintan.

“Beerka caaro idin goysay war wuxu fuleysanaa?” ayuu isna yiri wiil kale oo la yiraahdo Shiine Cadde.

“Wasaarad aan shaqaalaheedu xor ahayn goorme shacab soo baxa ka yeelayaan?” ayuu yiri Cali Quusiye