31.9 C
Mogadishu
Monday, May 11, 2026

Hadal heyn ka dhalatay arrin ay sameeyeen shaqaalaha wasaaradda gaashaandhiga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ayada oo haatan uu magaalada caasimada ah ee Muqdisho ka socdo dibad-bax ballaaran oo lagu taageerayo kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka curtay dalka ayaa waxaa hadal heyn ka dhalatay arrin ay sameeyeen shaqaalaha ka howlgala Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Soomaaliya.

Dibad-baxaan ayaa waxaa ka qayb-galaya shaqaalaha kala duwan ee hay’adaha dowladda, qaar ka mid ah shacabka Muqdisho, si taageero loogu muujiyey ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee kooxda Al-Shabaab kula dagaalamayo gobollada dalka.

Shaqaalaha Wasaaradda oo tegay goobta uu ka dhacayo banaan-baxa oo ah Garoonka ENG Yariisow ayaa afka soo duubtay si ay isu qariyaan taas oo ay ka falceliyeen dad kala duwan oo ay ku jiraan siyaasiin caan ah oo tilmaamay arrin fuleynimo ay tahay tallabadaasi.

Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) oo horey usoo noqday guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir ayaa su’aallo ka keenay arrinta ay sameeyeen shaqaalaha Gaashaan-dhigga, isaga oo sheegay in Wasaaradda laga rabay inay hormuud u noqoto kacodoonka.

“Tani waa fuxshi iyo fulaynimo waana musiibo kale. Sidee wasaaradda gaashaandhigga oo tan xoreeynta dalka u xilsaaran ay shaqaalaheedu gafuurka u duuban karaan? Runtii tani waa fulaynimo liidata,” ayuu yiri Cali Cali oo war qoraal soo dhigay Facebook-giisa.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in aysan jirin meel dhexe oo laga istaagi karo dagaalka haatan lagula jiro kooxda Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

“Maanta ma jirto meel dhexe oo la istaago intaan aan isla fahamno,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Dhanka kale waxaa arrintan ka falceliyay qaar kamid ah dadweynaha Soomaliyeed ee isticmaala baraha bulshada, kuwaas oo aragtiyo ka dhiibtay arrintaan.

“Haddii aad adigu ciidan haysato iyagu ma hystaan haddii aad buruuf ku socoto iyagu cagahooda ayey maalaan ee yaa amnigooda damaanad qaadaya? kuwii madaxtooyada ku jiray baa baxsan waayay” ayuu yiri Maxamed Cabdiraxmaan.

“Ayaga hadee saas sameeyeen anna qolkega ma seexdiyoo?” ayey tiri Niishaa Xuseen oo ka falcelisay arrintan.

“Beerka caaro idin goysay war wuxu fuleysanaa?” ayuu isna yiri wiil kale oo la yiraahdo Shiine Cadde.

“Wasaarad aan shaqaalaheedu xor ahayn goorme shacab soo baxa ka yeelayaan?” ayuu yiri Cali Quusiye

 

Somalia disrupts Al-Shabab finances, closes 250 bank accounts

Mogadishu (Caasimada Online) – In a significant victory against Al-Shabab militants, the Somali government has closed down over 250 known bank accounts and 70 mobile money transfer firms linked to the group, according to Prime Minister Hamza Abdi Barre. 

“The government has closed down about 250 accounts linked with the militants in four banks and the network and the data services of about 70 mobile phones the militants were using to transfer money,” Barre told a gathering of Somali diaspora members in Cairo. 

Barre said that the closures were made possible due to tips from Somali citizens and that the government is currently investigating the amount of money frozen in the closed accounts.

The Prime Minister said the government had closed every known account connected with the militants. He also noted that Somali security forces had arrested individuals carrying money to al-Shabab financial offices.

Al-Shabab, designated as a terrorist organization by the United States and other countries, has long funded itself by extorting businesses and collecting taxes in areas under its control. 

However, with the support of local clan fighters and international partners, the Somali government has made significant strides in recent months to weaken the group’s hold on power.

Somali President Hassan Sheikh Mohamud declared a “total war” against the al-Qaida-linked militants shortly after being elected last year.

According to Barre, the government’s efforts have resulted in the deaths of over 2,000 Al-Shabab fighters. However, this figure could not be independently verified.

The United States Treasury Department has also taken action against the group, imposing sanctions on four senior leaders and five operatives in October 2022. 

The Treasury stated that the targeted individuals were crucial players in a network responsible for raising money, recruiting fighters, and procuring weapons for Al-Shabab. 

The U.S. claimed that the smuggling network was taking in money from different sources, including NGOs, helping al-Shabab generate an estimated $100 million per year, which helped grow the terror group’s size and capabilities. 

A report by the Mogadishu-based security think tank, the Hiraal Institute, estimates that about a quarter of that money, or some $24 million, is spent on weapons alone.

In addition to the closures of financial institutions and the arrests of individuals carrying money to al-Shabab financial offices, the Somali government’s efforts to disrupt Al-Shabab’s finances have also included targeting the group’s sources of income.

One of the primary sources of revenue for Al-Shabab is through extorting businesses and collecting taxes in areas under its control. 

The group has also been known to smuggle charcoal and other goods and to engage in illegal fishing in Somali waters, all of which generate significant revenue for the group.

The government’s efforts to shut down the financial networks of al-Shabab have been met with resistance, as the group has continued its attacks since President Mohamud was elected, including two attacks in the central region of Hiran that killed over 43 people in two days.

The group also claimed responsibility for a twin car bombing in Mogadishu in October 2022 that killed at least 120 people.

Sarkaal ciidan oo Muqdisho soo gelin jiray qarxayada Al-Shabaab oo dil lagu xukumay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku ridday Kabtan Shariif Maxamed Barkhadle (Ayaanle), kaas oo lagu helay in uu si hoose ula shaqeyn jiray kooxda Al-Shabaab.

Ninkan ayaa ka soo mid ahaa Ciidamada Xoogga illaa Dowladdii Cabdiqaasim Salaad Xasan, waxaan uu ka gaaray Darajada Kabtan, isaga sidoo kale soo noqday taliye Urur oo la soo shaqeeyay General Cabdikariim Yuusuf Adan (Dhaga-badan) Abaanduulihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo uu xittaa noqday Darawalkiisa gaarka ahaa.

Ayaanle ayaa waxaa lagu helay dambi ah in gawaarida qaraxyada uu Al-Shabaab usoo gelin jiray Muqdisho, isaga oo baabuurtaas dhigay dhowr goobood oo ganacsi sida, Village Hotel and Restaurant Afar, Tobankii January 2019, Baar Italia agagaarka Mall-ka Xamar-weyne February 4-teedii 2019-kii, Maqaayadda Cagaweyne Ex Bilsan Restaurant 28 March 2019, Xeebta Liido agagaarka Aargada May 27-keedii 2019, sida ay sheegtay maxkamadda.

Weeraradaas ayaa waxaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen illaa 27 qof oo isugu jiro qaybaha bulshada, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay tira kale oo intaas kasii badan.

Sidoo kale Shariif Maxamed ayaa eedaha kale ee loo haystay waxaa kamid ahaa iibinta laba Hoobiye oo 60-ah iyo 40-xabo oo ah Rasaastiisa.

Soo qabashadiisa ayaa timid ka gadaal markii laga tix raacay xiriirka technologyada, kadib weerarkii garoonka Diyaaradah Aadan Cade 23-kii March Sanadkii tegay 2022 balse waxaa la waysnaa ilaa  November 19-kedii 2022 markaas uu soo galay gacanta Hay’adda NISA.

Intaas kadib Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa dhageysAtay maxkamadeynta taliyahan, ayada oo fadhigii u dambeeyay lasoo xiray 7-dii January ee sanadkan 2023.

Ugu dambeyn maanta ayay Maxkamadda Darajada 1-aad ku xukuntay Shariif Maxamed Barkhadle (Ayaanle) dil toogasha ah oo ah qisaasta marxuumiinta ku naf waayay qaraxyadii uu fududeeyay ee ka dhacay Muqdisho, sida warbaahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, Guddoomiyaha Maxkamadda ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa heysta fursad kale oo uu racfaan uga qaadan karo xukunka lagu ridday, haddii uusan ku qanacsaneyn go’aanka kasoo baxay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Al-Shabaab oo dhacdo yaab iyo argagax leh ka gaysatay gobolka Hiiraan + Sawirro

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Maleeshiyada kooxda Al-Shabaab ayaa dhacdo la yaab iyo argagax leh ka gaystay deegaanka Ceel Xeero oo 20km dhanka bari ka xiga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Al-Shabaab ayaa halkaas ku xasquuqday illaa 300 oo neef oo Ari ah, kuwaas oo ay lahaayeen dad reer guuraa ah oo ku sugan halkaasi.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa tilmaamay in Al-Shabaab ay sheegeen in dadka iska leh xoolahaasi ay ‘Ridoobeen’ sidaasina ay ku laayeen xooladhooda.

Sidoo kale dadka deegaanka ee lahaa xoolahaasi la laayey ayaa sheegay inay ka bad-baadeen weerarka Al-Shabaab, balse aysan u harin wax xoolo ah oo ay dhaqdaan.

“Waxay nagu dheheen xoolahaan dadka iska leh waa Ridoobeen, waana in la laayo iyaga iyo maalkooda, marka ilaahay waa naga badbaadiyay, laakiin xoolo nooma harin” ayuu yiri. mid kamid ah xoolaha dhaqatada ee dhibaatada weyn kasoo gaartay dhadcadaasi.

Arrintaan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay kooxda u sameysay, kadib markii laga war helay weerar ay la damacsanaayeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, waa sida ay shaaca ka qaadeen qaar kamid ah saraakiisha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Xaaladda deegaanka ay dhacdadan ka dhacday ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana cabsi xoogan ay soo wajahday dadka shacabka ah ee ku dhaqan halkaasi.

Al-Shabaab ayaa horey u burburisay ceelasha biyaha deegaano badan oo ku yaalla maamullada Galmudug iyo HirShabelle, kadib markii laga saaraan deegaano horleh.

Si kastaba, koxoda Al-Shabaab ayaa haatan wajaheysa dagaalkii ugu xooganaa ee abid lagu qaado, kaas oo ay ku biireen dadka deegaanka oo qayb ka ah kacdoonka ka curtay dalka, kaas oo loo sababeynayo dhacdooyinka yaabka leh ee ay geysaneyso kooxdu.

DF oo DIGNIIN kasoo saartay laba sharoobo oo halis ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya, gaar ahaan qaybteeda maareynta daawada ayaa digniin culus kasoo saartay waxyeelada laba daawo oo Sharoobo ah oo kala ah MBRONAL SYRUP Iyo DOK-1 Max Syrup , kuwwaas oo ay soo saarto shirkad lagu magacaabo MARION BIOTECH PVT. LTD oo laga leeyahay India.

Wasaaradda ayaa shaaca ka qaaday inay heshay digniino caalami ah oo ku aadan Sharoobooyinkaasi oo ah kuwa halis ah, isla-markaana loo isticmaalo daaweynta xanuunada ku dhaca Neefmareenka, waxayna mamnuucaday in dalka lasoo geliyo, sidoo kalena dhaqaatiirta Sooomaaliyeed ay u qoraan bukaanadaooda.

Sidoo kale Wasaaradda ayaa amartay ganacsatada Soomaaliyeed inay joojiyaan ka ganacsiga Sharoobooyinkan ee haatan isticmaalkooda laga digay.

“Baaritaan ay si wadajir ah u sameeyeen Hay’adda Caafimaadka Aduunka (WHO) iyo Hay’adda Maareynta Daawada ee Dalka Oozbakistan ayaa lagu ogaaday in daawooyinkaas tayadoodu hoosayso, kuna jiraan xaddi badan oo kiimikaalis sun ah oo waxyeelayn kara habdhiska Jirka,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka.

Halkaan hoose ka daawo:

DIGNIIN!

Wasaaradda Caafimaadka iyo Dareyeelka Bulshada JFS Qeybteeda Maareynta Daawada ayaa waxay heshay Digniino Caalami ah oo ku aadan waxyeelada laba daawo oo sharooba ah kuwaas oo loo isticmaalo daaweynta xanuunada ku dhaca Neefmareenka.

Labada Sharoobo ayaa kala ah: AMBRONAL SYRUP Iyo DOK-1 Max Syrup oo soo saarto  shirkad lagu magacaabo MARION BIOTECH PVT. LTD oo laga leeyahay Dalka India.

Wasaaradda Caafimaadka ma xaqiijin karto in Dawooyinkaas Dalka Yaalaan, laakiin ayadoo laga duulayo masuuliyada Wasaaradda kasaarab ilaalinta badqabka Caafimaad ee Muwaadiniinta Dadkeena  waxay ogeysiinaysaa qodobada hoose.

  1. In Dhammaan Dhaqaatiirta Soomaaliyeed aysan u qorin bukaanadooda.
  2. In Ganacsatada Soomaaliyeed ay joojiyaan ka ganacsiga Sharoobooyinka kala ah: AMBRONAL SYRUP Iyo DOK-1 Max Syrup oo soo saarto shirkad lagu magacaabo MARION BIOTECH PVT. LTD oo laga leeyahay Dalka India.
  3. Waxaa Sidoo kale lagu baraarujinayaa Shacabka Soomaaliyeed inay ka taxadaraan Dawooyinkaas oo Qatar caafimaad u keeni kara caruurtooda.

Baaritaan ay si wadajir ah u sameeyeen Hay’adda Caafimaadka Aduunka (WHO) iyo Hay’adda Maareynta Daawada ee Dalka Oozbakistan ayaa lagu ogaaday in daawooyinkaas tayadoodu hoosayso, kuna jiraan xaddi badan oo kiimikaalis sun ah oo waxyeelayn kara habdhiska Jirka.

Fadlan Fariintaa la wadaag oo gaarsii bulshada inteeda kale si’aan u hubino badqabka Dadkeena.

FG: Fadlan halka hoose ka akhriso Faahfaahinta Macluumadka aan helnay.

 

Somali president to launch “Mogadishu People’s Uprising” against al-Shabab

Mogadishu (Caasimada Online) – Somali authorities are holding a major rally at a Mogadishu stadium on Wednesday where President Hassan Sheikh Mohamud will officially announce the launch of “The Mogadishu People’s Uprising” against the al-Shabab militant group.

The rally is the first major protest against al-Shabab, which has been oppressing civilians and security forces for over 15 years. 

Thousands of progressive forces are expected to participate in the rally, where they will declare war against the militants. 

The government of Somalia is taking a multi-faceted approach in its efforts to combat extremist groups that threaten the stability of the UN-backed federal government. One key aspect of this strategy is the direct involvement of civilians in the fight against these groups. 

The president has emphasized that military action alone will not be enough to defeat these extremists and that addressing their ideologies and finding ways to counter their recruitment efforts is also crucial.

In central and southern Somalia, residents have mobilized against al-Shabab, with the famous Macawisley militia leading the charge. The militia has been engaged in battle alongside the Somali National Army (SNA), the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS), and US AFRICOM.

President Mohamud announced that over 500 militants had been eliminated through combined efforts, and several important towns in Somalia had been taken under control by the military. The successful operation is due to the strong partnership between the local population and security forces, which led to many militants, mainly young people, surrendering to the government.

Prime Minister Hamza reported that approximately 2,000 Al-Shabab fighters had been killed in military operations carried out by the Somali army, with the support of other international partners, since the conflict began four months ago.

Despite rumors to the contrary, the government has stated that it has no plans to negotiate with these militants. Instead, officials are focused on sustained crackdowns on the group and targeting their sources of revenue to weaken them further. 

Intelligence reports indicate that foreign fighters are leaving the group and seeking to avoid arrest or death. The United States has also increased rewards for individuals who provide information about the group’s revenue collection centers.

Al-Shabab kills four in Kenya road attack

Mogadishu (Caasimada Online) – Four employees of Kenya’s National Highway Authority were killed on Wednesday in an attack by suspected Islamist militants near the country’s eastern border with Somalia. 

According to police reports, the workers were leading a convoy from Garissa to Bura when their vehicles hit an explosive device believed to have been planted by members of the Somali extremist group al-Shabaab.

Al-Shabaab, linked to Al-Qaeda, has been responsible for several high-profile attacks in Kenya in recent years. In 2015, the group killed 166 people at Garissa University; in 2013, they killed 67 people at a mall in Nairobi. However, the frequency and severity of the group’s attacks in Kenya have decreased in recent years.

The al-Shabab’s cross-border raids are part of its campaign to pressure Kenya into withdrawing its troops from the African-Union-mandated peacekeeping force in Somalia.

In response, Kenya has increased security along its border with Somalia in anticipation of the arrival of fleeing al-Shabaab members. This follows an ongoing crackdown against terrorists in parts of Somalia.

Officials have said that more terrorists are on the run, and more personnel are deployed to stop “bad elements” from entering Kenya. 

Security officials have stated that there are tens of other terrorists, primarily foreigners, who are on the run to escape the latest operation. 

Kenya has also been playing a role in the fight against these extremist groups by sending troops to Somalia since 2011 as part of Operation Linda Nchi and Operation Sledge Hammer. 

The troops were initially deployed in response to the kidnappings of two Spanish women working for MSF at the Dadaab refugee camp and have since been successful in taking control of critical areas like the port of Kismayo.

Ciidanka dowladda oo howlgal ku burburiyay baabuur laga soo buuxiyay QARAXYO

0

Balcad (Caasimada Online) – Wararka laga helayo Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga dalka ay howlgal qorsheysan ka sameeyeen deegaano hoostaga degmada Balcad ee gobolkaas, kaas oo lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen Shabaab.

Howlgalkan ayaa waxaa lagu burburiyay laba gaari oo laga soo buuxiyay qaraxyo, sida ay shaaciyeen saraakiisha ciidamada milatariga ee howlgalka sameeyay.

Saraakiisha ayaa sidoo kale tilmaamay inay Al-Shabaab uga daba tegeen deegaanada miyiga aj, isla-markaana ay fashiliyeen weerarada qaraxyada oo lagu diyaarinayey halkaasi, kuwaas oo ay sheegeen inay la damacsanaayeen inay ka fuliyaan Sh/ Dhexe.

Gawaarida qaraxyada lagu soo raray ayey saraakiishu sheegeen in laga dhacay shacabka, isla-markaana ay kooxda dooneysay inay ku weeraraan isla dadka shacabka ah, sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dareen in ujeedka uu ahaa in weeraradan qaraxyada ah ay la beegsadaan goobaha ay dadka ku badan yihiin, balse ay ka hortageen ciidanka Xoogga.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

Xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, waxaana agagaarka degmada Balcad laga dareemaya dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeedo, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro ka fulisa gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana ugu dambeeyay midkii maalmo kahor ka dhacay deegaanka Hilowle Gaab oo lagu dilay saraakiil iyo askar ka tirsanaa ciidamada dowladda ee howlgallada ka wada gobolkaas oo hoostaga HirShabelle.

Si kastaba, Al-Shabaab lagu jebiyay gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa kusoo koobantay inay weeraro gaadmo ku qaado saldhigyada ciidamada iyo weeraro qaraxyo ah.

Qodobada ay isku hayaan DF Soomaaliya iyo Puntland

0

Garowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa todobaadkaan ku dhowaaqay in maamulku uu u dhaqmi doono sidii dawlad madax-banaan, inta laga dhamaystirayo dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, iyadoo hannaanka dhamamsytirka dastuurkana ay qayb ka tahay Puntland.

Go’aanka kasoo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in iyadoo raacaysa qodobo ka mid ah dastuurka federaalka iyo kan Puntland ay si gooni ah dawladda federaalka ugala xaajoo doonto heshiisyada dawlad dhiska.

Si gaar ah, waxaa bayaanka Puntland lagu cadeeyey inay daneynayaan ka qeyb qaadashada dhammaystirka dastuurka iyo heshiisyada kale ee siyaasiga ah, sida awood qaybsiga, habdhiska amniga, wadaagga khayraadka iyo deeqaha caalamiga ah.

Dr. Afyare Cilmi oo ah Agaasimaha Machadka Daraasaadka Heritage oo la hadlay VOA ayaa sheegay in go’aanka Puntland uu ka dhashay in markii horaba ay Soomaalida go’aan u gaarayeen ‘koox yar oo qol hoos ka soo xirata.’

Wuxuu sheegay in markii lasoo tago go’aanka Puntland, aysan gabi ahaanba sax aheyn in golaha watashiga qaran ay qodob qodob go’aan uga gaaraan masiirka dalka, iyagoo seddaxdii biloodba mar hal qodob ka fariista.

“Aniga waxaa ila quman in sida adduunku wax u maamulo ay Soomaalidu isku maamusho oo wax u dhisato, waa in la sameeyo guddi, dejiya qorshe qaran oo Soomaalidu ay isku maamuli karto 100 sano ee soo socota,” ayuu yiri  Dr. Afyare Cilmi.

Afyare ayaa soo jeediyey in go’aan ka gaaridda masiirka umadda Soomaaliyeed aysan isku koobin madaxda maamullada iyo dowladda dhexe oo quburo aqoon u leh loo xil-saaro dejinta shuruucda lagu maamulayo dalka.

“Waxa la isku hayo waa nooca ay noqoneyso dowladda Soomaaliya ee federaalka ah, marka nuxurka warkaan ka yimid Puntland halkaas ayuu ku biya shubanayaa.”

Maqaamka Caasimadda Muqdisho, arrinta Somaliland iyo qeybsiga Kheyraadka doorka ay ku yeelanayaan maamullada qeybta ka ah dowladda federaalka oo aan kala cadeyn ayuu shegay Afyare inay keentay jaha wareerkaan cusub.

“Arrintu waxay ka cakiran tahay Soomaaliyada cusub ee la dhisayo ma isku xuquuq ayaa la noqonayaa, mise gobollo gaar ah ayaa wax loo badi doonaa, markaan eegno Puntland iyo Somaliland, arrimahaas ayaa aad looga doodaa, marka waxaaba qaldan in dhowr qof ay qol soo xirtaan oo go’aankii ay doonaan gaaraan,  taas oo keentay in la ogaa waayo waxa ay isku khilaafeen,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Dr. Afyare Cilmi.

Puntland oo ka jawaabtay dalabkii GALMUDUG

0

Hobyo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in Puntland ay ka jawaabtay dalabkii kasoo baxay Galmudug ee ku aadanaa inay ka qayb-qaadato dagaalka kooxda Al-Shabaab looga xoreynayo koonfur gobolkaasi.

Galmudug ayaa dalabkan hordhigtay guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, kaas oo isaguna  gaarsiiyay madaxda kale oo si deg-deg ah uga soo jawaabay.

Puntland ayaa qaaday tallaabadii ugu horreysay ee ay ku fulineyso dalabkaas, waxayna ciidamo gaar ah oo ka tirsan kuwa PSF-ta geysay magaallo xeebeedka Hobyo ee gobolka Mudug, halkaas oo uu haatan ka socdo abaabul dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Ciidamadan ayaa ka qayb-qaadan doono howlgallada ay Galmudug ku dooneyso inay Al-Shabaab uga saarto degmooyinka ay ka heystaan gobolkaas oo dhaca bartamaha dalka.

Qaar kamid ah saraakiisha ciidamada Puntland ee tegay degmada Hobyo ayaa sheegay in kaalintooda ay qaadan doonaan, si meesha looga saaro xoogag Al-Shabaab.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in haatan gobolka laga dareemayaa xaalad kacsanaan ah oo ku aadan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo ay iska kaashaan doonaan ciidamada dowladda, kuwa deegaanka iyo maamullada dariska ah ee Galmudug iyo Puntland.

Labadaan maamul ayaa horay ugu heshiiyay inay iska kaashadaan amniga, maadaana ay ka kala taliyaan koonfurta iyo waqooyiga gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa haatan wajaheysa kacdoon culus oo uu haatan xoogiisu ka socdo inta badan gobollada Soomaaliya, kaas oo deegaano iyo degmooyin horleh looga qabsaday.

Dowladda federaalka oo kaashaneysa dadka deegaanka ayaa horkaceysa dagaalkan, wuxuuna madaxweynuhu sheegay in 2023-ka uu noqon doono sanadka xoreynta dalka.

‘Garsoorka dalka wuxuu ku hagaagaya’ qoddobkii uu diiday madaxweyne DENI

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed oo maanta ka qeyb-galay shir sanadeedka Garsoorka dalka ayaa shaaciyay sida keliya ee Soomaaliya ku heli karto garsoor dhab ah oo cadaali ah.

Guddoomiye Baashe ayaa sheegay in Garsoorka uu ka horeeyo wax walba, si uu cadaali u noqdana ay tahay in loo galo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab mid lamid ah.

“Waxaa cidwalba ka fileyna in loo wada guntado hirgelintiisa iyo dhaqan-gelintiisa (heshiiska Garsoorka) si ay umadda Soomaaliyeed u hesho Garsoor dhab ah, oo madax-banaan oo ugu adeega si cadaalad ah oo dhex-dhexaad ah,” ayuu yiri.

“Si aynu u helno amni oo umaddeena midnimadeeda usoo noqoto waxaa u baahanahay cadaalad iyo garsoor soo celin kara oo cadaaladaas umadda ugu adeegi kara.”

Waxa uu intaasi sii raaciyay hadalkiisa “Garsoorka wuxuu shardi u yahay oo ka horeeya waxkasta oo kale, taas marka la helo waxaa aaminsanahay inay waxkasta oo kale ay fududaanayaan oo qabsoomayaan.”

Guddoomiyaha ayaa sheegay in sanadihii dambe uu Garsoorku sameynayay isbedelo muhiim ah, balse weli loo baahan yahay in dagaal adag loo galo sidii uu dalka uga shaqeyn lahaa garsoor cadaali ah oo madax-banaan.

“Garsoorka wuxuu u baahan yahay runtii in loo galo dagaal lamid ah midka Khawaarijta, waayo cadaaladu waa masuuliyad wadareed saaran dhamaan saddexda Gole oo ugu horeeyo madaxweynaha Jamhuuriyada, Fulinta ay ku xigto oo Baarlamaankii uu ku xigo. Garsoorka intaas markay gacmaha wada-galiso ee iskugu tagto ayuu istaagi karaa Garsoorka.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in garsoorka oo hagaaga uu macnaheedu yahay sareynta sharciga iyo badbaada Soomaaliya, haddii xataa uu dalka ka dhaco khilaaf siyaasi ah oo culus.

“Dhismihii hay’addaha muhiimka u ahaa Garsoorka, sida Golihii adeega Garsoorka oo kale waxay ku xidhan yihiin labadii Gole ee kale. Haddii loo baahdo in la fuliyo xukunadii iyo awaamiirtii kasoo baxeysay Garsoorka waxa uu ku xidhan yahay labada hay’adood ee kale, marka fulinta iyo baarlamaanka iyo madaxweynaha oo ah odeygii guud ee dalka waxaa dhamaanteen nalooga baahan yahay sidii aan u xaqiijin laheyn in dalka uu helo Garsoorka uu mudan yahay.”

Dal Carbeed oo Soomaaliya siiyey 450 deeq waxbarasho

0

Qaahira (Caasimada Online) – Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa dowladda Masar uga mahad-celiyey 450 oo deeq waxbarasho ah oo ay sannad kasta siin doonto Soomaaliya, kadib kulan ay Qaahira ku yeesheen Wasiirrada Waxbarashada Soomaaliya iyo Masar.

Wasiir Faarax oo heshiis dhanka iskaashiga tacliinta sare ah la saxiixday wasiirka Tacliinta Sare ee Masar, Dr. Ayman Caashuur, ayaa sheegay in Dawladda Masar ay siin doonto Soomaaliya sannad kasta deeq waxbarasho oo isugu jira cilmi iyo xirfado kala duwan oo heer jaamacadeed ah, oo gaaraya 450 arday.

Bayaan ka soo baxay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in wasiir Faarax uu dowladda Masar uga mahad celiyay deeqahaan waxbarasho iyo garab istaagga weyn oo ay u fidiso ardayda Soomaaliyeed.

“Tani waa deeqdii ugu badnayd ee Soomaaliya ay ka hesho Masar,” ayuu yiri wasiirka waxbarashada Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdulqaadir.

Waxaa sidoo kale heshiiska ka mid ah in ardayda Soomaalida ee wax ka barata dalka Masar loola macaamilo sida muwaadiniinta Masaarida oo kale. Wasiir Faarax ayaa ballanqaaday in xulashada ardayda la siinayo deeqaha waxbarasho ay ku imaan doonto tartan iyo imtixaan.

Wasiir Faarax Sheekh ayaa aad u amaanay macalimiinta Masaarida ah ee wax ka dhigtay dugsiyo ku kala yaalla Muqdisho iyo deegaano ka tirsan Puntland.

Wasiir waxbarashada ee dalka Masar ayaa sheegay inay sannadkaan kordhinayaan macalimiinta loo dirayo Soomaaliya, iyagoo ka howlgali doona dhammaan gobollada dalka Soomaaliya, sidoo kalena ay ka qayb qaadan doonaan tababarka loo fidiyo macallimiinta Soomaaliyeed.

“Tani waxay ku soo beegantay xilli ay Wasaaradda Waxbarashada ee Soomaaliya si weyn ugu hawlgaleyso baahinta iyo tayaynta waxbarashada dalka,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaarada waxbarashada Soomaaliya.

Shan kun oo Shillin Somali ah ayaa dhiigiisa loo daadiyay – Muqdisho iyo murugo kale

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Askari ka tirsan ciidamada Manashiibiyada ayaa gudaha degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho ku dilay Abuukar Sheekh Maxamed Mooraani.

Dilka marxuumankan ayaa waxaa la sheegaya in uu yimid kadib markii isaga iyo askariga uu soo kala dhex-galay isfaham wa’ kadib markii ay ku murmeen lacag canshuur ah oo askarigaas uu aruurinayay oo shan kun Shillin Soomaali aheyd.

Dadaal ay sameeyeen saraakiisha Booliska Soomaaliyeed ee degmada Xamarweyne iyo maamulka degmada ayaa waxa gacanta loogu soo dhigay askarigii geystay dilkaas.

Walaalkii marxuumka la dilay oo warbaahinta la hadlay ayaa masuuliyiinta dowladda federaalka ka dalbaday in cadaalad uu helo walaalkiisa loo dilay shan kun Shillin Soomaali ah.

“Canshuurta waa ku siina dukaanka wax kasoo baxsana ayuu ku dhahay, sidee ii dhihi kartaa illaa inta ayey isla soo bursadeen uu xabad sujuuda uga dhuftay. Cadaalad haddey jirto waxaa dowladda ka codsaneyna, madaxweyne Xasan Sheekh, ra’iisul wasaaraha guddoomiyaha baarlamaanka in ninkaan cadaalad naloo soo saaro,” ayuu yiri.

Wuxuu hadalkiisa sii raaciyay “Booliska waxa uu qoriga u haysta nabadgelyada. Laakiin Manashiibiyada inta uu qori kusoo qaato uu kugu dilo qorigii dhib weyn ayaa ku jirna.”

Dhinaca kale, Taliyaha Saldhiga Xamarweyne ee gobolka Banaadir oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay cadaalada horgeyn doonaan askariga dilka geystay iyo hubkiisa.

“Waa isfahmi waayeen sidaas ayuu dilka ku yimid. Dilka markii uu geystay waa ku baxnay gacanta ayaa kusoo dhignay anaga iyo taliyihiisa. Gacanta ayaa ku hayna gacan ku dhiiglihii marka shacabka ha isdajiyaan.”

Guddoomiyaha degmada Xamarweyne oo isaguna warbaahinta la hadlay ayaa dhankiisa ballan-qaaday in ay daba socon doonaan kiiskaan illaa inta uu marxuumka ka helayo cadaalad.

“Gacan ku dhiiglihii gacanta lagu hayaa oo Saldhiga Xamarweyne ayuu ku xiran yahay, anagana waxaa marsiineyna cadaalada illaa maxkamada laga geynayo waa daba-jogeyna. Muwaadinkiisa iyo dadkiisa waxaa leenahay Allaha unaxariisto.”

Shabaab oo qarax ku dishay Injineero u shaqeynayey Kenya

0

Gaarisa (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar loo adeegsaday qarax miino oo ay Al-Shabaab ka fuliyeen qaybo kamid ah gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, kaas oo sababay khasaare dhimasho, dhaawac iyo burbur xoogan.

Qaraxa oo ka dhacay deegaan u dhow xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa lala beegsaday Shaqaale iyo Injineero ka tirsan hay’adda waddooyinka, xilli ay kusii jeedeen magaalada Bura, halkaas oo uu ka socda dhimsha waddada tareenka ee isku xireysa dalalka Kenya iyo Itoobiya.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu haleelay gaari ay la socdeen shaqaalahaasi, waxaana goobta ku dhintay afar qof oo saddex kamid ah ay ahayeen Injineerada ku howlanaa dhismaha waddada, kuwaas oo xilligaas waday howlo kormeer ah, sida uu shaaciyay Booliska Kenya.

Mid kamid ah saraakiisha laamaha ammaanka ee dowladda dalka Kenya oo ka hadlay dhacdadaasi ayaa sheegay in qaraxa lagu weeraraday kolonyo ay la socdeen shaqaalaha, wuxuuna xaqiijiyay dhimashada afarta qof oo ay ku jiraan Injineeradii waday dhismahaasi.

“Gaari ay la socdeen afar ka mid ah shaqaalaha hay’adda waddooyinka Kenya ayaa lagu weeraray qarax miino, dhammaan afarta qof ayaa isla goobta ku dhintay,” ayuu yiri John Otieno oo ah sarkaal ka tirsan dowlada Kenya.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray inay baxsadeen dableyda weerarkan fulisay, balse ay haatan ku daba jiraan ciidamada ammaanka ee waddanka Kenya.

Sarkaalkan oo sii hadlaya ayaa shaaca ka qaaday in weerarkan uusan wax saameyn ah ku yeelan dhaq-dhaqaaqa iyo howlaha ka socda halkaasi.

Al-Shabaab ayaa maalmihii u dambeeyay kordhisay weerarada ay ka fuliso gudaha Kenya, waxayna aheynd bishii December markii ay weerar kan lamid ah ku dishay laba sarkaal oo ka tirsanaa ciidamada Kenya, kaas oo ka dhacay isla deegaanka maanta la weeraray.

Si kastaba, dowladda Kenya ayaa qayb ka ah howlgalka ATMIS ee Soomaaliya, waxayna ciidamadeeda ka howlgalaan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ee maamulka Jubbaland.

Putin xilka ka qaaday taliyihii ciidanka Ruushka ee Ukraine

Moscow (Caasimada Online) – Madaxweyne Vladimir Putin ayaa xilkii ka xayuubiyay taliyihii ugu sareeyay ciidamada Ruushka ee dalka Ukraine saddex bilood uun kadib markii xilkaas loo agacaabay .

Taliyaha guud ee ciidamada General Valery Gerasimov ayaa hadda hoggaamin doona waxa uu Mr Putin ku tilmaamay “howlgal milatari oo gaar ah”.

Gen Gerasimov ayaa bedelay Sergei Surovikin kaas oo kormeeray weeraradii arxan darada ahaa ee dhawaan lagu qaaday kaabayaasha tamarta ee Ukraine.

Isku shaandhayntan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo Ruushku uu sheegay in ay horumar ka samaynayaan bariga Ukraine ka dib markii ay bilihii la soo dhaafay la kulmeen guuldarooyin is daba joog ah oo militari.

uushka ayaa duulaanka ku qaaday Ukraine 24-kii Febraayo sanadkii la soo dhaafay. Gen Gerasimov, oo xilka hayay tan iyo 2012, ayaa ah madaxa guud ee Ruushka ee ugu waqtiga dheeraa xilligii Soviet-ka kadib.

Gen Surovikin – oo hadda ku xigeenkiisa ah – ayaa loogu magac daray “General Armageddoon” sababtoo ah xeeladihiisa arxan darada ah ee dagaaladii hore, oo ay ku jiraan hawlgallada Ruushka ee Suuriya iyo duqaymaha culus ee magaalada Xalab ay ka gaysteen.

Wax yar ka dib markii loo magacaabay inuu hogaamiyo hawlgalka bishii Oktoobar, Ruushku wuxuu bilaabay ololihiisa uu ku burburinayo kaabayaasha tamarta ee Ukraine, taasoo horseeday in malaayiin rayid ah oo reer Ukraine ah ay waayaan adeegyada koronto iyo biyaha.

Waxa uu sidoo kale kormeeray ka bixitaanka Ruushka ee magaalada koonfureed ee Kherson – taasi oo noqtay guul weyn oo u soo hoyatay Ukraine.

Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in go’aanka lagu beddelay Gen Surovikin looga golleeyahay in la abaabulo “xiriir dhow oo dhexmara qaybaha kala duwan ee ciidamada qalabka sida iyo horumarinta tayada iyo waxtarka maamulka ciidamada Ruushka”.

Balse tallaabadan ayaa dadka qaar ay u arkeen inay muujineyso inuu awood badan yeeshay.

“Maadaama uu yahay taliyaha ciidamada ee Ukraine, Surovikin waxa uu noqday mid aad u awood badan, waxaana ay u badan tahay in uu hareer maray [Wasiirka Difaaca Ruushka Sergei] ,” Falanqeeyaha arrimaha militariga Rob Lee ayaa sidaa ku soo qoray bartiisa Twitter-ka

Qaar ka mid ah dadka wax ka qora milateriga Ruushka ee sida aadka ah u taageera dagaalka balse si joogta ah u dhaleeceeya qaabka uu dagaalka u socdo ayaa si weyn u dhaleeceeyay hoggaanka ciidamada Ruushka oo uu ku jiro madaxa cusub ee howlgalka gaarka ah Gen Gerasimov. Ku dhawaaqistiisa ayaa ku soo beegantay iyadoo uu dagaalku ka socdo Soledar.

BBC

Daawo: Xamza oo shaaciyey tirada lacagta, lambarada iyo akoonada laga xiray Al-Shabaab

0

Qaahira (Caasimada Online)- Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo xalay la hadlay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Masar ayaa faah-faahin ka bixiyay dagaalka dhinaca maaliyadda ah ee dowladda Soomaaliya ay ku qaadday kooxda Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladdu ay Al-shabaab ka xirtay 250 akoon oo ay ku lahaayeen 4 banki.

Sidoo kale Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay inay xireen 70 number oo lacagaha loogu shubi jiray Al-Shabaab, kuwaas oo ay ku lahaayeen laba shirkadood.

Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay in xogta numberadaas la xiray ay ka heleen shacabka Soomaaliyeed, kadib markii dowladdu ay bishii Oktoober ee sankadii hore sameysay numbarro ay soo wici karaan dadka ay Al-shabaab-ku soo weydiistaan ‘lacagaha baadda ah.’

“Markii la arkay in dowladdu shaqeyneyso waa la aaminay, waaxa nala shaqeeyeen shacabku,” ayuu yiri Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in la baarayo lacagaha ku jira akoonada iyo lambarrada la xiray. Wuxuu ammaanay wasaarado ay ka mid yihiin warfaafinta, maaliyadda iyo isgaarsiinta oo aad uga qeyb qaatay dagaalka Al-Shabaab.

Wuxuu intaas ku daray inay xireen shakhsiyaad lacago u sii waday saldhiyo ay Al-shabaab ku lahaayeen maagaalooyin ay ka mid yihiin Basra, Gandarshe iyo Xawaadley.

“Qofkii la qabto isaga oo lacag u wada Al-shabaab waa dambiile, wuxuuna lamid yahay iyaga,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza Barre.

Ra’isul Wasaaraha ayaa intaas ku daray in dhaqaalaha Al-shabaab uu hoos u dhacay, isla markaana ay soo wajahday lacag la’aan, ayna ku sugan yihiin wuxuu ugu yeeray ‘duruuf aad u adag’ oo tuugsi ku kaliftay.

“Sanadkaan waxaa naga go’an Shabaab in laga waayo Soomaaliya, sidoo kale sanadkaan deyntii na rafaadisay ayaa bisha 9-aad ee sanadkaan nalaka cafi doonaa ilaahey idankiis,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xamza Barre.

Hoos ka daawo

Sawirro: Askar uu xildhibaan caan ah watay oo dishay sarkaal ka tirsanaa NISA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino ayaa laga helayaa is-rasaaseyn uu sarkaal ka tirsanaa Nabad sugidda ku dhintay askar kalena ay ku dhaawacmeen oo ka dhacday afaafka hore ee garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.

Is-rasaaseyntaas waxaa la sheegay inay ka dhalatay is hortaag ay ciidan ka tirsan NISA ku sameeyeen kolonyo militeri ah oo Xildhibaan Yuusuf Kabaale uu la socday.

Xildhibaanka iyo ciidankiisa ayaa loo diiday ka soo gudbaan bar-control oo ciidanka NISA ay ku leeyihiin iridda xigta Madiina Gate, dhinaca Dan-wadaagaha ee degmada Wadajir.

Sarkaal ka tirsanaa ciidanka NISA ee halkaas ku sugan oo magaciisa lagu soo koobay Carabey ayaa la sheegay inuu ku geeriyooday is-rasaaseynta.

Ma jirto faahfaahin dhameystiran oo laga helay geerida sarkaalkaan ka tirsanaa NISA, waxaana hadda degan xaaladda goobta uu shilkaasi ka dhacay.

Sidoo kale ugu yaraan laba askari oo ka tirsan militeriga, isla markaana ka mid ahaa ilaalada Xildhibaan Yuusuf Kabaale ayaa lagu dhaawac iska hor imaadkaan.

Xildhibaan Yuusuf Kabaale oo ka mid ahaa masuuliyiintii laf-dhabarka u aheyd halgankii Al-Shabaab looga xoreeyey HirShabeelle, gaar ahaan Shabeellada Dhexe ayaa dhawaan dib ugu soo laabtay Muqdisho.

Xilliga uu dhacay shilkaan Xildhibaan Yuusuf Kabaale ayaa watay gadiid dagaal iyo askar militeri ah xoog leh, waxaana is hor taagay askar ka tirsan NISA oo bartaas control ku qoran.

Dabageed oo shaaciyey in guulaha laga gaaray Shabaab aysan aheyn sida la moodo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Hirshabeele Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) oo ka mid ahaa hoggaamiyaasha halgankii kooxda Al-Shabaab looga xoreeyey gobolka Hiiraan ayaa galabta soo gaaray Muqdisho.

Yuusuf Dabageed oo warbaahinta kula hadlay garoonka Aadan Cadde ayaa sheegay in sida dadka qaar ay la tahay aan Al-Shabaab weli laga gaarin guul weyn, maadaama aan weli laga xoreyn dalka, islamarkaana ay reer HirShabeelle labo un mid u furan tahay.

“Labo mid ayaa noo furan, anaga oo dagaal ku jirna oo difaacayna dalkeenna in aan dhimano iyo anaga oo sharaf leh oo Hirshabeelle ku xaragoonayna in aan noolaano, wax aan ka heyn labadaas nooma fura,” ayuu yiri Yuusuf Dabageed.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in dhibaato badan ay ku qabaan Al-Shabaab, isagoo tusaale u soo qaatay weeraradii u dambeeyey ee Al-Shabaab ay ka fuliyeen gudaha HirShabeelle.

“Weerarro ayaan weli nagu socda, meelaha ay HirShabeelle uga dambeeyaan iyo dhinaca Galmudug ayey naga soo weeraraan markasta,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Yuusuf Dabageed ayaa sheegay in meel kasta oo kooxdaan ay dalka ka joogto ay isku mid tahay, maadaama mar kasta ay dad Soomaaliyeed un dilayaan.

“Umadda Soomaaliyeed waxaan leenahay nimankaas iska celiya, dowladiina u kaashada, waa cadow qof muslim ahna kuma noolaa karo meel ay ka dhowyihiin ama joogaane,” ayuu yiri Yuusuf Dabageed.

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeele oo bilihii lasoo dhaafay ku sugnaa Hiiraan, isla markaana door weyn ka qaatay dagaalka Al-Shabaab eek a socda gobolkaas Hiiraan.

Sidoo kale guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa isna ku sugan Muqdisho, waxaana xusid mudan in gaabis uu ku yimid howlgalkii ka socday gobolkaas, inkastoo Al-Shabaab laga xoreeyey bariga Hiiraan, hadana waxay ku sugan yihiin galbeedka gobolkaas.

Hoos ka daawo  Yuusuf Dabageed

Go’aan laga gaaray kiiska nin Soomaali ah oo hareeyey baarlamanka Midowga Yurub

Lesbos (Caasimada Online) – Maxkamad racfaan oo ku taalla dalka Greece ayaa amartay in lasii daayo muhaajir Soomaali ah oo xabsi daa’in loogu xukumay inuu dad soo tahriibiyey.

Kiiskan ayaa dareenka caalamka kusoo jeediyey sharciyada ciqaabta adag ee ilaalinta xuduudaha ee dalkan ka tirsan Midowga Yurub.

Mohamed Hanad Abdi, ayaa sanadii 2021 lagu xukumay 142 sano oo xabsi ah kadib markii lagu helay dambi ah inuu doon ay dad ku dhinteen kasoo kaxeeyey Turkey oo uu keenay jasiiradad Lesbos ee Greece 2020-kii.

Si kastaba, maxkamad racfaan oo ku taalla jasiiradda Lesbos ayaa Isniintii waxay xabsigiisa ka dhigtay sideed sano, waxaana garsooraha maxkamadda uu amray in lasii daayo ayada oo loo xisaabinayo muddadii uu horey xabsiga ugu soo qaatay iyo hab dhaqankiisa wanaagsanaa.

Maxkamadda ayaa waxaa ka qeyb-galay dhowr xubnood oo ka tirsan baarlamanka Midowga Yurub, oo ku dooday in Mohamed, oo ah 29 jir aabe u ah afar caruur, si khaldan xukun loogu riday.

“Waxaan dhammaanteyn la ilmeyneynaa farxad, waxay aheyd maalin aad u adag. Dacwad-oogaha qaranka wuxuu qaatay mowqif adag, wuxuuna doonayey in xukunka la joogteeyo,” waxaa sidaas yiri Stelios Kouloglou oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamanka Midowga Yurub, oo hogaaminayey ololaha, lana hadlay AP.

“Waa go’aan aad muhiim u ah, sababtoo ah dad badan oo ah muhaajiriin caadi ah ayaa loola dhaqmaa inay yihiin tahriibiyeyaal,” ayuu yiri.

“Mohamed wuu kasoo bixi doonaa xabsiga dhowr maalmood kadib marka warqadihiisa la diyaariyo, tallaabada noo xigta waa inaan u ololeynaa in sharciga la beddelo.”

Mohamed ayaa maxkamadda u sheegay inuu doonta soo kaxeeyey kaliya markii uu ka tegay naaquudiye Turkish ah oo dadka tahriibiya, islamarkaana uu isaga kala wareegay si uu u badbaadiyo dadkii saarnaa.

Doonta ayaa waxaa ku qarqamay laba qof, halka 33 laga soo badbaadiyey. Qaar badan oo ka mid ah dadkii soo badbaaday ayaa taageeray sheegashada Mohamed si ay sheegeen qaraeenadiisa.

AP, VOA

FIQI oo shaaciyay habka ay DF ku wajaheyso go’aanka kasoo baxay PUNTLAND

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa markii u horeysay ka hadlay go’aankii dhawaan kasoo baxay maamul goboleedka Puntland ee ay ku sheegtay inay u dhaqmayso sidii dowlad madax-banaan.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in mowqifka ay muujisay Puntland ay wada-hadal kala gali doonto dowladda federaalka, si looga gaaro is-faham arrimaha ay tabanayaan madaxda maamulkaasi.

“Waa rajeynaya in wada-hadal laga galo arrintaan. Wasiirkiisi Juxa wuxuu yidhi waxa ula jeednay gorgortan, marka waa furan yahay gorgortan-kaasina. Qeyb ayaa ka noqon doono howshaas in meesheedi kusoo noqoto,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa sidoo kale tilmaamay in weli uusan dalka laheyn Dastuur kala xadeynaya awoodaha dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada, kan kumeel-gaarka ahna uu dhigayo in waxkasta wada-hadal laga galo.

“Nidaamkeena lama yaqaano! Waxa lagu soo heshiiyay dalka federaal ha qaato oo Dastuur KMG ahna qoddobo ayaa lagu qor-qoray, inta badan sheegaya in wada-hadal laga galo arrimaha federaalka. Haddii aan la wada-hadlina lama gaarayo guushii iyo qoddobadii la rabay, taas waxay keenaysa in wada-hadalka noqdo albaab furan.”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta si dadban ugu jawaabay Puntland ayaa sheegay in si qaldan loo fahmay nidaamka federaalka, isaga oo xusay in aan marnaba la kala qaybin karin dalka.

“Dalkaan laba wax-yaabood inaan la’isku qaldin ayaan rabaa. Dalka in la federaaleeyo waa mid dalka in la’isku haayaa oo mid noqdanaa waa mid kale,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dalka uu leeyahay hal dowlad oo ah dowladda dhexe ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Jamhuuriyad la yiraahdo ayaan nahay hal dowlad ayaa nahay. Jasiirado kala xir xiran oo midba midka kale difaac uga jiro ma aha”.