31.9 C
Mogadishu
Monday, May 11, 2026

Cali Cosoble oo baaq u direy Xasan Sheekh kadib arrin kusoo badatay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore HirShabelle Cali Cabdullahi Cosoble ayaa soo saaray baaq cusub oo ku socday madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaasi oo ka kooban afar qoddob.

Cali Cosoble ayaa waxa uu madaxweynaha usoo jeediyay in meesha laga saaro askarta loo yaqaano minishiibiyada ee hubeysan, kuwaasi oo dhowr jeer dilal u geystay dad shacab ah.

“Madaxweyne Xasan Shekh Maxamuud
MudaneMadaxweyne waxaan kugula talinayaa in ciidan iyo qof hubeysan uusan qaadin wax canshuur ah,” ayuu yiri Cali Cosoble.

Waxa kale oo uu yiri “In mihnadaha kuwa ugu hooseeya ee ay dadka ay tabartooda aadka u yar tahay nolosha ka raadiyaan laga daayo canshuurta laga qaado. Waxaa ka mid ah; Waratada, tabakaayadaha iyo bajaajyada.”

Madaxweynihii hore HirShabelle Cali Cabdullahi Cosoble ayaa waxa kale oo uu tilmaamay inay jiraan dhalinyaro aqoon leh oo loo tababari karo qaadista canshuuraha.

“Madaxweyne waxaa buuxa dhallinyaro ka soo baxday dugsiyada sare oo shaqa la’aan ah oo loo tababari karo,” ayuu yiri si meesha looga saaro arrimaha waayadii dambe ka dashay canshuur qaadista Muqdisho.

Ugu dambeybtiina wuxuu madaxweynaha ugu baaqay in xilligaan la joogo xooga la saaro canshuur ka qaadista shirkadaha waaweyn. “Dalka markuu xasilo, nidaam iyo kala dambeyna la hirgeliyo, kaddib ayaa loo soo jeesan karaa ganacsiga yar-yar.”

Kenya-Somalia ties at risk over diplomatic mission in Somaliland

Nairobi (Caasimada Online) – In a move that has the potential to create a diplomatic rift, the Kenyan government has taken a significant step that many interpret as a formal recognition of Somaliland, a self-declared republic in northern Somalia that has yet to receive international recognition. 

President William Ruto announced in an Executive Order that Kenya would be opening a diplomatic mission in the capital of Somaliland, Hargeisa, as part of an effort to expand the country’s diplomatic missions abroad.

Somaliland also has a Liaison Office in Kenya, one of the few countries allowing the breakaway region to open an office. 

Somaliland declared independence from Somalia in 1991 but has yet to be officially recognized by any country other than Taiwan. 

The African Union has consistently maintained that any recognition of Somaliland must first come through Somalia. This position is based on the principle of member states’ sovereignty and territorial integrity, and it has been a point of contention between Kenya and Somalia.

The move by Nairobi to open a diplomatic mission in Hargeisa could further complicate the already complex relationship between Kenya and Somalia. 

The two countries have a history of cooperation and conflict, with a major point of contention being the disputed maritime border in the Indian Ocean. 

In 2021, the International Court of Justice (ICJ) ruled in favor of Somalia, determining that the border should be adjusted so that Somalia would be granted rights to most of the oil-rich region in the Indian Ocean. Kenya rejected the ruling, and the dispute has continued to be a source of tension between the two countries.

In addition to the maritime dispute, trade in the stimulant plant Khat, also known as Miraa in Kenya, has also been a point of friction between the two countries. Somalia is Kenya’s largest market for Khat, but the Somali government suspended the importation of the crop when international flights were suspended due to the COVID-19 pandemic, even though the ban has since been lifted. 

President Hassan Sheikh Mohamud, upon his re-election, sought to improve relations between Somalia and Kenya. He visited Kenya twice, meeting with outgoing President Uhuru Kenyatta and newly-elected President William Ruto. These meetings aimed to strengthen ties between the two nations and resolve any outstanding issues.

During the bilateral talks, both countries reached several agreements, one of which was Somalia lifting the ban on Khat and Kenya committing to facilitate the entry and movement of Somali citizens. However. Nairobi still needs to deliver on this promise. 

To make matters worse, Kenya’s decision to open an embassy in Hargeisa undermines President Mohamud’s efforts to improve relations between the two countries, and it risks causing a further deterioration in the relationship between Kenya and Somalia.

President Hassan Sheikh Mohamud’s agreement with Kenya’s leaders has been heavily tilted toward Kenya’s benefit. In contrast, Somalia only benefited from the photos taken during these meetings.

It still needs to be made clear how Somali President Hassan Sheikh Mohamed will respond to Kenya’s actions. However, he may take action to punish Nairobi.

Kenya currently has troops serving in Somalia under the African Union Transition Mission in Somalia (AMISOM).

DAAWO: Jeneraal Tareedisho oo shaaciyey qorshaha lagu qabanayo Xarardheere

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneraal Axmed Maxamed Tareedisho oo ka mid ah saraakiisha sare ee milatariga Soomaaliya oo warbaahinta kula hadlay furinta hore ee dagaalka ayaa shaaciyay howl-gal culus oo ku wajahan degmada Xarardheere.

Jeneraal Tareedisho ayaa sheegay in u diyaarsan yahay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo iskaashanaya qorshaha qabashada degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

“Dagaalkan waa dagaalkii madaxweynaha iclaamiyey iyo ra’iisul wasaaraha in lala dagaalamo Khawaarijta. Dagaalka waxa laga gaaray guulo waaweyn, waajibaadkii iyo amaradii ay bixiyeen madaxda Qaranka waxaa laga gaaray guulo.”

Sidoo kale waxa uu digniin u diray dad uu sheegay inay yihiin “Af ku Shabaab” dano kale ka dhex raadinaya dagaalka socda, ayna ka waantoobaan dhabarjabinta howl-galada ka socda dalka ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

“Af ku Shabaable iyo qofkaan raba in dadka curyaamiyaan waxaa leenahay naga dhex bax oo dadka Soomaaliyeed waa baraaruugeen, ma aqaan wax kaga dhex jiree ka dhex bax.”

Jeneraal Tareedisho ayaa waxa kale oo uu sheegay in tan iyo markii uu billowday dagaalka ka dhanka Al-Shabaab ay isa-soo dhiibeen Shabaab aad u badan, kuwasi oo iska soo kala dhiibay Hiiraan, Galgaduud, Mudug, Shabeellaha Dhexe iyo deegaan kale oo ka tirsan labada maamul goboleed.

“Dadkan waa ku daaleen ka been sheegista Diinteena Islaamka oo ay ka been sheegaan nimankan Khawaarijta ah. Shaqsi walba oo kadiyeen waxa uu hadda ogaaday in wuxuu ku dhex jiro yahay qalad iyo dambi weyn kasoo dhex baxeen alxamdulilah Ilaahay ayaa soo hanuuniyey.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay Shabaabka isa-soo dhiibay iyo kuwa kale ee raba inay kooxdaas kasoo baxaan ay soo dhaweynayaan, una sameynayaan dhaqan-gelin iyo barashada xirfad ay kaga dhex shaqeystaan bulshadooda.

Hoos ka daawo muuqaalka

Greek court overturns life sentence for Somali migrant for people smuggling

An appeals court in Greece has overturned the life sentence of Somali migrant Mohamed Hanad Abdi, who was found guilty of people smuggling, and ordered his release on Monday. 

In 2021, Abdi was found guilty of his involvement in a dangerous boat trip from Turkey to the Greek island of Lesvos, which resulted in the deaths of two individuals and the rescue of 33 others.

At Monday’s appeal, Abdi’s sentence was shortened to 8 years, and he was released, taking into account time served and good behavior during his detention. The appeals hearing was attended by members of the European Parliament who had argued that Abdi’s conviction was unjust.

This case has brought international attention to Greece’s strict border protection laws, introduced in recent years as part of efforts to combat illegal migration within the European Union. 

Sentencing guidelines for illegal migration have been criticized for being too harsh and treating ordinary migrants like criminals. 

Stelios Kouloglou, an EU lawmaker, who led the campaign for Abdi’s release and attended the trial, said that “many ordinary migrants are being treated like criminals” and believes that many more migrants currently in Greek prisons have been wrongfully convicted.

Abdi’s case also highlights the issue of asylum-seekers receiving lengthy prison terms for trafficking or facilitating illegal entry, despite claiming they were acting in self-preservation. 

Human rights groups have identified several similar cases in recent months where this has occurred. Last month, t two Afghan men, Akif Razouli and Amir Zahiri, who were serving 50-year prison sentences, were granted release on appeal. Razouli was cleared, while Zahiri’s sentence was reduced to eight years.

The campaign to support jailed migrants has received support from human rights groups, leading Greek performing artists, and 15 European Parliament members who have written letters of complaint to Greek authorities.

The Greek government has defended its migration policy as “strict but fair,” arguing that harsh sentencing for smugglers is a vital part of the country’s border defense policy. 

However, legal experts and rights groups argue that the heavy sentences being given to migrants are meant to deter others from attempting to enter the country rather than as a form of justice.

Greece has recently been at the forefront of Europe’s migration crisis. With the country’s location on the Eastern border of the EU and being in the proximity of major migratory routes, it has been a gateway for migrants and refugees seeking to enter the EU. 

This has put pressure on Greece’s government to toughen its border policies to stem the flow of illegal migration. The approach has led to increased numbers of people being imprisoned for smuggling, which has been decried by human rights groups.

In light of Abdi’s release and the recent releases of Razouli and Zahiri, Kouloglou stated, “our next step for us is to campaign for the law to change.” 

Abdi’s case serves as a reminder of the human cost of stricter migration policies and the need for a fair and humane approach to handling migration. 

There is a growing recognition that the EU needs to find a comprehensive and sustainable solution for migration that addresses security concerns and respects the rights and dignity of migrants. 

Dowladda Kenya oo qaaday tallaabo u muuqata in ay aqoonsatay SOMALILAND

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa maanta qaaday tallaabo u muuqata inay aqoonsatay Somaliland oo hadda ay ula macaamileyso sida dal madax-banaan oo kale. 

Amar madaxweyne oo kasoo baxay madaxweynaha dalkaas William Ruto ayaa lagu sheegay in Kenya ay safaarad ka furaneyso Somaliland, taasi oo qeyb ka ah isku day lagu ballaarinayo howlgallada diblomaasiyadeed ee Kenya ee dalalka kale ee caalamka. 

Amarkan, oo tirgiisu yahay Executive Order No.1 of 2023, ayaa safaarado ama qunsuliyado looga furi doonaa magaalooyinka Djibouti, Bern, Arusha, Goma, Jakarta iyo Hargeysa. 

Safaaradaha Jabuuti, Jakarta (Indonesia), iyo Hargeysa ayaa noqon doona kuwii ugu horreeyey sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibedda. 

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo 7-dii September 2021 ay Kenya Somaliland u magacoway madaxa xafiis siyaasadeed, xilli uu khilaaf xooggan kala dhaxeeya madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Hase yeeshee, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa markii dib loo doortay dadaal u galay inuu hagaajiyo xiriirka labada dal, isaga oo Kenya tegay laba mar, oo mar uu la kulmay Uhuru Kenyatta inta aanu xafiiska ka tegin, marna William Ruto markii la doortay.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale xayiraadda ka qaaday qaadka Kenya, oo ay xanibtay dolwaddii Farmaajo, ayada oo taa beddelkeeda ay Kenya ballan-qaaday inay fududeyso dal-ku-galka iyo socodka muwaadiniinta Soomaaliyeed, balse aysan ka dhabeyn.

Kaaga sii daran, waxay hadda Xasan Sheekh ugu abaal-guday inay safaarad ka fureyso Hargeysa, taasi oo dhaawac xooggan gaarsiin karta xiriirka labada dal. 

Heshiiskii uu Xasan Sheekh la galay Uhuru Kenyatta iyo William Ruto ayaa waxaa hadda muuqaneysa inuu ahaa mid dhinac u raran oo u faa’iideeyey kaliya Kenya, islamarkaana Soomaaliya ay ka dheeftay kaliya sawirro la qaaday. 

Ma cadda waxa uu hadda Xasan Sheekh uga jawaabi doona tallaabada Kenya, iyo haddii uu leeyahay karti uu ku qaadi karo tallaabo uu ku ciqaabayo Nairobi. 

Madaxweyne Xasan oo ka jawaabay go’aankii Puntland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad ka keediyay shirka arrimaha Garsoorka dalka oo ka furmay magaalada Muqdisho ayaa si kulul uga hadlay go’aankii dhowan kasoo baxay Puntland ee ay ku shaacisay inay u dhaqmeyso, sida dowlad ka madax bannaan oo kale.

Xasan Sheekh Maxamuud oo si dadban ugu jawaabay Puntland ayaa shaaciyay in si qaldan loo fahmay nidaamka federaalka, isaga oo shaaciyay in aan la kala qaybin karin dalka.

“Dalkaan laba wax-yaabood inaan la’isku qaldin ayaan rabaa. Dalka in la federaaleeyo waa mid dalka in la’isku haayaa oo mid noqdanaa waa mid kale,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dalka uu leeyahay hal dowlad oo ah dowladda dhexe ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

“Dalka in la federaaleeyo micnaheeda ma aha in dalka uu kala tego oo qofba meesha ay rabto ay iska aadi karto ma aha. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Jamhuuriyad la yiraahdo ayaan nahay hal dowlad ayaa nahay,” ayuu sii raaciyay madaxweyne Xasan.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dalka oo dhan ay mas’uul ka tahay dowladda dhexe maamul goboleedyadana ay mas’uul ka yihiin arrimaha gudaha ee maamulladooda.

“Waxa kasta oo muwaadinka Soomaaliyeed ee Raas Gaambooni jooga iyokan Raas Caseer jooga iyo kan lowyacadde jooga wada taabanayo dowladda dhexe ayaa mas’uul ka ah, dowlad goboleed mas’uul kama aha,” ayuu markale yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxa kale oo uu intaasi sii raaciyay “Jasiirado kala xir xiran oo midba midka kale difaac uga jiro ma aha”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo dood adag ay ka dhalatay go’aankii kasoo baxay Puntland, kaas oo uga sii daray xiisadda kala dhexeysa dowladda federaalka, waxaana sidoo kale arrintaan ka dhashay walaac xoogan oo ku aadan tallaabada uu qaaday Deni.

Madaxweyne XASAN oo soo faro-geliyay arrinta GEDO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kulan gaar ah oo xalay xarunta madaxtooyada ku dhex-maray madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo kamid ah xubnaha laga soo doorto Jubbaland kana soo jeedo gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlay arrinta gobolka Gedo oo uu haatan si toos ah u faro-geliyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wararka ayaa sheegaya in sidoo kale kulanka ay khadka taleefanka uga qayb-galeen guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo, Axmed Buulle Gareed iyo sidoo kale wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Jubbaland Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in intiisa badan shirkan diiradda lagu saaray xaaladda gobolka Gedo iyo sidii gobolkaas loo hoos geyn lahaa Jubbaland.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay muhiim tahay in xal loo helo arrinta Gedo oo muddo aad u dheer soo socotay, si loo helo Jubbaland oo mid ah.

Sidoo kale wuxuu madaxweynuhu sheegay in maamulka iyo shacabka Gedo looga baahan yahay fur-furnaan iyo inay la shaqeeyaan maamulka Axmed Madoobe ee haatan fadhigiisu yahay magaallo xeebeedka Kismaayo, si meesha looga saaro khilaafka muddada soo jiray.

Waxa kale oo uu intaasi ku sii daray in dib loo soo celinayo mashaariicdii laga fulin jiray gobolkaasi si loo horumariyo, ayna iska kaashan doonaan dowladda dhexe iyo Jubbaland.

Dhankooda Senatar Fartaag iyo guddoomiyaha gobolka Gedo oo kulanka ka hadlay ayaa si wadajir ah u dalbaday in marka hore la xalliyo tabashada reer Gedo, isla-markaana ay ka mas’uuliyiin ahaan diyaar u yihiin ka qyab-qaadasha arrimaha dib u heshiisiinta gobolkaasi.

Kulankan ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah, isla-markaana maalmihii u dambeeyay ay soo rogaal celisay xiisadda Gedo, kadib markii ay gobolkaasi dib ugu laabteen Senator Fartaaq iyo Janan oo markale dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo kuwa siyaasadeed ka bilaabay halkaasi.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto arrinta gobolka Gedo oo sii jiitameysay, kahor iyo kadib-ba doorashadii soo dhamaatay ee 2022.

Egypt and Somalia strengthen ties in trade, investment and security

Cairo (Caasimada Online) – Egypt’s Foreign Affairs Minister, Sameh Shokry, met with his Somali counterpart, Absher Omar Huruse, on Tuesday in Cairo to discuss ways to strengthen bilateral relations and cooperation on matters of mutual interest. 

The meeting took place as part of an official delegation headed by Somali Prime Minister Hamza Abdi Bari, who is currently visiting Egypt.

Both ministers highlighted the positive momentum in the relationship between Egypt and Somalia. They expressed a desire to continue building on this progress. 

Shokry emphasized Egypt’s full solidarity with Somalia in the face of terrorism and its readiness to support Somali forces in that realm. He also noted that Egypt is committed to providing medical aid and food to help the country deal with the challenges of drought. Furthermore, the Egyptian Minister underlined the importance of security and stability in Somalia, a country that locate given its strategic location on the Red Sea and Gulf of Aden.

The two ministers also discussed several Memorandums of Understanding (MoUs) that the prime ministers of both countries will sign during the visit. These MoUs will further strengthen the cooperation between the two countries in several key areas, including trade, investment, and security. 

Additionally, they discussed the security situation in Somalia and the Horn of Africa region and ways to support the peacekeeping efforts of the African Union (AU) in Somalia.

On his part, Huruse praised the existing cooperation between Egypt and Somalia in healthcare and education, among others. He also thanked Egypt for delivering training courses to Somali professionals and granting scholarships to Somali students. Huruse noted that the Somali people have confidence in Egypt and appreciate its support. He also emphasized that these efforts have positively impacted the development of the Somali economy and the well-being of its people.

In recent months, Egypt has stepped up diplomatic efforts to have more influence in Somalia. This is in part because of the election of President Hassan Sheikh Mohamud in June 2020.

Mohamud’s reelection presented an opportunity for Egypt to bypass the block between the two countries that was allegedly imposed by former President Mohamed Abdullah ‘Farmaajo’, who was a close ally of Turkey and Qatar and had also built more robust relations with Ethiopia and Eritrea during his time in power.

The lack of Egypt’s presence in Somalia in the last 20 years has given rise to Turkey and Iran, filling this void in the Horn of Africa. Turkey has a sizeable military presence in Mogadishu, and many Somalian soldiers receive training in Turkey. 

In fact, In August 2020, Turkey’s Ambassador to Mogadishu, Mehmet Yilmaz, told Anadolu Agency that his country is on track to train one-third of Somali military forces, totaling around 15,000-16,000 personnel, most of them at the Counter-Terrorism Training and Exercise Center in the southwestern province of Isparta.

As such, Egypt is looking to play a more active role in the region and is keen on re-establishing itself as a major player in the Horn of Africa. In this vein, during a visit to Cairo in July 2020, President Mohamud met with President Abdel Fattah al-Sisi and discussed advancing economic and strategic relations, counterterrorism, and supporting the spread of moderate Islam in line with Al-Azhar’s interpretation.

Xamza oo shaaciyey inuu 3 arrin sameynayo sanadkan

0

Qaahira (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo haatan ku sugan magaalada Qaahira ee xarunta waddanka Masar ayaa kulan gaar ah la yeeshay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi, isaga oo kala hadlay xaaladda dalka.

Ra’iisul wasaare Xamza ayaa sheegay in weli dalka ay ka jiraan caqabado fara badan, isla-markaana ay soo laa laabtaan is qab-qabsiyada siyaasadeed iyo midka maamul ee dalka.

“Marka kasta oo aad dhaqaaqdo Soomaaliya, wax ku jiida oo lugta kugu dhega oo marba maro kaa jeexa oo meel ka qayliya lama waynaayo” ayuu yiri ra’iisul wasaaruhu.

Sidoo kale wuxuu shaaca ka qaaday in xukuumaddiisa DanQaran ay sanadkan 2023-ka qaadi doonto saddex tallaabo waa weyn, sida dagaalka Al-Shabaab, dhammeystirka barnaamijka Deyn Cafinta & Dastuurka oo hadba meel lasoo gaarsiinayey sanadihii dambe.

1-SHABAAB

Ra’iisul wasaaraha Xamza ayaa sheegay in qorshaha koowaad ee dowladda federaalka uu yahay xoreynta dalka, wuxuuna wacad ku maray in Shabaab sanadkan lasoo afjari doono.

“Waxaan sameyneynaa dib u xoreynta sanadkan waxaa la rabaa in Shabaab laga waayo Soomaaliya,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

2-DEYN

Isaga oo ka hadlayey arrimaha deyn cafinta ayaa waxa uu sheegay in Soomaaliya ay sanado badan lasoo rafaneysay deymo lagu leeyahay, balse waxa uu tilmaamay in bisha 9-aad ee Septembar ee sanadkan cusub ee 2023-ka, la soo gabagebeynta deyn cafinta.

“Bisha Septembar ee sanadkan waxaan rajeyneynaa in ay naga roganto oo nalaga cafiyo deynta, haddii uu Ilaah yiraado” ayuu markale yiri ra’iisul wasaaruhu.

3-DASTUURKA

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo ka hadlayey magaalada Qaahira ayaa ugu dambeyn soo hadal qaaday arrimaha Dastuurka, wuxuuna sheegay dalka uu ka jiro jah-wareer xoogan oo ku aadan xagga maamulka, maadaama marar badan la’is qabtay.

Xamza ayaa hoosta ka xariiqay in xukuumadda ay ku dadaali doonto in laga shaqeeyo sanadkan sidii loo dhammeystiri lahaa Dastuurka dalka, si meesha looga saaro khilaafaadka marar badan soo laa laa laabtay ee u dhexeeya madaxda Soomaaliyeed.

“Waa inaan Dastuurka dhameystirnaa. Dalkan haddii aanan Dastuurkiisa la dhammeystirin dowladda Soomaaliya say ku shaqeyo way adag tahay.” ayuu ku soo gabagabeeyay.

KACDOON shacab oo ka billaabanaya MUQDISHO iyo wararkii ugu dambeeyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa iclaamisay kacdoon ka dhan ah kooxda Al-Shabaab oo haatan ka bilaabanaya magaalada Muqdisho, si looga hortago kooxdaan, loona taageero ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.

Maamulka gobolka Banaadir oo qorshahan horkacaya ayaa shaaca ka qaaday in la qaban doono dibad-bax ballaaran oo la’isugu keenayo reer Muqdisho, si ay qayb uga noqdaan kacdoonka uu ku dhawaaqay madaxweyne Xasan Sheekh ee hadda socdo gobollada dalka.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo ka hadlay abaabulka socdo ee dibad-baxa ayaa sheegay inay ka qayb qaadaan dhammaan qaybaha bulshada iyo sidoo kale hay’adaha dowladda federaalka.

“Shirweyne intaan ka ballaaran oo aan isugu keeneyno gobolka oo dhan dadka ku dhaqan qaybihiisa kala duwan Culuma-Udiinkii, Odayaashii, Haweenkii dhammaan hay’adaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya ay ka kooban tahay ayaan qaban doonaa maalmaha soo socda, hadduu Ilaah yiraahdo,” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ujeedka uu yahay in meel looga soo wada jeesto kooxda Al-Shabaab oo haatan culeys xoogan kala kulamaya howlgallada gobollada.

Yabooh ayaa carabka ku goday inay dhaqan-gelin doonaan go’aankii madaxweynaha ee ku aadanaa in la dardargeliyo dagaalka haatan lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

“Waxaa lagu iclmaamin doonaa oo looga hortegayaa kacdoonkii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda ku dhawaaqay oo ahaa Khawaarijta meel kasta oo ay joogaan in lagula dagaalo, sidii looga hortagi lahaa, kacdoona loogu sameyn lahaa,” ayuu sii raaciyay.

Dhinaca kale wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa isna ka hadlay dibad-baxaan la abaabulayo, wuxuuna sheegay in la qabanyo maalinta beri ah, isla-markaana uu Muqdisho ka bilaabayo kacdoonka ka dhan ah Shabaab.

“DAAHFURKA KACDOONKA MUQDISHO & KHAMIISTA. Muqdisho waa kacdoontey!” ayuu isna yiri wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya.

Arrimahaan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay guullo kasoo hoyeen dagaallada ka socdo inta badan gobollada dalka.

Afduub ay Al-Shabaab ka geysteen Hiiraan oo qarka u saaran inuu yeesho waji qabiil

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab oo dhawaan dad gaaraya illaa 15 qof oo shacab ah, oo kasoo jeeda beesha Xawaadle ka afduubatay gobolka Hiiraan, ayaa waxa laga yaaba inay colaad ka dhex abuurto beelaha Xawaale iyo Gaaljecel.

Xog laga helayo arrintan ayaa waxay sheegaysaa in dadkan lagu haysto deegaanka Buqda oo ka tirsan gobolka Hiiraan, islamarkaana loo afduubtay inay u dhasheen beesha Xawaadle oo dagaal kula jirta Al-Shabaab

Khilaaf iyo muran ka dhashay arrintan ayaa sababtay inuu iska hor imaad dhexmaro sarkaalka Shabaab ka tirsan oo kasoo jeeda beesha Xawaadle iyo rag kale oo kooxda ka tirsan oo kasoo jeeda beesha Gaaljecel, sida laga soo xiganayo illo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Xogta ayaa intaas kusii dareysa in Shabaab ay markii dambe dishay sarkaalka iyo ilaalo uu watay, wuxuuna dilkiisa hadda qarka u saaran yahay in waji qabiil ay isku beddesho arrinta dadka la afduubtay ee u dhashay beesha Xawaadle.

Sidoo kale waxaa lagu soo waramaya in khilaafka xoogan oo arrintaan la xiriirta ka dhex taagan yahay Shabaab dhexdiisa, ayada oo gaartay saraakiisha ugu sareysa kooxda ee ku sugan Jilib.

Afduubka ay billowday Al-Shabaab ayaa toddobaadyadii dambe walaac xoogan ku abuurtay dadka deegaanka oo markii hore culeys kala kulmayay howl-galada iyo dagaalka haatan ka socda gobolkaasi.

Si rasmi ah looma oga in arrintaan ay Shabaab ka leedahay qorshe isku dirka beelaha ah, xili uu dagaal xoogan oo qeyb ka yihiin uu ku socdo kooxda, kaasi oo lagu xoreeyay deegaano horleh oo sanado badan gacanta ku haysay.

Si kastaba, Hiiraan ayaa ah gobolka uu ka soo billowday kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaasi oo ay horkaceyso dowladda federaalka Soomaaliya oo deegaano iyo degmooyin horleh ka qabsatay kooxda, kadib dagaalo ay qaadeen ciidamada xooga iyo kuwa deegaanka.

Cirro oo shaaciyay cidda ka dambeysa xiisadda ka taagan LAASCAANOOD

Laascaanood (Caasimada Online) – Musharraxa madaxweyne ee xisbiga Wadani ee Somaliland, Mudane Cabdirxamaan Cirro ayaa markale ka hadlay xiisadda weli ka taagan gudaha magaalada Laascaanood, taas oo sababtay dhimasho, dhaawac iyo burbur xoogan.

Cirro oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland ay mas’uuliyad ka saaran tahay Laascaanood, si lamid ah magaalooyinka kale.

“Ammaanka shacbiga Sool iyo magaalada Laascaanood wuxuu saaran yahay xukuumadda Somaliland, sida uu u saaran yahay ammaanka Hargeysa, Burco, Ceerigaabo, Berbera iyo Boorame,” ayuu yiri musharraxa madaxweyne ee garabka Xisbiga Mucaaradka ee Wadani.

Sidoo kale wuxuu shaaca ka qaaday cidda ka dambeysa hurinta xiisadda ka jirta magaalada Laascaanood, wuxuuna tilmaamay in ay ku dhex jiraan gacmo shisheeye.

“Gacmaha shisheeye waxaan uga digeynaa inay kala baxana faraha arrinta Laascaanood. Shacbiga Sool waxay kamid yihiin shacbiga Somaliland,” ayuu markale yiri Ciroo.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in Laascaanood ay ka mid ah tahay dhulka Somaliland, isla-markaana xaalkeeda laga rabo xukuumadda Hargeysa.

“Laascaanood waa Somaliland dhibka ka dhacay wuxuu u yaalla Somaliland dadka aan waxba ku kordhineynin xallintaba dhibaatadaas waxaanu leenahay faraha ka qaada,”.

Laascaanood ayaa weli ku jirto xaalad adag, waxaana isku hor fadhiya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee la wareegay gacan ku heynta magaaladaasi.

Rabshadahaan oo galay todobaadkii saddexaad ayaa ka dhashay dil Isniintii magaaladaasi loogu gaystay Cabdifitaax Cabdullaahi Cabdi (Hadraawi) oo ka mid ahaa dhallinyarada deegaanka ee siyaasadda ka muuqday, xubina ka ahaa xisbiga mucaaradka ee Waddani.

QODOBADA ugu culus ee ku jira bayaankii PUNTLAND iyo arrimaha ka dhalanaya

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Puntland ayaa soo saaray bayaan ka koobna saddex bog, kaasi oo ay ku sheegtay mowqif cusub oo ku saabsan geeddi socodka dowlad dhiska hannaanka federaalka Soomaaliya.

War-saxaafadeedka kasoo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in qodobka 142 ee dastuurka federaalka uu waafaqsan yahay qodobka 4-aad ee dastuurka Puntland farqadiisa 3-aad uu Puntland xuquuq u siinayo inay u dhaqanto sidii dawlad madax-bannaan.

“Inta laga dhammeystirayo wada-xaajoodyada dowladda federaalka iyo dowladda Puntland, wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dowladda Puntland waxay dhiggooda dowladda federaalka ah kaliya kala xaajoon karaan wada shaqeynta mashaariicda horumarineed iyo kuwa bini’aadantinimo iyadoo la illaalinayo madax-bannaanida awoodaha fulineed ee hay’adaha dowladda Puntland,” ayaa lagu yiri qoraalka kaasoo baxay maamulka Puntland.

War-saxaafadeedka Puntland oo ka koobna qoddobo dhowr ah ayaa waxa ugu cusla 2 qoddob oo xasaasiyad gaar ah leh, kuwaasi oo kala ah; In Puntland ay u dhaqanto sidii dowlad u madax bannaan iyo In meesha laga saaro wada-shaqeynta DF iyo Puntland.

Labadan qoddob oo saameyn weyn leh ayaa waxa ka dhalanaya, arrimahan hoose;

  1. In Puntland ay si iskeed ah u gali karto heshiisyo aysan waxba ka ogeyn dowladda federaalka.
  2. In wax iskaashi amni ah uusan dhex-mari karin ama ka wada-shaqeyn doonin dowladda federaalka iy Puntland.
  3. In aysan dowladda federaalka si toos ah usoo fara-gelin karin rabitaanada guracan ee madaxweyne Saciid Deni.
  4. In Puntland aysan qeyb ka noqon doonin shirarka muhiim u ah dowlad dhiska iyo kuwa Madasha Wada-tashiga Qaran oo xubin ka tahay.

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa waxa uu dhawaan sheegay in dowlada uu hogaamiyo Xasan Sheekh ay raadineyso inay soo celiso nidaamkii dowlad dhexe oo awood leh, taasi oo sida uu sheegay khilaafsan wixii ay raadineysay Puntland.

Deni oo xiligaan qiil ka dhiganaya in Puntland la duudsiinayo waxay xaqa u laheyd, ayaa mowqifkiisa cusub marnaba ka madhneyn dano siyaasadeed gaar ah, kaasi oo hore looga digay.

Si kastaba, Go’aanka kasoo baxay maamul goboleedka Puntland ayaa la qaba haddii ay meel adag iska taagi weydo dowladda federaalka Soomaaliya, ay sidoo kale ku dhiiran karaan maamulada dhigeeda ah, si ay ugu yaraan madaxda dowladda federaalka ugu cadaadiyaan rabitaanadooda gaarka ah.

Taliye XIJAAR oo saddex arrimood kusoo bandhigay shirka dalalka CARABTA

0

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Booliska Sooomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabka, ayaa ka qeyb-galay shir muhiim ah.

Taliye Xijaar ayaa Abu Dhabi kaga qeyb-galay meertada 46-aad ee shirka Taliyeyaasha Ciidanka Booliska dalalka Carabta.

Shirkan oo sannadle ah ayaa waxa looga hadlayaa ka hortagga iyo la-dagaallanka lacag dhaqista.

Taliye Xijaar ayaa shirka uga warbixiyay guulaha ay dowladda federaalka Soomaaliya ka gaartay xoojinta iyo tayaynta hay’adaha amniga, dagaalka argagixisada looga xoraynayo dalka iyo dadaallada hay’adaha amniga, oo uu ugu horreeyo Booliska Soomaaliyeed ayna ugu jiraan la-dagaalanka lacag dhaqista.

Sidoo kale, Taliyaha Ciidanka Booliska Sooomaaliyeed ayaa inta uu shirku socday waxa uu kulan doceedyo la qaatay Xoghayaha Guud ee Golaha Wasiiradda Arrimaha Gudaha Carabta Dr Maxamed Cali Bin Koomaan iyo Kaaliya Wasiirka Arrimaha Gudaha Masar Sarreeye Gaas Dr Calaa Cabdulmucdi.

Sidoo kale masuuliyiinta uu taliyaha la kulmay ayaa waxa kamid ahaa Gudoomiyaha Jaamaacadda Naif ee Culuumta Amniga, Dr Cabdulmajid Bin Cabdalla Al-biniyaan.

Taliye Xijaar iyo masuuliyiintan ayaa waxa kulankooda diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labo geesoodka ah, sida lagu sheegay qoraal laga soo saaray shirkaan.

Labo sano oo dagaal ah ka dib hub ka dhigista TPLF oo ka bilaabatay ITOOBIYA

0

Adis Ababa (Caasimada Online) – Ciidamada Tigreega oo dagaal socday muddo labo sano ah kula jiray dowladda federaalka Itoobiya, ayaa Talaadadii bilaabay in ay hubka culus ku wareejiyaan ciidamada qaranka, taasoo qayb ka ah geeddi-socod nabadeed oo uu hoggaaminayo Midowga Afrika.

Burburinta ciidamada Tigrayga ayaa loo arkaa inay udub dhexaad u tahay heshiiskii xabbad-joojinta ee November 2-deedi, oo ay barbar socdeen soo celinta adeegyadii dowliga ahaa iyo kuwa gaar ahaaba, dib u soo celinta gargaarka bini’aadantinimo iyo ka bixitaanka ciidamada Eritrea, kuwaas oo ka barbar dagaallamay ciidamada Ethiopia, balse aan qayb ka ahayn xabbad joojinta.

Colaadda ayaa boqollaal kun oo dadwaynaha Tigrayga ah ku abuurtay xaalad macaluul oo kale ah, waxaana ku dhintay kumannaan waqooyiga Itoobiya.

Xil-wareejinta hubka oo ka dhacday magaalada Agulae oo qiyaastii 30 km (18 miles) waqooyi bari kaga beegan magaalada Mekelle ee xarunta gobolkaasi, ayaa waxaa kormeeray koox kormeereyaal ahka kooban xubnaha labada dhinac iyo urur goboleedka IGAD.

Xafladda wareejinta hubka ayaa waxaa ka hadlay wakiilka ciidamada difaaca Tigrayga (TDF) Mulugeta Gebrechristos waxaana uu sheegay in bilowga hub ka dhigista ay kaalin weyn ka qaadan doonto soo celinta nabadda.

Askarta Eritrea ayaa dabayaaqadii bishii hore isaga baxay dhowr magaalo oo waaweyn oo Tigray ah, balse kama aysan bixin dhulka Tigrayga, sida ay sheegeen dadka deegaanka. Eritrea ayaa diidday inay ka hadasho in ciidamadeeda ay baxayaan iyo in kale.

VOA + Reuters.

Booliska oo soo bandhigay laba nin oo maanta si arxan darro dilal u geystay + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Muqdisho waxaa weli ka socda dilalka loo geysanayo dadka, iyadoo loo dilayo shilimaad aad u yar, ugu yaraan laba nin ayaa maanta lagu kala dilay degmooyinka Balcad iyo Xamarweyne.

Ninka lagu dilay Balcad wuxuu ahaa wade Mooto Bajaaj, halka kan lagu dilay Muqdisho uu ahaa ganacsade caan ka ahaa degmada lagu dilay ee Xamarweyne, waxaana warbahinta loo soo bandhigay raggii maanta geystay labadaas dil.

Balcad waxaa maanta ka dhacay banana-bax xoog leh oo dadka degmadaas ay uga dhiidhinayeen dilka loo geystay Bajaaj-laha, waxayna dadweyne careysan burburiyeen isbaaradii lagu dilay marxuumka.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in ninka geystay dilka ka dhacay Balcad uusan ka tirsanaeyn ciidamada dowladda, balse uu ku lebisnaa dharka ciidanka, “Wuxuu isku deyey inuu baxsado, laakiin waxaa laga soo qabtay meel 20 KM u jirtay goobtii uu ninka ku dilay,” ayuu yiri Sadiiq Doodishe.

Ninkaan oo doonayey in uu baxsado ayaa lagu soo xiray saldhigga Balcad, iyadoo isla maanta loo soo gubiyey Muqdisho, si loo hor geeyo cadaaladda.

Dilka labaad ayaa maanta duhurkii degmada Xamarweyne loogu geystay ganacsade lagu magacaabi jiray Abuukar Nuuraani, waxaana dilay askari ka tirsan ciidanka ilaalada deegaanka ee qaada canshuuraha, kaas oo isna loo soo bandhigay warbaahinta.

“Sida aan ku ogaanay baaris hordhac ah, askarigaan wuxuu ninkaas oo 60 sano jir ahaa u dilay lacag aad u yar, sidoo kale kan Balcad sidaas oo kale lacag aad u yar ayuu u dilay muwaadinkaas,” ayuu yiri afhayeenka booliska Soomaaliya.

Sidoo kale afhayeenka ayaa saxaafadda u sheegay in deg deg cadaaladda loo hor geyn doono ragaan ku eedeysan dembiyada culus, “Waxaan idiin xaqiijineynaa in ragaas aan heyno, ma jirto sabab ay cadaaladda uga baxsa doonaan ragaan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Hoos ka daawo

Sarkaal sare iyo dagaal-yahano lagu dilay dagaal ka dhex-qarxay Al-Shabaab

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa deegaanka Buq-Aqable oo ka tirsan gobolka Hiiraan ku qaarijiyey horjooge sare iyo Maleeshiyaad kooxda ka tirsanaa, kadib markii uu dagaal toos ah halkaas ku dhex-maray laba garab oo ka tirsan kooxda.

Sarkaal lagu magacaabo Cabdikariin Yuusuf Axmed oo loo yaqaan (Ina Qoor Madoobe) oo horey u soo noqday horjoogihii Al-Shabaab ee degmada Aadan-Yabaal iyo deegaanka Moqokori oo ka wada tirsan dowlad goboleedka HirShabelle ayaa xalay fiidkii lagu qaarijiyey deegaanka Buq-Aqable oo 40 KM dhanka Galbeed kaga beegan degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan.

Xogtaan waxaa baahisay warbaahinta dowladda Soomaaliya, wuxuuna dilka ninkaan yimid kadib markii muran uu soo kala dhex-galay isaga iyo saraakiil kale oo ka tirsan kooxda, khilaafka ayaa ka dhashay dalab ku aadanaa in lasii daayo odayaal ay dhowaan kooxdu kasoo qafaalatay qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan.

Sarkaalka la dilay ee Ina Qoor Madoobe oo wata ugu yaraan 50 dagaalame oo ku heyb ah ayaa la sheegay inuu dalbaday in lasii daayo odayaasha, kadibna waxaa dhacay dagaal lagu dilay isaga iyo koox kale oo ka barbar dagaalameysay.

Warbaahinta Qaranka oo soo xiganeysa Ilo wareedyo ku sugan deegaanka ay ku dagaalameen Al-Shabaab ee Buq-Aqable ayaa tebisay in dagaalka oo socday mudo saacad iyo bar ah uu markii hore bilaabay horjoogaha la dilay, kaas oo inta aan la dilin toogtay ilaa Afar dagaalame ah oo is hortaagay in uu la baxo odayaasha oo weli ku jira gacanta Al-Shabaab.

Wararku waxay intaas ku darayaan in sidoo kale dagaalka lagu dilay 4-kale oo ka mid ah maleeshiyaadka ku heybta ahaa Ina Qoor Madoobe, guud ahaan Shabaab-kii ku dhintay iska hor imaadkaas waxaa lagu sheegay 8-ruux oo mid ka mid ah uu ahaa sarkaalkaas sare.

Weli deegaanka Buq-Aqable waxaa ka taagan xiisad u dhaxeysa Al-Shabaab-ka ku sugan halkaas. Rag ku heyb ah hoggaamiyihii la dilay ee C/kariin Yuusuf Axmed (Ina Qoor Madoobe) ayaa is uruursanaya, kuwaas oo doonaya inay xoog ku soo furtaan odayaasha xiran.

Todobaadkii hore ayey aheyd markii ay sidaan oo kale Maleeshiyaad ka wada tirsan Al-Shabaab ku dagaalameen deegaan hoos taga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, ayadoo dagaalkaas ay Al-Shabaab isaga dileen tobaneeyo dagaalame.

WASIIR JUXA oo fasiraad yaab leh ka bixiyay go’aankii kasoo baxay PUNTLAND

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha ee maamul goboleedka Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxa oo ka hadlay go’aankii ay xalay shaacisay madaxtooyada maamulkaasi, ayaa sheegay in uu yahay mid lagu caddaynayo gorgortanka ay Puntland ka galayso qaddiyadaheeda dastuuriga ah.

Wasiir Juxa oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sidoo kale waxa uu tilmaamay in aysan Puntland qaadan go’aan ay kaga go’ayso Soomaaliya inteeda kale.

“Soomaaliya annagu kama go’in, wanaageedana waan ka shaqeynaynaa. Laakiin waxaanu leenahay si waaqici ah dhalada jabta haloo ururiyo,” ayuu yiri Juxa.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay loo baahan yahay ka hor inta aan dastuurka Soomaaliya la meel marin laga heshiiyo arrimo ay kamid yihiin qaddiyada Somaliland iyo meeqaamka caasimadda.

“Dowladda federaalka waxay u muuqata mid dadajineysa dastuurka dalka, ayada oo aan weli diirada la saarin arrimihii mudnaanta lahaa in laga heshiiyo,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Xalay ayay ahayd markii ay Puntland soo saartay war-saxaafadeed lagu sheegay “in Puntland si madax-banaan qaddiyadaheeda dastuuriga ah ugala xaajonayso dowladda Soomaaliya.”

Sidoo kale waxaa lagu sheegay qoraalkaasi oo kasoo baxay Madaxtooyada Puntland inay u dhaqmi karto sidii dowlad madax-banaan inta laga dhameystirayo dastuurka dalka.

“Sida ku cad Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 4-aad, farqaddiisa 2-aad, Dowladda Puntland waxay Dowladda Federaalka ah kala xaajoonaysaa danaheeda inta laga gaarayo dhammeystirka hannaanka federaalka ee Dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee Dowladda Puntland waxay dhiggooda Dowladda Federaalka ah kaliya kala xaajoon karaan wada shaqeynta mashaariicda horumarineed iyo kuwa bini’aadantinimo iyadoo la illaalinayo madax-bannaanida awoodaha fulineed ee hay’adaha Dowladda Puntland si waafaqsan Dastuurkeeda qodobkiisa 4- aad, farqaddiisa 3-aad.”

Dowladda oo shaacisay in 2 horjooge iyo xubno kale oo Shabaab ah lagu dilay howlgal

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa goordhoweyd shaacisay in ciidanka xoogga dalka iyo ciidanka Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ay 15 Al-Shabaab ah ku dileen howl-gal qorsheysan oo ay ka fuliyeen gobolka Shabeellaha Dhexe.

Shabaabka lagu dilay howl-galkaan ayaa waxa ku jira laba horjooge, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

“15-xubnood oo Khawaarij ah oo ay ku jiraan Labo horjooge ayaa lagu dilay howlgal wadajir ah oo ciidamada xoogga dalka, ciidanka Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen duleedka deegaanka Xawaadlay.”

Xubnaha la dilay waxaa ku jira horjooge magaciisa lagu soo koobay Farxaan, kaasi oo Al-Shabaab u qaabilsanaa deegaanka Xawaadlay iyo Horjooge Ismaciil Ibraahim Xaaji Xuseen “Garweyne” horjoogihii deegaanka Jameeco.

Howl-galkaan ayaa daba socday howl-gal shalay ka dhacay isla deegaankaan oo lagu dilay 61 ka tirsan kooxda Al-Shabaab, sidoo kalana lagu burburiyay gaadiid Qaraxyo lagu soo xiray.

Waxay tani ay ka dhigaysaa khasaaraha kooxda Al-Shabaab gaaray labo maalmood gudahood 76.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA ayaa muddooyinkii dambe howl-galo qorsheysan ku beegsaneysay dagaal-yahanada Al-Shabaab, kuwaasi oo ay ku dishay Shabaab badan, xili uu gobolada dalka ka socda dagaal ka dhan ah kooxda.

Tan iyo markii uu billowday dagaalka Al-Shabaab ayaa waxa laga gaaray guulo waaweyn, waxaana kooxda laga xoreeyay deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda.

Sawirro: Soomaaliya iyo Ethiopia oo heshiis cusub ku saxiixday Addis Ababa

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa maanta heshiiska adeega Hawada (ASA) ee labada dal ku kala saxiixday magaalada Addis Ababa.

Heshiiskan ay labada kala saxiixdeen ayaa waxa lagu sameeyay dib u habeyn, kaasi oo la dhaqan-geliyay 3-dii December 1988-kii.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal iyo dhigeeda dalka Itoobiya, Marwo Dagmawit Moges ayaa goobjoog u ahaa munaasabad ka dhacday Addis Ababa ee lagu saxiixay heshiiskaas.

Heshiiskan ayaa la sheegay inuu la jaan-qaadayo waqtigan la joogo, iyadoo lagu sameeyay isbeddelo lagu horumarinayo iskaashiga labada dal ee dhinacyada Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

“Heshiiskan 1988 ayaa horay loo saxiixay , maaddama 35 sanno ay ka soo wareegatay waxaan u baahanahay in aan helno heshiis casri ah oo la jaanqadi kara qarnigaan la joogo,” ayey tiri Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS, Xil. Fardowsa.

Waxay hadalkeeda sii raacisay “Heshiiskan wuxuu horumarinayaa iskaashigeena iyo khibrad wadaaga dhinacyada Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya.”

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa leh xiriir wanaagsan, ayada oo labada dhinac ay hore iskula qaateen sidii looga wada-shaqayn lahaa arrimaha amniga, dhaqaalaha iyo danaha labada dawladood.