31.9 C
Mogadishu
Monday, May 11, 2026

Sawirro: Soomaaliya iyo Ethiopia oo heshiis cusub ku saxiixday Addis Ababa

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa maanta heshiiska adeega Hawada (ASA) ee labada dal ku kala saxiixday magaalada Addis Ababa.

Heshiiskan ay labada kala saxiixdeen ayaa waxa lagu sameeyay dib u habeyn, kaasi oo la dhaqan-geliyay 3-dii December 1988-kii.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal iyo dhigeeda dalka Itoobiya, Marwo Dagmawit Moges ayaa goobjoog u ahaa munaasabad ka dhacday Addis Ababa ee lagu saxiixay heshiiskaas.

Heshiiskan ayaa la sheegay inuu la jaan-qaadayo waqtigan la joogo, iyadoo lagu sameeyay isbeddelo lagu horumarinayo iskaashiga labada dal ee dhinacyada Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

“Heshiiskan 1988 ayaa horay loo saxiixay , maaddama 35 sanno ay ka soo wareegatay waxaan u baahanahay in aan helno heshiis casri ah oo la jaanqadi kara qarnigaan la joogo,” ayey tiri Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS, Xil. Fardowsa.

Waxay hadalkeeda sii raacisay “Heshiiskan wuxuu horumarinayaa iskaashigeena iyo khibrad wadaaga dhinacyada Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya.”

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa leh xiriir wanaagsan, ayada oo labada dhinac ay hore iskula qaateen sidii looga wada-shaqayn lahaa arrimaha amniga, dhaqaalaha iyo danaha labada dawladood.



Halka ay kasoo billaabatay xiisadda Laascaanood, halka ay joogto – Kaalinta DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Muddo dhowr iyo toban cisho ah magaalada taariikhiga ah ee Laascaanood maalin walba rabshado dhimasho wata ayaa laga soo warinayay, dagaalo goos-goos ah ayaa dhinac socday kuwaas oo u dhaxeeyay ciidamada Somaliland iyo dadka deegaanka.

Xiisadda Laascaanood ayaa markii hore ku billaabatay diidmo la xiriirta dilalka joogtada ah ee loo geysanayo waxgalkii magaalada, hadase waxay joogta Somaliland ma ogolin.

Dhinaca ay kasoo kacday xaaladu iyo cirifka ay maanta joogto waa wax aad u kala fog. Dhowrkii cisho ee ugu dambeysay xaaladda magaalada Laascaanood ma aanay darneyn.

Sida ay Somaliland u maareysay banaan-baxayaashii ayaa loo arka sababta adkeysay xaalada, sababtayna geerida badan.

Meelaha dadka reer Laascaanood ay farta ku taagayeen oo war iyo wax-dheef ka rabeen waxa kamid ah dowladda federaalka Soomaaliya.

Dadkan careysay waxay aad u dalbanayeen in dowaldda dhexe ee Soomaaliya ay cadeyso mowqifkeeda arrinta Laascaanood.

Inkasta oo dowladda Xasan Sheekh iyo Xamza ay hogaaminayeen si cad u sheegtay inay diidan tahay gooni isku taaga Somaliland, haddana kaalintooda xiisada taagan waxaa loo arkayay ahmiyad gaar ah.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre oo markii hoos loo dego xaga saami-qeybsiga siyaasadana isagu Laascaanood metelaad u ah ayaa markii ugu horeysay si furan uga hadlay.

Wareysi uu dhawaan bixiyay waxa uu Ra’iisul Wasaaraha si adag u diiday in la-laayo dad shacab ah oo aan hubeysneyn, isaga oo farta ku fiiqay waxa laga rabo Somaliland.

“Marka koowaad waa ka tacsiyadeynaya intii ku dhimatay, dadkii ku dhaawacmayna Allaha u booga-dhayo. Marka labaad qofka Soomaaliga ah meelkasta ha ku noolaado in dhiigiisa si xaqdaro ah loo daadiyo waa khad casaan ah oo lama aqbali karo,” ayuu yiri.

“Dadka Soomaaliyeed ee degan Laascaanood, maamulka jooga Somaliland waxaa usoo jeedinaya inay dadka la hadlaan oo qori afkiisa lagula hadlin laakiin loo yimaado oo si nabad ah waxay rabaan loo weydiiyo lana dejiyo.”

“Colaad sideedaba Soomaalida hore ayay u tiri wiil ayaa ku dhinta ee wiil kuma dhasho, waxaa soo jeedinayna deganaansho iyo nabad in deegaanka lagu soo dabaalo oo si wada-hadal ah lagu dhameeyo wixii jira.”

Ismaaciil Cumar Geelle oo taariikh cusub u dhigay madaxweynayaasha Afrika

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta goobjoog ka noqday heshiis muhiim ah oo dowladdiisa la gashay koox qaabilsan teknooloojiyadda hawada sare oo ka socota Hong Kong.

Heshiiskan ayaa ku saabsan horumarinta qalabka iyo gantaallada dayax gacmeedka laga rido, xili Jabuuti ay ku howlan tahay sameynta xarun lag diro dayax-gacmeedka.

Mashruuca dayax-gacmeedka Jabuuti ayaa waxa ku bixi doona Hal bilyan oo dollar, wuxuuna qaadan doona muddo shan sano ah, sida ay ku warameyso wakaalada wararka ee Jabuuti.

Sidoo kale waxaa qeyb ka ah mashruucan in deked iyo waddo laga dhiso gobolka Waqooyiga dalkaas dhaca ee Obokh.

Dowladda Jabuuti ayaa noqon doonta dowladdii ugu horreysay ee Afrikan ah oo sameysata dayax-gacmeed, waxaana lagu wadaa in ay jiri doonaan dowlado kale oo ku daysan doona dowladda uu hogaamiyo Geelle.

Jabuuti ayaa sanadihii dambe ku tallaabsaneysay horumaro kala duwan oo uu ku hagayay madaxweyne Geelle, inkasta oo xukunkiisa lagu eedeeyo in uu ku kaco falal ka dhan ah xoriyatul qowlka.

Sawirro: Madaale oo daah-furay shir muhiim u ah isla-xisaabtanka maamulka G/B

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay shirka banbaxa maamulka gobolka Banaadir.

Shirkan oo socon doono mudda saddex maalmood ah ayaa waxa uu ku salaysan yahay is-barasho iyo in la isu keeno guud ahaan maamulka sare, agaasimayaasha iyo guddoomiyaasha degmooyinka ee magaalada Muqdisho.

“Ujeedka waa si loo hagaajiyo dib-u-habayna loogu sameeyo qaab-dhismeedka shaqo ee maamulka gobolka Banaadir iyo in gobolku yeesho aragti wadareed iyo qorshayaal istaraatiijiyadeed kuna salaysan sidii loo hagaajin lahaa adeegyadda bulshada ee magaalada Muqdisho,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay shirkaan.

Sidoo kale waxa shirkaan looga hadlay in la helo qaab-dhismeed sawiran oo ku dhegan qayb walba iyo degmo walba ee gobolka Banaadir ah, waxaana la filayaa in banbaxaan laga soo saari doono qorsha siyaasadeedka iyo xeerarka gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha gobobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo shirkaan daah-furay ayaa madaxdii kasoo qeyb-gashay kula dardaarmay in si hufan oo Alla ka cabsi leh loogu adeego bulshada.

Guddoomiye Madaale ayaa sidoo kale waxa uu madaxda maamulka gobolka u sheegay in aan marnaba la aqbali doonin musuq-maasuq iyo wax is-dabamarin.

Guddoomiye ku-xigeenada iyo xoghayaha guud ee gobolka Banaadir oo iyaguna halkaasi hadal ka jeediyay ayaa waxay tilmaameen in shir-weynahaan banbaxa uu noqon doono mid ahmiyad gaar u leh horumarinta caasimadda, fulinta adeegyada bulshada, hogaaminta siyaasada cad ee gobolka iyo isla-xisaabtan ku aadan gudashada waajibaadka shaqo.

Ciidanka K/ Galbeed oo laga wareejiyay amniga goobta uu ka dhacayo shirka + Sawirro

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Koonfur Galbeed ayaa lagu soo warramayaa in laga wareejiyay amniga goobta uu ka dhacayo shirka dib u heshiisiinta maamulkaasi oo ay ka qaybgalayaan xubnaha mucaaradka ee jooga magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in goobta uu shirka ka dhacayo iyo amniga guud ee magaalada lagu wareejiyay ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS ee Soomaaliya.

Ujeedada arrintaan ka dambeysa ayaa ah fulinta dalabka xubnaha mucaaradka ee kasoo horjeedo Lafta-gareen oo horay u sheegay inay u baahan yihiin gacan ka madax banaan maamulka oo sugta amnigooda inta ay wada-hadalka u joogaan magaalada Baydhaba.

Dhinaca kale guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe oo isagu iclaamiyay shirkan oo haatan ku sugan Baydhaba ayaa la kulmay saraakiisha howlgalka ATMIS, isaga oo kala hadlay arrimaha amniga, wuxuuna xaqiijiyay in lagu wareejiyay amniga guud.

Sidoo kale Aadan Madoobe ayaa boggaadiyay ciidanka nabad ilaalinta qeybta 3-aad ee ATMIS isagoo ku dhiirageliyay in laga taxdaro weerarada kooxda Al-Shabaab, wuxuuna xusay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka wadashaqeyaan amniga.

Dhankooda saraakiihs ATMIS ayaa guddoomiyaha u sheegay in ay sugi doonaan amniga guud ee magaalada, goobta shirka lagu qabanaayo ee Baydhabo & wufuuda imaaneysa.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu furo shirkaan, isaga oo saacadaha soo socda gaari doono magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.

Shirka ayaa waxaa looga hadli doonaa xaaladda siyaasadeed ee Koonfur Galbeed, gaar ahaan doorashada kusoo foodka leh maamulkaas oo ay isku hayaan labada dhinac.

Sida uu qorshuhu yahay waxaa la filayaa in go’aanno wax ku ool ah ay kasoo baxaan shirkan oo kusoo aaday, xilli loo baahnaa oo ay qalalaase ka taagnaayeen Koonfur Galbeed.

Xiisadda ayaa kasii dartay markii ay mucaaradka ka horyimaadeen muddo kororsiga loo sameeyay Lafta-gareen, waxaana ka dhashay dagaal ka dhacay magaalada Baydhaba

Darawalkii 2-baad ee masuul dowladeed oo Shabaab u goostay kadibna u geeyay…

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in darawalka mid kamid ah golaha wasiirada maamulka Jubbaland uu u goostay Al-Shabaab, isla-markaana uu iska dhiibay magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Darawalka ayaa u shaqeynayay wasiir ku xigeenka wasaaradda Biyaha iyo Tamarta ee maamamulkaasi Mustaf Xaaji, wuxuuna la goostay gaari qaali ah oo ay wasaaraddu laheyd.

Gaariga ayaa noociisa lagu sheegay Hardtop, waana gawaarida lagu isticmaalo dhulka bacaadka ah, kaas oo ay horay Jubbaland ugu deeqday hay’ad caalami ah.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in gaariga la geeyay magaalada Jilib oo ay ku sugan yihiin xoogaga Al-Shabaab, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Ma cadda sida uu ninkan darawalka ah ugu suura-gashay gaariga uu la baxsaday iyo sida lagu ogaan waayay wada-shaqeynta kala dhexeysay koxoda Al-Shabaab.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay mas’uuliyiinta Jubbaland iyo saraakiisha ammaanka oo ku aadan gaarigaasi lala goostay ee loo geeyay Al-Shabaab.

Waa dhacdadii labaad, ayada oo dhowaan darawalka guddoomiyihii hore Golaha Shacabka, Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan uu isna isku dhiibtay kooxda Al-Shabaab.

Darawalkaas oo muddo 4 sanno ah la shaqeeyay Mursal ayaa maalmo kahor u goostay Al-Shabaab, isagoo markaas ka tegay guriga guddoomiyaha, waxaana arrintaasi ka dhashay shaki xoogan iyo walaac amni, maadaama aan xog badan laga helin baxsashadiisa.

Arrimahan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan ay dalka ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaas oo la filayo inay ka billowdaan gobollada Jubbooyinka.

‘Shabaabkii soo firxaday in lagu soo dhaweeyo Xamar Jajab macquul ma ahan’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay xalay ciidamada Booliska Soomaaliya ka sameeyeen xaafadaha degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir, kaas oo lagu soo qab qabtay dad fara badan.

Howlgalkan ayaa waxaa horkacayay taliyaha qaybta Waliyow Cadde Gaashaanle Isaaq Maxamed Ciise, waxaana sidoo kale qayb ka ahaa maamulka degmadaasi.

Gaashaanle Isaaq Maxamed Ciise oo ka warbixiyay howlgalkan ayaa ka hadlay meesha uu maraayo ammaanka dalka, isagoo bogaadiyay guulaha laga gaaray howlgallada gobollada.

“Waxaad ogtihiin wiilkii halkan Xamar ka baxo inuu caawa Masagawaay iyo Ceeldheer uu xabadda kasii ridaayo,” ayuu yiri taliyaha Booliska ee qaybta Waliyow Cadde.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in culeyska kooxda Al-Shabaab lagu hayo uu keenay inay si dhuumaaleysi ah ay kusoo galaan gudaha magaalada Muqdisho, isaga oo shaaciyay in aysan macquul aheyn in lagu soo dhaweeyo ama laga kireeyo guryaha Xamarjajab.

“Teamkii halkaas kasoo firxaday in degmadan qaybo kamid ah lagu soo dhaweeyo ama laga kireeyo guryihii ay idinla dagan yihiin macquul ma noqoneyso,” ayuu markale yiri taliyuhu.

Taliyaha qaybta Waliyow Cadde oo hadalkiisa sii wata ayaa dardaaran culus u jeediyay dadka deegaanka, wuxuuna ugu baaqay in aysan guryaha ka kireyn dad aysan aqoon.

“Hal maado ayaa idin-kula dardaarmayaa gurigaaga inaadan nin Khawaarij ah ka kireyn nin firxad ah oo gobolka kale ka yimid oo aadan aqoon waxa uu soo sameeyay oo habraaca guriga kireyntiisa loo maro aad marsiin inaadan ka kireyn gurigaaga,” ayuu sii raaciyay.

Maalmihii u dambeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa kordhiyay howlgallada lagu sugayo amniga caasimada oo ay inta badan ka dhacaan falal liddi ku ah nabad-gelyada.

Halka uu salka ku hayo rabitaanka Saciid Deni iyo laba arrin oo horyaalla Xasan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Puntland ayaa xalay ku dhawaaqay in hadda kadib uu u dhaqmi doono sidii dawlad madax-banaan oo kale, inta laga dhammaystirayo dastuurka kumeel-gaarka ah ee Soomaaliya.

“Inta laga dhammeystirayo wada-xaajoodyada dowladda federaalka iyo dowladda Puntland, wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dowladda Puntland waxay dhiggooda dowladda federaalka ah kaliya kala xaajoon karaan wada shaqeynta mashaariicda horumarineed iyo kuwa bini’aadantinimo iyadoo la illaalinayo madax-bannaanida awoodaha fulineed ee hay’adaha dowladda Puntland,” ayaa lagu yiri qoraal dheer oo kasoo baxay maamulka Puntland.

Arrintan ayaa la fahamsan yahay inay ka dhalatay diidmada fogaatay ee Saciid Cabdullaahi Deni uu ka qabo dowladda federaalka, tan iyo markii ay idlaatay doorashadii madaxweynaha Soomaaliya iyo dhismaha dowladda uu hogaamiyo Xasan Sheekh.

Tan iyo xiligaas Saciid Deni wuxuu muujinayay inay is-diidan yihiin danaha Puntland iyo midda federaalka.

Shirkii ugu dambeeyay ee Golaha Wada-tashiga Qaran oo ahaa mid si weyn isha loogu wada hayay, maadama ay jireen doodo waaweyn oo ku saabsana heshiis siyaasadeedka, dhismaha ciidan qaran, heshiiska garsoor madax-banaan iyo kala saarista awoodaha labada heer dowladeed oo boos weyn ka ah dhameystirka Dastuurka, ayaa waxay Puntland diiday inay wax ka saxiixdo qoddobo kamid ah heshiiskii lagu gaaray.

Qoddobadan uu ka horyimid Saciid Deni ayaa kala ahaa; dhismaha Garsoorka iyo kala shaandheynta awoodaha labada heer dowladeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dhawaan isku dayay inuu qaboojiyo diidmada Puntland ee labadaasi qoddob, ayaa wuxuu dhaliilay sida ay saxaafadda u taxliilisay inay Puntland diiday saxiixa labadaas qoddob.

Laakiin hogaamiyaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ugu dambeyn arrintaasi ka hadlay, isaga oo sheegay in dowladad Xamar fadhisa ay raadineyso inay soo celiso nidaamkii dowlad dhexe oo awood leh, taas oo sida uu sheegay khilaafsan wixii ay raadineysay Puntland.

Deni iyo Axmed Madoobe ayaa muddo dhowr sanno ah kula dirirayay Farmaajo damaciisi dowlad dhexe oo awood leh.

Inkasta oo Xasan uu marnaba sheegin rabitaanka dowlad dhexe oo awoodeeda ay Xamar taallo, taas badalkeeda uu marar badan soo bandhigay sida u rabo in la daadajiyo nidaamka federaalka, haddana Deni wuxuu markii u horeysay sheegay in Muqdisho raadineyso dowlad dhexe oo awood leh.

Sidoo kale Saciid Deni waxyaabaha uu diidan yahay waxa uu ka xusay dhameystirka Dastuurka, wuxuu sheegay in la rabo in aan lasoo hadal qaadin arrinta Somaliland oo sidaas lagu dhameystiro Dastuurka, taas oo gobolada Sool iyo Sanaag gacanta u galinaysa Somaliland, waa sida uu xiligaas hadalka u yiri Saciid Cabdullaahi Deni.

Arrintan marka hadalka Saciid Deni laga tago madaxda kale ee maamul goboleedyada iyo madaxda federaalka midna ma sheegin.

Dhawaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu sheegay in arrinta Somaliland ee gooni isku taaga in dowladiisa ay meel adag ka taagan tahay, gooni isku taag uusan ogoleyn midnimadana uu ilaalin doono.

Inkasta oo nidaamka Xasan Sheekh lagu dhaliilay sida ay uga fal-celiyeen arrinta Laascaanood, haddana Xasan Sheekh kal xukunkiisi hore iyo haddaba ma qaadin wax dhiiri-gelinaya damaca gooni isku taaga Somaliland.

Hadalka Saciid Cabdullaahi Deni ayaa xiligaas waxa uu si weyn banaanka ugu soo saaray khilaafkii waayadan la qarinayay ee isaga iyo Villa Somalia, kaasi oo hadda xarka goostay sida muuqata.

Deni waxa muddo xileedkiisa ka dhiman hal sano, wuxuuna dhawaan dib u bilaabay mashruuc ugu magac daray “Dimuqraadiyeynta Puntland” wallow mucaaridkiisa diidan yihiin oo ay ku tilmaameen dariiqi muddo kororsiga.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa hadda hortaalla in Deni iyo nidaamkiisa mudada u hartay ka gaabsado oo uu sugo hoggaanka cusub ee imaan doona Puntland, si qadiyadaha dhiman ugala shaqeeyo ama in uu aqbalo sida uu wax u rabo hogaamiyaha sanadka u dhiman yahay ee Saciid Cabdullaahi Deni.

Si dhab ahaan loogu qaato dooda fogaatay ee Saciid Deni waxay u baahan tahay in afarta maamul kale iyo gobolka Banaadir go’aanadooda waxba kama jiraan laga soo qaado.

Dowladda federaalka waxa horyaalla cinwaan weyn oo la yiraahdo “Xasillooni siyaasadeed” taas oo kamid ah waxyaabaha caawinaya barnaamijka deyn cafinta.

In maamulada iyo dowladda federaalka ah is-ogol ku wada socdaan waa qeyb ka mid ah macnaha xasilloonida siyaasadeed ee laga rabo dowladda Soomaaliya.

Inkasta oo la fahamsan yahay in aanay Xasan Sheekh hadda uga badin khilaaf ayaa haddana waxa la eegaya sida uu qorshooyinkiisa dowladnimada u dhaafiyo damaciisa siyaasiga ah ee Saciid Cabdullaahi Deni.

Dhageyso: Sheekh caan ah oo ka sheekeeyay dhibaato ay Al-Shabaab u geysteen

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Maxamuud Cali Ow-Xuseen, oo kooxda Al-Shabaab ay 11-sano ka hor ka soo musaafurisay degaanka Masaajid Cali-gaduud ee gobolka Sh/Dhexe, ayaa hadda sheegay inuu dib ugu laabanayo deegaankii.

Sheekh Maxamuud oo wareysi siiyey Idaacadda Dowladda ee Radio Muqdisho ayaa sheegay Masaajid Cali-gaduud ku lahaa masjid weyn oo in ka badan 50 sano uu Kitaabo ka akhrinayey.

Sheekha ayaa xaqiijiyey inuu dib u bilaabayo duruustii diinta Islaamka ee dadka uu bari jiray ka hor inta aysan deegaankaas ka soo ceyrsan kooxda Al-Shabaab, oo aad u baacsata dadka aqoonta dheer u leh diinta islaamka.

Sheekh Maxamuud Cali Ow-Xuseen ayaa aad looga jeclaa degaanka Masaajid Cali-gaduud, waxaana xusid mudan in masjidkii uu Kitaabada ka akhri jiray ay Al-Shabaab ka dhigteen Bakhaar ay hubka dhigtaan.

“Al-Shabaab waa i dhibi jireen, in ay i dilaan ayey go’aansadeen dhowr mar, balse Alle ayaa iga badbaadiyey, waana isaga soo cararay deegaankii, waxay igu heysteen in deegaanka aan ka ahaa Sheekh la jecelyahay,” ayuu yiri Sheekh Maxamuud.

Wuxuu sheegay in hadda uu dib u dhisayo masaajidkii ay Al-Shabaab bakhaarka u bedaleen 10 sano ka hor, oo duruustii diinta Islaamka uu dib ugu bilaabayo dadkiisii jeclaa.

“Waxaa asal ah in amni la helo, deegaankeygii Masaajid Cali-gaduud hadda waa la xoreeyey waana ku laabanaa, masaajidkiina dib ayaan u dhisayaa, ee dowladda iyo dadka Soomaaliyeed waxaan leeyahay amniga ku dadaala, hadii nabad la helo wax kasta waa la helaahe,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Sheekh Maxamuud.

Kooxda Al-Shabaab ayaa caan ku ah burburinta goobaha cibaadada, waxaana deegaanadii laga xoreeyey laga soo tebiyaa dhacdooyin xanuun badan oo ay u geysa jireen dadka iyo diinta.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Soomaaliya: Maxay ka dhigan tahay tallaabada cusub ee Mareykanku uu qaaday?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa Axaddii Soomaaliya ku wareejisay hub ay ugu talagaleen ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan Danab si loogu xaoojiyo ciidanka dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-Shabaab.

Sahaydan, oo qiimaheedu ahaa 9 milyan oo dollar, ayaa waxaa ka mid ah hubka culus, baabuurta gaashaaman, kuwa dhismaha, qalabka lagu baaro walxaha qaraxa, agabka dayaxtirka gaadiidka ciidamada iyo hubka.

“Waxaan ku faraxsannahay guusha ay ciidamada Soomaaliya ka gaareen dagaalka taariikhiga ah ee ay ku xoreynayaan bulshooyinka Soomaaliyeed ee ay dhibaateysan Al-shabaab,” ayuu yiri danjire Andre. “Waa dagaal ay Soomaali hormuud ka tahay oo ay Soomaali dagaallameyso. Maraykanku wuxuu dib u xaqiijinayaa sida ay nooga go’an tahay inaan taageerno dadaalkan,” waxaa sidaas yiri safiirka Mreykanka ee Soomaaliya Larry Andre. 

“Mareykanku wuxuu noo gartay inuu nagu garab istaago xaaladaan adag, waxaan maanta kala wareegeynaa agabkii ay ciidankeenu u baahnaayeen, waa fariin iyo garab istaag wada socda hubkaan uu Mareykanku nasiiyey,” ayuu yiri wasiirka difaaca Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Haddaba arrintani maxay ka dhigan tahay?

Inkastoo Soomaaliya ay saarantahay cunnaqabateynta hubka haddana dowladii kala dambeyay mid walba oo ka mid ah waxay dadaal galisay in dalka laga qaado cunnaqabateynta. Balse dhamaantood kuma aysan guuleysan.

 Maxamed Mukhtaar Ibraahim, oo wasiir ka soo noqday Soomaaliya,ayaa aaminsan in hubkan la siiyay dowladda Soomaaliya uu wax badan ku kordhin doono gaarhaan marka laga fiiriyo dagaalka dowladdu xilligaan kula jirto Shabaab.

Wuxuu sheegay in sidoo kale taageerada dowladda federaalku ka hesho dalalka kale aysan ku ekeyn oo kaliya hub, balse la siiyo waxyaabo kale sida cunto iyo dawooyin kuwaas oo gacan ka gaysan kara howgallada socda.

“Hubka hadda la siiyay ciidamada dagaalka runtii wuu ka anfacayaa,” ayuu yiri  wasiir hore Maxamed Mukhtaar Ibraahim. Wuxuu intaa raaciyay” runtii waa tallaabo soo dhweyn mudan”

Sidoo kale Muktaar ayaa aaminsan in ciidamada Macawisley ay xitaa helayaan waxyaabaha ay u baahan yihiin marka la eego kaalmadan agabka kala duwan isugu jirta ee la siiyay dowladda Soomaaliya.

Mar la waydiyay in hubkaan isticmaalkiisa ay u diyaarsanyihiin ciidamada Soomaaliya wuxuu sheegay in hubkaan aanu ku cusbeyn ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya. “Runtii hubka hadda Soomaaliya la siinayo maaha hub ku cusub oo aaney aad u garaneyn ma aha waa hub loo tababaray isticmaalkiisa,”.

Ciidamada Mareykanka

Sanadkii la soo dhaafay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa amray in dib Soomaaliya loogu celiyo boqollaal askarta dalkaas, kuwaas oo

maamulkii madaxweyne Donald Trump bishii December ee sanadkii 2020, Soomaaliya kala baxay ciidan Ameerikaan ah oo tiradooda lagu qiyaasay 700 oo askari, kuwaas oo shaqadooda ay ahayd in ay ciidanka dowladda Soomaaliya ka caawiyaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

 “Madaxweyne Biden ayaa xilligaas oggolaaday codsi uga yimid Xogyaha Gaashaandhiga oo ahaa in dib loo howlgeliyo milaterigii Mareykanka ee joogay Soomaaliya, si uu wax ku ool u noqdo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab,” ayuu yiri mas’uul sare oo ka mid ah maamulka dowladda, kaas oo magaciisa aan la sheegin.

XOG: Madaxweyne XASAN Sheekh oo markiisii labaad tegaya Baydhaba + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta oo Talaado ah booqanayo magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ee K/ Galbeeed oo laga dareemayo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Casimada Online u xaqiijiyey in madaxweynaha uu saacadaha soo socdo u bixi doono magaaladaas oo sidoo kale xarun u ah gobolka Baay.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in ammaanka si weyn loo adkeeyay, ayada oo qaban-qaabada soo dhoweynta madaxweynaha ay haatan ka socoto Baydhaba.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo furi doono shirweynaha dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed, kaas oo ka dhacaya magaaladaasi, isla-markaana ay ka qayb-galayaa dhinacyada isku haya doorashada guud ee maamulkaasi.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa iclaamiyay guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo isaguna haatan ku sugan xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed, isaga oo shalay gaaray halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Madashan waxaa sidoo kale qayb ka ah xubnaha mucaaradka ee Koonfur Galbeed iyo madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen, si ay uga wadahadlaan xalka maamulkaas, gaar ahaan doorashada kusoo foodka leh maamulkaas oo ay isku hayaan labada dhinac.

Sida qorshuhu yahay waxaa la filayaa in go’aanno wax ku ool ah ay kasoo baxaan shirkan oo kusoo aaday, xilli loo baahnaa oo ay qalalaase ka taagnaayeen Koonfur Galbeed.

Xiisadda ayaa kasii dartay markii ay mucaaradka ka horyimaadeen muddo kororsiga loo sameeyay Lafta-gareen, waxaana ka dhashay dagaal ka dhacay magaalada Baydhaba

Si kastaba, waa booqashadii labaad ee madaxweynaha Soomaaliya uu ku tegayo Koonfur Galbeed, isaga oo safarkiisii ugu horreysay ku bilaabay, kadib 15-kii May ee 2022-kii.

Muxuu xerada TÜRKSOM ku soo arkay wasiirka difaaca Soomaaliya? + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa kormeer shaqo ku tagay, xerada tababarada ciidamada ee TÜRKSOM ee magaalada Muqdisho, waxaa wasiirka halkaas ku soo dhaweeyay saraakiisha maamusha xerada.

Wasiirka ayaa indha-indheeyay qeybaha iyo fasallada lagu tababaro saraakiisha iyo askarta xoogga dalka.

Intii uu ku guda jiray kormeerka shaqo, saraakiisha gacanta ku haysa tababarka ciidanka ayaa wasiirka uga warbixiyay halka uu marayo tababarka u socda saraakiisha iyo askarta ciidanka CXD.

Wasiirka ayaa u mahadceliyay walaalaha Turkiga oo qeyb weyn ka qaadanaya tababarka iyo qalabeynta ciidanka, si loo helo ciidan awood leh oo ka saara dalka argagixidada, sugana ammaanka guud.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an dib-u-dhiska Ciidamada Qaranka, qalabayntooda iyo tayeyntooda, si dib loogu soo celiyo cududda iyo tayada ay ku tilmaaman yihiin Cidiimada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed,” ayuu yiri wasiirka Difaaca Soomaaliya.

Turkiga ayaa ciidamada Soomaaliya tababar ku siinayay dugsiga TÜRKSOM, tan iyo sanadkii 2017-kii, waxaana ka soo baxay saraakiil iyo askarta tayo leh oo meel uga soo baxay dalka, cadowgana kaga adkaaday fagaaraha dagaalka.

Kumanaan askari oo hadda ka dagaalameysa gobollada dalka ayaa lagu soo tababaray xeradaan TÜRKSOM, waxaana xusid mudan in qeyb ka mid ah mushaarka ay qaataan ciidamadii ay tababartay ay bixiso dowladda Turkiga.

Turkiga ayaa saaxiib dhow la ah Soomaaliya, waxaa ka dhexeeya labada dal heshiis difaac oo sal-adag, waxaana xusid mudan in saldhig ciidan kan ugu weyn ee dalka dibadiisa uu ku leeyahay Turkigu uu ka sameystay Soomaaliya, gaar ahaan koonfurta caasimadda Muqdisho.

Wasiirka difaaca Soomaaliya ayaa shalay shalay gudaha xarunta safaaradda Mareykanka ee Muqdisho wuxuu kula wareegay hub, saanad ciidan iyo gaadiid dagaal oo Mareykanku uu ugu deeqay Soomaaliya, si gaar ah waxaa agabka uu Mareykanku bixiyey lagu qalabey doonaa ciidanka Danab oo muhiim u ah dagaalka Al-Shabaab.

R/W Xamza oo Qaahira kula kulmay Cabdiqaasim Salaad Xasan + Sawirro

0

Qaahira (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo haatan booqasho rasmi ah ku joogo dalka Masar ayaa kulan gaar ah Qaahira kula yeeshay madaxweynihii hore ee dalka, Dr Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Ra’iisul wasaaraha ayaa Cabdiqaasim Salaad ku booqday hoygiisa, si uu uga wareysto xaaladda guud iyo sidoo kale caafimaadkiisa, maadaama uu muddo ka maqan yahay dalka.

Labad mas’uul ayaa sidoo kale ka wada-hadlay arrimaha amniga iyo siyaasadda dalka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka.

“Waxaan xalay gurigiisa magaalada Qaahira ku booqday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Dr Cabdiqaasim Salaad Xasan. Waxaan ugu tagay in aan hubiyo xaaladdiisa caafimaad iyo in aan uga xog warramo halka uu dalku marayo, gaar ahaan xaaladda guud ee Amniga iyo Siyaasadda,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya.

Dhankiisa madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd ayaa soo dhaweeyay dadaalka xukuumadda ee ku aadan ka hortagga Al-Shabaab iyo dagaallada ka socda gobollada.

Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inuu ku rajo weyn yahay inuu dib ugu soo laabto dalka gudihiisa, si uu ugu noolaado caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

“Mudane Cabdiqaasim wuxuu soo dhaweeyay booqashada iyo dadaalka ay waddo dowladda Soomaaliyeed ee dib looga xoreynayo dalka kooxaha Khawaariijta dhibaatada ku haya shacabka, isagoo intaa raaciyay inuu ku rajo weyn yahay in sida ugu dhaqsaha badan uu dib ugu soo laabto kuna noolaado dalkiisa,” ayuu mar kale lagu yiri warka qoraalka ah.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo ay booqashadiisa qaadatay maalmo ayaa illaa iyo hadda la kulmay mas’uul ka tirsan dalkaas oo uu ugu horreeyo dhiggiisa Mostafa Madbouly.

Labada Ra’iisul Wasaare ayaa ka wada-hadlay kor u qaadista xiriirka iyo xoojinta iskaashiga dhaqan dhaqaale ee u dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah Soomaaliya iyo Masar, iyada oo Masar ballanqaadeyso inay Soomaaliya ku garab istaagto dib u dhiska Soomaaliya.

Masar ayaa kamid ah dowladaha Carbeed ee haatan xiriirka wanaagsan la leh dowladda federaalka, waxaana horay dalkan u booqday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Photographer: Abdishukri Haybe
Photographer: Abdishukri Haybe
Photographer: Abdishukri Haybe
Photographer: Abdishukri Haybe
Photographer: Abdishukri Haybe

 

Guudlaawe oo Mareykanka la wadaagay arrin la xiriirta dagaalka AL-SHABAAB

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa kulan gaar ah la yeeshay safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Danjire Larry André.

Kulanka oo ka dhacay xarunta safaaradda Mareykanka ee ku dhex taallo xerada Xalane ayaa waxaa looga hadlay dagaalka Shabaab iyo kor u qaadida mashaariicda horumarineed.

Cali Guudlaawe iyo Danjiraha ayaa si gaar ah uga wada-hadlay amniga HirShabelle, gaar ahaan howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socdo Hiiraan iyo Sh/ Dhexe.

Sidoo kale madaxweynaha HirShabelle ayaa la wadaagay Danjiraha Mareykanka Larry André in dagaaladii ugu dambeeyay ee lala galay Al-Shabaab lagu jabiyay, isla-markaana laga xoreeyay deegaano iyo degmooyin ka tirsan dowlad goboleedka HirShabelle.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in haatan lagu jiro waqtigii lasoo afjari lahaa kooxda Al-Shabaab oo uu ku tilmaamay cadowga Ummadda Soomaaliyeed.

Dhanka kale labada mas’uul ayaa isla soo hadal qaaday muhiimada ay leedahay in deegaanada laga xoreeyay Al-Shabaab laga fuliyo barnaamijyada xasilinta, si ay bulshado u hesho adeegyada muhiimka ah ee dowladda iyo kor u qaadida mashaariicda horumarineed.

Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada uu haatan madaxweynaha HirShabelle ka wado magaalada Muqdisho ee caasimada dalka oo uu haatan u joogo howlo shaqo oo u gaar ah.

HirShabelle ayaa haatan meel wanaagsan ka gaartay dagaalka Al-Shabaab, waxayna ku guuleysatay in inta badan kooxda laga saaro gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Si kastaba, waa maamulkii ugu horreeyay ee ka dhabeeya yoolkiisa ah in Al-Shabaab laga xoreeyo deegaanada iyo degmooyinka ay ka heystaan HirShabelle, ayada oo uu kacdoonka ka billowday gobolka Hiiraan, kaas oo ku sii fiday illaa gobolka Sh/ Dhexe ee maamulkaasi.

Sababta aysan isku qarxin amiirada Al-Shabaab iyo caruurta ay dhaleen

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Al-Shabaab ayaa waxay fulisay boqolaal qaraxyo ah oo dhalinyaro ay kusoo rakibtay tobankii sano ee lasoo dhaafay.

Baabuur qarax lagu raray oo lagu tala-galay in uu ku dhinto midka wada iyo inta ku sugan bartilamameed la mala-awaalay, qof qarax loogu soo labisay si uu ulaayo dad Muslimiin ah oo nolol maalmeedkooda u halgamaya iyo kuwa lagu qanciyay inay dhexda ku xirtaan suuman qaraxyo ku xiran yihiin oo naftooda iyo dad masaakiin ah ku laayan ayaa ah xirfada ugu weyn Al-Shabaab ee waqtigaan.

Is-dil, Dadna dil, daliil kalena ha raadin ee teyda qaado ayey sanado badan kusoo caano maaleen ragga hormuudka u ah fikirka Al-Shabaab.

Wiilashaas iyo gabdhahaas lagu qanciyay inay naftooda jaraan, dad kale oo qaar cibaadeysanayaan ay aakhiro u diraan, waxay u badan yihiin dad da’ ahaan ka yar 30 sanno.

Dad aan badi aan Qur’aanka iyo macnihiisa baran, dad aan hayn doodo Diini ah oo ka duwan inta uu usheegay ninka kula taliyay inay is-qarxiyaan iyo caruur waalidkood qasab looga soo watay, ayey u badan yihiin dadkaas is-dilka lagu qanciyay.

Waxa jira waalidiin caruurtoodii marhore qaraxyo ku dhinteen oo weli u haysta inay nool yihiin oo Al-Shabaab ay badqab kula joogaan.

Haddii aan usoo dagno gunta mowduuceena, dadka is-qarxiyay weydiin la’aan waa tageen, laakiin inta fikirkaas loo diyaarinayo ee maanta nool waxa hortaalla weydiimahan?

Haddii mowduuca is-qarxintu uu yahay Janno, qof walba oo Muslim ah oo maanta nool himiladiisa ugu weyn waa jano, maxay u diidan yihiin amiirada Al-Shabaab inay is-qarxiyaan, ma Janno ayey rabin? Ma mowduuca is-qarxinta ayuu shaki uga jiraa mise adduunyada ayaa weli u macaan?.

Kasoo tag taas, waxa laga yaaba xitaa inay weydiintaas marmarsiyo u raadiyaan oo ah “Cadowgeen ayaa ku farxaya dhimashada amiiradeena”.

Aan hoos u soo dagno markan, Madaxda Al-Shabaab waxay dhaleen caruur badan, qaar waa la yaqaana caruurta meelaha ay joogan, isma qarxiyaan iyagana caruurtooda kuma tarbiyadeeyaan inay is-qarxiyaan.

Weli Amiir Al-Shabaab ka tirsan wiil ama gabar uu dhalay isma qarxin.

Mukhtaar Rooboow ayaa laga ogyahay amiir Al-Shabaab ah oo cunugiisa furinta keenay, isaguna is-qarxin kuma qorin.

Qarax u kaadiye, xitaa intooda badan kooxda xubin kama ah, waxay haystaan nolol wanaagsan oo waxbarasho ayey ku jiraan, waxayna isku diyaarinayaan nolol fog.

Madaxda Al-Shabaab ee “adiga” kugula talinaya in aad is-disho oo Janno qaadato Ilmahooda miyay ka jecel yihiin, sidee u aamini kartaa farriinta Janno ee ka timid nin raba in isagu sii noolaado, caruurtiisa iyo xaasaskiisuna sii noolaadan.

Doodaan waa mid aanay jecleyn madaxda Al-Shabaab ee naftooda iyo caruurtooda u diiday is-qarxinta, taas badelkeedana dabka ku shubaya dhalinyaro markii hore mushaar doon ahaa markii dambena loo cilmi sheegtay.

Markii aad rabto in aad qeyb ka noqoto fikir waa qasab in aad si fiican wax u baratid, si aad naftaada iyo mida dadka kale aad u dulmin. Sidoo kalena maskax ahaan lagaga xoog badin. Waa in aad tahay qof wax isweydiin badan oo awooda in uu dhowr dhinac ka akhriyo xaalada.

Sawirro: Seddax Wasiir oo Soomaali ah oo Qaahira ku saxiixday heshiisyo cusub

0

Qaahira (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo koox wasiirro ah oo ka tirsan xukuumadiisa ayaa maanta Qaahira ku saxiixay heshiisyo ay Soomaaliya la gashay Masar.

Xamse Cabdi Barre iyo wafdigiisa oo ku guda jira booqasho rasmi ah oo dalka Masar ay ku joogaan ayaa galabta kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Masar Mostafa Madbouly.

Labada Ra’iisul Wasaare ayaa ka wadahadlay kor u qaadidda xiriirka iyo xoojinta iskaashiga dhaqan dhaqaale ee u dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah, waa Soomaaliya iyo Masar.

“Masar ayaa ballanqaaday inay dowladda Soomaaliya ku garab istaageyso dib u dhiska iyo horumarka dalka,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Kulanka kadib ayaa masuuliyiinta labada dowladood ee Soomaaliya iyo Masar waxay si rasmi ah u kala saxiixdeen heshiisyo ku saabsan waxbarashada, warfaafinta, dhaqanka, diinta iyo awqaafta.

Heshiisyada waxaa dhinaca Soomaaliya u saxiixay wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah, Abshir Cumar Huruse, wasiirka waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare, Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo Wasiirka Warfaafinta Daa’uud Aweys Jaamac.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys oo qoraal kooban ka soo saaray heshiiskaas ayaa yiri, “Munaasabadda saxiixa qaar ka mid ah heshiisyadii maanta ay magaalada Qaahira ku kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Masar. Heshiisyada iskaashi ee labada dal ay kala saxiixdeen ayaa isugu jira dhinacyada warbaahinta, waxbarashada, dhaqanka iyo arrimaha diinta. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre iyo Ra’iisul Wasaaraha Masar Mostafa Madbouly ayaa goobjoog ka ahaa saxiixa heshiisyadaasi.”

Wafdiga Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu hoggaaminayo ayaa shalay ka baxay Muqdisho, waxayna wadahadal kadib heshiiskaan lasoo galeen Masar oo ka mid ah dowladaha saameynta leh ee Carabta.

Dowladda Masar waxay sanado badan saaxiib la aheyd Soomaaliya, laakiin waxay ku jirtay dowladihii ay xiriirkooda hoos iska dhigtay xukuumadii Farmaajo, balse dowladaan uu hoggaamiyo Xasan Sheekh ayaa u muuqata mid Masar ku soo celineysa booskeedii saaxiibka dhow ee Soomaaliya.

Somalia says 61 Al-Shabab members killed in operation

Mogadishu (Caasimada Online) – The Federal Government of Somalia has announced that a joint operation by the National Intelligence and Security Agency (NISA) and international partners has killed 61 members of the Al-Shabab militant group in the Middle Shabelle region.

According to a statement released by the Ministry of Information, the operation targeted 150 Al-Shabaab fighters planning to attack the country’s armed forces and local heroes in the Hawadlay area with explosive vehicles.

Two Homey and Noah vehicles filled with explosives were also destroyed in the operation.

NISA has recently targeted Al-Shabaab fighters in planned operations, killing several in various regions as the war against the militant group intensifies.

Since the start of the conflict, the government and local militias have had significant success against the extremist group, liberating areas that had been under their control for many years.

In September, President Hassan Sheikh Mohamud declared an “all-out war” against Al-Shabab following two attacks that killed more than 43 people, including senior officers.

On Friday, the president appealed to young members of the group to surrender and renounce their terrorist ideology.

In other news, on Monday morning, heavy fighting was reported in Mahas town in Hiiraan region between local clan militia and Al Shabab militants group in the Dunad village.

The fighting began after militia were alerted of Al-Shabaab militants’ plans to burn down water wells being built in the area.

The hour-long gun battle resulted in several casualties, including deaths and injuries. A Macawisley militia group leader confirmed that their fighters repulsed the attack and killed Al Shabaab fighters but also suffered three wounds.

Al-Shabab, affiliated with al-Qaeda and was mostly pushed out of Hiiraan’s eastern parts by government and allied militia, has been known to carry out ambushes in the area.

Puntland oo ku dhowaaqay inay u dhaqmi doonto sidii dawlad madax-banaan

Garoowe (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Puntland ayaa ku dhowaaqay in hadda kadib uu u dhaqmi doono sidii dawlad madaxbanaan oo kale, inta laga dhammaystirayo dastuurka ku meelgaarka ah ee Soomaaliya.

War-saxaafadeed kasoo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in qodobka 142 ee dastuurka federaalka uu waafaqsan yahay qodobka 4-aad ee dastuurka Puntland farqadiisa 3-aad uu Puntland xuquuq u siinayo inay u dhaqanto sidii dawlad madaxbannaan.

Waxay sheegtay Puntland in iyadoo raacaysa qodobo ka mid ah dastuurka federaalka iyo dastuurka Puntland ay si gooni ah dawladda federaalka ugala xaajoon doonto heshiisyada dawlad dhiska, gaar ahaan dhammaystrika datsuurka iyo heshiisyada kale ee siyaasiga ah ee awood qaybsiga, habdhiska amniga, wadaagga khayraadka iyo deeqaha caalamiga ah.

Puntland ayaa sheegtay in loo baahan yahay in meesha laga saaro hagardaamada fashilin karta geeddi socodka dawlad dhiska, lana ixtiraamo qaawaaniinta lagu heshiiyey gaar ahaan dastuurka ku meelgaraka ah.

Hoos ka aqriso qoraalka Puntland oo dhameystiran: 

Go’aanka Dowladda Puntland ee geeddi socodka dowlad dhiska hannaanka Federaalka Soomaaliya 

Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay boggaadineysaa dadaalka 18 sano jirsaday ee dowlad dhiska hannaanka federaalka Soomaaliya, kana soo bilowday heshiiskii ka soo baxay Shirweynihii Mbagathi Kenya ee sanadkii 2004, kaas oo lagu aasaasay Dowladda Federaalka ah iyo Dastuurka kumeel gaarka ah ee lagu unkay hannaanka federaalka ee Dalka.

Dowladda Puntland iyo Shacabkeeduba waxay hormuud ka noqdeen geeddi socodka dib loogu hirgeliyey dowladnimada Soomaaliya, gaar ahaan 

1. Puntland waxay ciidan, dhaqaale iyo maskaxba ku bixisay in Dowladdii kumeel gaarka ahayd ee Federaalka ay dib uga hawlgasho Caasimadda Soomaaliya 14 sano kadib markii Dowladdii dhexe meesha ka baxday 1990kii.

2. Waxay qayb ka qaadatay in la gaaro heshiisyo lagu hubinayo in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka baxdo kumeel gaarnimada si dib u dhis loogu sameeyo hay’adaha dowliga ah, loona hagaajiyo amniga iyo hannaanka maamulka, isla markaasna kor loo qaado dhaqaalaha Dalka. Tusaale; shirarkii taariikhiga ahaa ee Garowe – 1, Garowe – 2 iyo Gaalkacyo.

3. Dowladda Puntland waxay sidoo kale qayb ka qaadataa wada xaajoodyada looga arrinsanayo amniga guud ee Dalka, dhaqaalaha, horumarinta qawaaniinta ku dhisan hannaanka federaalka ah ee Dalka sida dib u eegista Dastuurka kumeel gaarka ah

4. Dowladda Puntland waxay si hagar la’aan ah u siisaa taageero dhinacyo badan leh dhismaha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah iyo Dowladda Federaalka ah

5. Puntland waxay qayb ka qaadataa doorashada hay’adaha Federaalka ah sida Aqalka Sare, Golaha Shacabka iyo doorashada Madaxweynimada intaba.

Iyadoo Dowladda iyo Shacabka Puntland ay sidaas mar walba diyaar ugu yihiin ka mid ahaanshaha dadaalka dowlad dhiska Soomaaliya heerarkeeda Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah, waxaa Dowladda iyo Shacabka Puntlandba u caddaatay in geeddi socodka dowlad dhiska Soomaaliya u baahan yahay in meesha laga saaro hagar daamada fashilin karta geeddi socodka, lana ixtiraamo qawaaniinta lagu heshiiyey, gaar ahaan Dastuurka kumeel gaarka ah ee Federaalka Soomaaliya.

Si loo gaaro heshiisyo wadar oggol u ah arrimaha horutabinta u leh dhammeystirka dhismaha hannaanka federaalka ah ee Dalka, Dowladda Puntland waxay u aragtaa in ahmiyad la siiyo dhammeystirka qodobada soo socda: 

1. In Dalka laga xoreeyo Argagixisada Al Shabaab iyo Daacish

2. In heshiis wadar oggol ah laga gaaro arrinta Somaliland

a) Dowladda Federaalka ah iyo Somaliland
b) Dowladda Puntland iyo Somaliland

3. In heshiis siyaasadeed oo wadar oggol ah laga gaaro qorshaha dowlad dhiska 

4. In heshiis loo dhan yahay laga gaaro Maqaamka Caasimadda Soomaaliya

5. In laga heshiiyo hab dhiska hannaanka federaalka ah si loo helo awood qaybsi ku dhisan hab wadar oggol ah

6. Dhammeystirka Dastuurka kumeel gaarka ah, is waafajinta Dastuurka Federaalka ah iyo kan Puntland iyo in Afti dadweyne oo loo dhan yahay loo qaado Dastuurka Federaalka

Haddaba, Dowladda Puntland, iyadoo illaalinaysa aayaha masiiriga ah ee Shacabka Puntland, fulinaysana waajibaadkeeda dastuuriga ah, waxay ku wargelinaysaa dhammaan Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Madaxda Dowlaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah, Shacabka Soomaaliyeed, Beesha Caalamka iyo kuwa Gobolka qodobada soo socda: 

1. Inta laga dhammeystirayo qodobada horutabinta u leh dowlad dhiska Soomaaliya ee kor ku xusan, Dowladda iyo Shacabka Puntland waxay fursad buuxda siinayaan horumarinta danaha gudaha Puntland gaar ahaan xoojinta amniga, daadajinta hannaanka dimuqraadiga ah iyo dowlad wanaagga, horumarinta dhaqaalaha iyo baahinta adeegyada aasaasiga ah si loo hubiyo in qofkasta oo Puntland ku nool uu heli karo amni sugan iyo adeeg bulsho. 

2. Sida ku cad Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 4-aad, farqaddiisa 2-aad, Dowladda Puntland waxay Dowladda Federaalka ah kala xaajoonaysaa danaheeda inta laga gaarayo dhammeystirka hannaanka federaalka ee Dalka

“Awoodaha Dowladda Puntland ay ku wareejin doonto Dowladda Federaallka ee Soomaaliya iyo xuquuqda ay yeelanayso Puntland waxay ay ku imaanaysaa wada xaajood iyo heshiis dhex mara Dowladda Federaalka ah iyo Dowladda Puntland, taas oo lagu qeexi doono Dastuurka Federaalka ah iyo kan Dowladda Puntland”

3. Sida ku cad Dastuurka kumeel gaarka ah ee Federaalka Soomaaliya qodobkiisa 142-aad, farqaddiisa 1-aad, Dowladda Puntland waxay xaq u leedahay in, iyadoo qayb ka ah dowlad dhiska Dalka, ay u dhaqanto sidii dowlad u madax bannaan fulinta dhammaan waajibaadyadeeda dowliga ah 

“illaa inta laga gaarayo goorta dhammaan dastuurada dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka la waafajinayo Dastuurka Dowladda Federaalka, Maamulada jira ka hor inta aan la qaadan Dastuurkaan kumeel gaarka ahi, waxay sii haysanayaan awoodaha dastuurkoodu siinayo” 

3.1 Qodobka 142-aad farqaddiisa 1-aad ee Dastuurka Federaalka Soomaaliya wuxuu waafaqsan yahay Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 4-aad, farqaddiisa 3-aad kaas oo Dowladda Puntland siinaya xuquuqda in ay u dhaqanto sidii Dowlad madax bannaan inta (si Puntland qayb ka tahay) loo dhammeystirayo Dastuurka Federaalka ee kumeel gaarka ah 

“inta laga dhammeystirayo Dastuurka Federaal ah oo Puntland wax ka ansixisay, kadibna afti dadweyne lagu meel mariyey, Puntland waxay lahaanaysaa awood dowlad madax bannaan”

Dowladda Puntland ee Soomaaliya, iyadoo illaalinaysa midnimada iyo Qaranimada Soomaaliya, xoojinaysana doorkeeda dowlad dhiska hannaanka federaalka Soomaaliya, kana duulaysa xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Dalka, waxay go’aan ku gaartay:

1. Si waafaqsan Dastuurka Federaalka qodobadiisa 142-aad, farqaddiisa 1-aad, qodobka 53-aad, farqadihiisa 1, 2, & 3-aad iyo Dastuurka Dowladda Puntland qodobka 4-aad, farqaddiisa 2-aad, Dowladda Puntland waxay diyaar u tahay in ay si iyada gooni u ah Dowladda Federaalka Soomaaliya kala xaajooto heshiisyada dowlad dhiska gaar ahaan tubta dhammeystirka Dastuurka kumeel gaarka ah ee Federaalka, heshiisyada siyaasiga ah ee awood qaybsiga, hab dhiska amniga, heshiisyada habka wadaagga khayraadka iyo deeqaha caalamiga ah. 

2. Inta laga dhammeystirayo wada xaajoodyada Dowladda Federaalka iyo Dowladda Puntland ee arrimaha kor kuxusan, Wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee Dowladda Puntland waxay dhiggooda Dowladda Federaalka ah kaliya kala xaajoon karaan wada shaqeynta mashaariicda horumarineed iyo kuwa bini’aadantinimo iyadoo la illaalinayo madax bannaanida awoodaha fulineed ee hay’adaha Dowladda Puntland si waafaqsan Dastuurkeeda qodobkiisa 4- aad, farqaddiisa 3-aad.

3. Si waafaqsan Dastuurka kumeel gaarka Federaalka Soomaaliya, qodobkiisa 51-aad, farqaddiisa 2-aad, xarfihiisa a, b & c, Dowladda Puntland waxay xiriir walaaltinimo, daris wanaag iyo wada shaqeyn la yeelan kartaa Dowlaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya si laysaga kaashado danaha ka dhexeeya.

4. Dowladda Puntland waxay daneeyayaasha Beesha Caalamka iyo Dowladaha Gobolka uga mahad celinaysaa garab istaagga joogtada ah ee dhinacyada amniga, horumarinta dhaqaalaha, siyaasadda iyo la tacaalidda arrimaha bini’aadantinimo.

-DHAMMAAD-

Kiiska wiil Soomaali ah oo hareeyey baarlamanka ururka Midowga Yurub kadib markii…

Athens (Caasimada Online) – Muhaajir Soomaali ah, oo xukun xabsi daa’in ah loogu riday howlaha tahriibinta, ayaa Isniinta maanta ah kasoo muuqday maxkamad si uu racfaan uga qaato xukunkaasi, waxaana kiiskan taageero siinaya xubno ka tirsan baarlamanka Yurub oo sheegay in si khaldan xukunka loogu riday.

Maxamed Hanad Cabdi ayaa sanadkii 2021-kii lagu riday xukun xabsi oo dhan 142 sano, xukunkaasi oo la xiriiray kadib markii dad ay ku dhinteen dooni sidday tahriibayaal oo ka timid Turkiga kuna sii jeeday jasiirada Lesbos ee dalka Greece sanadkii 2020-kii.

Maxamed ayaa sheegay in uu kaliya kaxeeyay doonida kadib markii uu dayacay mukhalas u dhashay Turkiga intii ay ku jirtay safarka ay kaga soo gudbeysay Turkey.

Laba qof ayaa ku qaraqmay markii ay doontu degtay halka 33 kalena la soo badbaadiyay. Qaar badan oo ka mid ah dadkii badbaaday ayaa taageeray sheegashada ninka Soomaaliga ah, sida ay sheegeen qareennadiisa.

Kiiska ayaa indhaha ku soo jeediyay habraacyada xukunnada adag ee Greece ay soo rogtay sanadihii u danbeeyey, kuwaasi oo qeyb ka ah dadaallada looga hor-joogsanayo muhaajiriinta sharci-darrada ah inay galaan Midowga Yurub.

Xubin ka tirsan garabka bidix ee Greece ku matala baarlamaanka Yurub, Stelios Kouloglou, ayaa hogaaminaya ololaha ku saabsan in qaar badan oo ka mid ah xukunnada la riday dib loo eego, dadaalkan oo ay taageerayaan xildhibaanno kale oo kasoo jeeda dalalka kale ee Yurub iyo sidoo kale fanaaniin u dhashay Greece, kuwaasi oo gacan ka gaysanaya in lacag loo aruuriyo qareennada kiisaskan.

Bishii hore, laba nin oo Afgaaniyiin ah, Akif Razouli iyo Amir Zahiri, kuwaasi oo lagu riday xukunno 50 sano oo xabsi ah ayaa si damaanad ah loo sii daayay. Razouli ayaa lagu waayay eedaha, halka Zahiri la sii daayay kadib markii xukunkiisa la yareeyay oo laga dhigay siddeed sano.

“Iskaashi caalami ah ayaa muhiim u ah qaxootigan, kuwaasi oo dhibanayaal u ah dhaqankan caddaalad-darrada ah ee dowladda Greece, si ay dadka aan waxba galabsan u saarto xukunno xad ka bax ah,” ayuu Kouloglou ku yiri bayaan uu baraha internet-ka ku qoray ka hor inta aysan dacwaddu bilaaban.

15 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Yurub ayaa taageeraya ololaha Maxamed Hanad Cabdi, iyaga oo waraaqo cabasho ah u qoray xukuumadda Greece.

Dowladda midigta-dhexe ee talada haysa ayaa ku qeexday siyaasaddeeda muhaajiriinta mid “adag laakin caddaalad ah” iyada oo ku doodaysa in xukunnada ad-adag ee lagu rido kuwa wax tahriiiya ay qeyb muhiim ah ka tahay siyaasadda difaaca xudduudaha ee dalka u degsan.

AP, VOA

Dagaal xoogan oo ka dhashay isku day Al-Shabaab ay ka sameysay Hiiraan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo saaka ciidamada deegaanka iyo maleeshiyada Al-Shabaab ku dhexmaray deegaanka Duduncad oo hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Dagaalkan ayaa la sheegay in uu yimid kadib markii dagaal-yahano ka tirsan Shabaab ay isku-dayeen inay gubaan Ceel-biyood laga dhisayo deegaankaasi, kaasi oo ay ka war heleen ciidamada dib u xoreynta ee deegaanka.

Waxaa halkaasi labada dhinac ku dhexmaray dagaal socday ku dhawaad hal saac oo xiriir ah, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Dagaalka dhexmaray ciidamada dib u xoreynta deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda iyo Al-Shabaab ayaa la soo sheegaya in uu ka dhashay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sarkaal ka tirsan ciidanka dib u xoreynta deegaanka oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in dagaalkan uu dhankooda kaga dhaawacmeen saddex ruux.

“Weerarka Shabaab ay kusoo qaadeen deegaanka Duduncad waa iska difaacnay, waxaana gaarsiinay maleeshiyada (Shabaab) khasaare dhimasho iyo dhaawac leh,” ayuu yiri.

Kooxda Al-Shabaab oo inta badan laga saaray deegaanada iyo degmooyinka dhaca bariga gobolka Hiiraan ayaa mararka qaar waxay weeraro gaadmo ah ka geystaan deegaanadii horay looga saaray.

Shabaab ayaa tan iyo markii uu ku billowday dagaalka ka dhanka ah ee jabka xoogan lagu gaarsiiyay, ayaa sare u qaaday isku-dayada ay meesha uga saarayaan adeegyada daruuriga ah ee bulshada ku nool deegaanada laga xoreeyay.