25.7 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

CC SHAKUUR oo shaaciyey xogta $16 milyan oo lagu qaatay heshiiska shidaalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdiashakuur Warsame oo ka hadlay heshiiskii uu wasiirka batroolka Soomaaliya u saxiixay shirkad shidaalka baarta ayaa soo bandhigay xogo hor leh oo ku saabsan lacagtii lagu kala qaatay heshiiskaas.

Cabdiraxmaan Cabdiashakuur oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in shirkadda Coastline Exploration Ltd oo laga leeyahay dalka Mareykanka ay ka heleen xogta heshiiskaas, isla markaana ay ogaadeen in lagu kala qaatay 16 milyan oo dollar.

Waxa uu sheegay in todoba Ceel oo ah kuwii ugu muhiimsanaa ceelasha shidaalka ee Soomaaliya lagu saxiixay min laba milyan oo dollar, taas oo tirada lacagta ceelashaas lagu kala qaatay ka dhigeysa 14 milyan, sidoo kale waxa uu sheegay in dhinacyadii Soomaalida ahaa ee ka soo shaqeeyey fududeynta heshiiskaan ay qaateen 2 milyan oo dollar.

Tirada guud ee lacagta ku baxday heshiiskaas ayaa ah 16 milyan oo dollar, sida uu sheegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur, isagoo madaxweyne Farmaajo ku eedeeyey in heshiiskaas uu door firfircoon ku lahaa.

“Wasiirkii waxa uu sheegay in Madaxweynaha uu la ogaa heshiiskaas, sida aad ogtihiina wax kasta inta sameeyo ama amro ayuu iska fogeeyaa Farmaajo, balse waa cadahay in isagu uu diray wasiirka saxiixay heshiiskaas,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sidoo kale waxa uu ku taliyey in xogta heshiiskaas iyo ceelashii la saxiixay ay xukuumaddu la soo wareegto oo laga qaado raggii isku deyey inay lunsadaan, “Hantidhowraha guud, Garyaqaanka guud iyo xukuumadda waxaan ka rabnaa inay cadeeyaan mowqifka ay ka taagan yihiin arrintaan,” ayuu yiri Cabdiraxmaan.

Waxa uu sheegay in qorshaha dhinacyada Soomaalida ah uu ahaa in heshiiskaas aan la baahin, balse shirkadu ay ku qasbanaatay inay baahiso oo Website-keeda ku daabacdo inay Soomaaliya heshiis shidaal la gashay, afar maalmood kadib markii la kala saxiixday heshiiska.

Sababta ku kaliftay in shirkadu ay baahiso heshiiskaan ayuu Cabdiraxmaan ku sheegay in shirkaddu aysan awood u laheyn inay shidaalka qodo, balse ay dooneyso in shirkadaha waaweyn ee shidaalka baara ay tartan u qabato si shirkadii guuleysata ay uga gadato xirmooyinka ay u saxiixday Soomaaliya.

Hoos ka daawo 

Puntland oo ku dhawaaqday tallaabo ay qaaday kadib qaraxii ka dhacay Boosaaso

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Bari ee Puntland, Cabdirisaaq Cali Siciid Shaahdoon oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa ka hadlay qaraxii Sabtidii ka dhacay magaalada Boosaaso.

Guddoomiyaha ayaa marka hore ka tacsiyeeyay Nabadoonadii ku dhintay qaraxii ka dhacay magaalada Bosaaso ee xarunta gobolka, isaga oo Alle uga baryey in uu caafiyo inta ku dhaawacantay.

Waxa uu sheegay in laamaha amniga ay bilaabeen howl-galo lagu xaqiijinayo amniga, islamarkaana ay ku daba jiraan dadkii ka dambeeyay qaraxaas, oo ay gacanta kusoo dhigi doonaan.

“Maalin walba haddii uu qarax dhaco waxba inaga hari maayo, dadkii ugu qiimaha badnaa ayaa ku dhimanaya maalin kasta, bulshada kama bixi karaan dadkaas. Ilaahay waxaa ka baryeyna in dib dambe u dhicin,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu ku booriyay bulshada kunool gobolka Bari, gaar ahaan magaalada Boosaaso looga baahan yahay inay ka qeyb qaataan xoojinta Amniga iyo la-shaqeynta laamaha Amniga si loo helo nabad-buuxda.

Hadalka Guddoomiyaha ayaa imanaya xili maalmihii u dambeeyay ay magaalada Boosaaso ku soo badanayeen qaraxyada, kuwaas oo lagu beegsanayo mas’uuliyiin, saraakiisha ciidammada iyo dad rayid ah.

Musharaxa Madaxweyne ee kaliya ee u hambalyeeyey xildhibaan Fahad

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharax Madaxweyne Xasan Cali Kheyre ayaa noqday musharaxii ugu horreeyey iyo kan kaliya ee uu u hambaleeyey xildhibaan Fahad Daahir Axmed oo maanta lagu doortay Beledweyne.

Kheyre ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri “Waxaan u hambalyeynayaa Xildhibaannada lagu doortay magaalooyinka Kismaayo iyo Beledweyne ee ka mid noqonaya Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya. Waxaan Alle uga baryayaa inuu u fududeeyo waajibaadka ka saaran ummadda Soomaaliyeed.”

Qoraalka ayaa waxaa raacsanaa muuqaal ay ka muuqdaan sawirada xildhibaanada maanta la doortay, oo uu ku jiro sawirka Fahad.

Tallaabada uu qaaday Kheyre oo ka duwan xubnaha Golaha Midowga Musharaxiinta, oo uu ka tirsan yahay, ayaa dhalin karta su’aalo horleh oo ku saabsan xiriirka ka dhaxeeya isaga iyo Fahad.

Fahad ayaa xubno badan oo musharaxiin madaxweyne ah waxay ka tirsanayaan  cadaadis xooggan iyo dhibaatooyin, waayna u arkaan inuu ahaa maskaxdii ka dambeysay xadgudubyadii uu Farmaajo dalka ka gaystay shanti sano ee uu madaxweyne ka ahaa.

Kheyre ayaa horey waxaa loogu xantay inuu weli ku xiran yahay Fahad, islamarkaana laga yaabo inuu taageero ka helo haddii uu gadmi waayo Farmaajo. 

Waxaa sidoo kale jirtay eedeymo ku saabsan inuu yahay isha Fahad u dhex fadhisay Golaha Midowga Musharaxiinta, oo uu xogtooda uu u gudbiyo, waxaana hambalyadiisa maanta ay xoojineysaa tuhunadaas.

Tallaabo ka duwan Kheyre, waxaa qaaday musharax madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo weerar ku qaaday Fahad kadib markii maanta la doortay.

“Horta Baarlamaankii shalay hor muuqadkiisa la diiday, maanta ka mid noqoshadiisa badbaado ma laga doonay? Dadkii la iska qarinayey, isla sawirkoodu ma loo baahday? Xildhibaanadii taleefanada lagu dhagaysan jiray, garbo buuxis ma laga doonay? horta sow lagama quusan xukun baqdin gelin iyo kalitalis? In halkaa lagu soo dhaco, halgan adag oo naf, hanti, waqti iyo tamar ku kacay ayaa laga soo maray,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Video: Dibad-bax ka dhan ah tallaabo uu qaaday Rooble oo ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Beelaha Banaadiriga oo ka cabanaya faro-gelin ay sheegeen in lagu hayo kuraasta ay ku leeyihiin baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta banaan-bax ka dhigay magaalada Muqdisho.

Xubnihii warbaahinta kula hadlay halkii ay ka dhaceen isku soo baxyadaas waxay sheegeen in aysan ku qanacsaneyn guddigii uu shalay ra’iisul wasaare Rooble u magacaabay xal u helidda khilaafka ka jira doorashada kuraasta Banaadiriga.

Dalabkooda ugu weyn ayaa ah in loo madax-baneeyo doorashada shanta kursi oo ay ku leeyihiin golaha shacabka, iyagoo si gaar ah Ra’iisul wasaaraha uga codsaday inuu ka dhabeeyo balan-qaadkii uu u sameeyey.

Siyaasiga Luqmaan Cali Macow ayaa ka mid ah xubnihii hoggaaminayey banaan-bixii maanta, “Guddigii uu shalay magacaabay Rooble waxaan u aragnaa mid marin habaabin ah,” ayuu yiri Luqmaan.

Waxay ku celceliyeen in Ra’iisul Wasaare Rooble uu xaqooda ugu soo dhiciyo si Alle ka cabsi leh, isla markaana uu qolo kasta xaqeeda u madax-baneeyo, maadaama isaga loo igmaday hoggaaminta doorashada dalka.

“Nabsiga ka dheeraaw mudane R/Wasaare, hadkaani waa dhiban yihiin, hadaad aragteen dadkaan oo aan qori qaadan oo aan dad la dagaalamin, cabsi yaan loo maleyn, laakiin nin kasta markii uu wejiga ilaahey tago ayaa lala xisaabtamaya, waxaa laguu igmaday inaad hoggaamiso doorashooyinka dalka ee qolo kasta xaqeeda sii,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaashii la hadlay warbaahinta.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa shalay guddi ka kooban 7-xubnood u magacabay xalinta cabashada reer Banaadiriga, kuwaas oo ka kooban 3 ka socota guddiga doorashada heer federaal, 3 kale oo ka socota guddiga doorashada kuraasta Banaadiriga iyo xubin ka socday xafiiskiisa.

Dadkii maanta banaan-baxa dhigay ayaa ku qeylinayey inay aad uga soo hor jeedaan guddigaas, isla markaana ay marin habaabin u arkaan tallaabaada uu qaaday Rooble, iyaga oo sheegay in xalka kaliya oo ay doonayaan uu yahay in loo madax-baneeyo kuraastooda.

Hanti-dhowraha Qaranka oo qaaday tallaabo ka dhan ah heshiiska shidaalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed uu soo saaray Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka  ayaa lagu shaaciyey in heshiiskii ay wasaaradda batroolka iyo macdanta Soomaaliya la gashay shirkadda shidaalka baarta ee Coastline Exploration Ltd, oo laga leeyahay dalka Mareykanka uu yahay mid muujinaya in lagu xad-gudbay shuruucda dalka.

Hantidhowrka ayaa Wasaaradda iyo hay’adaha ay khusayso ogaysiiyay in uu heshiiskaasi yahay waxba kama jiraan, isagoo gal-dacwadeed u gudbiyay Xafiiska Xeer-Ilaalinta Guud ee Qaranka, si tallaabo sharciga waafaqsan looga qaado ciddii ku lugta lahayd.

Sidoo kale Hantidhowraha ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble kula taliyay in shaqa ka joojin deg-deg ah lagu sameeyo dhammaan shaqsiyaadkii qabyta ka ahaa saxiixa heshiiskaas lagu xaraashayo todoba xirmo oo shidaalka xeebaha Soomaaliya ku jira ah.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran

Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka (XHGQ) waxaa uu dib-u-eegis ku sameeyay hannaanka iyo habraacyada loo maray heshiiska la shaaciyay inuu saxiixay Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee ku aaddanaa bixinta toddobo xirmood oo shidaalka Soomaaliya ah.

Waxaa Xafiiska dib-u-eegistaas uga soo baxday in si toos ah loo baalmaray Dastuurka Ku Meel Gaarka ah ee JFS, Sharciga Iibka Qaranka (Sharci Lr. 22 iyo wax-ka-beddelkiisa), Sharciga Batroolka (Sharci Lr. 19) iyo habraacyada dhaqan-galka ah ee dalka, kuwaas oo loo asteeyay in lagu maamulo gelidda heshiisyada caalamiga ah.

Taallaabadaas ayaa khatar mug leh ku ah khayraadka ummadda Soomaaliyeed iyo dhawritaanka dhigaalka hantiyeed ee jiilka mustaqbalka.

Haddaba, XHGQ isaga oo gudanaya waajibaadkiisa Qaran ayaa waxa uu ku wargeliyay Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta iyo hay’adaha ay khuseysaba in uu heshiiskaas gabi ahaanba waxba kama jiraan yahay.

Sidoo kale, Xafiisku waxaa uu warqad u gudbiyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo hay’addaha ku shaqada leh, si loo hubiyo loogana gun-gaaro haddii ay jiraan falal musuq ah oo saameyn ku leh saxiixa heshiiska sharci darrada ah ee ay ku lugta lahayd shirkadda Coastline Exploration Ltd, iyadoo la tixraacayo shuruucda dalkeenna, U.S. Foreign Corrupt Practices Act (FCPA) iyo shuruucda kale ee caalamiga ah.

Intaa waxaa dheer in XHGQ uu gal-dacwadeed u gudbiyay Xafiiska Xeer-Ilaalinta Guud ee Qaranka si ay waajibaadkooda sharciga waafaqsan uga gutaan, natiijada baaristana ay ula wadaagaan ummadda Soomaaliyeed.

Sidaas si la mid ah, XHGQ isaga oo ka jawaabaya codsi ka soo gaaray Ra’iisul Wasaaraha XFS kaas oo ku qotomay in baaris lagu sameeyo heshiiska sharci darrada ah, ayaa Xafiiska waxaa uu Ra’iisul Wasaaraha XFS la socodsiiyay in uu gutay waajibaadkii arrinkaan kaga aaddanaa.

XHGQ ayaa ku taliyay in Ra’iisul Wasaarahu uu shaqo ka joojin ku sameeyo dhammaan shakhsiyaadka ku lugta leh saxiixa heshiiska sharci darrada ah illaa iyo inta laamaha garsoorka ay waajibaadkooda kaga aaddan ka gudanayaan.

Ugu danbayn Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka waxa uu mar walba u taaganyahay ilaalinta hantida ummadda Soomaaliyeed iyo hubanti-galinta in la dhaqan galiyo shuruucda dalka. Iyada oo taa laga duulayo, waxaan markale xusuusinaynaa hay’adaha Dowladda in ay ka dhawrsoonaadaan ku tagri-falka hantida dadweynaha iyo baalmarka shuruucda dalka.

–DHAMMAAD-

 

Xildhibaanadii ugu badnaa oo maanta usoo baxay Farmaajo

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan lagu doortay xildhibaanadii u horeeyay ee deegaan doorashada labaad ee maamulka HirShabelle, waxaana ku soo baxay xubno ay wataan garabka Farmaajo.

Kuraasta lagu doortay maanta Beledweyne oo ahaa lix kursi ayaa waxaa la rumeysan yahay in u gacan gelinta kooxda Farmaajo ay ka dambeeyaan madaxda HirShabelle oo gacan saar la leh madaxweynaha muddo xileedkiisu dhaamaday.

Kursiga 1-aad HOP#086: Waxaa ku soo baxay saaxiibka weyn ee Farmaajo ahna La-taliyihiisa amniga qaranka, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo sidoo kale hore u ahaa Taliyihii NISA, waxaana kursigaan ka taagneyd dood badan, hase yeeshe ugu dambeyntii waxaa qaatay Fahad.

Kursiga 2-aad HOP#015: Waxaa dib ugu soo laabatay kursigaan Marwo Xiis Xasan Aadan oo hore ugu fadhiday, waxayna kamid ah xubnaha loo xiray ee taageerada ka helay xulafada Farmaajo.

Kursiga 3-aad HOP#008: Waxaa kursigaan kusoo baxay Maxamed Deeq Barre Cumar (Fiyoore) oo ah mulkiilaha Radio Danan ee magaalada Muqdisho, sidoo kale waxaa ninkaan wata kooxda Farmaajo.

Kursiga 4-aad HOP#274: Kursigaan ayaa waxaa kusoo baxay Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux, oo markii hore uu ku fadhiyay, wuxuuna taageero ka helay kooxda Farmaajo, asaga oo aan taageero ka haysan beesha iska leh kursiga.

Kursiga 5-aad HOP#109: Waxaa kusoo baxay Cabdifatax Qaasim Maxamuud oo hore ugu fadhiyay kursigaan, ahna Wasiir kuxigeenka Gaashaandhiga, wuxuuna taageero weyn u yahay Fahad Yaasiin, saaxiibka Farmaajo.

Kursiga 6-aad HOP#074: Kursigan oo ahaa midka u dambeeyay ee maanta la qabtay ayaa waxaa kusoo baxay Cabdikariin Cumar Xuseen, waxaana meesha laga saaray Wasiir kuxigeenkii hore ee Gaashaandhiga Cabdullaahi Colaad Rooble oo ay kooxda Farmaajo ku tuhuntay in uu xiriir la leeyahay qaar kamid ah Midowga Musharaxiinta.

Doorashada Golaha Shacabka ee dalka ka socota ayaa inta badan u muuqata mid magaca ka sidata doorasho, waxaana ku soo baxa dooranayaal hore loo sii ogaa guushooda.

Arrinta su’aalaha dhalisay ee uu sameeyey Fahad inta aan xildhibaanka loo dooran kahor

0

Beledweyne (Caasimada Online) – La-taliyaha amniga qaranka madaxweyne Farmaajo, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo shalay tagay magaalada Beledweyne ayaa shahaadada musharaxnimo ku qaatay magac cusub, kaasi oo maanta lagu doortay.

Magaca cusub ee Fahad uu xildhibaanka ku noqday ayaa ah; Fahad Daahir Axmed, waxaana ka dhalatay dood badan iyo su’aalo ku saabsan halka uu ka yimid magacan cusub.

Fahad weligiis waxaa loo yaqiin Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, oo xitaa marka uu weriyaha ahaa uu afkiisa ka sheegi jiray. Sidaas darteed su’aasha ayaa ah; Fahad ma hadda ayuu magaca beddeshay mise magaca Fahad Daahir Axmed ayaa sax ah, oo weligiis wuxuu adegsan jiray magac aan sax aheyn oo ah Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Hal arrin oo suurta-gal ah ayaa ah; in Fahad uu haysto baasaboor dal kale oo ugu qoran magaca Fahad Daahir Axmed, sidaas darteedna uu waafajiyey midkiisa Soomaaliya, maadaama ay fududahay in wixii uu doono uu ka sameysto Soomaaliya.

Fahad waxaa horey loogu eedeeyey kaalin kulahaa dilka Ikraan Tahliil oo aheyd Sarkaalad ka tirsan hay’adda NISA uu markaas Taliye ka ahaa, sida ay ehellada marxuumada ay u sheegen warbaahinta, inkasta oo Maxkamadda Ciidamada ay ku weysya wax ku lug lahaansho ah.

La-taliyaha amniga qaranka madaxweyne Farmaajo iyo xulafadiisa ayaa dadaal xoogan geliyay sidii uu kursigaas usoo qaadan lahaa, wuxuuna qorshaha kursigaan qeyb ka yahay xasaanad u helista xubno ka tirsan/tirsanaa NISA.

Ninkan oo 5-tii sano ee lasoo dhaafay aad isku qarinayey ayaa todobaadkan isa-soo shaac bixiyey, isaga oo doonayo inuu ku biiro Golaha Shacabka Soomaaliya.

Sida la fahamsan yahay, Fahad ayaa u tartami doono xilka guddoomiye ku-xigeenka ee baarlamaanka Soomaaliya, xilkaas oo uu horey u hayey Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey oo daaqada laga saaray, kadib markii uu kursigiisa kusoo baxay nin ay wateen xulafada Fahad.

Si kastaba, Fahad Yaasiin ayaa biirinaya saraakiisha ku soo baxday doorashada, kuwaas oo ay ka mid yihiin saaxiibadiisi Cabdullahi Kulane iyo Yaasiin Farey oo iyaguna horey loogu doortay ka mid noqoshada Golaha Shacabka Soomaaliya, safka horena kaga jiray eedeynta kiiska Ikraan.

Beesha Cayr oo fariin culus u dirtay beesha Murusade

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka beesha Cayr ee Habargidir ayaa isugu yimid kulan gaar ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo fariin culus loogu diray guddoomiyaha degmada Deyniile Maxamed Abuukar Jacfar.

Odayaasha beesha Cayr ayaa sheegay in gabar xaamilo ah oo dhakhtar aheyd ay dileen ciidanka ilaalada u ah guddoomiye Maxamed Abuukar Jacfar, xilli ay marayeen agagaarka isbitaalka xoogga dalka.

Gabadha la dilay ayaa la sheegay in meydkeeda uu weli ku jiro qaboojiye, isla markaana ay beesha Cayr ka dalbaneyso guddoomiye Jacfar iyo dhamaan waxgaradka beesha Murusade inay soo xiraan askarigii dilay.

Imaam Cabdullahi Khaliif Rooble oo kulankaas ka hadlay ayaa yiri, “Gabadha la dilay waxay aheyd dhakhtar dadka Soomaaliyeed anfaceysay, meydkeedii weli qaboojiye ayuu ku jiraa walaalayaalow sida ugu fudud inaad u soo qabataan ninkii dilay gabadheena.”

Imaamka ayaa ka digay cawaaqib xumada ka dhalan doonta hadii laga jawaabi waayo baaqaan ka soo yeeray, “Murusade waa dad aan isku fiicanahay oo nala dhashay curadna noo ah, waxaan ka rabnaa inay meel ku sheegaan gabadhii, masuuliyiinta beesha Murusade oo Ugaasku ugu horeeyo waxaan farayaa inay ka soo jawaabaan baaqeena,” Imaam Cabdullahi Khaliif Rooble.

Xubnihii ka hadlay goobta ay isugu soo baxeen odayaasha iyo saladiinta beesha Cayr ayaa sidoo kale fariin loogu diray Nabadoon Xaad oo ah guddoomiyaha odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye, waxayna la codsadeen in baaqooda uu ka soo jawaabo, isagoo kaashanaya Ugaaska Murusade iyo guddoomiye Jacfar oo la sheegay in ilaaladiisa ay dishay gabadhaas.

Ugaaska Beesha Cayr ee koonfurta Soomaaliya Ugaas Cagajabey oo ugu dambeyntii hadalka qaatay ayaa yiri, “Waxaan kula dardaarmayaa Ugaaska beesha Murusade Ugaas Cabdullahi, in gabadhii shanta caruurta ah korsaneysay ee ciidankiina ay dileen aad meel ku soo sheegto.”

Hoos ka daawo

Daawo Fahad: Mar labaad in kursiga lagu soo noqdo waxa aan ka baran doonaa Khadiija

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo Maanta loo doortay xildhibaan Afart Sano ee soo socota ku fadhiisan doono Kursiga HOPP#086 ayaa uga mahad celiyey ergadii u dooratay Kursigaan.

Fahad Yaasiin oo khudbad kooban ka jeediyey meesha ay ka dhacday doorashadiisa ayaa sheegay inuu dhibaato badan usoo maray sidii uu u heli lahaa kursigan.

“Waa ku mahadsan tihiin inaad ii doorataan kursigaan, waxaan u mahadcelinayaa guddiga doorashada oo waqtiga badan geliyey arrintaan, waxaan kursigaan ku matali doonaa Beledweyne, HirShabelle iyo guud ahaan Soomaaliya,” ayuu yiri Fahad Yaasiin.

Fahad Yaasiin ayaa sheegay in la arkay waxa ay tahay doorashada dadban ee dalka ka dhacdo, wuxuuna sheegay inuu Khadiija Maxamed Diiriye oo joogtay halka lagu doortay uu ka baran doono sida mar labaad iyo mar Sedexaad loogu soo noqdo kursiga.

Fahad Yaasiin oo magacyo kala duwan u isticmaalo Dokumiintiyadiisa ayaa lagu diiwaan geliyay magac aan horay loogu aqoon oo ah Fahad Daahir Axmed, oo ahaa midka Baasaboorada ku isticmaalo, taasoo ah bilow cusub, weji cusub iyo magac cusub oo uu ku daah furayo booggiisa cusub ee siyaasadeed.

Doorashada Fahad ayaa soo geba-gebeyneysa mid ka mid ah kuraastii ugu hadal haynta badnaa ee xildhibaan, ayada oo Fahad la sheegay in hadda qorshihiisa xiga uu yahay inuu noqdo guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka.

Sawirro: Fahad Yaasiin oo loo doortay Golaha Shacabka

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Mgaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa ka socota doorashada lix kursi oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo deegaan doorashadooda ay tahay HirShabelle.

Doorashada ayaa waxaa lagu horreysiiyey kursiga HOP#086 oo uu u tartamayey la-taliyaha amniga qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, kaas oo doorashadiisa aad isha loogu hayey.

Kursigan ayaa waxaa sidoo kale isku soo taagay hal musharrax oo la tartamay Fahad, kaas oo lagu magacaabo Axmed Maxamed Axmed wuxuuna u ahaa malxiis, maadaama kursigan si gaar ah loogu xiray La-taliyaha amniga qaranka oo ay aad isugu dhow yihiin Farmaajo.

Fahad Yaasiin ayaa helay 70 cod, halka musharixii tartamayey uu isna helay 24 cod, sidoo kale waxaa hallaabay 3 cod, sida uu shaaciyey Guddiga SEIT ee HirShabelle.

Guusha Fahad Yaasiin ayaa aheyd mid la sii filayey, maamaama uu dadaal xoogan uu geliyey kursigan oo uu horey ugu fadhiyey Faarax Sheekh Cabduqaadir.

Ninkan oo 5-tii sano ee lasoo dhaafay aad isku qarinayey ayaa todobaadkan isa soo shaac bixiyey, isaga oo doonayo inuu ku biiriyo Golaha Shacabka Soomaaliya.

Sida la fahamsan yahay, Fahad Yaasin ayaa u tartami doono xilka guddoomiye ku xigeenka 1aad ee baarlamaanka Soomaaliya, xilkaas oo uu horey u hayey Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey oo daaqada laga saaray, kadib markii uu kursigiisa kusoo baxay nin kale.

Si kastaba, Fahad Yaasiin ayaa ku biiri doono saaxibadiisii Cabdullahi Kulane iyo Yaasiin Farey oo iyaguna horey loogu doortay ka mid noqoshada Golaha Shacabka Soomaaliya.

Guddiga doorashada heer federal oo shaaciyey in lagala wareegay barihii bulshada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) ayaa markale shaaciyey in lagala wareegay gacan ku heynta maamulka Barihii Bulshada ee uu isticmaalayey guddiga, sida Website-ka, Facebook-ga iyo Twitter-ka.

Warqad kasoo baxday guddiga, isla-markaana uu ku saxiixnaa guddoomiyaha guddiga Muuse Geelle ayaa lagu sheegay in guddiga uu ku wargelinayo inta daneyneysa doorashada iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed in lagala wareegay Barihii Bulshada ee guddiga.

Guddiga ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in tani ay muujineyso mas’uuliyad darro aad u weyn iyo tallaabooyin lagu carqaladeynayo hannaanka doorashada.

“Tallaabada lagula wareegay dhammaan baraha bulshada guddiga waxa ay muujineysaa mas’uuliyad darrada iyo carqaladeynta lagu haayo doorashada,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale qoraalka guddiga ayaa intaasi kusii daraya ” Haddaba waxaan caddeyneynaa in wixii lasoo geliyo inta dib loo soo celinayo ay yihiin waxba kama jiraan,”.

Ugu dambeyn Guddiga Doorashada Dadban ayaa shaaca ka qaaday in haatn wixii ka dambeeya macluumaadka doorashada uu ku soo gudbin doono shirar jaraa’id & wareysiyo.

“Xogaha doorashada waxaan kusoo gudbin doonaa shirar jaraa’iid, wareysiyo iyo wixii la mid ah,” ayaa markale lagu yiri warqadda kasoo baxday Guddiga Doorashooyinka Dalka.

Qoraalkan waxaa si wadajir u soo saaray guddoomiyaha guddiga Muuse Geelle, Mowliid Mataan Salaad oo ah guddoomiye  ku xigeenka guddiga & Cabdikariin Cabdicasiis Aadan oo ah xoghayaha Guddiga Doorashooyinka, waxayna taasi muujineysaa in guddiga dhexdiisa ay jirto kala qeybsanaan u dhexeysa xubnaha Guddiga FEIT ee doorashooyinka dalka.

Natiijada kursigii uu Wasiirka Batroolka ku fadhiyey oo la hakiyey + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka Dadban ayaa soo saaray qoraal uu ku hakinayo shaacinta natiijada rasmiga ah kursiga Golaha Shacabka ee tirsigiisu yahay HOP#45, kaas oo deegaan doorashadiisu tahay Koonfur Galbeed.

Guddiga ayaa ku wargeliyey FIET inuu hakiyo ku dhowaaqista natiijada kursigan oo uu horey ugu fadhiyey wasiirka Batrolka Soomaaliya oo haatan lugaha kula jiro dood xoogan oo kala dhalatay heshiis uu saxiixay oo ku aadan soo saarista shidaalka Soomaaliya.

Qoraalka guddiga ayaa waxaa lagu sheegay inay dacwadda soo gudbiyeen 1-Suldaan Maxamed Axmed Cumar 2- Musharrax Cabdirashiid Maxamed Axmed iyo 3-Musharrax Jawaahir Jeylaani Cabdullahi.

“Haddaba Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban (GXKHDD) ee 2020/2022 isaga oo gudanayo waajibaadka shaqo ee loo igmaday wuxuu ku wargelinayaa Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) in la hakiyo ku dhowaaqista natiijada rasmiga ah ee kursi lambar HOP#45, laga bilaabo 19/02/2022 inta GXKHDD uu go’aan ka gaarayo dacwadda laga soo gudbiyey kursigaasi,” ayaa lagu yiri qoraalkan.

Sidoo kale guddiga ayaa shaaca ka qaaday in kiiskan uu kusoo dhammeystiri doono muddo illaa 7 cisho, si xal looga gaaro bashada hareysay kursiga HOP#45 ee Golaha Shacabka.

Waxa kale oo uu Guddiga Xallinta ka dalbaday Guddiga SEIT Koonfur Galbeed inuu kala shaqeeyo dacwadda, si loo helo xog dhammeystiran.

Kursigan ayaa waxaa kusoo baxay nin lagu magacaabo Maxamuud Axmed Maxamed, kadib doorasho ka dhacday magaallo xeebeedka Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Maxay tahay shirkadda loo saxiixay shidaalka Somalia?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Prof. Yaxye Caamir oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed ayaa dhankiisa ka hadlay dooda xoogan ee ka dhalatay heshiiska shidaal baarista ah ee uu saxiixay wasiirka wasaaradda macdanta iyo batroolka Mudane Cabdirashiid Maxamed Axmed.

Yaxye Caamir ayaa shaaca ka qaaday in shirkadda loo saxiixay heshiiskan ee Coastline Exploration Ltd oo Mareykanka laga leeyahay aanay aheyn shirkad soo saarta shidaalka, balse ay tahay Dalaal uun, sida uu hadalka u dhigay.

Aqoonyahan Yaxye Caamir oo wareysi siiyey VOA ayaa intaasi ku daray in xirmooyinka ay saxiixato shirkadan ay heshiis kula sii gasho shirkado kale, si ay dhaqaale uga hesho.

“Shirkadahaan ma aha kuwo so osaara shidaalka oo waxa ay leeyihiin ceelal laga qaato shidaalka, waa dalaal oo raba in berri in ay kaa hor istaagaan heshiis weliba oo ku beec xira kuna dhahaya intaas iga sii, Lacagta heshiiska lagu qaatay meel ay ku dhaceyso lama haayo waana nooc kamid ah Burcadnimada,” ayuu yiri  Prof Yaxye oo u warramay VOA-da.

Sidoo kale wuxuu sharaxaad ka bixiyey heshiiskan muranka badan dhaliyey iyo sababta keentay in xilligan adag lagu soo aadiyo, isaga oo tilmaamay in labo qaab loo galo heshiisyadaan oo kale, balse muddada sharciga oo ka dhammaaday dowladda awgeed loogu saxiixay heshiiskan oo loo yaqaan “Heshiiska qaybsiga batroolka Soomaaliyeed”.

“Waxaa jira SPA oo ah heshiis uu saxiixayo qof ka socda Soomaaliya kaddib ayuu ayidaa sababtoo ah waxa uu ka baqaa in hadhow lagu qabsado haddii la dhaho isaga ayaa saxiixay maadaama Dowladdu ay tahay xilgaarsiin oo waxa aan aaminsanahay in sidaas uu Wasiirka ku saxiixay” ayuu sii raaciyey.

Falcelin xoogan ayaa ka dhalatay heshiiskan saacado uun, kadib markii uu soo bandhigay wasiirka Batroolka Soomaaliya, waxaana ka dhashay su’aalo, madaama lagu soo aadiyey, xilli kala guur ah oo uu waqtiga xil heynta uu  ka dhammaaday dowladda Soomaaliya.

Si kastaba, xafiiska madaxweynaha iyo ka ra’iisul wasaaraha ayaa si adag dhankooda uga hadlay, wuxuuna Farmaajo iska fogeeyey inuu wax ka ogaa heshiiskan uu galay wasiir Cabdirashiid, halka Rooble uu shaaca ka qaaday inuu qaadi doono tallaabo deg deg ah.

Siyaasiyiin si weyn uga fal-celiyey fadeexada ka dhalatay saxiixa heshiiska shidaalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka batroolka Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa saxiixay heshiis shidaal sahmin ah oo Soomaaliya ay la gashay shirkadda Coastline Exploration Limited (“Coastline”) oo laga leeyahay dalka Mareykanka.

Wasiir Cabdirashiid ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu la ogaa heshiiskaan oo lagu qaatay 7 Milyan oo dollar, islamarkaana uusan garaneyn sababta uu hadda uga horyimid, isagoo ku macneeyey in culeyska dhanka baraha bulshada ka soo wajahay uu isaga difaacayo.

Haddaba qaar ka mid ah xildhibaanada iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa ka falceliyey heshiiskan, waana kuwan aragtiyadooda.

Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi: Waa fadeexo kale oo soo waajahday Villa Somalia (Farmaajo), maadaama wasiirka Batroolku uu sheegey in Farmaajo la ogaa saxiixa heshiiska Xirmooyinka Shidaalka!

Heshiiskii lala dhuumanayey ee kooxaha khyaraadka dalku uu xaraashka u yahay ay sida qarsoodiga ku saxiixeeen waxba kama jiraan ayaa laga soo qaadey. 

Batroolka Soomaaliya wuxuu ka dhexeeyaa umadda Soomaaliya, waxaana muuqata in kooxo gaar ah ay saxiixiisa macaash ka raadinayaan, Raysulwasaaruhu waa ku mahadsan yahay tallaabadan uu ku joojiyay boobka khayraadka dalka.

Murashax Cabdiraxmaan Cabdishakuur: Waa boob iyo khiyaano qaran in xilli kala guur ah, dalka debediisa lagula dhuunto saxiixa heshiis shidaal oo 25 sano soconaya, kuna kacayso balaayiin doolar. Hantidii qaran iyo Dhaxalkii ummada ayaa la dhaafsaday 16 milyan oo doolar. Farmaajo 07 August ayuu soo saaray qoraal uu ku diidayo in heshiis la saxiixi karo xilliga kala guurka ah. 

Waxaase u cadaatay in uusan rajo ka lahayn doorashada, oo uu go’aansaday in uu dalka boobo. Raysalwasaare Rooble waa in uu dalka ka badbaadiya boobka hantida qaran, tillaabana ka qaado wasiirka hantida qaran lunsaday.

Senator Ilyaas Cali Xasan: Intii Doorashada lagu madhquulsanaa, Shidaalkii waa lagu baxay! Dowlad Waqtigeeda Dhamaadey heshiis noocaan oo kaleed ah mageli kartaa?

Soo uma eka in sababta xiligaan kala guurka ah loogu soo aadiyey iibinta shidaalka ujeedo badan? Lacagta Shidaalka lagu iibiyey soo uma eka mid larabo in loo isticmaalo Doorashada?

Heshiiska Batroolka: Burin naguma filna, xataa khiyaamo Qaran ayaa suurta gal ah

0

Afar saacadood ka dib markii Sharikadda Coastline Exploration Ltd ay magaalada Houston ee Mareykanka ku shaacisay in ay heshiis la gashay Soomaaliya, ayuu Wasiirka Batroolku Twitter innagu wargeliyay in uu 7 heshiis la galay sharikadaas. 

Wuxuu u mahadceliyay Madaxweynaha oo uu ku tilmaamay in uu ku “garabsiiyay” kuna “tirtirsiiyay” howsha.

Sharikaddu waxay faafisay oo kale in saxiixa heshiiska ay goobjoog ka ahaayeen Madaxa Hey’adda Batroolka Soomaaliya iyo ku Xigeenkiisu.

In yar ka dib, Madaxweynaha ayaa soo saaray waraaq uu ku qeexay in aan Wasiirku kala tashan heshiiska.

Warqadda ka soo baxday Madaxtooyadu waxay caddeysay in uu heshiisku yahay waxba kama jiraan maaddaama uu baalmarsan yahay amar ka horreeyay oo Dowladda ka joojinaya in ay heshiis gasho xilliga kala guurka ah.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa isaguna soo saaray amar uu ku burinayo heshiiska oo uu ku tilmaamay mid sharci darro ah. Wuxuuna sheegay in tallaabo sharci ah ay Xukuumaddu qaadi doonto.

Markii ugu horreysay waxaan warka heshiiska ka helay dad ah xog-ogaal feejigan oo London, Muqdisho iyo jooga magaaloiyin kale. 

Maaddaama la iigu sheegay in heshiiska lagu galay London, Diblomaasiyiinta Soomaaliya ka wakiilka ah ee London waan ka waayay wax caddeynaya xataa joogitaanka Wasiirka ee London. 

Heshiis Batrool oo aan Madaxweynuhu ogeyn, Ra’iisal Wasaaruhu ku tilmaamay sharci darro, haddii UK lagu saxiixay aan Safaaradda Soomaaliya ee London aanay ka warqabin, waa waa sax in la buriyo. 

Laakiin burin naguma filna. Xataa khiyaamo Qaran ayaa suurta gal noqon karta.

Inta kale ka sokow, Dhaawac ayay arrintani ku tahay Dowladnimada Soomaaliya, iyo in magaca Dowladda heshiis aan la isla ogeyn lagu galo, maalmo gudahoodna laga baxo.

Aragtideyda, Baaritaan buuxa oo bannaanka keena heshiiska, cidda saxiixday, cidda la ogeyd, haddii laga lahaa ujeeddo siyaasadeed iyo ama dano kale.

Haddii ay caddaato in dembi laga galay Shacabka Soomaaliyeed, markaa tallaabo sharciga waafaqsan oo laga qaado cid kasta oo  ku lug  leh waa lama huraan.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid.

Sawirro: Cali Guudlaawe oo kulan la yeeshay FAHAD

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa xalay kulan foolka fool ah la yeeshay la-taliyaha amniga qaranka, Fahad Yaasiin oo shalay gaaray magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Kulanka ayaa waxaaa goobjoog ahaa madaxweyne ku xigeenka HirShabelle, Yuusuf Dabageed, halka Fahad Yaasiin uu wehlinayey xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere oo gacan yare u ah.

Qoraal kooban kasoo baxay madaxtooyada HirShabelle ayaa waxaa lagu sheegay in kulanka uu ka dhacay xarunta madaxtooyada ee Beledweyne, kadib booqasho uu ku tegay Fahad Yaasiin oo ah haatan ah musharax xildhibaan oo u taagan kursiga HOP#086.

“Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa caawa Madaxtooyada Magaalada Beledweyne waxaa ku soo booqday Lataliyaha Amniga Qaranka Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ahna Musharax Xilibaan Golaha Shacabka,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah oo ka soo baxay dowlad goboleedka HirShabelle.

Madaxtooyada HirShabelle, ma faah faahin waxyaabaha kale ee ay ka wada-hadleen labada dhinac, marka laga reebo in kulanka uu ahaa mid booqasho ah, sida ay shaacisay.

Shirka kadib ayaa la soo bandhigay sawirrada uu Fahad la galay madaxda HirShabelle, isaga oo shantii sano ee la soo dhaafay aan kasoo muuqan kulamada noocaan oo kale ah.

Doorashada kursiga uu tartamayo ninkan oo ay si weyn isugu hayaan Rooble ayaa waxaa hareeyey dood xoogan, waxaana markale guddiga doorashooyinka ku celiyey in aan hadda la qaban karin doorashada kursigan oo uu horey ugu fadhiyey Faarax Sheekh Cabduqaadir.

Si kastaba, doorashada ayaa lagu wadaa inay qabsoonto saacadaha soo socda ee maanta, maadaama shalay shahaadada uu qaatay Fahad Yaasiin oo doonayo inuu ku biiro baarlamaanka 11-aad ee dalka, isaga oo u tartami doono guddoomiye ku xigeenka 1-aad.

Saddex qodob oo iiga baxay hadalkii Wasiir Jamaal ee doorashada Boosaaso

0

Wareysiga Danjire Jamaal Maxamed Xasan, siiyey BBC News Somali ee uu qabtay Maxamed Xasan Dhalo, waxaa iiga baxay saddex qodob;

(1)- Siyaasi aan aqoonsanayn Dowladda Puntland, Madaxdeeda iyo Bileyska Ilaalada Xeebaha Puntland ee PMPF. Intiina dhageysatay Danjire Gamal, waxuu carabkiisa ka ilaalinayaa magaca Dowladda Puntland, Madaxweynaheeda iyo Hey’ada Amniga ee doorashada qeybta ka. 

Ciidamada Ilaalada Xeebaha ee PMPF ayuu ku eedeeyey in dowlado kale u shaqeeyaan oo xaaraan ka tahay in doorashada Golaha Shacabka ee Puntland ka dhacaysa qeyb ka noqdaan!

(2)- Nin wax aan dalka oo dhan meelna ka dhicin raba in keligi loo sameeyo, ‘‘doorasho caddaalad ah!’’ Dalka doorasho caddaalad ah iyo mid daahfuran kama dhaceyso ee musuq iyo marin habaabin aan loo meel dayin ayaa socda. Gamal musuqa socda iyo in meeshaas foosha xun la yimaado raggii Madaxweyne Farmaajo, ku kaalmeynayey shan (5) sano ayuu kow ka ahaa!

(3)- Nin qorshe kale meel u yaal oo haddii Xildhibaanka Beesha Dubeys qof kale ku soo baxo raba in qorshahaas ku dhaqaaqo. Qorshaha Danjire Jamal, markaan rog rogay waxaa ii soo baxay in uu ku dhawaaqayo maamul ka madax bannaan Puntland oo asagu Madaxweyne u yahay. Waan soo dhaweyninaa Dowladda Maakhir! Welcome on board Danjire!

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid.

Hoggaan noocee ah ayay u baahan tahay Soomaaliya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya oo bartanka uga jirta doorasho waqtigeeda dhaaftay oo hadana la boobayo, waxaa hor taalla su’aal ah nooca hoggaanka ay u baahan tahay xilligaan adag, si dalka looga samata bixiyo duruufaha adag ee is biirsaday.

Doorashada xildhibaanada oo la filayo in ay soo dhamaato 3-da todobaad ee na soo aadan, waxaa xigi doonta doorashada guddoonka labada Aqal ee baaramaanka iyo tan madaxweynaha Villa Somalia fariisan doona.

Hase yeeshee calaamad su’aal weyn ayaa dul hoganeysa nooca hoggaamiyaha xilligaan adag mudan in calanka loo dhiibo?

Khilaafyo siyaasadeed oo aan dhammaan, quus shacab, dagaallo sokeeye, hey’adaha dowladda oo mar isku milma, marna wada shaqeyn waaya, waa caqabadihii soo taagnaa dhowr iyo labaatankii sano ee la soo dhaafay, balse hadda cabsi taas ka weyn ayaa muuqata.

Waxay dad badan oo xog ogaal u ah marxaladihii dalku uu soo maray ay tilmaameen in doorashadan ay ku jirto halis, taasi oo ah in laga wal-walayo hadii madaxweyne loo doorto shakhsi mucaarad ama muxaafad ah, in qolaba midda kale diiddo oo dalku yeesho dowlad lagu kala qeybsan yahay.

“Waa in laga fekeraa xalka ugu macquulsan oo looga fogaanayo dowlad isla Muqdisho qeyb kamid ah laga diidan yahay, waxaana lagu heli karaa madaxweyne in loo doorto shaqsi aan hadda kamid ahayn mucaaradka iyo muxaafadka is heysta,” ayuu yiri Prof. Cali Mareer oo ah aqoonyahan UK ku nool.

Waxaa bilihii la soo dhaafay gudaha Soomaaliya iyo dibadda aad u xoogeysatay aragti ku saabsan in Madaxweyne loo doorto shaqsi ka madax-banaan dhinacyada siyaasadda isku heysta xilligan, balse hana kara kalsoonida shacabka iyo aqbalaadda mucaarad iyo muxaafad, iyadoo ay xusid mudan tahay in dadka Soomaaliyeed ay jecelyihiin hadba wejiga cusub.

“Baarlamaanka waxaa ku soo biiray rag horay u dagaalay oo qaarkooda weli cuqdad isku qaba, kuwaas oo u badan saraakiil, weyna adag tahay in iyagoo qeyb guuleysatay ay qeybta kale aqbalaan” sidaasi waxaa yiri mid kamid ah odayaasha dhaqanka oo cabiray dareenkiisa xal u helidda xaaladda cakiran ee dalka.

Sidoo kale ururada bulshada rayidka ah qaarkood waxay ku talinayaan in hogaan xilkas ah oo aan qayb ka aheyn iska horimaadyada iyo isqabqabsiga siyaasadeed ee muddo soo jiitamayay ay iftiiminayaan in Soomaaliya loo doorto hoggaan leh biseyl siyaasadeed iyo aragti fog, si dalka uu ugu horseedo deganaasho siyaasadeed, amni, cadaalad iyo horumar.

“Waxaan u baahanahay in la doorto shaqsi dal joog ah, xog-ogaal ah oo fahamsan dhaqanka, degan, qunyar-socod ah oo dad isku wad leh, kuna qanci karaan mucaarad iyo muxaafidba,” ayuu yiri Maxamed Ciise Caseyr oo ka mid ah ururada dhalinyarada ee magaalada Muqdisho.

Deganaashaha siyaasadda, dib u habeynta garsoorka iyo sarreynta sharciga, sugidda amniga, dib u heshiisiinta dadka, horumarinta dhaqaalaha, horumarinta adeegyada bulshada iyo dib u habeynta hey’adaha dowladda, waa tiirararka ugu waa weyn ee loo baahi qabo marka laga baaqsado colaado kale oo doorashadaan ka dhasha.

Dooda ugu xoogan xiiligaan iyo hadal-heynta fadhiyada lagu falanqeeyo siyaasadda waa in la helo qof leh sumcad siyaasadeed, kana gadmaya dadka Soomaaliyeed ee qaran-jabku ku dhacay iyo saaxiibada caalamka oo mudo dheer nagu garab taagnaa in dalku cagihiisa ku istaago.

In xilligan hogaanka dalka loo dhiibo musharax ka soo jeeda Muqdisho ayaa sidoo kale lagu taliyay, iyadoo loo sababeeyay kalsoonida uu ka heli karo shacabka caasimadda iyo gobollada ku xiran Muqdisho, maadaama ay tahay halka colaadaha naafeeyay Soomaaliya ay ka taagnaayeen 30-kii sano ee la soo dhaafay.

Waxaa intaas dheer, dadka Muqdisho ku nool ayaa dhibaatooyin badan tirsanaya, iyadoo 5-tii sano ee lasoo dhaafay laga xiray wadooyinkii ugu muhiimsanaa isku socodka caasimadda. Xildhibaanada soo baxay ee baarlamaanka iyo inta lasoo dooran doono ayay hortaallaa xal u helidda mushkiladda hoggaanka ee Soomaaliya.

Wasiirka Batroolka: Heshiiska shidaalka waxaa ila ogaa Farmaajo, waxaana lagu qaatay $7 milyan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee xukuumadda Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa faahfaahin ka bixiyey heshiiska shidaal barista ah ee wasaaradu ay la saxiixatay shirkadda Coastline Exploration Limited (“Coastline”) oo laga leeyahay dalka Mareykanka.

Wasiir Cabdirashiid ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu la ogaa heshiiskaan oo lagu qaatay 7 Milyan oo dollar, isla markaana uusan garaneyn sababta uu hadda uga hor yimid, isagoo ku macneeyey in culeyska dhanka baraha bulshada ka soo wajahay uu isaga difaacayo.

“Feylkaan waxaa si qaas ah u hayey aniga iyo madaxweynaha, aad ayaan isaga war qabnay mudo dheerna waan ka wada shaqeyneynay, hadey noqoto, sharcigii batroolka, in shirkadaha aan heshiiska la gaarnay ay Xamar yimaadaan, intaba madaxweynaha ayaa si khaas ah howshaan iila waday,” ayuu yiri wasiirka batroolka Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa caawa soo saaray qoraal uu ku shaaciyey in heshiiskaas uusan waxaba ka ogeyn, isla markaana uusan ansax aheyn, wasiirka oo la weydiiyey sababta uu Farmaajo balantii uga baxay hadii uu heshiiskaas la ogaa ayaa ku jawaabay, “Madaxweynaha waxay ila tahay in markii uu baraha bulshada culeyska ka arkay uu dib u gurtay.”

Wasiir Cabdirashiid ayaa sidoo kale sheegay in heshiiskaan uu soo bilaawday sanadkii 2013-kii, xiligaas oo dalka uu hoggaaminayey madaxweyne Xasan Sheekh, isla markaana ay ku jireen dhameystirkii heshiiskaan.

“Waxaan heshiiskaan saxiixay 15-kii bishaan, hadii qalad ku jirana ma aana shaaciyeen, shirkadaan Soomaaliya waxay horay uga heysatay qandaraas ay siisay dowladdii Xasan Sheekh, hadana waan dhameystirnay un, bishii 1-aad ee 2020-kii ayaan Xamar keenay shirkadaha si heshiiskaan aan u kala saxiixano, laakiin dib u dhac farsamo ayuu xiligaan kusoo gaaray,” ayuu yiri Wasiirka Batroolka.

Ugu dambeyntii wasiirka oo faahfaahiyey waxa uu dhigayo heshiiskaan ay la saxiixdeen shirkadaas Shidaalka baarta ayaa sheegay inuu yahay wax soo saar wadaag, shirkadda loo saxiixay u ogolaanaya inay maal-geliso xirmooyin shidaalka Soomaaliya ah, iyadoo saamiga ugu badan ay qaadan doonto Soomaaliya.

“Xirmooyinka aan saxiixnay waxay ku kala yaallaan xeebaha Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, xirmo kasta oo heshiiskaas ah markii la saxiixo waxuu leeyahay lacag hal milyan oo dollar ah, waxuu heshiiskaasi dhigayaa in mudo bil gudaheed ah lacagtaas ay ku soo dhacdo Bangiga Dhexe, dowladda Soomaaliya ayaana iska leh, todoba xirmo ayaan saxiixnay, 7 milyan ayaana bishaan gudaheeda ku soo dhaceysa Bangiga Dhexe,” ayuu yiri Wasiirka Batroolka oo u waramay Idaacadda VOA

Hoos ka dhageyso wareysiga wasiirka

Rooble oo joojiyey heshiis shidaal oo Soomaaliya ay saxiixday, kuna hanjabay in…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa war ka soo saaray heshiis la sheegay in wasaaradda Batroolka Soomaaliya ay la gashay shirkad shidaalka baarta oo laga leeyahay dalka Mareykanka.

Qoraalka ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu shaaciyey in heshiiska ay gashay wasaaradda Batroolka uu waxba kama jiraan yahay, isagoo ku goodiyey inuu tallaabo qaadi doono.

“Heshiiska la sheegay in Wasiirka Batroolku uu saxiixay ee la xiriira arrimaha Shidaalka Soomaaliya waa mid sharci darro ah oo aan loo marin waddo shirci ah, sidaas darteed waxba kama jiraan,” ayaa lagu yiri qoraalka Rooble.

Sidoo kale qoraalkaan ayaa intaas ku sii daray, “Ra’iisulwasaraha ayaa qaadidoonaa talaabooyin sharci ah oo looga jawaabayo falkaas xadgudubka ku ah Hantida Qaranka iyo dhaxalka Jiilalka soo socda, si loo ilaaliyo amaanada Ummadda Soomaaliyeed.”

Shirkada ay heshiiskaas u saxiixday wasaaradda batroolka Soomaaliya ayaa lagu magacaabaa Coastline Exploration Limited (“Coastline”) waxaana laga leeyahay dalka Mareykanka, maanta ayey shaacisay in wasaaradda Batroolka Soomaaliya ay la saxiixatay toddoba heshiis oo wax soo saar wadaag ah.

Shirkadaan oo aad u daneysa inay baarto saliida gobolka Geeska Afrika ayaa heshiisyadaan ay la saxiixatay wasaaradda batroolka iyo macdanta Sooomaaliya waxuu u ogolaanayaa inay shidaal ka baarto gunta hoose ee biyaha Soomaaliya.

Richard Anderson, oo ah madaxa fulinta xeebaha ee shirkadda Coastline Exploration Limited ayaa faahfaahin ka bixiyey heshiiska ay la galeen wasaaradda batroolka iyo macdanka ee xukuumadda Soomaaliya.

“Soomaaliya waxaa ku yaalla ceelal dihan oo aad u badan, kuwaas oo aan weli la sahmin, kuna yaalla biyaha kulul ee adduunka, waxaa sharaf iyo farxad noo ah inaan qayb ka noqonno horumarinteeda mustaqbalka,” ayuu yiri Madaxda shirkadda ay heshiiskaan la gashay wasaaradda batroolka.

Waxuu intaas ku sii daray, “Dowladda Soomaaliya iyo Wasaaradda Shidaalka ayaa waqti iyo juhdi badan ku bixiyey sidii dalku u heli lahaa kaabayaal sharci iyo maamul oo ku habboon in lagu taageero baarista shidaalka iyo gaaska, iyadoo la meel marinayo sharciga Shidaalka, ansixinta heshiiska Dakhliga qeybsiga ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah. iyo in la dhiso Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed si ay taageero joogto ah ugu bixiso kobaca la filayo.”