28.3 C
Mogadishu
Monday, May 11, 2026

AL-SHABAAB oo la yimid qorshe qabiileysan oo ay ku soo dhex galaan shacabka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabab ayaa bilowday qaab cusub oo ay ku dhex galeyso bulshada, qaabkan waxa uu huwan yahay magac qabiil.

Kooxda ayaa dad ay rabto inay fuliyaan shaqooyin sida inay xog keenaan, canshuurta usii aruuriyaan, qaraxyo fuliyaan ama dilal abaabul iyo in mustaqbalka gabaad u noqdaan fikradooda waxay kusoo dhex daayeen goobihii laga qabsaday.

Dadkan ayaa waxay isku dhiibayaan qabiiladooda, qaar waxay sheegayaan in fikirkii ka tanaasuleen, qaarna inay markii hore kooxda ugu biireen inay danaha qabiilka difaacaan.

Fikradan cusub oo Al-Shabaab ay hindistay ayaa deegaanada qaar ka hirgeshay, ayada oo odayaasha qaar ay rag shabaab ah sheegeen inay kooxda u direen oo Beesha iyo Kooxda ay xarig u ahaayeen, si aan loo dulmin beeshaas.

Inkasta oo aysan jirin qabiil Soomaaliyeed oo ka badbaaday dulmiga Al-Shabaab, haddana illo sirdoon ayaa ku waramaya in fikirkaan uu yahay mid kooxda Al-Shabaab ugu tala-gashay inay dib ugu dhibaateyso deegaanadii laga saaray.

Dadkaan soo laabtay ee beeluhu ku hagoogteen lama marin hubin dowladeed, waxaana meelaha qaar toos loogu dhex daayay magaalooyinka, taasi oo keentay ama keeni karta dhibaatooyin hor leh.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Jimcihii si adag uga hadlay fikirkaan cusub ee Al-Shabaab ay rabto inay markale ku dhibaateyso ciidanka dowladda iyo bulshada hogaamineysa kacdoonka.

“Warar badan ayaa isoo gaaraya oo deegaanada qaarkood dadkii Shabaabka ka tirsana ama qoryaha qaatay ee u adeegayay Shabaab inta uu hadda yimid uu yiraahda Shabaab ayaa dadka ka xigay oo dadka ka ilaalinayay, qabiilkiina uu yiraahdo halaga leexdo iyo anaga u dirnay,” ayuu yiri.

“Meel la isku diro meeshaas kuma oolin, orod dadka Soomaaliyeed soo laay ama sidii loo leyn lahaa soo fudeydi qof loo diro karay majirin iyo qof loogu cudur-daarayo majiro. Allaha ka keeno ayaa leeyahay dadka iyo qabaa’ilka leh anaga shalay dadkaan u dirnay Shabaab.”

Madaxweynaha ayaa hadalkiisa sii raaciyay “Shabaab dadka Soomaaliyeed ayuu leynayay oo gumaadayay, meesha meel dad loo diro kuma oolin, dadka in uu wax kasoo laayo ayaa u dirtay sow maaha.”

“Ninkasta oo kamid ahaa calamkii Shabaab ee dalka ka socda, Shabaab waaye, waa kasoo noqday oo ka tanasulay afkaartii dhibka badneyd aan isla ogaano ee in uu ku dhex fadhiyo oo telefoonkii uu idinla daba taagan oo adigana reer hebel aad tiraahdo cudur daar malaha.”

Daawo: Wasiir Khadiijo Diiriye oo qaylo dhaan ka muujisay arrin ka taagan Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Soomaaliya, Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka qayb-gashay kulan weyne ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa qaylo dhaan ka muujisay xaaladda Muqdisho.

Khadiijo Diiriye ayaa si adag uga hadashay arrimaha ammaanka ee caasimada, waxayna walaac ka muujisay weerarada iyo falalka ammaan darri ee ka dhaca gobolka Banaadir.

“Xamar dhaxal umey helin oo joogto ah waan kasoo horjeednaa iyo hoteel-baa lagu jiraa 24 saac,” ayey tiri Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye.

Sidoo kale waxa ay tilmaamtay in magaalada ay gudaha usoo galeen xubno firxad ah oo ka tirsan Al-Shabaab, kadib cadaadiska ay kala kulmeen howlgallada ka socdo gobollada.

Wasiirka Haweenka ayaa ku talisay in laga dhabeeyo qorshaha xukuumadda ee ku aadan ka hortagga kooxda Al-Shabaab, iyaguna haween ahaan ay garab taagan yihiin.

‘Dadka waxay leeyihiin Khawaarijta Muqdisho kusoo firxadeen qorshe cad ayaana ka yaalla oo aad nagu hoggaamineysay mudane Ra’iisul wasaare,” ayey hadalkeeda sii raacisay.

Ugu dambeyn waxay hoosta ka xariiqday in haweenka Soomaaliyeed ay qaadan doonaan doorkooda, isla-markaana ay diyaar u yihiin inay gacan siiyaan ciidamada ammaanka.

“Haweenka ku dhaqan magaalada Muqdisho waxay u istaagi doonaan qabashada firxadkaas kooxaha Khawaarijta,” ayey markale tiri Wasiir Khadiijo.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maalmihii u dambeeyay ay kordheen falalka ammaan dari ee ka dhacaya Muqdisho, kuwaas oo isugu jiro qaraxyo iyo weeraro toos ah, waxayna kusoo beegmeen xilli Al-Shabaab lagu jebiyay dagaallada ka socdo gobollada.

Kenya president outlines diplomatic strategy for Somalia

Nairobi (Caasimada Online) – Kenyan President William Ruto has outlined his regional diplomatic strategy, including his willingness to work with Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud to fight against the terrorist group al-Shabab. 

Speaking on Wednesday, Ruto emphasized the importance of stability in the region, saying, “If this region becomes unstable, it will have a significant negative impact on our economy.” He also highlighted Kenya’s solid economic position as the largest economy in the region.

“We are not only working with the president of Somalia, but we are also thrilled that he is now consolidating even with other regional presidents in Somalia so that we jointly attack the al-Shabab menace,” said Ruto. 

“We are pleased that we have some agreement and are working together. We both recognize that al-Shabab is a problem for Somalia and us, and we cannot ignore or walk away from this challenge. We need to address it together.”

In a meeting with President Mohamud on September 14, 2022, the two leaders discussed the security challenges of Somalia and the Horn of Africa region, both of which have been targeted by al-Shabab. 

Ruto also announced plans to fast-track the Joint Commission for Cooperation implementation between Kenya and Somalia. This will increase trade in Miraa, a stimulant plant, and fish while easing movement between the two nations.

Kenya is currently among the countries whose troops are serving in Somalia under the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS).

Kenya and Somalia have a complex relationship with a long history of cooperation and conflict. One major point of contention between the two countries was the disputed maritime border in the Indian Ocean.

The International Court of Justice (ICJ) ruled in favor of Somalia in the long-standing maritime border dispute with Kenya in 2021. 

The ICJ determined that the border should be adjusted so that Somalia would be granted rights to most of the oil-rich region in the Indian Ocean. Kenya rejected the ruling, and the dispute has continued to be a source of tension between the two countries.

In addition to the maritime dispute, trade in the stimulant plant khat, also known as miraa in Kenya, has also been a point of friction between the two countries. 

Somalia is Kenya’s largest market for khat, but the Somali government suspended the importation of the crop when international flights were suspended due to the COVID-19 pandemic. 

While the ban has since been lifted, Somali authorities have imposed conditions keeping Kenyan khat traders out of business. This has led to further tensions between the two countries.

Villa Somalia oo shaaca ka qaaday mowqifkeeda ku aadan wadahadalka Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Lataliyaha Amniga Qaranka Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xuseen Macallin Maxamuud oo wareysi bixiyay ayaa ka hadlay arrimo ku aadan Al-Shabaab, gaar ahaan in dowladda federaalka ay wada-hadal la galeyso kooxdaasi.

Ugu horreyn Xuseen Macallin ayaa meesha in dowladda dhexe uu codsi uga yimid dhanka Al-Shabaab, hadalkaas oo uu shalay shaaciyay Wasiir Ku Xigeenka Gaashaandhigga.

Lataliyaha Amniga Qaranka ayaa shaaca ka qaaday in aanu isbedalin mowqifka dowladda federaalka oo ku aadan dagaalka haatan lagula jiro kooxda Al-Shabaab, isaga oo si cad u sheegay in aysan wax wada xaajood ah la geli doonin.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xubnaha kasoo goosta la marin doono nidaam hufan si ay xaq ugu yeeshaan cafiska rasmiga ah ee dowladda.

“Siyaasaddeena ku aaddan wadahadal lala galo Al-Shabaab waxba isma baddelin, wax wada-xaajood ah kulama jirno Kooxda haseyeeshee Shakhsiyaadka doonaya in ay ka baxaan kooxda waxaa la marin doonnaa nidaam hufan si ay xaq ugu yeeshaan cafiska rasmiga ah ee Dowladda” ayuu yiri Lataliyaha Amniga Qaranka Madaxweynaha Soomaaliya.

Dhankeeda Kooxda Al-Shabaab ayaa beenisay war kasoo baxay dowladda federaalka oo ay ku sheegtay in kooxda ay codsatay in lala furo wadahadal, xilli uu sii xoogeystay dagaalka ka dhanka ah ee dalka ka socda.

Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa warbaahinta kooxda u sheegay in arrintan aysan sal iyo raad toona lahayn, oo aysan jirin wax wadahal ah oo ka dhexeeya Al-Shabaab iyo dowladda.

“Ma aanan arkin hadalka aad sheegeyseyo, balse waxaan kuu xaqiijinayaa inaysan jirin wax wadahal ah oo naga dhexeeya ama naga dhaxayn kara annaga oo mujaahidiinta ah iyo dowladda,” ayuu yiri sarkaalka ka tirsan Al-Shabaab. 

Arrintaan ayaa imaneysa xili uu dalka ka socdo dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, kaasi oo tan iyo markii uu billowday laga gaaray guulo waaweyn, loogana qabsaday kooxda degaano horleh oo gacanta ku hayeen sanado badan.

Guddiga joogtada ee BF oo dood ka yeeshay laba sharci oo uu ku jiro midka NISA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir-guddoomiyay kulanka 12-aad ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka oo maanta qabsoomay.

Shirkaan ayaa waxaa looga hadlaya laba hindise-sharciyeed oo muhiim ah, kuwaasi oo kala ah Hindise-sharciyeedka Hay’ada Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka iyo Hindise-sharciyeedka aqoonsiga iyo diiwaan-gelinta dadweynaha ee loo yaqaan (National ID).

Guddiga ayaa sidoo kale dood dheer ka yeeshay labada hindise-sharciyeed, ayada oo ugu dambeyntiina ay xubnaha guddigaan isla garteen in lageeyo Golaha.

Guddoomiye Aadan Madoobe iyo xubnaha guddigaan ayaa waxa kale oo ay diirada saareen Hirgelinta Xeer-Hoosaadka iyo ilaalinta kooramka xildhibaannada.

Kulamada Golaha Shacabka ayaa muddooyinkii dambe u baaqanayay kooram la’aan, taasi oo caqabad horleh ku noqotay habsami u socodkii shaqada Golaha.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa hore u sheegay in maqnaashiyaha xildhibaanada ay cuuryaamineyso shaqada Bartalamaanka, isaga oo ugu baaqay mudanayaasha golaha inay ka waantoobaan arrintaan.

“Sidaan haddii uu kusii socdo Baarlamaanka ma shaqeyn karno. Xildhibaanada waxaan u sheegayaa inay ka waantoobaan inay ka maqnaadaan shaqada. Ma’aha in sharciga innoo yaallo lagu ciyaaro, waxaana dirayaan farriintii u dambeysay,” ayuu markale hadalkiisa sii raaciyay” ayuu yiri Aadan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in arrintaan ay dhaawaceyso xeerarka u yaalla baarlamaanka iyo sharciga dalka, sida uu hadalka u dhigay.

Baarlamaanka 11-aad ayaa waxaa horyaallo shaqooyin adag, waxaana ugu horreeysa 21 hindise-sharciyeed oo ay usoo gudbisay xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.

Wararkii ugu dambeeyay shirka Koonfur Galbeed ee mucaaridka iyo Lafta-gareen

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa waxa si weyn looga dareemaya oo ka socda diyaar-garowga shirka dib-u-heshiisiinta siyaasiyiinta Koonfur Galbeed.

Amaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay ayada oo dhawaan halkaas la filayo in ay gaaran Wafuud kala duwan oo qeyb ka yihiin Madax ka tirsan dowladda federaalka iyo Ergada ka qayb-galaysa shirka.

Guddiga qaban-qaabada shirka dib-u-heshiisiinta ee uu magacaabay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa sidoo kale ku sugan magaalada Baydhabo, hase yeeshe illaa hadda si rasmi ah looma oga waqtiga uu furmayo shirkaas.

Isaaq Xuseen Mursal oo ka mid ah siyaasiyiinta ku sugan magaalada Baydhabo oo ka hadlay diyaar-garowga shirka ayaa sheegay in la filayo in uu madaxweynaha dowladda federaalka uu kasoo qeyb-galo, si loo dhameeyo xiisada ka dhalatay muddo kororsiga madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen.

“Guddigii farsamada ee guddoomiyaha waa joogaan, iyaga laga warsuga oo u igman howshaan. Waa la socona siyaasiyiin meesha jooga oo howsha dad baa u xilsaaran oo ka warsugeynaa,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas sii raaciyay “Siyaasiyiinta Mucaaridka waa ku qasban yihiin inay imaadan shirka oo dadka wax tabanaya ee shirka loo qabtay waa ayaga, inay imaadan shirka waa ku qasban yihiin.”

Shirkaan oo markii hore loo ballansana 5-ta bishaan ayaa waxa ku yimid dib u dhac, sida la sheegayna ay kow ka tahay arrimo farsamo dartood, waxaana dhawaan la filayaa in wafuuda ay gaarto magaalada Baydhabo.

Shirka dib-u-heshiinta Koonfur Galbeed ayaa lagu rabaa in xal looga gaarayo xiiasda siyaasadeed ee maamulkaasi, taasi oo u dhaxeyso madaxtooyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee fadhigoodu yahay Muqdisho.

Dhowaan ayey aheyd markii xiisada siyaasadeed ee maamulkaasi ay isku rogtay gacan ka hadal kadib markii Baydhabo uu ka dhacay iska hor-imaad u dhaxeeyay ciidanka ammaanka iyo kuwa la magac-baxay badbaadada Koonfur Galbeed, kaasi oo khasaare geystay, wuxuuna sidoo kale sii huriyay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan maamulkaasi.

Al-Shabaab oo war kasoo saartay wada-hadallada ay DF sheegtay inay codsadeen

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa beenisay war kasoo baxay dowladda federaalka oo ay ku sheegtay in kooxda ay codsatay in lala furo wadahadal, xilli uu sii xoogeystay dagaalka ka dhanka ah ee dalka ka socda.

Wasiir ku-xigeenka gaashaandhiga Soomaaliya, Xildhibaan Cabdifataax Qaasim oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa yiri “Maanta ayaga ayaa wada-hadal ku jira, anaga waxay naga taagan tahay in Soomaaliya laga ciribtiro wax la yiraahdo argagixiso oo go’aankeeda uu qaatay madaxweynaha, golaha fulintana ay ku shaqeynayaan.” 

“Ayaga (Al-Shabaab) ayaa soo codsaday wada-hadal. Khawaarijta waa laba nooc, kuwa waa ajaanib, noocna waa kuwa dalkaan u dhashay oo ayaga fursad waa leeyihiin, laakiin kuwa duulaanka ku yimid dalkaan wax wada-hadal majiro ee waa in dalka iskaga tagaan,” ayuu yiri wasiirka.

Hase yeeshee sarkaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa warbaahinta kooxda u sheegay in arrintan aysan sal iyo raad toona lahayn, oo aysan jirin wax wadahal ah oo ka dhexeeya Al-Shabaab iyo dowladda.

“Ma aanan arkin hadalka aad sheegeyseyo, balse waxaan kuu xaqiijinayaa inaysan jirin wax wadahal ah oo naga dhexeeya ama naga dhaxayn kara annaga oo mujaahidiinta ah iyo dowladda,” ayuu yiri sarkaalka ka tirsan Al-Shabaab. 

Sarkaalkan, oo la sheegay inuu ka tirsan yahay xafiiska warfaafinta Al-Shabaab, balse aan magaciisa la shaacin, ayaa sidoo kale meesha ka saaray suurta-galnimada wadahadal dhexmara Al-Shabaab iyo Villa Somalia. 

Sarkaalka ayaa intaas ku daray in hadallada kasoo yeeray mas’uuliyiinta dowladda ay yihiin mid ay niyadda ku dhisayaan, sida uu hadalka u dhigay.

Arrintaan ayaa imaneysa xili uu dalka ka socdo dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, kaasi oo tan iyo markii uu billowday laga gaaray guulo waaweyn, loogana qabsaday kooxda degaano horleh oo gacanta ku hayeen sanado badan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dagaalkan ku hogaaminaya dalka ayaa hore u sheegay inaysan xilligan Soomaaliya joogin marxalad ay kula xaajooto ururka Al-Shabaab, hase yeeshe ay albaabada u fureyso xubnaha ka tirsan Al-Shabaab.

“Dowladdu waxay albaabada u furaysa xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee doonaya inay ka haraan gacan ka hadalka iyo fikirka xagjirka ah. Dowladdu waxay ku wajaheysa (Shabaab) saddex siyaabood oo kala ah mid millateri, mid fikir iyo mid dhaqaale.” ayuu xiligaas yiri madaxweynaha.

Al-Shabab refutes Somali government’s negotiation claim

Mogadishu (Caasimada Online) – Al-Shabab, the Somalia-based extremist group affiliated with al-Qaida, has denied the government’s claim that the group has requested to open negotiations. 

“I have not seen the statement you are referring to, but I can assure you that there are no negotiations ongoing or planned between us as mujahedeen and the government,” said a member of Al-Shabab, according to the group’s media outlet.

The member, reportedly from the group’s propaganda office but whose name was not disclosed, also ruled out the possibility of talks between Al-Shabab and Villa Somalia, the official residence of the President of Somalia. 

“The statements from government officials are meant to raise morale,” the member added.

This is the first time Somalia’s government has claimed that Al-Shabab has requested negotiations. 

“Al-Shabab has requested to open negotiations with the Somali government. However, there are two groups within al-Shabab,” said Deputy Defense Minister Abdifatah Kasim.

“Locals and foreigners. The foreigners who have invaded our country do not have the right to engage in negotiations. Their only option is to return to their own countries. On the other hand, local Somalis may have the opportunity to open up negotiations.”

In September, President Hassan Sheikh Mohamud said that the country “is not currently in a position to negotiate with al-Shabab but is open to members of the group renouncing violence and extremist ideology. “

On Friday, he appealed to young members of the extremist al-Shabab to surrender to the government and renounce their terrorist ideology. The plea came following two recent attacks on government forces by al-Shabab that killed more than 43 people, including senior officers.

“I want to tell these boys to return from the wrong path they are taking,” Mohamud said at a mosque in the capital, Mogadishu. “I urge them to return to their government, people, and religion. Every step they take from now on will only increase their guilt.”

The president has declared an “all-out war” against al-Shabab, and government forces, supported by local forces, are currently engaged in a “total war” against the group.

Despite the ongoing military offensives, the group has managed to carry out several attacks in the country.

Despite the ongoing violence, the Somali government has expressed a willingness to negotiate with Al-Shabab members willing to surrender and reintegrate with society. It remains to be seen whether any group members will accept this offer. 

For over 15 years, Al-Shabab has engaged in a conflict with the Somali government, targeting government officials and African Union peacekeepers through violent attacks. The organization is infamous for its extreme methods and strict adherence to Islamic doctrine.

Sawirro: Xamza oo u baxay safar dibadeed + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta u ambabaxay safar dibadeed, isaga oo kusii  jeedo magaalada Qaahir ee caasimada dalka Masar.

Ra’iisul wasaare Xamza ayaa booqashadiisa waxa ay qaadan doontaa muddo saddex cisho ah, sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa wada-hadallo la xiriira iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Masar waxa uu la yeelan doonaa madaxda waddanka Masar.

Arrimaha muhiimka ah ee uu kala hadlayo waxaa kamid ah dagaalka Al-Shabaab oo ay haatan dowladda federaalka u raadineyso taageero caalami ah, si looga adkaato.

Sidoo kale wuxuu ra’iisul wasaaruhu booqan doonaa xarunta safaaradda Soomaaliya ee magaalada Qaahira, isaga oo la kulmi doono jaaliyadda Soomaaliyeed ee Masar.

Soomaaliya iyo Masar ayaa waxaa ka dhexeya xiriir dheer oo soo jireen ah, kaas oo ku qotoma dhanka waxbarashada iyo taageerada dhanka bani’aadanimada.

Safarka ra’iisul wasaaraha waxa uu ku soo aaday, xilli xasaasi ah, isla-markaana uu dalka ka socdo dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo guullo waa weyn laga gaaray.

Horay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isna u booqday dalkan, isaga oo wadahadallo gaar ah lasoo yeeshay dhiggiisa dalkaas, Cabdel Fataax Al-Sisi.

Si kastaba, xiriirka labada dowladood ayaa wuxuu isbeddal ku yimid, kadib doorashadii 15-kii May, isaga oo sare usii kacay, maadaama uu isbeddal ku yimid hoggaanka dalka.

 

Muxuu SACIID DENI ka yiri arrinta muddo kororsiga?

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland, Mudane Saciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) ayaa markii horreysay si faahfaahsan uga hadlay arrinta muddo kororsiga ee lagu eedeynayo isaga & saaxibadiisa haatan haya talada maamulkaasi.

Deni ayaa marka hore u jawaabay xubnaha mucaaradka ee kasoo horjeedo maamulkiisa, wuxuuna sheegay inay cabsi aan jirin ay gelinayaan dadka reer Puntland.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ka bad badin ay sameynayaan siyaasiyiinta, isaga oo qiil u sameeyay qorshaha muddo kororsiga, wuxuuna sheegay in horay ay Puntland uga dhacday.

“Cabsida dadka la galinayo, waa shaki laga galinayo inay golayaashooda deegaanka doortaan. Waxaa laleeyahay, madaxweynuhu doorasho uma socdee, ku darsibuu u socdaa, oo haddaan ku darsi u socdo, doorashadan maan iska daayo dhibkeeda oo taas aado,” ayuu yiri madaxweyne Saciid Deni.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa si cad u sheegay in dhammaan madaxdii ka horreysay isaga ay sameysteen muddo kororsi, taas oo ay haatan shaki kasii muujiyeen mucaaradka.

‘Aniga ma ahane madaxdii horoo dhan waa ku darsan jirtay, dhibna malahayn,” ayuu mar kale sii raaciyay Saciid Deni.

Hadalkan ayaa uga sii daraya muranka haatan  ka taagan doorashooyinka Puntland oo ay walaac xoogan ka muujinayaan ururada siyaasadda oo sheegay inuu mugdi badan ka jiro.

Ururada siyaasadda Puntland ayaa dhankooda dhaq-dhaqaaqyo ka wada Garoowe, waxayna maalmo kahir uga dhowaaqeen Madal ay ku mideysan yihiin.

Siyaasiyiinta qeybta ka ah Madasha looga dhawaaqay Garoowe ayaa waxaay isugu jiraan kuwa xilal kala duwan kasoo qabtay dowladda federaalka iyo maamulka Puntland.

Dagaallo culus oo markale ka dhacay Laascaanood iyo wararkii ugu dambeeyay

Laascaanood (Caasimada Online) – Xaaladda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa weli kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in markale ay xalay dagaallo culus ay ka dhaceen bartamaha magaaladaasi, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii maleeshiyaad hubeysan ay weerar gaadmo ah ku qaadeen saldhigyo ciidamada Somaliland ay ku leeyihiin duleedka magaaladaasi.

Mid kamid ah weeraradaan ayaa waxaa lagu beegsaday saldhig u dhow meel uu haatan dagan yahay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalladaas ay ka dhasheen khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac ku kooban labada dhinac, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Xiisad xoogan ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa in saaka ay ka taagan tahay duleedka magaalada, taas oo ka dhalatay weerarada lala beegsaday ciidamada Somaliland.

Sidoo kale ciidamada ammaanka ayaa dhankooda bilaabay dhaq-dhaqaaq cusub iyo howlgallo ay ku baadi goobayan raggii ka dambeeyay weerarada xalay ka dhacay halkaasi.

Xaaladda guud ee magaalada ayaa weli cakiran, maadaama rabshaduhu ay sii kordheen, isla-markaana ay socdaan todobaadkii saddexaad oo xiriir ah

Dadka banaanbaxyada dhigaya ayaa sheegaya in aysan dooneyn inay Somaliland xukunto Laascaanood, iyagoo ku doodaya in dilka haldoorkooda aysan sidaan ku sii fiirsa karin.

Magaalada waxaa ku soo noqnoqday dilalka kooxaha aan la garanayn ay geystaan, waxaana la beegsadaa dadka haldoorka u ah bulshada magaalada Laascaanood.

Si kastaba, baaqyo ku aadan in la qaboojiyo xiisadda Laascaanood ayaa iska soo dabadhacaya, balse sida muuqata Somaliland waa ay ka dhego furaysatay.

Daawo: R/Wasaare Xamza oo shaaciyey arrin aan laga aqbali doonin Somaliland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomalaiya Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay in aan la aqbali karin in xabad lala dhaco dadka Soomaaliyeed, isagoo ka hadlayey xiisadda ka taagan magaalada Laascaanood.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in aysan jirin cid laga aqbali karo inay baneysato dhiigga shacabka. “Dadka Soomaaliyeed ee Laascaanood degan iyo maamulka Somaliland, waxaan u soo jeedinayaa inay wadahadlaan oo qoriga afkiisa laga weeciyo xaaladda,” ayuu yiri Xamza

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha oo wareysigaan siiyey warbaahinta dowladda ayaa aad u amaanay waxgaradka Somaliland oo dalbaday in la joojiyo rasaaseynta shacabka, kuwaas oo ku kala nool dhamaan magaalooyinka Somaliland.

“Waan daawanay culumada, waxgaradka iyo salaadiinta Somaliland ee dalbaday in la joojiyo waxa dhacaya, waan u mahad celinayaa runtii, sideedana colaad dad ayaan nooga dhimanaya ee deegaanka nabad halagu soo dabaalo, wixii la kala tabanayana wadahadal halagu dhameeyo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Magaalada Laascaanood waxaa ka taagan xiisad salka ku heysa maamulka, waxayna shacabkii magaaladaas ka hor yimaadeen in Somaliland ay sii maamusho.

Banaanbaxyo rabashado wata ayaa labadii todobaad ee lasoo dhaafay ka socday magaalada, waxaana geeriyooday dad badan oo ciidanka Somaliland ay toogteen.

Banaan-baxyadaasi waxay ugu dambeyntii sababeen in ciidanka Somaliland ay isaga baxaan magaalada, kadib markii ay ku sii badatay carada shacabka, waxayna magaalada uga baxeen geesaha.

Xiisadaan ayaa ka kacday dilal loo geystay dadkii haldoorka ahaa ee magaaladaas ku noolaa, waxaana la garan waayey cidda geysata dilalka, taas oo sababtay in shacabku ay iska diidaan ka sii mid ahaashaha xukunka Somaliland.

Hoos ka daawo

Somaliland Laas-caanood ma ka maarantaa? – Faallo

Horta Laas-Caanood Waa tuma?

Laas-Caanood waxay dhacdaa Dooxada Nugaaleed, waana magaalo madaxda Gobolka Sool. Waxay Garowe u jirtaa 132 km, markaad gaari ku aado, Hargeysana 381 km oo dhulka ah. 2014 tiro koob ay samaysay UNFPA tirada dadka ku noolaa waxaa lagu qiyaasay 156,438 qof.

Dadka reer Laas-canood kama mid ahayn qabiilooyinkii saxiixay heshiiskii Gumaysigii ingiriiska (Colonial Protective Treaties), waxayna ahaayeen dad si adag uga horyimid gumaysigii gumaystaha. 

31-kii July 1903 niman sahan u ahaa gumaystaha oo tiro 30 (British Scouts) ahaa iyo 124 Darwiish oo sahan ahaa baa isku helay  meel aan sidaa uga fogeyn Laas-caanood, waxana laga dhigay wax dhintay iyo wax dhaawac noqday horgaladii gumeystaha iyo hoggaankii hogaaminaayey oo caddaan ahaa. 

1954 iyo 1955 xaaladdii markaa ka jirtay gobolada Waqooyi Galbeed iyo Waqooyi Bari waxaa Laas-caanood lagu aas-aasay xisbigii USP oo ay ku midoobeen reer Laas-canood, Boorama iyo Sanaag Bari. 

15 October 1969 waxaa Laas-Canood lagu dilay madaxweynihii labaad ee Soomaaliya, Cabdirshiid Cali Sharmaarke, asagoo safar shaqo ku maraayey magaaladaa, waxaana dilay mid ka mid ahaa ilaaladiisa. Aaskiisii maalin kadib waxaa dhacay afgambsi ciidameed oo uu hogaaminaayey Maxamed Siyaad Barre, 21 Oktober, 1969.

1991 ururkii SNM ahaa wuxuu ku dhawaaqay gooni isu-taag iyo inuu Soomaaliya ka tashaday, ayadoo doododu ahayd waa nala xasuuqay, heshiiskii 1960na waa ka noqonay. Waxaana Burco shir ka dhacay looga dhawaaqay Somaliland, oo la sheegtay in heshiis lala galay Gobolada darfaha Galbeedka iyo Bariga oo aan SNM dagaalkii ay galeen kula jirin, dagaalkaas oo beesha dhexe ku koobnaa.

Laas-Canood waxay in muddo ahayd meel nabdoon. Dabadeedna Dhalashadii Puntland iyo sheegashadii ka mid ahaan-shaha Laas- Canood waxay abuurtay dareen xaasaasi ah. 2002 Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin ayaa safar lama filaan ah ku tagay Laas-Canood, asagoo watay ciidan xoog leh, muddo yar ka dibna waxay isku dhaceen dadkii deegaan, markii danbana dibaduu uga baxay, waxaana la wareegay ciidan taageersanaa Puntland. 2007 waxaa isfahmiwaa dhex-maray Wasiir Xaabsade oo ahaa wisiirkii Arrimaha gudaha ee Puntland iyo Wadaxweyne Cadde Muuse. Xaabsade oo kaso jeeda deegaan Sool ayaa ka xaystay ciidan beeleed, wuxuuna dagaal la galay ciidankii joogay Laas-Canood, waana la wareegay, waxay Somaliland abaal-marin u siisay jago wasiir ah, muddo yar dabadeedna waa isku dhaceen Xaabsade iyo Somaliland, wuxuuna dib ugu so laabtay Garowe, asagoo ka fara maran LAASKII CAANAHA. Intii waqtigaas ka danbeysanna waxaa gacanta ku haysay Somaliland ilaa maanta oo qalalaase ka taagan tahay

Haddaba, Somaliland maka maarmi kartaa Laas-Canood iyo Sool?

Somaliland dooddeeda ugu weyn waxay tahay oo sheeganaysaa inay xuduuddii Ingiriiska xad u tahay, haddii ay faraheeda ka baxdana Somaliland waxay kuso ururaysaa gobollada Waqooyi Galbeed iyo Togdheer, sidii ay AWDAL ula sii midoobilahaydna waa mid su’aal keeni karta, waana adag tahay inay ku qancaan waxay u dagaalamayeen, gar iyo gardaba, mana rumaysna haddii ay heshiis la galeen reer Sool inay ka bixi karaan, ayagoo sheeganaya inay axdigii 1960 ka baxeen.

Haddaba reer Sool iyo Laas-caanood xaaladdooda maanta waxay ku dhawaaqayaan in dhulkooda looga baxo, 13-kii isinna hal eray oo isku mid ah bay ku dhawaaqayaan: Aayaheena inaan ka tasho ayaan rabnaa, dhulkeenana ha na looga baxo, mana aha mid qancinaysa Somaliland.

W/Q: Mahamud J. farah
[email protected]
U.S.A

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid.

Somaliland oo go’aan kasoo saartay guddigii uu Aadan Madoobe magacaabay

Hargeysa (Caasimada Online) – Golaha Wakiilada Somaliland ayaa si adag uga horyimid guddi uu dhawaan guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe u magacaabay rabshadaha ka taagan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, kuwaasi oo ay sheegtay inay soo geli karin deegaanada maamulkeeda.

War-saxaafadeed kasoo baxay golaha ayaa tallaabadaas lagu tilmaamay inay tahay “daan-daansi iyo gardaro ka dhan ah Somaliland oo baalmarsan sharciga caalamiga.”

“Golaha Wakiilada Jamhuuriyada Somaliland ayaa ka masuula dadweynaha Somaliland, sida ku cad qodobka 39aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland, golaha wakiiladu waxa uu ku fadhiyaa hab dimuquraadi ah oo ku salaysan doorasho hal qof iyo hal cod ah” ayaa lagu qoraalka.

“Qoraalka uu dhawaan soo saaray guddoomiyaha aqalka loogu yeedho “Golaha Shacabka Soomaaliya, oo ah ashqaas lagu xushay teendho hoosteed, waa mid aan ku fadhiyin xaqiiqo, islamarkaana baal-marsan xeerarka caalamiga ah.”

Golaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in guddiga uu magacaabay guddoomiye Aadan Madoobe uu awood u laheyn soo-gelitaanka xuduudaha Somaliland, iskaba daa baaris ay ka sameeyaane, sida lagu yiri qoraalka.

“Guddoomiyaha Golaha Muqdisho fadhigiisu yahay waxa uu tixraacay wax uu ugu yeedhay “dastuur ku-meel-gaadh ah.” Dastuurka uu xigtay maaha mid khuseeya Jamhuuriyadda Somaliland oo 32 jirsatay, mana jirto wax tixgelin iyo aqoonsi ah oo uu ka leeyahay xuduudaha Somaliland ee sida caalamiga ah loo aqoonsan-yahay.”

“Xuduuda Somaliland waxay waafaqsan yihiin mabaadii’da sugan ee xeerarka caalamiga ah oo uu kamid yahay heshiiska uu ku aasaasan yahay Midawga Afrika.”

Waxa kale oo lagu yiri war-saxaafadeedka “Warbixin kasta oo kasoo baxda Golaha Muqdisho marnaba kuma salaysnaan karto xaqiiq ka tarjumaysa xaaladda dhabta ah ee deegaan kamid ah qaranka Somaliland oo ay ku jirto degmada Laascaanood, oo waxba kama duwana mala-awaal iyo majara-habaabin loogu talo galay beesha caalamka.”

Golaha ayaa ugu dambeyntiina waxa uu beesha caalamka ku wargeliyay in arrimaha Laascaanood wax ka qabashadeeda iyo xalkeedu u gaar tahay Somaliland, ayda oo marnaba jiri karin cid ka baxsan oo soo fara-gelin kartaa.

Daawo: Caanood oo shaaciyey sabab yaab leh Al-Shabaab u sahasha inay weeraraan xerooyinka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Wasaaradda Gaashandhigga Soomaaliya Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood ayaa shaaciyey xog cusub oo ku saabsan weerarrada ay Al-Shabaab ku qaadaan xeryaha ciidamada xoogga, kuwaas oo mararka qaar askar badan lagu laayo.

Afhayeenka ayaa sheegay inay ogaadeen in ciidamada xeryahooda loogu geeyo qaad/jaad, kadibna ay ku bedeshaan rasaastooda, taas oo u nugleysa weerarrada Al-Shabaab.

“Shacabka iyo madaxda waan u sheegeynaa, ciidanku badanaa lacag ma heysto, markii Qaadka loo keeno waxay dhaafsadaan rasaastooda, waxaana rubicii jaadka ah laga siiyaan 5 xabadood,” ayuu yiri Caanood.

Wuxuu intaas ku sii daray in rasaastu ay gacanta u gasho Al-Shabaab, isla markaana lagu soo weeraro markii ay ka dhamaato gacanta ciidanka oo ay gasho gacanta Al-Shabaab.

“Markii uu cidanku mudo Jaadkaas cuno oo rasaasta ay xeeladaas Al-Shabaab ugu gacan gasho, ayaa lagu soo weeraraa, mararka qaar ciidanka oo rasaas heysta, laakiin aan Sanaadiiqda la furin, rasaastiina xatooyo qaad loogu iibsaday, ayuu Shabaab soo weerarayaa oo cagta marinayaa,” ayuu yiri Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga.

Afhayeenka uu u waramay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in ka talis ahaan ay arrintaas aad ula dagaalameen, isla markaana ay ku amreen in ciidanka laga joojiyo guud ahaanba jaadka.

“Al-shabaab meel aysan joogin ayaa si fudud loogu tabci karaa, lacag ayey wataan dadkaana waa baahan yihiin, hadana qofka waxay u soo diraan qof kale oo qaraabadiisa ah, taas oo u sahasha inay qaraxyo geystaan, taasna waxaa looga hor tegi karaan ilaalinta xogta,” ayuu yiri Jeneraal Caanood.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay ciidanka ka ilaaliyeen qof ka tirsanaa jiray Al-Shabaab inuu ku biiro oo la aamino, isagoo tilmaamay in dhaqan celin kadib meelo kale looga faa’iideysto qofkii mar ka soo mid noqday Al-Shabaab.

Hoos ka daawo

Xasan oo xil u magacaabay Cabdullaahi Maxamed Nuur

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Cabdullaahi Maxamed Nuur in uu noqdo La-Taliyaha Sare ee Madaxweynaha ee ka hor tagga iyo la dagaalanka fikradaha xagjirka ah ee rabshadaha wata.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey La-Taliyaha Sare ee ka hortagga iyo La dagaalanka Fikradaha Xagjirka Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee uu u igmaday,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh.

Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa xukuumadii tan ka horeysay ee Ra’iisul wasaare Rooble hoggaaminayey wuxuu ka ahaa wasiirka amniga.

Sidoo kale wuxuu ka mid ahaa siyaasiyiintii sida adag uga hor tagtay mudo kororsigii Farmaajo, waxaana la sheegay inuu ka mid ahaa raggii ka dambeeyey in ciidan hubeysan uu gudaha u soo galo Muqdisho, si looga hor tago mudo kororsiga.

Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ganacsiyo badan ku leh Muqdisho, ayaa horay saaxiib siyaasadeed ula ahaa madaxweyne Xasan Sheekh oo hadda mar kale xukunka ku soo laabtay, wuxuuna ka mid ahaa masuuliyiintii la shaqeyn jirtay mudo xileedkiisii hore.

Cabdullahi ayaa ka soo mid noqday baarlamaankii 10-aad, waxaana xusid mudan in teeramkii dambe uusan tartamin, iyadoo kursigiisii uu soo qaatay Sheekh Shariif oo ahaa musharax madaxweyne oo Xasan Sheekh la tartamay.

Sidoo kale ninkaan wuxuu ka mid ahaa saaxiibadii ugu dhawaa ra’iisul wasaare Rooble, wuxuuna door muuqda ka soo cayaaray in dalka laga badbaadiyo burbur iyo mudo kororsigii uu damaaciyey Farmaajo.

Daawo: Sarkaal ka tirsan xoogga dalka oo qirtay inuu fududeeyey qaraxyo badan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa galabta dhageysatay eedeymaha nin ka tirsanaa saraakiisha ciidamada xoogga dalka oo soo gudbi jiray qaraxyada.

Ninkaan ayaa ku lugyeeshay qaraxyo dad badan lagu laayey oo ka dhacay meelo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho, waxaana maxkamadda horteeda lagu soo bandhigay cadeymaha qaar kamid ah qaraxyadaas oo toos u dhacaya.

Ninkaan oo lagu magacaabo Shariif Maxamed Barqadle ayaa heystay darajada Dhamme Xoogga Dalka ama Kabtan Militeri ah, taas oo u fududeysay inuu meelo badan oo xasaasi ah ka gudbiyo qaraxyo ugu dambeyntii gaaray bartilmaameedkooda.

Maxkamadda ayaa Shariif weydiisay sababtii ku kaliftay inuu fududeeyo qaraxyada, wuxuuna sheegay inuu ka xanaaqay xil Taliye urur ah oo laga qaaday sanadkii 2019-kii, kadibna uu Shabaab kula heshiiyey inuu u fududeeyo qaraxyada.

Muqdisho-Mool, Liido, Hotel Weheliye, Villa Baydhaba iyo goobo kale ayaa laga fuliyey qaraxyadii uu fududeeyey sarkaalkaan, sida uu ka hor qirtay maxkamadda.

Sawirrada qaar ka mid ah dadkii lagu laayey qaraxyadaas ayaa lagu soo bandhigay fadhiga maxkamadda, iyadoo la sheegay in markii tira-koob la sameeyey dadka ku dhintay qaraxyada uu qirtay sarkaalkaan ay ka badan yihiin 100 qof.

Waxaa xusid mudan in qaraxyada uu qirtay intooda badan ay ahaayeen kuwo la dhigay goobo ganacsi hortooda, kadibna meel kore laga hagayey, wuxuuna sheegay in u jeedku uu ahaa in la burburiyo ganacsiyada diiday canshuurta Al-Shabaab.

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada Korneyl Xasan Cali Nuur Shuute oo fadhiga maxkamadda soo xiray ayaa sheegay inay dib ka soo shaacinayaan xukunka uu muteystay sarkaalkaan.

Hoos ka daawo

Hadal hayn ka dhalatay dilal uu Afghanistan ka gaystay wiilka uu dhalay boqorka UK

0

London (Caasimada Online) – Tan iyo markii uu Harry Charles, Wiilka labaad ee uu dhalay boqorka dalka Ingiriiska uu sheegay in uu dilay 25 qof xilli uu ku jiray ciidamada Britain ee ku sugnaa dalka Afghanistan, ayaa waxa ka dhalatay hadal hayn badan.

“Markaas uma arkeyn dad ee laakiin waxay igu muuqdeen qoryaha shaxda lagu ciyaaro, ma aheyn dilkaas mid aan ku diirsaday, dhinaca kalena culeys iguma ay noqon,” ayuu yiri Harry Charles.

Harry Charles oo arrintaan ku sheegay waraysiyo uu ka bixiyay buug uu qoray, ayaa waxa uu dhalleeceynta u culus kala kulmaya hoggaanka Afghanistan oo ah dalka uu dilkaas ka geystay xilligaas.

“Shax aad ciyaareysay ma aheyn dadkaasi ee bini’aadam ayey ahaayeen, qoysas ayey lahaayeen oo sugayay inay soo nabad noqdaan. Gacan ku dhiiglayaasha Afghanistan qaar badan oo kamid ah ayna ku dhicin inay muujiyaan damiirkooda oo ay qirtaan dambiyada dagaal,” ayuu yiri Annas Haqqani, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee Afghanistan.

Haddaba, saamayn intee le’eg ayey arrintaan ku yeelan kartaa qoyska boqortooyada Britain, dowladda iyo waliba Harry laftiisa.

Maxamed Ibraahim Hereri oo ka faallooda arrimaha Britain oo la hadlay VOA ayaa sheegay in arrintaan aysan wax saameyn ah ku yeelaneyn qoyska boqortooyada iyo Harry, hase yeeshe

“Dilkan uu qirtay uma maleynayo inay hoos u dhigeyso taageerada ay u hayaan dhalinyarada. Markii uu gabadha madow guursaday Harry raali kama aheyn, ee waxay la rabeen gabadh Ingiriis dhalad ah sida hooyadii ama gabadha kale ee dumaashidii ee uu qabo walaalkii,” ayuu yiri.

Hereri ayaa sidoo kale qaba in qirashada Harry Charles aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin Millateriga Britain, marka laga yimaado saameynta ay arrintaan ku yeelatay baraha bulshada iyo warbaahinta caalamka.

“Waxaa loo arkayay Nin aan daganeyn oo fudud, walaalkiina markuu boqorka noqdo umaleyn maayo in uu soo dhaweyn doono sheegashada waxa raba in walaalkay iyo aabahay xiriir wanaagsan la yeesho, labada midkood umaleyn maayo in wax kasoo hagaagayaan.”

Somalia says al-Shabab is seeking talks for the first time

Mogadishu (Caasimada Online) – Somalia’s government has claimed that the al-Shabab extremist group has requested to open negotiations for the first time, according to Deputy Defense Minister Abdifatah Kasim. 

The revelation comes as the government continues its military offensive against the group, which it has referred to as a “total war.”

“They are now requesting a peace negotiation,” Kasim said in an interview with state media. “But our stance, as determined by the President and carried out by the executive, is to eliminate terrorism from Somalia completely.”

Kasim added that al-Shabab, which has been significantly weakened, can only carry out ambush attacks at this point and that alert government forces are preventing these.

“The Kharijites have requested talks,” he said. “They can be divided into two groups: those who are native to the country and those who are not. The Somalis can engage in negotiations, but the foreign individuals who have come to attack the country will not be offered the same opportunity. They must leave the country instead.

There was no immediate response from al-Shabab, an extremist group affiliated with al-Qaida that has carried out high-profile bombings in Somalia’s capital and held sway over parts of the central and southern regions of the country for more than a decade.

The group is thought to number several thousand fighters, including an unknown number of foreigners from regional countries like neighboring Kenya and beyond. 

The extremists have long sought to impose strict Islamic law in Somalia and have called for the withdrawal of foreign troops, including those from the United States, Turkey, and a multinational African Union force.

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud has previously stated that the country is not currently in a position to negotiate with al-Shabab but is open to members of the group renouncing violence and extremist ideology. 

“The government is extending an invitation to members of Al-Shabab who wish to renounce violence and extremist ideology,” Mohamud said. “The government is fighting al-Shabab on three fronts: military, ideological, and financial.”

The President believes negotiations should be the final option for dealing with al-Shabab and has previously stated that “the government’s ultimate goal is to peacefully resolve the conflict through dialogue with extremist groups, particularly al-Shabab, which is prevalent in Somalia.”

Somalia has been amidst a campaign against al-Shabab, which has achieved significant victories and recaptured many towns under their control for years. 

The group has come under pressure as the government seeks to squeeze its sources of financing and has carried out several high-profile attacks in recent months, including an October bombing in Mogadishu that killed at least 120 people and a pair of bombings on Wednesday in a region at the heart of the government offensive that killed at least 35 people.

Yaa kusoo baxay doorashadii maanta ee guddoomiyaha guddiga dastuurka ee BF?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Sacdiyo Yaasiin Samatar oo uu wehliyo guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Aqalka Sare Cali Shacbaan ayaa maanta ka qeyb-galay doorashada guddiga dib u eegista la-socoda iyo hirgelinta Dastuurka BFS.

Doorashada Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa loo tartamay illaa saddex boos oo kala ah guddoomiye, ku-xigeen iyo xoghaye, kuwaasi oo lagu kala guuleystay.

Xildhibaan Xuseen Iidow ayaa ku guulaystay xilka guddoomiyaha, mana jirin cid la tartantay, halka guddoomiye ku-xigeenka guddigana uu ku guulaystay Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo helay 5 Cod halka Senator Xasan Xuseen Xaaji oo la tartamay uu helay 4 cod.

Sido kale waxa xoghaya guddiga dib u eegista, la-socodka iyo hirgelinta Dastuurka BFS loo doortay Senator Saciid Cabdi Xuseen oo isagana aysan jirin cid la tartantay.

Guddoomiye Cali Shacbaan Ibraahim iyo Sacdiyo Yaasiin samatar oo doorashada goobjoog ka ahaa ayaa bogaadiyay hannaanka ay u dhacday doorashada Guddiga Dastuurka Baarlamaanka.

Sacdiyo iyo Ibraahim ayaa waxa kale oo ku booriyeen guddoonka cusub inay si hufan oo xilkasnimo leh u gudtaan waajibaadka loo igmaday ee qabyo tirka Dastuurka Soomaaliya.

Waxaa hore guddigaan guddoomiye ugu ahaa Senator Cabdi Qeybdiid, iyadoo aan weli la dhameystiran Dastuurka Ku-meel-gaarka oo Baarlamaankii saddexaad uu gacanta ku hayo.