Qarax khasaaro xoogan geystay oo lala eegtay ciidamo ka tirsan dowlada

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Qarax culus oo maanta lala eegtay ciidamo ka tirsan Militeriga dowlada kaa oo ka dhacay wadada xeebta ee u dhexeysa magaalooyinka Marka iyo Muqdisho.

Qaraxa oo aad u xooganaa ayaa waxa uu qabsaday Gaari dagaal oo ay la socdeen ciidamo ka tirsanaa Militeriga xili uu si gaara u maraayay inta u dhexeysa degaanada Dhanaane iyo Jazeera ee duleedka magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa waxaa ciidamada dowlada uga dhintay ilaa afar askari oo midi uu gadaal ka dhintay, halka Seddex kale ay ku dhaawacmeen Qaraxa.

Ciidamada Qaraxa ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay ayaa xiliga Qaraxa dusha ka saarnaa gaariga dagaal oo xooli ku socday, waxaana sidaa ku dhacay Qaraxa.

Gaariga ayaa gabi ahaan ku burburay Qaraxa waxaana lasoo sheegayaa in isla goobta looga dhaqaajiyay burburka gaariga.

Si kastaba ha ahaatee, maleeshiyaadka Al Shabaab ayaa kordhisay weerarada qaraxyada loo adeegsado ee ciidanka dowladda ay kula eegtaan degaanada ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose, kadib markii maalmihii la soo dhaafay sidan oo kale qaraxyo ula eegteen ciidanka dowladda.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com