Qaraxyo culus oo lagu weeraray Amisom iyo khasaare ka dhashay

Muqdisho (Caasimada Online)-Dagaal xoogan ayaa waxa uu mar kale ka dhacay Degaano hoostaga Degmada Baraawe ee Gobolka Sh/Hoose, kaasi oo u dhexeeyay ciidamada AMISOM iyo maleeshiyaadka Al-shabaab.

Dagaalka ka hor ayaa waxaa ciidamada AMISOM lala beegsaday Qaraxyo la sheegay in lagu aasay hareeraha wadooyinka, waxaana xigay dagaal fool-ka-fool ah.

Ciidamada AMISOM ayaa qaraxyada lagula eegtay inta u dhaxeysa Degaanada Dalcad-qooreey iyo Wareer-Malle oo ku dhow Degmada Baraawe.

Xuseen Bare Maxamed Jeex oo ah Guddoomiyaha Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose, ayaa sheegay in dagaalka uu ahaa mid qaraaran oo ka dhashay khasaaro kala duwan.

Xuseen Bare Maxamed Jeex oo la hadlaayay idaacada SMN ee magaalada muqdisho, ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay iska difaacen Al-shabaabka weerarka ku qaaday waxa uuna cadeeyay in dagaalka iyo Qaraxyada ay ahaayen kuwo xoogan oo khasaaro aan lasoo koobi karin uu ka dhashay.

Xuseen Bare Maxamed Jeex, waxa uu intaa hadalkiisa ku daray in AMISOM uu khasaaraha ugu badan kasoo gaaray Qaraxyada, sidoo kalane Alshabaab laga dilay dagaalyahaano dhowr ah.

AMISOM wali kama aysan hadlin Dagaalka iyo Qaraxyada ay kala kulmeen maleeshiyaadka Al-shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com