R/W Britain oo ka hadlay arrimaha Somalia iyo shir dalkiisa ka yeeshay

London (Caasimada Onlin) Sida laga soo xigtay afhayeenka ra’iisal wasaaraha dalka Britain golaha ammaanka qaranka UK ayaa shir deg deg ah ka yeeshay arrimaha Soomaaliya iyo Maali.

Kulanka ayaa si wayn looga hadlay siddii loo xoojin lahaa faragalinta lagu sameenayo dalka ku yaalla galbeedka Africa ee Maali.

Sidoo kale waxa uu golaha ka doodday siddii loo jabin lahaa kooxda Al-Shabaab ee dalka Soomaaliya iyo siddii loo abuuri lahaa dowlad wax ku ool ah.

Soomaaliya ayaa in mudda ah loo arkayay waddanka Africa ay sida baahsan qaanuun xumada ay uga jirto in aanay weli dhammaan sida uu hadalka u dhigay afhayeenka ra’iisal wasaaraha dalka Britain.

Dowladda Britain ayaa aaminsan in Soomaaliya ay muujineyso in wa xooggaa horrumar ah ay sameesay iyo khibrad taasoo laga faa’iideesan karo.

Qaar ka mid ah casharadaas ayaa cad oo ay ka mid tahay cudud xoog leh oo millatari iyo kharash dhaqaale ku baxay dagaalka Soomaaliya iyo arrimaha bini’aadinimada ee Soomaaliya.

Si kastaba, dowladda Britain ayaa bisha May ee sannadkan  waxa ay qaban doontaa shir wayne caalami ah oo looga hadlaayo arrimaha Soomaaliya.

Shirkaas ayaa si wadajir ah waxa u qaban doonaa madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisal wasaaraha dalka UK David Cameron.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka London