R/W CC oo ka hor yimid qorshe uu riixayey Xasan Sheekh (Xog)

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa ka hor imaaday dib usoo celinta Qaxootiga Soomaalida ee ku dhaqan xerada dhadhaab ee dalka Kenya.

Ra’isul wasaaraha dalka oo wareysi siinaayay Wargeyska Washinton-Post ee ka soo baxa Dalka Mareykanka, ayaa sheegay in dib usoo celinta qaxootigaasi ay musiibo hor leh u noqon karto Somalia, waxa uuna cadeeyay in suuragal ay tahay inay ku biiraan Al-shabaab.

Sharmaarke waxa uu tilmaamay in soo celinta Qaxootiga aysan dan amni ugu jirin labada dal waxuuna sheegay in Qaxootiga la soo celinayo ay ku jiraan dhalinyaro badan kuwaasi oo hadii lasoo celsho si toos ugu biiri karo Al-shabaab.

Waxa uu sheegay inay jiraan dhalinyaro farabadan oo si gaar u xiiseenaya inay ku biiraan Kooxaha xagjirka ah sidaa aawgeed uu shaqsi ahaantiisa ka digaayo in Qaxootigaasi lagu soo celsho Somalia.

Sharmaarke waxa uu cadeeyay in dhibaato baaxad leh laga dhexli karo din usoo celinta Qaxootigaasi, waxa uuna carab dhabay in qaarkood ay caro ugu biiri karaan Al-shabaab.

Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa taageeray dib usoo celinta Qaxootiga waxa ayna tani muujineysaa in Madaxda ugu sareysa dalka ay ku kala aragti duwan yihiin.

Hadalka Sharmaarke ayaa yimid xili Dowladda Kenya ayaa cambaareyn xoogan la kulantay kadib markii ay ku dhawaaqday in dhawaan la xiri doono Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com