Sawirro: Jabuti oo ciidan cusub geysay Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaarada Gaashandhiga Dowlada Djibouti ayaa isbedel ku sameysay ciidamada ka jooga magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Ciidamadaani leysku bedelay ayaa waxa ay gaarayaan Boqolaal ciidan kuwaasi oo helay fursad nasiino ah, halka kuwa kale ee iminka laga soo dajiyay Beledweyne ay buuxin doonaan booska Ciidamadaani ku laabtay dalka Jabuuti.

Ciidamada la bedelay iyo kuwa hadda la keenay ayaa xarumo ku kala leh magaalooyinka Beledweyne, Buulaburte iyo Jalalaqsi oo ka wadda tirsan gobolka Hiiraan.

Ciidamada cusub ee lagu bedelay kuwa ku laabtay magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti, ayaa lagu wadaa in halkaasi ay kasii wadi doonaan Caawinta Ciidamada DF ee ka howlgala Hiiran iyo la dagaalanka maleeshiyaadka Al-shabaab.

Dhinaca kale, Isbedelka lagu sameeyay ciidanka wax faahfaahin ah kama aysan bixin saraakiisha Jabuuti, hase ahaatee waxaa la oran karaa waa tallaabo qeyb ka ah is-badalka guud ee inta badan ku dhaca ciidammada AMISOM ee ka howl-gala Soomaaliya.

Ciidamada_Jabuuti_Baladweyne (1)Ciidamada_Jabuuti_Baladweyne (2)Ciidamada_Jabuuti_Baladweyne (3)Ciidamada_Jabuuti_Baladweyne (4)

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com