Sawirro: Jubaland oo Al-Shabaab kala wareegtay dhowr deegaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa juhdi dheer kadib dib ula wareegay deegaano ka maqnaa gacanta maamulka kuwaasi oo Saldhig u ahaa Xagjiriinta Somalia ee Al-shabaab.

Ciidamada oo watay gaadiid dagaal oo farabadan ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku heynta Deegaanada waqooyi ee gobolka Jubbada hoose.

Deegaanada ay la wareegeen ayaa waxaa kamid ah deegaanada Yoontooy, Buulogaduud iyo Wirkooy, mana jirin wax iska caabin ah oo ay kala kulmeen xagjiriinta Somalia.

Qabsashada ayaa waxaa ku wehlinaayay ciidamada Ethiopia, waxaana deegaanadaasi la sheegay in maleeshiyada ay uga carartay agab ay u adeegsan jireen weerarada xarumaha maamulka.

Ciidamada maamulka iyo kuwa Ethiopia ee la wareegay deegaanadaasi ayaa halkaasi ka sameystay fariisimo, si ay ula socdaan dhaqdhaqaaqa deegaanadaasi.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
Dagaal 1

dagaal 2

dagaal 3

dagaal 4

dagaal 5

dagaal 6

dagaal 7