Shabaab oo dginiin u dirtay dalladaha waxbarashada ee ka dhex shaqeeya dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa markii ugu horeysay digniino culus siisay dhammaan daladaha waxbarashada ee ka jira dalka.

Maleeshiyada ayaa daladahaasi ku eedeysay in ay wada shaqeyn dhow la leeyihiin dowladda Federaalka ah ee Somalia oo ay u arkaan caqabad hortaagan.

Hanjabaada daladaha ayaa waxaa jeediyay Afhayeenka maleeshiyada Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) oo sheegay in Al-Shabaab ay digniino kama danbeyn ah u dirayaan daladaha ka howlgala dalka.

Cali Dheere, waxa uu sheegay in daladaha waxbarasho ee ka howlgala Somalia ay indho u yihiin dowlada Somalia, waxa uuna ka digay in daladahaasi ay dhaliilsadan digniintooda.

Cali Dheere waxa uu sheegay in ay Iskuulada iyo Jaamcadaha ka mid yihiin meelaha ay beegsanayaan Hay’adaha shisheeye ee faafinaya aragtiyo kale sida uu yiri.

Waxa uu Cali Dheere tusaale u soo qaatay Hay’adda UNESCO oo uu sheegay in manhaj wax u dhimaya caqiidada Islaamka ay ku faafineyso dugsiyada waxbarashada iyo Jaamadaha.

Sidoo kale, Cali Dheere ayaa madaxda daladaha ee wada shaqeynta la leh Hay’adaha shisheeye ugu hanjabay inay ka qaadi doonaan talaabo sharciga waafaqsan.

Si kastaba ha ahaatee,dhawaan ayay aheyd marka ay Dowladda Somalia ay sheegtay in dhamaan la mideeyay daladaha waxbarasho, iyada oo 3dii sano ee ugu dambeesana ay imtixaan midaysan ay wasaaradu ka qaadaysay ardayda shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee Dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com