Sidee ayuu BFS u arkaa qaadka ay mamnuucday dowlada Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maalin un ka hor ay dowlada Somalia si KMG ah u hakisay qaadka kasoo dega Garoomada magaalada Muqdisho, ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla.

Xildhibaan Shariif oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka, ayaa sheegay in hakinta qaadka ay waxbadan ka bedelidoonto amni darida ka taagan magaalada Muqdisho, waxa uuna sheegay in qaadka uu qeyb ka ahaa waxyaabaha amni darida u keenay dalka.

Waxa uu Xildhibaanku sheegay in maleeshiyaadka Al-shabaab ay weerarada ka geystaan magaalada Muqdisho xiliyada uu imaado qaadka, waxa uuna tilmaamay in ciidamada amaanka ay xiliyadaasi yihiin kuwa dayaca amniga isla markaana u hayaama goobaha lagu iibsho qaadka.

Waxa uu tilmaamay in sidoo kale qaadka uu kaalin lixaad leh ka qaato burburka qoyska, sidaa darteedna ay taageersan yihiin go’aanka lagu hakiyay qaadka, sida uu hadalka u dhigay.

Dowlada Somalia ayuu sheegay inay qaadatay go’aan hididiilo leh waxa uuna amaanay xiliga munaasibka ah ee qaadka laga mamnuucay Somalia, waxa uuna carab dhabay in wixii intaa ka danbeeya uu dalka gali doono xaalad cakiran maadaama loo diyaar garoobaayo doorashooyinka.

Dhinaca kale, Ciidamada ayuu ugu baaqay inay ka faa’iideystaan go’aanka si ay isaga joojiyaan isticmaalka qaadka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com