Tarsan oo beeniyay in la qabtay nin doonayay in uu isku qarxiyo

Muqdisho (Caasimada Online) Maamulka gobolka Banaadir ayaa beeniyay hadal labo cisho ka hor uu  shegeegay taliyaha nabad sugida gobalka Banaadir Khaliif Axmed Ereg, kaasoo ahaa in ay qabteen nin doonayay in uu isku qarxiyo guddoomiyaha gobalka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan).

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska gobalka Banaadir oo loogu talagalay saxaafadda ayaa sheegay in baaritaan ay sameeyeen kaddib la ogaaday in eedeysanaha oo lagu magacaabo Tahliil Cabdullaahi Nuur, oo ku jira xabsiga laanta nabad-sugidda, uusan ka mid ahayn shaqaalaha maamulka Gobalka Banaadir.

Warka qoraalka ah ayaa intaas waxa lagu daray in ninka la qabtay uu ahaa darawal ka shaqeyn jiray dowladda hoose, isla markaana uu saaxiib la ahaa agaasimihii guud ee dowladda hoose.

Si kastaba, Tahliil ayaa dhawaan waxa qabtay hey’adda nabad-sugida taasoo sheegtay in uu rabay in qarax u dhigo xafiiska Tarsan, isla markaana uu qirtay  inay Al-Shabaab u soo adeegsatay in uu dilo guddoomiyaha gobolka.

Ninka la sheegay in uu dili rabay Tarsan ayaa hadda ku jira xabsiga laanta nabad-sugida ee magaalada Muqdisho, baaritaana lagu wado.

Ma ahan markii ugu horreysay oo hey’adda hay’adda nabad sugidda gobolka Banaadir ay soo bandhigaan rag doonayay in ay dilaan madaxda dowladda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho