Uganda oo muujisay siday uga baqeyso Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan ay Dowlada Ugandha sheegtay in duulaanka Al-shabaab ay u adeegsan doonto diyaaradaha dagaalka ayaa waxaa haddana soo baxaayo digniino ku aadan in Ciidamada Ugandha gaaran goobaha ay ka arimiyaan Al-shabaab.

General Edward Katumba oo ah Taliyaha ciidamada dalka Uganda, ayaa sheegay in wali ay muuqato khatarta ay leeyihiin Maleeshiyaadka Al-shabaab waxa uuna sheegay in Ciidamadooda ka jooga Somalia uu uga digaayo inay ku degdegaan goobaha aan la sahmin oo ay ku sugan yihiin Al-shabaab.

Taliyaha waxa uu sheegay in Al-shabaab ay maleegayaan duulaano hor leh waxa uuna carabka ku dhuftay in Ciidamada Ugandha looga baahan yahay inay muujiyaan feejignaan ku aadan dhanka Al-shabaab.

Waxa uu sheegay in Ciidamada looga baahan yahay inaysan aadin goobaha ay ka jiraan colaadaha si naftooda aysan helis badan u galin gaar ahaan meelaha ay ka dhawyihiin Al-shabaabka duur joogta ah.

Sidoo kale, Taliyaha ciidamada Militeriga ee dalka Uganda Gen Katumba ayaa sheegay in ciidamada Uganda ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM ay yareeyaan socodkooda saddexda bil ee soo socta si ay isaga ilaaliyaan weeraro gaadmo ah oo kaga imaan kara dhinaca al-shabaab.

Haddalka Gen Katumba ayaa si gaar ah ugu wajahan ciidamada badalka ku yimaada Somalia ee ka tirsan dalka Uganda kuwaasoo badela qaar ka mid ah ciidamadii hore u joogay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com