Warbixin: Farqiga sirdoonka Somalia iyo Al-Shabaab u dhaxeeya oo caddeynaya…

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaaya dadaalada ay Xagjiriinta Somalia Al-Shabaab ku balaarineyso cududeeda Sirdoon ee gabi ahaan dalka Somalia, gaar ahaan magaalada Muqdisho iyo Deegaanada ku xeeran.

Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa culeyska saaray howlaha Sirdoonka tan iyo wixii ka danbeysay sanadii 2014 oo hoos u dhac ay ku imaaday awoodihii ay ku lahaayen magaalada Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa wixii ka danbeysay 2014 garwaaqsatay in culeys ay saarto dhanka Sirdoonka oo ay rumeysneed inay ku gaari karto qorshaheeda amni darro oo ay kawado magaalada Muqdisho.

Xagjiriinta Somalia ee Al-Shabaab ayaa iminka qabta dhammaan howlihii loogu tallo galay inay qabtaan Sirdoonka Somalia, waxaana xusid mudan in daraasad la sameeyay lagu ogaaday in Sirdoonka Al-Shabaab uu ka badan yahay kan dowlada Somalia.

Daraasaadka la sameeyay ayaa waxaa lagu ogaaday in Sirdoonka Al-Shabaab ay ku shaqeeyan dhammaan shaqooyinka liita iyo kuwa heerka sare ah waxaana kamid ah sida Goobaha caafimaadka, Dukaamada, Tima jarayaasha, Caseeyayaasha, kuwa wareejiy suumanka iyo boorsooyinka lacagta, kuwa riixa gaari gacanka iyo kuwa ganacsiga la fadhiya hareeraha waddooyinka iyadoo shaqooyinka noocaasi ah ay yihiin kuwo loogu tallo galay Sirdoonka Somalia oo u muuqda kuwo aan iminka u diyaarsaneyn shaqooyinka heerkaasi ah.

Cadadka Sirdoonka Al-Shabaab ayaa tirro ahaan la xaqiijiyay inay ka badan yihiin kuwa dowlada waxa ayna maleeshiyadu isticmaasha dharcad ay cadadoodu u dhexeyso (4,500 ilaa 6,000) oo gabi ahaantooda ka howlgala gudaha magaalada Muqdisho marka laga soo tago tiro yar oo shaqo isbedel ah ku aada Gobolada dalka.

Dharcadka Al-Shabaab ayaa waxaa qeyb ka ah Hooyooyin da’ ah iyo Carruur ku gaaf meerta hareeraha waddooyinka gaar ahaan goobaha lagu shaaho iyo maqaayadaha kuwaa oo isku muuqaal ekeysiiya dad liita oo (gacanta hoorsada).

Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa gudaha sanadkaan sheegay in dadka ugu badan ee isticmaala wadada Makka Al-Mukarama ay yihiin kuwo iyaga u adeega, isla markaana ay ka badan yihiin kuwa dowlada.

Sidoo kale, Sirdoonka Somalia oo aan laheyn awood dhaqaale ayaa shaqooyinkooda ku eg keliya magaalada Muqdisho waxaana ugu wacaf mooraal jab ay ka qaaden daryeel la’aanta ka heysata dhanka dowlada, halka cadowga ay la dagaalamayaan lagu bixiyo dhaqaalaha ugu badan.

Daraasaadka ayaa waxaa lagu sheegay in cadadka Sirdoonka Somali uu yahay mid u dhexeeya (3,000 ilaa 4,000) oo ku eg magaalada Muqdisho.

Waxaa xusid mudan in cadadka intaa la’eh Seddex meelood (Laba iyo bar) lagu biiriyay Taliska Booliska Soomaaliyeed, xili la doonaayay in la kordhiyo tirada Sirdoonka Somalia.

Sidoo kale, Dowlada Somalia ayaa waxaa la gudboon inay garwaaqsato inay gabtay howshii Sirdoon ee lagu nabadeyn lahaa Somalia, taa oo lagu gaari karo u hagar bixida Sirdoonka.

Si kastaba ha ahaatee Sirdoonka Somalia ayaa waxaa dhaqaalaha ugu badan ku bixiya dowlado shisheeye taa oo loo arko inay qeyb ka tahay Jahwareerka dowlada ka heysta dhanka Sirdoo

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com