Dagaalka lagu hayo siyaasiyiinta diidan Xasan oo Muqdisho ka…

Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka Amniga Gudaha Somalia C/risaaq Cumar Maxamed, oo la hadlaayay warbaahinta magaalada Muqdisho, ayaa ka hadlay wararka sheegaya in Hay’addaha amniga khuseeya ay qaab Siyaasadeysan ula dagaalamayaan dhinacyada kasoo horjeeda Siyaasada dowlada.

Wasiirka ayaa sheegay in wakhtiga lagu jiro uu yahay mid u baahan in la xakameeyo dhaqdhaqaaqyada dalka ka jira sidaa darteedna uu aad uga walaacsan yahay in xaqiijinta amniga magaalada Muqdisho ay dadka qaar Siyaasadeeyan.

Wasiirka waxa uu sheegay in caqabada ugu badan ee iminka taagan ay tahay in falal amni darro oo muuqda haddana loo rogo qaab Siyaasadeed, waxa uuna ka digay in Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay arimo Siyaasadeed u adeegsadaan falalka lidiga ku ah dhanka ammaanka Magaalada Muqdisho ka dhaca.

Wasiirka waxa uu sidoo kale sheegay iyadoo ay jiraan falalkaasi lidiga ku ah dhanka ammaanka Siyaasiyiinta aan loo baahneyn in arimo Siyaasadeed ay u adeegsadaan qaraxyadaasi oo aysan Dowladda ku dhaliilin inay wax ka qaban weydo dhanka ammaanka iyo ka hortagga qaraxyada Shabaabka fuliyaan.

Wasiirka Amniga ayaa difaacay shaqooyinka ay hayaan Hay’adaha ammaanka dalka, balse wuxuu sheegay inay adag tahay sida lagu celiyo ama looga hortaggo ruux doonaayo inuu qarax Ismiidaamin ah geysto oo uu dilo naftiisa.

Wasiirka waxa uu sheegay in dhacdooyinka baryahaani ka taagan Magaalada Muqdisho ay kamid yihiin in Odayaasha dhaqanka iyo Siyaasiyiinta qaar ay difaacan shaqsiyaadka loo qabto tuhunka amni darro ee ka taagan magaalada Muqdisho, waxa uuna digniin adag kasoo saaray in qaabab khaldan loo rogo xaqiiqda ka jirta dalka.

”Waxaan ka digayaa in dhinacyada kasoo horjeeda Siyaasada dowlada ay dowlada u gafaan xiliyada dalka ay ka dhacaan falalka amni darro, waxaa naga mamnuuc ah in dhibaato ay dowlada ka hortagi weyso la siyaasadeeyo”

”Howsha amni waxa ay saameyneysaa xitaa kulamada amar la’aanta ah ee ka dhaca Hoteelada muqdisho, waayo mas’uuliyad ayaa naga saaran amniga kuwa Hoteelada ku shirsan iyo xaalada amni ee goobahaasi”

Odayaasha iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka ku ah Dowladda ayaa dhaliilo kala duwan u jeediya Xukuumadda, xiliyada ay dhacaan falalka lidiga ku ah dhanka ammaanka.

Dhanka kale, dhinacyada kasoo horjeeda dowlada ayaa dhaliishooda kasoo dhex gudbiya Hoteelada xiliyada ay la shirayaan garabyada kale ee Siyaasada ku wehliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com