Weerar lagu dilay horjooge oo ka dhacay gobolka Gedo

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in xalay diyaarado dagaal ay duqeymo culus ka geysteen degaano ka tirsan gobolkaasi.

Duqeynta oo aad u xooganeyd ayaa waxa ay si gaara uga dhacday tuulooyinka Makka iyo Qansax-oomane oo hoostaga degaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo.

Diyaaradaha duqeynta geystay ayaa dhawr jeer ku laalaabtay goobahaasi oo la sheegay inay fariisimo ku lahaayeen maleeshiyada Al-Shabaab.

Khasaaro kala duwan ayaa ka dhashay duqeynta taa oo soo gala gaartay maleeshiyaad taabacsanaa Al-Shabaab iyo dad rayid ah.

Warar madax-banaan ayaa sheegaya in duqeynta lagu dilay Horjooge ka tirsanaa Al-Shabaab iyo afar dagaalyahano oo isaga la soctay.

Horjoogaha iyo maleeshiyada la sheegay in lagu dilay duqeynta ayaa kamid ahaa xagjiriinta sida aadka ah loo baadi-goobayay.

Ma cadda ilaa hadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay duqeyntan, balse waxaa socda baaritaan arrintan la xiriirta.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com