“XASAN Sheekh damiir xumo ayey u tahay inuu xilka sii hayo waa inuu is casilaa” Waxaa yiri…

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo Maleeshiyaadka Al-shabaab ay laba jibaaren weerarada ay ku qaadayaan Xarumaha Dowlada iyo Goobaha ay ku kulmaan Bulshada ee sida gaarka ah loo leeyahay ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Nabadoon C/llahi Cusmaan oo kamid ah Odayaasha ugu caansan Muqdisho.

Nabadoonka ayaa sheegay in waxyaabaha ka dhacaaya Magaalada Muqdisho ay sumcad darro u tahay Madaxweyne Xassan waxa uuna ku baaqay inuu is casilo bacdamaa uu Somalia usii horseeday Burbur iyo kala fogaanshiyaha Bulshada.

Waxa uu sheegay in muddada uu Xassan Sheekh xilka hayo Somalia, gaar ahaan Magaalada Muqdisho ay ka dhaceen weeraro aan horay uga dhicin dalka.

Waxa uu nabadoonka sheegay in Somalia ay ugu xumeed xiligii uu Madaxweyne ka ahaa Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ay Al-shabaab ku jireen magaalada Muqdisho, hayeeshee aysan dhicin waxa iminka ka dhacaaya Magaalada Muqdisho.

Nabadoonka ayaa sheegay in Carruurtooda lagu haligaayo goobaha ay qaraxyada ka dhacayaan hadana aysan mushaar siineynin Dowlada, sidaa awgeed waxa uu ku baaqay in Xassan Sheekh uu xilka iska casilo inta aan shacabka ka hor imaan.

Dhanka kale, waxa uu shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan Hooyooyinka ay isha ku hayaan Carruurtooda ay Dowlada rasaasta u dhigeyso oo aan Mushaarka qaadan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com