Xasan Sh. oo u digay dhalinyarada joogta Sudan, Shabab-na cafiyay

Madaxweynaha jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo ku sugan dalka Sudan ayaa kulamo muhiim ah la qaatay dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Sudan.

Madaxweynaha oo qudbad ka hor jeedinayay Ardayda waxka barata jaamacadaha ku yaala Sudan ayaa ku dheeraaday ka hadalka dhalinyaradaasi waxyaabahya looga baahan yahay iyo sidii ay dib ugu laaban lahaayeen dalka Soomaaliya.

Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa dardaaran u jeediyay dhalinyarada Soomaalida ee ku sugan Sudan,wuxuuna shegay in dhalinyaradaasi uu kaga digayo inay u hanqal taagaan aadida tahriibka,wuxuuna tusaalo ugu soo qaatay dhalinyaradii ku dhimatay Liibiya dhawaan.

Sidoo kale madaxweynaha dalka ayaa ugu jeediyay dhalinyarada wax baranaysa inay ka faa’ideystaan fursada ay hayaan,kadibna ay usii faa’ideeyaan walaalahooda Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn ayuu sheegay in Alshabaab ay u furan tahay wadada kaliya ee ah inay ka mid noqdaan dadkooda,isagoo sheegay in cidna dib usii tixraaceynin falalkii ay geysteen,cafisna yihiin.