Xildhibaanada BF oo shaki isaga kala cararaya lagana cararayo.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo ay jiraan warar sheegaya in Qaraxii ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan nawaaxiga Garoonka Aadan Cadde ayaa waxaa soo baxaaya in weerarkaasi uu sababay in laga cabsado Xildhibaanada Baarlamaanka wakhtigiisa sii dhamaanaayo, kadib markii weerarkaasi uu fuliyay Xildhibaan hore.

Dadka magaalada Muqdisho, ayaa markii ay maqleen wararka sheegaya in Xildhibaan hore uu is qarxiyay, ayaa waxa ay bilaabeen inay ka cabsadaan Xildhibaanada iminka shaqeeya.

Waxaa sidoo kale soo baxaya warar sheegaya in xildhibaanada qudhooda ay iska kala shakinayaan ayna kala cararayaan, sababo la xiriiro in midkood uu is-qarxiyo.

Shacabku waxa ay qabaan inay dhicikarto in fal ceynkaasi ah ay fuliyaan Xildhibaanada iminka xilka uu kasii dhamaanaayo, maadaama Xildhibaankii hore uu ahaa mid da’ ah.

Hadal heynta ugu badan ayaa ah in Xildhibaanada iminka jira ay ku dhex jiri karaan kuwo la shaqeeya maleeshiyaadka Al-shabaab kuwaasi oo loo adeegsan karo weerarada soo socda.

Xildhibaanada qaar ee ka tirsan Baarlamaanka ayaa waxaa lagu xantaa inay xiriir la leeyihiin Al-shabaab, taasina ay suuragalinkarto in maleeshiyada Al-shabaab ay u fududeeyan howlo badan ka hor inta aysan kuraasta Baarlamaanka baneyn.

Hal ku dhiga Xildhibaanada ayaa waxa ay iminka magaalada Muqdisho ka tahay (Hayeey Xildhibaanka) taa oo ay dadku ula jeedan (Hayeey Xildhibaanka is qarxin raba).

Si kastaba ha ahaatee, cabsidaani laga qabo Xildhibaanada ayaa ka danbeysay kadib markii Ex Xildhibaan Badbaado uu noqday mudanihii ugu horeeyay ee fal ceynkaasi ah ka geysta magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com