Xog: Dilka Jeneraal Goobaale, siyaasad ma ku lug leedahay? (Tuhunno soo baxaya)

Muqdisho (Caasimada online) – Warar sirdoon oo ay heshey Caasimada Online ayaa lagu sheegay in ay soo baxayaan tuhunno ku saabsan cidda ka dambeysay qaraxii lagu dilay Jeneraal Maxamed Rooble Jimcaale Goobaale.

Dad ku dhow ehellada Jeneraal Goobaale oo codsaday inaan la magacaabin ayaa Caasimada Online u sheegay inaysan kooxda Al-Shabaab aysan ka dambeyn dilka Jeneraal Goobaale.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in Jeneraal Goobaale uu aad ugu xirnaa madaxweynahii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, uuna qaabilsanaa sugidda amnigiisa marka uu Muqdisho kasoo dego.

Inkasta ciidamada Uganda ay iyaguna qeyb ka yihiin sugidda amniga Shariifka, haddana Goobaale ayaa madax u ahaa saraakiisha Soomaalida ee Shariifka ku xirnaa.

Gen. Goobale ayaa si gaar ah wakiil uga ahaa sugidda amniga guriga madaxweyne Shariif Sheekh Axmed uu ka degayo Muqdisho, oo loo xil saaray inuu sii xaqiijiyo amnigiisa kahor inta aanu Shariifka soo degin.

Waxaa la sheegay in Goobaale uu ciidamo geeyey islamarkaana saaka tagay guriga Shariifka ee Muqdisho.

Goobaale oo horey uga tirsanaa maxkamadihii Islaamiga ahaa ayaa si aad ah ugu dhowaa madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

“Dilkan wuxuu u egyahay mid siyaasadeed balse xaqiiqda way soo bixi doontaa” Waxaa sidaas yiri qof ku dhowaa allaha u naxariistee Goobaale oo codsaday inaan la magaacbin.

Sidoo kale ilo-wareedyo ku dhow Shariifka ayaa sheegay inay qabaan tuhun noocaan ah.

“Waxaa yaab leh maxaa isku soo beegay dilkan iyo xilli Shariifka uu ku wajahan yahay magaalada Muqdisho, iyo ayada oo Goobaale uu saaka un tagay guriga Shariifka” Ayuu yiri qof ku dhow Shariifka oo codsaday inaan la magacaabin.

Uga yaraan 7 ruux oo uu ku jira taliyihii Guutada 3-aad ee CXD, Gen. Maxamed Rooble Jimcaale Gobaale ayaa ku geeriyooday weerarkan.

Illaa iyo hadda si rasmi ah looma oga cidda ka dambeysay weerarkan.

Dowladda Soomaaliya ayaan weli war rasmi ah kasoo saarin dilka allaha u naxariistee Jeneraal Goobaale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com