Maxaa ka cusub fadeexaddii XABSIGA dhexe ee Xamar iyo taliyihii u xirnaa?

Muqdisho (Caasimada Online) Warar hoose oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Xabsiga laga sii daayay Talihii Xabsiga dhexe ee xamar Gaashaanle Maxamed Xuseen Axmed oo loo yaqaan Sabdow , inkastoo aan la sheegin sababta dhabta ah ee ka dambesa sii deyntiisa.

Wararku waxay Tilmaamayaan in wali ragii lala Xiray Gaashaanle Sabdow ay xiran yihiin balse isaga iminka dib uu u helay Xuriyadiisa iyadoo aan wax Maxkamad ah lasoo saarin .

Raadiyaha Sky FM ayaa Baahiyay in lasii daayay Taliyaha Balse qaar ka mid ah ciidamada Asluubta oo qeyb ka ahaa Kiiska markii hore loo xiray Sabdoow wali ay yihiin kuwo xabsioga ku jira .

Taliyaha ayaa ku eedeysnaa inuu si qarsoodi ah kusii daayay eedeysane Shabaab ahaa oo ku xukunaa dil toogasho ah , kaas oo ka baxsaday Xabsiga Hanjabaadna  iminka ku haya Ilaaladii General Dhago Badan.

Eedeysanaha lasii daayay uu ku eedeysnaa isku dayga dil lala damacsanaa Abaanduulihii Ciidamada Xoogga dalka General: C/kariin Yuusuf aadan Dhaggo badan oo iminka dalka dibadiisa ku nool kadib markii xilkaas laga qaaday.

Majirto wax war ah oo arintaas ku aadan oo kasoo baxay Madaxda dowlada Soomaaliya  iyo waliba Garsoorka Soomaaliya oo arintan la rumeysan yahay inay saameynta ugu weyn ay ku leedahay .

Ilaaladii General: Dhagobadan ayaa sheegaya xilligan inay la kulmayaan Hanjabaadyo joogto ah oo ku aadan inuu dalayo ninkii dhawaan ka baxsaday Xabsiga dhexe ee Xamar ee Kiiskiisa loo xiray taliye Sabdow inkastoo dib iminka xuriyadiisa uu u helay

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com