Shabaab ka tahriibay SOMALIA oo ku biiray ISIS

Muqdisho (Caasimada Online) – Muuqaal cusub oo ay soo saareen xarunta Al-xayaat ee Daacish u qaabilsan dhanka warbaahinta iyo faafinta wararkooda ayaa waxaa kasoo muuqday xubno Soomaali ah oo Alshabaab ka tirsanaa.

Kooxdaasi ayaa la sheegay iney ka tahriibeen dalka Soomaalia aynasii mareen dhanka dalka Sudan iyaga oo tagay dalka Libya si ay ugu biiraan kooxda daacish ee ka dagaalama dalalka Syria iyo dalka Iraq.

Inka badan 10 dhalinyaro ah oo ka tirsanaan jiray Alshabaab ayaa u tahriibay dalka Libya, waxayna kasoo muuqdeen muuqaalka kooxda Daacish ay baahisay, iyadoo la sheegay in wajiyada u xirnaayeen ayna ku dhawaaqeen iney daacish kamid noqdeen.

Alshabaab dhexdooda waxaa ka taagan xiisad ka dhalatay kasii mid ahaanshaha ururweynaha Al Qaacida iyo iney la midoobaan kooxda qilaafada islaamiga ee Daacish, taasi oo sababtay iney dhinteen saraakiil sar sare oo saaxiibo dhow la ahaa hogaamiyaha Alshabaab.

Seddex maalin ka hor kooxda Alshabaab ayaa toogtay ku xigeenkii Alshabaab ee Jubbooyinka, kaasi oo la sheegay inuu waday qorshe ay kaga goosanayaan Alshabaab ayna ugu biirayaan kooxda Daacish.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com