XOG: Madaxweyne Xasan oo laga mamnuucay isticmaalka mid ka mid ah wadooyinka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) –  Wararka aan ka heleyno madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in Saraakiisha sare ee Ciidamada AMISOM ka jooga Somalia, ay madaxweyne Xassan Sheekh ka mamnuucen isticmaalka wadada Makka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho.

Saraakiisha oo kulan gaar ah la qaatay madaxweyne Xassan ayaa u sheegay in wakhtiga lagu jira aysan munaasab aheyn inuu isticmaalo wadada Makka Al-mukarama, kadib markii ay sheegen in ciidamada AMISOM ay ku adkaaneyso inay sugaan amaankiisa.

Sababta ugu weyn ee AMISOM ay madaxweynaha uga mamnuucday wadadaasi ayaa la sheegay inay tahay mashquulka wadadaasi oo labada dhinac ay ka yaalan gaadiid aan la garaneynin waxa ay yihiin iyo ujeedka halkaasi loo dhigay.

Madaxweyne Xassan ayaa waxaa lagu amray in bedelka wadada Makka Al-mukarama uu isticmaalo wadada kasoo baxda Villa Somalia ee gasha Degmada Xamar-weyne ee loo yaqaan ”Ceel-gaabta”.

Saraakiisha ciidamada AMISOM ee sida gaarka ah uga howlgala Villa Somalia ayaa walaac xoogan ka muujiyay xaqiijinta amaanka Madaxweyne Xassan Sheekh, mas’uuliyada koowad laga weydiinaayo AMISOM.

Amarkaani kadib ayaa waxa uu Xassan Sheekh mudooyinkaani danbe ahaa mid isticmaalaayay wadada Ceel-gaabta ee Degmada Xamar-weyne, sababa la xiriira dhanka amaankiisa.

Wadada Makka Al-mukarama oo ah mid aad u mashquul badan ayaa waxaa inta badan ka dhaca Qaraxyo iyo weeraro ismiidaamin ah, kuwaasi oo lala bartilmaameysto mas’uuliyiinta Dowlada iyo dadka waxtarka u ah Umadda Soomaaliyeed.

Arrintaani ayaa waxa ay imaaneysaa iyadoo dhawaan laamaha amaanka DF ay shaaciyeen in magaalada Muqdisho ay soo galeen gaadiid miineysan oo ay Al-shabaab u diyaarisay fulinta weeraro ismiidaamin ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com