Shabaab: 17-qof oo ay ku jiraan xubno IGAD ayaan ku dilnay qarixii Kismaayo

Muqdisho (Caasimada Online) Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada weerar ismiidaamin ah oo maanta lagu qaaday kolanyo uu la socday hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe),kaasoo lagu-doonayey in lugu qaarajiyo.

Afhayeenka dhinaca howlgalada Cabdicasiis Abuu Muscab, oo caawa la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in weerarkii Kismaayo ay dileen 17-qof oo 10 ka mid ah uu ku sheegay in ay ahaayeen saraakiil sare ee oo maamulka Axmed Madoobe iyo IGAD isugu jiray.

Wuxuu sheegay in Axmed Madoobe uu u shaqeeyo wax uu ugu yeeray cadowga Islaamka, wuxuuna sheegay in khasaaro xooggan uu ka soo gaaray weerarkaas.

Si kastaba, waxaa illo kala duwan oo ay la xiriirtay Shabakadda Caasimada Online, ay muujinayaan in weerarkii maanta ka dhacay Kismaayo dadka ku dhintay ay ku jiraan Turjumaankii  qaaska Axmed Madoobe, waardiyihiisa iyo xubno kale.

Axmed Madoobe oo shir jaraa’id galabta ku qabtay Kismaayo ayaa sheegay in aysan jirin dhibaato ka soo gaartay weerarkii lala beegsaday baabuurtii uu la socday.

Wararkii ugu dambeeyay ee Kismaayo aan ka helnay ayaa sheegaya in qaraxa ay ku dhimatay in ka badan 15 qof, ayna ku dhaawacantay ku dhowaad 30 kuwaasoo qaar kood loo qaaday caawa Kenya.

Caasimada Online

Xafiiskaa Wararka Nairobi