Xog: Muxuu yahay qorshaha xiga ee ururka Al-Shabaab? (Akhri)

Nairobi (Caasimada Online) – Ururka Alshabaaba ayaa soo saaray hanjabaado cusub oo ay u jeedinayaan dowlada Kenya, xili dhawaan Alshabaab ay weerar ka geysteen deegaanada waqooyi bari ee dalka Kenya.

Axmed Imaan Cali, oo ah wakiilka Alshabaab ee dalka Kenya ayaa sheegay in dhawaan ay kordhin doonaan dagaalka ka dhanka ah Kenya sida uu sheegay.

Wakiilka Alshabaab ayaa sheegay in ciidamada Alshabaab ay ku sugan yihiin gudaha dalka Kenya, ayna sugayaan in la siiyo amar ah iney kordhiyaan weerarada ay ka geysanayaan gudaha dalka kenya.

Sababta ay u kordhinayaan weerarada ka dhanka Kenya ayuu ku sheegay iney ugu horeyso dhibaatada ciidamada Kenya ay ka geysanayaan gudaha dalka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay inaysan marnaba u dulqaadaneyn in la dhibaateyo Bulshada ku nool dalka Kenya ee Muslimiinta ah.

Al Shabaab ayaa weeraro dhiig badan ku daatay ka fuliyay gudaha dalka Kenya welina waxa ay sii wadaan hanjabaadaha kala duwan ee ay u jeedinayaan shacabka iyo Dowladda Kenya.

Caasimada Online
Xafiiska Kenya
Caasimada@live.com