Al-Shabaab oo goowracay hooyo gabar ay dhashay u baxsatay Sweden

Barawe – (Caasimada Online) -Hooyo dhashay gabadh Al-Shabaab baadigoobayeen ayaa meeydkeeda laga helay Magaaladda Barawe ee Gobolka Shabeeladda hoose ,iyadoo madaxa laga jaray 1 October 2013.

Hooyadaan oo lagu magacaabo Sahra Mohamed Jamac ayey Al-Shabaab ku eedeyeen inay lacag siisay gabadh ay dhashay oo tahriib ku gashay dalka Sweden kadib markii ay ka baxsatay Xabsi Al-Shabaab sanadkii 2011.

Gabadha ay Al-Shabaab baadigoobayeen oo ah 23 Jir  la yiraa Farah Ahmed Faarah waxay Maqaayad ku lahaan jirtay tuulada Buula Xaaji oo ka tirsan gobolka Jubadda hoose ee Somalia.

Saraakiil Al-Shabaab ka tirsan ayaa  sheegay in Farah Ahmed uu jeclaa nin ka tirsan Saraakiisha sare ee Al-Shabaab.

Ninka jeclaa gabadha baxsatay oo rajo la qabay inay hooyadeed ka celiso dalka Sweden ayaa khaarijiyay ninkii qabay Farah Ahmed Faarah sanadkii 2012.

Marxuumka qabay gabadha baxsatay ee Al-Shabaab dileen waxaa lagu magacaabi jiray Hassan Jamal Mohamed sida ay Sunatimes.com u sheegeen dadka reer Buulo xaaji.

Saraakiisha amniyaadka Al-Shabaab waxay Hooyadeey goowraceen ku eedeeyeen inay lacag siisay gabadheeda Farah Ahmed,sidoo kalena waxay tibaaxeen inay cadeeymo muujinaya in gabadha iyo hooyada ku wada hadli jireen telefoon.

Lama oga sida ay ku heleen xogta laakiin ila wareedyo muhiima waxay sheegeen inay macluumaadyada gabadha iyo hooyadeed ka heleen Shirkadaha Xawaaladaha iyo Isgaarsiinta.

Hooyo Sahra Mohamed Jamac oo ay Al-Shabaab kala degeen baabuur xilli ay mareysay Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeelada hoose ,kama dhigna hooyadii ugu horeeysay ee argagixisada dileen.

Hooyooyin iyo Aabayaal badan oo gabdhahooda u diiday Al-Shabaab ayey hore u dileen argagixisada Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

Caasimada@live.com