Al-Shabaab oo ka khudbeeyay gudaha Kenya.!!

Gaarisa (caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan ururka Alshabaab oo la wareegay deegaan ku yaala duleedka Gaarisa ayaa hadal u jeediyay dadka deegaanka ee u dhashay dalka Kenya, halkaasi oo muddo ay gacanta ku hayeen ciidamada Alshabaab.

Ciidamada Alshabaab ayaa shacabka kula hadlay barxad ku taala deegaanka Kambere ee dalka Kenya, waxaana la ogeyn iney dhanka xuduuda ka gudbeen iyo iney kasoo baxeen deegaanka Keynta ah ee Boni.

Deegaanka Kambere, oo qiyaas ahaan 15 u jira magaalada Gaarisa ee xarunta waqooyi bari Kenya ayaa ciidamada tagay waxay ahaayeen kuwo badan, sida dadka deegaanka ay saxaafada u sheegeen.

Ciidamo boolis oo dowlada Kenya ay dhigtay deegaanka ayaa kala cararay markii naftooda ay kala baxeen Alshabaab, sababtoo wey ka warheleen baa la yiri iney halkaa Alshabaab ku wajahnaayeen.

Xubno alshabaab ah oo wajiyada soo xirtay ayaa shacabka Kampera kula hadlay meel fagaare ah, waxayna kaga digeen labo arin oo ah iney la shaqeeyaan ciidamada Kenya iyo iney gudbiyaan macluumaadka la xiriira askarta Alshabaab ka tirsan ee deegaanka tagay.

Maalin ka hor ayay markii Kenya ay ogaatay in Alshabaab badan ku faafeen dhanka xuduuda ayna ciidamo badan keentay deegaanada dhaca dhanka xuduuda Soomaaliya ay la wadaagto.

Caasimada Online
Xafiiska Gaarisa
Caasimada@live.com