Al-Shabaab oo war kasoo saartay qaraxii ciidamada Talyaaniga ee Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – War rasmi ah oo kasoo baxay maleeshiyada Al-Shabaab ayay ku sheegatay mas’uuliyadda weerarkii is-miidaaminta ahaa ee Muqdisho lagula beegsaday ciidamada Talyaaniga.

Al-Shabaab waxay sheegtay in dagaalyahan is-miidaamiye uu gaari miinaysan ku dhuftay kolonyo gaadiid ah xilli ay marayeen meel ku dhow wasaaradda Gaaashaandhigga ee Soomaaliya.

“Mujaahidiinta ayaa howlgal istish-haadi ah ku beegsaday kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen saraakiil katirsan saliibiyiinta Midowga Yurub xilli ay marayeen agagaarka wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho, khasaaraha cadowga gaarayna dib ayaan kasoo sheegi doonnaa haddii Alle idmo” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo Al-Shabaab ay ku baahiyeen warbaahintooda.

Dadka deegaanka ayaa waxa ay sheegayaan in marka uu qaraxa dhacay gaadiidka qufulan ay wataan ciidmada Talyaaniga ee qaraxa lala beegsaday ay rasaas fureen, islamarkaana khasaaro nafeed uu jiro.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa mid loo adeegsaday gaari NOHA ah oo waxyaabah qarxa laga soo buuxiyey, laguna weeraray gawaarida Ciidamada Talyaaniga ay la socdeen kuwaas oo Ciidamada dowladda ka caawiya dhinaca tababarada. Qof naftii hore ah ayaa la sheegay inuu waday baabuurka, kuna dhuftay ciidamada.

Qof ka mid ah dadka ku nool, agagaarka aargada degmada Dayniile oo ah halka uu qaraxa ka dhacay ayaa sheegtay inay aragtay dhaawac iyo dhimasho badan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com