Al-Shabaab oo xaqiijiyay geerida Sheekh Maxamed Maxamuud

Muqdisho (Caasimada Online) – Bayaan kasoo baxay ururka Alshabaab ayaa lagu xaqiijiyay in duqeyn dhanka cirka ah lagu dilay Sheikh Maxamed Maxamuud Dulyadeyn oo Alshabaab u qaabilsanaa weerarada ka dhaca waqooyi bari dalka Kenya, kana mid ahaa saraakiisha sar sare ee Alshabaab.

Qoraalka kasoo baxay Alshabaab oo luqada carabiga ku qornaa ayaa waxaa cinwaan looga dhigay tacsi ku socoto ummada islaam loogana tacsiyeynayo Sheikh Maxamed Maxamuud Cali Dulyadeyn.

Bayaanka Alshabaab ayaa lagu sheegay in bishii Shacbaan la dilay Dulyadeyn, islamarkaana uu helay waxii muddo 20 sano uu raadinayay, sida bayaanka lagu sheegay.

Al-shabaab waxay bayaankooda ku xaqiijiyeen in dagaalada Soomaaliya aysan joogsan doonin, haddii la dilo hogaamiye ama xubin iyaga kamid ah, ayna sii wadi doonaan fikradooda dagaalka.

Weerarka lagu dilay Dulyadeyn ayaa dhacay 31 May sanadkaan 2016 waxaana lagu dilay deegaanka Buulo gaduud oo qiyaastii 30 km u jira magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Bayaan uu 9-kii bishan soo saaray Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika, fadhigiisuna uu yahay Magaalada Stuttgart ee dalka Jarmalka, ayaa lagu sheegay in hawlgalka lagu dilay Dulyadeyn uu horkacaayay cutub ka tirsan Militariga Somaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com