ALPHA Group iyo AMISOM oo ka yaabsaday shacabka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowlada Soomaaliya ee sida gaarka u tababaran ee Alpha Group iyo ciidamada booliska AMISOM ayaa xalay saqdii dhexe baaritaan ka bilaabay xaafado ka tirsan degmooyinka Waaberi iyo Xamar Jajab ee gobolka Banaadir.

Ciidamada ayaa ilaa saaka guryaha kala baxayay dhalinyarada ku nool degmooyinkaasi, waxaana  howlgalkaasi uu ahaa mid la qorsheeyay oo lagu baadi goobayay dadka xiriirka la leh Al-shabaab.

Qaar kamid ah shacabka ku nool degmooyinka howlgalada ka socdeen ayaa sheegay iney la kulmeen ciidamo afka duuban xili ay hurdayeen guryahooda, waxaana la sheegay in dad badan guryaha lagala baxay.

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale sheegay ilaa waaberigii saaka in dhalinyarada iyo dad kalaba ciidamada ay kala baxeen xaafadooda ku yaala degmooyinkaasi, waxaana la iskugu geeyay barxado waaweyn oo ku yaala degmooyinkaasi.

Ciidamada ayaa howlgalo sidan oo kale ka sameeyay marar badan degmooyinkaasi waxaana su’aalo afka ah kadib la sii deyn jiray dadka qaarkood halka qaarkoodna loo kaxeyn jiray xabsiga ciidamadaasi ku leeyihiin magaalada Muqdisho.

Masuuliyiinta dowlada Soomaaliya ayaanan wali faahfaahin ka bixin howlgalkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com